
1 minute read
12.Tartanka Orod oo lagu Qabtay Gobolka Saraar
from Jamhuuriyada Somaliland Waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Bilaha Jan-June 2020

27
Advertisement
12.Tartanka Orod oo lagu Qabtay Gobolka Saraar.
Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL ayaa tartan Orod ah ku qabatay Gobolka Saraar,waxaana tartankaasi kasoo Qeyb-galay Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mustafe Cabdiraxmaan Xadi Isuduwaha WDH&Ciyaaraha JSL Ee Gobolka Saraar Xuseen Axmed Cawad Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Maxamed Nuux Jibriil iyo madax kala duwan oo ka socotay Dawladda Somaliland.
Munaasibadan ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Isuduwaha WDH&Ciyaaraha JSL Ee Gobolka Saraar Xuseen Axmed Cawad oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu goobjoog ahaado tartankan orodka ah,kaasi oo ka duwanaa tartamadii hore ee lagu qaban jiray G/Saraar,waxaanu sidoo kale bogaadiyey tartamayaashi ku guulaystay kaalmaha hore ee tartankaasi. Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mustafe Cabdiraxmaan Xadi ayaa wuxuu sheegay inay sii horumarin doonaan tartamada orodada ee ay ku qabtaan gobolada barri,taasoo maanta noo muuqata in jiilka hadda soo koroya ay kasoo baxayaan orodyahano wadanka sumcad iyo magacba u keenaya,waxayna taasi nagu dhiirigelinaysaa inaanu wixii aanu qabanay uu manta ka muuqdo dhalinyaradda Reer Somaliland.
Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Maxamed Nuux Jibriil oo Dhalinyaradda G/Saraar u sheegay inay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha garab istaagaan si loo qabto tartamo qurux badan oo ka qabsooma gobolkaasi.