2 minute read

8. Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland Ee Gobolka Awdal

20

8. Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland Ee Gobolka Awdal.

Advertisement

Dadweyne aad u tiro badan ayaa Khamiistii dorraad isu-soo-bax ballaadhan ka dhigay fagaaraha Khayrida magaalada Boorame, bannaan baxaasi oo ay ku xisayeen maalinta dhalinyarada Somaliland ee 20-ka February 2020. Waxaana halkaasi hadallo taageero ah ka jeediyay Masuuliyiinta gobolka iyo ka degmada, madaxd-dhaqameed, haweenka iyo dhalinyarada kuwaasi oo dhammaantood taageeru ballaadhan u jeediyay hadalkii madaxweynaha Somaliland, iyada oo caddeeyay in aanay sinaba raali uga noqonayn in uu dalka yimaado madaxweynaha Soomaaliya.

Boorama Shacabka kala duwan ee ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa si ballaadhan u taageeray khudbadii Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), waxaanay farriin adag u direen madaxweynaha dawladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya

21

Maayarka magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xadi oo madashaasi hadal ka jeediyay ayaa yidhi “Bannaan baxan ballaadhan ee aynu isugu nimid waxay muujinaysaa in aynu taageersanahay Madaxweynaha Somalialnd, waxaynu muujinaynaa in aynu madaxweynaheena garabtaagannahay, waxay muujinaysaa in aynu garabtaagannahay khudbaddii madaxweynaheena.

Waxaynu halkan u taaganahay in aynu muujino qarannimadeena Somaliland, Boorame waa halkii lagu aasaasay jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu caddaynayanaa in aanu taageersanahay khudbadii iyo go’aankii madaxweynaha Somaliland.”

Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa isaguna goobtaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Boorame ee isu soo abaabulay in ay taageeraan Madaxweynahooda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo taageeraya khudbad sannadeedkii uu ka jeediyay golaha Baarlamaanka Somaliland, khudbadaasi oo ay duuduub ku qaateen.”

“Haddaanu nahay dadweynaha reer Boorame waxaanu halkan ka taageeraynaa khudbad sannadeedkii madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka jeediyay labada gole Baarlamaan, taas ayaanu aad u taageersanahay, waxaanu halkan ku muujinaynaa teegaarada aanu u hayno hadalkii madaxweynaha Somaliland iyo guud ahaan ba qarannimada Somaliland,” sidaana waxa yidhi xubno ka mid ah dadweynaha reer Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

22

9.Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Gobolka Awdal.

Tartanka Naadiyada heerka koowaad ee gobolka Awdal ayaa lasoo gebagabeeyey kadib markii halkaasi mudaba uu ka socday tartankaasi,iyadoo ay isugu soo hadheen kooxaha W.H.G,&Guriyaynta iyo W.X.Xoolaha waxaana ku guulaystay tartankaasi W.H.G.Guriyaynta oo 1;0 ugu awood sheegatay W.X.Xoolaha

Tartankan ayaa waxaa maageliyey Wasaaradda Dhalnyaradda iyo Ciyaaraha JSL taas oo loogu talogalay in guud ahaan Gobolada dalka Somaliland lagu qabto tartanka kooxaha heerka koowaad,intii tartankaasi uu soo socday ayaa waxaa ka warbixiyey isuduwaha WDH&Ciyaaraha Ee Gobolka Awdal Xasan Siciid Dheel-Dheel.

Tartankaasi ayaa waxaa ka Qeyb galay 16-Kooxood oo kooxaha heerka koowaad oo aanu hore ugu ballan qaadnay in gobolada oo dhan laga qaban doono,maantana aynu joogno ciyaartii kama dambayska ahayd ee koobka lagu kala qaadayey.

Sidoo kale dhalinyartu waxay ciyaaruhu u noqonayaan geed ay gabaad kaga dhigtaan balwadaha kala duwan iyo falalka gangska ah ee lagu dhacaayo hantida bulshada, ugu dambayn Isuduwuhu wuxuu mahad celin ballaadhan usoo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Ag/Guud Ee Wasaaradasi.

This article is from: