4
B
Hordhac
uugan Waxaa soo saaray Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, waana buug sawir guud ka bixinaaya waxqabadka xukuumadda ee ku aadan dhinaca dhalinyaradda iyo ciyaaraha 2020.
Buugani wuxuu ka hadlayaa tartamada ciyaaraha ee qabsoomay kuwaas oo ka qabsoomay caasimadaha kala duwan ee gobolada waaweyn, arimaha dhalinaradda, arimaha ciyaaraha, arimaha haweenka oo ay ugu weyn tahay in ay helaan fursadaha ragu ay helayaan xaga waxbarashada, shaqo abuurka iyo ciyaaraha kala duwan ee ay dhalinyaradda ragga ahi ciyaaraan,taasi oo marnaba ka hor imanaynin diinteena suuban ee islaamka.iyo ugu dambayn qorshayaasha ay wasaaraddu u xilsaaran tahay fulintooda sida qorshaha qaranka qeybta dhalinyaradda oo loo sameeyay xeeladii ama qaab dhismeedkii lagu fulinaayey qorshahaasi saddexda sano ee soo socda 20202022. Xogaha ku qoran buugani waa qaar ay wax badan ka faaidaysan karaan imika iyo mustaqbalkaba dadka daneeya inay wax badan ka ogaadaan xaaladda dhalinyaradda Somaliland iyo dhinaca ciyaarahaba iyo kuwa doonaya inay wax ka qoraan, kuwa daraasadaha sameeya, iyo ardayda waxbarashada ku gudajira ee samaynaaya cilmi baadhisaha, maadaama ay tahay xog sugan.