
1 minute read
Hawd
from Jamhuuriyada Somaliland Waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Bilaha Jan-June 2020

29
Advertisement
14. Tartanka Naadiyada Heerka Koowaad oo lagu soo gebagabeeyey Gobolka Hawd.
Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos ayaa soo gebagabeeyey tartan ka socday Gobolka Hawd oo ay ku tartamaayeen 8-Kooxood oo ka mid ahaa naadiyada Heerka 1-aad Ee Gobolkaasi. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda & Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos ayaa sheegay inay maanta ku faraxsan yihiin inay soo gebagabeeyaan tartankan oo mudaba ka socday gobolka Hawd,sidoo kalena aanu ku faraxsanahay sida ay usoo wada ciyaareen kooxaha kala duwan waxaanan umahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo nagu hogaaminaayo siyaasadda dhalinyaradda oo ah in la horumariyo dhalinyaradda reer Somaliland si ay naftooda iyo qarankoodaba wax utaraan
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Isuwaha WDH&Ciyaaraha Mudane Iid Ciise Jaamac oo runtii ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee wasiirku ugu yimid gobolka hawd taasi oo dhiirigelin iyo bogaadin u ah dhalinyaradda G/Saraar ayna ku faraxsan yihiin sida wasiirkoodu u garab taagan yahay inuu ugu imaado mar walba oo ay ubaahan yihiin inuu garab istaago.
Waxaanu isuduwuhu kula dardaarmay inay ku dadaalaan inay ilaaliyaan anshaxa iyo kala dambeynta