
3 minute read
4. Tartanka Naadiyada Heerka Saddexaad ee Caasimadda Hargeysa
13
4. Tartanka Naadiyada Heerka Saddexaad ee Caasimadda Hargeysa.
Advertisement
Wasaaradda WDH&Ciyaaraha JSL oo kaashanaysaa Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL ayaa waxay qabatay tartanka naadiyada Heerka Sadexaad Ee Caasimada hargeysa,kaas oo ay ka qeyb-galeen 10-ka naaddi ee ka dhisan caasimadda Hargeysa kuwaas oo ka diiwan-gashan XKCSL. Tartankan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland
& XKCSL ayaa sidoo kale waxaa iyaguna qeyb ka ahaa Astaan Cable TV,munaasibadan gebagabada tartanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Xoghayaha Guud ee XKCSL iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maamulka iyo Macallimiinta naaddiyada ka qeyb-galaya tartanka iyo Marti-sharaf.
Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL ayaa wuxuu halkaasi ka sheegay in ka wasaarad ahaan ay dadaalo badan ugu jiraan sidii ay u horumarin lahaayeen ciyaaraha kala duwan ee dalka, taasoo gobolada oo dhan laga qabanaayo tartamo kala duwan oo heer calami ah.

14
Agaasimaha Waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil ayaa isaguna ku bogaadiyey cid walba oo tartankaas qeyb ka ahayd sidii uu u hirgeli ahaa,waxaanu kula dardaarmay kooxaha inay si qurux badan ay u ciyaaraan akhlaaq wanaagna ay la imaadaan.
Waxaa gebagabadii munaasibada isaguna halkaasi hadal ka jeediyey xoghayaha Kubadda Cagta Somaliland Samatar Maxamed Cabdillaahi oo sheegay inay ka xidhiidh ahaan ku bogaadinayaan sida quruxda badan ee wasaaradda dhalinayaradda ciyaaruhu u garab taagan tahay tartan walba oo xidhiidhku qabanaayo,sidoo kalena sheegay in Tartankaasi ka koobnaa 3 Group.
Sidoo kalena mahadnaq usoo jeediyey Tv’ga Astaan Cable Tv oo qeyb weyn ka geystey tartankaasi iyo Tv,yada sida Live ka usoo daynaayey maalin walba oo tartankaasi socday.
Xubin ka socotay shirkadda Astaan Cable Tv ayaa halkaasi wuxuu ka sheegay inay ku faraxsan yihiin sida quruxda badan ee ay wasaaraddu u qabatay tartanka naadiyada heerka sadexaad kuna bogaadinayaan inay halkaasi ka wadaan dadaalada lagu horumarinaayo ciyaaraha Somaliland.




15
5. Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland oo Hargeysa Lagu Qabtay.
Jimco, Febraayo 21, 2020(HOL)–Somaliland ayaa laga xusay maalinta dhallinyarada Somaliland oo sanad walba la xuso maanta oo kale.
Maalin ayaa looyaqaan dhagax tuurka, waxaana dhacday dhalinyaro gadoodsan oo ka cadhooday aqoonyanno reer Somaliland oo danta guud u kacay markii dawladii kacaanku xabsiga u taxaabtay, taas oo keentay inay iska hor yimaadaan ciidamda dawlada iyo dhalinyaradii oo dhagaxaan sita, halkaasi oo dhimasho iyo dhaawacba ka dhacday.
Dhallinyaro aqoonyahan ah ayaa samaysatay ururkii UFFO, kuwaas oo wax badan ka qabtay xaaladii cisbitaalka guud ee Hargeysa ka jirta, haseyeeshee waxa arrintaasi diidanayd dawladdi kacaanka, sidaas baa xabsiga loogu gurey qaarkoodna loogu xukumay xabsi daa’in.
Munaasibada lagu xusayo maalintan ayaa lagu qabtay beerta xorriyadda, taas oo ay ka soo qaybgalleen madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka

16
warfaafinta, maayarka caasimada,dallada dhalinyarada SONYO, iyo ururkii UFFO ee munaasibadani ka dhallatay.
Sidoo kale, waxa lug lagu soo maray xafiiska dhalllinyarada SONYO illaa taaladda loo sameeyey wiilkii dhalinyarada ahaa ee maalintaasi geeriyooday madaxdii munaasibada ka soo qaybgashay iyo ardayda dugsiyada sare.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka qaybgalay xuska dhalinyarada ayaa sheegay in Soomaaliya ku wada hadli karaan fagaare caalami ah balse aan qol hoostii lagu wada hadleen.
Wasiirka WDH&Ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed ayaa halkaasi ka sheegay wixii ka dhacay 1981 ee loogu geystey Dhalinyaradda Reer Somaliland Ee wakhtigaasi Joogtay,maantana ay farxad noo tahay inaanu ka xusno Gobolada Oo Dhan Ee Wadanka Somaliland..
Dhinaca kale, goboladda Awdal, Gabiley iyo Saaxil ayaa dadweynuhu sameeyeen iskugu soo bax lagu taageerayo go’aankii madaxweyne Biixi ku diiday in madaxweynaha Soomaaliya yimaado Somaliland, kuwaas oo si weyn uga soo horjeestay.
