34
18. Tartan Kubadda Cagta ah ee Dugsiyada Sare ee Boorama ayaa Lagu soo Gebagabeeyey Dila. Tartan mudaba ka socday magaalada boorama gaar ahaan Dila ayaa lasoo gebagabeeyey kadib markii ciyaartii ugu dambeyseyay isku soo baxeen naadiyada ku kala ciyaarayey Aaadan Isaaq iyo Waaberi School. Munaasibadan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Gudoomiyaha Imtixaanaadka Daauud Gadh-Weyne, maamulka gobolka Awdal oo isku duuban iyo maamulada kala duwan ee iskuulada oo halkaasi iyaguna kasoo qeyb-galay.
Munaasibadan ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Imtixaanaadka Daauud Gadh-Weyne oo sheegay inuu tartankani ahaa mid si weyn looga soo shaqeeyey oo maalin walba laga war haayey halka uu maraayo tartankani si uu unoqdo mid si qurux badan u qabsooma, maantana ay ka muuqato juhdiga iyo dadaalka la geliyey,waxaan marlabaad umahadnaqayaa cid walba oo ka qeybqaadatay tartankani inuu noo qabsoomo oo ay ka kow tahay Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL. Gebagabadii maamulka Gobolka Awdal ayaa umahadnaqay gudoomiyaha imtixaanaadka Daauud Gadhweyne oo meel dheer usoo maray sidii uu tartankan inoogu soo xidhi lahaa,sidoo kalena waxay sheegeen inay sii wadi doonaan tartamada loo qabto dugsiyada Gobolka Awdal.