1 minute read

17. Tartan Kubadda Cagta ah oo Lagu Soo Geba Gabeeyey Magaalada Burco

32

17. Tartan Kubadda Cagta ah oo Lagu Soo Geba Gabeeyey Magaalada Burco.

Advertisement

Tartan mudaba ka socday magaalada burco ayaa lasoo gebagabeeyey waxaana munaasibadaasi a ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos,Wasirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire, masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo Xildhibaano kamida Golaha Deegaanka Ee Burco.

Waxaa ugu Horeyn halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos ayaa wuxuu sheegay in gobolka togdheer uu yahay gobolada ugu kubadda fiican Somaliland,waxayna dib u eegi karnaa koobabka gobolada Somaliland inta uu ku guulaystay taasi oo cadayn u ah inuu hormood u yahay kubadda cagta JS,in lagu daydana ay tahay mid loo baahan yahay.sidoo kale wuxuu u mahadnaqay maamulka Gobolka Togdheer,Ciidanka Nabadgelyada G/Togdheer iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay inuu tartankani si qurux badan uu kusoo dhamaado.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire ayaa wuxuu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo qeybgalo munaasibadda lagu xidhaayo tartanka heerka koowaad oo ka socday gobolkaasi,sidoo kalena ay garab taagan yihiin dhalinyaradda reer Burco oo ay ku bogaadinayaan sida

33

xushmada iyo karaamada mudan ee ay uwada ciyaaraan tartamada kala duwan ee lagu qabto.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo runti ku amaanay Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL inay dhalinyaradda gobolada oo dhan ay uqabato taramo kala duwan si isku mid ah, runtiina ay tahay shaqo weyn oo ay qaranka Somaliland uhayaan.

Waxaanu si gaar ah u bogaadinaynaa Wasiirka WDH&Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos iyo Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi oo runtii iyagu nagu garab istaagay in tartanka oo mudaba istaagay dib loo bilaabo oo halkiisii laga sii wado,taasina waxay noo tahay ka maamul ahaan mid aanu ku garab taaganahay Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL inay halkaasi kasii wado horumarka dhalinyaradda reer Burco.

Gebagadii ciyaartooyda qaar kamid ah ayaa waxay tilmaameen in tartankaasi si qurux badan usoo idlaaday oo ay ku faraxsan yihiin kasoo qeyb galka ay kasoo qeybgaleen si xamaasad lehna ay u daawadeen iyagoo ilaalinaaya nabadgelyada iyo xasiloonida tartanka.

This article is from: