
1 minute read
16.Tartan Orod oo Half-Marathon ah oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa
30
16. Tartan Orod oo Half-Marathon ah oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
Advertisement
Waxaa ka qabsoomay Magaalada Hargeysa Tartanka Orodka loogu magac daray Hargeysa International half Maraton oo ay kasoo qayb galeen 9 dal oo lagu soo casuumay Tartankan Orodka ah sida: Ethiopiya, Djabouti, France, Maraykan, Spanish, Kenya, iyo dalal kale.
Waxaa kasoo Qeyb-galay munaasibadan Madax-weyne Ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismacil Saylici,Wasiirka WDh&Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed,Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Axmed Cabdi Kaahin,wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Iyo Arimaha Dastuurka.
Maxamed Caaji Aadan Cilmi,Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Gelinta Iyo ArimahaBulshada Hinda Jaamac Xirsi Gaani,iyo weliba Guudoomiyaha Hay’adda DhowristaSomaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf.Orodkan waxa soo qaban qaabisay Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee somaliland. Gabagabadii waxa Abaalmarinadii gudoonsiiyey tartamayàsha guulaystay M/Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismacil Saylici iyo Wasiirka WDH&Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos.
ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa bogaadiyey dhalinyaradii ku guulaystay tartankaasi oo ka kala yimid gobolada Somaliland.


31


Wasirka WDH&Ciyaaraha JSL mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos ayaa isaguna sheegay inay qaban doonaan tartamo kala duwan oo ciyaaraha fudud ah kana soo qeyb geli doonaan wadamo kale oo inaga caawin kara in dalkeena Somaliland la aqoonsado. Sidoo kale waxaa iyaguna ugu mahadnaqay wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL wadamadii ka qeybgalay tartanka orodka oo sheegay in Somaliland ay haysato cimilo ku fiican, kuna haboon in lagu qabto ciyaaraha kala duwan ee caalamka.
