1 minute read

11.Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Saraar

Next Article
Hawd

Hawd

25

Advertisement

11.Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Saraar.

Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL ayaa soo qaban qaabisay Tartanka Kubadda Cagta Ee degmooyinka G/Saraar, taasoo ay ka qeyb galeen 4Degmo oo kala ah caynabo Oog,Wadaamago,Ceeg tartankaasi ayaa loogu magac daray tartanka nabadda iyo is-dhexgalka dhalinayaradda G/Saraar.

Waxaana munaasibadaasi kasoo qeyb-galay Isuduwaha Wasaaraddda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Xuseen Axmed Cawad iyo Mubaarik Cabdillaahi Axmed oo kamida jaaliyadda gobolka saraar oo ka imid dalka dibadisa ayaa qeyb weyn isaguna ka qaatay inuu tartankani qabsoomo.

Waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Isuduwaha Wasaaraddda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Xuseen Axmed Cawad ayaa sheegay sida tan”waxaanu ku faraxsanahay inaanu maanta daahfurno tartanka Degmooyinka G/Saraar oo mudaba qabanqaabadiisa kusoo jirnay, maantana aanu joogno munaasibadii furitaanka tartanka,waxaanan qorsheynay in aanu sanad walba hal mar qaban doono kuna dadaali doono inaanu hormar ballaadhan ka samayno dhinaca kubadda cagta.

26

Sidoo kale wuxuu sheegay Isuduwuhu in dadwynaha ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ee aan u suuro gelin inay garoonka imaadaan ay si LIVE ah uga daawan karaan TV-ga Qaranka oo ciyaar weliba si toos ah uga socon doonto.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Mubaarik Cabdillaahi Axmed oo kamida jaaliyadda gobolka saraar ayaa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ballaadhan ee G/Saraar uu ka sameeyay dhinaca kubadda cagta,runtiina ay ku garab istaagi doonaan wax kasta oo ay ubaahan yihiin dhalinyaradda gobolku si ay kor ugu qaadaan xirfadooda kubadeed iyagoona uga fogaanaya dhamaan waxyaalaha maanka dooriya oo khatar caafimaad ukeeni karaa noloshaada.

Waxaanan umahadcelinayaa Wasaaradda Dhalinyaradda & Ciyaaraha JSL oo garab taagan dhamaan Dhalinyaradda Reer Somaliland.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay ciyaartooyo ku hadlaayey afka degmooyinka ay ku ciyaarayaan oo runtii ku booriyey Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha inay han iyo yididiilo ku abuurtay dhalinyaradda G/Saraar oo markii hore islahaa masamayn kartaan horumar dhinaca kubadda cagta ah maantana jaanis weyn usiiyay in xirfadahooda kubadda cagta ay soo bandhigaan kuna meel maraan.

Maamulka G/Saraar ayaa Gebagabadii waxay kula taliyeen shacabka reer caynabo inay ilaaliyaan nabadgelyada oo ay ku dadaalaan xasilooni intay ciyaaruhu dhamaanayaan, sidoo kale in kooxuhu kuwada ciyaaraan ixtiraam iyo isqadarin inta ciyaartu socoto.

This article is from: