
2 minute read
2. Tartanka Naadiyadda Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa
from Jamhuuriyada Somaliland Waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Bilaha Jan-June 2020
10
Advertisement
Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi ayaa ka Qeyb-galay kulanka Finalka Tartanka Naaddiyada Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa,waxaa sidoo kale la socday Gdoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Maxamed Amiin Cabdi Cilmi,Gudoomiyaha Ururka Dallada Ee Sonyo Cabdicasiis Maxamed Jaamac,badhasaab ku-xigeenka Gobolka M/Jeex Khadar Baaruud iyo madax kala duwan.
Musaabidan ayaa ugu horayn ka hadlay Ag.Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi ayaa wuxuu sheegay inuu tartankani mid aad loo wada sugaayey,iyadoo ay ahayd markii koowaad oo tartan heer caalami ah loo qabto naadiyada heerka labaad Ee caasimadda hargeysa.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Maxamed Amiin Cabdi Cilmi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maanta arkaan waxqabadkoodii oo guualaystay juhdi badanna ay gelin doonaan inay sii wadaan oo ay kor uqaadi doonan tartamada kala duwan ee kubadda cagta JSL. Gudoomiyaha Ururka Dallada Ee Sonyo Cabdicasiis Maxamed Jaamac ahna



11
gudoomye ku-Xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL ayaa wuxuu tilmaamay isagoo ku hadlaaya afka gudoomiyaha ururka sonyo inuu xidhiidhka kubadda cagta kala shaqay doono sidii ay gacan weyn uga geysan lahaayeen dhiirigelinta dhalinyaradda reer somaliland.
Kulankan dhammaadka Tartanka Naaddiyada Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa 2019/20 oo ahaa kulankii 19-aad ee tartanka, ayaa ku bilaabmay awoodii ugu dambeysay oo ay labadda naaddi garoonka la soo galaan, taas oo mid walba ay ka go’neyd inay hantiyaan koobka tartanka, waxaana isla daqiiqaddiihii ugu horeeyay ee ciyaarta ee 4-aad iyo 8-aad 2-gool oo daran-doori ah la yimid naaddiga Ciidanka Ilaaladda Xeebaha, kuwaas oo ay u kala dhalliyeen Sadiiq Bille iyo Goolka labaad oo ka yimid laag xoogan oo ii birta ku dhuftay Cismaan Vidal kaas oo uu Goolhayaha Wasaaradda Waxbarashaddu uu isku dhaliyey.
Ciyaarta ayaa xiisaheeddii cirka isku sii shareertay, waxaana markale goolkoodii 3-aad la yimid Ciidanka Ilaaladda Xeebaha kaas oo uu daqiiqaddii 36-aad kubad karoos ka timid uu madaxa ku dhalliyey Maxamed Doox oo difaaca waayo-arrag ah, laakiin dedaalo ay sameeyeen naaddiga Wasaaradda Waxbarashaddu ayaa dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta la yimaadeen goolkoodii 1-aad, kaas oo weerar yahankooda Maxamed Khaatiyaan uu shabagga Ciidanka Ilaaladda Xeebaha ku hubsaday, kadib markii uu si qurux baddan goolhayaha ula dhaafay, waxaana lagu kala nastay 3:1.
12
Qeybtii labaad ee ciyaarta kadib wada-tashi labadda naaddiba la soo sameeyeen macallimiintooda ayaa waxaa Wasaaradda Waxbarashadda daqiiqaddii 71-aad suurtogashay inay goolkoodii 2-aad ee ciyaarta dhalliyaan, waxaana u saxeexay , intaas wixii ka dambeeyay waxaa maamulka iyo maareyntii ciyaarta la wareegay naaddiga Wasaaradda Waxbarashadda kuwaas oo fursaddo baddan la yimid, inkasta oo goolhuhu ka badbaadiyey.
Markale naaddiga Ciidanka Ilaaladda Xeebaha ayaa goolkoodii 4-aad la yimid xilli daqiiqaddihii dhammaadka ciyaarta ahayd, goolkaas oo rigoore ahaa ayaa waxaa u saxeexay weerar yahankooda Cabdiraxmaan Takar, waxaana aakhirkii ciyaartu ku soo gaba-gabawday 4:2 ay guushu ku raacday naaddiga Ciidanka Ilaaladda Xeebaha, sidaasna ku hantay Koobkii Tartanka Naaddiyada Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa 2019/20 noqdayna naaddiga Horyaalka Heerka Labaad ee Caasimadda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Guddoomiyaha XKCSL, Guddoomiye Ku-xigeenka XKCSL, Xoghayaha Guud ee XKCSL iyo Agaasimaha Dallada Dhallinyarada heer qaran ee SONYO ayaa guddoonsiiyay koobabkii kaalinta koowaad iyo labaad labadda kabtan, Billadihii ciyaartoyda iyo Abaal-marinaddii kale ee tartanka ee ciyaartoydii dedaalka la yimid intii tartanku socday.

