
1 minute read
Gabiley Lagu Qabtay
18
7. Tartan Lagu Xusaayey Maalinta Dhalinyaradda Somaliland Ee 20 February Oo Gabiley Lagu Qabtay.
Advertisement
Tartano kubadda cagta ah ayaa ka qabsoomay Goboladda kala duwan ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Ceerigaabo,Gebiley,Gar’adag,Buuhoodle,Ceelafweyn,Caynaba iyo Caasimadda Hargeysa Taas oo si weyn looga xusay maalinta Dhalinyaradda Somaliland oo ku beegnayd 20ka February.
Munaasibadan ayaa guud ahaan maaanta si balaadhan looga xusay dhamaan gobalada iyo dagmooyinka Somaliland ayaa waxa barbar socday tartamo kubada cagta ah oo lagu xusaayay maalinta Dhalinyaradda Somaliland. munaasibadan waxa soo qabanqaabisay dallada ay ku midoobeen dhalinyaradda Somaliland Ee SONYO.
Munaasibadan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay maamulka Gobolka Gebiley oo ka hadlay in maalintani ay tahay maalin ku weyn shacabka reer Somaliland meel kasta oo daafaha dunida ka joogaan,taariikh kooban oo ka hadlaysa maalintanna ay halkaasi ka sheegeen si dhalinyaradda reer Somaliland ee wakhtigaasi soo gaadhin ay aqoon kororsi ugu noqoto.
