1 minute read

5. Xuska Maalinta Dhallinyaradda Somaliland ee UFFO 1982 oo

17

Advertisement

5. Xuska Maalinta Dhallinyaradda Somaliland ee UFFO 1982 oo lagu qabtay Magaalada Gabiley.

Xuska maalinta dhalinyaradda somaliland ayaa laysugu soo baxay barxadda bartanka garoonka magaalada Gebiley,iyagoo dadkaasi isku soo baxay ay ku lebisnaayeen calanka astaanta u ah qaranka jamhuuriyadda Somaliland,banaanbaxan ayaa daaranaa taariikhda 20-Feb-1982 maxkamadii xaqdarada ahayd ee dhalinyaraddii UFFO ee ka damqaday dhibaatooyinkii uu taliskii siyaad barre uu ku haayey shacabka reer Somaliland,taasii oo keentau dhagax-tuurkii iyo kacdoonkii ardaydii dugsiyada magaalada hargeysa.

Munaasibadan oo ay ka hadleen madax iyo shacabba ayaa lagu maamuusay muhiimada ay leedahay maalintani oo u baahan in la weyneeyo oo la xasuusto wixii dhacay maalintaasi,sidoo kale waxaa halkaasi laga sheegay in la gaarey xiligii ay dhalinyarada xoogooda isku geyn lahaayeen waayo aduunka ma jirto dhalinyaro Shaarka u cad yahay waa in ay dhalinyrada Somaliland Muruq iyo maskax isku geeyaan taas baa lagu dhisi karaa dalka.

Dhalinyaradda gobolka gebiley ayaa iyaguna tilmaamay inay aad ugu mahadnaqayaan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha JSL sida ay usoo qaban qaabisay xuska maalinta dhagax tuurka UFFO ee dhalinyaradda Somaliland.

This article is from: