1 minute read

13. Tartan Kubadda Cagta ah oo ka Qabsoomay Gobolka Salal

28

13. Tartan Kubadda Cagta ah oo ka Qabsoomay Gobolka Salal.

Advertisement

Tartan kubadda cagta ayaa lagu qabtay magaalada Saylac Ee Xarunta Gobolka Salal,qabanqaabada tartankan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Dhalinayaradda & Ciyaaraha JSL Iyo Dawladda Hoose Ee Gobolka Salal.

Tartankan ayaa waxaa kasoo Qeyb-galay Badhasaabka Gobolka Saraar Mudane Mowliid Maxamed Nuur,Duqa Degmada Saylac Sacad Daahir Cige Iyo Isuduwaha WDH&Ciyaaraha Gobolka Salal Axmed Maxamed Cilmi.

Tartankan ayaa wuxuu ku bilaabmay jawi aad ufiican oo labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad uqurux badan.

Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha ee G/Salal Axmed Maxamed Cilmi ayaa wuxuu ku bogaadiyey dawladda hoose ee gobolka salal iyo maamulka degmada caynabo sida quruxda badan ee ay gacanta uga geysteen inuu tartankani qabsoomo, sidoo kalena ay diyaar u yihiin ka wasaarad ahaan inaanu marwalba qabano tartamo joogto ah oo xidhiidha.

This article is from: