Tirsiga 4-aad_caddadka 1-aad

Page 1


Masraxa iyo shineemada Afrika

Taariikhayn iyo dulmar

Moonlight (2016)

Iswaayid haybeed iyo shakhsiyadeed

The Gift (Hadiyad)

Faallo Filin

Curis Maxaynnu Citizen Kane (1941) u

Hilmaami Karin?

Ikiru (1952)

Faallo Filin

Masraxa Asmara ee ku taala Magaaladda Asmara. Sawirkan waxaa laga soo xigtay barta MuroMaestro/wordpress.

Tusmo

06 18 24 30 34

Masraxa iyo

Shineemada Afrika

Taariikhayn iyo dulmar

Martin Eden

Ogaalkiisa

Miyuu Eeday?

Maxaynnu

Citizen Kane (1941) u

Hilmaami Karin?

The Lunchbox (2013)

Faallo Filin

Moonlight (2016)

Iswaayid haybeed iyo shakhsiyadeed

38

The Gift (Hadiyad)

Faallo Filin

42 46 Ikiru (1952) Eastern Promises (2007)

Faallo Filin

Faallo Filin

Masraxa iyo shineemada Afrika

Taariikhayn iyo dulmar

Maxamed D.Ciise

Hordhac iyo

Taarikhayn

Afrika, waxay lee dahay bulsho Afrikaan ah oo leh sooyaal durugsan, farshaxanno indhaqabad ah, middabbayn asal ah iyo dhaqamo guun ah. Bulshada intaas oo dhan leh ayuu fan ka soo dhex iftiimay oo ay yeelatay hiboolayaal lama’illaawaan ah haddii ay dhinac muusig, dhaqan, suugaan (tix iyo tiraab) iyo shineemo tahayba, hiboolayaasha faneed hoygoodu waxa uu ahaa tagtadii masraxa, gooraha casriga ahna waxaa wixii oo dhan isku fuuqsaday shineemada, maxaa yeelay saacad kaliya ayay soo bandhigaysaa; nolol, dhaqan, caadooyin, midabbo, farshaxanno iyo dhacdooyin. Masraxa iyo shineemada Afrika, in kasta oo ay isku xidhan yihiin, waxay la gola yimaadaan kaladuwanaansho ku aaddan tibaaxidda faneed;haddana iyadoo taasi jirto waa kuwo isdhammaystiraayo. Labada dhinacba waxay ka turjumayaan hiddaha dhaqan ee hodanka ah ee uu Afrikaanku lee yahay, sawiridda caadooyinka bulshada, dhaqdhaqaaqa bulshada, iyo xaqiiqooyinka siyaasadeed ee qaaradda Afrika. Laga soo billaabo dhaqamadii hore ilaa soo saarista filimada casriga ah, labada dhinacba farshaxankoodu wuxuu ahaa qalab iyo mikrafoon awood badan oo loogu talagalay in uu tabiyo sheeko, sawiro bulshada, iyo sida oo kale in lagu ilaaliyo dhaqanka. Qormadani waxay si qoto-dheer uga hadlaysaa: taariikhayn kooban, matalaadda masraxa iyo shineemada ee dhaqameed, dhaqdhaqaaqyada bulsho, mowduucyada siyaasadda iyo taswiirta kacaannada iyo sida masraxa iyo shineemada Afrika looga dhadhansan karo siday arrimahaas uga hadlaan oo kaladuwnaanshahooda looga arkaayo.

Sooyaalayn kooban;

Masraxu waa ka curadsan yahay shineemada, waa hoygii koowaad ee uu aadanaha dhammaantii isugu keenayay ilbaxnimadiisa, daraamaduna waa mid ka guunsan filinka. Masraxu waxa uu ahaa guri ay bulsho walba ku soo bandhigto ilbaxnimadeeda, oo tan iyo ilbaxnimooyinkii Giriiggu iyo filaasifadii horeba lagu soo bandhigayeen hal’abuurkooda iyo farshaxankooda. Curadnimadaas ayuu masraxu kaga horumarsan yahay sooyaal ahaan shineemada. Si gaar ah, masraxa Afrika, waxa uu ka soo dhex baxay iskudhoonka: dhahanaha (oral), muusigga iyo qoobkacayaarka. Afrikaanku ummad ahaan waxay fan iyo suugaan ahaan lee yihiin tan iyo goorihii noloshu dhahanaha (oraalka) ahayd, muusigguna waa mid guun ah oo inta ay ummaddu jirtay qalabyo muusig ayay lahaayeen iyo sida oo kale qoobkacayaar soo jireen ah. Isugaynta saddexdaas oo ay bulshadu isugu imaanaysay goobo, tumanaysay muusig, cayaaraysay qoobkacayaar misana lagu darayay suugaanta dhahanaha ayuu ku bar billowday masraxu. Bar billowgaasina waxaa saamayn wayn ku leh suugaanta dhahanaha, oo suugaantii dhahana ahayd ayaa lagu kaabay muusiggii guunka ahaa iyo qoobkacayaarkii Afrikaanku ku abuurnaa sidaasna waxaa ku curtay iskaashi faneed iyo isu soo baxyo bulsho.

Masraxiyaadkaas faneed ee lagu soo bandhigayay masraxa waxay ahaayeen kuwa laga dhadhansanayay oo soo bandhigayay rummaysnaanta diimeed ee bulshada, u jeedooyinka siyaasadeed, dhaqamada bulsheed, middabbada asiiliga ah, fanka iyo muusigga iyo waliba sawirka dhaqandhaqaalaha bulshada. Gummaystihii inagummeedka ahaa ee soo cagadhigtay Afrika, waxa uu sooyaalka masraxa ku lee yahay kaalin qaabayn iyo saamayn wadata, taasoo habssami-u-soodka masraxa wajiyo badan u yeeshay, ugu danbaynna waxay abuurtay in si ka duwan siyaalihii hore wax loo sawiro, fanka loo soo gudbiyo, codkii xorriyaddana isbaddel ayaa ku yimid. Walow, masraxa iyo suugaanta Afrikaanku qayb ka qaateen kaalintii iskacaabinta inangummeedka iyo baraarugga bulshada, iyo sida oo kale in sooyaalkaas lagu uruuriyo suugaanta lafteeda oo kayd taariikheed noqoto.

Iyana, waxay shineemada Afrikaanku sooyaal ahaan soo shaacbaxday qarnigii 20-aad billowgiisii, gaar ahaan bulshada Masaarida ayay ka soo iftiintay. waxsoosaarradii filimeed ee ugu horreeyayna waxay ahaayeen kuwa si uun uga falcelinayay sancadaalaha hadalhayntiisa, iyo qaab dhismeedka sheekada bulsheed. Goorihii Afrikaanku inangummeedka xumafalkiisa ka dhiidhiyeen oo ay heleen codkooda xorriyadda, waxaa abuurmay isbaddel hor leh, waxaanna Afrikaanka ka soo dhex baxay agaasimayaal lama’illaawaan ah oo ay ka mid yihiin: Ousmane Sembène, Haile Gerima, and Med Hondo. Gaar ahaan, waxaa kaalin lamadhaafaan ah qaatay agaasime Ousmane Sembène, kaas oo dhaliyay hir cusub, waxkudarsi asiili ah iyo cod matala Afrikaanka. Waxa uuna ka biyo diiday in Yurub tahay xuddunta dhaqanka, indheergaradnimada iyo jirtaanka noloshiisa, waxa uuna cod dheer ku yiri:

“Yurub ma aha xudduntayda. Maxay tahay sababta aan gabbaldaye ugu ekaanayo oo aan cadceedda uga daba janjeersanayo? Aniga ayaa ah cadceedda qudheeda.”

— Ousmane Sembene

Agaasimayaasha hirkaas cusub abuuray gumaystaha ka dib, waxay saamayn ku yeesheen qaabsocodkii hore ee shineemada, dibuhabaynna ku sameeyeen sidii gummaystuhu u qaabeeyay: sheekada iyo baraarugga ummadda, sida oo kale waxay qaabeeyeen oo soo bandhigeen caddaaladda xumida bulsheed.

Masraxa iyo Shineemada Afrika: Matalaadda Dhaqan, Muusigga iyo Qoobkacayaarka.

Masraxa iyo shineemada Afrika waxay door muhiim ah ka cayaareen muujinta dhaqanka iyo hiddaha qaddiimiga ah ee qaaradda. Waxay noqdeen qalab muhiim u ah soo bandhigidda noloshii hore, soojireenka iyo qiyamka bulshada Afrikaanka ah, iyagoo isku xiraya farshaxanka dhaqanka iyo horumarka casriga ah, taasina waxay muujinaysaa ka la dabqaadashadooda iyo sida oo kale kaladuwnaantooda soo muujinta iyo iftiiminta. Masraxu waxa uu soo bandhigayay dhaqankii jiri jiray, muusigga iyo ciyaaradhaqameedkii gaarka ahaa, halka shineemaduna isu taagtay iskudhafka soo muujinta dhaqanka asiiliga ah iyo ka casriyowga ah ee jiilasha qurbjoogta Afrikaanku lee yihiin.

Masraxa Afrika: soo muujintiisa dhaqan, muusig iyo qoobkacayaar.

Masraxa Afrika wuxuu isu xilsaaraa oo uu marar badan isku howlaa soo muujinta sheekooyinkii dhaqanka ee afka laga werin jiray. Waa madal ay bulshada Afrikaanka ah ku soo bandhigaan sheekooyinka nololeed, dhaqankooda asiiliga ah, iyo falsafadahooda, kuwaas oo inta badan ka tarjumaya halganka, jacaylka, xanuunka, iyo farxadda bulshooyinka. Dhaqanka masraxa Afrika lagu soo bandhigo waxaa lagu cabbiraa dhaq-dhaqaaqyo dabiici ah oo soo bandhigaya astaamaha hiddaha iyo dhaqanka sida: Xidhashada dharka dhaqanka asiiliga ah: sida, dharka ka samaysan dhogorta iyo marooyinka dhaqanka ee aadka u midabbeysan (sida Kente ee Ghana iyo Shuka ee Maasai), ayaa ka soo muuqdo bandhigyo masraxeedyada. Tanina waxay muujinaysaa sida bulshada Afrikaanku masraxoodu ugu noqday muraayad ay iskadhex daawadaan, lebiskooda hiddaha ahna ku xidhtaan, midabbada indhaqabadka leh iyo kuulaha lagu xarragoodana ku qurxiyaan muuqooda. Masraxiyaadkaasina waxaa inta badan lagu soo bandhigaa oo sheekada masraxeed lagu wadaagaa afafka maxalliga ah ee hodanka ah, daraama masraxiyeedduna waxay noqotaa mid isugudhafan: muujin dhaqan, lebis asiili ah, midabbo indhaqabad leh iyo afaf maxalli ah sheeko lagu soo bandhigayo—si loo helo iskuxidhnaanta masraxa iyo bulshada. Muusigga iyo qoobkacayaarkuna, waxay kaalin muhiim ah ka qaataan masraxa, iyaga oo kiciya dhiigga nafta Afrikaanka, oo u ku qoofalan jidh qoobkacayaarka loo abuuray, taasina waxay durbaba abuurtaa xammaasad, kicisaana dhagaystayaasha, waxa uu bandhigguna yeeshaa xusuus gaar ah oo muusiggu wuxuu reebaa xusuus, illayn daraama walba waxay lee dahay nuuc muusig gooni ah oo loo tumo.

Masraxa Asmara ee ku taala
Magaaladda Asmara. Sawirkan waxaa laga soo xigtay barta MuroMaestro/wordpress.
Masraxa qaranka ee Kenya. Sawirkan waxaa laga soo xigtay barta Kenya Cultural Centre.

Shineemada Afrika iyo matalaadda Dhaqan, Muusigga iyo Qoobkacayaarka; Asal iyo Casriyeyn.

Shineemada Afrika, soo shaacbaxeedii waxaa dhaliyay, in ay si ka duwan ninka cad sida uu Afrika wax uga tabiyay ay u tabiyaan una soo bandhigaan waxkasta oo ay bulshada Afrikaanku lee yihiin si laga dhadhansan karo matalaad iyo dhabsheegnimo. Durbadiiba waxay filinsameeyayaashu ku dedaaleen in ay shaashadda ka soo muujiyaan dhaqanka lagu hirto, midabbada asiiliga ah iyo muusigga qoobkacayaarka lagu soohay ee bulshadu lee dahay, waliba iyaga oo ku dedaalay in ay ilaaliyaan asiilinimada, sida oo kalana shaashadda ka soo muujiyaan dhaqannada, farshaxanka iyo muusigga qoobkayacaarka cusub xambaarsan ee sebenka casriyowga ah ka soo dhex iftiimay bulshada afrika.

Muusigga iyo qoob-ka-cayaarku waa qayb lama huraan u ah shineemada Afrika. Dhaqamada Afrikaanka ah waxay had iyo jeer ku xidhan yihiin muusigga iyo qoobkacayaarka, kuwaas oo qayb wayn ka qaata shubaalka iyo socodka sheekada iyo xidhiidhka dareenka dadka. Golatusyada shineemeeda Afrika waxaa inta badan ka soo muuqda qalabyo muusig oo asal ah, oo sameeyaa codad lagu nafiso iyo hab lebis ma guuraan ah. Qoobkacayaarkana waxay u soo muujisaa (shineemadu) si heer sare ah, iyada oo adduunka tusta qaabkii hore iyo qalabyadii lama’dhaafaanka ahaa ee qaddiimiga ahaa—sida djembe (daasad dhaqameed) iyo kora (kaban dhaqameed).

Labaduba waxay matalaan dhaqammo soojireen ah, waxaanna loo adeegsadaa masraxa iyo shineemada si loo xoojiyo sheekooyinka; Iyo qaababka casriga ah ee hal’abuurka jiilka cusub ah—sida muusigga iyo qoobkacayaarka gaarka ah ee Hip-hop-ka, iyo Afrobeat-ka, taasina waxay abuurtay xiiso hor leh iyo ilbaxnimo lagamadhergaan ah.

Qoob-ka-cayaarku wuxuu noqday astaanta filimada qaar, isagoo leh shaqo ah in uu muujiyo dareenka iyo macnaha qarsoon ee muuqaalada.

Dhaqamada casriga ah, qoob-ka-cayaarkii dhaqanka ayaa isku dhafan farsamooyinka casriga ah ee laga soo qaatay qoob-ka-cayaarka caalamiga ah, sida hip-hop iyo afrobeat, taasoo ka dhigtay shineemada Afrika mid xiiso leh oo caalami ah.

Masraxa iyo Shineemada Afrika: iswaaga haybta iyo kalasarraynta Bulshada.

Filimaanta iyo riwaayadaha (shineemada iyo masraxa) badankood waxay soo bandhigaan dhaqamada kala duwan ee Afrikaanka, sida afafka, hab-nololeedka, diimaha, iyo caadooyinka. Waxay hoosta ka xarriiqaan in aqoonsiga Afrika uu ka kooban yahay qaybo badan oo isdhexgalaya, sida dhaqanka maxalliga ah, halgankii gumeysiga, iyo saameynta dunida casriga ah. Soo bandhiggidda kaladuwnaantaas waxaa ku dhafan oo ay sida oo kale soo bandhigaan iswaaga haybeed ee ku dhaca shakhsiyadda Afrikaanka, tabta ay suugaanta gaar ahaan noofaalku u soo bandhigto si la mid ah laakiin la daawan karo. Dhab, ahaanna iswaagaasna waxay uga warramaan si laga dhadhansan karo kaalinta uu gumaysigu ku yeeshay maskaxda shakhsiga Afrikaanka, taas oo ku abuurtay iswaayid haybeed.

Dabcan, Afrikaanka dhexdiisa ayaa sida oo kale qofka ku riixa in uu iswaayo, iyada oo ay bulshadu qaybteed qayb kale oo bulshada ka mid ah u gaysato haybsooc, durid dhaqan, yasid iyo gumayn. Gumeysigii iyo dabasocodkii reer galbeedka ayaa sababay in dad badan ay waayaan aqoonsigooda oo ku dhacaan dabinka iswaayidda. Masraxa iyo shineemada Afrika waxay xoojiyaan oo ay u halgamaan inay soo saaraan sheekooyin tabin kara oo dhabmatali kara erayada aammusan ee uu laabta ku haysto shakhsiga iswaysan ee madowga ahi iyaga oo ka sheekeeya nolosha dadka ku dhex jira lababoglaynta.

Masraxa iyo shineemada Afrika, waxay tabiyaan oo ay soo bandhigaan sheekooyin lamadhaafaan ah kuwaas oo ka warrama kalasarraynta bulshada qaaradda ku dhaqan, sida kalasarraynta dhaqaale, qabiil ama jinsi, iyo sida ay kalasarrayntaasi u saamayso nafsadda iyo maskaxda bulshada, ama u ka la soocdo oo ay qaarkoodna ku riixdo in la quudhsado, qaarkoodna la sarraysiiyo oo la sharfo, halka qaarna ay dhexda ku lummaan.

Filimaanta iyo masraxiyaadkuba waxay muujiyaan kaladuwanaanshaha dhaqan-dhaqaale ee bulshada, iyada oo qayb ka mid ah ay tahay dabaqadda hodanka ah ee magaalooyinka iyo maamulka hantiya, iyo kuwa saboolka ah ee ku nool miyiga. Sheekooyinkuna waxay inta badan diiradda saaraan cadaalad-darrooyinka ka dhasha hababka dhaqaale ee gumeysigu reebay, xumafalnimada kalasarranyta dhaqaale iyo quudhsiga bulshada Afrikaanka ah dhexdooda ka jira. Tusaale: Nollywood-ka ayaa aad uga sameeyaa aflaan caan baxa, oo soo muujiya sheekoyin tabiya iskudhaca qoysaska hodanka ah iyo kuwa saboolka, iyaga oo muujiya ku-taagsiga dabaqadda sare ay ku taagsato dabaqadda hoose.

Masraxa iyo shineemada Afrika: dhabmatalka Qofka Afrikaanka, iyo kacdoonnada bulsheed.

Docda kale, masraxa Afrika, si wayn buu ugu tilmaaman yahay kayd suugaaneed, dhaqan, qaabayn bulsho iyo qeexidda faneed ee bulshadu lahayd. Iyana shineemada Afrika waxay ka dhalatay rabitaanka ah in Afrikaanku isagu isku matelo shaashada weyn, una dhalatay in ay dhabmatasho nolosha looma’ooyaanka, dhabta biyakamadhibcaanka ah ee ay bulshadu la nooshahay iyo in ay dib u qeexid faneed ku samayso qofka, deegaanka, dhaqanka iyo bulshada—aynna sheekooyinka u tabiso qaab dhabsheeg ah oo ka duwan sida ummadaha kale u tabiyeen ama qaaradda iyo ummaddaba looga tabiyay. Xilligii gumeysiga, shineemooyinka badankoodu waxay Afrikaanka ku metelayeen si taban ama qalafsan oo waxay lahayd waji gumayste. Laakiin bilowgii qarnigii 20-aad, filinsameeyayaasha Afrika waxay bilaabeen inay dib u qoraan sheekadooda, iyagoo diiradda saaraya quruxda dhaqanka iyo qiimaha bulshada. Tusaale ahaanna haddii lagu dhiso waxaa laga warrami karaa: Nollywood oo Nigeria ah iyo Ghollywood oo Ghana ah, waxay hormuud u noqdeen shineemada Afrika, iyagoo soo saaray filinno daboolaya mowduucyo kaladuwan, sida dhaqanka, diinta, siyaasadda, iyo jacaylka. Filinsameeyayaasha kale sida: Ousmane Sembène, oo reer Senegal ah, iyo kuwa kaleba waxay u adeegsadeen shineemada si ay u muujiyaan halganka bulshada, gaar ahaan dhibaatooyinka ay keeneen gumeysiga iyo isbeddellada dhaqandhaqaale ee cusub.

1- Qabasho kamid ah ruwaayada “The Trial of Dedan Kimathi” (1976) - ay agaasimeen Ngugi wa Thiong’o iyo Micere Githae Mugo
2- Qabasho kamid ah ruwaayada “Death and the King’s Horseman” (1975) uu agaasimay Wole Soyinka
3- Qabasho kamid ah ruwaayada “Sizwe Bansi is Dead” (1972) -ay agaasimeen Athol Fugard, John Kani, iyo Winston Ntshona

Masraxa Afrika: Meel Kacdoon iyo

Xorriyad Lagu Raadiyo

Masraxa Afrika wuxuu door wayn oo lama’illaawaan ah ka cayaaray halganka gummeysidiidnimada ee ay bulshada Afrika kaga dhiidhisay talisyadii gummayndoonka iyo taageeridda faneed ee xorriyad-doonka. Qarnigii 20-aad, masraxa Afrika wuxuu noqday barxad lagu soo bandhigo masraxiyaad iyo fan lagu diido siyaasadda inagummaydka iyo kacdoonnada dhaqandhaqaale. Masraxiyad qoraayaasha kaalinta wayn ka qaatay kacdoonkaas waxaa laga xusi karaa hal’abuuraha iyo qoraaga wayn Ngugi wa Thiong’o ee Kenya, waxay u adeegsadeen masraxa inay ku soo bandhigaan masraxiyaad lagaga warramayo saameynta gumeysiga iyo sida loo xoreyn karo dhaqanka Afrikaanka. Iyana waxaa la tilmaami karaa sida Masraxu u ahaa meel lagu horumariyo wacyiga bulshada. Tusaale ahaan, masraxyadii ka jiray Nigeria intii ay socdeen halgannadii xorriyadda waxay muujiyeen sida dhaqanka maxalliga ah uu kaga hortegi karo dhaqammada qasabka ah ee inangummeedku faafinayay. Intaas waxaa dheer, masraxa ayaa lagu dhaliilay hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ku xadgudbaya xuquuqda shacabka, isagoo abuurayay kacdoon bulsho oo ballaadhan.

Riwaayado la xusi karo;

“The Trial of Dedan Kimathi” (1976) - Ngugi wa Thiong’o iyo Micere Githae Mugo: Riwaayaddan ayaa ka hadasha halgankii Dedan Kimathi ee Kenya, kaas oo hoggaaminayay dagaalkii ka dhanka ahaa gummeysiga Ingiriiska. Ngugi iyo Mugo waxay riwaayaddan u adeegsadeen inay diiwaangeliyaan halgankii gobonnimadoonka Kenya.

“Death and the King’s Horseman” (1975) - Wole Soyinka: Riwaayaddan, oo uu qoray suugaan yahanka wagn Wole Soyinka, oo ku suntan qoraagii ugu horreeyay ee Afrika ee ku guuleysta Abaalmarinta Nobeelka suugaanta, waxay ka hadlaysaa iskudhaca dhaqanka maxalliga ah iyo saameynta gummeysiga ee Nigeria.

“Sizwe Bansi is Dead” (1972) - Athol Fugard, John Kani, iyo Winston Ntshona: Riwaayaddan, oo uu qoray suugaan yahanka wagn Wole Soyinka, oo ku suntan qoraagii ugu horreeyay ee Afrika ee ku guuleysta Abaalmarinta Nobeelka suugaanta, waxay ka hadlaysaa iskudhaca dhaqanka maxalliga ah iyo saameynta gummeysiga ee Nigeria.

Aflaan laga xusi karo Kacdoonka Afrika.

“La Noire de...” (1966) - Ousmane Sembène: Filinkan ayaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee ka socda Afrika shaashadaha dunidana ku yeeshay saamayn. Wuxuu ka hadlayaa dhibaatada shaqaalaha Afrikaanka ah ee gummeysiga u shaqaynayay ay la kulmaan iyo saameynta qurbaha. Sembène, oo ah “aabbaha shineemada Afrika,” wuxuu waxqabadkaan u agaasimay si uu u kiciyo wacyiga bulshada ee ku saabsan gumeysiga-cusub (neo-colonialism).

“Touki Bouki” (1973) - Djibril Diop Mambéty: Waa filin ka turjumaya riyooyinka dhallinyarada reer Senegal ee ku hammiyay inay Yurub u tahriibaan. Filinkan wuxuu iskudaray dhaqandhaqameedka iyo halgankii nolosha casriga ah.

“Tsotsi” (2005) - Gavin Hood: Waa filin South Africa laga sameeyay oo helay abaalmarinta caalamiga ah ee lagu qiimeeyo waxqabadyada sannadlaha ah ee dunida shineemada Oscar. Wuxuu tebinayaa oo iftiiminayaa saameynta saboolnimada iyo rabshadaha ka jira magaalada Johannesburg, isagoo sid aoo kale tilmaamaya dib-u-dhalashada qofka iyo bulshada.

“Sambizanga” (1972) - Sarah Maldoror: Waa filin lagu tiriyo aflaanta baarka sare ah, oo ku saabsan halganka xornimadoonka ee Angola. Sarah Maldoror, waxay ahayd haweeney u dhaqdhaqaaqi jirtay siyaasadda iyo fanka, waxaynna u adeegsatay filinkan hub ay ku dagaalanto, muraayad ay ku dhabmatasho iyo shaashad ay inagummeedka ku tustay dhiiga bulshada reer Angola, iyo inay marayaan marxaladda cunfiga iyo iskacaabbinta.

Si kooban, aan soo koobo guntidda e, waxaa biyakamadhibcaan ah in masraxa Afrika bulshada uu u ahaa ceelkii laga soo biyacabay, muujiyay dhaqanka, lagu soo bandhigay asiilinimada midabbada iyo waliba taswiirta bulsheed. Iyana sida oo kale waxa uu adduunwaynuhu u gudbay shaashadda iyo soo muujinta sheekooyinka, taasina way la jaanqaadeen bulshada Afrika. Sidaas darteed iyada oo aan la lumin nuxurkii, dhadhankii iyo habtabintii masraxu wax u soo bandhigayay ayay haddana agaasimayaasha shineemadu la golayimaadeen hal’abuur si dhab ah u matala bulshada qaaradda.

Casriyowga iyo jiilasha dhaqannadooda, hirdanka ilbaxnimada: gudajoogta iyo qurbajoogta, iyo isbaddellada ay bulshadu ku tallaabsatay ayay shineemadu isu taagtay soo muujinteeda. Masraxa iyo shineemadu waxay siyaalo kaladuwan u soo bandhigaan nuxurradooda, haddana waxay isku si uga warramaan nuxurrada: dhaqannada, caadooyinka iyo quraafaadka, midabbada asalka ah, muusigga iyo qoobkacayaarka, siyaasadda iyo kacdoonnada iyo nuxurro kale oo lamadhaafaan ah, sida oo kale marar badan dhabmatala bulshada. Labada dhinacba, masraxa iyo shineemadu waxay lee yihiin suugaan yahanno, agaasimayaal, qoraayaal iyo dhagaystayaal u dhuundaloola dhacdooyinka masraxiga ah iyo shubaalka sheekooyinka shineemada. Si wayn waa looga samayn karaa qoraallo aad u dhumuc wayn, isdultaag gaar ah oo nuxur walba lagaga warramo, intaan se waxaan ku koobayaa dulmarka nuxur iyo dhabmatelka masraxa iyo shineemada Afrika.

1- Kaartada filinka “La Noire de...” (1966) - uu agaasimay Ousmane Sembene
2- Kaartada filinka “Touki Bouki” (1973) uu agaasimay Djinril Diop Mambety
3- Kaartada filinka “Tsotsi” (2005) -uu agaasimay Gavin Hood
4- Kaartada filinka “Sambizanga” (1972) -uu agaasimay Sarah Maldoror
Masraxa qaranka ee Soomaaliya. Sawirkan waxaa laga soo xigtay barta Design Indaba.
Masraxa qaranka ee Senegal. Sawirkan waxaa laga soo xigtay barta Pinterest.

Martin Eden

Ogaalkiisa

Miyuu Eeday?

Ibrahim Iman

Qabashooyin kamid ah filinka “Martin Eden” (2019)

“Haddaba, dunidu aniga way iga awood badan tahay. Si aan awooddeedaa uga hortagana waxba ma hayo aan ahayn naftayda. Taa lafteedu, qushiye, waa wax dhan. Maadaama oo aanan q udhayda u oggolaanayn in ay isdhiibto, anigaaba awood ah. Awooddayduna waa mid aan la loodin karin inta aan haysto burjiga erayadayda si aan uga la hortago dunida. Waayo, kuwa dhisa xabsiyadu uma qeexaan nafahooda sida kuwa yagleela xorriyadda.”

- Martin Eden

Waa tuduca uu Luca Marinelli, oo ah jilaaga koowaad ee filinka Martin Eden (2019)— oo ku salaysan sheekafaneed uu Jack London qoray 1909-kii isla magacaana sidata ku furanayo filinkan isaga oo ay diif aad u badan, daal iyo duruuf ay ka muuqato oogadiisa, xabbad sigaar ahna naf ka dayaya si uu loollanka nafsadeed ee gudihiisa ka aloosan iskaga khafiifiyo. Marka aad tuducaa qoraaleedka sare akhrido ee aad sawirato xaaladda ninkaas aynnu soo sheegnay ku jiro, waxa macquul ah in aad iswaydiiso: Ninkan maxaa helay; maxaa se ka keenay weedhahan quusta iyo isdhiibid-la’aantu ku dheehan tahay? Waa gar waydiintaasi! Bal aynnu canjaladda dib u wareejino oo ka waranno ninkan.

Waa barbaar xejin waayay noloshii aadka u liidatay ee tuulada, inta ka soo jiitamay isaga oo kow iyo toban jir ahna magaalo soo galay si uu shaqo uga helo iyo mushahar maalindheragiisa daboola, dabadeed waxa uu xamaale ka noqonayaa doomaha magaalo xeebeedyada Talyaaniga ee Genoa iyo Naples isaga goosha. Waxa uu wehel ka dhiganayaa aalkolada. Isaga oo meertadaa iskaga jira oo ku waynaaday wax badanna ku seegay, si kalena aad ugu samatabaxay, ayuu—nasiibwanaag iyo nasiibxumo mid ay tahayba—maalin si kedis ah barbaar uu nin wayni ku cawaandiyoonayo ka ridayaa. Halkaas ayay Martin Eden iyo barbaarkii uu bedbaadiyay, oo qoys ladan ka soo jeeda, ee uu budhcadkii baadayay ka yureeyey isu raacayaan gurigooda oo casuumayaa. Judha ay guriga gaadhaanba waxay Martin la noqonaysaa riyo iyo dhalanteed in uu ku jiro. Kadinka bangalada marka ay soo gaadhaanba waxa uu, uqaadanwaaga, Martin waydiiayaa barbaarka, “Ma hubtaa in waalidkaa oggol yahay in aan soo galo?” Waa gar waydiintaasi! Waayo, nin qadoodi, qadaamadhergaannimo iyo bayhoof adduun soo arkay oo iskoris ah in uu su’aashaa keenaa waa wax loogu garaabi karo. Mareegtada nolosha Martin kolka uu gurigaa soo galo ayay isrogaysaa oo uu cagta saarayaa dhabo cusub iyo geeddi aanu garanayn meel uu ku furan doono—guryasama iyo lamadaga, midba. Haddii uu hore u yaqaanay duruufaha nololeed ee uu ku jiray sida uu uga dabaasho dabarradeedana u furfuro, iminka waxa uu qaadayaa—waa halkii Siciid Jaamac Xuseen e—“Safar aan Jaho lahayn.”

Martin looga ma sokayn gurigii uu galay iyo jacaylkii uu u qaaday, qacdii koowaad ee uu arkay, Elena Orsini (Jessica Cressy), oo la dhalatay barbaarka Alterio Orsini (Edoardo Sorgente), iyo buugaggii suugaanta—si gaar ah diiwaanadii gabayada ee A C Swinburne iyo Robert Browning, kuwii falsafadda iyo luuqadda ahayd ee ay siisay, loo geeyay farshaxannadii uu ku soo arkay aqalka, biyaanadii ay sida debacsan ee dareen-taabadka lahayd u tumaysay iyo dunidii wada fanka iyo shaamareerka ahayd ee uu la soo kulmay, taas oo guddoonsiinaysa in uu ku cabbiro maalintiisaa, “Maalintii ugu wacnayd ee noloshayda. Wax kasta waa ii cusayb,” dhanka kalana uu hoos ugu gunuunuco, “Waxa aan u malaynayaa in ay xaqiiqo tahay in aanan waxbaba ka garanayn waxa aan meesha ku soo arkay.” Laakiin, sidee isu qaadanayaan nin sabool ah, waxbarasho toos ah aan soo helin, xirfad marla’arag ah oo lagu majeerto aan lahayn, qoyskiisu danyar yihiin iyo naag ka soo jeedda dabaqad aad u tadhahday oo ay wax badan ku kala duwan yihiin—huga, hoyga, haynta iyo xataa sarbeebaha iyo hab-hadalka maalinlaha ah—oo jaamacad ku jirta oo faannaanad dhawr hibo leh ah?

Judha horaba waxa uu Martin yaqiinsanayaa, si kasta oo uu u jeclaaday Elena, in ay calaacal timo leh ka tahay in uu naagtaas calfado inta uu waayahan ku sugan yahay. Waxa uu u xadhka xidhanayaa in uu buuxiyo fagaag kasta oo u dhexeeya isaga iyo iyada, kaas oo uu ku qiyaasayo baaxadiisu in ay le’eg tahay malaayiin mayl. Ma rabo keliya in uu buuxiyo e, waxa uu jeclaysanayaa in uu iyada oo kale noqdo, oo waxa uu toos ugu odhanayaa iyada, kulankooda labaadba, “Waxa aan rabaa in aan sidaada oo kale noqdo: u hadlo, u fekero..” hayeeshee, inta uu Martin sidaa u fekerayo ee u haminayo, waxa ay Elen ku mashquulsan tahay erayada uu ninkani ku hadlayo sida ay naxwe ahaan u khaldan yihiin oo waxa ay xoogeeda oo dhan isugu gaynaysaa sidii ay u sixi lahayd hadalka jajabka iyo guraangurka miidhan ah ee dalabta leh ee ninkani ku hadaaqayo. Waxa aad moodaa in ay hoosta ka leedahay meeriskii Dhoodaan ee ahaa “Dharka ruux ka caydhoobay baad maro u dhiibtaaye/ Wallee dhimirka ruux ka arradanoow dhacantay ceebtaa.” Laakiin, tolow, ma dhab baa quudhsigan iyo liidistan uu iyada iyo qoyskeeda badankoodana kala kulmay? May, ma aha.

Bal aynnu tusaale u soo qaadano sida aanu taa ugu suntanayn. Bilawgaba, martiqaadka ugu horreeya ee uu xaafadda ku yimaaddo kolka uu miiska cuntada la soo fadhiisto inanta uu jeclaaday iyo inanka uu bedbaadiyay, waxa ay hooyadood waydiinaysaa Martin—iyada oo daggan oo is leh ninkani danyar oo keliya ma ah e, waa dammiin dhakawayn—su’aal yoolbaadh ah: “Dawladdu dedaal badan ayay ku bixisay waxbarashada saw ma aha, mudane Martinow?” oo aad moodo in ay uga gol leedahay in ay dareensiiso in uu saaqid yahay oo fursaddaa dayacay oo ay ahayd in uu yaraan wax ku barto. Waxa se uu ugu jawaabayaa si jeesjees ah oo xikmad leh, “Taas keliya waxa aan aminsanahay, metalan, hadii tani tahay [inta uu jab roodhi ah bileedh ka soo qaado] waxbarashada kanna yahay [isaga oo jabkii roodhida ahaa ku fiiqaya sinxi suugo ah oo ag yaalla] saboolnimada oo waxbarshada [jabka roodhida ah] loo adeegsado si loogu baabiyo[isaga oo jabkii roodhida ahaa ku camcaminaya sinxigi suugada ahaa] saboolnimda, dabadeed ay baaba’do [isaga oo afka ku hubsanaya jabkii roodhida ahaa (waxbarashadii) ee suugaysnaa (saboolnimadii) oo liqaya].” Nuxurka farriintaas maldahan, haddii aynnu balballaadhino, waa in waxbarashadu keliya suurtoobayso kolka bulshada ama dawladdu dadkeeda siiso waqti iyo tamar ku filan si ay guul uga gaadhaan doonistooda aqooneeed, kana daboolaan warwarka quutuyawmkooda.

Mid baa se dhab ah. Mar haddii Martin dunidii akhriska soo galay oo ay hayso gaajo akhirseed oo aad u daran oo aan ka halis yarayn baahidii cuno ee uu qabay, oo ay wax badan u tareen labadii buug ee ay Elena siisay, dedaal badan oo kalana uu ku bixiyay in uu buug badan akhriyo oo uu macmishay rugihii buugta ee Oakland iyo Bekeley, isla markaana riyadiisii ay noqotay, sida uu Elena-ba u sheegayo, in uu qoraa noqdo oo uu dareemay, sida uu qun u odhanayo, “in ruux hal’buur miidhan ahi gudihiisa ku huluushoonayso oo inta aanay dhiman ay tahay in uu dibadda keeno” waa in uu, haddaba, dedaalka labajibbaaraa oo mawaadiic badan daalacdaa.

Si uu hadafkaa u xaqiijiyo Martin, una hanto gabadhaa uu jantay, waxa uu hurayaa xoog iyo maal. Waxa uu naftiisa ku qaadayaa olole aan ka dhicin kii akhrisqoraalka ee Taliskii Kacaanka Soomaaliya ku rabay in uu ku cidhibtiro shaacasanhii umminimo ee dalka ka jirtay, oo waxa uu akhrinayaa wax kasta oo ku soo dhaca gacantiisa, isaga oo halgankaa inoo sawirayana waxa uu mid ka mid ah dhanbaallada uu u dirayo jacaylkiisa ku odhanaya:

Akhris dhab-abbaar ah ayuu u dhaqaaqayaa Martin oo gayaysinaya in uu maalinka dhan dhawr saacadood oo aan ku filnayn seexdo, aadna u gaajoodo oo aanu helin gasiin ku filan maalinkii, isaga oo uu ku saamalayla kuna indhamadoobaada akhrinta taariikhda, culuunta bulshada, luuqadda, xisaabta, fiisigiska, iyo suugaanta. Eraybixinnada ku cusub inta uu waraaqo ku qorto ayuu tabta dharka ku wadhanayaa qolkiisa oo hadba dib u milicsanayaa kolka uu illaawo ama uu u baahdo. Ololahaas uu nafta ku qaaday iyo xushmada uu u hayo akhriska iyo aqoonta waxa ay Martin gaadhsiinaysaa in ay halhays u noqoto weedha ah “Erayadaan ku dhaartay.” Safarkaasi aqoon-isbarid qudha u ma ahayn e, waxa kale oo uu u ahaa dalxiis iyo tamashalayn uu ku tegay qarniyo hore isaga oo gaadiid ahaan u adeegsanaya buuga uu akhrinayo, oo noofallo oo keli ah ma akhrinayn e, waxa kale oo uu ka warkeenayay sida ay u shaqeeyaan falsafadda, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaana jaallayaashiisa noqday Karl Marx, David Ricardo, Adam Smith iyo John Stuart Mill.

Si kasta oo Martin hayaankaa adag u hayo, waxa wax laga xumaado noqonaysa in aanu wax garawshiiyo iyo aqbalaad ah ka helayn cidna—iskadaa in lagu taageero oo lagu garab istaago e. Bilmetal, kolka uu seeddigii Bernardo (Marco Leonardi) ku arko isaga oo buug aqalkiisa uu la degganaa la soo gelayaa isla markaana aan kirada bisha ee qolka uu deggan yahay saani u bixinayn, waxa uu ku odhanayaa “Waar annagu buug noo keen kumaanu odhan e, lacag noo keen.” Mar kalena isaga oo saqda dhexe raba in uu wax akhristo oo buug ku foorara waxa uu ku odhnayaa, “Miyaanay kugu filnayn laanbadan yar ee miiska kugu xidhani si aad wax ugu akhrisato? Korontadu bilaash ma aha dee.” Waxaaba hadalkani ku soo xasuusinayaa filinyaraha Balwo (2024) iyo kolka Sinimo (Khaalid Deeq) oo jecel in uu fannaan noqdo oo baashankiisa fanka u go’o, damcana in uu u sheego aabbihii in aanu shaqaale noqon karin, odhaahdii aabihii (Cabdixakiin) ugu jawaabayay ee ahayd, “Waar ma baashan baa kaa bixinaya biilka?”

“Gacaliso Elena, Wax baan akhriyaa! Waxa aan wax u akhriyaa sidii arday ooman oo ay kow u tahay. Erayada cusub baan diiwaan geliyaa oo inta aan u rogo saaxiibbo ayaan habsiiyaa oo aan laabta geliyaa.”

Qabashooyin kamid ah filinka “Martin Eden” (2019)

Sidii James Baldwin yidhi, “Jacaylku weligii ma noqon olole hirgalay, qofna waaqii ma jaman, dhab ahaan, in uu xor noqdo. Duniduna waa ay is’haysataa, run ahaan, waxaana isku haya jacaylka iyo kalgacalka dad aad u yar.” Waa gar, haddaba, in dad badan oo uu ka mid yahay seeddigii iyo saaxiibkiisa qudha ee Russ Brissenden ee uu taagero iyo garabistaag ku saabsan waxsoosaarkiisa ka heli jiray isla markaana geeyay wargayskii aadka ugu ekaa kii The French Dispatch (2021) ay ka maadsadaan Martin oo doqonnimo u arkaan dareenkiisan caashaq ee uu u qaaday Elena xilli ay dunidu tahay xabsi, iyo dooddiisan ah, “Si kasta oo ay dunidu xabsi u tahay; haddaad fure haysato waa guri. Furahaasina waa jacaylka.”

Cawayska uu weedhaa ka odhanayaa waxa uu u qaadanayaa hadalkaas naac iyo nin laf cad toobin ku haya oo waaqaca ka fog, waaqac aad ugu eg kii ay Ubax-Fahmo tibaaxday markii ay ku heestay:

“Liibaantaa lagu durkaa

Lacagtu waa lamahuraan,

Ninkii ladan baa dunida,

Xaggiis loo liicayee,

Muxuu love madhan hayaa?”

Laakiin, Martin dooddiisu tiraabtaas oo qudha kuma cabbirin e, kal hore xataa iyada oo tix ah buu gole lagu jirrabayo, tabtii nebi Ibraahinba loogu jirrabay godkii cadaabta ahaa bal in uu katanaasulo caqiidadiisa ama gubto, ayuu isna shamac baxaya oo holac daacaya baabacadiisa saarayaa oo maansadiisan uu XamseHagoog noo turjumay kamarinaya:

Dhibaatada ayaa abruuray?

Dhabtii kalgacaylka weeye

Jacayl waa magac dhaliila

Gacmaha dhuub weeye haysta

Dhar weeye cadaab la moodo

Dab iyo dhamac iyo kulayle

Awood bani’aadan dhaafsan

Ma jiro ruux dhayi karaaya.

Keliya wayn noolnay waa dhab

Iyana waa dhabannahaysyo

Dhankaad eegtaaba waa shil

Haddaad dhib ka soo badbaaddo

Mid baa dhakhso kuu dul taagan

Dhammaad weeyaan xalkeedu.

Si kasta oo Martin uu hadimo ba’an uga maro qoraalka, ugu golangolo oo hurdo u gu seego, hoyna ugu waayo oo aqallo badan looga caydhiyo keliya sababo la xidhiidha tuhun ah in uu Hantiwadaag yahay iyo in aanu iska bixin karin kirada aqalka, debadyaal ugu noqdo oo dantu ku khasabtu in uu tuulo u guuro oo reer uga shaqeeyo xerada xoolaha, waxa uu hadana yaqiinsan yahay in aan “Rooma maalin lagu dhisin,” oo waxa la gudboonna ay tahay, tabtii Hadraawi sheegay, in aanu dayn “Gargaraacisteediyo ha dayn geed ka kicinteeda.” Waayo, waa tabtii Qaasin e, “Mar uun buu daf soo odhan nabsigii diinku soo siday.” In uu sidaa aaminaa waa qasab oo, marar badan, xeerka qofkii in uu qoraa noqdo raba ayaa sidaas ah baad is odhanaysaa. Bal dib u jaleec cilmibaadhista uu Camaar Cali Xasan ugu magacdaray Fekaraaga iyo Suugaanyahanka Dhulka Carbeed waxa aad ugu tegaysaaa in abwaankii Masriga ahaa ee Amal Dunqul noloshiisa ay tif ka ahayd dulmi, saboolnimo iyo harjad nololeed oo markii uu waayay hudhmo uu caloosha geliyo dantu baday in uu dariiqyada Qaahira dhex wareego isaga oo baadhaya cid uu garato oo saxan bariis ah u qaada; waxa aad ugu tegaysaa waayihii adkaa iyo cidhiidhigii nololeed ee abwaan Jaaxid maray, taas oo ku keliftay in uu moofo ka shaqeeyo habeenkiina maktabad waardiye ka ahaado oo indhihiisu gotaan sidii uu iftiinka yar ee xaabada uu shitay ka soo baxaya wax ugu akhrinayay.

Muhiimadda ugu wayn ee uu Martin meertadan qoraalka iyo ogaalkorarsiga ah u galay, intii ay ka ahayd yawmkaaga kaga dhacso oo xirfad aad ku xoogsato ka dhigo waxa kun iyo kaakac jeer ka badnayd, inta ay ka ahayd qeexidda hibadiisaa uu dareeemay iyo in ay shiiqayso haddaanu sheegin oo aanu debadda u soo saarin; iyo ta ugu wayn oo ah in JACAYLKA uu u qaaday Elena awgeed qalinka ka dhigto agab uu ku gufeeyo god kasata oo uu isleeahay waa haawanayaa oo adiga iyo gacalisadaada ayuu idiin dhexeeyaa. Haa, uma qaadan qalinka sidii uu Cabdilaahi Cawad “Lugwayne” uu buuggiisa dhan ee Nin Miyi iyo Markab ugu qoray si uu ugu soo furto markabkii kaga xannibnaa Cadan, oo lacagta ka soo baxda nuqulada laga gato buuggaas uu isaga bixiyo biraha ka xumaaday markabkaas ee lagu hagaajinayo. Ogow oo, saxariirka nololeed ee ay labaduba marayaan, waayaha xun ee ay la lagdamayaan aad uma kala sokeeyo, se yoolka ay u socdaan ee wax u qorayeen bay ku kala geddisnaayeen. Haa, yoolka Martin waa in uu ku hubaysan yahay meeriskii Cali Ileeye ee ahaa “Qalinku nefis buu wataaye/ Waraaq ku qor [waayahaaga]” iyo in uu—waana ta ugu muhiimsan e—dabaqadda sare ee tadhahaday ee aan nolosha dabaqadda hoose iyo mucaanaatka ay ku jiraan warba u hayn, kolka ay ka hadlaan ee ka cawdaan tacadigga iyo tumaatida ay ku hayaana iska odhanaya, sida laga soo wariyo Marie Antoinette oo boqorkii 16aad ee Faransiisku dhalay, “Haddii aydnaan roodhi haysan maad keeg cuntaan,” kula dagaalamo oo looma’ooyaanka afhayeen ugu noqdo.

Si kasta oo ay u dhibsadaan jeebwaynta iyo talisku oo u dhahaan waxa ninkan saameeyey oo hallaabiyay afkaartii xagjirka ahayd ee Herbert Spencer iyo raggii la midka ahaa, si kasta oo ay u dhibsato gacaladiisu qoraaladiisaas oo ay wargaysyadu u diidaan in ay daabacaan oo “Ku celis” u la dhacaan maqaaladiisa; si kasta oo xataa walaashiis ruma ay uga gawsqabsato oo aqbalaad siin waydo qoraaladiisa, iyada oo ku doodaysa in sheekooyinkan wadnataabadka ah ee murugada iyo hooggu ka buuxo aan la rabin ee dadku u baahan yahay maad iyo wax ay ku qoslaan; Martin uma joojinayo halgankiisa. Waana gar oo “habar fadhida legdin wax uga fudud.” Doodoodaasina waa isla doodii ay qaar u la tageen qoraagii iyo sheekafaneedyahankii waynaa ee Maxamed Shugri ee ay ku dhaheen, “Maxaad sheekooyinkan dhillaysiga iyo khasiisnimada ah u qortaa horta, ee aad wasmo uun uga sheekaysaa?” Dabadeed waxa uu ugu jawaabayaa, hadal meelmar noqday oo ah, “Waxa aan wax ka cuni jiray haamaha qashinka oo waxa aan jiifsan jiray kuddaafadaha iyo jidadka. Markaa, maxaad rabteen in aan wax ka qoro? Ma in aan wax idiinka qoro balanbaalisaha?” Way ila saxan yihiin Maxamed iyo Martin ba oo in ay rafaadka iyo urugooyinka ay qabaan ka dhiteeyaan noofallo hirgalay, waa waxa maanta halkaa soo gaadhsiisay ee mudnaantaa siisay ee aynnu u marinayso sheekadooda. Waayo, sidii uu yidhi kasmanafeedyahankii Faransiiska ahaa ee Boris Cyrunlnik, “Dhammaan murugooyinka waxa aad kula tacaali kartaa in aad u rogto hab tix ah… ama tebiso oo aad sheekafaneedyo ka qorto. Qoraalka toolmooni waa tallaabada koowaad ee lagu la dagaallamo xanuunka.” Waa sabataa, malaha, ujeeddada qoraayo badan oo Nadiifa Maxamed iyo Leila Slimani isugu markhaati furayaan in ay wax u qoraan aargoosi iyo cadhada ku gadhoodhay in ay uumiyaha soo gaadhsiiyaan.

Waxaa sidoo kale yool u ahaa in uu qoraalkiisa ku naqdiyo dabaqadda dheragtay ee Hantigoosadka ah iyo Libraaliyadda ah iyo fekradda ay ka haysato fanka, dhaqaalaha, siyaasada iyo tacliinta. Doodda waxbarashada ee Martin qabaa waa mid aad iyo aad ugu eg tii Paulo Freire uu ku sharraxay buuggiisa “Tacliinta Dulmanayaasha” oo aragtidiisa ugu wayni ahayd in Nidaamka Casriga ah ee Tacliintu (Contemporary Education) yahay mid aan wax dheef ah u lahayn bulshada dulman, isbeddel loo aayana keenayn oo qaabka loo dhigay yahay mid caddaalad la’aan iyo takoor ka buuxo. Metalan, habraha imtixaamaya Martin, kolka uu is-dhaho bal talada gacalisadaada qaado oo haddii aad rabto in aad qoraa noqoto soo mar tacliinta tooska ah (formal education) waxa ay ku jirrabayaan in uu sheego todobadii boqor ee Rooma soo maray iyo wax ka mid ah dastuurka Draconian-ka in uu taxo haddii aanu garanayna uu tago dugsiga dhexe oo halkaa hayaanka waxbarasho ka soo bilaabo.

Tusaalahaasi waxa uu si wacan inoogu muujin karaa doodda Freire uu ku diidan yahay nidaamka waxbarasho ee aynu kor ku soo xusnay oo ah in qolayahaasi rabaan walax ama weel ay ku shubtaan wixii ay ku shuban karaan iyo qof u dhaqan eg oo u fekera, u hadla waxna u qiimeeya sidooda. Waxbarashada jaadkaas ah waxa ay inoo sheegaysaa in ay tahay hannaan siyaasadeed oo uu gumaystuhu rabo, dan iyo ujeeddo gaar ahna ka leeyahay, taas oo ah; in aan wax kacdoon iyo isbaddel ahi dhicin iyo in dulmanihii meeshiisa lagu hayo oo aanu taddawur samayn, iyada oo la og yahay, sida Martin ba inoo meerinayo in “Taddawurku yahay qaanuunka dunidan.” Martin waxa uu dulmanayaasha xasuusinayaa in “aragtiyahoodu yihiin sida hugooda oo kale kuwaas oo ay toleen dad kale. Falalkoodana ay qaabayso aqbalaadda bulshadu”, se isaga, waa halkii gabyaagii nebi Muxamed ee Xasaan bin Thaabit, ee aan “baddiisa wadaamuhu dhooqayn,” oo aan “dhadhankiisa [ee uu nolosha oo dhan ka haysto] u qorqori karin si uu ugu kasbado xukunka bulshada.” Haa, Martin waa uu diidayaa in uu isu dhiibo sida saaxiibkiisii ay aragti-wadaagga iyo qalinlayda isku ahaayeen ee Russ Brissenden, oo marka uu ku fashilmo in uu halganka la banbaxo oo dhiigmiiradatada sutida u qabto iyaga isu dhiibaya oo is kala sharaabaya, ugu danbayn marka uu loollankiisa nafsadeed ee caddaaladda iyo la ceeshidda dulmiga xejin waayana isdeldelya ee ku siganaya in uu noqdo, sidii Ibraahin-Hawd yidhi, “Ninkii iska dhintay,” haddii aanu Martin daabici lahayn diiwaankiisa maansada oo aanu xusi lahayn kaalintii iyo dhiirrigelintii uu ku lahaa noloshiisa iyo waxsoosaarkiisaba.

Waxa xusid mudan, marka uu Martin soo gaadho aqalka uu saaxiibkii isku qudhgooyay waxa ay habaraha kedinka guriga taagani ku odhanayaan, “Miyaad garanaysaa ninkan?” Iyaga oo wayraxsan oo aad mooddo in uu gabbal baas u dumay, dabadeed madaxa ayuu ruxayaa isaga oo “Haa” uga jeeda. Markaas ayay ku odhanayaan, “Wallaahi samir badan baad u baahanaysaa si aad u noolaato. Bal eeg! Waxa uu ahaa qof xun [Russ Brissenden] oo sagaashankaba sarkhaansan oo aan xataa naftiisa daryeeli karin.” Kolkaas ayay islaan kale ugu jiibinaysaa hadalkaa, “Run badanaa.” Waxa aad soo xasuusanaysaa daqiiqadda aad hadalkaa habraha daawanayso/ akhrinayso filinkii Afterimage (2016) iyo kolkii Nika (Bronislawa Zamachowska) aabaheed Wladyslaw (Boguslaw Linda) uu u dhinto silacii nololeed ee ka soo gaadhay keliya in uu diiday in uu isu dhiibo oo u guulwadeeyo taliskii Hitler oo farshaxankiisa ugu adeego, dabadeed darxumadaa isbitaal ugu geeriyooday, iyada oo janaasada aabbaheed la sii socota ay arkayaan habruhu oo ku odhanayaan, “Naa isku xishood! Bal maradan casaanka ah ee aad u sidato geerida aabbahaa daawo!” Waa indhakugaraadnimo oo ma ba oga abootooyinkaasi in marada qudha ee ay haysataa taas tahay iyo in aanay awoodin in ay soo gadato tu kale. Bulshada badankeeda waa u caado in ay warmoogannimadooda ka xukun qaataan oo qof ugu shaanbadeeyaan in uu shaydaan yahay, iyaga oo aan ogayn waxa daaha dabadiisa yaalla, haddii se garaad iyo garawshiiyo loo yeelan lahaa xaqiiqada in laga gun gaadho waxa dhici lahayd in loo garaabi lahaa. Laakiin waxaa loogu abaalguday dhaqankii Gaariye ka digi jiray ee ahaa “Aasi og.”

Halganka dheer ee uu Martin galay waxa uu mar kale gelinayaa meerto nololeed oo hor leh, taas oo aan dhaammaadkeeda la mahadinayn. Waa marka isaga oo ayaandaranta ciidaminaya baahi darteed dariiqyada looga soo qaadayo oo aqalka Maria la keenayo, kadibna uu helayo dhanbaalka ay soo qaadayso cunugteeda yar ee Paolina ee ah:

“Mudane, Martin Run ahaantii aad baannu uga helnay sheekadaada ‘The Apostate’ waxa aanan doonaynaa inaannu wargayskayaga ku daabacno. Qarashka aannu kaa siisanayna ka eego bushqadda warqaddan.”

Maalintaas ayay giraanta Martin mar kale iswareejinaysaa oo lacagta uu ka helo sheekadaas iyo illinka kale ee hantiyeed ee ay u furto uu ku dhex libdhayaa. Haddii markii hore uu buug badan akhrinayay, oo iskaa-waxisubar ku jiray, taasina salkacsanaan iyo iswaayid ku abuurtay, iminka hantidan uu helay inta ay arrad iyo oon tirtay waxaa ka badan inta ay salkacsanaantiisii sii siyaadisay oo dabki ku shidnaa dogobbo sii saartay. Haddaba, sida uu Nick Romeo ku xusayo qoraalka uu ku falanqaynayo noofalka filinkani ku salaysan yahay ee uu Aeon ku baahiyay, Martin waa “nin aad wax u bartay oo kuma laaban karo noloshii xammaalinimo, waana qof aad uga yaqyaqsoonaya in uu dabaqadda sare ka mid noqdo.” Sidaa awgeed, waxa uu Martin noqonayaa kelidaaq (Individualistic) oo tiihu waxa uu gaadhsiinayaa in uu xorriyaddaas dhaqaale, qoraaleed, iyo ta aragtiyeedba maareen kari waayo oo dhammaadka filinka aynu arkayno wax isqudhgoyn u eg isaga oo samaynaya oo isku tuuraya badwaynta, si la mid ah sida Hans Hoffmann (Franz Rogowski) uu filinka Great Freedom (2021) u maarayn kari waayay xorriyaddii waynayd ee uu u halgamayay kolka uu helo marka uu jeelka ka soo baxo ee aynnu aakhirka arkayno isaga oo dukaanka dahabka gada burburinaya oo irriddiisa ag fadhiisanaya. Waa laba dhammaad oo daawadaha kaga tegaya dhimbiilo fekar oo aan xumaddoodu kaga jabi doonin si fudud. Waxay noqon lahayd wax la fahmi karo haddii ay sidii sheekafaneedyahankii Falastiiniga ah ee Maxamuud Shaahiin, ee isqudhgooyay, inoo reebi lahaayeen farriintiisii oo kale, taas oo ahayd: “Waxa aad igu ogtihiin dhabta aan madmadawga lahayn, idinna waa idiin jahawareerkaas.” Waayo, isaga waxa aan canaantiisan uu u tegay dadkiisa u fahmay sida aan u fahmay canaantii abwaan Afqalooc ee ahayd: “Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.”

Ugu danbayn, Pietro Marcello, oo ah agaasimaha filinkan, luuqadda shineemo ee uu adeegsaday, gaar ahaan farsamada jarjarka kadiska ah (Jump Cuts) waa mid si fudud oo sixir wadata kuu jeclaysiinaysa shakhsiyaddan soojiidashada iyo shacniga miidhan ah ee Martin Eden. Sidoo kale, maskax badnaanta iyo aqoonta Marcello ayaa, bilawgaba, si fudud kuu jeclaysiinaysa ninka quruxda badan se aan milgo la sheegaa uga hoosayn muuqa, oo aan sheekada dhexdeeda ku baranayno safarkiisa geesinimada leh balse isu beddelaya masiibada xanuunka badan. Waxaa kale oo yaab ah, in filinkan oo 2019 la qabtay aad u malaynayso in la duubay xilligii dhacdooyinkani dhacayeen oo ku beegan Labadii Dagaalwayne ee Dunida intii u dhexaysay, taas oo mudnaan gaar ah siinaysa xirfadda agaasimuhu adeegsaday si uu ilaa heerkaa inoo dareensiiyo oo inoo geeyo dunidaas. Dharka, walxaha, guryaha, buugta, fagaaraha, iyo xataa midabbada la adeegsaday waxa aad mooddaa in qarni ka hor la joogo.

Waxa qudha ee aan wax ka beddeli lahaa filinkan haddaan Marcello ahaan lahaa waa in aan labada jilaa ee kala ah Alterio Orsini (Edoardo Sorgente) iyo Giulia Eden (Autlia Ranieri) sii lahaan door aad u muuqda oo ka badan ka ay hadda filinkan ku jileen. Waayo, ka hore waxa uu igu dhaliyay waydiin faduul ah oo ah waxa uu ka soo doonay xaafadaha dabaqadda hoose ee uu Martin ku bedbaadinayo, halka ta danbana aan la yaabay adkaysiga ay u lahayd handadaadii iyo gacankahadlkii ninkeeda.

Qabasho kamid ah filinka “Martin Eden” (2019)

Maxaynnu Citizen Kane (1941) u Hilmaami Karin?

Aw Saahil

"Uma maleynayo inuu jiro hal eray oo qeexi kara nolosha qofka." - Thompson

Filinfaallaynta ama dib-u-eegista filimadu waa hawl adag waliba aad u kakan, haddana marka aad filin weyn u qalin qaadanayso ayay ugu sii hawlo badan tahay, filin beri cagacageeyay heerka ugu sarreeya ee geeddisocodka shineemada. “Filinkii abid ugu wanaagsanaa” ma aha tilmaan fudud oo si fudud filin loogu deeqi karo, waa mid u baahan in dhan walba laga hubiyo muunaddiisa in uu xaqiijiyay halbeegyada waaweyn ee filimadu maamuuskaas ku mutaan. Sidaas darteed u sahay qaadashada faallaynta Citizen Kane oo mudnaan filin tan ugu sarraysa sallaxday, waxa ay la mid tahay u hollashada faallaynta shineemada filka weyn, taasina hubaal aragtidayda, waa mid aanan waqti kooban iyo bogag kooban toonna looga geyoon karin.

Citizen Kane oo soo baxay 1941-dii, waxaa agaasimay Orson Welles. Waa mid ka mid ah filimada astaanta u ah sooyaalka dheer ee shineemada. Saamaynta uu ku yeeshay filinsamaynta, sheekatebinta, iyo shaqooyinka kaamaradda (Cinematography)-ga oo illaa haatan jiitamaysa ayaa ka dhigaysa filin anuug ah oo magguuraan ah, si walba oo aan uga soo fogaannay waqtigii la sameeyayna wali waa mid la majeerto. Waa filin ka warramaya waxa nolosha qofka qeexi kara oo ka dhigi kara nolol macno leh, sheekadiisu waa mid qotodheer oo heer sarraysa, iyadoo tebinteeda loo marayo dibumilicsiga taariikhnololeedka iyo dhaxalka arbaha ayay waxay gorfaynaysaa mawaadiic door ah sida awoodda, musuqa, marnaanta dareemeed, saamaynta warbaahinta casriga ah, damacyada aan fulin, xalaydhalaynimada, iyo riyada Ameerikaanka.

Sheekada filinku waxa ay raadraacaysaa sooyaal nololeedka Charles Foster Kane, maalqabeen iyo mulkiile wargays caan ah, laga soo billaabo korukiciisi awoodeed iyo saamayneed illa hoos u dhiciisi. Kane wuxuu dhimanayaa billowga filinka, Thompson oo weriye ah ayaana loo xilsaarayaa in uu soo baaro macnaha ereygii ugu danbeeyay uu Kane ku dhawaaqo oo ahaa “Rosebud”, si uu ereygaas u fahan buuxo ugu helana waxay dantu ku faruurxiraysaa in uu marka hore nolosha Kane si buuxda ugu kuurgalo isagoo dadkii yaqiin midba mar la sheekaysanaya. Sidaas darteed filinka waxaa laga soo gudbinayaa dhan-kaaragga (prespective) shakhsiyaad badan oo mid kastaaba aragtidiisa gaarka ah dhiibanayo, habtebintuna waxay ku wareegaysanaysaa furfuridda macnaha qarsoon ee ereyga “Rosebud,” oo Kane uu nagu sagootiyay.

Shakhsiyadda murugsan ee Kane

Inta uu Thompson ereygaas tafsiir u raadinayo waxaan ogaan doonnaa sida shakhsiyadda Kane u tahay mid murugsan oo ay adag tahay in la fahmo. Kane waxaa metelaya agaasimaha filinka Orson Welles laftiisa. Daqiiqadaha ugu horreeya ee filinka ayuuna geeriyoonayaa innagoo aan waxba ka aqoon. Waxaan noloshiisa ku baranaynnaa wareysiyada uu ninka wariyaha ahi la yeelanayo dadka la soo shaqayn jiray iyo jacaylladiisi, kuwaas oo qof kastaa si gaar ah u qeexayo. Marka aan isku geegayno xogaha kala duwan oo ay dadka kala duwan bixinayaan, waxaa soo baxaysa shakhsiyadda Kane in ay tahay mid aad u murugsan. Kane mar waa siyaasi, mar waa hantiile, mar waa nin wax jecel, saaxiib, mar waa say, marna waa nin kalinimo ku sugan. Xiriir kasta iyo door kastana wuxuu soo bandhigayaa dhinacyada kala duwan ee dabeecadda Kane, laakiin midkoodna si dhab ah uma qeexayo.

Kane isagoo yar ayaa hooyadiis laga soo waday, sii uu waxbarasho iyo nolol fiican ugu noolaado, nin ilaaliye bangi ah ayaana masuuliyaddiisa la wareegay. Marka uu saaxadda ganacsiga ku soo biirayo inta hore wuxuu u muuqdaa nin danaha bulshada iyo danyarta ka talinaya, laakiin awood bursiga iyo isku daygiisa xakamaynta dadka kale ayaa dhabjinaya wax walba, kana dhigaya nin damaaci ah. Kane wuxuu si ba’an u raadiyaa kalgacal iyo cid uu ku tiirsanaado haddana waa nin qallafsan oo cid walba in uu maquuniyo raba. Marka bulshada loo eego waa nin intuu dad jeclaan lahaa haysta sida uu rabana nolosha ka yeelan kara, laakiin isaga kolka loo eego waa nin isku dayaya in uu awoodda, maalka iyo mansabkiisa sare ku buuxiyo marnaantiisa dareemeed, oo mar walba oo waxhayntiisu sii kororto kalinimada iyo dayowga u horseedaysa.

“Qof kaliya ayaa go’aaminaya waxa aan sameynayo, adduunkan, waana aniga.” - Charles Foster Kane.

Sida oraahdani tibaaxayso waa nin isagu waddooyinkiisa gaarka ah jeexda, dhanka kalena waxay tilmaamaysaa kalinimadiisa iyo natiijooyinka xunxun ee ka dhalanaya is-aamminaada xadka dhaaftay. In uu ku adkaysto in uu doorashooyinkiisa oo dhan uu xor u yahayna waxay ka fogaynaysaa dadka xiriirrada la wadaaga ee xilliyada qaar go’aamadiisa kaalin ku yeelanaya sida saaxiibadiisa iyo xaasaskiisa, waana sida dhacaysa, oo aakhirka awooddiisu aad ayay hoos ugu dhacaysa, isaguna wuxuu isku beddelayaa nin wada qallafsan oo dadka iyo adduunka ka go’doonsan, ninkii magaca iyo maamuuska lahaana daqiiqadaha uu dhimanayo qofna garabkiisa ma taagna.

Isdiiddadaas iyo ballaarnaantaas shakhsiyadeedna waa waxa shakhsiyadda Kane ka dhigaya mid murugsan islamarkaana soo jiidasho leh oo qof walba ku riixaysa in uu derso.

Ugboonaynta farsamooyinka

Waxa ugu horreeya ee Citizen Kane uu dhibcaha ugu sarreeya ugu sallaxday waa habtebinta jaantaaroganta ah “Non-linear Narrative” oo noo oggolaanaysa in aan dhinacyo kala duwan wax ka aragnno tabta filinka Rashomon uu docaha kala duwan runta uga sahminyay, inkastoo uusan ahayn filinkii ugu horreeyay ee loo adeegsaday haddana filinkan gudihiisa waxaa loogu isticmaalay hab tifatiran oo heer sarraysa. Soddonnadi iyo afaratannadi guud ahaan Hooliwuud waxaa ay wajahaysay isbeddel dhinac kasta ah, milaygii filimada aamusan ayaa laga gudbay waxaana loo guuray filimada codka leh, dhanka kale sheekatebinta, farsamooyinka tifatirka ee muuqaaleed (editing techniques) iyo qaabka soosaarista iyadana wax badan ayaa iska dooriyay, iyada oo laga faa’iidaysanayo sarakaca tiknoolojiyaddana shineemadu waxay ku tallaabsatay hormar ballaaran.

Haddana jeerka uu Citizen Kane soo baxayo shineemadu waxay weli ku dheganneed habtebinta toosan “Linear narrative”, taas oo ahayd farsamo daadihineed oo soojireen ah, sidaas darteed, in agaasime Orson Welles isku dayay in uu sooyaal nololeedka Kane usoo tebiyo qaabkaas jaantaaroganta ah, isagoo garaadka daawadaha si fiican uga qayb gelinaya, ayaa waxay si miiggan uga qayb qaadatay soo bandhigidda sheeko tayaysan oo hodon ah oo shineemada dhexdeedana wacdare ka dhigtay.

Dhanka kale, adeegsiga farsamadan tebineed kama turjumayso kaliya qotadheeraanta shakhsiyadda Kane iyo sheekadiisa ee sidoo kale waxay u adeegaysaa nuxurka filinka iyadoo na tusaysa dabeecadda kala filiqsan ee runta iyo sida aysan suurtaggal u ahayn in qofka aadanaha si buuxda loo barto.

Waxaa iyadana xusid mudan quruxda muuqaaleed ee aadka looga shaqeeyay, Welles oo garab ka dhiganaya agaamisaha muuqaalada Gregg Toland, ayaa wuxuu abuuray muuqaalduubis ashaqaraar leh oo ay ku badan tahay qabashooyinka xagalhoosaadka, xagasha ballaaran, diiradda qotadadheer (in wax walba oo dhexda, horay iyo gadaal ka muuqda isku si mid ah diiradda loo saaro) iyo iftiimin wanaagsan oo intuba sheekada sii bilaya. Ugu danbayn dhinaca codqabashada Welles wuxuu isticmaalay farsamooyinka raadiyaha. Farsamadanina waxay ahayd mid ku cusub filimada waxayna gacan ka gaysatay tayada iyo soo jiidashada filinka.

Arrimahan oo la isku daray iyo qaar kale, ayaa Citizen Kane ka dhigay mid farsamo ahaan jaadgooni ah, wuxuu wax ka beddelay luqadda shineemada, islamarkaana u gogolxaaray sheekatebinta casriga ah.

‘Rosebud’ nuxurka filinka

“Rosebud” waa shareere weyn iyo udubdhexaadka sheekada filinka, isaga ayaa la baadidoonayaa billow illaa dhammaad. Horraanta filinka ayaa nagula barayaa marka uu Kane sii dhimanayo. Waa ereyga ugu danbeeya ee uu dardaaran ahaan u reebayo, macnihiisa iyo mudnaantiisana filinka gudihiisa inta uu weriye Thompson sooyaalka Kane ku raadjoogo ayaa si tartiib tartiib ah daboolka looga qaadayaa. “Rosebud” waa magaca alwaax barafeed uu Kane yaraantiisi waqtiga qaboobaha ku ciyaari jiray, wuxuuna u taagan yahay noloshii uu waayay markii hooyadiis laga soo waday. Inkastoo Kane guulo badan gaaray haddana baadidsoonkiisa dhabta ahi ma ahayn mid ku aaddan hanti badan iyo awood xarka goosatay, laakiin wuxuu ku aaddanaa jacayl, lahaanshiyo iyo xalaydhalaynimadiisi ilmanimo. Daqiiqadihiisa ugu danbeeyay ee uu ereygaan lahaana waxay ka turjumayeen arrimahan uu gaari waayay ee ku sababay faaruqnimada gudeed ee uu la halcaday.

Waxa ugu muhiimsan shakhsiyadda Kane waa baahida uu u qabo jacaylka dhallaanimadii hufneed iyo aqoonsiga, kuwaasoo uusan marna nasiib u yeelanayn. ‘Rosebud’ ka sokow carruurnimadiisii iyo xalaydhalaynimadii uu waayay, waxaa kale oo ay tilmaamaysaa mernaanshaha shucuureed uu noloshiisa oo dhan la tacaalayay. Maalkiisa buuraha ka weyni uma dhigmo mana buuxin karo haawashada gudeed ee uu la ildaran yahay, wixii uu saamayn iyo maal aruursadaynna way ka baaba’ayaan, keligiisa ayuuna sariir qol mugdi ah dhex taal ku naf baxayaa.

Dhanka kalena waxaan dhihi karnaa filinku wuxuu cambaaraynayaa bulshada casriga ah ee maal urursigu diinta u noqday macnaha noloshana u arka in weelasha la wada buuxsado oo nolol dhaldhalaal badan oo aan dhaxan iyo dheelli lahayn lagu tamashleeyo. Noloshan oo ah mid inta is dhista haddana araxda iska jebisa, oo kolka qofku waxbadsi iyo hunguri u duubnaado waxaa la arkaa in uu isla isagu aakhirka baaba’iisa ka taliyo.

‘Xanadu’ Jannada hiraalka ah

Citizen Kane golatusayaasha furitaanka ah waxay ku saabsan yihiin tacsida maalqabeen Kane, si gaar ah Xanadu, oo ah dhul raaxo, baaxad weyn oo aad u qurux badan. Kaamarada ayaa ku dhex safri doonta dhulka raaxada waxaana nala tusi doonaa qaybaha kala duwan beeraha, webiyada iyo daaraha kala nooca ah ee dhulku ka kooban yahay waa meel janno loogu yeeri karo. Bilicdaas iyo ashqaraarka Xanadu waa shareere u adeegaya nolosha, maalka, hanka iyo burburka Kane. Xanadu waxay u taagan tahay;

1- Hantida iyo awoodda: Waxay markhaati u tahay hantida baaxadda leh ee Kane iyo saamayntiisa. Waxay ku fadhisaa miisaan baaxad leh, waxa ayna ka kooban tahay qolal aan dhammaad lahayn, farshaxan meel walba laga keenay, iyo qaabdhismeed heersare ah. Hantidaas xad ka baxa ahi waxay astaan u tahay Kane qofnimadiisa ballaaran, awooddiisa uu wax kasta ku heli karo, iyo rabitaankiisa ah inuu abuuro boqortooyo shakhsiyeed oo ka turjumaysa awooddiisa iyo liibaantiisa.

2. Qoqobnaan iyo go’doon: Inkastoo Xanadu dhul aad u weyn tahay waa meel go’doonsan oo cidlo ah, oo calaamad u ah kalinimada shakhsi ahaaneed ee Kane. Waxay ku taallaa meel ka fog bulshada, oo buur dusheeda ah, taas oo ka dhigan sida Kane jir ahaan iyo dareen ahaanba dadka ku xeeran uga takooran yahay. Sida filinku u sii socdo, Xanadu waxay noqonaysaa xabsi dadban, inkastoo Kane hanti iyo saameyn ballaaran uu leeyahay haddana waa mid ka arradan xiriirrada macnaha leh ee aadanaha iyo qanaacada nololeed. Mar kasta oo uu isku dayo in uu noloshiisa ka buuxiyo hanti maaddi ah, waxaa sii badanaya cidlada iyo go’doonsanaantiisa.

3. Marnaan iyo Qurun: Xanadu waxaa ka buuxa khasnado adduunka oo dhan laga keenay, haddana ugu dambeyntii waa meel maran oo aan naf lahayn. Farshaxanka iyo waxyaabaha kale ee meeshaas lagu qurxiyay halkii ay Kane niyadda u qaboojin lahaayeen, waxay muujinayaan marnaanta iyo macno la’aanta noloshiisa. Wuxuu gurigiisa ka buuxiyay walxo isagoo abdanaya inuu u magdhabo marnaantiisa shucuureed ee lama helaanka noqotay. Dhammaadka filinka, Xanadu waxaa loo arkaa meel quruntay, taasoo muujinaysa hoos u dhaca gudeed ee Kane laftiisa. Waa dhul ballaaran oo bilic iyo ashaqaraar badan laakiin aan naf lahayn oo shareer u ah faaruqnimada waxqabadkiisa.

4. Hir aan la gaari karin: Magaca “Xanadu” laftiisu wuxuu dib ugu noqonayaa qasrigii guunka ahaa ee lagu sharraxay gabaygii Samuel Taylor Coleridge ee “Kubla Khan” kaasoo ahaa janno maleawaal ah. Sidaas darteed, Xanadu waa isku day uu Kane ku abuurayo jannadiisa, meel uu ilaah ka yahay kuna rumayn karo hawaawigiisa weynaanta ah. Si kastaba ha ahaatee, sida jannada hiraalka ah ee gabayga ku jirta, doonista Kane waa hilaac aan la gaari karin. Kane isku daygiisa uu ku dhisayo caalamkiisa quruxda la tiicaya naftiisa uma horseedayso waxaan ka ahayn niyadjab iyo guuldarro. Sababta uu dhulka raaxda ugu kulmiyay maalka tirada badan waxay tahay in uu dib-u-hanto waxyaabihii uu dhallaanimadiisa lumiyay; xalaydhalaynimadiisa, carruurnimada iyo jacaylka hooyadiisa.

5. Kasoo horjeedka “Rosebud”: Xanadu waxay lid ku tahay “Rosebud,” oo ah alwaaxii barafka ee Kane, kaa soo ka turjumayay caruurnimadiisii luntay iyo xalaydhalaynimadiisi. Halka Xanadu-na ay calaamad u tahay waxhaynta xad-dhaafka ah ee maaddiga ah. Rosebud waa waxa kaliya ee dareenka Kane habi kara mar walbana uu u hummuun qabo laakiin uu gaari waayay. Farqiga u dhexeeya labadan shareere – oo midkood metelo guulihiisa maaddiga ah ee weelasha uga buuxa, kan kalena rabitaankiisa shucuureed ee uu xaqiijin waayay – wuxuu bannaanka usoo saarayaa isdiiddada dhextaal nafsadda Kane ee uu isla doonayo. Si kastoo uu hanti iyo awood u yeesho, haddana ma habi karaan marnaantiisa dareeneed oo ah doog ka timid waayihiisi carruurnimada.

"Xanadu dhexdeeda ayuu Kubla Khan amar ku bixiyey in aqal raaxo oo qurux badan looga dhiso."–Oraahda filinku ku furmayo.

Filinsameeye Orson Welles; Hawlkar Kudhac leh Gunaanad

Goor ku beegan 1939-ki shirkadda filimada Hooliwuudka ee RKO Pictures, ayaa Orson Welles oo 25 jir ah usoo bandhigtay wax loo arkay heshiiskii ugu weynaa ee filinsameeye lala galay taariikhda. Waxaa Welles la hoos dhigay in uu soo saaro labo filin oo uu isla isagu qorayo, soosaarayo, agaasimayo welibana uu doorka jilliin ee arbaha sheekada isagu metelayo.

Waxa yaabka lihi waa in taa ka hor uusan Orson Welles agaasimin wax filin ah. Isaga iyo soosaare John Houseman ayaa 1937-di wada sameeyay shirkad la yiraa, “Mercury Theatre.” Shirkaddu waxay soo saaraysay bandhigyo masraxeed, barnaamijyo raadiyow ah iyo filimo gaagaaban. Iyadoo ay sidaas jirto ayay RKO shirkadda Mercury Theatre, si gaar ah Orson, heshiiskaas la gashay.

Citizen Kane ayaa noqonaya filinkii koowaad ee Orson Welles soo saaro, waxaana ku xigay The Magnificent Ambersons (1942), inta uu isu diyaarinayay samayntiisana wuxuu afartan jeer daawaday filinkii John Ford ee Stagecoach(1939) “Ku dhowaad bil, kaddib cashada, habeen walba, waxaan daawanayay Stagecoach(1939).. anigoo is waydiinaya “Sidee waxan loo sameeyay?” “Maxaa sidan loo yeelay?” Waxay iiga dhigneed sidii in aan iskuul aadayo.” Orson wuxuu aaminsanaa in si wax cusub miiska loo saaro in layli iyo kucelcelin badan lagama maarmaan tahay, sidaas darteed xitaa inta filinka la sameeynayay jilayaasha wuxuu ku hawlayay in ay dedaalkooda sii laba jibbaaraan, arrinkanina dhab ahaan ma ahayn mid Hooliwuud dhexdeeda laga daneeyo.

Orson isagoo ka faa’iidaysanaya waayo-aragnimadiisi masraxeed, iyo aqoontiisi raadiyaha, islamarkaana ku kabaya dedaalkiisa dheeriga ah ayaa ku guulaystay in uu adduunka keeno Citizen Kane oo ah shaqo faneed mar la arag ah. Wuxuu helay nasiib aan filkiis geed ka guran oo ah in uu noqday hal-abuur dhab ah oo helay istuudiyow iyo qalab walba oo uu u baahnaa si uu u soo saaro filinka uu doonayo isagoo xor ah oo aan cidina faragelinayn. Orson cidna ma ogeyn waxa uu samaynayo illaa uu golatuska ugu danbeeya duubay maxaa yeelay waxaa la siiyay xorriyad dhammays ah, malaha qodobkanina waa kan Citizen Kane ka yeelay mid ku suntan waxbaqabad anuug ah oo heerkiisu sarreeyo wuxuuna ka marqaati kacay mucjisooyinka filinsameeyaashu soo bandhigi lahaayeen haddii ay sida Orson heli lahaayeen xorriyad, istuudiyow iyo qalab dhammeystiran.

Inkastoo William Randolph Hearst oo maalqabeen iyo mulkiile wargays ahaa uu u qaatay in Citizen Kane isaga sooyaalkiisa ka warramayo weliba qaab rakhiis ah oo liidata, kaddibna isagoo taas ka gadoodsan uu wargeysyadiisa iyo guud ahaan idaacadaha waddanka ka mamnuucay in magaca Citizen Kane lagu soo qaado. Tanina, dhab ahaan, filinka waxay ka dhigtay mid Box Office-ka ku fashilmay oo aan heerkii laga filayay tiigsan. Waxaa kale oo iyaduna fashilkiisa qayb ka qaadatay adeegsiga horumarsan ee farsamada jaantaaroganta ah waayo daawadayaashu habtebinta toosan ee soojireenka ahayd ayay la qabsadeen marka wax fudud ma ahayn in horay laga soo dhoweeyo. Si kasta ha ahaatee, Citizen Kane xitaa haddii uusan soo xarayn qiimihii laga filayay, dhanka shineemada, daawadayaasha, filinsamaynta iyo tayada faneed ayuu xaqiijiyay guul aan guuldarro iyo nusqaan ka dabamarin oo illaa daqiiqaddan sideedii xididdadu ugu aasan yihiin.

Ugu danbayn Citizen Kane (1941) waa mid ka mid ah filimada ugu weyn ee gebi ahaanba la soo saaray, wuxuuna maamuuskaas ku mutay farsamooyinka filinsamaynta ee uu sida cusub u adeegsaday, shareerayaasha dhumucda leh, qaab-dhismeedka sheekada adag, shakhsiyadda murugsan ee Kane iyo sahaminta qotadadheer ee mawduucyada xiisaha leh sida awoodda, saamaynta warbaahinta casriga ah, hanti urusiga waallida ah, mernaanta gudeed iyo dabeecadda aadanaha .

Qabashooyin kamid ah filinka “Citizen Kane” (1941)

Faallooyin Filin

The Lunchbox (2013) Moonlight (2016)

Iswaayid haybeed iyo shakhsiyadeed

Faallo Filin

"Waqtiyada qaar xitaa tareenka qaldani wuxuu na geeya busteejada saxda ah."

Quruxda Basiidnimada.

The lunchbox, waa filin xidid walba oo qalbigaaga ku lammaan dhaqaajin doona. Filin aysan qummanayn in aad dib u dhigto, haddii aad u dhigtana aad ka shallayn doonto; marka aad daawatana waxaad isku hiifi doontaa maxaad beri hore u daawan waysay shaqadan faneed ee jaadgooniga ah? Sidoo kalena waxaad ka xumaan doontaa inaadan mar kale farshaxankan u macaansan doonin sida aad marka koowaad u malabsatay.

The lunchbox (2013) waxaa agaasimay Ritesh Batra. Waa mid ka mid ah filimada dhifta ah ee nuxurkoodu hodonka yahay, kuwaasoo ay shineemada Hindiya dhowaanahan soo saartay. Wuxuu la biyo cabayaa filimadii waaweynaa ee Pk, Darishyam iyo 3 idiots. Waa filin dhan walba basiid ah balse soojiidasho iyo qurux badan. Waa sheeko ku saabsan kelinimo, rejo nooleyn iyo jacayl saafi ah, jacaylkaas oo ka dhex dhalanaya laba ruux oo mid walbaa dhankiisa nolosha uu ku noolyahay aan ku qanacsanayn islamarkaana baahi weyn u qaba xiriir macno leh oo noloshiisa iidaan u noqda.

Sheekada filinku waxay ku furmaysaa Ila oo ah oori, ku nool guri Mumbai ku yaalla. Waxaa guriga kula dhaqan saygeeda iyo gabar yar oo ay dhaleen. Ila hawlmaalmeedkeedu aad ayuu u kooban yahay, gabadheeda yar ayay iskuulka u diyaarisaa kaddibna mooto iskuulka gaysa ku hubsataa. Intaas kaddibna waxay nafteeda u hibaysaa sidii ay ninkeeda oo subaxdii shaqo u hiiraysta qado fiican ugu karin lahayd. Qadada marka ay karisana waxay ugu dhiibtaa nin baaskiil wata oo ku shaqo leh in uu xilliga qadadu soo dhowdahay sanduuqyada cuntada guryaha ka soo aruuriyo kaddibna dadka magaalada u shaqo tegay u geeyo kana soo celiya, ninkaas oo”Dabbawalas” Hindiya looga yaqaan.

Ila oo maalinkan ninkeeda qado aad u macaan u diyaarisay waxaa ku dhacaya in sanduuqii qadadu uu si khalad ah ugu tago Saajan Fernandez oo ah xisaabiye ka shaqeeya xafiis dawladeed sannad kaliyana hawlgabnimadu uga harsan tahay. Fernandezna waraaq ayuu sanduuqa soo dhex gelinayaa halkaasna waxay Ila ka ogaanaysaa in qadadeedii qof kale–Fernandez loo geeyay. Iyada iyo Fernandezna waxaa ka dhex billaabanaya is dhaafsiga waraaqo uu mid walba xaaladihiisa cakiran iyo casharrada noloshu bartay kan kale si barax la’ ula wadaagayo.

Inta aan sheekadaas goobjoogga u nahay, waxaa ay tahay in aynaan hilmaamin sheekooyinka magaalada Mumbai oo ay kaamaradu si qotodheer noogu soo tebinayso. Biiskiil wadaha u heellan qadagaynta oo ka dhigan halyey qarsoon oo la moog yahay. Dadyowga tareennada aadka u cariiriga ah saaran ee nolosha u halgamaya, kuwa jidadka wax ku iibinaya iyo kuwa muusigga ku tumaya intuba waxay leeyihiin sheekooyin, filinkuna wuxuu noogu boorrinayaa in aanan ilduufin.

Dhanka shakhsiyadaha, agaasimuhu si aad u wanaagsan ayuu u qaabeeyay, ma badna shakhsiyadaha filinku ku socdo waa afar kaliya mid kastana dhaxanta kalinimada ayuu la qarqaryoonayaa. Shakhsiyaduhu waa kuwo hormarka sheekada udubdhexaad ah, mid walbana waxaa la siiyay door ku hobboon. Ila waa gurijoogto, shaqadeedu jikada iyo guriga ma dhaafto, xiriirka iyada iyo ninkeedu miradhal ma aha arrintanina xaalad wehel la’aan ah ayay gelisay, markuu shaqada ka yimaado wuu seexdaa oo maamuus iyo tix gelin ma siiyo, waxayna isku dayaysaa in ay habka cunta karinteeda wax ka beddesho si ay dareenka ninkeeda u soo jeediso iyadoo rumaysan in waddada qalbigu caloosha sii marto. Marka ay billowdo in Fernandez waraaqaha la wadaagto Ila waxaa ku dhacaya isbeddel waxay ayna gelaysaa caalam cusub oo ay xorriyad iyo qof dhegaysta ku haysato, waxa ayna uga warramaysaa waxyaabaha nolosheeda ku xeeran, mana sii ahaanayso naag nolosheedu jikada ku egtahay, waxaan baranaynaa in ay tahay qof han leh oo ay nolosha guurku cuuryaamisay.

Ila waxay deggan tahay guri dabaq ah, qaybta ka sarraysa waxaa ku nool haweeney duq ah oo aan magaceeda naloo sheegin wajigeedana aynaan arkayn, inta filinku soconayo balse filinka kaalin laxaad leh ayay ku leedahay. “Eeddo” ayay Ila ugu yeertaa, Ila warqad ay Fernandez u qorayso ayaan ka ogaanaynaa in ay eeddadu ninkeeda oo bareelaato ah meesha ku hayso ku dhowaad shan iyo toban sanana erey afkiisa kama soo bixin. Ila iyo eeddadu daaqadda ayay ka wada sheekaystaan, waxyaabaha cuntada lagu kariyana selled xarig ku xiran ayay isugu dhiibaan. Eeddadu waa shakhsiyada filinka muhiim u ah hase ahaatee wax badan kama naqaan, ma naqaan hiwaayaddeeda iyo qaabka ay nooshahay marka laga reebo in ay hayso kayd heeso qaraam ah tan oo ah buundo kale oo iyada Ila isku xirta.

Shakhsiyadda Fernandes waxaa metelaya jilaagii rugcaddaaga ahaa ee xilligii karoonaha geeriyooday Irrfan Khan. Irfan oo ka mid ahaa jilayaasha Hindiga kuwooda ugu muuqda, islamarkaana jilay filinkii aadka u wanaagsanaa ee Life of Pi. Fernandez waa goobare (nin aan naag qabin laakiin horay usoo guursaday) ku dhow in uu shaqada ka fadhiisto. Waxa ku noolyahay guri ay ku wehliyaan xasuusaha xaaskiisii dhimatay. Waa nin xirxiran oo dadka ka go’an noloshiisuna waa mid meran oo aan wax dhadhan ah lahayn. Marka ay cuntada Ila si lama filaan ah ugu timaaddo ayna billaabaan in ay waraaqaha is waydaarsadaan waxaa u billaabanysa nolol cusub iyo sabab farxad u soo jiidda–Cunto macaan iyo qof dhegaysta oo la sheekaysta. Intaas kaddibna Fernandez xiriirkan cusub wuxuu ku riixayaa in uu noloshiisi hore wajaho, misana oggolaado in uu mar kale nolosha aammino kuna kalsoonaado.

Dhanka kale, waxaa soo muuqanaya Aslam Sheikh oo ah agoon aan wax qoys ah lahayn, sidoo kale waa xisaabiye sugaya in uu Fernandez beddelo, Aslam dhinaca kale Fernandez iyo caalamka bannaanka ayuu iska xirayaa. Inta hore Fernandez wax badan kama ogin, marka madaxa shaqadu ka codsado in uu Aslam oo ah ninka beddeli doono tababbar sii siiyo ayaan wax badan ka baran doonnaa. Inta hore ma soo dhoweynayo xisaabiyahan cusub ee laga rabo in uu carbiyo in uu beddelo gadaalse xiriir fiican ayay yeelanayaan. Filinku wuxuu diiradda saarayaa daqiiqadaha yaryar ee horseedi kara korriinka shakhsiyadeed iyo kabashada nafeed. Waraaqaha ay Ila iyo Fernandez sanduuqa cuntada sida joogtada isugu gudbinayaan waa waxyaabaha sida gaarka ah filinka xiiso ugu yeelaya, adduun taleefanta iyo isticmaalka tiknolojiyaddu suuxiyeen ayay labada jilaa caado hore oo dabar go’day soo celinayaan, dhanbaallo ayay isu dirayaan muddo 24 saac ahna si xamaasadi ku lamman tahay jawaab u dhowrayaan. Ila marka ay hubsato in qadadeedu maalin walba Fernandez loo geeyo kama joojinayso waayo wuxuu u oggolaaday in ruuxdeedu soo noolaato, tanina waxay sii karaarinaysaa qulqulka sheekada filinka iyo xiriirka Ila iyo Fernandez ka dhex abuurmay. Isma arkaan, kaliya waraaqo ayay ku wada sheekaystaan sanduuqa cuntada isugu qariyaan, midna midka kale wajigiisa ma yaqaan haddana waxay isi siinayaan shidaal nololeed ay ku dhaqaaqaan, isbeddel ku sameeyaan nolosha caajiska ahna uga digarogtaan.

Filinku wuxuu ku guulaystay in uu dareensiiyo awoodda ay is gaarsiinta leedahay, Ila iyo Fernandez iyaga oo aan is arag isna taaban ayaa ay yeesheen dareen midaysan. Ila iyo Fernandez mid kasta wuxuu la tacaalayaa hammi nololeed uu lahaa oo ka saqiiray, isdhaafsiga waraaquhuna waxa uu uga dhigan yahay tab ay uga baxsanaayaan qoomammada iyo xanuunka ay ku sababayso nolosha ay gaari waayeen, inta filinku socdana mid walba “Hadba waxaad ku sugan tahay, soo dhiib waraaqaha.” Ayuu docdiisa ugu heesayaa.

Waxaa xusid mudan in filinka aan wax hees ahi ku jirin sidii Shineemada Hindigu caanka ku ahayd. Gunaanadka The Lunchbox (2013) waa qaraar xigeen iyo dhammaad furan. Waxaan ogaanaynaa in ay Ila iyo Fernandez ay duntoodu si buuxda isugu xirantay ayna u dhararayaan in ay is arkaan, inkastoo Fernandez kulan hore ka baaqday haddana dhammaadka waxaan arkaynaa isaga oo ku sii jeeda goob uu rabo in ay Ila isku arkaan, halka Ila dhankeeeda ay qorayso waraaq ay ku sheegayso in ay hawl yar soo qabsanayso kaddibna is arkayaan waxayse goosanaysaa in aysan warqaddaas u dirin. Marka in ay is arkaan ama aysan is arkin labadaba waa la arkaa, ee sidaad doonto u dhigo, halkan waxay ahayd in ugu yaraan uu filinku dareenka daawadayaasha ku kasbado dhammaad qalbi taabad ah ama ugu yaraan soojiidasho leh, dhanka kalena uu dareenka jacayl ee labada jilaa ka dhex abuurmay daaha ka qaado, mase dhicin; hase ahaatee waxaan dhihi karnaa sababta uusan agaasimuhu filinka usoo xirin in ay tahay hubanti la’aanta xiriirrada jacaylka iyo nolosha aadanaha.

Agaasime Ritesh Batra, wuxuu nagu sagootinayaa in mararka qaar jidiinka waddada lagu wadaago iyo socdaalku ay bardhamaadka ka mudan yihiin. Mid ka mid ah waraaqaha uu Fernandez Ila u diray.

Qaali Ila,

Ma aammini doontid waxa shalay igu dhacay! Fiidki aniga iyo Sheekh oo busteejada tareennada usii soconna. Sheekh iyo anigu isku meel baan ka shaqaynnaa. Waxaan is arkay anoo istaagaya si aan u eego shaqooyinka rinjiile (painter) waddada goonkeeda wax ku rinjiyaynayay. Dhammaan sawirrada uu nashqadeeyay waa kuwo isku mid ah, laakiin marka aad si dhow u fiiriso, aad aragga ugu dhowayso, mid kasta wax yar ayuu kuwa kale kaga duwan yahay, xariif gaar ah ayaa xaggaas ka muuqda, nin kale oo riyamaalmeed dhex maquuraya ayaa bas halkaas socda ka muuqda, ey baadi ah ayaa si geesinimo leh waddada u goynaya, wax alla wixii indhaha rinjiilaha maalintaas cajabiya; sawirrada mid ka mid ahna naftayda ayaan ka dhex helay, ugu yaraan waxaan u malaynayaa in aan aniga ahay. Dabadeed rigshow ayaan raacay, gurigii aan carruurnimada aniga iyo saaxiibadey ku ciyaari jirnay wuu baaba’ay, iskuulkaygiina sidoo kale. Laakiin waxyaabaha qaar weli waa sidoodii. Xafiiskii hore ee boostadu..weli wuu taagan yahay. Isbitaalkii aan ku dhashay, waalidkey iyo xaaskayguna ku dhinteen weli meeshiisii ayuu ku yaal. Waxay ila tahay in aan waxyaabaha hilmaamnno haddii aynnu wayno cid aan la wadaagno.

Jaalkaagii, Fernandez

Qabashooyin kamid ah filinka “The Lunchbox” (2013)

Moonlight

(

Iswaayid haybeed iyo shakhsiyadeed

"Meel walba waxaa jooga dad madow "

- Hadal ay isdhaafsadeen Juan iyo Little.

Filinku waa fanka ugu macnaha badan ee dareennada isku xidha, inna safriya innaguna kaalmeeya inaan dhexgalno harjadka shakhsiyadaha. Billowga Moonlight (2016) waxaa shaashadda ka soo muuqanaayo dhallaan yar oo madow misana ay bursanayaan carruur kale. Baqdinta ka muuqata, wajigiisa murugsan, afkiisa aamuska badan iyo sida uu goonisocodka u yahayba waxay muujinayaan iswaayidda uu billowga horaba la koraayo, lunsanaanta haybeed ee ku beeran shakhsiyadda Afrikaan-Ameerikaanka ah iyo koristiisa saamaynta ay ku yeelanayso – taas oo marka danbe abuuraysa iswaayid shakhsiyadeed iyo lunsanaan jinsi – in kasta oo uu kol danbe is helaayo jinsi ahaan. Sheekadu waxay ku billaabanaysaa golatusyo dhallaannimo iyada oo u soconayso si harjad badan oo ay isla jaanqadayaan dhacdooyinka iyo korriimada shakhsiyadda. Dabcan, waxaa laga dhex arkayaa qulqulkaas in filinku koobsanaayo silsiladdii sheekafaneedyada Toolistooy: Carruurnimo, wiilnimo iyo dhallinyaranimo, filinkuna tab caynkaas ah ayuu u soo bandhigayaa tabinta iswaayidda haybeed iyo shakhsiyadeed ee caruurnimada, wiilnimada iyo dhallinyaranimadaba qabsanayso shakhsiyadda Afrikaan-Ameerikaanka ah.

Dhallaanka madow caruurnimadiisa waxa uu wataa oo loogu yeedhaa “Little”. Yarku waxa uu la nool yahay hooyadii, aabbihii iyo hooyadii way kala tageen. Hooyadii waxay ka ganacsataa daroogada, inta badanna waqti u ma hesho oo iyada iyo kooxaha daraagiistayaasha ah ayaa iskadabawareega. Carruur kale lama dhalan, aabbe haga ma uu helaayo, taasina waa billowga habowga iyo iswaayiddiisa. Waxa uu la korayaa aamusnaan, fulaynimo, iyo jahawareer qofeed. Nasiib wanaag se waxa uu la kulmayaa yarku Juan, oo ah madow sidiisa oo kale la soo noolaa caruurnimadiisa jahawareer xooggan oo u noqonaayo rasuul haga. Juan, waxa uu ka kaalmaynayaa in uu fahankiisa qofnimo dhiso, runta qadhaadh ee madowga haysata uu fahansiiyo misana uu dareensiiyo in uu isagu garab u yahay, isaga oo si kooban ugu dhahaayo;

2016) “Meel walba waxaa jooga dad madow. Waad xusuusataa taas, waayahay.

Ma jirto meel aad tagi karto aduunka oo aadan ka helaynin dad madow, waxaan ahayn kuwii ugu horeeyay meerahan.” - Juan.

Baraaruggaan uu helay yarka madow, ee uu ka helay Juan oo ah madow daroogada ka ganacsada waxa uu ugu deeqay badqab nafeed, haddana waxaa dhaawaco marar badan madowga dugsiga la dhigto ee rabshadda badan. Haybtiisa madowga ah ayuu dulmi ka tabanayaa marar badan, dabaqadda hoose iyo harjadkeeda ayaa u sii dheer iyo aabbe la’aanta uu korayo iyo hooyadii sida ay yarka madow ugu sii daynayso iswaaga uu la korayo. Golatusyada carruurnimo ee uu filinku soo bandhigaayo waxay oddorasayaan saldhigga iswaaga madowga, waxaanna laga dhadhansanayaa iswaaguba in uu ka soo billowdo carruurnimada iyo cabbudhinta dareen ee ay la kulmaan carruurta madowga iyo dabaqadda harjadka badan ee ay ku dhex nool yihiin. Yarka madow hooyadii waxay firaaqaynaysaa doorkeeda hooyanimo, waxaynna marar badan dhaawacaysaa dareenkiisa, dhaawacaasina waxa uu soo saarayaa cunug madow oo cunjuq ah misana aanan lahayn firfircooni iyo feker koraayo.

Marxaladda xigto, gaashaanqaad ayuu noqonayaa, waxaa loogu yeedhayaa markaan “Sheroon/Chiron, waxa uu billaabayaa marxaladdaan in uu dib-u-gocdo carruurnimadiisa murugsan, iyo sida hooyadii u dhaawacaysay, wuxuunna billaabayaa in uu ka naco gudaha. Isla marxaladdaan wuxuu iskudayayaa in uu sameeyo firfircooni haddana waxa haysto baqdintii uu la soo koray oo shakhsiyaddiisa si wayn u saamaynayso. Si la mid ah hareerihiisa ayuu eegayaa, oo waxa uu billaabayaa in uu wax garto, nasiib xumo se waxba wuu fahmi waynayaa oo ceelka habowga ayuu guntiisa ku jiraa. Saaxiibkiisii carruurnimada oo ay in badan saaxiib ahaayeen oo isna madow ah ayaa ku dhaleecaynaayo iswaayidda haysato, wuxuunna si kooban habowgiisa ku qarinayaa erayo ah; “Aniga uun baan is ahay.”

Is-ahaanshiyihiisa in uu lunsan yahay ma dareensano haddana wuxuu gocanayaa dareen-u-gaadhsiga uu hooyadii ka la kulmay, si la mid ahna wuxuu daneynayaa in uu sameeyo firfircooni bal se hayb ahaan ayuu lunsan yahay taas oo ku kallifayso in uu shakhsiyad ahaanna dareemo iswaayid badan.

Meertada Saddexaad waxa uu la soo baxayaa shakhsiyad hor leh, wuxuunna qaadanayaa magaca “Black”. Markaan waa marka ay ugu xiisaha badan tahay, wuxuu noqonayaa shakhsiyad ka ganacsato daroogada, horraantii waxa uu ka bartay Juan oo hage u ahaa. Marka uu xuubdhacsado ee uu noqdo ninka wayn waxa uu la noolaanayaa xusuusaha xanuunka badan ee tagtada, wallaahowga iyo geerida ku imaanayso Juan, kaas oo u buuxiyay boos dareen oo aad u wayn. Haddana meertadaan seddexaad ee shakhsiyadda Afrikaan-Ameerikaanka ah waxaa laga dhex arkayaa sida ay isu waysan tahay wali, habowga iyo mugdiga haybeed ee ay dhex jeexayso iyo lunsanaanta dareennada jinsi. Tan danbe, waa qaabaynta ugu kakan ee uu la aamuso, cabsina ka qaado in uu soo bandhigo xaqiiqda dareeenkiisa jinsi, isaga oo ka cabsanaayo shaacsanaha bulsheedda iyo dadyowga ku xeeran. Wuxuu markaan yarkii madoobaa la soo baxayaa shakhsiyad macangag ah oo laga dhadhansanaayo in aanay ka imaanin guri dadnimada la isku koriyo, dabcan guri dareen uu yaallo ka ma aysan imaanin shakhsiyaddu oo waxa ay la soo kortay ayay dib-u-goconaysaa.

“Insaanku waxa uu maxbuus u yahay tagtada.” Sigmund Freud.

Saddexda meerto iyo xuubdhacsiga danbe ee shakhsiyadda Afrikaan-Ameerikaanka sida filinku u darsaayo waxaa laga dhadhansanayaa habowga haybeed ee madowga haysta, saldhigga arrinkaasina waxa uu ka soo billaabmayaa korriimada carruurnimo – dabcan korriimadaasina waa ta qaabeysa shakhsiyadda qofka – wallow qofku dib uga xuubdhacsan karo. U kuurgalidda arrinkaasna filinku waxa uu raacinayaa kolka qofku hayb ahaan iswaayo in uu sida oo kalana ka habaabayo jidka shakhsiyaddiisa iyo isbarashadiisa nafeed, haddana madowgu waxa uu la harjadayaa quutulyowmkiisa isaga oo iska illaabaya marar badan isbarashada haybeed iyo shakhsiyadeed. Isla kolka uu darso ee uu soo bandhigo habowga haybeed iyo shakhsiyadeed haddana waxa uu soo bandhigayaa sida madowgu garab isu siin karo si uu u dhiso bulsho isku tiirsan, wax isu tarta oo is hagta, si loo abuuro dareen isu-buuxin iyo hagid. Mar kale arrinkaasna waa ta shakhsiyadda Juan laga dhex arkaayo doorka ay cayaarayso ee hagidda iyo dareen buuxinta ah taasina yarka madow wuu dheefsanayaa. Marka laga reebo Juan, waxaa la arkayaa shakhsiyadaha madow in aanay is helin, oo ay lumiyeen is-ahaanshahooda, cagtana ay saareen dhabbada habowga.

Saddexda meerto iyo soo bandhigidda koriimo xumada, dareen dhaawicidda iyo bayhoofka ay la koraan carruurta madowga, waxa uu si kale filinku u soo bandhigayaa cunsuriyadda ay la kulmaan iyo sida dhab ahaan madowga dhexdiisu isaga shakisan yahay, iyo siduu isugu dul nool yahay oo uu dhexdiisa isu dulminaayo. Meertooyinka wiilka yar ee madowga ah uu maraayo waa meertooyin iyo harjad ay maraan madowga ku rafaadsan dabiicadda misana la nool doogta hore ee korriimada kaga timaadda iyo jarriimooyinka uu la kulmo inta uu nolosha ku sii jiro. Marxaladaha iswaaga ah iyo iskudhoonka meertooyinka nololeed ee wiilka madowga ah uu maraayo waxaa barbar socota oo si kasta xiiso u leh iswaaga jinsi ee ku dhacaayo yarka, Sheroon ama Madoobe (Black). Iswaaga haybeed ee uu ku koraayo, waxaa u sii raacayo kolka uu koro in uu jinsi ahaan iswaayo taas oo uu ka qaadayo xanuunno nafsi ah iyo aamusnaan hor leh.

Inta badan si aan caadi ahayn ayay dhacdooyinkaasi u soo muujinayaan halganka iswaaga badan ee uu madowga galo marka uu dhexda kaga dhaco bulshooyinka cad, waa halka Faanoon ka qoray; “dubka madow, maskax cad”, walow aannu filinku soo bandhigaynin shakhsiyado sidaas ku sifoobaya. Iswaayidda haybeed waxay dhashaa oo ay abuurtaa iswaayidda shakhsiyadeed, oo waxaa lumayaa qaayasoorrada qofeed, qaayaha qowmiga ah iyo ku-qanacsanaanta dadnimo. Sida kale, iswaaga shakhsiga ah waxaa ka soo dhex muuqda iswaayidda jinsiga, oo shakhsiyaddu waxay dhex dabaalanaysaa badwayntaas bayhoofidda ah. Inta danbe daraasaynta arrinkaas ayuu waxqabadku ku dheeraanayaa, oo waxa uu iskuxidhayaa iskudhoonka: iswaaga haybeed, shakhsiyadeed iyo jinsi ee ku dhacaya shakhsiyadda hormuudka u ah waxsoosaarkaan dhabta badan ka soo daahirinaayo bayhoofka madowgu ku nool yahay.

“...Waxaan ahayn kuwii ugu horreeyay meerahan.” Juan.

Qabasho kamid ah filinka “Moonlight” (2016)
Qabashooyin kamid ah filinka “Moonlight” (2016)

The Gift (Hadiyad)

2019-2021

Faallo Filin

Bushra Mohamed Mohamud

Marar badan waxaan u maleeyaa inaan ahay qof waalan! Siiba markaan kasoo tooso hurdada, sababtoo ah riyo walba oo aan ku riyoodo waxaan u maleeyaa inaan u duulayo dal kale ama duni kale oo ka duwan midda aan ku nool ahay markaan soo jeedo, aniga oo dareensan inay dhab yihiin wax kasta oo aan riyada ku dhex arko. Oo waa sidee? Tusaale kasta ama sheeko walba oo aan ku riyoodo waxay calaamad u yihiin wax ka dhex dhacaaya aduunka aan joogo, su’aal walba oo aan inta isku waydiiyana waxaan jawaabteeda helaa markaan u duulo dunida riyada, waa wax hadii aan ka hadlo rumaynta ka fog, balse aaminaadu waa wax ay cid walbaa la gaar tahay, uguna dhadhanta cid walba si gaar ah. Waxaa had iyo jeer igu sii waynaata fekradda ah in aanan kaligey ku ahayn dunidaas kale ee aan dhex mushaaxaayo. Balse marwalba oo aan qof kale kala sheekaysto fekeradahaas qaar, waxay iigu jawaabaan “ ma adigaaba fiyow!” Anigoo taa la tacaalaaya, raadisna ugu jira inaan daawado filin ama taxane jawaab u keena su’aalaha aan qabo ayaa waxaa iga soo hor baxay taxane la magac baxay “Hadiyada/The Gift” oo ah taxane Turki ah, kaasoo uu Ozan Açiktan 2019-ki agaasimay.

In kasta oo dhacdooyinka taxanahan ay u muuqdaan kuwa layaab leh, su’aalahiisa muhiimka ah ee ku saabsan jiritaanka, ruuxda, iyo ujeeddada ugu weyn ee koonka, ayaa dib u soo nooleeyay xusuusteyda waxayna igu abuureen dareen aan caadi ahayn ilaa aan awoodi kari waayo inaan seexdo. Waxaan ahaa mid aad u yaabban sababtoo ah waxaan isku arkay inaan hortaaganahay calaamado qarsoon iyo fekrado badan oo aan moodayay inaysan suurtagal ahayn ama ku jiraan maskaxdayda oo kali ah. Waxay la mid ahayd fariimo qarsoon oo si joogto ah u garaacaya albaabka ruuxdayda. Mar kasta oo aan dhammaysto qeyb ka mid ah taxanaha, isla markiiba waxaan u gudbay qeybta xigta, sababtoo ah waxaan hoos istaagay buur weyn oo su’aalo aan dhammaad lahayn ah.

Ozan Açiktan wuxuu agaasimay filimaan kala duwan, balse filinkiisan ‘Haddiyada’ waxaa soo daysay oo aad u soo caan bixisay shirkada Netflix, wuxuuna noqday mid dunida oo dhan ku faafay, isagoo soo jiitay dhammaan dadka xiiseeya sheekooyinka ruuxiga ah iyo awoodaha qarsoon ee bin-aadanka. Waxaa lala ashqaraaray qaabka maskaxaysan ee ay dhacdooyinka iyo fikradaha taxanuhu isugu lifaaqmeen iyagoo ugu dambayntii hal meel isugu biyashubtay.

Musalsalka “Hadiyad” wuxuu ku saleysan yahay sheekafaneed ay qortay Sengul Boybas oo la yiraahdo “Dunyanin Uyanisi/The Awakening of the World” oo la micno ah “Baraaruga dunida”, waxay sheekadu kulansatay khiyaali, ruuxi, iyo sheeko qadiimi ah. Qoraagu waxay halabuurtay sheeko ka hadlaysa safarka ruuxiga ah ee gabadh farshaxanyahanad ah oo soo helaysa sir ku saabsan asalkeeda iyo sir ku salaysan goob qadiimi ah; taasoo ah halbeegga ugu weyn ee sheekada musalsalka.

Sheekadan waxay si mug wayn u taabanaysaa safarka raadinta qofnimada, hadafka jiritaanka, sababaha aad u tahay qofka aad noqotay iyo awoodaha qof walba si gaar ah ugu dhex duugan; kuwaas oo jiil walbaa kan xiga uu u gudbiyo iyagoo laba jibbaaran, awoodahaas oo xoojinaayo xiriirka hooyada iyo gabadheeda iyo ayeeyada iyo ilmaha ay gabadheedu dhashay. Waxaa halkaas ka samaysmaayo silsilad mucjisa leh oo taariikh xambaarsan, sir badanna wadato, sirtaas oo aad u qota dheer una baahan in dagaal dheer nafta lala galo si loo fahmo codka gudaha ruuxda kasoo guuxaaya iyo waxa uu xambaarsanyahay.

Taxanuhu wuxuu ka kooban yahay saddex kal (season), oo mid walba uu soo bandhigayo sheeko qoto dheer oo isku xiraysa ruuxda, taariikhda qadiimiga ah, iyo sirta daahsoon ee qoyska. Faahfaahinta farshaxanka leh ee ku dhex baahsan musalsalka ayaa ah mid ka tarjumaysa isku darka cilmiga, dhaqanka qadiimiga ah, iyo bilicsanaanta dabiiciga ah ee goobaha sheekada.

Dulmarka Sheekada;

Kalka koobaad: Safarka ruuxiga ee ‘Atiye’ – oo ah shakhsiyadda hormuudka u ah sheekada ayaa bilaabanaya. Atiye waa farshaxamiisato sawirta farshaxanka cillan (abstract art), waxay ilaa yaraanteedii sawiraysay hal summad oo gaar ah taas oo aysan waligeed ku arag meel aan fankeeda ahayn. Bandhiggeeda guuleystay kaddib, waxay ogaanaysaa in sawirkeeda lagu arkay dhagax ku yaal goob qadiimi ah oo hadda la daahqaaday, Göbekli Tepe, taas oo ah goob farshaxan oo kumanaan sano ku aasnayd dhulka hoostiisa. Sheekadu waxay diiradda saaraysaa sidii Atiye ay u ogaan lahayd xiriirka u dhexeeya iyada iyo goobtan, halkaas oo ay ka heleyso astaamo iyo riyooyin tilmaamaya mustaqbalkeeda. Qaabka duubista taxanaha waxaa loo adeegsaday nalal qabow oo mugdi ah si loo muujiyo dareenka cabsida iyo sirta qadiimiga ah ee halkaas ku duugan, iyadoo muuqaallada magaalada Istanbul iyo Göbekli Tepe ay yihiin kuwa muujinaya farqiga u dhexeeya nolosha casriga ah iyo taariikhda qadiimiga ah.

Qabasho kamid ah filinka “The Gift”

Kalka labaad: Kalkan waxaa sii ballaaranaya xiriirka Atiye kala dhaxeeya sirta qoyska, iyadoo aad u baraneysa in qoyskeedu uu qeyb ka yahay awood qarsoon. Xiriirka ruuxiga ee u dhexeeya adduunyada casriga ah iyo tan qadiimiga ah ayaa la sii darsayaa kalkaan. Muuqaallada Göbekli Tepe iyo goobaha kale ee qadiimiga ah waxaa lagu muujiyay qaabab farshaxamaysan oo xiiso leh, iyadoo laga faa’iideysanayo dabiicada qadiimiga ah ee goobta iyo naqshado dhaqameed si loo xoojiyo dareenka sirta iyo awoodda qadiimiga ah ee goobtan.

Kalka sadaxaad: Kalkani waa ka ugu dambeeya, iyadoo sheekadu gaareyso gabagabadii ay Atiye ku ogaan lahayd xaqiiqada asalkeeda iyo sababta safarkeeda ruuxiga ah. Wuxuu kalkan gaarayaa heer kulmin ah oo ku saabsan in Atiye ay la qabsato aayaha ruuxdeeda. Waxaa si taa loo muujiyo la isticmaalayaa midabyo dhalaalaya oo xoojinaya qalafsanaanta dareenka kulanka ugu dambeeya ee u dhexeeya ruuxda iyo jiritaanka.

Qabashooyin kamid ah filinka “The Gift” (2019-2021)

Ikiru: Life Changing Films (Review video on YouTube) Via YouTube Channel: Bushido Blues

W/T: Aw Saahil

Faallo Filin

Ikiru (1952)

Waxaa jira golatus (scene) caan ah oo ku jira filinkii David Fincher ee Fight Club, kaasoo jilaa Tyler Durden bistoolad madaxa ka saarayo wiil yar oo “Raymond K Hessel” la dhaho. Golatuska waxaa nagula ogaysiinayaa in Raymond ka shaqeeyo shaqo hantaaqo ah oo aakhirka iilka gayn doonto, kuno nool yahay guri dabaq ah oo dhulka hoostiis ku yaalla aadna ciriiri u ah. Tyler wuxuu Raymond u dardaarwerinayaa in uu dhimasho qarka u saaran yahay, wuxuuna waydiinayaa waxa uu ku hanweyn yahay, “Raymond maxaad rabtay in aad noqoto?” Raymond wuxuu Tyler u sheegayaa in uu had iyo jeer ku dhadhabayay in uu dhakhtar xoolaha daweeya noqdo, laakiin ay waxbarasho badani hor istaagtay. Tyler wuxuu Raymond su’aalayaa, “ Ma waxaad doonaysaa in aad dhimato?” Kaddibna wuxuu dhegtiisa ku dhibcinayaa in uu yaqaan meesha uu ku nool yahay, haddii uuna u sahay qaadan in uu dhakhtar xoolaad noqdana uu soo laaban doono naftana dhaafin doono.

Golatuskan waxaan usoo qaatay, in ay wax fudud tahay in aan ku qanci waynno misana iska hilmaanno riyooyinkii aan billowgii nolosheenna u soo gaashaamannay in aan ka jibbo keenno inta aan ifka joogno, mararka qaarna in aan xarriiqa kama dambaysta ah gaarno ayaa noqon karta tubta kaliya ee nagu dhaqaajin karta in aan riyooyinkeenna run ka dhigno, xarriiqa kama dambaystu halkan, waa GEERIDA

“Haddii xanuunka kaankarada lagaa sheego bartaada ayaad ku dhiman lahayd, laakiin ninkani markii laga sheegay ayuuba billaabay in uu noolaado, saw sidaas ma aha?”

– Ikiru (1952)

Ikiru waa filin 1952-di soo baxay kaas oo uu agaasimay Akira Kurosawa. Waxaa laga soo dheegtay sheekadii Leo Tolstoy ee “Geeridii Ivan Ilyach” ee 1886-di soo baxday. Kurosawa wuxuu ahaa akhriste aad u jecel suugaanta Raashiyaanka, waxaana taas laga dheehan karaa qaar badan oo filimadiisa ka mid ah. Sheekada filinku–Ikiru, waxay ku socotaa shakhsiyad Kanji Watanabe la yiraa oo uu metelayo jilaagii weynaa ee Takashi Shimura. Mudane Watanabe, waa maamule hal goob ka hawlgalayay muddo soddon sano ah. Noloshiisu waa caajis iyo dhadhan la’aan. “Kani waa hormuudka sheekadeenna, laakiin maxay caajis tahay in la tilmaamo nolosha uu hadda ku nool yahay. Sabab? Maxaa yeelay waqtigiisa kaliya ayuu dilaa. Marnaba si dhab ah uma noolaado. Malaha tan nolol ugama ba aad yeertee” – Daadihinayaha filinka.

Maalin maalmaha ka mid ah Watanabe, wuxuu ogaanayaa in uu kaankarada caloosha qabo, wax sannad ka yarna nolosha uga hareen. Daqiiqadda kaankarada laga helo waa goorta ay noloshiisu si dhab ah u bilaabanayso, wuxuuna dhiganayaa hadaf ah in uu ‘war macno leh ka tago’. Ciwaanka filinka “Ikiru” macne ahaan waa “In la noolaado” taasina waa waxa uu filinkani, dhab ahaan, daarran yahay. Maxay ka dhigan tahay in nolol macno leh lagu noolaado taasoo uusan qofku ku lug lahayn u diqdiqaynta shaqo maalinle ah? Filinkani wuxuu tilmaamayaa mudnaanta noolaanshaha nolol buuxda iyo sida ay mararka qaar kuu shidaalin karto in lagu ogaysiiyo xaddiga waqtiga nolosha kaaga haray. Goorta uu filinku dhacayo waa waayaha casriga ah ee Jabbaan taasoo ku beegan kontonnada qarnigii tegay waana isla xilliga filinka loo soo daayay. Waa wax yar kaddib, markii uu dagaalkii labaad ee dunidu joogsaday. Milaygan dadka Jabbaan ku dhaqan waxay baytinayeen; macnaha iyo macaanka nolosha waa maxay? Maxaan u noolnahay iyo maxaa I farax gelin kara? Ma maal badan ayaan tabcaa? Mase shaqo ayaan isku shuqliyaa?

Ikiru wuxuu daboolayaa dhammaan waydiimahan. Wuxuu ka billaabanayaa xafiis, daadihiyaha(narrator) filinka ayaana horraanba noo sheegaya in mudane Watanabe uu kaankaro calooleed uusan weli ogaan qabo, kaddibna wuxuu faahfaahinayaa in uusan Watanabe tan iyo daqiiqaddan uu xafiiska ka shaqaynayo uusan weli nolosha dhedhemin, docda kalena noloshiisa maamulanimana uusan waxba ku gaarin aan ka ahayn in uu jagadaas ku ilaashado. Kaamaradu waxay u boodaysaa koox dumar oo ah xafiiska soo gelaya, iyagoo naawilaya in uu qofi u hagaajin doono aag wasakhaysan oo deris la ah. Waxaan arkaynaa in dadka xafiiska ka hawlagala midba mar cudurdaar ula imaanayo si uu dumarku ugu tuuro qof kale una moodaan in uu qofkaasi caawin doono, sidaasna loo wareeriyo illaa ay ka quusanayaan.

Arrintanina waxay na dareensiinaysaa sida aan qofna u doonayn in uu sameeyo waxaan ka ahayn in uu dallacaad raadiyo iyo in uu lacag uruursado isagoo ka dheeraanaya qatar kasta oo caqabad ku ah inuu ooskiisa xejisto. Dib-u-milicsiyo(Flashbacks) dhacaya ayaan ku ogaanaynaa in Watanabe xaaskiisa da’ yaraan ku dhimatay iyagoo wiil kaliya oo ay dhaleen weli hanaqaadin, intaas kaddibna filinka waxaa nagula barayaa in uu Watanabe soddon sano wiilkiisa korinayay isagoo maamule ah, islamarkaana uusan helin jaanis uu ku gaaro wixii uu ku taamayay. Markii kaankarada laga helaynna hungo ayuu dareemayaa, xaalkiisana qoyska lama wadaagi doono, taasoo u muuqan doonta in uu jiritaankiisa ka xanaaqsan yahay.

Qaybta hore ee filinku, run ahaan, waa mid mugdi iyo ciirsi la’aan ah, shakhsiyaadku naxariis aan sii ridnayn ayay arbaha sheekada u muujinayaan. Waxaa jira golatus uu mudane Watanabe maqlayo wiilkiisa iyo gabadha uu sodogga u yahay oo ka warramaya sida aysan u sugi karin in ay hantidiisa dhaxlaan, si gaar ah tani waa waxa aadka u dhaawacaya. Sababtoo ah riyooyinkiisi iyo rajooyinkiisi ayuu ka tanaasulay si uu wiilkiisa u barbaariyo. Sidaas awgeed mudane Watanabe marka uu xanuunkiisa ka war helo cidna lama wadaagayo, kaligiis ayuuna wacaalkaas xun la macaamilayaa. Billowga Ikiru wuxuu la mid noqonayaa billowga taxanaha Breaking Bad. Marka macallin Walter White garowsado in uu kaankaro qabo, inta hore naftiisa ayuu ku koobayaa, sidoo kale, labadaba, Kanji Watanabe iyo Water White waxay samaynayaan isbeddel nololeed baaxad weyn, markay dhakhtarka ka maqlaan warka ku saabsan kaankaradooda. Taxanaha Breaking Bad wuxuu raacayaa xabkada filinka Ikiru. Mudane Watanabe isagoo keli oo kurbbaysan ayuu habeen baar tegayaa, wuxuu la kulmayaa nin qoraa ah, wuxuuna u sheegayaa xanuunka laga helay, sheekaqoruhu waa qofka kaliya ee uu uga warbixinayo xaalkiisa islamarkaana uu warsanayo waxa ugu macquulsan ee uu lacagtiisa ku qarash garayn karo. Sheekaqoruhu taas beddelkeeda wuxuu tusayaa sida loo qaato daqiiqado macno leh, magaalada ayay u baxayaan waxayna u xafladaynayaan sidii in aysan jirin wax berri la yiraa. Iyagoo meel baar ah jooga ayuu Watanabe codsanayaa in loo tumo hees “Gondola No uta” la dhaho. Waa hees ku saabsan in noloshu kooban tahay. Waa hees xasuus curruurnimo ku celinaysa, wuxuuna bilaabayaa in uu heeso isagoo si dareen leh ugu luuqaynaya, qof walba oo baarka joogana inta wixii uu haayay faraha kaa qaado ayuu dhuganayaa sida xamaasadda leh ee uu ninkani heesta codkiisa ugu jalbeebinayo. Waxaana halkaas ku arkaynnaa mid ka mid ah close-ups-ka ugu murugada guud ahaan shineemada. Waxa aadka ulayaabka badan ee jilaa Shimura ku saabsanna waa indhihiisa, waxaan dareemaynnaa in uu noloshiisa iyo naftiisa heestan ka buuxinayo.

Qaybta uu Watanabe magaalada ku xafladaynayo waxay had iyo jeer ii ahayd qaybaha aan sida gaarka uga helo, Kurosawa wuxuu abuurayaa shaqo weyn oo ah in uu caasimadda nolol geliyo jeer aad u mooddo in aad kontonnadi joogto. Waxaa magaalada loo duubay si heer sarraysa oo ku dareensiinaysa in aad Watanabe la jirto una damaashaadayso sidi in ay tahay habeenkii noloshaada ugu danbeeyay.

Waxaa intaas dheer in ay muuqaallada filinka ka muuqato tayo Kurosawa uu la gaar yahay, wasakhda iyo qashinka degaan warshadeedyada, nolosha magaalada ee xawaaraynaysa, iyo harka madow ee arbaha sheekada loo xulay kaas oo ka turjumaya maalmihiisa madow. Baashaalku Watanabe waxba uma siyaadinayo aan ka ahayn marnaan... halkan ayuuna ku goosanayaa in waddada kaliya ee noloshiisu macno ku yeelan karto ay tahay in uu raad waxtar leh ka tago.

Qabasho kamid ah filinka “Ikiru” (1952)

Farriintan fududi malaha waa waxa ugu awoodda badan filinkan dhexdiisa iyo guud ahaan waxqabad shineemeedka Kurosawa. Watanabe in uusan awoodin in uu wiilkiisa la hadlo jiritaankiisa ayay cucub iyo ciriiri gelinaysaa. Dadka kelinimada ku nooli inta badan way ku cuslaataa in ay dhibaatooyinkooda furdaamiyaan, markase cidi hiil iyo hoo la garab istaagto arrimo aan macquul ahayn ayay qaban karaan.

Watanabe isagoo bartaas taagan ayaa waxaa ka soo horbaxaysa, gashaanti xafiiskiisa ka shaqayn jirtay, wuxuuna warsanayaa su’aal fudud, “Maxaad sidan cajiibka ah ugu nooshahay?” dabadeed waxay u sharraxaysaa sida ay farxad uga hesho suubbinta waxyaabaha aadka u yaryar ee iyada xiiso geliya, arrinkan oo loo yaqaan “ikiga” waa falsafad Jabbaaniis ah taasoo loo turjumo ‘sababta jiritaanka/ ujeedka nolosha”

Intaas bacdigeed, adduun araggiisa ayaa wax iska beddelayaan wuxuuna ku baraarugayaa waxa uu jagadiisa ku qaban karo, kaddibna wuxuu adeegsanayaa awooddiisa iyo doonistiisa oo dhan si uu u sameeyo waxa saxda ah.

Watanabe wuxuu ku danbaynayaa in uu shaqadiisa u isticmaalo in uu bulshada ugu qabto danguud taasoo uu hilmaamay soddonkii sano ee uu xafiiska ka shaqaynayay. Dumarkii xafiiska iman jiray iyagoo raba in wax loo qabto ayuu waraysanayaa kaddib wuxuu samayanayaa beer nasasho oo dadku usoo nasiino doontaan, adeeggan bulsheed iyo socdaalkiisi ku riixayay in uu dhisana waxaa loo aqoonsanayaa “Shaqadii ugu weynayd ee uu qabtay”

Filinka waxaa loo soo gudbinaya laba qaab, kontonka daqiiqo ee ugu horraysa waa xagal-ka-eegga Watanabe, inta kalena waa xagalka-eegga qoyskiisi iyo saaxiibada ay wada shaqeynayeen, intan danbe waxay dhacaysaa maalmaha aaskiisa, waxayna muujinaysaa waxa noloshiisa dhabta ahi ka dhigan tahay kaddib dhimashadiisa, waxaana lagu eegayaa indhaha dadka aadka ugu dhowaa.

In ay jirtaa laba qaabdaadihineed kala duwan waxay culays ku tahay qorista dhigaalka filinka, laakiin waxay nuxur gaar ah u yeelaysaa hayaanka watanabe iyadoo soo bandhigaysa saamayntiisa qofeed. Qaybta labaad filinku wuu gaabinayaa, waxaana nagula barayaa shakhsiyaad cusub, laakiin nasiib wanaag waxay keenaysaa in qof walba oo Watanabe u dhowaa ka warramo sida ay uga dhoohanaayeen isbeddelka nololeed ee ku dhacayay marba marka kasii danbaysa, aakhirkana waxay garwaaqsanayaan in uu maalmaha ugu danbeeyay noloshiisa u huray fekrada uu si buuxda ugu haystay in ay tahay mid waxtar leh oo noloshiisa macno u yeelaysa.

Had iyo gooraale, waxaa jirta daqiiqad dahabi ah oo filimada Kurosawa laga helo, waa daqiiqad dareenkaaga jillaabaysa kuguna riixaysa in aadan filinkaas marna illaabin, filinkan–Ikiruna waa golatuska ugu danbeeya. Watanabe oo baraf ku da’ayo ayaa wiifoow isku lulaya wuxuuna ku luuqaynayaa heestii “Noloshu way gaaban tahay.” Markii hore ee uu heestaas qaadayay wuu murugsanaa oo ilmaynayay, laakiin markan wuu dhoollacaddeynaya misana faraxsan yahay. Dhanka kale wajigiisa xanuun kuma shareerna sida uu ahaa intii hore ee filinka, sidoo kale xilligu waa qaboobe baraf baana soo dhacaya, waana jawi lid ku ah dhammaan filinka oo ay jawiyadiisu ahaayeen kuwo noh, dhidid iyo dhegdheg ay ka buuxaan. Waa mid ka mid ah muuqaallada ugu dareenka badan ee aan waligay filin ka daawado.

Filinkani aniga si shakhsi ah ayuu ii taabanayaa iilana xiriiraa marka loo eego in aan waayahan xanuunka kaankarada la halgamayay, sida uu Watanabe iyo Water White u dhiirrigeliyayna ii dhaqaajiyay iguna qaaday in aan sameeyo muuqaallo waxtarleh youtube-kana soo geliyo, anigoo doonaya in war iga haro maddaama aanan waarayn.

In aad ku guulaysato in aad adduunkan raadkaaga uga tagto waa waxa cid kasta ay tahay in ay maanka ku hayso kana dhabayso maxaa yeelay maalin qura ayaan halkan ku neginahay maalinka xigana waynnu ka tegaynaa. Ciwaanka filinkan Ikiru oo micnihiisu yahay “In la noolaado” wuxuu si sax ah u sharraxayaa waxa dhab ahaan filinku ku saabsan yahay: Waa maxay micnaha noloshu? Ma kugu filan tahay in shaqo aan macno lahayn waqtiga isku dhaafiso? Mase waxaad doorbidaysaa in aad dhimato adigoo dhoosha ka qoslaya, og in aad adduunka kaga tagtay raadkaaga, raadkaasoo ah wax aad adigu sameysay, wax aad dhab ahaan abuurtay oo waaraya dabadaana sii jiri doona...

“Waxa aad garowsatay rabitaanka noloshu inta uu Aadamaha ku waynyahay labadeed in uu ka welwelo qofku in la illaawo, dhiillada ku taagan–ee ah ogaalka cimrigiisa gaaban–awgeedna uu doorbido qofku in uu sameeyo waxkasta oo dadka ka gaaryeeli kara, waxqabadkasta oo aadamuhu falkiyey; horrayso iyo dambaysana uu yahay iskuday uu ku muujinayo raadkiisa—laga bilaabo Soomaaligii kumanaanka sano ka hor buurta Laaskeel farshaxanka Saca ku xardhay ilaa Khadr Daahir ta caawa dhimatay; labaduba hibooyinkooda ayey jiraalkooda ku waariyeen. Sidaas awgeed waxqabadkasta ujeedkiisa falsafadeed waa inuu noqdo baadi sooc summad u ah cidda falkisay iyo dadkii la xilliga ahaa oo magan u ah hiboolahaas, waana buundo isku xiraysa qofkaas iyo jiilasha ka dambeeya!”

–Waa Iska Xaal Adduun!

W.W. Bayle July/8/2022

Qabashooyin kamid ah filinka “Ikiru” (1952)

Horudhac

Eastern Promises, waxa uu ku suntan yahay waxqabad shineemeedda danbiga, maafiyada iyo tumashada ugu jilista iyo sheeko soo bandhigista wanaagsan. Agaasime David Cronenberg oo filinka agaasimay waxa uu shakhsiyadda hormuudka u ah u xushay Viggo Mortensen oo mar sii horreysay jilay shakhsiyaddii halaasiga ahayd ee xumafaleha ka ahayd filinkiisii kale ee History of Violence (2005). Markaanna waa markii labaad ee uu Viggo jilo shakhsiyadd caynkaas ah. Viggo si uu u jilo shakhsiyaddaan macangagga ah ee ka tirsan maafiyada Raashiyaanka, waxa uu ku qasbanaaday in uu barto lahjadda Raashiyaanku ugu dhawaaqaan Ingiriisiga, waxa uu sida oo kale ku qabsanaaday in uu safarro ku maro Mooskow oo muddo shan maalin ah uu joogo isaga oo aan haysan turjubaan, iyo goobaha ay degaan bulshooyinka Raashiyaanku si uu u fahmo lahjadaha, taatuuyada ay isticmaalaan iyo waliba dhaqankooda xabsiyada. Dhinaca kale si uu shakhsiyaddaan u jilo waxa uu iskutaxalluujiyay in uu aqristo buugaagta ka warrama gaangiska, qaab dhaqannadooda iyo xeerarka tuugada sharciyaysan ee ‘Vory v Zakone’ oo Landhan ku nool. Dhab ahaan dedaalkaasina wuu miradhalay oo si aan caadi ahayn ayuu Viggo kaga soo dhalaalay shakhsiyadda macangagga ah ee maafiyada, gaar ahaan si aan caadi ahayn ayuu kaga soo dhalaalay jilista lahjadda maafiyada Raashiyaanka, taatuugooda iyo waliba habkooda asiiliga ah.

Filinku waxa uu figta sare kaga jiraa aflaanta aan sinna loo qiyaasi karin dhacdooyinkooda, oo aan sinna loo sii saadaalin karin qummaatiga sheekada iyo qulqulkeeda. Dhacdooyinka filinka waxay gaar la yihiin xiisado si qunyarsocod ah haddana wadnaqabad ah isugu dubbadhacaayo. Sheekada waxaa loo tabinayaa qaab xusuusqor oo kale ah, haddana dhacdooyinka dhacaayo ma aha kuwa xusuusqorkaas ku qoran e, waa kuwa furfuraayo oo haddana sii abuuraayo xiisado hor leh, calashaan cidda xusuusqorka ka tagtay ee geeriyootay ayaa caqabado cusub abuurayso, oo xusuusqorkii ayay gabadh kalkaaliso ahi aqrinaysaa oo ay isku dayaysaa inay dabagasho arrimaha xusuusqorka iyo xogta dilaaga maafiyada ka tirsan. Shakhsiyadaha jilaayaasha ka ah waxqabadkaan faldanbiyeedka ah ma aha shakhsiyado doorkooda la sii saadaalin karo, gaar ahaan Viggo (filinkana ku jilaayo: Nikolai) waxa uu u muuqanayaa shakhsiyadda xumafalka hormuudka u ah, haddana muuqyadaas waxaa beeninaayo in shakhsiyaddiiasu ku sifoobayso samafalka iyo jacaylka dadnimo.

Qummaatiga sheekada

Sheekada dhacdooyinkeedu waxay isugu dubbadhacayaan qaab aannu daawaduhu sii saadaalin karin. Dhacdada filinka waxay ka abuurmaysaa xusuusqorka gaashaanti uur leh oo iyada oo xanuunsan isbitaalka degeg loo geynaayo, rafaad ka dibna cunug yar laga bedbaadinaayo iyadana ummulraacanayso. Xusuusqorka waxaa gacanta ku dhigayso kalkaalisada cunugga bedbaadisay oo ka shaqa gasha isbitaal wayn oo Landhan ku yaalla. Anna, waxay iskudayaysaa inay xusuusqorka aqriso, nasiibdarro se afka Raashiyaanka ayuu ku qoran yahay. Adeerkeed oo guriga la deggan oo qaybna ka ahaa lafihii hore ee KGB-da ayaa isku dayaayo in uu u turjumo si ay xusuusqorka u dabakacdo oo ay cunugta yar ee hooyadeed geeriyootay ugu raadiso qoyskeeda. Marleeyba, waxay ogaanaysaa in uu jiro Semyon oday la yidhaahdo oo maqaaxi wayn magaalada kudhex leh kaas oo ah duqa maafiyada Landhan. Duqu waxa uu dhalay wiil tumasho badan oo ku tagrifalka ku talax tagay oo la yidhaahdo Kirill , sida oo kalena ah nin ka ganacsada jidhka gaashaantiyada, gabadhii umulraacatayna waxay ka mid ahayd gaashaantiyadii uu la raaxaysan jiray misana jidhkooda uu ka ganacsan jiray oo si aannu filaynin uur ugu qaadday. Odayga dhalay arrinkaas uurkutaallo ayay ku noqonaysaa oo waxa uu iskudayayaa in uu arrinkaas duugo oo uu xusuusqorka gacanta ku dhigo si uu wiilkiisa uga badbaadiyo gacanta booliska. Arrinkaas waxaa loo xilsaarayaa darwalka qoyska iyo waardiyaha sida hagar la’aanta ah ugu shaqeeyo qoyska Nikolai (Viggo). Howsha loo igmaday in uu guto, arrinkana xalliyo ayuu u kaba qaadanayaa Nikolai, arrinkaasna waxay isugu soo dhowaanayaan kalkaalisada xusuusqorka gacanta ku hayso.

Nuxurka iyo guntidda faallada

Filinku wuxuu darsayaa oo isdultaagayaa soogalootiga kadeedka ku dhex qabsada gudaha dalalka ay doolka ku yihiin, gaar ahaan arrimaha maafiyada iyo ka ganacsiga gaashaantiyada ee arxanlaawanimada ku dhisan. Sida uu arrimhaaas u dhalaalinaayo filinku waa si farshaxannimo badan lagu kaabay oo dhacdooyinka xiisad abuurka ah ayaa si wadnaqabad ah u taabanaayo daawadaha waxqabadkaan. Marar badan, ayay sheekada iyo dhacdooyinkeeduba u muuqanayaan inaan looga dhargi karin mar-daawasho kaliya e loo baahanaayo dhowrmar-daawasho si loo dhuuxo nuxur ka duwan kii hore, dhacdooyinkuna u bidhaamaan oo loo helo farriintii filimka. Wallow filinku uu ku guulaysanaayo inaan la saadaalin karin qulqulka sheekadiisa haddana waxa uu la gola yimid filinku bar dhammaad aan sidaas u sii farshaxannimo badanayn oo u dhigan farsamada ‘dhammaad wacan’. Sida lama-illaawaanka ah ee ay dhacdooyinku ku billaabanayaan, qulqulka sheekadu siday u tahay qunyarsocod wadnaqabad badan leh si ka duwna ayuu dhammaadku noqday oo la moodayo in laga sii faataxaysanaayo. Haddana, waxaa la iskudayay in filinka qayb labaad loo abuuro, maadaama aannu filinku dhammaystirin sheekooyin furnaa, haddana iskudaygaasi wuu fashilmay. Nasiib xumo dheh.!

Eastern Promises (2007)

Maxamed D.Ciise
Qabasho kamid ah filinka “Eastern Promises” (2007)

Tifaftiraha

Guud

Abdullahi Osman

Agaasimaha

Tifaftirka

Maxamed-Khadar Cabdicasiis

Tifaftiraha

Aw Saahil

Ku Qorayaasha

Aw Saahil

Maxamed D. Ciise

Bushra Mohamed Mohamud

Ibrahim Iman

Naqshadaynta

iyo Quraaridda

Mahad Mohamed

Kudarsadayaal

Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.