8
1. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Berbera. Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Eng.Yusuf Mire Maxamed ayaa soo gebagabeeyey xidhitaan tartan ciyaareed koob ah oo ay ku tartamaayeen kuliyadaha kala duwan Ee 5Kuliyadood oo kamida jaamacadda Gollis Ee wax ka barta magaalada Berbera,kuwaasi oo ku kala ciyaarayey magacyada kuliyadahaasi,waxaana soo qaban qaabisay maamulka jaamacadda Gollis iyadoo ay fulinaayeen maamulka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL.
Waxaana halkaasi isugu soo baxay ardayda ku kala ciyaarayey kuliyadda IT-ga iyo kuliyadda development studies,waxaan halkaasi guushu ku raacday ardayda ku ciyaaraysey development studies oo rikoodhayaal ku qaaday iyadoo labadii half ee hore laysku mari waayey eber eber markii dambena rikoodhayaal loo dhigay. Isuduwaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Ee gobolka Saaxil ayaa ugu horeyn halkaasi ka sheegay inay ka wasaarad ahaan umahadcelinayaan xildhibaan naasir cali shire ahna gudoomiyaha jaamacadda gollis ee magaalada berbera sida uu u dhiirigelinaayo dhalinyaradda gobolka saaxil.