
2 minute read
Xuska Maalinta 26June oo Munaasibad Kubadeed lagu Qabtay Gobolka
from Jamhuuriyada Somaliland Waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Bilaha Jan-June 2020

39
Advertisement
Xuska Maalinta 26 June oo Munaasibad Kubadeed lagu Qabtay Gobolka Awdal.
Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa shalay ka Qeyb-galay Munaasibad lagu xusaayey 60-Guurada 26-June Ee kasoo wareegtay Maalinkii Somaliland Xornimada ka qaadatay ingiriiska,Taasi oo ciyaar lagu xusaayey lagu Qabtay Magaalada Boorama Ee Garoonka Xaaji Daahir Stadium.
Munaasibadan ayaa waxaa ugu horeynba waxaa furay Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi ayaa wuxuu munaasibadaasi ka sheegay taariikh kooban oo ka hadlaysa sida maalintani ay ugu weyn tahay Umadda somaliland meel kasta oo ay joogaan,runtiina ay tahay inaan ciyaar lagu xuso oo keliya aanay waxba ka taraynin laakiinse aynu ubaahanahay inaynu mideeno Dhalinyaradda reer Somaliland.
Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Ee G/Awdal Xasan Siciid DheelDheel ayaa isaguna ka warbixiyey tartankan inuu ahaa mid ay maalmihii udambeeyeen
40
ka shaqaynaayeen sidii uu u qabsoomi lahaa maantana aanu ku guulaysanay inaanu ka gobol ahaan aanu ka qeyb qaadano xuska 26June oo ah maalin qarankeena ku weyn una baahan inaynu dib isu xasuusino wixii dhacay wakhtigaasi oo ah mid aan la iloobi karaynin.
Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda JSL Samatar Maxamed Cabdillaahi ayaa isaguna sheegay inay ka xidhiidh ahaan soo dhawaynayaan inay mar walba ka qeyb qaataan dar-dar Gelinta iyo horumarinta dhalinyaradda Gobolka Awdal, oo iyagu mar walba udiyaara inay xirfadooda kubadeed kor usii qaadaan,ka xidhiidh ahaana aanu sii wadi doonaan tartamada aanu ka qabano Gobolka Awdal.
Labada kooxood ee kulankaasi dhexmaray ayaa ku kala ciyaaraayey Kooxda Barako Chai oo ka socotay magaalada hargaysa iyo Kooxda Godaad Trade oo matalaysey Magaalada Boorama, ciyaartaasi oo ahayd mid xamaasad badan ayaa kusoo Idlaatay barbaro 2 iyo 2 ah,ka dib waxaa loo dhigay rikoodhayaal taasi oo u saamaxday kooxda Barako Chai oo ka socotay Magaalada Hargeysa inay hanato Koobkaasi.



41








42


