1
2
Designed & Printed by:
3
Waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Bilaha Jan-June 2020
4
B
Hordhac
uugan Waxaa soo saaray Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , waana buug sawir guud ka bixinaaya waxqabadka xukuumadda Ee ku Aadan dhinaca dhalinyaradda iyo ciyaaraha (January-June 2020).
Buugani wuxuu ka hadlayaa tartamada ciyaaraha ee qabsoomay kuwaas oo ka qabsoomay caasimadaha kala duwan ee gobolada waaweyn,arimaha Dhalinyaradda,arimaha ciyaaraha,arimaha lamaanaha oo ay ugu weyn tahay inay helaan fursadaha ragu ay helayaan xaga waxbarashada, shaqo abuurka iyo ciyaaraha kala duwan ee ay dhalinyaradda ragga ahi ciyaaraan,taasi oo marnaba ka hor imaanaynin diinteena suuban ee islaamka.iyo ugu dambayn qorshayaasha ay wasaaraddu u xilsaaran tahay sida qorshaha qaranka qeybta dhalinyaradda oo loo sameeyay xeeladii ama qaabdhismeedkii lagu fulinaayey qorshahaasi saddexda sano ee soo socda 2020-2022. Xogaha ku qoran buugani waa qaar ay waxbadan ka faaidaysan karaan imika iyo mustaqbalkaba dadka xiiseeya inay waxbadan ka ogaadaan xaaladda Dhalinyaradda Somaliland iyo dhinaca ciyaarahaba,kuwa doonaya inay wax ka qoraan,kuwa daraasadaha sameeya,iyo ardayda waxbarashada ku guda jira ee samaynaaya cilmi baadhisaha,maadaama ay tahay xog sugan oo la hubo oo qof kastaa soo xaqiijin karo. Buuggan waxaa isku dubariday isla markaana tafatiray Agaasimaha waaxda IT-ga & Xidhiidhka Dadweynaha Eng-Xusri Khadar Aw-Daahir.
5
W
Odhaahda Wasiirka
axaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo nagu hagay siyaasadda ku qotonta waxqabad, horumar, iyo ka midho dhalinta barnaamijyo hufan oo waxtar uleh bulshada Somaliland. Waxaan kale oo aan umahadaqayaa madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo marwalba nala garab taagan dhiirigelin ku saabsan dhalinyaradda iyo ciyaaraha,sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa wasiirka wasaaradda aeimaha gudaha JSL Mudane Maxamed kaahin Axmed oo marwalba gacan naga siiya sidii wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaruhu u gudan lahayd waajibaadkeeda shaqo,waxaa kaloo xusid mudan taliska Billayska Somaliland oo mar walba gacan naga siiya ilaailnta nabadgelyada wakhtiga tartamada ciyaaruhu socdaan. Waxqabadkani waa mid ku qotoma dadaalka ay wasaaradda ugu jirto sidii ay u fulin lahayd barnaamijka xisbiga kulmiye iyo qorshaha qaranka ee labaad (National Development plan II). wasaarad ahaan waxaanu mudnaanta siinay fulinta taratamada ciyaaraha ee kala duwan sida kubadda cagta,kubadda Koleyga,Ciyaaraha Fudud,Chesta,juuduuga iyo Tenniska,waxaa kale oo aanu mudnaanta siinay in aqoonta tababarayaasha la fuliyo,sidoo kale tababar loo qabto dhalinyaradda ku kala sugan gobolada kala duwan ee dalka. Wacyigelinna laga siiyo sidii ay uga fogaan lahaayeen mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan. Waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba umahadnaqayaa Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi,Madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) Iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Badhasaabka Gobolka M/Jeex Jaamac X. Axmed Cabdi, Gudoomiye ku-Xigeenka Gobolka M/Jeex Khadar Baaruud Cumar, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud, oo iyaga la’aantood aan la gaadheen horumarka iyo waxqabadka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaruhu ay Qabatay. Waxa aan si gaara ugu mahad naqayaa Axmed Faarax Cadarre oo ahaa ciyaartoy Reer Somaliland oo runtii si mutadawacnimo ah ula soo shaqaynaayey W.Dh. Ciyaaraha
6
Tusmada Hordhac.......................................................................................................................4 Odhaahda Wasiirka.....................................................................................................5 1. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Berbera.......................8 2. Tartanka Naadiyadda Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa.......................10 3. Tartanka Naadiyada Heerka Saddexaad ee
Caasimadda Hargeysa.........13
5. Xuska Maalinta Dhallinyaradda Somaliland ee UFFO 1982 oo..........................17 6. Tartan Lagu Xusaayey Maalinta Dhalinyaradda Somaliland................................18 7. Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu xusaayey Maalinta Dhalinyaradda................19 8. Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland Ee Gobolka Awdal...........................20 10. Tartanka Orodka Marathonka 42km iyo 10km Oo Hargeysa Lagu Qabtay.....23 11.Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Saraar.............................25 12.Tartanka Orod oo lagu Qabtay Gobolka Saraar...................................................27 13. Tartan Kubadda Cagta ah oo ka Qabsoomay Gobolka Salal.............................28 14. Tartanka Naadiyada Heerka Koowaad oo lagu soo gebagabeeyey
Gobolka
Hawd............................................................................................................................29 15.Tartan Orod oo Half-Marathon ah oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa..........30 16.Tartan Kubadda Cagta ah oo Lagu Soo Geba Gabeeyey Magaalada Burco.....32 17.Tartan Kubadda Cagta ah ee Dugsiyada Sare ee Boorama ayaa lagu soo.......34 18. Tartan Kubadda Cagta oo lagu Qabtay Oodweyne.............................................35
7
19.Tartan Kubadda Cagta oo lagu Qabtay Magaalada Ceerigaabo........................36 20.Tartanka Naadiyada Heerka Koowaad Ee Caasimadda Hargeysa oo...............37 Xuska Maalinta 26June oo Munaasibad Kubadeed lagu Qabtay Gobolka ............39
8
1. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Berbera. Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Eng.Yusuf Mire Maxamed ayaa soo gebagabeeyey xidhitaan tartan ciyaareed koob ah oo ay ku tartamaayeen kuliyadaha kala duwan Ee 5Kuliyadood oo kamida jaamacadda Gollis Ee wax ka barta magaalada Berbera,kuwaasi oo ku kala ciyaarayey magacyada kuliyadahaasi,waxaana soo qaban qaabisay maamulka jaamacadda Gollis iyadoo ay fulinaayeen maamulka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL.
Waxaana halkaasi isugu soo baxay ardayda ku kala ciyaarayey kuliyadda IT-ga iyo kuliyadda development studies,waxaan halkaasi guushu ku raacday ardayda ku ciyaaraysey development studies oo rikoodhayaal ku qaaday iyadoo labadii half ee hore laysku mari waayey eber eber markii dambena rikoodhayaal loo dhigay. Isuduwaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Ee gobolka Saaxil ayaa ugu horeyn halkaasi ka sheegay inay ka wasaarad ahaan umahadcelinayaan xildhibaan naasir cali shire ahna gudoomiyaha jaamacadda gollis ee magaalada berbera sida uu u dhiirigelinaayo dhalinyaradda gobolka saaxil.
9
Gudoomiyaha jaamacadda Gollis Naasir Cali Shire ayaa sheegay inay tartankan uga dan lahaayeen inay kor uqaadaan tayada iyo horumarka dhalinyaradda gobolka saaxil ee dhinaca ciyaaraha.
Ugu dambayn waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Eng.Yusuf Mire Maxamed Boos oo gudoonsiiyiey abaalmarintii kuliyadii ku guulaysatay koobkaasi, runtiina ku amaanay jaamacadda Gollis maamulkeeda sida muga iyo miisaanka leh ee ay u garab taagan yihiin kor u qaadida tayada dhalinyaradda reer Somaliland.
10
2. Tartanka Naadiyadda Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa. Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi ayaa ka Qeyb-galay kulanka Finalka Tartanka Naaddiyada Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa,waxaa sidoo kale la socday Gdoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Maxamed Amiin Cabdi Cilmi,Gudoomiyaha Ururka Dallada Ee Sonyo Cabdicasiis Maxamed Jaamac,badhasaab ku-xigeenka Gobolka M/Jeex Khadar Baaruud iyo madax kala duwan. Musaabidan ayaa ugu horayn ka hadlay Ag.Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi ayaa wuxuu sheegay inuu tartankani mid aad loo wada sugaayey,iyadoo ay ahayd markii koowaad oo tartan heer caalami ah loo qabto naadiyada heerka labaad Ee caasimadda hargeysa.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Maxamed Amiin Cabdi Cilmi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maanta arkaan waxqabadkoodii oo guualaystay juhdi badanna ay gelin doonaan inay sii wadaan oo ay kor uqaadi doonan tartamada kala duwan ee kubadda cagta JSL. Gudoomiyaha Ururka Dallada Ee Sonyo Cabdicasiis Maxamed Jaamac ahna
11 gudoomye ku-Xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL ayaa wuxuu tilmaamay isagoo ku hadlaaya afka gudoomiyaha ururka sonyo inuu xidhiidhka kubadda cagta kala shaqay doono sidii ay gacan weyn uga geysan lahaayeen dhiirigelinta dhalinyaradda reer somaliland. Kulankan dhammaadka Tartanka Naaddiyada Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa 2019/20 oo ahaa kulankii 19-aad ee tartanka, ayaa ku bilaabmay awoodii ugu dambeysay oo ay labadda naaddi garoonka la soo galaan, taas oo mid walba ay ka go’neyd inay hantiyaan koobka tartanka, waxaana isla daqiiqaddiihii ugu horeeyay ee ciyaarta ee 4-aad iyo 8-aad 2-gool oo daran-doori ah la yimid naaddiga Ciidanka Ilaaladda Xeebaha, kuwaas oo ay u kala dhalliyeen Sadiiq Bille iyo Goolka labaad oo ka yimid laag xoogan oo ii birta ku dhuftay Cismaan Vidal kaas oo uu Goolhayaha Wasaaradda Waxbarashaddu uu isku dhaliyey.
Ciyaarta ayaa xiisaheeddii cirka isku sii shareertay, waxaana markale goolkoodii 3-aad la yimid Ciidanka Ilaaladda Xeebaha kaas oo uu daqiiqaddii 36-aad kubad karoos ka timid uu madaxa ku dhalliyey Maxamed Doox oo difaaca waayo-arrag ah, laakiin dedaalo ay sameeyeen naaddiga Wasaaradda Waxbarashaddu ayaa dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta la yimaadeen goolkoodii 1-aad, kaas oo weerar yahankooda Maxamed Khaatiyaan uu shabagga Ciidanka Ilaaladda Xeebaha ku hubsaday, kadib markii uu si qurux baddan goolhayaha ula dhaafay, waxaana lagu kala nastay 3:1.
12
Qeybtii labaad ee ciyaarta kadib wada-tashi labadda naaddiba la soo sameeyeen macallimiintooda ayaa waxaa Wasaaradda Waxbarashadda daqiiqaddii 71-aad suurtogashay inay goolkoodii 2-aad ee ciyaarta dhalliyaan, waxaana u saxeexay , intaas wixii ka dambeeyay waxaa maamulka iyo maareyntii ciyaarta la wareegay naaddiga Wasaaradda Waxbarashadda kuwaas oo fursaddo baddan la yimid, inkasta oo goolhuhu ka badbaadiyey. Markale naaddiga Ciidanka Ilaaladda Xeebaha ayaa goolkoodii 4-aad la yimid xilli daqiiqaddihii dhammaadka ciyaarta ahayd, goolkaas oo rigoore ahaa ayaa waxaa u saxeexay weerar yahankooda Cabdiraxmaan Takar, waxaana aakhirkii ciyaartu ku soo gaba-gabawday 4:2 ay guushu ku raacday naaddiga Ciidanka Ilaaladda Xeebaha, sidaasna ku hantay Koobkii Tartanka Naaddiyada Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa 2019/20 noqdayna naaddiga Horyaalka Heerka Labaad ee Caasimadda. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Guddoomiyaha XKCSL, Guddoomiye Ku-xigeenka XKCSL, Xoghayaha Guud ee XKCSL iyo Agaasimaha Dallada Dhallinyarada heer qaran ee SONYO ayaa guddoonsiiyay koobabkii kaalinta koowaad iyo labaad labadda kabtan, Billadihii ciyaartoyda iyo Abaal-marinaddii kale ee tartanka ee ciyaartoydii dedaalka la yimid intii tartanku socday.
13
3. Tartanka Naadiyada Heerka Saddexaad ee Caasimadda Hargeysa. Wasaaradda WDH&Ciyaaraha JSL oo kaashanaysaa Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL ayaa waxay qabatay tartanka naadiyada Heerka Sadexaad Ee Caasimada hargeysa,kaas oo ay ka qeyb-galeen 10-ka naaddi ee ka dhisan caasimadda Hargeysa kuwaas oo ka diiwan-gashan XKCSL.
Tartankan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland & XKCSL ayaa sidoo kale waxaa iyaguna qeyb ka ahaa Astaan Cable TV,munaasibadan gebagabada tartanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Xoghayaha Guud ee XKCSL iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maamulka iyo Macallimiinta naaddiyada ka qeyb-galaya tartanka iyo Marti-sharaf. Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL ayaa wuxuu halkaasi ka sheegay in ka wasaarad ahaan ay dadaalo badan ugu jiraan sidii ay u horumarin lahaayeen ciyaaraha kala duwan ee dalka, taasoo gobolada oo dhan laga qabanaayo tartamo kala duwan oo heer calami ah.
14
Agaasimaha Waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil ayaa isaguna ku bogaadiyey cid walba oo tartankaas qeyb ka ahayd sidii uu u hirgeli ahaa,waxaanu kula dardaarmay kooxaha inay si qurux badan ay u ciyaaraan akhlaaq wanaagna ay la imaadaan.
Waxaa gebagabadii munaasibada isaguna halkaasi hadal ka jeediyey xoghayaha Kubadda Cagta Somaliland Samatar Maxamed Cabdillaahi oo sheegay inay ka xidhiidh ahaan ku bogaadinayaan sida quruxda badan ee wasaaradda dhalinayaradda ciyaaruhu u garab taagan tahay tartan walba oo xidhiidhku qabanaayo,sidoo kalena sheegay in Tartankaasi ka koobnaa 3 Group. Sidoo kalena mahadnaq usoo jeediyey Tv’ga Astaan Cable Tv oo qeyb weyn ka geystey tartankaasi iyo Tv,yada sida Live ka usoo daynaayey maalin walba oo tartankaasi socday. Xubin ka socotay shirkadda Astaan Cable Tv ayaa halkaasi wuxuu ka sheegay inay ku faraxsan yihiin sida quruxda badan ee ay wasaaraddu u qabatay tartanka naadiyada heerka sadexaad kuna bogaadinayaan inay halkaasi ka wadaan dadaalada lagu horumarinaayo ciyaaraha Somaliland.
15
4. Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland oo Hargeysa Lagu Qabtay. Jimco, Febraayo 21, 2020(HOL)–Somaliland ayaa laga xusay maalinta dhallinyarada Somaliland oo sanad walba la xuso maanta oo kale. Maalin ayaa looyaqaan dhagax tuurka, waxaana dhacday dhalinyaro gadoodsan oo ka cadhooday aqoonyanno reer Somaliland oo danta guud u kacay markii dawladii kacaanku xabsiga u taxaabtay, taas oo keentay inay iska hor yimaadaan ciidamda dawlada iyo dhalinyaradii oo dhagaxaan sita, halkaasi oo dhimasho iyo dhaawacba ka dhacday. Dhallinyaro aqoonyahan ah ayaa samaysatay ururkii UFFO, kuwaas oo wax badan ka qabtay xaaladii cisbitaalka guud ee Hargeysa ka jirta, haseyeeshee waxa arrintaasi diidanayd dawladdi kacaanka, sidaas baa xabsiga loogu gurey qaarkoodna loogu xukumay xabsi daa’in.
16
Munaasibada lagu xusayo maalintan ayaa lagu qabtay beerta xorriyadda, taas oo ay ka soo qaybgalleen madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka warfaafinta, maayarka caasimada,dallada dhalinyarada SONYO, iyo ururkii UFFO ee munaasibadani ka dhallatay. Sidoo kale, waxa lug lagu soo maray xafiiska dhalllinyarada SONYO illaa taaladda loo sameeyey wiilkii dhalinyarada ahaa ee maalintaasi geeriyooday madaxdii munaasibada ka soo qaybgashay iyo ardayda dugsiyada sare. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka qaybgalay xuska dhalinyarada ayaa sheegay in Soomaaliya ku wada hadli karaan fagaare caalami ah balse aan qol hoostii lagu wada hadleen. Wasiirka WDH&Ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed ayaa halkaasi ka sheegay wixii ka dhacay 1981 ee loogu geystey Dhalinyaradda Reer Somaliland Ee wakhtigaasi Joogtay,maantana ay farxad noo tahay inaanu ka xusno Gobolada Oo Dhan Ee Wadanka Somaliland..
Dhinaca kale, goboladda Awdal, Gabiley iyo Saaxil ayaa dadweynuhu sameeyeen iskugu soo bax lagu taageerayo go’aankii madaxweyne Biixi ku diiday in madaxweynaha Soomaaliya yimaado Somaliland, kuwaas oo si weyn uga soo horjeestay.
17 5. Xuska Maalinta Dhallinyaradda Somaliland ee UFFO 1982 oo lagu qabtay Magaalada Gabiley. Xuska maalinta dhalinyaradda somaliland ayaa laysugu soo baxay barxadda bartanka garoonka magaalada Gebiley,iyagoo dadkaasi isku soo baxay ay ku lebisnaayeen calanka astaanta u ah qaranka jamhuuriyadda Somaliland,banaanbaxan ayaa daaranaa taariikhda 20-Feb-1982 maxkamadii xaqdarada ahayd ee dhalinyaraddii UFFO ee ka damqaday dhibaatooyinkii uu taliskii siyaad barre uu ku haayey shacabka reer Somaliland,taasii oo keentau dhagax-tuurkii iyo kacdoonkii ardaydii dugsiyada magaalada hargeysa.
Munaasibadan oo ay ka hadleen madax iyo shacabba ayaa lagu maamuusay muhiimada ay leedahay maalintani oo u baahan in la weyneeyo oo la xasuusto wixii dhacay maalintaasi,sidoo kale waxaa halkaasi laga sheegay in la gaarey xiligii ay dhalinyarada xoogooda isku geyn lahaayeen waayo aduunka ma jirto dhalinyaro Shaarka u cad yahay waa in ay dhalinyrada Somaliland Muruq iyo maskax isku geeyaan taas baa lagu dhisi karaa dalka. Dhalinyaradda gobolka gebiley ayaa iyaguna tilmaamay inay aad ugu mahadnaqayaan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha JSL sida ay usoo qaban qaabisay xuska maalinta dhagax tuurka UFFO ee dhalinyaradda Somaliland.
18
6. Tartan Lagu Xusaayey Maalinta Dhalinyaradda Somaliland Ee 20 February Oo Gabiley Lagu Qabtay. Tartano kubadda cagta ah ayaa ka qabsoomay Goboladda kala duwan ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Ceerigaabo,Gebiley,Gar’adag,Buuhoodle,Ceelafweyn,Caynaba iyo Caasimadda Hargeysa Taas oo si weyn looga xusay maalinta Dhalinyaradda Somaliland oo ku beegnayd 20ka February. Munaasibadan ayaa guud ahaan maaanta si balaadhan looga xusay dhamaan gobalada iyo dagmooyinka Somaliland ayaa waxa barbar socday tartamo kubada cagta ah oo lagu xusaayay maalinta Dhalinyaradda Somaliland. munaasibadan waxa soo qabanqaabisay dallada ay ku midoobeen dhalinyaradda Somaliland Ee SONYO.
Munaasibadan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay maamulka Gobolka Gebiley oo ka hadlay in maalintani ay tahay maalin ku weyn shacabka reer Somaliland meel kasta oo daafaha dunida ka joogaan,taariikh kooban oo ka hadlaysa maalintanna ay halkaasi ka sheegeen si dhalinyaradda reer Somaliland ee wakhtigaasi soo gaadhin ay aqoon kororsi ugu noqoto.
19
7. Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu xusaayey Maalinta Dhalinyaradda Somaliland oo lagu qabtay Magaalada Berbera. Tartan kubadda cagta ah oo lagu xusaayey Maalinta Dhalinyaradda Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada berbera gaar ahaan garoonka Cabdalle Stadium waxaana koobkaasi dhexmaray labada kooxood ee kala ah Naadiga W.Horumarinta Maaliyadda & Ciidamada Booliska. Waxaana munaasibadaas kasoo qeyb-galay Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Shaafici Jaamac Aadan iyo Maamulaha Kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro ayaa iyaguna sheegay inay umahadcelinayaan Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL oo ku garab taagan inuu gacan weyn ka siiyo hawl kasta oo ay qabanayaan.
Sidoo kalena dhalinyaradii hore ee ka ciyaari jiray gobolka saaxil ayaa tilmaamay in dhalinyaradda Somaliland ay yihiin 70% taasoo ubaahan in laga faaidaysto awoodaha kala duwan,waxaanay inoo horseedi kartaa in qarankeenu isku filnaansho ka gaadho dhinac kasta oo horumarineed.
20
8. Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland Ee Gobolka Awdal. Dadweyne aad u tiro badan ayaa Khamiistii dorraad isu-soo-bax ballaadhan ka dhigay fagaaraha Khayrida magaalada Boorame, bannaan baxaasi oo ay ku xisayeen maalinta dhalinyarada Somaliland ee 20-ka February 2020. Waxaana halkaasi hadallo taageero ah ka jeediyay Masuuliyiinta gobolka iyo ka degmada, madaxd-dhaqameed, haweenka iyo dhalinyarada kuwaasi oo dhammaantood taageeru ballaadhan u jeediyay hadalkii madaxweynaha Somaliland, iyada oo caddeeyay in aanay sinaba raali uga noqonayn in uu dalka yimaado madaxweynaha Soomaaliya.
Boorama Shacabka kala duwan ee ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa si ballaadhan u taageeray khudbadii Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), waxaanay farriin adag u direen madaxweynaha dawladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya
21
Maayarka magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xadi oo madashaasi hadal ka jeediyay ayaa yidhi “Bannaan baxan ballaadhan ee aynu isugu nimid waxay muujinaysaa in aynu taageersanahay Madaxweynaha Somalialnd, waxaynu muujinaynaa in aynu madaxweynaheena garabtaagannahay, waxay muujinaysaa in aynu garabtaagannahay khudbaddii madaxweynaheena. Waxaynu halkan u taaganahay in aynu muujino qarannimadeena Somaliland, Boorame waa halkii lagu aasaasay jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu caddaynayanaa in aanu taageersanahay khudbadii iyo go’aankii madaxweynaha Somaliland.” Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa isaguna goobtaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Boorame ee isu soo abaabulay in ay taageeraan Madaxweynahooda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo taageeraya khudbad sannadeedkii uu ka jeediyay golaha Baarlamaanka Somaliland, khudbadaasi oo ay duuduub ku qaateen.” “Haddaanu nahay dadweynaha reer Boorame waxaanu halkan ka taageeraynaa khudbad sannadeedkii madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka jeediyay labada gole Baarlamaan, taas ayaanu aad u taageersanahay, waxaanu halkan ku muujinaynaa teegaarada aanu u hayno hadalkii madaxweynaha Somaliland iyo guud ahaan ba qarannimada Somaliland,” sidaana waxa yidhi xubno ka mid ah dadweynaha reer Boorame ee xarunta gobolka Awdal.
22
9.Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Gobolka Awdal. Tartanka Naadiyada heerka koowaad ee gobolka Awdal ayaa lasoo gebagabeeyey kadib markii halkaasi mudaba uu ka socday tartankaasi,iyadoo ay isugu soo hadheen kooxaha W.H.G,&Guriyaynta iyo W.X.Xoolaha waxaana ku guulaystay tartankaasi W.H.G.Guriyaynta oo 1;0 ugu awood sheegatay W.X.Xoolaha
Tartankan ayaa waxaa maageliyey Wasaaradda Dhalnyaradda iyo Ciyaaraha JSL taas oo loogu talogalay in guud ahaan Gobolada dalka Somaliland lagu qabto tartanka kooxaha heerka koowaad,intii tartankaasi uu soo socday ayaa waxaa ka warbixiyey isuduwaha WDH&Ciyaaraha Ee Gobolka Awdal Xasan Siciid Dheel-Dheel. Tartankaasi ayaa waxaa ka Qeyb galay 16-Kooxood oo kooxaha heerka koowaad oo aanu hore ugu ballan qaadnay in gobolada oo dhan laga qaban doono,maantana aynu joogno ciyaartii kama dambayska ahayd ee koobka lagu kala qaadayey. Sidoo kale dhalinyartu waxay ciyaaruhu u noqonayaan geed ay gabaad kaga dhigtaan balwadaha kala duwan iyo falalka gangska ah ee lagu dhacaayo hantida bulshada, ugu dambayn Isuduwuhu wuxuu mahad celin ballaadhan usoo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Ag/Guud Ee Wasaaradasi.
23
10. Tartanka Orodka Marathonka 42km iyo 10km Oo Hargeysa Lagu Qabtay. Tartanka Orodka Marathonka 42km iyo 10km Oo Saaka Hargeysa Lagu Qabtay Wasiirada Wasaaaradaha Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Eng.Yusuf Mre Maxamed ayaa maanta soo gabo-gabeeyay tartanka orodada Maradoonka ee 42km iyo 10km oo ay ku tartamayeen dhallinyaro badan oo isaga kala yimid dhamaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Tartankan oo ahaa kii saddexaad ee lagu qabto Somaliland oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland waxaa qaban-qaabadiisa qaybta ugu weyn ka qaadatay shirkadda Dahabshiil Group, iyo shirkadaha SBI Sagal Jet iyo cusbitaalka Edna Aadan. Tartankan ayaa waxaa si wayn uga dhex muuqday Gabdho ku ordayay 10-ka KM Waxaana uu ahaa markii sadexaad ee ay ka qeybgalaan tartankaasi oo ubaahnaa dadaal weyn iyo tababar badan,sidoo kale tartamayaasha waxaa ka muuqday diyaar garow ballaadhan.
Tartankan ayaa 42KM waxaa kaalinta koowaad galay Maxamed oo ka socday Gobolka M/Jeex, 10KM ayaa waxaa isaguna kaalinta koowaad galay Siciid Faarax oo ka socday Gobolka M/Jeex dhinaca hablahana 10KM waxaa kaalinta koowaad gashay Hana Mukhtar Cabdillaahi.
24
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa sheegay in tartankani uu dhici doono sanad walba hal mar si kor loogu qaado ciyaaraha fudud ee Somaliland,taasoo maantaba aynu arkayno in kaalmihii ugu horeeyay ay ku guulaysteen dhalinyaradda reer Somaliland. Gebo-gebadiina waxa halkaasi abaal-marinno iyo shahaadooyin la guddonsiiyay dhallinyaradii ku guulaystay kaalmaha hore
25
11.Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Saraar. Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL ayaa soo qaban qaabisay Tartanka Kubadda Cagta Ee degmooyinka G/Saraar, taasoo ay ka qeyb galeen 4Degmo oo kala ah caynabo Oog,Wadaamago,Ceeg tartankaasi ayaa loogu magac daray tartanka nabadda iyo is-dhexgalka dhalinayaradda G/Saraar. Waxaana munaasibadaasi kasoo qeyb-galay Isuduwaha Wasaaraddda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Xuseen Axmed Cawad iyo Mubaarik Cabdillaahi Axmed oo kamida jaaliyadda gobolka saraar oo ka imid dalka dibadisa ayaa qeyb weyn isaguna ka qaatay inuu tartankani qabsoomo.
Waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Isuduwaha Wasaaraddda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Xuseen Axmed Cawad ayaa sheegay sida tan”waxaanu ku faraxsanahay inaanu maanta daahfurno tartanka Degmooyinka G/Saraar oo mudaba qabanqaabadiisa kusoo jirnay, maantana aanu joogno munaasibadii furitaanka tartanka,waxaanan qorsheynay in aanu sanad walba hal mar qaban doono kuna dadaali doono inaanu hormar ballaadhan ka samayno dhinaca kubadda cagta.
26
Sidoo kale wuxuu sheegay Isuduwuhu in dadwynaha ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ee aan u suuro gelin inay garoonka imaadaan ay si LIVE ah uga daawan karaan TV-ga Qaranka oo ciyaar weliba si toos ah uga socon doonto. Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Mubaarik Cabdillaahi Axmed oo kamida jaaliyadda gobolka saraar ayaa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ballaadhan ee G/Saraar uu ka sameeyay dhinaca kubadda cagta,runtiina ay ku garab istaagi doonaan wax kasta oo ay ubaahan yihiin dhalinyaradda gobolku si ay kor ugu qaadaan xirfadooda kubadeed iyagoona uga fogaanaya dhamaan waxyaalaha maanka dooriya oo khatar caafimaad ukeeni karaa noloshaada. Waxaanan umahadcelinayaa Wasaaradda Dhalinyaradda & Ciyaaraha JSL oo garab taagan dhamaan Dhalinyaradda Reer Somaliland. Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay ciyaartooyo ku hadlaayey afka degmooyinka ay ku ciyaarayaan oo runtii ku booriyey Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha inay han iyo yididiilo ku abuurtay dhalinyaradda G/Saraar oo markii hore islahaa masamayn kartaan horumar dhinaca kubadda cagta ah maantana jaanis weyn usiiyay in xirfadahooda kubadda cagta ay soo bandhigaan kuna meel maraan.
Maamulka G/Saraar ayaa Gebagabadii waxay kula taliyeen shacabka reer caynabo inay ilaaliyaan nabadgelyada oo ay ku dadaalaan xasilooni intay ciyaaruhu dhamaanayaan, sidoo kale in kooxuhu kuwada ciyaaraan ixtiraam iyo isqadarin inta ciyaartu socoto.
27
12.Tartanka Orod oo lagu Qabtay Gobolka Saraar. Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL ayaa tartan Orod ah ku qabatay Gobolka Saraar,waxaana tartankaasi kasoo Qeyb-galay Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mustafe Cabdiraxmaan Xadi Isuduwaha WDH&Ciyaaraha JSL Ee Gobolka Saraar Xuseen Axmed Cawad Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Maxamed Nuux Jibriil iyo madax kala duwan oo ka socotay Dawladda Somaliland. Munaasibadan ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Isuduwaha WDH&Ciyaaraha JSL Ee Gobolka Saraar Xuseen Axmed Cawad oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu goobjoog ahaado tartankan orodka ah,kaasi oo ka duwanaa tartamadii hore ee lagu qaban jiray G/Saraar,waxaanu sidoo kale bogaadiyey tartamayaashi ku guulaystay kaalmaha hore ee tartankaasi. Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mustafe Cabdiraxmaan Xadi ayaa wuxuu sheegay inay sii horumarin doonaan tartamada orodada ee ay ku qabtaan gobolada barri,taasoo maanta noo muuqata in jiilka hadda soo koroya ay kasoo baxayaan orodyahano wadanka sumcad iyo magacba u keenaya,waxayna taasi nagu dhiirigelinaysaa inaanu wixii aanu qabanay uu manta ka muuqdo dhalinyaradda Reer Somaliland.
Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Maxamed Nuux Jibriil oo Dhalinyaradda G/Saraar u sheegay inay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha garab istaagaan si loo qabto tartamo qurux badan oo ka qabsooma gobolkaasi.
28
13. Tartan Kubadda Cagta ah oo ka Qabsoomay Gobolka Salal. Tartan kubadda cagta ayaa lagu qabtay magaalada Saylac Ee Xarunta Gobolka Salal,qabanqaabada tartankan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Dhalinayaradda & Ciyaaraha JSL Iyo Dawladda Hoose Ee Gobolka Salal. Tartankan ayaa waxaa kasoo Qeyb-galay Badhasaabka Gobolka Saraar Mudane Mowliid Maxamed Nuur,Duqa Degmada Saylac Sacad Daahir Cige Iyo Isuduwaha WDH&Ciyaaraha Gobolka Salal Axmed Maxamed Cilmi. Tartankan ayaa wuxuu ku bilaabmay jawi aad ufiican oo labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad uqurux badan.
Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha ee G/Salal Axmed Maxamed Cilmi ayaa wuxuu ku bogaadiyey dawladda hoose ee gobolka salal iyo maamulka degmada caynabo sida quruxda badan ee ay gacanta uga geysteen inuu tartankani qabsoomo, sidoo kalena ay diyaar u yihiin ka wasaarad ahaan inaanu marwalba qabano tartamo joogto ah oo xidhiidha.
29
14. Tartanka Naadiyada Heerka Koowaad oo lagu soo gebagabeeyey Gobolka Hawd. Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos ayaa soo gebagabeeyey tartan ka socday Gobolka Hawd oo ay ku tartamaayeen 8-Kooxood oo ka mid ahaa naadiyada Heerka 1-aad Ee Gobolkaasi. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda & Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos ayaa sheegay inay maanta ku faraxsan yihiin inay soo gebagabeeyaan tartankan oo mudaba ka socday gobolka Hawd,sidoo kalena aanu ku faraxsanahay sida ay usoo wada ciyaareen kooxaha kala duwan waxaanan umahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo nagu hogaaminaayo siyaasadda dhalinyaradda oo ah in la horumariyo dhalinyaradda reer Somaliland si ay naftooda iyo qarankoodaba wax utaraan
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Isuwaha WDH&Ciyaaraha Mudane Iid Ciise Jaamac oo runtii ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee wasiirku ugu yimid gobolka hawd taasi oo dhiirigelin iyo bogaadin u ah dhalinyaradda G/Saraar ayna ku faraxsan yihiin sida wasiirkoodu u garab taagan yahay inuu ugu imaado mar walba oo ay ubaahan yihiin inuu garab istaago. Waxaanu isuduwuhu kula dardaarmay inay ku dadaalaan inay ilaaliyaan anshaxa iyo kala dambeynta
30 15.Tartan Orod oo Half-Marathon ah oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Waxaa ka qabsoomay Magaalada Hargeysa Tartanka Orodka loogu magac daray Hargeysa International half Maraton oo ay kasoo qayb galeen 9 dal oo lagu soo casuumay Tartankan Orodka ah sida: Ethiopiya, Djabouti, France, Maraykan, Spanish, Kenya, iyo dalal kale. Waxaa kasoo Qeyb-galay munaasibadan Madax-weyne Ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismacil Saylici,Wasiirka WDh&Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed,Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Axmed Cabdi Kaahin,wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Iyo Arimaha Dastuurka.
Maxamed Caaji Aadan Cilmi,Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Gelinta Iyo ArimahaBulshada Hinda Jaamac Xirsi Gaani,iyo weliba Guudoomiyaha Hay’adda DhowristaSomaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf.Orodkan waxa soo qaban qaabisay Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee somaliland. Gabagabadii waxa Abaalmarinadii gudoonsiiyey tartamayàsha guulaystay M/Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismacil Saylici iyo Wasiirka WDH&Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos. ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa bogaadiyey dhalinyaradii ku guulaystay tartankaasi oo ka kala yimid gobolada Somaliland.
31
Wasirka WDH&Ciyaaraha JSL mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos ayaa isaguna sheegay inay qaban doonaan tartamo kala duwan oo ciyaaraha fudud ah kana soo qeyb geli doonaan wadamo kale oo inaga caawin kara in dalkeena Somaliland la aqoonsado. Sidoo kale waxaa iyaguna ugu mahadnaqay wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL wadamadii ka qeybgalay tartanka orodka oo sheegay in Somaliland ay haysato cimilo ku fiican, kuna haboon in lagu qabto ciyaaraha kala duwan ee caalamka.
32
16.Tartan Kubadda Cagta ah oo Lagu Soo Geba Gabeeyey Magaalada Burco. Tartan mudaba ka socday magaalada burco ayaa lasoo gebagabeeyey waxaana munaasibadaasi a ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos,Wasirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire, masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo Xildhibaano kamida Golaha Deegaanka Ee Burco. Waxaa ugu Horeyn halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos ayaa wuxuu sheegay in gobolka togdheer uu yahay gobolada ugu kubadda fiican Somaliland,waxayna dib u eegi karnaa koobabka gobolada Somaliland inta uu ku guulaystay taasi oo cadayn u ah inuu hormood u yahay kubadda cagta JS,in lagu daydana ay tahay mid loo baahan yahay.sidoo kale wuxuu u mahadnaqay maamulka Gobolka Togdheer,Ciidanka Nabadgelyada G/Togdheer iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay inuu tartankani si qurux badan uu kusoo dhamaado.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire ayaa wuxuu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo qeybgalo munaasibadda lagu xidhaayo tartanka heerka koowaad oo ka socday gobolkaasi,sidoo kalena ay garab taagan yihiin dhalinyaradda reer Burco oo ay ku bogaadinayaan sida
33
xushmada iyo karaamada mudan ee ay uwada ciyaaraan tartamada kala duwan ee lagu qabto.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo runti ku amaanay Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL inay dhalinyaradda gobolada oo dhan ay uqabato taramo kala duwan si isku mid ah, runtiina ay tahay shaqo weyn oo ay qaranka Somaliland uhayaan. Waxaanu si gaar ah u bogaadinaynaa Wasiirka WDH&Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos iyo Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi oo runtii iyagu nagu garab istaagay in tartanka oo mudaba istaagay dib loo bilaabo oo halkiisii laga sii wado,taasina waxay noo tahay ka maamul ahaan mid aanu ku garab taaganahay Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL inay halkaasi kasii wado horumarka dhalinyaradda reer Burco. Gebagadii ciyaartooyda qaar kamid ah ayaa waxay tilmaameen in tartankaasi si qurux badan usoo idlaaday oo ay ku faraxsan yihiin kasoo qeyb galka ay kasoo qeybgaleen si xamaasad lehna ay u daawadeen iyagoo ilaalinaaya nabadgelyada iyo xasiloonida tartanka.
34
17.Tartan Kubadda Cagta ah ee Dugsiyada Sare ee Boorama ayaa Lagu soo Gebagabeeyey Dila. Tartan mudaba ka socday magaalada boorama gaar ahaan Dila ayaa lasoo gebagabeeyey kadib markii ciyaartii ugu dambeyseyay isku soo baxeen naadiyada ku kala ciyaarayey Aaadan Isaaq iyo Waaberi School. Munaasibadan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Gudoomiyaha Imtixaanaadka Daauud Gadh-Weyne, maamulka gobolka Awdal oo isku duuban iyo maamulada kala duwan ee iskuulada oo halkaasi iyaguna kasoo qeyb-galay.
Munaasibadan ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Imtixaanaadka Daauud Gadh-Weyne oo sheegay inuu tartankani ahaa mid si weyn looga soo shaqeeyey oo maalin walba laga war haayey halka uu maraayo tartankani si uu unoqdo mid si qurux badan u qabsooma, maantana ay ka muuqato juhdiga iyo dadaalka la geliyey,waxaan marlabaad umahadnaqayaa cid walba oo ka qeybqaadatay tartankani inuu noo qabsoomo oo ay ka kow tahay Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL. Gebagabadii maamulka Gobolka Awdal ayaa umahadnaqay gudoomiyaha imtixaanaadka Daauud Gadhweyne oo meel dheer usoo maray sidii uu tartankan inoogu soo xidhi lahaa,sidoo kalena waxay sheegeen inay sii wadi doonaan tartamada loo qabto dugsiyada Gobolka Awdal.
35
18. Tartan Kubadda Cagta oo lagu Qabtay Oodweyne. Masuuliyiin wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha ka tirsan ayaa soo gunaanaday tartanka heerka koowaad ee Oodweyne oo mudaba halkaasi ka socday,tartankan ayaa waxaa ka qeyb-galay 12-kooxood oo ah kuwa heerka koowaad ee Oodweyne Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Eng. Axmed ayaa wuxuu tilmaamay in tartamadan ay qabanayaan ay tahay maamul daadajin dhinaca tarmada ah oo ay wasaaraddu ka bilowday dhamaan gobolada dalka iyada oo loogu horeysiiyey gobolada bariga oo laga bilaabay markii ugu horeysey Gobolka Daad-Madheedh,taas oo qeyb ka ah dadaaalada ay wasaaradu ugu jirto inay gaadhsiiso dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka tartamo ciyaareed tayo leh.
Maamulka gobolka Daadmadheehd ayaa iyaguna halkaasi ka sheegay inay umahadnaqayaan wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha inay ahmiyadda siiyeen gobolada bariga inay soo gaadhsiiyaan tartamo ay iyagu maalgeliyeen iyada oo gobolka labaad uu noqday G/Daadmadheedh magaalo madaxdiisa Oodweyne,waxaanu sidoo kale ballanqaadayna inay maamul ahaan iyo ciyaartoy ahaamba ku dadaali doonaan sidoo tallaabo looga qaadi lahaa cid kasta oo isku dayda inay carqalad geliso qabsoomidda tartankan,iyaga oo sheegay inay la tigsan doonaan sharciga.
36
19.Tartan Kubadda Cagta oo lagu Qabtay Magaalada Ceerigaabo. Tartan kubadda Cagta ayaa lagu qabtay magaalada ceerigaabo oo loogu qabtay kooxaha heerka labaad ee gobolka sanaag oo 8-Kooxood ahaa,tartankaasi ayaa waxaa soo gebagabeeyey Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Cabdi Ismaaciil Guuleed iyo Maamulka Gobolka Sanaag oo si wada jira hawshaasi u qabtay. Tartankaasi ayaa imbadanba ay sugaayeen kooxaha heerka labaad ee gobolkaasi oo rajo weyn ka qabay in mar uun la qaban doono tartankaas oo maantana lasoo gebagabaynaayo, isagoo muddo badan halkaasi kasoo socday.
Isuduwaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in lasii ambaqaadi doono tartamada laga qabanaayo gobolka sanaag si hadhow loosoo xulo ciyaartooyo matali doona gobolka Sanaag marka la qaban doono tartanka gobolada Somaliland,waxaana aan hadda arkaa in dhalinayaradda reer geerigaabo ay hadda diyaar u yihiin in tartamada gobolada ay kaalin mug weyn kasoo hoyn doonaan. Naadiyada heerka labaad ayaa waxay sheegeen inay umahadnaqayaan maamulka gobolka sanaag iyo wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha oo ay ka codsadeen in tartamada loo sii wado.
37 20.Tartanka Naadiyada Heerka Koowaad Ee Caasimadda Hargeysa oo laga Bilaabay. Tartanka Naaddiyada Heerka Koowaad Ee magaalada hargeysa ayaa maanta si habsami Leh uga bilaabmay garoonka weyn Ee hargeysa Stadium,tartankan ayaa loogu magac-daray Ururka Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo Cup XKCSL oo Tartanka Naaddiyada Heerka koowaad ee Caasimadda Hargeysa si Rasmiya u Bilaabay iyo Naaddiyadii wada Ciyaaray XKCSL ayaa Maantai si rasmiya uga bilaabay garoonka Hargeysa Stadium tartanka kubadda cagta naaddiyada heerka Koowaad ee Caasimadda Hargeysa, kaas oo ay ka qeyb-galayaan 12-ka naaddi oo toban kamid ahi ka dhisan yihiin caasimadda Hargeysa 2-da kooxood Ee kalena ka kala socdaan Gobolka Borama iyo Gobolka Saaxil kuwaas oo ka diiwan-gashan XKCSL.
Tartankan oo ay iska kaashadeen XKCSL iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa sidoo kale waxaa iyaguna qeyb ka ah Dallada Dhalinyaradda Ee
38
Sonyo, waxaana xafladdii furitaanka oo ka qabsoontay garoonka dhexdiisa ka soo qeyb-galay Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Eng. Yuusuf Mire Maxamed,Gudoomiyaha XKCSL,Xoghayaha Guud ee XKCSL, Gudoomiyaha Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo,agaasimaha Fulinta Ee Dallada Sonyo,Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maamulka iyo Macallimiinta naaddiyada ka qeyb-galaya tartanka iyo Marti-sharaf. Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed ayaa ka Qeybgalay Xafladda Furitaanka Tartanka Naadiyadda Heerka koowaad Ee magaalada hargeysa,tartankan ayaa uu wasiirku sheegay inay tahay mid kor loogu qaadayo tayada iyo kubad wanaaga ay leeyihiin ciyaartooyda Reer Somaliland si loo helo ciyaartooyo dhisan oo matali kara Xulka Qaran-ka Somaliland.
Guud ahaanba Masuuliyiinta halka sarre ku xusan oo xafladda ka hadlay ayaa naddiyada ka qeyb-galaya tartanka kula dardaarmay inay akhlaaq wanaag iyo ciyaar qurux baddan soo ban-dhigaan, iyaga oo sidoo kalena Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo uga mahadceliyay qeybta laxaadka leh ee ay ka qaateen tartankan sidoo kalena umahdnaqay warbaahinta kala duwan ee ay kamidka yihiin Astaan Cable TV iyo True cable.Tv. Tartankan oo ka kooban 3 Group oo guud ahaanba ciyaaraha maalin kasta si toos ah looga daawan doonaa Astaan Cable TV True cable tv, kaasi oo dadka awoodi kari waaya inay kasoo qeyb-galaan ay ka daawan karaan Tv’yada aanu soo sheegnay oo qeyb- weyn ka ah horumarka Ballaadhan ee Somaliland ku tallaabsanayso dhinaca Ciyaaraha.
39
Xuska Maalinta 26 June oo Munaasibad Kubadeed lagu Qabtay Gobolka Awdal. Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa shalay ka Qeyb-galay Munaasibad lagu xusaayey 60-Guurada 26-June Ee kasoo wareegtay Maalinkii Somaliland Xornimada ka qaadatay ingiriiska,Taasi oo ciyaar lagu xusaayey lagu Qabtay Magaalada Boorama Ee Garoonka Xaaji Daahir Stadium.
Munaasibadan ayaa waxaa ugu horeynba waxaa furay Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi ayaa wuxuu munaasibadaasi ka sheegay taariikh kooban oo ka hadlaysa sida maalintani ay ugu weyn tahay Umadda somaliland meel kasta oo ay joogaan,runtiina ay tahay inaan ciyaar lagu xuso oo keliya aanay waxba ka taraynin laakiinse aynu ubaahanahay inaynu mideeno Dhalinyaradda reer Somaliland. Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Ee G/Awdal Xasan Siciid DheelDheel ayaa isaguna ka warbixiyey tartankan inuu ahaa mid ay maalmihii udambeeyeen
40
ka shaqaynaayeen sidii uu u qabsoomi lahaa maantana aanu ku guulaysanay inaanu ka gobol ahaan aanu ka qeyb qaadano xuska 26June oo ah maalin qarankeena ku weyn una baahan inaynu dib isu xasuusino wixii dhacay wakhtigaasi oo ah mid aan la iloobi karaynin. Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda JSL Samatar Maxamed Cabdillaahi ayaa isaguna sheegay inay ka xidhiidh ahaan soo dhawaynayaan inay mar walba ka qeyb qaataan dar-dar Gelinta iyo horumarinta dhalinyaradda Gobolka Awdal, oo iyagu mar walba udiyaara inay xirfadooda kubadeed kor usii qaadaan,ka xidhiidh ahaana aanu sii wadi doonaan tartamada aanu ka qabano Gobolka Awdal. Labada kooxood ee kulankaasi dhexmaray ayaa ku kala ciyaaraayey Kooxda Barako Chai oo ka socotay magaalada hargaysa iyo Kooxda Godaad Trade oo matalaysey Magaalada Boorama, ciyaartaasi oo ahayd mid xamaasad badan ayaa kusoo Idlaatay barbaro 2 iyo 2 ah,ka dib waxaa loo dhigay rikoodhayaal taasi oo u saamaxday kooxda Barako Chai oo ka socotay Magaalada Hargeysa inay hanato Koobkaasi.
41
42