Republic of Somaliland Ministry of Youth & Sports Annual Report 2020

Page 32

32

17. Tartan Kubadda Cagta ah oo Lagu Soo Geba Gabeeyey Magaalada Burco. Tartan mudaba ka socday magaalada burco ayaa lasoo gebagabeeyey waxaana munaasibadaasi a ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos,Wasirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire, masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo Xildhibaano kamida Golaha Deegaanka Ee Burco. Waxaa ugu Horeyn halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed Boos ayaa wuxuu sheegay in gobolka togdheer uu yahay gobolada ugu kubadda fiican Somaliland,waxayna dib u eegi karnaa koobabka gobolada Somaliland inta uu ku guulaystay taasi oo cadayn u ah inuu hormood u yahay kubadda cagta JS,in lagu daydana ay tahay mid loo baahan yahay.sidoo kale wuxuu u mahadnaqay maamulka Gobolka Togdheer,Ciidanka Nabadgelyada G/Togdheer iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay inuu tartankani si qurux badan uu kusoo dhamaado.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire ayaa wuxuu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo qeybgalo munaasibadda lagu xidhaayo tartanka heerka koowaad oo ka socday gobolkaasi,sidoo kalena ay garab taagan yihiin dhalinyaradda reer Burco oo ay ku bogaadinayaan sida


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.