
1 minute read
20.Tartanka Naadiyada Heerka Koowaad Ee Caasimadda Hargeysa oo
from Jamhuuriyada Somaliland Waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Bilaha Jan-June 2020
37
20.Tartanka Naadiyada Heerka Koowaad Ee Caasimadda Hargeysa oo laga Bilaabay.
Advertisement
Tartanka Naaddiyada Heerka Koowaad Ee magaalada hargeysa ayaa maanta si habsami Leh uga bilaabmay garoonka weyn Ee hargeysa Stadium,tartankan ayaa loogu magac-daray Ururka Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo Cup XKCSL oo Tartanka Naaddiyada Heerka koowaad ee Caasimadda Hargeysa si Rasmiya u Bilaabay iyo Naaddiyadii wada Ciyaaray
XKCSL ayaa Maantai si rasmiya uga bilaabay garoonka Hargeysa Stadium tartanka kubadda cagta naaddiyada heerka Koowaad ee Caasimadda Hargeysa, kaas oo ay ka qeyb-galayaan 12-ka naaddi oo toban kamid ahi ka dhisan yihiin caasimadda Hargeysa 2-da kooxood Ee kalena ka kala socdaan Gobolka Borama iyo Gobolka Saaxil kuwaas oo ka diiwan-gashan XKCSL.
Tartankan oo ay iska kaashadeen XKCSL iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa sidoo kale waxaa iyaguna qeyb ka ah Dallada Dhalinyaradda Ee

38
Sonyo, waxaana xafladdii furitaanka oo ka qabsoontay garoonka dhexdiisa ka soo qeyb-galay Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Eng. Yuusuf Mire Maxamed,Gudoomiyaha XKCSL,Xoghayaha Guud ee XKCSL, Gudoomiyaha Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo,agaasimaha Fulinta Ee Dallada Sonyo,Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maamulka iyo Macallimiinta naaddiyada ka qeyb-galaya tartanka iyo Marti-sharaf.
Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed ayaa ka Qeybgalay Xafladda Furitaanka Tartanka Naadiyadda Heerka koowaad Ee magaalada hargeysa,tartankan ayaa uu wasiirku sheegay inay tahay mid kor loogu qaadayo tayada iyo kubad wanaaga ay leeyihiin ciyaartooyda Reer Somaliland si loo helo ciyaartooyo dhisan oo matali kara Xulka Qaran-ka Somaliland.
Guud ahaanba Masuuliyiinta halka sarre ku xusan oo xafladda ka hadlay ayaa naddiyada ka qeyb-galaya tartanka kula dardaarmay inay akhlaaq wanaag iyo ciyaar qurux baddan soo ban-dhigaan, iyaga oo sidoo kalena Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo uga mahadceliyay qeybta laxaadka leh ee ay ka qaateen tartankan sidoo kalena umahdnaqay warbaahinta kala duwan ee ay kamidka yihiin Astaan Cable TV iyo True cable.Tv.
Tartankan oo ka kooban 3 Group oo guud ahaanba ciyaaraha maalin kasta si toos ah looga daawan doonaa Astaan Cable TV True cable tv, kaasi oo dadka awoodi kari waaya inay kasoo qeyb-galaan ay ka daawan karaan Tv’yada aanu soo sheegnay oo qeyb- weyn ka ah horumarka Ballaadhan ee Somaliland ku tallaabsanayso dhinaca Ciyaaraha.

