Republic of Somaliland Ministry of Youth & Sports Annual Report 2020

Page 10

10 3. Tartanka Naadiyadda Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa. Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi ayaa ka Qeyb-galay kulanka Finalka Tartanka Naaddiyada Heerka Labaad ee Caasimadda Hargeysa,waxaa sidoo kale la socday Gdoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Maxamed Amiin Cabdi Cilmi,Gudoomiyaha Ururka Dallada Ee Sonyo Cabdicasiis Maxamed Jaamac,badhasaab ku-xigeenka Gobolka M/Jeex Khadar Baaruud iyo madax kala duwan. Musaabidan ayaa ugu horayn ka hadlay Ag.Guud Ee WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi ayaa wuxuu sheegay inuu tartankani mid aad loo wada sugaayey,iyadoo ay ahayd markii koowaad oo tartan heer caalami ah loo qabto naadiyada heerka labaad Ee caasimadda hargeysa.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Maxamed Amiin Cabdi Cilmi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maanta arkaan waxqabadkoodii oo guualaystay juhdi badanna ay gelin doonaan inay sii wadaan oo ay kor uqaadi doonan tartamada kala duwan ee kubadda cagta JSL. Gudoomiyaha Ururka Dallada Ee Sonyo Cabdicasiis Maxamed Jaamac ahna


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.