
1 minute read
10. Tartanka Orodka Marathonka 42km iyo 10km Oo Hargeysa Lagu Qabtay
from Jamhuuriyada Somaliland Waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Bilaha Jan-June 2020

23
Advertisement
Tartanka Orodka Marathonka 42km iyo 10km Oo Saaka Hargeysa Lagu Qabtay Wasiirada Wasaaaradaha Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Eng.Yusuf Mre Maxamed ayaa maanta soo gabo-gabeeyay tartanka orodada Maradoonka ee 42km iyo 10km oo ay ku tartamayeen dhallinyaro badan oo isaga kala yimid dhamaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
Tartankan oo ahaa kii saddexaad ee lagu qabto Somaliland oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland waxaa qaban-qaabadiisa qaybta ugu weyn ka qaadatay shirkadda Dahabshiil Group, iyo shirkadaha SBI Sagal Jet iyo cusbitaalka Edna Aadan.
Tartankan ayaa waxaa si wayn uga dhex muuqday Gabdho ku ordayay 10-ka KM Waxaana uu ahaa markii sadexaad ee ay ka qeybgalaan tartankaasi oo ubaahnaa dadaal weyn iyo tababar badan,sidoo kale tartamayaasha waxaa ka muuqday diyaar garow ballaadhan.
Tartankan ayaa 42KM waxaa kaalinta koowaad galay Maxamed oo ka socday Gobolka M/Jeex, 10KM ayaa waxaa isaguna kaalinta koowaad galay Siciid Faarax oo ka socday Gobolka M/Jeex dhinaca hablahana 10KM waxaa kaalinta koowaad gashay Hana Mukhtar Cabdillaahi.
24
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa sheegay in tartankani uu dhici doono sanad walba hal mar si kor loogu qaado ciyaaraha fudud ee Somaliland,taasoo maantaba aynu arkayno in kaalmihii ugu horeeyay ay ku guulaysteen dhalinyaradda reer Somaliland.

Gebo-gebadiina waxa halkaasi abaal-marinno iyo shahaadooyin la guddonsiiyay dhallinyaradii ku guulaystay kaalmaha hore


