
1 minute read
Hordhac
from Jamhuuriyada Somaliland Waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Bilaha Jan-June 2020
4
Hordhac
Advertisement
Buugan Waxaa soo saaray Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , waana buug sawir guud ka bixinaaya waxqabadka xukuumadda Ee ku Aadan dhinaca dhalinyaradda iyo ciyaaraha (January-June 2020).
Buugani wuxuu ka hadlayaa tartamada ciyaaraha ee qabsoomay kuwaas oo ka qabsoomay caasimadaha kala duwan ee gobolada waaweyn,arimaha Dhalinyaradda,arimaha ciyaaraha,arimaha lamaanaha oo ay ugu weyn tahay inay helaan fursadaha ragu ay helayaan xaga waxbarashada, shaqo abuurka iyo ciyaaraha kala duwan ee ay dhalinyaradda ragga ahi ciyaaraan,taasi oo marnaba ka hor imaanaynin diinteena suuban ee islaamka.iyo ugu dambayn qorshayaasha ay wasaaraddu u xilsaaran tahay sida qorshaha qaranka qeybta dhalinyaradda oo loo sameeyay xeeladii ama qaabdhismeedkii lagu fulinaayey qorshahaasi saddexda sano ee soo socda 2020-2022.
Xogaha ku qoran buugani waa qaar ay waxbadan ka faaidaysan karaan imika iyo mustaqbalkaba dadka xiiseeya inay waxbadan ka ogaadaan xaaladda Dhalinyaradda Somaliland iyo dhinaca ciyaarahaba,kuwa doonaya inay wax ka qoraan,kuwa daraasadaha sameeya,iyo ardayda waxbarashada ku guda jira ee samaynaaya cilmi baadhisaha,maadaama ay tahay xog sugan oo la hubo oo qof kastaa soo xaqiijin karo.
Buuggan waxaa isku dubariday isla markaana tafatiray Agaasimaha waaxda IT-ga & Xidhiidhka Dadweynaha Eng-Xusri Khadar Aw-Daahir.