
19 minute read
18. Tartan Kubadda Cagta ah ee Dugsiyada Sare ee Boorama
34
18. Tartan Kubadda Cagta ah ee Dugsiyada Sare ee Boorama ayaa Lagu soo Gebagabeeyey Dila.
Advertisement
Tartan mudaba ka socday magaalada boorama gaar ahaan Dila ayaa lasoo gebagabeeyey kadib markii ciyaartii ugu dambeyseyay isku soo baxeen naadiyada ku kala ciyaarayey Aaadan Isaaq iyo Waaberi School.
Munaasibadan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Gudoomiyaha Imtixaanaadka Daauud Gadh-Weyne, maamulka gobolka Awdal oo isku duuban iyo maamulada kala duwan ee iskuulada oo halkaasi iyaguna kasoo qeyb-galay.
Munaasibadan ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Imtixaanaadka Daauud Gadh-Weyne oo sheegay inuu tartankani ahaa mid si weyn looga soo shaqeeyey oo maalin walba laga war haayey halka uu maraayo tartankani si uu unoqdo mid si qurux badan u qabsooma, maantana ay ka muuqato juhdiga iyo dadaalka la geliyey,waxaan marlabaad umahadnaqayaa cid walba oo ka qeybqaadatay tartankani inuu noo qabsoomo oo ay ka kow tahay Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL.
Gebagabadii maamulka Gobolka Awdal ayaa umahadnaqay gudoomiyaha imtixaanaadka Daauud Gadhweyne oo meel dheer usoo maray sidii uu tartankan inoogu soo xidhi lahaa,sidoo kalena waxay sheegeen inay sii wadi doonaan tartamada loo qabto dugsiyada Gobolka Awdal.



35
19. Tartan Kubadda Cagta oo lagu Qabtay Oodweyne.
Masuuliyiin wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha ka tirsan ayaa soo gunaanaday tartanka heerka koowaad ee Oodweyne oo mudaba halkaasi ka socday,tartankan ayaa waxaa ka qeyb-galay 12-kooxood oo ah kuwa heerka koowaad ee Oodweyne
Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Eng. Axmed ayaa wuxuu tilmaamay in tartamadan ay qabanayaan ay tahay maamul daadajin dhinaca tarmada ah oo ay wasaaraddu ka bilowday dhamaan gobolada dalka iyada oo loogu horeysiiyey gobolada bariga oo laga bilaabay markii ugu horeysey Gobolka Daad-Madheedh,taas oo qeyb ka ah dadaaalada ay wasaaradu ugu jirto inay gaadhsiiso dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka tartamo ciyaareed tayo leh.
Maamulka gobolka Daadmadheehd ayaa iyaguna halkaasi ka sheegay inay umahadnaqayaan wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha inay ahmiyadda siiyeen gobolada bariga inay soo gaadhsiiyaan tartamo ay iyagu maalgeliyeen iyada oo gobolka labaad uu noqday G/Daadmadheedh magaalo madaxdiisa Oodweyne,waxaanu sidoo kale ballanqaadayna inay maamul ahaan iyo ciyaartoy ahaamba ku dadaali doonaan sidoo tallaabo looga qaadi lahaa cid kasta oo isku dayda inay carqalad geliso qabsoomidda tartankan,iyaga oo sheegay inay la tigsan doonaan sharciga.
36
Tartan kubadda Cagta ayaa lagu qabtay magaalada ceerigaabo oo loogu qabtay kooxaha heerka labaad ee gobolka sanaag oo 8-Kooxood ahaa,tartankaasi ayaa waxaa soo gebagabeeyey Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Cabdi Ismaaciil Guuleed iyo Maamulka Gobolka Sanaag oo si wada jira hawshaasi u qabtay. Tartankaasi ayaa imbadanba ay sugaayeen kooxaha heerka labaad ee gobolkaasi oo rajo weyn ka qabay in mar uun la qaban doono tartankaas oo maantana lasoo gebagabaynaayo, isagoo muddo badan halkaasi kasoo socday.
Isuduwaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in lasii ambaqaadi doono tartamada laga qabanaayo gobolka sanaag si hadhow loosoo xulo ciyaartooyo matali doona gobolka Sanaag marka la qaban doono tartanka gobolada Somaliland,waxaana aan hadda arkaa in dhalinayaradda reer geerigaabo ay hadda diyaar u yihiin in tartamada gobolada ay kaalin mug weyn kasoo hoyn doonaan.
Naadiyada heerka labaad ayaa waxay sheegeen inay umahadnaqayaan maamulka gobolka sanaag iyo wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha oo ay ka codsadeen in tartamada loo sii wado.



37
21. Tartanka Naadiyada Heerka Koowaad Ee Caasimadda Hargeysa oo laga Bilaabay.
Tartanka Naaddiyada Heerka Koowaad Ee magaalada hargeysa ayaa maanta si habsami Leh uga bilaabmay garoonka weyn Ee hargeysa Stadium,tartankan ayaa loogu magac-daray Ururka Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo Cup XKCSL oo Tartanka Naaddiyada Heerka koowaad ee Caasimadda Hargeysa si Rasmiya u Bilaabay iyo Naaddiyadii wada Ciyaaray
XKCSL ayaa Maantai si rasmiya uga bilaabay garoonka Hargeysa Stadium tartanka kubadda cagta naaddiyada heerka Koowaad ee Caasimadda Hargeysa, kaas oo ay ka qeyb-galayaan 12-ka naaddi oo toban kamid ahi ka dhisan yihiin caasimadda Hargeysa 2-da kooxood Ee kalena ka kala socdaan Gobolka Borama iyo Gobolka Saaxil kuwaas oo ka diiwan-gashan XKCSL.
Tartankan oo ay iska kaashadeen XKCSL iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa sidoo kale waxaa iyaguna qeyb ka ah Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo, waxaana xafladdii furitaanka oo ka qabsoontay garoonka dhexdiisa ka soo

38
qeyb-galay Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Eng. Yuusuf Mire Maxamed,Gudoomiyaha XKCSL,Xoghayaha Guud ee XKCSL, Gudoomiyaha Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo,agaasimaha Fulinta Ee Dallada Sonyo,Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maamulka iyo Macallimiinta naaddiyada ka qeyb-galaya tartanka iyo Marti-sharaf.
Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed ayaa ka Qeybgalay Xafladda Furitaanka Tartanka Naadiyadda Heerka koowaad Ee magaalada hargeysa,tartankan ayaa uu wasiirku sheegay inay tahay mid kor loogu qaadayo tayada iyo kubad wanaaga ay leeyihiin ciyaartooyda Reer Somaliland si loo helo ciyaartooyo dhisan oo matali kara Xulka Qaran-ka Somaliland.
Guud ahaanba Masuuliyiinta halka sarre ku xusan oo xafladda ka hadlay ayaa naddiyada ka qeyb-galaya tartanka kula dardaarmay inay akhlaaq wanaag iyo ciyaar qurux baddan soo ban-dhigaan, iyaga oo sidoo kalena Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo uga mahadceliyay qeybta laxaadka leh ee ay ka qaateen tartankan sidoo kalena umahdnaqay warbaahinta kala duwan ee ay kamidka yihiin Astaan Cable TV iyo True cable.Tv.
Tartankan oo ka kooban 3 Group oo guud ahaanba ciyaaraha maalin kasta si toos ah looga daawan doonaa Astaan Cable TV True cable tv, kaasi oo dadka awoodi kari waaya inay kasoo qeyb-galaan ay ka daawan karaan Tv’yada aanu soo sheegnay oo qeyb- weyn ka ah horumarka Ballaadhan ee Somaliland ku tallaabsanayso dhinaca Ciyaaraha.




39
22. Tartanka Dhagoolayaasha Kubbadda Cagta ee Gobolada
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa tartan kubbadda cagta ah u qabatay dhallinyarada maqalka ka naafada ah ee gobolada Maroodi Jeex, Togdheer iyo Awdal, tartankan oo socday 19-23, September, 2020 ayaa guushu waxay raacday kooxdii dhagoolayaasha gobolka Awdal iyaga oo la caraabay koobkii tartanka.
Tartankan oo ka koobnaa 3 ciyaarood ayaa kama dambaystiisa lagu beegay maalinta dhagoolayaasha caalamka oo lagu xusay Somaliland 23, Sep, ayaa waxa maal gleiyay dhamaan kharashka ku baxay WDHC, haday tahay martigelinta, kharashka tartanka iyo abaalmarinadaba.
Tartankan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa dhagoolayaasha ku nool gobolada Somaliland qaarkood ee ka qayb galay tartanka waxa uu geliyay yididiilo aad u wayn iyaga oo ogaaday inay la xuquuq yihiin ciyaartoyga maqalka qaba.
40






41
23. Doorashada Xidhiidhka kubada Cagta
(21-10-2020) Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Eng.Yusuf Mire Maxamed (Boos) ayaa maanta soo Xidhay Shirweynaha 4-Aad Ee Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL oo lagu Doortay Gudoomiye,Gudoomiye KuXigeen iyo 3-Xubnood Oo Gudida Fulinta Noqon doona.
Shirweynaha 4-Aad Ee Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL ayaa socday muddo 2-Cisho ah oo ka socday Hotel Maan-Soor, taasi oo maanta lagu soo afmeeray in la doorto Xidhiidh Cusub oo hogaamin doona 4-Sanno Ee soo socota.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Eng.Yusuf Mire Maxamed (Boos) ayaa aad ugu mahadnaqay Wasiir ku-Xigeenka Ciyaaraha Ee dawlad Deegaanka Soomaalida iyo xubnihii kale Ee ka socdayba sida quruxda ee ay ugarab taagnaayeen intii hawshaasi socotay Iyo Gudidii Qaban-Qaabada Doorashada Xidhiidhka Kubadda Somaliland oo iyaguna hawshoodi si qurux badan uga soo baxay,waxaana uu hambalyo udiray wasiirku maamulka Cusub Ee Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL loo Doortay in 4-Sanno Ee soo socda hogaamiyaan Xidhiidhkaasi.
Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb-galay 58-Xubnood oo codeynaayey, kuwaasi oo ka kala socday Gobolada Somaliland, waxaanay u kala codeeyeen sidatan:» Gudoomiyaha Cusub Ee Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Fuaad Axmed Cali Waxaa ucodeeyay 57-Xubnood,Cidna ma Diidin,1-Qof ayaa ka Aamusay. » Gudoomiye ku-Xigeenka Cusub Ee Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Khadar Xuseen
Jaamac Waxaa ucodeeyay 57-Xubnood, Cidna Ma diidin,1-Qof ayaa ka Aamusay.
42
» Xubin Khaalid Maxamuud Abokor Waxaa ucodeeyay 57-Xubnood,Cidna Ma diidin,1-Qof ayaa ka Aamusay. » Xubin Maxamed Yuusuf X.Abdikariim Waxaa ucodeeyay 57-Xubnood,Cidna Ma diidin,1-Qof ayaa ka Aamusay. » Xubin Samaroon Cabdillaahi Cilmi Waxaa ucodeeyay 58-Xubnood,Cidna Ma diidin,Cidna kama Aamusin.





43
24. Doorashada Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud JSL
(22-10-2020) Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Eng.Yusuf Mire Maxamed (Boos) ayaa maanta soo Xidhay Shirweynaha 3-Aad Ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud JSL oo lagu Doortay Gudoomiye,Gudoomiye Ku-Xigeen iyo 3-Xubnood Oo Gudida Fulinta Noqon doona. Shirweynaha 3-Aad Ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud JSL ayaa socday muddo 1-Cisho ah oo ka socday Hotel Maan-Soor, taasi oo maanta lagu soo afmeeray in la doorto Xidhiidh Cusub oo hogaamin doona 4-Sanno Ee soo socota.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Eng.Yusuf Mire Maxamed (Boos) ayaa aad ugu mahadnaqay Gudidii Qaban-Qaabada Doorashada Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud JSL oo iyaguna hawshoodi si qurux badan uga soo baxay,waxaana uu hambalyo udiray wasiirku maamulka Cusub Ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud JSL loo Doortay in 4-Sanno Ee soo socda hogaamiyaan Xidhiidhkaasi. Doorashadan Ayaa waxaa ka Qeyb-galay 21-Xubnood oo codeynaayey, kuwaasi oo ka kala socday Gobolada Somaliland,Waxaanay Ukala codeeyeen sidatan:-
44
» Gudoomiyaha Cusub Ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud JSL Maxamed Xasan
Nageeye Waxaa ucodeeyay 20-Xubnood,Cidna ma Diidin,1-Qof ayaa ka Aamusay. » Gudoomiye ku-Xigeenka Cusub Ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud JSL Axmed
Koosaar Xuseen Waxaa ucodeeyay 21-Xubnood,Cidna Ma diidin,Cidna kama
Aamusin. » Xubin Abokor Cabdillaahi Jaamac Waxaa ucodeeyay 21-Xubnood,Cidna Ma diidin,Cidna kama Aamusin. » Xubin Maxamed Cilmi Beegsi Waxaa ucodeeyay 21-Xubnood,Cidna Ma diidin,Cidna kama Aamusin. » Xubin Cabdi-Weli Aadan Faarax Waxaa ucodeeyay 21-Xubnood,Cidna Ma diidin,Cidna kama Aamusin.



45
25. Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxay Tababar ku saabsan hogaaminta u soo gabogabeysay qaar ka mid ah arday Jaamacadaha
(3-12-2020) Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa tababar muddo saddex cisho ah socday uso xidhay qaar ka mid ah ardayda jaamacadda dalka, Tabobarkani oo ardayda lagu barayay sidii ay dhalinyaradu uga qayb qaadanlahaayeen siyaasadda iyo hogaaminta dalka ayaa waxa tabobarkaasi xidhitaankiisii kasoo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane: Maxamed Cabdillaahi Siciid “Khaawi”, Agaaasimaha waaxda Dhalinyaradda Mudane: Maxamed Xassan Cabdi, Madaxa mashaariicda horumarinta dhalinyarada hay’adda UNFPA Cabdicasiis Maxamed Faarax iyo Khabiirka bixinayay tabobarkaasi Cabdillaahi Cali Muxumed {Garaadka} iyo sidoo kale dhalinyaradii ka faa’idaysanaysay tababarkaasi. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay khabiirka bixinayay tababarkaasi Cabdilaahi Cali Muxumed {Garaadka} iyo mid kamid ah dhalinyaradda ka faa’iidaysatay tabobarkaasi.
Tababare Garaadka waxa uu yidhi:“Dhalinyaradu intii aanu halkan wada joognay waxa ay muujiyeen karti badan iyo hagaaminta lafteediiba, waxa aan markaa halkan aan doonayaa uun inaan hal dardaarana ka idhaahdo kaasi oo ah in aynu wixii aynu halkan ku kala qaadannay weelayno sido kalena noqdaan wax midho dhala oo shaqsi ahaan iyo umadaba looga faa’idaysto, ka qaybgalka siyaasadduna waa qodob muhiima tagaanna wakhtigeedii amrkaa sidaa wanaagsan ee aynu iskula faaqidnay loogu hawlgalo.”
Agaasimaha waaxda dhalinyaradda Maxamed Xasan Cabdi waxa uuu isaguna yidhi: “Inta badan dadkeena markaad eegto kolka siminaar la qabanayo inta badan waxa laga sugaa uun cida qabanaysa balse caalami ahaan waxa weeyi 40% ka imanaysa kasoo qaybgalayaasha iyo 60% ka imanaysa tababar bixiyaasha.”
Madaxa Horumarinta Mashaariicda Dhalinyaradda UNFPA Cabdicasiis Maxamed Faarax ayaa waxa uu isaguna yidhi:“UNFPA tabobarkani waxa ay ugu talo gashay laba arrimood inuu xooga saaro, midi waa Hogaaminta, midna waa Ka qayqaadashada markaa ka qaybqaadashadii waxay doonto ha noqotee. In dhalinyaradu wax hogaamin karto oo sayn ognahay manta caalamka wax acid hogaamisaa waa dhalinyaro.”
46
Waxa ugu danbayn halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Cabdillaahi Siciid “Khaawi” isagoo ka warbixiyay heeganka ay wasaarddu ugu jirto dhiiri gelinta iyo tababarka dhalinyarta waxana uu yidhi: “tabobarkan waxa fuliyay wasaaradda dhalinyarada iyo hay’adda UNFPA iyagoo is kaashanaya waxana loogu talo galay in dhalinyaradda looga faa’ideeyo aqoon ahaan hogaamintu waxa ay tahay, waxaan u malaynayaa maanta inaad aqoon ahaan barateen

oo aad taqaanaan hogaamintu waxa ay tahay waxa kaliya ee loo baahanyahay waxa weeyaan in aad nafihiina ku dabaqdaan oo aad noqotaan kuwo hogaamiyayaal ah oo bulshada aad ka timaadeen iyo guryaha aad kasoo toosdeen iyo nafihiina iyo jaamahada aad ka kala socotaanba hogaamiyayaal u noqotaan oo aqoontii aad barateen idinka muuqato, mar labaad waxa loo baahanyahay maanta waxa la idin tusay dariiqiiye waxa la idiinka baahanayahay inaad aqoontii sii korordhsataan.”

Ugu dambeyntii waxa uu dhammaan ka soo qayb galayaashii la gudoonsiiyey shahaadooyinka

47
26. Tartanka Ciyaaraha Gobolada 2020
(28. Oct-16, Nov)-Tartanka ciyaaraha gobolada 2020 oo ka koobnaa sadex qaybood oo kala ah kubbadda cagta, kubbadda kolayga iyo ciyaaraha fudud ayaa ka qabsoomay caasimada Somaliland ee Hargeysa. Tarankan kubbada cagta ayaa furitaankiisa iyo xidhitaankiisaba waxa ka qayb galay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi halka sidoo kale uu ka qayb galay Madaxwaynuhu xidhitaankii tartanka kubbadda kolayga.
Tartanka kubbadda cagta iyo ciyaaraha fudud ayaa waxa ka qayb galay dhamaan 14ka gobol ee Somaliland ee kala ah Maroodijeex, Togdheer, Awdal, Sanaag, Sool, Saaxil, Gabilay, Daad madheedh, Hawd, Salal, Buuhoodle, Saraar, Badhan iyo Xaysimo halka tartanka kubbadda kolayga ay ka qayb galeen sideed (8) gobol oo kala ahaa gobolka Maroodi jeex, Togdheer, Awdal, Sanaag, Saaxil, Gabilay, Daad madheedh iyo Hawd.
Tartanka kubbadda cagta oo ka koobnaa 25 ciyaarood ayaa furmay 28,Oct, halka uu dhamaaday 16,Nov, 2020, sidoo kale tartanka kubbadda kolayga oo ka koobnaa 15 ciyaarood ayaa bilaabmay 29,Oct halka uu dhamaaday 14, Nov, 2020 sidoo kale ciyaaraha fudud oo ka koobnaa 6 qaybood ayaa iyaguna bilaabmay 28,Oct halka ay ka dhamaadeen 11, Nov, 2020.
Tartankan oo ahaa mid xamaasadiisa iyo xiisihiisuba aad u sareeyo ayaa waxa daawanayay ciyaaraha uu ka koobnaa dadwaynaha ku nool dalka Somaliland, dalalka jaarka aynu nahay gaar ahaan kuwa afka Soomaaliga ku hadla iyo dad badan oo soomaaliyeed pp ku nool qurbaha. Tirada ciyaartoyga, tababarayaasha iyo maamulka gobolada ee ka qayb galay tartanka ayaa waxay gaadhayeen 588 qof kuwaas oo ka kala koobnaa kubbadda cagta 378 qof, kubbadda kolayga 12 qof iyo ciyaaraha fudud 98 qof. Waxa kale oo intaa dheeraa taageerayaal badan oo gobolada uga imanayay maalinta gobolkoodu ciyaarayo.
48

Tartanka kubbadda cagta ayaa waxa ku guulaystay gobolka daad madheedh halka uu kaalinta 2aad galay gobolka maroodi jeex, sidoo kale tartanka kubbada kolayga ayaa waxa ku guulaystay gobolka Maroodi Jeex halka kaalinta 2aad uu galay gobolka Saaxil sidoo kale tartanka ciyaaraha fudud oo ka koobnaa orodada 100M, 200M, 400M, 800M, 1500M iyo 5000M ayaa dhibcihii ugu badanaa waxa helay gobolka Saraar Tartankan ayaa waxa maalgeliyay dhamaan kharashka ku baxay xukuumada Somaliland iyada oo kharashkaasi ka kala yimid miisaaniyada wasaaradda, xayaysiiska garoonka iyo tigidhada garoomada lagu daawanayay. Guud ahaan kharashka ku baxay tartanka ayaa ahaa 3,472,000,000 oo u dhiganta $ 400,000 oo dollar.



49
(MOYS-05-12-2020):Wasiirka Wasaaradda DHalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland. Mudane Boos Mire Maxamed, iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha c/rashiid caydiid yaasim iyo agaasimaha waxaada Qorsheynta Mustafe Ali Nuur ayaa maanta si meeqaam sare leh usoo dhaweeyay Naadiga baahiyaha gaarka ah Ee ku ciyaaraayey Magaca Somaliland oo dib ugu soo noqday Wadanka Somaliland.
Naadigan baahiyaha gaarka ah ee matalaayey wadanka Somaliland ayaa maalmihii udambeeyay ku sugnaa wadanka Djibouti iyaga oo guul weyn kasoo gaadhay ciyaar ay la yeesheen dhigooda Djibouti ayaa maanta dib ugu soo noqday wadanka Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL oo hogaaminaayey wefsigaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin, sharaf weyna utahay ka wasaarad ahaan inay soo dhaweeyaaan naadigaasi,iyaga oo guul weyn kasoo gaadhay ciyaartii ay la yeesheen dhigooda Wadanka Djibouti oo 7:0 ay kaga soo badiyeen,waxaana taasi
50

ay muujinaysaa horumarka quruxda badan ee la taaban karo ee aynu ka gaadhnay ciyaaraha kubadda Cagta. Sidoo kale wasiir Eng Yusuf Mire Maxamed waxa uu u mahadceliyey madaxweynaha Jamhuriyada somaaliland .mudane Muuse Bixi Cabdi iyo.madaxweyne kuxigeenka mudane C/Ramaan Ismaacil Saylici oo dadaal balaadhan galiyey dhalinyarada baahiyaha gaarka ah sidii ay usoo ciyaari lahaayen intaa kadib waxa uu wasiirku u mahadceliyey dawlada Jabuuti ee ciyaartaas martigaliyey. Wasiir Boos Mire ayaa dhalinyarada laxaadka la ee Somaliland muddadii uu hayey xilkaasi u qabtay tartano kala duwan oo ay ka mid ah ahaayen tartankii Orodka dhalinyrada laxaadka lugaha la’ iyo tartankii kubbada cagta ee dhalinyarada baahiyaha gaarka ah ee gobolada Somaliland.


51
28. Guulaystayaashii Xulka Kubada Cagta ee baahiyaha gaarka ah oo Qaabilaad Loogu Sameeyay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland

Hargeysa-07-12-2020-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay kooxda kubbadda cagta ee baahiyaha gaarka ah ama dhegoolayaasha oo ka soo jeedda gobolka Awdal, kuwaas oo kusoo guulaystay tartan ka qabsoomay dalka aynnu deriska nahay ee Jabuuti.
52
Kooxdan oo guul toddoba gool iyo Eber ah kasoo hoysay ciyaar ka ma dambays ahayd oo ay la yeesheen koox ka dhisan dalka Jabuuti, ayuu madaxweynuhu qaabilay iyaga oo sita koobkii ay kusoo guulaysteen, waxana uu ku ammaanay dedaalka ay ku hanteen guushaas ay kor ugu qaadeen magacii qarankooda iyo koodiiba.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kooxdan soo guulaysatay ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen iyo guusha ay soo hooyeen, waxana uu sheegay inay qaran ahaan libin iyo wax lagu dhaato u tahay guusha ay kooxdani kasoo hoysay tartankii lagu qabtay dalka Jabuuti, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waan idin soo dhaweynayaa, waan idin hambalyeynayaa, waan idiin ducaynayaa, waannu idinku faanaynaa, waana idinku dhaadanaynayaa, aad iyo aadna waanu ugu faraxsannahay sida aad wax usoo qabateen, kartidiina iyo sharaftiina.” Madaxweynuhu waxa uu ammaanay awoodda iyo hibada ku lammaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo sida ay waajibka u tahay inuu qaranku uga faa’iidaysto, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban-laabaan dedaalkooda iyo soo bandhigidda awoodahooda qarsoon.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey kooxdan xaga maqalka ama dhegoolayaasha ah oo marka horeba ahayd horyaalka kubbadda cagta ee kooxaha dhegoolayaasha ee ku dhaqan gobollada dalka. Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay qaabilaada uu ku qaabiley iyo dhiirigelinta uu u muujiyey dadka baahiyaha gaarka ah qaba guddoomiyaha horyaalada heerka koowaad ee Somaliland, Mudane Samaroon Cabdilaahi Cilmi, gudoomiye ku xigeenka dadka bahiyaha gaarka ah qaba mudane Geelle Rashiid Xuseen iyo kabtanka kooxda ku soo guulaysatay koobkii jabuuti u qabatay kooxaha dhegoolayaasha, Kabtan Sayid.
Qeybinta Buuga Shuruucda Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Ee Gobolka M/Jeex. [19-12-2020] Gudoomiyaha Xidhiidhka kubadda Cagta JSL Fu’aad Axmed Cali ayaa la kulmay Maamulka kooxaha heerka koowaad ee gobolka Maroodi jeex. Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen gudoomiyayaasha kooxaha heerka koowaad, madaxda xidhiidhka kubada cagta JSL iyo marti sharaf aad u tiro badan ayaa waxaa lagu soo bandhigaayey buug yaraha shuruucda xidhiidhka kubadda cagta JSL oo muddo lagu hawlanaa sidii loo dhamaystiri lahaa shuruucda lagu hagaayo kooxaha kala duwan ee ka ciyaara dhamaan gobolada Somaliland.

53
Gudoomiyayaasha kooxaha heerka koowaad ayaa aad ugu mahadnaqay dhamaan maamulka XKCSL ee ku hawlanaa mudooyinkii udambeeyay in la dhamaystiro qebyo qoraalka xeerarka kala duwan ee lagu dhaqaayo kooxaha heerarka kala duwan ee Gobolada Somaliland.
Ugu dambayn kooxuhu waxay halkaasi ku saxeexeen shuruucda xidhiidhka kubadda cagta uu ku hagi doono kooxaha heerarka kala duwan ee Somaliland iyagoona safar shaqo ku tagi doona gobolada kale ee hadhay si ay uga soo saxeexaan buuga shuruucda XKCSL.
Waxaa halkaasi ugu dambayn ka hadlay gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta JSL Fu’aad Axmed Cali oo umahadnaqay dhamaan gudoomiyayaasha kooxaha heerka koowaad Ee Gobolka M/Jeex oo si xilkasnimo leh iyo masuuliyadi ku dheehan tahayna xil weyn isaga saaray kulankan ee aynu ku saxeexayney shuruucda loo sameeyay XKCSL kaas oo lagu hagi doono 4-Sanno ee soo socda.
Qeybinta Buuga Shuruucda Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Ee Gobolka Awdal. [23-12-2020] Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin iyo Gudoomiyaha xidhiidhka Kubadda cagta JSL Fuaad Axmed Cali ayaa wefdi ay hor kacayaan lagusoo dhaweeyey Gobolka Awdal halkaasi oo ay ugu baxeen safar shaqo oo ay ku marayaan gobolada dalka oo dhan. Safarkan ayaa ahaa mid Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagtu ay gobolada waaweyn ku gaadhsiinaayeen buuga shuruucda Xidhiidhka kubadda Cagta JSL oo dib uhabayn iyo wax ka bedel lagu sameeyay sanadkan aynu ku jirno ee 2020.
Waxaa sidoo kale agaasimaha iyo gudoomiyuhu la kulmeen dhamaan kooxaha heerka koowaad ee ka diwaan gashan Wasaaradda dhalinayaradda iyo ciyaaraha ee gobolka Awdal
Kooxaha heerka koowaad ee gobolka awdal ayaa dhamaan halkaasi ku saxeexay buuga shuruucda ee xidhiidhka kubadda cagtu JSL. Buugan ayaa lagu soo koobay xeerarka kala duwan ee ay ku dhaqmi doonaan kooxaha heerarka kala duwan ee gobolada Somaliland.
54
Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee WDH&Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ugu dambayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku farax san yihiin sida quruxda badan ee ay usoo dhaweeyeen maamulka gobolka awdal ee uu hogaaminaayo isuduwaha WDH&Ciyaaraha JSL iyo kooxaha kala ee duwan ee gobolkaasi. Qeybinta Buuga Shuruucda Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Ee Gobolka Saaxil.
[26-12-2020] Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin iyo Gudoomiyaha xidhiidhka Kubadda cagta JSL Fuaad Axmed Cali ayaa wefdi ay hor kacayaan lagusoo dhaweeyey Gobolka Saaxil halkaasi oo ay ugu baxeen safar shaqo oo ay ku marayaan gobolada dalka oo dhan. Maamulka Gobolka Saaxil oo uu hogaaminaayo Isuduwaha WDH&Ciyaaraha JSL Mr.Shaafici ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay wefdigaasi ka socday Wasaaradda Dhalinyaradda & Ciyaaraha Iyo Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL.
Kulankan ayaa kooxaha heerka koowaad ee gobolka saaxil gudoomiyayaashoodu ku saxeexeen buuga shuruucda lagu maamulaayo dhamaan kooxaha heerarka duwan ee gobolada Somaliland oo la gaadhsiinaayey dhamaan gobolada Somaliland saaxilna ay tahay gobolka sadexaad ee nasiibka uyeeshay in halkooda loogu imaado oo ay ku saxeexaan. Qeybinta Buuga Shuruucda Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Ee Gobolka Sool. [29-12-2020] Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin iyo Gudoomiyaha xidhiidhka Kubadda cagta JSL Fuaad Axmed Cali ayaa wefdi ay hor kacayaan lagusoo dhaweeyey Gobolka Sool.
Safarkan ayaa daaranaa mid agaasimaha waaxda ciyaaraha iyo gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagtu ay ku gaadhsiinaayeen gobolka Sool Buuga shuruucda kooxaha heerka koowaad ee lagu hagi doono 4-Sanno ee soo socda.
Dhamaan kooxaha heerka koowaad ee gobolka sool ayaa halkaasi ku saxeexay buuga shuruucda uu xidhiidhka kubadda cagtu ku gaadhsiinaayey dhamaan gobolada dalka Somaliland,Soolna ay tahay gobolkii ugu dambeeyay ee aanu soo gaadhsiino buugaasi.


55

56
