Caddadka 2-aad - Tirsiga 4-aad

Page 1


Bandhigyada

Filimada

Adduunka

Curis

Aabbihii Ruuxiga

ahaa ee Shineemada

Afrika Sisey

Baroordiiq iyo

Taariikhayn

Sidee dhaqamada

bulshooyinka loo gu soo gudbiyaa filimada

dhexdooda?

Tar: Axad, Maarso 16, 2025.

Goobta: Muqdisho, Banaadir, Soomaaliya.

Bahda Tifatirka

2-aad

Sooyaal asaas iyo howlgalka wajigeedii koowaad ee 2024

Shineemo Benadir
Souleymane Cissé
Caddadka

TIRSI 4 | MARSO.2025

Caddadka 2-aad

Ciné Tômbwa (ex Cinema Alexandreuse), an art deco building in Tômbwa capital, Angola. It closed as many cinemas did in the 1940s and 50s.

Tusmo

06 10 14 20 24

Aabbihii Ruuxiga ahaa ee Shineemada

Afrika Sisey

Baroordiiq iyo

Taariikhayn

Milicsiga qisada Al Pacino

Bandhigyada Filimada Adduunka

Kud ka Guur oo

Qanjo u Guur

Dibgallada Sannadkan Aadka

Loo Filayay

28 32 36 Sidee dhaqamada bulshooyinka loo gu soo gudbiyaa filimada dhexdooda?

Tar: Axad, Maarso 16, 2025. Goobta: Muqdisho, Banaadir, Soomaaliya. Bahda Tifatirka

Shineemo Benadir Ma Ihi Nigrahaaga

Sooyaal asaas iyo howlgalka wajigeedii koowaad ee 2024

Baroordiiq iyo

Taariikhayn

Cisse; Aabbihii Ruuxiga ahaa ee

Shineemada Afrika

Saleebaan Sisey oo ka mid ahaa foolaadka Shineemada Afrika ayaa habeenno ka hor, 19-ka Bisha Feebaraayo ku geeriyooday magaalo madaxda dalka Maali ee Bomako. Sisey wuxuu ka mid ahaa jiilkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo filinsamaynta qaaradda kacaamiyay, ugu dambaynna wuxuu gaaray figta sare jeer lagu maamuuso:” Filinsameeyaha ugu weyn ee Afrikaan ah ee nool. ” Sadarran koobani waa kuwo ay Shineemo Banaadir ugu baroordiiqayso galabshada Sisey.

—Bahda Tifaftirka

Waxaa qoray : Bushra Mohamed
Waxaa Turjumay : Guryasame Cabdi

Hordhac

Saleebaan Sisey (1940—2025) wuxuu ahaa aabbaha ruuxiga ah ee shineemada Afrika iyo nin ay ku indhakuushaan taageerayaasha fanka shineemada Afrika. Gugii 1940-kii ayuu ku dhashay magaalada Bamako ee dalka Maali, wuxuu ku shaac baxay waxqabadyadiisii ku aslanaa dhaladnimada iyo haybta guunka ah ee Afrika kuwaasoo qaadaadhigayay qadiyadaha siyaasadda iyo kuwa bulshada. Isagoo adeegsanaya awoodda fanka, wuxuu cabbiri jiray xorriyaddiisa qofeed, isla jeerkaasna wuxuu u xusulduubi jiray sidii uu seetada gumaysiga kaga goyn lahaa bulshada. Dhulweynihii Midowgii Soofiyeeti ayuu filinsamaynta kusoo bartay wuxuuna dalkiisa ku soo noqday isagoo ku hubaysan himilo qaran oo dhayda ka cad.

Saleebaan, wuxuu ku guulaystay billado tirabeel ah oo ay ugu doorroonaayeen; abaalmarinta Guddiga Garsoorka ee Bandhigga Filimada ee Cannes, wuxuuna noqday filinsoosaarihii ugu horreeyay ee ka soo jeeda dalalka saxaraha ka hooseeya oo ku guulaysta abaalmarin noocaan ah. Intaas kaddibna wuxuu hantay abaalmarinno kale oo ay guddoonsiiyeen bandhigga caalamiga ah ee Lacorno, FESPACO (Bandhigga Filimada iyo Telefishinka Pan African ee Ouagadougou) iyo midka Talyaaniga ee Venice, isagoo sidoo kale lagu maamuusay bandhigyada Venice iyo Baarliin. Waxqabadyadiisii shineemo ma ahayn keliya kuwa ku gaaf wareega Afrika balse wuxuu hulaaqiyay kacdoon soohdimaha isaga gooshay oo saamayn maguuraan ah ku reebay shineemada caalamka.

Anigoo ku hadlaya afka bahda warsidaha Shineemo Banaadir, tacsi tiiraanyo leh iyo duco gunta wadnaha ka soo go’day ayaan ku sii galbinayaa ruuxdiisii gobta ahayd, guud ahaan dadkii jeclaana waxaan ugu bundubaynaa badbaado iyo kalgacal aan sal guurin. Waxaan ku sagootinaynaa gacaltooyo iyo durraansi xalan, annagoo samir iyo calool-adayg ku hagoogaynna cid kasta oo galbashadiisa la galiilyootay kuna raran xasuusihii waayihii noloshiisa. Dhammaan inta fananaysa sallaanka filinsamaynta iyo inta ku dhaadanaysa haybta Afrika, guud ahaan waxay tabinayaan sida ay u gilgishay murugada geerida aabbahan ruuxiga ah, ayagoo ruuxdiisa ku sagootinaya jacayl iyo nabadgalyo.

Waxaan si niyadsami leh u rajaynaynnaa in halgankii uu horseedka u ahaa halkiisa laga sii ambaqaado, iyo sidoo kale fanka iyo hal-abuurku magaciisa iyo xasuustiisa u nooleeyaan si u qalanta dadaalladii iyo dhaxaltooyadii uu inoo dhiteeyay ee weli hadlaya. Waxaan rajaynaynnaa in uusan raadkiisu halkan ku qayoon, isla markaana uu Saleebaan noqdo faynuus ay gudcurka ku dhaafaan guud ahaan dadka ku mamman majaalka shineemada, gaar ahaan jaallayaasha hiraalka sare ku hagoogan ee Afrika, si ay u ogaadaan in ay jirto rajo weyn iyo dhabbe haloosi ah oo uu gacmihiisa gu’yaal badan ugu sii goglayay macallinkii koowaad ee shineemada qaaradda Afrika.

Saleebaan Sisey ma ahayn kii keli ahaa, se wuxuu ahaa nin garanaya gedda fanka iyo naftiisa la isugu sooho, isla jeerkaana wax ku cabbira ruuxdaas asiiliga ah ee cuskan hawlkarnimada dhabta ah , isagoo beerka ka ogsoon in farriintani tahay bareerihiisa runta ah, waana tan sababta uu weli magaciisu cirka ugu shaqlan yahay sidii calan xorriyadeed oo dul leexaysanaya hawada qaaradda Afrika. Hayaankiisii hawlaha shineemada wuxuu soo billaabay isagoo da’ yar, raadayn aad u ballaaran ayuuna ku lahaa horumarinta shineemada Afrika, isagoo doorar kala duwan darandoorinaya sida filinsameeye, soosaare iyo jilaaba. Saleebaan waxaa aad loogu xasuustaa soosaaridda filimaan sooc ah oo ku qotoma dhaqannada Afrikanka, iyo sooyaalka bulsheed iyo kan siyaasadeed ee qaaradda. Filinkiisii “Yeelen” wuxuu ku guulaystay abaalmarinta Guddiga Garsoorka ee bandhigga filimada Cannes. Dhanka kale, wuxuu leeyahay filimaan kale oo uu ku faaqidayo dulmiga dabaqadaha, iyo loollanka jiilasha ee ku abbaaran ummuuraha isticmaarka. Filimadiisa kale waxaan ka xusi karnaa:

Finyé (1992)

Waxqabadyada faneed ee Saleebaan, waxay kaalin mug leh ka qaateen isku-tolidda tagtada iyo taaganta, ibafuridda buunddo xiriirisa kalabayrrada, iyo soosaaridda jiil cusub oo aan tagtadoodii u cuskan sabab ay u jabaan balse taas lidkeeda waayihii adkaa ee soo maray ka dhigta cashar ay libta iyo horumarka ku hiigsadaan. Wuxuu ka shaqeeyay ammuumudidda sheeko muuqaal ah oo kala jaad ah taasoo taabanaysa wacyi-wadareedka guud, dibna waaqica ugu qeexaysa qaab cad oo taako taako ah, iyadoo dhidibbada loo aasayo isirka iyo haybta qarameed.

Wuxuu gaashaanka u daruuri jiray aragtida quursiga ee uu caalamku qoorta u suray Afrika, iyo sida ay xitaa jiilka cusub u arkaan naftooda, isagoo isku hawlay beddelidda mawjadda maammuusidda gumaystaha, isla markaana qaawiyay aafada iyo wejiga dhabta ah ee gumaysiga, iyo sawirka dulmiga foosha xun ee weli raadkiisu ku dhigan yahay dhafoorkeenna, xasuusteenna, iyo saansaankeennaba.

Maadaama uu gumaysigu eel ka badan kan jireed uu kaga tago maanka, wuxuu itaalkiisa isagu geeyay sidii uu saamayn xooggan uga gaysan lahaa xagga fekerka, isagoo u maraya ebyidda filimaan aan duugoobin oo jiilba jiil u sii tabiyo, isla markaana dib u qaabeeya suuradxumaynta faaftay. Saleebaan wuxuu intii karaankiisu haleeli karay isku dayay inuu habfekerkan qalloocan iyo luuqda labocodlaynaysa kula dagaallamo filimaan hogatusaalaynayay halgan weyn iyo awood dhab ah, bulshadana ka dhayayay boogihii gumaysigu kaga tagay, si ay shineemadu u noqoto agab wax lagu xoreeyo laguna dhiirriyo.

Qabashooyin kamida filinka Finyé (1992)

La Genèse (1999)

Coup de foudre (1988)

Qabashooyin kamida filinka La Genèse (1999)
Qabashooyin kamida filinka Coup de foudre (1988)

MILICSIGA QISADA AL PACINO

Waxaa qoray : Cabdiraxmaan Maxamed Guure

Waxaa Turjumay : Haatuf Cali

Hordhac

Filinkan asal ahaan wuxuu ku sallaysan yahay sheekafaneed Talyaani ah oo la yiraahdo; Il buio e il miele (Darkness and Honey), taasoo uu qoray qoraaga Talyaaniga ah Giovanni Arpino sannadkii 1969. Sheekada kolkii danbe waxaa loo rogay filin kaas oo qaatay magaca; Profumo Di Donna (Caraf Naageed), sannadkii 1974-kii. Filinka waxaa agaasimay Dino Risi, waxaanna jilaaga koowaad/ Arbaha qaatay Vittorio Gassman, oo matalayay doorka Frank Slade; qaybta uu matalayo kolkaan danbe Al Pacino. Filinku markaas waxa uu ku guulaystay abaalmarinno dhawr ah; oo ayna ugu sarrayso abaalmarinta Oscar ee filinka shisheeya ee ugu wanaagsan. Mar danbe, sannadkii 1992-kii Hollywood ayaa dib-u-sameeyay filinkan, waxaanna agaasimay; Martin Brest, iyaga oo casriyeeyay, misana waafajiyay Maraykanka; calashaan sheekadii ayay ka baddaleen goobihii ay ka dhacaysay. Dib-u-samaynta filinkani waxay ka dheereeysay kii hore, isaga oo reebay xusuuswaarta iyo xiiso aan dhammaad lahayn. Al Pacino, iyo sida uu doorka sargaalka indhoolaha ah uga soo dhalaalay, waxay saamayn ku yeelatay xiisaha iyo xusuusta mucaashaqiinta shineemada; xanaaqa, dhaqannada iyo dabeecad xumada gabowga, iyo tabta uu filinku u soo bandhigayo akhlaaqda, rajada, macnaha sharafka, anshaxa, geesinnimada, iyo qiimaha qofku leeyahay, ayaa ah nuxurrada lamadhaafaanka noqday.

Waxyaalaha lamadhaafaanka noqday ee abuuray xiisaha iyo xusuusta raagta, waxaa ka mid ah saamaynta Dhaqanka, qoobkacayaarkii Tango-ga iyo khudbaddii saamaynta lahayd ee uu jeediyay kornaylka indhoolaha ah Frank Slade (Al Pacino) una dhignayd sida tan;

“ Ma garanayo in aamusnaanta Charlie maanta sax tahay ama khalad tahay. Anigu garsoore ma ihi, ma na ihi xeerbeegti. Laakiin hal shay baan idiin sheegi karaa: Charlie ma hoosaysiinayo qof kale si uu mustaqbalkiisa u dhisto! Taasi waa waxa lagu magacaabo sharaf. Taasi waa waxa lagu magacaabo geesinnimo. Waxay ka mid tahay waxa hoggaamiyeyaasha dhabta ah lagu garto!

Hadda, anigu waxa ay nolosheydu taagan tahay isgoys. Weligay waan ogaa waddada saxda ah. Mar kasta oo aan is weydiiyo, waan garanayay. Laakiin waligay ma qaadin! Ma ogtihiin sababta? Waddadaasi aad bay u adkayd!

Laakiin halkan waxaa jooga Charlie. Isaguna wuxuu taagan yahay isgoys. Wuxuu doortay waddo. Waa waddo sax ah! Waa waddo lagu dhisay mabda’; waddo uu qofku ku yeesho dabeecad wanaagsan! Ee bal u daaya wiilkan safarkiisa ha sii wato e.!”

Al Pacino in “Scarface” (1983). Sawirka kor ku xusan waxaa laga soo xigtay barta Arts
Photo Limited

Waan ku dheeraaday hordhaca e, aan idiin ka la baxo akhriste faalladaan falkisan ee sida qotodadheer misana dabacansan kaga warramaysa filinka (Udugga Haweenayda); ee sida dareenabbaarka ah uu qoraagu kaga warramayo; xusuusihiisa gaarka ah iyo xidhiidhka uu filinku la lee yahay; Duruusta akhlaaqeed; Iyo qiyamka aadanaha.

— Maxamed D. Ciise

Weligeyba waxaan ku dhex miriqsanaa jaceylka fanka toddobaad(Shaneemada), filin kasta dhexdiisa ayaan tiimban jiray aniga oo baaraya caalamkiisa qarsoon iyo saameyntiisa qotada dheer. Markan waxaan ka hadlayaa: “Scent of a Woman”. Filinkani ma aha sheeko la dareeriyay uun, ee waa tijaabo dhab ah oo dadnimadu ka muuqato. Waa filin soo gurbinaya dhacdooyinka yaryar ee nolosha, kaddibna u soo gudbinaya si xeelfog oo ku gaarsiinaysa in aad adigu is daawato inta aadan daawan shakhsiyadihiisa New York dhex jooga. Waxaan is arkay aniga oo aan aheyn daawade, balse garab socda Kornayl Frank Slade, ninkaas indhaha beelay, laakiin xaqiiqada arkay isaga oo qaba saafinimo iyo hufnaan aanan wax loo dhigaa jirin.

Al Pacino, sida aan qabo ma aha jilaa uun, waa indhasarcaadiye metelaadeed iyo farshaxaniiste dareen. Waa fannaan daqiiqadaha dhalaaliya, dareenka dhaafiya, oo qalbiga geeya. Markuu jilayey doorka Kornayl Slade, ma uu metelayn shakhsiyadda ninkaa ee wuxuu noo qeexayey waxa uu ka dhiganyahay rabitaanka qofku. Tallaabadiisa hubban, codkiisa gunta dheer, aamuskiisa ka dhigan qaylo xaqiiqada sheegaysa, intaasiba waxay i dareensiiyeen in uu toos ii leeyahay: xataa haddii qofku waayo wax lagama-maarmaan u ah, doonistiisu waxay kartaa in ay u sameyso mucjiso gaar ah.

Daqiiqadda uu kornaylku gacanta qabsaday saaxiibtiisii maqaaxida la joogtay, isla markaana billaabay in uu kula cayaaro dheesha “Tango”ga waxaan dareemay daqiiqaddaas in aan la joogo. Ma aheyn keliya ciyaar, ee waxey aheyd soo bandhigidda nolosha; sarreynteeda iyo sida ay isdhiibidda u diiddantahay. Waxey aheyd cod dheer oo sheegaya doonistu in ay tahay buundada aan kaga gudbaynno mustaxiilka. Ma aanan aheyn daawade uun, ee qeyb ayaan ka ahaa ciyaartaan, neeftaydu waxa ay raaceysay habdhaceeda, waxa aanna dareemayey dhaqdhaqaaqeeda, waxa aadba mooddaa in ay tahay qeyb ka mid ah qisadeyda gaarka ah.

“Scent of a Woman” waa uu ka gudbay xadka ah “Sheekada nin indhoole ah” oo waxa oo noqday cashar weyn oo ku saabsan macnaha bani-aadannimada. Charles Sims ninkaa dhalinta yar ee kornaylka la rafiiqa ahi waxa uu metelayaa qaar badan oo innaga mid ah, waayo waxaan aragnaa marar badan annaga oo mareyna imtixaan akhlaaqeed oo da’deenna iyo waaya-aragnimadeenna ka weyn. Hadalka uu Mr Slade maxkamadda ka dhex yiri weli ayuu maskaxdeyda ka sii yeerayaa, asagoo wata saameyntiisa xoogga leh. Waxaadba mooddaa Al Pacino in uusan metelayn door qof kale, balse uu u hadlayey qof kasta oo u halgamay sii uu mabda’iisa uga run sheego, caqabad kasta iyo guuldarro kasta oo wiiqi laheydna aan waxba u arag.

“Caraf Naageed” aniga iima aha filin keliya, ee waa tilmaan buuxda oo soo koobeysa dadnimada. Waa warbixin tibaaxeysa isla-sarreynta aadanaha, rajadiisa aan xanuunku teedi karin, iyo doonistiisa sarakacda burburka ka dib. Aniga oo dhib iyo harjad badan soo maray, waxaan dareemay filinkani in uu taabtay ruuxdeyda gunteeda. Waxa uu gudaheyga ka toosiyay kalsooni hurudday oo ah: awoodda dhabta ahi in ay ka timaaddo gudaha. Awooddaasi waa doonista sii jiritaanka ee aan ku baabi’in qof iyo muraad la waayey midna.

Marka uu Al Pacino ku guuleystay abaalmarinta Oscar-ka doorkan uu gutay dartii, waxaan dareemay guushaasi in ay ka weyntahay abaalmarin la siiyay fannaan jaadgooni ah. Waxa ay ka dhigneyd markhaati caddeynaya in shaneemadu aysan aheyn keliya fan la daawado, ee ay tahay awood karta in ay dib u qaabeyso ruuxaheenna. Waxaa iska cad in “Scent of a Woman” uusan aheyn filin keliya, wuxuu ahaa jiheeye dib u saxay aragtida aan ka heysanno nolosha, iyo kartida aadanaha ee aan dhamaadka laheyn.

Al Pacino & Gabrielle AnwarScent of a Woman (1992)
Al Pacino & Gabrielle AnwarScent of a Woman (1992)

Bandhigyada Filimada Adduunka

Bushra Mohamed Mohamud

"Filinku waa riyo muuqaal laga dhigay."Federico Fellini

Hordhac

Markaan rabno inaan sooyaalka filimada ka hadalno waxaa qasab ah inaan si gaar ah u milicsanno bandhigyada filimada ee isku tola labada dhinac– filinsameeyaasha iyo daawadaha–ee ku hawllan soosaarista filimada iyo dhadhansigooda, iyadoona mahrajaanno gaar ah loo qaabeeyo. Badhigyadan waxaa ka dhasha xiriirro cusub oo u dhexeeya dadyowga jecel daawashada iyo samaynta filimada, sidoo kale jilaayaasha iyo filinqeybiyaasha. Waxaana oran karnaa bandhigayada filimadu waa iid qaran oo si aan eexasho lahayn loogu maamuusayo xulka filimada sanadkaas soo shaac baxay iyado lagu wada qirayo waxtarka iyo qiimaha uu mid kastaa leeyahay, halka dadka goobtaas jooga ay ka wada bogteen habeenkaas qayb walboo ka mid ah filimadii ay daawadeen iyagoo dareensan inay dadka wax dheeryihiin ayna si gooni ah u dhadhamiyeen muufada hadda dabka laga soo dejiyay.

Mudnaanta Bandhigyada Filimada Foolaadka Bandhigyada Filimada

Bandhigyada filimada oo qarni ku dhowaad si joogto ah loo qabanqaabiyo waxay ku astaysan yihiin maamuus la taaban karo oo aan si sahlan looga geyoon karayn, muhimadda ay u leeyihiin shineemadana waxay u kala qaybsantaa dhawr qaybood oo ay hormuud u tahay: In hal-abuur ugub ah lasoo bandhigo iyadoo la tix gilinayo farshaxaniistayaasha cusub ee u ooman inay raad aan guurin ku reebaan dunida filinsamaynta. Waxaa kaloo soo raacda in la dhiirrigiliyo oo laga shidaal qaato xamaasadda ay abuurayso u tartanka bandhigyadaas iyadoona uu qof walbaa maanka ku hayo in uu waxqabad wacdaro leh oo magaciisa u qalma dadkana wax ugala la soo tiigsado madashaas shacniga badan.

Mar haddii hal-abuurkii curdinka ahaa la soo gacan qabtay taageerana loo fidiyay, faa’iidada xigta ayaa ah: In kor loo qaado tayada shirkadaha filimada, oo marka tartanku sare u qaadmo waxaa kobca hanka hal-abuurka iyo cusboonaysiinta dhan walbaa ee la xiriira samaynta filimada iyo shineemada.

Faa’iidooyinka kale ee waaweyn ee halkaas ka dhalanaya waxaa ka mid ah in fursado ganacsi iyo maalgashi ballaaran oo laba dhan ah ka dhasho: Dhanka dadka maalgashadayaasha ahi waxay ku abuuri karaan shaqooyin miradhal leh; iyo dhinaca filinsameeyaasha oo ka heli kara fursad ay mashruucyadooda ku muunadayn karaan iyaga oon lacag ka fakarayn, walibana magacwanaagga shirkadaha caanka ah ee filimada qeybiya heli doona taasoo uga dhigan jaanis wayn oo ay higsiga hormarka iyo aqoonsiga bulshada ay ka kasban karaan uu kusii siyaadi karo.

Ugu dambayntii waxaa sarakac ku yimaadaa wacyigelinta iyo saamaynta ay filimadu bulshada ku yeelan doonaan, kuwaaso caqliga daawadaha ku riixaya ka fakirka iyo ka doodista arimaha muhimka ah ee uu filimadaas ka guntaday. Marka bandhigyada filimadu daawadayaasha, filinsameeyaasha Iyo shirkadaha filimada ayaa isdhexgal aad u weyn ku dhex maraa.

Bandhigyadu waa ciidaha filimada, waxaa loo dabbaaldegaa quruxda iyo qiimiga farshaxanka shineemada kusoo kordhay, dhanka kale waxaa lagu jiheeyaa warshadda filimada iyadoo filinsameeyaasha mar kaliya waxqabadkoodu helayo aqoonsi iyo faafin. Haddaba, waxaan isku dayaynaa inaan iftiiminno bandhigyada filimada adduunka qaarka ugu foolaadsan ee doorka weyn ka ciyaara halbeegga tayada faneed ee waxsoosaarka shineemada.

Kaartadda 77-aad ee Festival De Cannes. Sawirka waxaa laga xigtay barta The British Photographer

Bandhigga Cannes Bandhigga Filimada

Waa mid kamid ah bandhigyada aduunka ugu muhiimsan, aadna loo wada yaqaan, kaasoo lagu soo bandhigo filimaan cusub oo nooc kasta leh oo ay ku jiraan dokumentariyo laga keenay caalamka oo dhan. Waxaa la aasaasay sanaddii 1946, waxuuna dhacaa sannad walbaa bisha Meey, waxaana lagu qabtaa magaalada Cannes oo ku taalla xeebaha koonfurta dalka Faransiiska gaar ahaan gobalka Franch Riviera, waxaana lagu qabtaa bandhigga xarunta caanka ah ee Palais des Festivalscet des canres.

Cannes waxaa lagu bixiyaa abaalmarinno qaali ah oo ay ugu mudan tahay Golden Plam(plame d’Or) taasoo la guddoonsiiyo filinka ugu fiican filimada cusub ee bandhigga martida ku ah. Plame d’Or waxaa loo aqoonsanahay baarka sare ee maamuusyada ugu sarreeya shineemada. Abaalmarintani saamayn wayn ayay ku yeelataa nolosha filinsameeyaha, dhanka kalena waxay suuraggalisaa in filinkaas dadwayne ballaaran gaaro, sababtoo ah kartidheeraad iyo tayo ayaa lagu tuhmaa cid kastoo ku guulaysata, waxsoosaarkiisuna taageero, daawasho faallayn iyo maalgelin intaba wuu helaa, wargeesyadoo dhammi way kasoo waramaan waxayna gaarsiiyaan cid kastoo aanay wali gaarin, subaxa hore joornaallada caalamiga ah ee ay dadku akhristaanna baalka koowaad waxaa lagu daabacaa magacyada kuguuleestayaasha abaalmarinnada Cannes sawirradooda iyo filimadii la guddoonsiiyay.

Waxaa ku guulaystay abaalmarinta Plame d’Or filimo aad u badan, kuwaas oo xasuus gaar ah ku reebay maskaxda qof walbaa oo shineemada xiiseeya, si gaar ahna sheekadooda iyo habagaasinkoodu ay mahadho ku reebeen faallaqorayaasha u ooman waxkaqorista filimo nuxur leh.

Filimada waaweyn ee sanadihi ugu dambeeyay abaalmarintaas qaaliga nasiibka u helay waxaaan ka xusi karnaa Parasite oo shaashadaha adduunka la saaray sanaddii 2019, sababta filinkan uu aad ugu caanbaxaynna waa inuu noqday filinkii ugu horreeyay ee Koonfurta Kuuriya laga leeyahay ee ku guulaysta abaalmarinta wayn ee palme d’Or, sidoo kale filinka Tringle of Sadness (sadax geesoodka murugada ) ee lasoo bandhigay sanadii 2022di ayaa ka mid ah, waxaana sameeyay nin la yiraa Ruben Ostlund oo ka soo jeeda dalka Iswiidhan, filinkan oo ah mid ka warramaya siyaasadda iyo sinaanta bulshada , kuna guulaystay abaalmarintaas qiimiga weyn.

Kalasarraynta abaalmarrinada sare ee Cannes bixiso;

Palme d’Or – Filimka ugu wanaagsan (abaalmarinta ugu sarreysa ee bandhigga)

Grand Prix – Abaalmarinta labaad ee Palme d’Or (Filinka xiga ee ugu wanaagsan)

Prix du Jury – Abaalmarinta guddiga xukuma (Jury Prize) Agaasimaha ugu wanaagsan, jilaaga ugu wanaagsan, iyo jilaayadda ugu wanaagsan (Abaalmarin jilliinka shakhsiyeed iyo farsameed)

Short Film Palme d’Or – Filinka gaaban ee ugu wanaagsan

Berlinale

Bandhiggan waxaa la aasaasay dabshidkii 195-di. Waxaa lagu qabtaa Berlin magaalamadaxda dalka Jarmalka, gaar ahaan xarunta la magac baxday Berlinale Palast, inkastoo ay jiraan goobo kale oo lagu qabto goobtan ayaa ah xarunta ugu muhiimsan. Wuxuu noqday madal aad muhiim u ah hadafkeeduna yahay in goobtaas lagu maamuuso farshaxanka iyo fahanka dhaqanbulsheedkaa ee kala duwan. Bandhigga filimada Berlinale, wuxuu dhacaa sannad kasta bisha Febraayo isagoo socda toban maalmood, waxaana diiradda lagu saaraa filimada lafagguraya arrimaha bulshada iyo siyaasadda, abaalmarinta ugu waynna waa Golden Bear oo ah abaalmarin sare oo la guddoonsiiyo filinka ugu halabuurka sarreeya.

Tusaale; sannadkii tegay waxaa ku guulaystay abaalmarintan (There is no Evil 2023) kaasoo ka hadlayay sharciyada dilka ee dalka Iiraan, waxaana agaasime ka ahaa Mohammad Rasoulof. Sidoo kale waxaa ku guulaystay filinka Touch Me Not oo lasoo daayay sanadkii 2018, agaasimana ay ka ahayd Adina Pintilie (Romania) filinku wuxuu baarayaa xiriirrada bani’aadamka, xayndaabyada u dhaxeeya xorriyadda iyo sharciyada.

Abaalmarinta labaad ee Bandhigga Filimada Berlinale, oo ah Silver Bear, waxaa qoorta loo suraa shakhsiyadaha soo bandhiga xirfado sare sida agaasimayaasha, jilayaasha iyo sidoo kale qoraayaasha ugu wanaagsan.

Sawirka kor ku xusan waxaa laga soo xigtay bogga rasmigga ee Berlinale

Bandhiga Filimada

Venice

Bandhiga Filimada ee Venice waa bandhigga ugu da’da wayn ee filimada, waa qayb ka mid ah Venice Biennale oo ah bandhig faneed lagu soo bandhigo, arkitagtarka, qoobkaciyaarka, iyo muusigga. Wuxuu ka kamid yahay bandhigyada ugu qiimaha badan, waxaa lagu qabtaa sannad walba magaalada Venice ee dalka Talyaaniga, gaar ahaan goob lamagac baxday Lido di Venezia.

Waxaa lagu soo bandhigaa filimaan cusub oo caalami ah qiimo badanna xambaarsan, iyagoo u wada tartamaya abaalmarinnada kala duwan ee bandhigga. Waxaa la aasaasay sanadii 1931-di, waxuuna qayb ka yahay dhacdooyinka dhaqanka ee Venice Biennale oo ah bandhig farshaxan oo caalami ah kana dhaca magaalada Venice , hadafka ugu wayn oo laga leeyahay ayaa ahaa in kor loo qaado farshaxanka lana gaarsiiyo bulsho badan si ay uga wada faa’iidaan dhan hal-abuur iyo dhan dhaqaale labadaba. Wuxuu socdaa mudo 10 maalmood kuna beegan bisha Sibteember sannad walba. Filimada bandhiggan ku guulaystana waxay noqdaan kuwa guulo badan laaca oo xitaa Oscar ku guulaysta.

Bandhigan qiimaha wayn waxaa lagu qabtaa tartamo dhawr ah laguna guddoonsiiyo abaalmarino kala duwan. Tartanka ugu wayn waxaa lagu bixiyaa abaalmarin la magac baxday Golden Lion laguna maamuuso filinka ugu wanaagsan. Waxaa ku xigta abaalmarin la yiraahdo Silvar Lion taasoo la siiyo hawlwadeennada ugu sarreeya ee halabuur gaar ah soo bandhigay, ugu dambayntana waxaa ah abaalmarin la yiraahdo Coppa Volpi taasoo la guddoonsiyo jilaaga ugu fiican.

Waxaa ku guulaystay abaalmarintan filimo badan oo ay ka midyihiin , Nomadland, All The Beauty and the Bloodshed, iyo The Shape of Water .

Filinka Nomadland, lasoo bandhigay sanakdii 2020ki, waxaa agaasimay Chloe Zhao kana soo jeeda dalka Maraykanka. Filinku wuxuu ku qotomaa haweeney da’ ah kuna dhax nool gaari iyadoo sahminaysa nolosha socdaalka.

Filinka All The Beauty and the Bloodshed, waxaa lasoo bandhigay sanaddii 2022-di. Waxaa agaasintay Laura Poitras kana soo jeedda dalka Maraykanka. Filinkani waa dokumentari ka hadlaya halganka ka dhanka ah shirkadaha dawooyinka ee sababay dhibaatooyin badan, waxuuna filinku soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhanka ah caafimaadka bulshada iyo saamaynta ay ku leeyihiin shirkadaha daawooyinku.

Iyo filinka kale ee The Shape of Water, kaasoo lasoo saaray sanadkii 2017-di, waxaana agaasimay Guillermo del Toro oo kasoo jeeda dalka Mexico. Filinka shakadiisu waa qiso jacayl bilawgeedu ahaa xilligii dagaalka qaboobaa uu socday taasoo u dhaxaysay haweenay dhega’la iyo makhluuq badeed dad-u-eke ah, waxayna sheekadani ka mid noqotay sheekooyinka sallaxday abaalmarino waawayn oo Ooskarku ka mid tahay.

Bandhigga Filimada

Toronto

Toronto International Film Festival (TIFF) waa mid ka mid ah bandhigyada filimada ugu waaweyn uguna saamaynta badan dunida, kaasoo sanad walba lagu qabto magaalada Toronto ee dalka Kannada. Wuxuu can ku yahay soo bandhigidda filimada cusub ee caalamiga ah, gaar ahaan kuwa inta badan u tartama abaalmarinta Oscar-ka. Bandhiggu wuxuu si gaar ah u taageeraa farshaxanada cusub, isagoo sidoo kale soo bandhigaya filimada loogu talagalay inay sumcad sare ku hagoogtaan.

Waxaa la aasaasay sanadkii 1976-di, waa madal lagu soo bandhigo filimada ugu fiican adduunka, iyadoo lagu dhiirrigelinayo wada-shaqaynta filinsameeyayaasha iyo daawadayaasha. Waa madal ay ku kulmaan halabuurka cusub iyo kuwa caan ah, iyadoo sidoo kale la dhiirrigeliyo isdhexgalka caalamiga ah. waxaa lagu qabtaa dhawr goobood oo ku yaalla magaalada Toronto, oo ay ugu caansan yihiin xarunta (TIFF Bell Lightbox) iyo tiyaatarro kale oo badan. Waxuuna bandhigani socdaa mudo 10 maalmood ah, bisha Sibteember sannad walba.

Bandhigga Filimada Toronto, si toos ah uma laha tartan rasmi ah sida bandhigyada kale ee Cannes ama Berlinale, laakiin wuxuu leeyahay abaalmarinno caan ah oo ay door bidaan daawadayaashu, (People’s Choice Award) Abaalmarintan waa midda ugu muhiimsan ee bandhigga, waxaana doorta daawadayaasha ka qeybgalaya bandhigga.

Waxaan ka sheegi karaa filimada bandhiggan kusoo baxay Filinka”La La Land” waxaa lasoo daayay sanaddii 2016, waxaana agaasimay Damien Chazelle oo kasoo jeeda dalka Maraykanka. Filinkan Waa sheeko jacayl ah oo dhexmaraysa laba qof oo riyo ka leh inay guul ka gaaraan Hollywood—Gabar fannaanad ah iyo wiil muusikiste ah. Wuxuuna ku guuleystay People’s Choice Award ee Bandhiga Filimada Toronto. Wuxuu intaas kaddib noqday mid ka mid ah filimada ugu guulaha badan sannadkaas, isagoo helay abaalmarinno badan oo ay ka mid tahay Oscar (Agaasimaha ugu wanaagsan iyo jilaayadda ugu wanaagsan). Waa filin leh muusig cajiib ah, muuqaallo qurux badan, iyo sheeko xanuun iyo xiisaba leh.

Iyo Filinka kale ee Green Book, kaasoo la soo bandhigay sanaddii 2018-di. Waxaa agaasimay Peter Farrelly oo kasoo jeeda dalka Maraykanka. Waa sheeko dhab ah oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya Muusikiiste madow ah (Don Shirley) iyo darawalkiisa cadaanka ah (Tony Lip) xilligii midabsoocu baahsanaa . Green Book wuxuu ku guulaystay abaalmarinno aad u badan dadkuna aad ayay ugu riyaaqeen siiba dadka u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa wada kacaanka ilbaxnimada iyo kaxurowga mugdiga maanka.

Sawirka kor ku xusan waxaa laga soo xigtay bogga rasmigga ee La Biennale di Venezia

Bandhiga Sundance

Bandhiggan aadka u wayn waxaa lagu tabantaabiyaa halabuurka madaxabannaan, waaxaana lagu qabtaa magaalada Park City, gobalka Utaha, dalka Maraykanka. Waxaa lagu soo bandhigaa filimo cusub oo aan horay loo arag qaarkood shirkadaha filimadu Isbeddel ku sameeyeen, halkaas waxaan ka fahmaynaa inuu yahay farshaxan aan dhabbe kale raacayn oo gooni u taagan kana madaxbannaan sharciyada iyo qaababka horay u soo jiray. Haddaba waxaa halkaas kusoo baxa dad badan oo aanan farshaxankooda horay loo arag halkaasna ka billaaba koorriinshahooda faneed, si ay sumcad iyo magac wayn ugala soo hoydaan.

Sooyaalka bandhiggan quruxda badan wuxuu ka bilawday horraantii sanaddi 1978-di, waxaa loogu talaggalay in lagu dhiirrigaliyo filimada Maraykanka ah ee hal-abuurka sare ku tilmaaman. Sanaddii 1984-ti, bandhiggan waxaa loo bixiyay Sundance oo loogu magac daray jilaa iyo agaasimaha caanka ah Robert Redford oo sidoo kale ah asaasaha Sundance Institution, hadafka ugu waynna waxuu ahaa in la helo madal ay ku soo baxaan filimada madaxbannaan iyo filinsameeyaasha cusub ee aan horay khibradda u lahayn ayna ku soo bandhigaan halabuurkooda iyagoo si kalsooni leh u jeexanaya waddo cusub oon horay loo marin.

Bandhiggani wuxuu u qaybsamaa afar qaybood: Tartan u gaar ah filimada sheekada iyo dokumentariga ah ee gudaha dalka Maraykanka; tartan caalami ah lagu soo bandhigayo dukumentariyada caalamiga ah , NEXT oo loogu tala galay filimada tajribada ah; iyo Midnight Section oo soo bandhigta filimo dadwaynaha cabsi gilinaya ama maskaxdooda carinaya oo doodo ku abuuraya.

Waxana lagu bixiyaa halkaas saddex abaalmarinnood oo kala ah: Grand Jury Prize oo la gudoonsiiyo filimada iyo dukumentriyada gudaha iyo dibada Maraykanka; abaalmarinta daawadayaasha(Audience Award) oo iyadana ah mid ay si toos ah daawadayashu ay ugu codaynaayaan; iyo abaalmarinta agaasinka (Directing Award) oo iyadana la gudoonsiyo agaasimayaasha filimada kuwooda ugu farshaxanka qurxan.

Filinka “Whiplash” waxaa lasoo saray sanaddii 2014, waxaana agaasimay, Damien Chazelle wuxuu ku guulaystay abaalmarinnada Sundance: Grand Jury Prize (Filimka ugu fiican ee sheeko ah) • Audience Award (Filimka ugu caansan ee ay codsadeen daawadayaasha) Sheekada Filimkan Whiplash waxay ka saabsan tahay wiil dhallinyaro ah, Andrew Neiman, oo doonaya inuu noqdo muusikiiste dhammaystiran oo ku xeeldheer ciyaarista drum-ka. Waxaa tababbar arxandarro ah siinaya, Terence Fletcher, oo adeegsada qaab xoog leh oo xanaaq iyo cunfi ku lammaan yihiin si uu ardaydiisa ugu riixo inay heerka sare gaaraan. Filinkan wuxuu si qoto dheer u baaraa halganka hal-abuurka, xiisadda guusha, iyo dhibaatada ay la timaado raadinta dhammaystiranka. Filinkan wuxuu noqday mid aad loo ammaanay, isagoo qaatay abaalmarinno waaweyn sida Oscar (Jilaha caawiyaha ah, Tafatirka, iyo Isku-dhafka Codka) Waxaa lagu tilmaamay filin si aan caadi ahayn u muujiyay xiisadda iyo xanuunka ka dhasha riyada iyo guusha, isagoo noqday isha dhiirrigelinta farshaxanka cusub.

Filinka “Precious” waxaa lasoo saaray sanaddii 2009-ki, waxaa agaasime ka ahaa Lee Daniels waxuuna ku guulaystay abaalmarinnada Sundance ee kala ah: Grand Jury Prize iyo Audience Award. Sheekada Filimka “Precious” waa sheeko qiiro leh oo ku salaysan gabadh dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Claireece “Precious” Jones oo ku nool xaafad sabool ah oo New York ku taalla. Waxay la nooshahay hooyadeed oo tacaddi badan u geysata, iyadoo sidoo kale la kulmeysa caqabado la xiriira cunsuriyadda, waxbarashada, iyo nolosha qoyska. Precious waxay gayllan ugu jirtaa inay nolosheeda hagaajiso iyadoo heshay taageero ka timid macallimiin wanaagsan iyo bulsho cusub oo u soo banbaxday.

Bandhiga Filimada Qaahira: (Cairo Film Festival)

Waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu weyn ee shineemada ee ka dhaca Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Bandhiggan waxaa la qabtaa sanad kasta tan iyo 1976di. Wxuu soo bandhigaa filimaan caan ah iyo kuwa cusub oo ka kala yimid adduunka oo dhan. Bndhiggan wuxuu noqday madal muhiim ah oo loogu dabbaaldego farsamada filinka iyo dhaqanka warshadaha filimada sameeya, isla markaana fursad siinaya filimsameyaasha iyo halabuurayaasha farshaxanka inay helaan aqoonsi iyo taageero.

Bandhigga Filimada Qaahiro, waxa uu leeyahay muhiimad weyn waayo waa munaasabad iid ah oo sharfan looguna dabbaaldegayo hal-abuurka iyo toobiyaha cusub ee filimada. Waxa uu sidoo kale fursad u siinayaa abuurayaasha cusub inay soo bandhigaan shaqadooda, iyadoo la siinayo aqoonsi muhiim ah oo caalami ah. Filimada ku soo baxa iiddan waxaa loo arkaa kuwo heer sare ah oo dhaqanbulsheedka saameyn ku yeelanaya.

Bandhiggani wuxuu bixiyaa dhowr abaalmarinood oo muhiim ah, ayna ugu wayn tahay abaalmarintan Gold Pyramid, taasoo lagu bixiyo filimada ugu fiican ee ka soo baxa qaybaha kala duwan. Waxaa sidoo kale la bixiya abaalmarinno gaar ah oo loogu talagalay jilaayaasha, agabka farsamada, iyo warbixinno kale oo ku saabsan filimka.

Filinka “You Will Die at 20” (2019) ee uu sameeyay suxufiga Suudaaniga ah ee Amjad Abu Alala wuxuu ku guuleystay abaalmarint Piramida Dahabka ah ee Bandhiga Filimada Qaahiro 2019. Filinkani wuxuu ka hadlayaa nolosha wiil yar oo loo saadinayo in uu dhiman doono isagoo 20 jir ah, wuxuuna si qoto dheer uga sheekaynayaa sida uu wiilkaasi u wajahayo noloshiisa isagoo la tacaalaya riyadiisa iyo fursadaha nolosha ee labaatanka gu’ ku siman.

Filinkani waxa uu si qoto dheer ugu dhabbagalayaa mawduucyada aamminsanaanta, mustaqbalka, iyo caadooyinka yaabka leh ee bulshada Suudaan ka dhex jira. Wuxuu si si gaar ah u sawirayaa halganka dhallinyarada ka hor dhamaadka noloshiisa, iyo sida ay ugu beddeshaan fahamka nolosha iyo geerida. Abu Alala wuxuu adeegsanayaa muuqaallo aad u qurxoon iyo muusig dareen leh si uu u sameeyo shaqafaneed qaaya leh.

In kasta oo ay jirto cadaadis iyo walbahaar, filinkani wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay la qabsiga nolosha iyo ka faa’iidaysiga waqtiga kasta oo la haysto.

Filinka “The Nile Hilton Incident” waa filin noociisu thriller yahay oo dhacdooyinkiisu ku salaysan yihiin dalka Masar. Waxaa lasoo saaray sanaddii 2017-di. Wuxuu ku socdaa sarkaal booliis ah oo baaraya dilka haweeney, isagoo ku dhexjira xaalad siyaasadeed adag iyo musuqmaasuq. Filinku wuxuu si xeeldheer uga hadlaya sida awoodda iyo caddaalad-darradu u saameeyaan bulshada Masar. Waxuuna ku guulaystay abaalmarinta Gold Pyramid, filinku wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa caddaalad-darrada, musuqmaasuqa, iyo xiriirka ka dhaxeeya awoodda siyaasadeed iyo falalka dambiyada ee bulshada. Waxaa lagu muujinayaa sida ay dadka caadiga ahi uga sii daynayaan nidaamka cadaaladda oo burbursan iyo sida ay arrimaha gaarka ah u saameeyaan go’aannada iyo xaqiiqada bulshada.

Bandhigga Filimada Caalamiga

ah ee Tokyo

Waxaa la aasaasay sanadkii 1985-ti, waxaana horey loogu qabtay labo sano mar ilaa 1991 ka hor inta aan loo rogin sannad walba laga billaabo 1992-di. Waa mid ka mid ah mashruucyada ugu muhiimsan ee ay martigeliso Aasiya. Waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay mashruuca ugu weyn ee shineemada Aasiya. Sidoo kale, waxaa uu ka mid yahay mashruucyada tijaabada ah ee loo aqoonsan yahay ee ka socdo dalka Japan, wuxuuna leeyahay taageero weyn oo dhanka shinaemada Aasiya iyo dunida oo dhanba. Waa mid ka mid ah mashruucyada loo aqoonsan yahay ee FIAPF (International Federation of Film Producers Associations), taas oo ku xiraysa aqoonsi caalami ah iyo sumcad weyn.

Waxaa lagu bixiyaa saddex abaalmarinnood oo kala duwan mid walbana ay fariin gooni ah gudbinayso:

“Tokyo Grand Prix”: Waa abaalmarinta ugu weyn ee bandhiggan, waxaana la siiyaa filnka ugu wanaagsan uguna saamaynta wayn.

Abaalmarinta “Agaasimaha ugu wanaagsan” iyo “Jilaaga/jilaayadda ugu wanaagsan”: Waxaa la siyaa agaasimaha iyo jilayaasha filimada ee muujiya xarrako iyo jilliin gaar ah.

Abaalmarinta “Filinkaa Caalamiga ee ugu fiican”: Filimada caalamiga ah ee soo bandhiga hibo sare iyo dadaal fiican ayaa la guddoonsiyaa. Labo filin oo ka mid ah filimada bandhiggan ku soo baxay; 1-The Wailing, waxaa lasoo saaray sanadii 2016-di. Waxaa agaasimay, Na Hong-jin, waxaana sheekadiisa udubdhexaad u ah : Kwak Do-won, Hwang Jung-min, Jun Kunimura. “The Wailing” waa filin ka socda Korea Koonfureed oo horor ah. Filinkani wuxuu ka sheekaynayaa magaalo yar oo Goksung la dhaho, halkaas oo dad badan oo ka tirsan degaankaasi ay bilaabeen inay u muuqdaan kuwo xanuunsan oo dhacdooyin aan caadi ahayn ku dhacayaan. Ma jiro qof si cad u fahmaya sababta ka dambeysa xanuunka iyo dhimashada dadkan, balse booliiska magaalada, Jong-goo, ayaa bilaaba baaritaanka. Wuxuu ku hawllan yahay inuu ogaado sababta dhimashada iyo xanuunka dadka, isagoo si naxdin leh ugu bareeraya xanuunkan iyo shaydaanka uu rumeysan yahay inuu ku jiro magaalada.

Filinkan wuxuu 2016-di ku guuleystay “Tokyo Grand Prix” waxaana lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah filimada cabsida ah ee ugu wanaagsan ee ka soo baxay Aasiya. Qaabka loo jilay oo ah mid cusub ahna mid ka turjumaya dhaqanka soojireenka ah iyo aaminaadaha dadka ku nool Aasiya filinkan ayaa si weyn loo ammaanay. Waxa kale oo loo arkay in uu yahay filin cabsi ah sir qotadheerna ay ku dhererantahay, iyadoo xoogga lagu lifaaqaayo jawi murugo iyo khalkhal leh bulshada dhexdeeda ka aloosaya.

2- A Separation, waxaa lasoo saaray sanadii (2011) waxuuna ka socdaa dalka Iiaan, waxaa agaasimay : Asghar Farhadi. Jilayaasha filinka: Leila Hatami, Peyman Moaadi, Shahab Hosseini. “A Separation” waa filim Iiraani ah oo ka faalloonaya dhibaatooyinka qoysaska haysta. Waxaa ku hormuudka sheekada ah, Nader iyo Simin, waa laba qof oo uu ka dhaxeeyo xiriir guur, laakiin iyaga oo maraya xaalad nololeed adag, waxay go’aansadaan inay kala tagaan. Simin ayaa doonaysa inay ka tagto Iiraan si ay ugu soo dhaqaaqdo meel ka baxsan dalka iyada iyo gabadheeda, laakiin Nader wuxuu ka biyadiidayaa inuu ka tago waalidkiis, taasoo keentay in uu ka dheeldheelliyo go’aanku.

“A Separation” wuxuu ku guuleystay “Tokyo Grand Prix” 2011, wuxuuna sidoo kale ku guuleystay Abaalmarinta Oscar ee Filimka Ajanibka ugu wanaagsan sanadkii 2012-di. Filinkani wuxuu noqday mid aad loo ammaanay oo dhanka qoyska iyo xiriirka bulshada si fiican uga warramay, isagoo noqday filin aad loogu jecel yahay. Asghar Farhadi waxaa si gaar ah loogu xurmeeyay inuu si xeel dheer u muujiyay dhibaatooyinka la xiriira dhaqanka iyo bulshada ee ka jira dalka Iiraan iyo guud ahaan dunida.

Labada filim “The Wailing” iyo “A Separation”, waxay ku guuleysteen “Tokyo Grand Prix” oo ka mid ah abaalmarinta ugu sarreysa ee Märaganka Tokyo. Mid kasta oo ka mid ah wuxuu ka hadlayaa arrimo bulsheed iyo dhaqameed, isagoo si qoto dheer u sawiraya xiriirka dadka iyo dhibaatada ka dhalan karta fahanka kala duwanaanshiyaha.

Gunaanad

Bandhigyada filimada aduunku intan way kasii ballaaranyihiin, balse inta halkan ku xusan waxay kamid yihiin qaarka ugu muhimsan ee doorka weyn ka ciyaaray qaabaynta iyo habsami-u-socodka geeddiga shineemada, kobcinta iyo xoojinta xiriirka dhaqameed ee dayowga caalamka ku nool iyo soo bandhigidda fanka. Bandhigyada mid kasta wax gaar ah ayaa diiradda lagu saaraa, qaar ayaa caddaaladda bulshada xoogga saara, qaar kale ayaa xuquuqda aadanaha abbaara, halka qaar kalena arrimaha degaanka iyo cimilada diiradda saaraan, iyadoo filimada loo adeegsanayo qalab kor loogu qaadayo wacyigelinta iyo isbeddelka.

“ Farshaxanka dhabta ah waa tebinta waaqaca dhabta ah, inaad filin agaasinto waxay ka dhigantahay adigoo naftaada ka hadlaaya, adigoo adeegsanaaya indhaha dadka kale.” - Jane Campion -1994-(The piano)

Kud ka Guur oo Qanjo u Guur

Kolkii aan baraha bulshada ku arkay filinkan la dhaho Hablihii Olfa(2023)—Four Daughters, iyo sida loo qaadaadhigayo ee looga mahadsheeganayo qiimigiisa iyo abaalmarinnada uu ku guulaystay iyo kuwa kale ee loo sharxay loo na filayo in uu ku guulaysto, sida Oscar iyo Palme d’Or, waxaan go’aansaday in aan daawado, aniga oo aan xataa gogoldhiggiisa daawan oo toos ugu fadhiisto fiirsashadiisa. Intii aanan Netflix ka furan filinkan, sida aan uga fekerayay iyo filashooyinka aan ka qabay waa ay kala duwanaayeen, mid ka mid ah se waxa ay ahayd: Talow ma waxa uu la mid noqon doonaa filinka la dhaho Saddexdiisii Hablood (His Three Daughters, 2023)?

Four Daughters (2023) - Hablihii Olfa

Filinkani waa isku dhaf Dhukmentari iyo Daraama (Docudrama) ay curin heersare ah iyo farshaxan aad u cuddoon isugu soohday Kawthar Bin Haniya, oo ah filinqore iyo filinsoosaare Tuunisiyad ah, kaas oo ay dib ugu milicsanayo sheekada haweenay Olfa la dhaho, oo ah hooyo Tuunisiyaanad ah, iyo afarteeda hablood: Aaya iyo Taysiir, oo ah labada yaryar ee iminka la nool, Gufraan iyo Raxma, oo ah labada waawayn oo waayuhu cuneen—yacnii ku biiray iyaga oo aan qaangaadh ahayn kooxda aragagaxisada ah ee Daacish, haddana ku jira xabsi wayn oo ku yaalla dalka Liibiya. Soosaaraha filinkan, Kawthar, waxa ay u qalabqaadanaysaa sanaddii 2016ka in ay soo weriso sheekadan Olfa iyo hablaheeda ku saabsan, se maxsuulku ka soo baxay sanaddii 2023-ka ma noqon keliya dib-u-soo-noolaynta sheeko dhab ah oo warin mudan oo qudha e, waxa aad mooddaa in ay tahay camaliyad lagu dabiibayo boogo dhiigaya iyo dhaawacyo aan bogsan oo dhaymo u baahan. Waxa aad mooddaa in ay tahay fadhi dhaymo-nafsadeed (therapy session).

Ibrahim Iman

Filinkani waa isku dhaf Dhukmentari iyo Daraama (Docudrama) ay curin heersare ah iyo farshaxan aad u cuddoon isugu soohday Kawthar Bin Haniya, oo ah filinqore iyo filinsoosaare Tuunisiyad ah, kaas oo ay dib ugu milicsanayo sheekada haweenay Olfa la dhaho, oo ah hooyo Tuunisiyaanad ah, iyo afarteeda hablood: Aaya iyo Taysiir, oo ah labada yaryar ee iminka la nool, Gufraan iyo Raxma, oo ah labada waawayn oo waayuhu cuneen—yacnii ku biiray iyaga oo aan qaangaadh ahayn kooxda aragagaxisada ah ee Daacish, haddana ku jira xabsi wayn oo ku yaalla dalka Liibiya. Soosaaraha filinkan, Kawthar, waxa ay u qalabqaadanaysaa sanaddii 2016-ka in ay soo weriso sheekadan Olfa iyo hablaheeda ku saabsan, se maxsuulku ka soo baxay sanaddii 2023ka ma noqon keliya dib-u-soo-noolaynta sheeko dhab ah oo warin mudan oo qudha e, waxa aad mooddaa in ay tahay camaliyad lagu dabiibayo boogo dhiigaya iyo dhaawacyo aan bogsan oo dhaymo u baahan. Waxa aad mooddaa in ay tahay fadhi dhaymo-nafsadeed (therapy session).

Bilawga hore ee filinkaba waxa aynnu arkaynaa hooyo Olfa oo inoo sheegaysa in ay filinkan ka qaadan doonto door la mid ah kii ay Roos ka qaadatay filinkii Tiitaanig (1997), oo ah in ay wariso sheekada xanuunka iyo murugada miidhan ah iyo waayihii qadhaadhaa iyo barbaarintii silloonayd ee ay hableheeda soo marisay iyo wixii kala gaadhay (ama iyaga ka soo gaadhay degaanka) ee sababay cidhibxumadii ay ku danbeeyeen labada hablood ee waayuhu cuneen, si la mid ah sidii ay Rose u werisay waayihii xanuunka iyo xalladda miidhan lahaa ee jacayl ee markabkaas, iyo halkii uu ku danbeeyey gabankii ay isgacloodeen ee Jaak.

Olfa waa hooyo nolol adag soo martay ku soo barbaartay duruufo aad iyo aad ugu eeg kuwa ay hadda ku barbaarinayso hablaheeda. Iyada oo aad u yar baa aabbaheed iyo hooyadeed kalatageen, maadaama ay curad ahaydna waxa ay la ahaatay in ay hooyadeed iyo walaalaheeda u buuxiso booskii aabbe iyo in ay

xil gaar ah iska saarto noloshooda. Odhaahdii Cali Bin Abii Daalib ee ahayd “Curadka-da qoysku waa aabbaha guriga” bay malaha ku hubaysnayd. Saa aaminaadaasi waxa ay gayaysiiyay in qaadato doorasho ah in ay sida ragga u lebbisato, ciyaaraha ragga ciyaarto oo habdhaqankooda yeelato, ugu danbaynna guursato nin isna geeljiraha Soomaaliyeed oo kale ah oo aan weligii xataa ku odhan “Waan ku jeclahay”—iskadaa jixiinjix kale iyo daryeel lammaane in ay ka hesho e. Waxa aynnu odhan karnaa noloshaa ay soo martay sawirkeedu waa mid laga soo heli karo mid u eeg nolosha Soomaalida, oo keliya waxa kala duwayaa uu noqon karo goorta iyo goobta. Oo, bilmetal, Maxamed Baaruud Cali waxa uu buuggiisa Weerane (Qalinmaal Publishing, 2023) ku xusayaa markii hooyadii, aabihii iyo adeerkii oo wada socday ay hooyadii oo fool ahi ka hadhay ee geedkii Weerane ku foolatay isaga, in aabihii soo dul istaagay hooyadii oo isaga oo aan juuq u odhan, dhunkan, tacaaduf, dabacsanaan iyo damqashe kale toonna u muujin uu ilmihii (Maxamed) ka qaaday oo ku yidhi, hadal u eeg, “Naa ina wadi oo isoo dabagal.”

Filinkan sida qofafka jilayaa u kooban yihiin mawaadiicda uu ka warramayaa uma koobna, oo waxa uu isugu dhafan yahay arrimo shakhsiyadeed, kuwa nafsadeed, kuwa diineed iyo mawaadiic kale oo bulsheed iyo qaar siyaasadeedba. Xaajooyinka dhaqandhaqaale ee uu xambaarsan yahayna waa qaar kale oo mudnaantooda leh—mid aad u wayn weliba. Waxa se ila muhiimsan aniga ee aan rabo in aan xusaa waa hannaanka ay Olfa hablaheeda ku soo barbaarisay oo ahaa mid aad u qallafsan, kakan oo cabudhis iyo abiyuus miidhan ah; jeer ay xataa magaca inanteeda Raxma ugu dhawaaqdo “Naqma” oo af Soomaali malaha ku noqonaya “musiibo.”

Taas iyo wax la mid ahi waa sababta ay markii ay xaaladahaa adag ee dhibaataynta iyo xorriyaddarrada miidhan ah ay Olfa hablaheeda waawayn, Gufraan iyo Raxma, u adkaysan waayeen ay u qaateen go’aanka jar-iska-xoornimada ah ee ah in ay Daacishtii Liibiya ku biiraan. Waa arrin la fahmi karo bay ila tahay. Waayo, Olfa waa hooyo rabta in sidii iyada hooyadeed u soo barbaarisay iyo halbeegyadii ay arrimaha nolosheeda ku eegi jirtay mid la mid ah iyana rabta in ay hablaheeda ku barbaariso oo beegaal la mid ah kii ayeeydeed ku dhaqdo noloshooda iyo waayaha ay ku nool yihiinba.

Mid ka mid ah wadasheekaysiyada filinkan ku jira ee sida muraayada inoo tusaya feker ahaan sida ay u kaladuwan yihiin Olfa iyo hablaheedu, waa ka ay Tayaysiir odhanayso, “Waxa xaqayaga dooniseed ka mid ah inaannu jdhkayaga ugu takrifalno sida aannu rabno” se Olfa oo ka cadhaysan hadalkaa iyo aragtidaa oo gacani ka soo horrayso ay ugu jawaabayso, “XAASHAA. Jidhka gabaha dhammaantii waxa iska leh ninkeeda.”

“Garashadu hadday ruux la tahay, suu u garanaayo Garaadkiisu suu qabo haddii, loola garan waayo Gardarruu u qaataa ninkii, yidhi garaadkiise.”

Hadraawi: Gudgude

Nasiibxumo iyo arxadarro Olfa waxa ugu filan in ay hablaheeda ku garaacdo (iyada oo aad moodo weliba in ay ku raaxaysanayso ciqaabaynta ubadkeeda), oo garacyo ku sheegto, cilaajyo gayso oo xataa iskudaydo in ay jeel ku xidho, keliya in ay hablaheeda ku aragto iyaga oo dhar aan jilbaabkii waynaa ee diinta islaamku sheegtay ahayn ku lebbisan, maykaab marsan ama timaha kalar marsaday.

Habdhaqanka noocaas ah ee aanay hooyadu iskudayayn in ay fahanto hablaheeda, si’araggooda dhegaysato oo u dhibirsanaato waa ka keenaya isfahan-la’aanta iyo xagxunjirnimada ay labada gabdhood ee waawayn ku suntanaanayaan aakhrika. Hayeeshee, waxa aynnu ognahay in aanay arrintan Olfa uun ku koobnayn ee ay tahay shaacsane la la wadaago.

Tusaalayaal badan baynnu taas u helaynaa, oo dhanka shineemada oo qudha waxa innagu filan in aynnu daawano Birds (2024) iyo Moonlight (2016), halka waaqaca Soomaalida aynnu ka helayno dhacdooyin tan oo kale si aad ah u shabaha.

AF MEER, oo ah saxaafad magacaa wadata oo aan Facebook ku arkay, waxa ay soo daysay bishan lixdeedii fiidyaw wiil Maxamed Axmed Khaliif la dhaho oo maamulka Buntilaan soo qabtay, argagaxisnimo ahaan, uu denbibaadhe ku waraysanayo. Saa kolkii uu waydiiyay denbibaadhuhu waxa Maxamed ku kellifay in uu Al Shabaab ku biiro waxa uu ugu jawaabayaa in waalidkii jeelka Boobaaso dhaqancelin ahaan ugu xidhay, dabadeed ay AS jeelka habeen soo weerartay oo ay kaladooransiiyeen in uu iyaga raaco iyo in uu magaalkiisaa galo. Ugu danbayna uu doortay in uu iyaga raaco.

Waxa se yaab ah, dhanka kale, in ay Olfa dareensan tahay iminka waayahaa xun ee ay ubadkeeda ku soo korisay, iyo, si gaar ah, barbaarintii bilaa naxariista lahayd ee ay ku soo kacaamisay hablaheeda oo ay ugu qiildayayso waxa ay gacankahadalka intaa leeg ugu gaysatay in uu ahaa baqdin ay iyaga u baqayso, oo ay ka tahay wanaag ee aanay marnaba ka ahayn xumaan. Haa, waxa ay isku difaacaysaa oo tusaale u soo qaadanaysaa bisadda. Waxa ay odhanaysa, “Kawthar saw ma ogid bisaddu in ay dhasheeda qaar ka mid ah u cunto baqdin ay iyaga u baqayso awgeed. Tabtaas oo kale baan ahaa.” Kolka aad intaa maqasho, haddii aad qof caadi ah tahay, waxa hubaal ah in aadan xamili doonin dareenkaas. Waxa taa la mid ah, oo aanad iyana xammili karin, waydiinta Olfa ay ku jalbeebayso Ishraaq, oo booska Gufraan metelaysa, taas oo ah: Haddii doorasho laguu siin lahaa in aad aniga hooyo ii doorato, ma i dooran lahayd? Jilaagu waxa ay ku jawaabaysaa aamusni.

Mid ka mid ah lababoglaynaha (dilemma) kale ee uuu filinku soo bandhigayo waxa ka mid ah sida ay Aaya iyo Taysiir u cafiyeen hooyadood, iyada oo soo marisay waxaas oo cunfi ah, ee ay u fahmeen ee ay u sheegayaan in ay jecel yihiin, walaw uu ii la muuqdo jacaylkaasi mid uu ku dheehan yahay cunfi, halka taa baddelkeeda Gufraan iyo Raxma ay u adkeesan waayeen cunfigaas iyo hagardaamadaas oo ka yaaceen, si kasta oo isbaddello aagtiyeed iyo kuwa bulsheed meesha ugu jiraan. Dhanka kalana, waxa aan isku qanciyay in kiiskani la mid noqon karo kii ku jiray filinkii Hooyaday baan Dilay (I Killed My Mother, 2009) iyo sidii uu markii danbe Hubert Minel u la tasaaluxay hooyadii Chanlate Lemming, dhibka kasta oo ay marisay ka dib.

Sheekada qoyskani waxa ay innagu baraarujinaysaa oo xagal cusub innaga tusaysaa, jiritaanka sababo kale oo sheelan oo ay dadku ugu biiraan kooxaha argagaxisada ah, kuwaas oo aan ahay, bilmetal, kuwa ay Mary Harper ku xustay buuggeeda Everthing You Have Told Me Is True (Hurst, Sep. 2019) ee ah sababo la xidhiidha dhaqaale, haybsooc, aargoosi, ikk. Ee ay dhici karto in ay jiraan sababo la mid dulmi waalidku kula kacay ubadkiisa, sida kiiskan Gufraan iyo Raxma ama kiiska labadii hablood ee Soomaali-Nawriijiyaanka ahaa ee iyana iyaga oo aad u yaryar ku biiray Daacishtii Siiriya (Hiiraan, Jan. 25, 2025).

Wax yaabaha kale ee daymada mudan ee tusaalaha waadixa ah filinkani inoo siinayo, si wacana tooshka ugu qabanayo, waxa ka mid ah mareegtada lagu soo kala dhaxlay jugaha nafsadeed (The Cycle of Intergenerational Trauma) ee ay Olfa hooyadeed kaga dhaxashay hablaheedana ku tallaashay, halka ay curadduna, Raxma, ku tallaashay guridanbaysta reerka, Aaya. Waa meerto nafsadeed oo aad u kakan oo hantaaqo, nacayb iyo jacal isbarkan ah.

Ugu danbayn, filinku waxa uu si doqanimagaranwaydo ah u naqdinayaa mid ka mid ah fahanada gurracan ee wadaadyaalka qaar ka qaateen diinka, dhaqamada siyaasadda muufaysiga ku dhisan, kacdoonada qaar oo ku salaysan in aanay keenin wax badiil ah iyo isbeddel looyo, mooyaane in a xukunka qabsadaan, iyo aragtiyaha khuraafaaka iyo kutidhi-kuteenta ah ee ay dadka qaar wixii ay cilmi ahaan iyo maanalnimo aaan u fahmi waayaanba ku shaanbadeeyaan, sida Maansuuiyadda oo lagu shaanbadeeyo dadka aan huuhaada diineed u jabsaneen, iyo jinka iyo cilaajaynta hablaha oo lagu dheereeyo ka dib marka la fahmi waayo xaaladahooda nafsadeed.

la dhigo iyo heesaha ku jira oo dhammaantood fanka Tuunisiyaanka dhaladka ah. Dharka iyo raadka dhaqan ee Tuunisiyaan ee laga arki karo filinka. Waa sababta ay dhammaan filimadeeda kala ah Beauty and Dogs (2017), The Man Who Sold His Skin (2020) iyo kan aynnu faallaynaynaaba u mutaysteen in loo sharraxo abaalmarinta Oscar-ka, oo uu kani si gaar ah ugu guulaystay Abaalmarinta Bariga ee Bandhigga Badda Cas (Red Sea Film Festival, 2024).

Si kasta oo ay dad badani ugu naqdiyaan filinkan in uu yahay filin agarti Fiimaniisam dabada ka riixaya, ama ay qaar kale isu xejiyaan oo ugu arkaan in uu yahay filin Carbeed oo waayo carbeed oo qudha ka rogaalcelinaya, Kawtharna ugu arkaa gabadhii Carbeed ee ugu horraysay ee OSCAR-ka lo sharraxo acmaasheeda, aniga waxa ii muuqda filin Afrikaan oo tebinaya waayo Afrikaaneed oo Soomaalidaba haysta, kana incikaasaya tajriibo dhab ah oo ilaa hadda mushkiladdeedu taagan tahay. Daawasho ayaan kula dardaarmayaa cid kasta oo fursad u helaysa afka uu ku baxayana fahmaysa.

Qabashooyin kamida filinka Four Daughters (2023)

Dune waa filin noociisu yahay khayaalcilmiyeed, waxaa lagu saleeyay sheeko isla magacaas ‘Dune’ loogu wanqalay oo 1965ti soo baxday, taasoo uu qoray Franklin Patrick Herbert Jr. (October 8, 1920 – February 11, 1986) oo Maraykan ahaa. Dune waa horin sheekooyin ah oo taxane ahaa, Franklin lix ayuu ku lahaa, dabadiisna wiilkiisa iyo qoraa kale ayaa sii ambaqaaday oo ilaa labaatan ku simay. Waa sheeko falsafad ahaan hodon ah oo baaraysa kartida aadanaha, aqoonta degaanka, iskudhafka diinta iyo loollanada siyaasadeed.

Sheekadu waxay raadraacaysaa sooyaalka qoysas ku loollamaya maamulka Arrakis oo ah meere saxaro ah oo spice-ka hodon ka ah. Sannado badan ayaa agaasimayaal isku dayayeen in ay filin ka sameeyaan, 1970, 1980, 2000 iyo 2003, intaba waxaa soo ifbaxay afar filin oo labo ka mid ah taxane gaaban yihiin oo sheekadan lagu saleeyay laakiin taabbagal ma noqon.

Mar kale agaasime Denis Villeneuve ayaa u sahay qaatay in uu sheekadii Dune filin u rogo, wuxuuna Oktoobar 21, 2021-dii soo saaray Dune part 1 oo ku qotoma qaybta hore ee sheekada, kaasoo ay hoggaaminayaan jilayaasha da’da yar Timothée Chalamet iyo Zendaya. Nasiib wanaag Denis wuxuu ku guulaystay guulo aanay iskudaydii hore xaqiijin oo dhanka sheekatebinta, sinematograafiga iyo iskudheellitirka mawduuyda sheekada, kuuwaasoo uu abaalmarinno dhawr ah ku mutaystay. Haddaba isla sanadkan bishiisa saddexaad Maarso, 2024, wuxuu Denis sii daayay qaybtii labaad ee Dune oo sidata magaca Dune:Part Two taasoo aad loo dhawrayay, waxaynaa ka mid noqotay filimada waaweyn ee sannadkan la daawaday.

2. Deadpool & WolverineTwo

Deadpool waa filim saddex qaybood ah, waana mid ka mid ah filimada geesigaweyn(superhero) ee ugu caansan oo ay shirkadda Marvel soo saartay. Waa filin dagaal iyo madadaallo isugu jira, oo lagu yaqaan farsamada gunaanadka ah ee ‘Jebinta darbigara afaraad.” Saddexda qaybood saddex agaasime oo kala duwan ayaa kala agaasimay.

Deadpool waa filin ka faracmay ururki filimadii taxanaha ee X-Men. Waxaana hoggaaminaya Ryan Reynolds oo jilliinkiisa aad loola dhacay. Deadpool qaybtiisa koowaad iyo labaad waxay soo kala baxeen, 2016 iyo 2018, waxayna xaqiijiyeen guulo aad u waaweyn, sandkan 2024, waxaa soo baxay qaybta saddexaad oo ciwaankeedu yahay “Deadpool & Wolverine” aadna loo saadaalinayay.

3. Joker: Folie a' Deux

Filimada qaybtooda labaad sannadkan loo hanweynaa waxaa ka mid ah Joker (2019) oo ahaa psychological thriller oo uu Todd Phillips agaasimay. Joker waa filin dhan walba qurux badan, shakhsiyadda koowaad Arthur Joaquin Phoenix ayaa metelaya. Waa mid ka mid ah shakhsiyadaha ugu murugsan shineemada, Philips wuxuu shakhsiyadda jookarka kasoo dheegtay shakhsiyadaha Martin Scorsese si gaar ah Taxi Driver (1976) iyo The King of Comedy (1982) dhanka xabkadana wuxuu filinku si dadban ugu saleeyay filimada taxanaha ee Batman.

Arthur waa madadaaliye raba in uu caan noqdo. Wuxuuse la tacaalayaa xanuun dhimireed ku sababaya qosol uusan xakamayn karin, kaas oo dadku kula yaabaan ama feermaraan iyagoo amakaagsan. Inkastoo uu ku mintidaayo inuu noloshiisa qurxiyo, si joogto ah ayuu dadka ugala kulmaa xanaaq, xaqiraad, iyo rabshado Joker: Folie à Deux oo ah qaybta labaad ee Joker ah ayaa bisha Oktoobar ee sannadkan la soo daayay, markan Joaquin Phoenix waxaa filinka ku wehlinaysa fannaadda weyn ee Lady Gaga.

Mad Max waa filin taxane ah, oo soo bilowday 1979-ki. Waxaa agaasime ka ah George Miller oo filinsameeye Australian ah. Waa filin ka kooban shan qaybood, sheekadiisuna ka warramayso ilbaxnimooyinka adduunka oo burburay sababo la xiriira suququlka khayraadka. Si gaar ah waxay xoogga u saaraysaa nolosha Max Rockatansky, oo ah sarkaal hore oo boliis ah oo noloshu ku sintay in uu noqdo dibadmeer raadinaya caddaalad iyo badbaado. Taxanahan Mad Max, wuxuu caan ku yahay qalalaaso iyo dagaal faraha la isaga gubanayo. Golatusyada dagaalku waa kuwo aan kala joogsi lahayn oo muusig la tumayo iyo holaca gaaska lagu iidaamayo si ay qalaalasaha iyo dagaalka farshaxan uga dhex abuuraan, sidaas darteed gawaarida la adeegsanayo, lamaddegaanka oo ah goobta inta badan sheekada sees u ah, iyo muusiggu intuba quruxda faneed ee filinka ayay jaadgooni ka dhigayaan, si gaar ah qaybta afaraad Mad Max Fury 2014 iyo tan shanaad ee Furiosa: A Mad Max Saga 2024.

Docda kale, wada hadalka taxunuhu aad ayuu u kooban yahay, wuxuuna si qotodheer u sahaminayaa mawduucyada badbaadada, aargoosiga, iyo burburka ilbaxnimada . Qayb kastaana waxay ku xiran tahay tii hore, iyadoo muujinaysa horumarka Max ka yimid—nin uu aargoosi kaxaynayo tusaalena u ah rajo adduun ay wax walbaa baaba’een. Furiosa: A Mad Max Saga (2014) waa qaybta shanaad ee Mad Max oo horraanta sannadkan bisha May soo baxday, waxayna raadraacaysaa noloshii hore ee Furiosa oo ah shakhsiyad cajiib ah oo Mad Max Fury (2014) nagula baray. Qaybtani dibgal iyo horgal labada ayay isku tahay.

Dibgallada Sannadkan Aadka Loo Filayay

Buugaagta, ama filimadu waxay mararka qaar u baahdaan dibgal(sequel= Filin/sheeko sii wadis ah oo dhacaysa kaddib shaqada asalka ah) ama horgal(prequel=Sheeko/filin dhacaya ka hor shaqada asalka ah oo ka hor billowgeedi ka warramaya) sababo badan aawadood, kuwaas oo ka imaan karaya sheekadii oo aan weli dhammaan, dalabka daawadayaasha oo ka dhalanaya bargo’ ay dareemayaan, ama tixgelinta guulaha ganacsiyeed. Haddii filinka hore dhammaado iyada oo aan su’aalaha qaar jawaab loo helin, ama aan iskudhaca sheekada la xallin, waxaa lama huraan noqonaysa in filinkaas la sii wado ama qayb labaad loo sameeyo si ay qaybta cusubi waxyaabaha aan tii hore lagu iftiimin usii sahmiso islamarkaana gunaanad ugu samayso haddii aan qayb saddexaad loo baahnayn. Qodobkanina wuxuu sheekada filinka ka yeelaa mid dhammeestiran oo qofku marka uu daawado uusan dareemayn kala dhinnaansho. Tusaale; The Fellowship of the Rings (2001) wuxuu ku dhammaanayaa iyadoo wadeynimadii jabtay, Frodo iyo Sam kusii jeedaan Mordor, Merry iyo Pippin gacan lagu dhigay, marka guntimaha sheekada ee weli furan waxay u baahdeen qaybo kale si safarka shakhsiyaadka sheekada qabyada ah loo ebyo, sababtaas darteedna waxaa dhashay, saddexleyda The Lord of the rings (2001—2003).

Dhanka kale, taageerayaasha ama daawadayaasha ayaa iyaguna ka qayb qaadan kara in filinka la sii socodiiyo marka dalabkooda iyo ammaantoodu iska soo dabadhacaan. The Hunger games, oo asalka ahaa buugaag sida The Lord of the rings isku xiran, markii hore hal buug kaliya ayaa la daabacay, in la sii wado ama filin loo rogona waxay ahayd dalab ka yimid akhristayaasha buugga koowaad akhriyay ee aadka ugu falceliyay, inkastoo qoraaga buugga Suzanne Collins ay damacsaneed in ay saddexley ka dhigto haddana xamaasadda xooggan ee taageerayaasha nuxurrada sheekada iyo naqdiga bulsheed ee ku jira aad ula dhacay ayaa kaalin weyn ka qaadatay in dibgallada la unko filinna laga sameeyo welibana horgal(prequel) loo yeelo si caalamka sheekada iyo caalamka shakhsiyadku u noqdaan kuwo qoddadoodu dheertahay.

Guusha maaliyadeed ee filinku xaqiijiyo in ay dabada ka riixdo in filinka la sii wado oo qaybo horleh loo sameeyo ayaa iyadana la arkaa, iyadoo danta laga leeyahayna tahay dhaqaalaha uu soo xarayn karo, isla filinkan The hunger games markii qaybta koowaad filinka laagu saleeyay waxaa dhacday in uu guul weyn ka gaaray xagga dhaqaalaha kadibna waxay shirkaddii ku dhiirrigelisay in ay labada qayb kalena filimo ku saleeyaan welibana ay qaybta saddexaad labo u kala jebiyaan. Intaas kuma ekaane ugu danbyn guulihii isdabajoogga ahaa waxay Lionsgate Studios, oo ahayd shirkadda soo saaraysay ku riixeen in filinka horgallo (prequels) loo sameeyo si loo iftiimiyo waxyaabihii dhacayay ka hor bilowga sheekada The hunger games (2012–2015)

Marka arrimahan dhawrka ah oo isu tegay waxay keenaan in filinka ama sheekada lasii socodsiiyo oo qaybo kale oo badan ama dibgal/horgal loo sameeyo. Haddaba, sannadkan sii tukabaya ee 2024 waxaa jiray dibgallo aad loo sugayay lana daawaday, aad ayay u tira badan yihiin, sidaas darteed, waxaan isku dayeynaa in aan 8 ka mid ah oo aad u xiiso badan aan ka soo qaadanno.

Aw Saahil

Fekradda filinka Inside Out (2015) oo ah filimada nooca dhaqdhaqaaya(Animation) waxay fekraddiisu Pete Docter oo agaasimaha ah ku dhalatay goor ku beegan dabayaaqada sannadkii 2009-ki, kaddib markii uu ku baraarugay iseddelka maskaxeed ee gabadhiisa ku dhacaya. Intaas dabadeedna wuxuu billaabay in uu ka agdhawaado saykolojiistayaasha iyo dhakhaatiirta neerfaha si uu awood ugu yeesho in uu maskaxda ilmaha sawir sax ah uga bixiyo. Arrinkanina wuxuu sabab u noqday in qabanqaabada mushuuraca Inside Out waqti badan qaato. Wuxuuna jiitamayay illaa 2015-ti oo ugu danbayn si rasmi ah loo soo saaray.

Filinku wuxuu ku hadlayaa gabar yar aoo Riley Andersen lagu magacaabo. Riley waxaa maskaxdeeda ku jira shan dareeme oo kaliya kuwaas oo u dhigma shan shakhsiyadood oo gudaheeda ku loollamaya falalkeedana jaangooya; Farxad, Murugo, Cabsi, Nacayb, iyo Caro.

Sannadkan bisha Juun waxaa soo baxay qaybtii Inside Out 2, oo aad loo dhawrayay. Riley qaybtan waa foodley, dareennadeedana waxaa ku siyaaday kuwo cusub oo hor leh, kuwaas oo sheekada filinka mid xiisa leh ka dhigaya.

Planet of the Apes, waa shaqasuugaaned khayaalcilmi ah oo ka kooban filimaan, buugaag, taxanayaal, majaajilo, iyo warbaahin kale oo ku saabsan kadib burburka ilbaxnimooyinka aadanaha (post-apocalyptic) halkaasoo aadanaha iyo daayeerro caqli leh uu dhex marayo loollan ku aaddan kala sarraynta iyo ismaquuninta. Mashruucani 1963-di ayuu soo ifbaxay, qoraa Faransiis oo Pierre Boulle la yiraa ayaa qoray sheekafaneed “The Planet of the Apes” uu ugu wanqalay, shan sano dabadeedna shirkaddii APJAC ee fiilinsoosaare Arthur P. Jacobs oo ay wada shaqeynayaan qeybiyaha 20th Century Fox, ayaa filin u rogay; islamarkaana ka shaqeeyay in sheekada la sii hormariyo oo qaybo kale loo sameeyo, waxaana gadaal ka soo baxay illaa afar filin.

Iyadoo taasi jirto ayaa 2011-di, waxaa soo shaacbaxay dibubillaabidda ama dibusameynta taxanahan the Planet Apes. Waxaana 2011, 2014, iyo 2017 la soo daayay saddex qaybood oo hor leh, oo in badan habtebinta filimadii hore dhan walba ka geddisan. Dibusameyntu waxay marwalba filinsameeyaasha siisaa fursad lamahelaan ah oo ay sheeko la yaqiin ugu sameeyaan qaabdhismeed iyo shakhsiyaad cusub, mararka qaarna waxaaba dhacda in dibusameyntu sheekadii asalka ahayd ka dhadhan iyo nuxur roonaato.

The Lion King (1994) waa mid ka mid ah filimada dhaqdhaqaaqaya (Animated flims) ee Walt Disney kuwooda loogu jecel yahay, waxaa isla agaasimay Roger Allers Iyo Rob Minkoff. Sheekada filinku waa isku dhafka hogatusaale laga soo qaatay masrixiyaddii Hamlet ee Shakespeare iyo sheekaxariireedda Baybalka. Waxay ku qotontaa dhaxal suge da’ yar oo Simba la yiraa oo dantu ku simayso in uu boqortooyadiisa ka baxsado kadib markuu adeerkiis dilay aabbihiisa kursigiina la wareegay. Simba markuu waayo badan carri dhulkiisa ka fog ku dhaqnaado islamarkaana noqdo libaax weyn, ayuu soo guryanoqonayaa si uu xaqiisa u dhacsado.

2019-ki ayaa The Lion King dib loo soo saaray. Bishan aan hadda ku jirno ee Disembarna waxaa soo baxay qaybtiisi labaad, Mufasa: The Lion King, oo ka warramaysa sooyaalka aabbaha Simba dhalay—Mufasa.

Haddaba horraanta sannadkan usha booca kusii tukubaya ee 2024, waxaa soo baxday qaybti afaraad ee dibusameynta taxanaha the Planet Apes, oo ku suntan magac aad u weyn “Kingdom of the Planet of the Apes” kana qisaynaysa waayo badan kaddib milay daayeerradu noqdeen cududda dhulka ka arrimisa aadanhuna duurrggal isu rogay.

6. Mufasa: The Lion King

Magaca Gladiator, waa mid sooyaal ahaan aad u facweyn, wuxuu dib ugu noqonayaa Roomaanki. Gladiators waxaa loogu yeeri jiray dagaalyahanno hubaysan oo madadaali jiray shacabka iyo boqortooyadi Roomaanka, iyagoo loollan la gelaya dagaalyanno kale, dambiilayaal ama xayawaan duurjoog ah, dagaalyahannadu waxay u badnaayeen rag la addoomiyay aadna loo silciyay oo qasab goobaha loollanku ka dhacayo la isugu keeni jiray si ay boqorka iyo shicibku ugu dharagdhacsadaan.

Gladiator (2000) oo ah filintaariikhi ah, kaasoo uu agaasimay Ridley Scott, wuxuu ku qotomaa qisada Janaraal Rooman ah, Maximus Decimus Meridius, kaasoo inta dhagar loo qooshay ku danbeyanaya dagaalyahan isagoo quus ah barxadda maaweellada la keenayo kolkaasna wacdaro ka dhigaya.

Gladiator waa filin dhan walba dhammays ah oo aad loo jeclaystay. Si gaar ah bandhigga iyo jilliinka heerka sarreeya ee shakhsiyaadka filinka loo xulay iyo qaabka uu sawirka uga bixiyay boqortooyadii Roomaanka. Laga soo billaabo sanadkaas uusoo baxay illaa 2018-di oo si rasmi ah loogu dhawaaqay in Gladiator 2 soo bixi doono, waxaa soo jiitamayay iskudubaridka qaybta labaad ee filinka. Ugu dambaynna 15-ka Nufeembar 2024 ayaa shaashadaha caalamka la saaray qaybta labaad ee Gladiator oo si weyn oo looga dhur sugayay.

Filashooyinku sidee bay ahaayeen?

Filashada weyn:

Inta badan filinka qaybtiisa koowaad marka la daawado aadna loogu maqsuudo waxaa la arkaa in la malaysto in qaybaha kale ee soo socda noqon doonaan kuwo ka cajiibsan muggaasna rejo weyn iyo kutiirsanaan lala yuurursado; hase ahaatee marka ay qaybaha kale soo baxaan xitaa iyagoo diyaarsan tayana leh, balse ay qaybti koowaad ama labaad u dhigmi waayaan waxaa daawadayaasha ku dhaca niyadjab baahsan oo uu filishada weyn ee ku hagoogteen ugu wacan tahay.

Waxkabeddelka Kooxda hal-buurka:

Mararka qaar filimada dibgallada ah ee rajada weyn laga leeyahay waxaa boqna gooya in qoraagii sheekada, agaasimihii filinka, ama dadkii jilayay wax laga beddelo oo agaasime cusub ama qoraa cusub loo dhiibo, jilayaal cusubna soo baxaan, inta badanna waxkabeddelkani wuxuu horseedaa in nuxurkii asiilinimadu sheekada ka lumo ama doorsoomo maadaama aysan dadku isku fiiro iyo farsamo ahayn.

Kudegdegga soosaarista:

Siddeedda filin ee aan kor kusoo tibaaxnay waxay ka mid yihiin tiro aad u badan oo filimaan dibgallo ah oo sanndkan tiyaatarrada caalamka laga daawaday. Waxay ay ahaayeen filimo qaarkood labaatan sano ku dhowaad la sugayay, hase ahaatee sababo dhawr ah oo jira aawadood badi dibgallada sannadkan iyo welibana sannaddadi ka horreeyay soo baxay way guuldarraysteen ama filashadii weynayd ee laga lahaa xaddi aad weyn aya hoos uga dhaceen marka in yar oo farakutiris ah laga reebo. Sababaha muhimka ah ee dibgallada ka dhiga kuwa aad u liitana waxaa loo aanayn karaa:

Gaabiska hal-abuurka:

Inta badan filimada hore waxay ahaayeen ku tilmaaman aragtiyo ugub ah iyo shakhsiyado si heersarraysa loo qorqoray; halka qaybaha kale ka daba socda aanay lahayn wax curin ah, waxaa kaliya ay ku arooraan jidkii ay jeexeen ee filimada ka horreeyay. Qodabkan halabuurka gaabinayaa waa mid guud ahaan shineemada dhan walba saameyn ku yeeshay milaygan, oo filimada iyo taxanayaashu waxay isugu soo biyashubanayaan kuwo nuxur ahaan iyo fan ahaan kala dhiman aysanna ka muuqan mintidnimo iyo nafhur, tan oo dadka shineemada jecel ku riixaysa in ay kuwii hore ee maguuraanka ahaa iska iimaansadaan.

Dhiirrigelinta ganacsi:

Inta badan istuudiyoosku waxay qiimiga faneed ee shineemada ku doorsadaan qiimiga lacageed ee uga soo xeroonaya kolka filinka tiyaatarrada la saaro, marka dibgallada waxyaabaha ugu waaweyna ee ka dhiga kuwa hooseeya ama tayada faneed ka qaawan waa shirkada dufanraadiska ah ee ganacsigu fanka kala macno weynyahay

Dibgallada badi soosaarista ayaa lagula dhakhsadaa iyadoo la rabo in laga faa’iidaysto xiisaha taageerayaashu ay filinkii hore u muujiyeen ee aan gurin iyo guulihii ganacsiyeed ee uu xaqiijiyay. Hase yeeshee in dibgallada soosaarista lagula degdego tayada filinka ayay dhaawac weyn u gaysataa, waqtiga hormarinta oo kooban aawadiis sheekada, dhigaalka filinka iyo shakhsiyaadkuba ma helaan qiimeyn iyo daryeel la mid ah kuwii loogu deeqay filinkii asalka ahaa, maxaa yeelay dadka wax curinaya waqtiga ayaa kulaalaya marka waxaa la arkaa inay daadihinta sheekada daciifiyaan, shakhsiyadaha aysan aad u dhisin islamarkaana ay isku halleeyaan xiisa-abuur qallalan.

Kalajiidis lagamaarmo:

Sida caadiga waxaa mararka qaar dhacda in si filinka loo sii socodsiiyo sheekadiisa lagu sameeyo fidin xaddhaaf ah oo aan dabiici ahayn lana gaarsiiyo heer aan loo baahnayn, arrinkan oo inta badan sabab u noqda in fekraddii asalka ahayd ee sheekadu nahbeesho ama tayadii miigganeed wayso. Tanina waxay inta badan timaaddaa marka shirkadaha filimada iyo agaasimuhu diiradda saaraan soosaarista filimo badan si ay u ilaashadaan xiisaha taageerayaasha iyo faa’iidada maaliyadeed, xitaa haddii aysan sheekada filinku aysan u baahnayn hormar dabiici ah oo dheeri ah.

Qodobbadan dhawrka inkastoo aysan filimada oo dhan saamayn ku yeelan oo qaar badan ka badbaadaan haddana tirada ugu badan ee dibgallada ah way saameeyaan, marka ay isbiirsadaanna natiijada ka soo baxdaa waxay noqotaa in dibgalladu ku guuldarraystaan in ay ku hawlgalaan sixir la mid ah ama ka agdhow kii filinkii hore ama asalka ahaa, nuxurro cusub ka caagaan, daawadayaasha niyadjebiyaan si guudna habsami-u-socodka filimada taxanaha ah iyo magacwanaaggooda dilaan.

Dokumentari/Sooyaal

Ma Ihi Nigrahaaga

“Dunidu ma aha caddaan. Waligeedba ma noqon caddaan. Caddaannimadu waa shareere awood.”

-James Baldwin.

Sannadkii 1979-kii, James Baldwin wuxuu warqad u qoray jaalkiisi suugaaneed isaga oo sharraxaya waxqabadkiisa xiga kaasoo uu ugu wanqalay “Remember This House/Xusuuso Hoygan” mashruucan qoraaleed wuxuu ahaa mid kacaan shakhsi ah oo ku saabsan nolosha iyo dilkii saddex ka mid ah saaxiibbadiis: Medgar Evers, Malcolm X iyo Martin Luther King, Jr. Nasiibdarro Baldwin 1987-di ayuu go’ay isagoo ka tagay mashruucan oo 30 bog oo keliya maraya. Filinsameeye Raoul Peck oo maanka ku hayay shaqadan qabyada ah ee qoraagii suugaanyahanka dhabta ah ku suntaa ee James Baldwin, wuxuu guntiga u xirtay agaasimidda howshaan/ dokumentarigaan uu u bixiyay “I Am Not Your Negro/Ma Ihi Nigrahaaga” si uu usoo muujiyo nuxurkii, dedaalkii iyo farriimahaas qabyaqoraalka ah ee ka warramayay hirdanka madowgu usoo maray iyo cakirnanatii dadnimo ee uu wajahay. Shaqadan (Remember This House/Xusuusnow Hoygan) qabyaqoraalka ah suugaanyahan James Baldwin, wuxuu ka rabay in uu kasoo saaro sheekafaneed, nasiib xumo se, isagoo aan ebyin ayaa ajashiisi dhammaatay. Soddonka xaashi ee dokumentariga laga soo saaray waxaa codaynta erayada qoran qaatay jilaaga madowga ah ee Samuel L. Jackson. Baldwin, si geesinimo leh ayuu erayadiisa ugu sawirayaa dilalkii loo gaystay foolaadkii kacaanka madowga Marakaynka ee xuquuqda dadka madow hormuudka u ahaa kuwaasoo kala ahaa: Medgar Evers, Malcolm X iyo Martin Luther King, Jr. Si murugsan ayuu usoo bandhigayaa xiriirka ka dhaxeeyay Baldwin iyo saddexdaas lamahelaan, sidoo kale wuxuu si diiqad leh kaga warramayaa saamayntii ay isaga laftiisa ku lahaayeen, dhiirrigelintii uu ka heli jiray iyo sida uu u cidlooday ka dib geridooda. Si qotadheer ayuu maankeenna ugu carinayaa waydiimo maangal ah, ifafaalooyin, ka sheekaynta culaysyada qofeed, iyo kuwa bulsheedba. Dokumentarigani wuxuu dib innoogu celinaya gooro midabku ahaa sababta iyo saamaynta aadannimo ee noloshiisa, dadnimada, dowladnimada iyo sharaftana ay ku koobnayd midab gaar ah.

Waxaan isku dayi doonaa inaan si kooban oo qodobbaysan usoo bandhigo nuxurrada lamadhaafaanka ah iyo biyadhaca dokumentarigaan laga soo rogay soddonka bog ee laga hayo mashruucii sheekada laga rabay ee riwaayadqore, curisqore iyo sheekaqore James Baldwin si uu adduunka ula wadaago dhibaatooyinka iyo rafaadka ay looma’ooyaanka madowgu muteen.

Maxamed D. Ciise
Hordhac
Sawirka James Baldwin waxaa qaaday Dmitri Kasterine. Waxaa laga xigtay barta Nation Black Justice Coalition (NBJC)

Biyadhaca iyo nuxurka;

• Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Madaniga ah: Dokumentarigu wuxuu sahaminayaa Dhaqdhaqaaqii Xuquuqda Madaniga ahaa ee 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii ka maqnayd madowga Maraykanka, gugaas oo dhaqdhaqaaqyo bulsheed iyo mid siyaasadeed oo xooggan socdeen, kuwaasoo looga gol lahaa in lagu gaaro sinnaan iyo in dabinka cunsuriyadda looga baxsado. Dokumentarigu wuxuu soo bandhigayaa erayadii qaansada iyo leebka u ahaa James Baldwin si uu u muujiyo codka madowga iyo mudnaantooda. Dhinaca kale dokumentarigu wuxuu milicsanayaa sida ay geerida halyeeyadu u taabatay James, iyo howlwadeennada kale ee dhaqdhaqaaqa. Geeridooda kaliya ma aha e, dhinaca kale James, waxa uu qirayaa hal-adaygga saddexdaas haldoor: Martin Luther King Jr., Medgar Evers, iyo Malcolm X. falsafaddooda, naf-hurnimadooda, iyo wax ku-biirintoodi dagaalka iyo gayllanka loogu jiray caddaaladda jinsiyadeed.

• Isbahaysiga Madowga iyo Awooddooda: Mar kale waxqabadkaani wuxuu isdultaagayaa oo taabanayaa kor-u-kaca dhaqdhaqaaqa isbahaysiga, xuquuqda madaniga ah iyo awoodda madowga, taasna sidii caadada ahayd waxaa si lamafilaan ah uga gubanaya ninka cad, oo nabar uusan filaynin oo halista wareema waxaa ku noqonaya is-aqoonsiga Afrikaan-Ameerikaanku baadigoobayo. Iftiimintani waxay soo bandhigaysaa hirdanka dhexmaraya bulsho gobannimadoon ah (Madowga) iyo bulsho gummayndoon ah (Caddaanka), iyadoo ay bulshada gobannimadoonka ahi kacdoonno hurinayso, caddaalad-darrada ka-dhiidhinayso islamarkaana sinnaan iyo sarrayn wax walba dhaafsanayso.

• Awoodda farshaxanka iyo suugaanta: Dokumentarigu waxa uu mar kale inna tusayaa dhadhanka tiraabtii miidda ahayd ee aftahan James Baldwin halabuuray, iyo sida uu ereyadiisa ugu cabbiray doorka ay farshaxanka, fanka iyo suugaantu ku leeyihiin isbaddelka bulshada, kacaan abuuridda iyo dhaqaaqa bulshada. Qodobkan waxaa laga dhadhansanayaa ‘awoodda erayga’ gaar ahaan doorka ay qoraaga, suugaanyahanka, farshaxamiistaha iyo fannaanku ku yeelanayaan isbaddelka bulsheed, sinnaanta iyo ka-dhiidhinta takoorka haybeed, midabbeed iyo qowmiyeed. Si kooban ayay tani uga marag kacaysaa in sababihii ay dilka u muteen saddexdii lama’illaawaan ay ahaayeen ‘awoodda erayga’ taasoo kicinaysay jirka hurda, maskaxda fadhiidka noqotayna ku baraarujinaysay inay ka dhiidhiso takoorka lagu hayo oo ay cadkooda dhacsadaan.

• Baldwin iyo jaallayaashiisi: Marka danbe nuxurka ugu muhiimsan ee dokumentariga laga la soo dhex bixi karo waa sida uu u soo muujinaayo Baldwin iyo xiriirka kala dhaxeeyay jaallayaashiisi galbaday: Medgar Evers, Malcolm X, and Martin Luther King Jr. Docda kale waxaan sacabbo lagu qarin karin sida dokumentarigu u faahfaahinayo kaalinta uu erayga qorani kacdoonka ku leeyahay, si gaar ah suugaantii uu shakhsi ahaan James Baldwin curinayay taasoo uu buuniga ku ahaa. Dhab ahaan, waxaa qodobkaas marag ka ah sheekooyinka James Baldwin, curisyada uu qoray iyo naqdiga caqliga ku dhisan ee uu kaga qayb qaadanayay hirka sinnaanta iyo haybta. Sida diirran ee uu saaxiibbadiisa u maamuusayo inta uu qorayo sheekadan ‘Xusuusnow Hoygan’ ee soddonka bog ah ayaa iyana ka marag kacaysa doorka lama’illaawaanka ah ee ay ku lahaayeen shakhsi ahaan waxqabadka iyo baraarugga James Baldwin.

Gunaanadka

Si kooban aan usoo afxiro faallada dokumentarigan lamadhaafka ah e, waxaa mudnaan iyo maamus badan leh agaasime Raoul Peck, kaasoo qabyaqoraalka ‘Remember This House/Xasuusnow Hoygan’ u rogay dokumentari mataalad dhab ahna ka soo muujiyay shaashadda si loo dhadhansado murtidii uu noo dhiteeyay suugaanyahan, curisqore, riwaayadqore iyo sheekaqore James Baldwin. Dhab ahaan, ‘Ninkii iska dhintay’ kuma uu san sifoobin James Baldwin, qabyaqoraalkiina waxaa loo rogay waxqabad la muudsan karo iyadoo aan la lumin nuxurkii erayda, waxaa iyaduna la ilduufi karin sida qumman oo qaadaadhigan ee uu Samuel L. Jackson eray kasta codkiisa cajabta leh ugu malabeeyay. Waxba yaanu hadalku ila tegine dokumentarigu mudnaan baaxad weyn, maamuus iyo tilmaan ayuu ka helay masraxyada caalamiga ah ee shineemada adduunka iyo masraxa ururka midowga dokumentariyada.

Sawirka James Baldwin, 1970-meeyadii. Waxaa laga soo xigtay kaydka dhiijitaalka ee National Museum of African American History and Culture

Axaddii, 16kii Maarso, 2025, Shineemo Beaadir iyada oo ajiibaysa casuumaad ay ka heshay madaxda Hayaan Heritage, waxay ka qeybgashay aqoon-is-weydaarsi uu soo qabanqaabiyay machadka Hayaan Heritage, kaasoo cinwaankiisu ahaa, “Sidee dhaqamada bulshooyinka loogu soo gudbiyaa filimada dhexdooda?” Waxaana mawduuca jeedinayay Faadumo Calimaad iyo Shaakir Maxammed Cabdillaahi oo ah laba tababbare oo khibrad fiican u lahaa kasmada filinka iyo filimsamaynta. Horraantiiba kulanka waxaa furfuray Maxammed Aadan Maxammed (Dugow), agaasimaha waaxda warfaafinta ee madaxtooyada JFS, kaas oo carrabka ku adkeeyay doorka farshaxanka iyo shineemada ee xoojinta aqoonsiga qaran iyo xasuusta wadareed ee bulsho. Iyo Maxamed Mustaf Xaaji Xasan, guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka oo bogaadiyay dadaalka Hayaan Heritage ee ilaalinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Doodaha kulanka waxay diiradda saareen sida shineemadu u noqon karto buundada isku xirta dhaqanka iyo casriyeynta, iyada oo la hubinayo in aqoonsiga iyo asiilinimada dhaqameed la ilaaliyo lana waafajiyo hababka casriga ah ee filinsamaynta dunida. Labada tababbare ee aqoon-is-weydaarsiga daadihinayayna waxay si qoto dheer u lafaggureen sida filinsameeyayaashu ay si dhab ah ugu meteli karaan dhaqanka bulshooyinkooda filimada dhexdooda iyo dhammaan xeeladaha iyo hannaanka ay tahay in filimada bulsho la wadaagayso bulsho kale ay u matelaan waxa ay bulshadaasi tahay ama ahaan jirtay, taas oo hadba loo dhigayo sida ay tahay iyo waqtiga ama casriga la joogo kolkaas.

Tababbare Faadumo Calimaad waxay isdultaagtay qodobo muhiim ah oo ay tahay in lagu dhex milo aqoonsiga dhaqameed ee filimada, kuwaasoo ay ka mid yihiin: 1. Luuqadda: Sida afafka, lahjadaha iyo habka muujinta ereyada ay bulshooyinku ugu qeexaan filimada dhexdooda. Sida ay bulshadaasi u hadasho iyo taariikhda afkeeda, waayaheeda iyo astaamaha luuqaddeeda iyo horumarinteeda.

2. Naqshadeynta Goobaha: Sida habka dhismaha deegaanka, qaabdhismeedka guryaha, iyo qaab muuqaalka goobuhu ay u matalaan qiimaha bulsho iyo dhaqanka. Juquraafiga degaan ee bulshadu ay kusoo gudbinayso filimada iyo sida ay doonayso in loo arko dhulkeeda.

3. Caadooyinka iyo Cibaadada: Sida ay bulshadaasi filimadeeda ugu soo bandhigi lahayd waxa ay caabuddo ama caabudi jirtay. Goobaheeda xurmaysan, cibaadooyinkooda iyo dhaqamadooda suubban.

4. Marashooyinka bulshada: Faadumo waxa ay aad ugu nuuxnuuxsatay sida ay tahay in bulshadu hiddaheeda dhareed ugu dhaadato iyada oo filimada dhex marinaysa hab lebbiskeeda iyo sawraca dharkeeda.

Faadumo waxa ay tusaale u soo qaadatay dhawr filin oo waayaha iyo dhaqamada bulshooyinka dunida ka kala turjumaya, kuwaas oo si ama si kaleba u tilmaamaya bulsho meel ku dhaqan, sida filinka caanka ah ee “Parasite” oo ah filin si xeeldheer u duraya dabaqadaha bulsho ee aadka u kala sarreeya ee Koonfur Kuuriya.

Sidoo kale, waxa uu Shaakir Maxammed soojeedintiisa u dhigay qaab falanqayn ah isaga oo kasoo billaabay marka hore in uu qeexo waxa uu dhaqan yahay, sida uu ku dhasho iyo sida bulshooyinka dunida loo la wadaago iyada oo filin la dhex marinayo. Waxa uu soo bandhigay dhawr filin oo uu sharrax kooban ka bixiyay sida ay dhaqan bulsho u gu gudbinayaan dunida kale. Waxa uu soo qaatay filimo ay ka mid yihiin “Troy (2004)” isaga oo bidhaamiyay sida filinkaasi u gudbinayo dareen wadareed qurux badan oo taariikhi ah iyo dhacdooyin kaydka galay oo bulshada Giriiggu isla garanayaan. Sidoo kale, waxa uu Shaakir soo qaatay filinka “Winter Sleep (2014)” kaas oo uu falanqayn ka bixiyay sida filinkaasi u tilmaamayo isdhexgalka bulshooyinka kala degaanka ah.

Falanqaymaha iyo soojeedinta ay labadan bare sameeyeen waxa ay ku saleeyeen halka uu marayo waayaha filinsamaynta Soomaalida iyo sida ay tahay in ay dunida kale ugu dhoofiyaan dhaqamadooda iyaga oo u dhexmarinaya sheekooyinka—filimada. Waxa ay Faadumo iyo Shaakir aad u carrabaabeen duruufaha ku xeeran suuqa filimada iyo asalkaba dhaqanka filinsamaynta Soomaalida. Waxa ay dhinacyo badan iska taageen duruufo badan oo ku xeeran mustaqbalka filimada soomaalida, kuwaas oo ay tahay in awood walba lagu bixiyo sidii loo ga gudbin lahaa.

Tababare ee aqoon-is-weydaarsiga daadihinayay: Faaduma Calimaad.

Sidee Baa Dhaqamada Bulshooyinka Loogu Dhex

Gudbiyaa Filimada?

Tar; Axad, Maarso 16, 2025. Goobta: Muqdisho, Banaadir, Soomaaliya. Bahda Tifatirka

Doodaha Iyo Su’aalaha ka dhashay

Intii la gu gudo jiray aqoon-is-waydaarsiga, Shineemo Benadir waxay soo bandhigtay saddex su’aalood oo muhiim ah, kuwaas oo horseeday dood waxku-ool ah:

1. Sidee filinsameeyayaasha Soomaaliyeed u adeegsan karaan farsamooyin filinsamayn ah oo baadisooc u ah dhaqankooda Soomaalida? Yacnii sidee ayaa waxsoosaarka filin ee soomaalidu u yeelan karaa astaan gaar ah oo uu kaga duwan yahay filimada kale ee bulshooyinka dunida. Waxaa la xusay filinsameeyayaal caalami ah sida, Ozu, Fellini, ama Tarkovsky oo ay filimadoodu leeyihiin hayb gaar ah oo ka turjumaysa bulsho ama waddan gaar ah. Iyada oo taa laga dabqaadanayo ayaa la is waydiiyay maxaa filinka Soomaaliyeed taas u diiday ama ka hortaagan?

Dood dheer oo halkaa laga galay waxaa la isku soo hadalqaaday dhawr arrimood oo taas sababteeda leh. Waxaa kamid ahaa:

1. Tababbar la’aan dhanka shineemada ah iyo wacyi la’aan ku aaddan aqoonta filinka iyo filinsamaynta.

2. Tayada sheekada la filimeeyo oo aad u liidata.

3. Dhibaato dhaqaale oo xaddidaysa waxsoosaar filin oo waddanku is ka leeyahay.

4. Taageero la’aan hay’adeed taas oo dhabarka u ridata soosaarista filin aynu bulshooyinka dunida u dhoofinno.

5. Wacyiga murugsan ee dalka ku jira, kaasoo wax walba oo bulshada macno u lahaa ama u lahaan kara aad u ga didsan.

2. Filinka Soomaaliyeed ma lagu dari karaa suugaanta dhaqanka, sida gabayga ama maansada qaybaheeda kaladuwan?

Jawaabta su’aashan oo dhawr meelood laga istaagay, haddana dad badan waxa ay ka taagnaayeen dhanka casriga. Waxa ay ku doodeen in filinka laga dhigo mid casriga la socda, sheekada filinkuna waa inay buuxisaa kaalinta sheekada filimada dunidu ay ku dhisan yihiin oo ay luuqad shineemo yeelataa. Halka dhanka kale ay wax caadiya u arkayeen in filinka la gabayayn karo ama la maansayn karo, iyaga oo tusaale u soo qaatay qibradaha sheekatebinta kuwaas oo kaydka sooyaalka laga heli karo, sida riwaayadihii la jiray kiniyadii 60aadkii ilaa iyo 80aadkii qarnigii tagay. Haatanna aysan waxba ku jabnayn haddii filinka suugaanta dhaqanka la dhex raaciyo. Doodda qoladan dambe iyada oo dood kale sii dhalisay ayaa ay xirantay, waana mawduuc weli dihin oo wax badan laga oran karo.

3. Waa maxay caqabadaha hor istaagaya in dhaqanka Soomaaliyeed si buuxda loogu matelo filimada Soomaaliyeed?

Warcelinta su’aashan oo sida ay su’aasheedu u culus tahay iyaduna u culus, waa mid ay tahay in qolo weliba ka jawaabto, iyada oo loo kaashanayo aqoon iyo waaya’aragnimo tayaysan. Waxse kulanka la isku la soo qaaday dhowr carqaladood oo aad isugu gudbaya arrintan. Waxaa kamid ahaa.

1. Aqoonla’aan bulshada ka heysata waxa uu filin yahay iyo sida loo jilo.

2. Kaydka sheekooyinka la filimayn karo ee la heli karo oo liita.

3. Dhaqaale xumo baahsan iyo warshado la’aan.

4. Duruufo dhaqandiimeed oo wacyiga bulshada dabraya.

5. Shineemo iyo warbaahin tayaysan oo aan waddanka ka jirin.

6. Qalabyada duubista iyo farsamada casriga ah oo aan waddanka la ga heli karin.

Doorka Hayaan Heritage Ee Ilaalinta Dhaqanka

Hayaan Heritage waa hay’ad u xilsaaran ilaalinta dhaqanka Soomaalida, waxayna door aad u weyn ka ciyaartaa kaydinta sooyaalka hiddaha iyo dhaqanka. Hayaan Heritage waxa ay waddaa horumarin iyo olole lagu badbaadinayo dhaqanka Soomaaliyeed kaas oo uu burbur xoog leh ku dhacay nus qarnigii ugu dambeeyay. Mashaariicda badan ee dhaqanbadbaadinta ah ee ay Hayaan Heritage waddo waxaa ka mid ah:

1. Sannadkan 2025 Hayaan Heritage waxa ay billowday in ay ururiso isla markaana ay dib u duubto mashruuc ay ugu magacdartay “Jallaad” kaasoo ah hawlgal lagu soo ururinayo hiddihii Qur’aan akhriska Soomaalida. Jallaad waxa uu ka koobnaan doonaa qiraa’o la gu akhrinayo 114-ta suuradood ee Qur’aanka iyada oo lagu dareerinayo dhawaaq Soomaali asli ah.

2. Hayaan waxa ay soo saartay filimo gaagaaban oo ku saabsan caadooyinka soonqaadka Soomaalida. Filimadan oo dhawr xalqadood lasii daayay waxa ay ka hadlayaan sida ay Soomaalidu u dhaqanto bisha barakaysan ee Ramadaan, sida ay u afurto, sida ay isugu dhimriso iyo sida ay u wada noolaadaan.

Kulankii aqoon-is-waydaarsiga ee mawduuciisu daarranaa “Sidee dhaqamada bulshooyinka loo gu soo gudbiyaa filimada dhexdooda” wuxuu ahaa wadahadal wax-ku-ool ah oo lagu lafaggurayay sida ay tahay in bulshooyinka adduunku dhaqannadooda ugu soo gudbiyaan filimadooda, gaar ahaan bulshada Soomaalidu. Waxa uu kulankaasi kusoo dhammaaday baraarujin iyo farriin loo dirayo ama ku socota cid walba oo ay qusayso in ay aayaha filinsamaynta Soomaalida waxku darsato. Shineemo Benadir, waxa ay dhiirrigelinaysaa madallada sidan oo kale ah, waxa ayna dadaalka ugu badan ku bixinaysaa sidii kor loo gu qaadi lahaa wacyiga Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaan sida dadkeenna loogu baraarujin lahaa shineemada iyo fanka filimada.

Gunaanad

Sooyaal asaas iyo howlgalka wajigeedii koowaad ee 2 0 24

Shine emo

B E N A

Aqristow, dhab ahaan, maaha wax fudud in aad aragto dhallinyaro kasoo dhex toosta ubax aasmay isaga oo ay soo taagan yihiin beerayaashii ubaxaas, kuwaas oo ku leh ‘waxa aan nahay curiyayaal iyo faaqidayaal arrimaha guud ee suugaanta si gaar ah masraxa bulshada (Cinema).’ Oo aqristow miyaadan nuskii dambe ee sannadkani sii idlaanaya ee 2024 mar qura ku baraarugin mashruuc bulsho oo mar la arag ah, kaasoo lagu magacaabo Shineemo Benadir? Haa dabcan, waad aragtay waliba adigoo kun su’aalood iska waydiinaya suuragalnimada waxa ay indhahaadu qabanayaan! Sow adiga markiiba is guda waydiiyay oo miyaa lasoo noolaaday? Illayn suugaani meeshii ay xitaa ku joogto si ciriiri ah wax uun nolol ah ayaa ka jirtee! Xaq baad u leedahay intaas iyo ka badanba in aad is waydiiso waayo innag ayaa maan is waydiinta laga guriyay dib u waraabinnay’e. Soo durug oo si deggen bal hadda innoo baro oo saaxiib dhab ah innaga dhigo haddii aan nahay bahda warsidaha (Shineemo Benadir).

D L C U U

Wax waliba billow lehe sideen ku billaabannay?

Ubaxa aasmay isaga oo ay soo taagan yihiin beerayaashii waa kan keenay in jiilal kala dambeeyay oo naawilayay dhaxlidda quruxda iyo carafta ubaxaas ay ku waajib noqotay in ay goor hore ku baraarugaan dhimaalka soo wajahday ubaxii guud ee lawada dugsanayay sidaas daraadeedna ay laba middood kala doortaan labadaa oo kala ah, 1. Dhaxlidda laan ubaxeed mahad badan ka celin lahayd haddii ay heli lahayd cid uun muuqaal xumadeeda ifka ka qarisa oo si qumman u aaasta. 2. Isaga tagidda goob ubaxeedka macnaha beeshay iyo u hayaamidda goob ubaxeedda dadkeedu uu ka yeelay ubax korsan oo la manaafacaadsanayo. Haddaba annaga, asaasayaasha Shineemo Benadir waxa aannu midkood nahay jiilashaas nasiib xumadu haleeshay ee labadaas doorasho ku kala arooray. Qof waliba waa dhashay waana dhaliyay goolal nololeed ay waayuhu ka adeegayaal ahaayeen.

Maxamed-Khadar Cabdicasiis

emo D I R

Qof waliba oo annaga asaasayaasha ah ka mid ah wuxuu ku jawi ahaa qofka Soomaaliga caadiga ah, haddaba maxaan u la jeednaa qofka Soomaaliga caadiga ah? Sida caadiga ah waxa aan wada ogsoonnahay qofka Soomaaliga dhalashadiisa illaa dhimashadiisa mas’uuliyadaha noloshiisa ee xagga korriinshaha maskaxeed iyo koruqaadidda ogaalkiisa guud ee aqoonaha kala duwan iyo wacyiyada dunida ee jira waxa ay u qayb samaan seddex heer oo midba meeshiisa sidiisa ku ah. 1. Waalidka iyo guriga. 2. Degaanka iyo dadka ku xeeran. 3. Wax is baridda iyo baraarugga gaar ahaaneed, kaasoo aan is leennahay waa kan ugu mudan ee ay tahay in la dhiirrigeliyo, annaguna waxa aan aaminsannahay waa midka suurageliyay in aannu is haleelno kaddibna aan billowno mashruucan bulsho waxkudarsiga ah ee Shineemo Benadir. Mudda dheerba waxaa la sugayay natiijada kasoo bixi doonta dabiibidda ku socotay ubaxii guud oo soo billaabatay si qumman sanaddii 2000. Inta howsha dabiibidda guud socotay waxaa bulshada Soomaaliyeed ee dalka Soomaaliya ka socotay dal iyo dibadba israadsiga hadba intii wax qumman si qumman dhinac qumman isula qummin lahayd si loo gaaro ubax guud oo qumman dibna aan u qurmin. Maadaama dunida ay ku jirto rubaca hore ee qarniga 21aad kaasoo marag fur wayn u ah xajmiga iyo shaqada ay qaban karto maskaxda aadanaha haddii aysan la kulmin dabarrada shaqadeeda cuuryaamiya ee dibudhaca keena. Qarniga billowga ah waa midka suurageliyay in badan oo ka mid ah in dadwaynaha dunidu ay is gaaraan kaddib marka aynnu samaynno hal wicitaan kaliya adiga oo jooga qolkaada, hadda maaha qaaraddaada ee waa qolkaada gaarka ah, iyo soo ifbixidda aaladaha baraha bulshada.

Annaguna waxa aan ka mid ahayn saaxiibadaa ay is bareen iskuna xireen bogaggaa baraha bulshada innagoo kala joogna meela kala duwan sida Muqdisho, Nairobi iyo Roma, ugu dambaytiinna waxa aannu iska wada helnay caasimadda ubaxa soo kabashada ku jira ee Muqdisho. Is barasho hoose oo horumarsan kaddib waxa aannu is tusnay in uu jiro qodob ay tahay in aannu mar waliba xusuusnaanno kaasoo ah in aan is waydiinno maxaad kusoo celin kartaan ama door noocee ah ayaad dadka iyo dalka u ciyaari kartaan? Falanqayn dheer kaddib waxa aannu isla garannay in aannu isu sheegno in ay jirto arrin aan wadaagno, wada xiisayno wax macna lehna kasoo saari karno taasoo ah falanqaynta shineemadeenna Soomaaliyeed iyo tan dunida kale, wakhti seddex isbuuc ahna isa siinno si uu qof waliba uga soo fakaro go’aankiisa arrinkani ku aaddan. Kulankaasi wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho. Xubna ahaanna waxa aannu ka koobnayn 1. Maxamed Cabdicasiis Cabdullaahi (Khadar) 2. Maxamed Daa’uud Ciise (Maxamed D. Ciise) 3. Cabdullaahi Cabdinaasir Cabdisamad (Abdullahi Osman) 4. Cabdulqaadir Maxamed Cusmaan (Aw Saahil) iyo 5. Injineer Mahad Maxamed Maxamuud. Fadhigaasi halkaas ayuu innoogu soo xirmay isagoo ka dhignaandoona fadhigii koowaad ee looga wada hadlo arrimaha warsidaha Shineemo Benadir . Fadhigii labaad ee jawaab iyo go’aan isku soo celinta waxaa kasoo baxay go’aan ah in la ambaqaado asaasidda warside bille ah kaasoo lagu magacaabo warsidaha Shineemo Benadir. Go’aan ku qaadashada magaca warsidaheenna in uu noqdo (Shineemo Benadir) wuxuu ahaa mid lagu qaatay go’aan wadajir ah oo shanteenna kor ku xusan aan u wada dhannahay. Halkaasi waxaa kusoo dhammaaday fadhigeennii labaad oo rasmiga ahaa waxaana lagu ballamay in lasoo diyaariyo dhammaan xeerarka iyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo ambaqaado howlaha warsidaha cusub ee warsidaha Shineemo Benadir waxaana howshaasi loo diray guddi ka kooban seddex xubnood oo shanteenna ka mid ah kuwaa oo kala ah 1. Maxamed Cabdicasiis Cabdullaahi (Khadar) 2. Maxamed Daa’uud Ciise (Maxamed D. Ciise) 3. Cabdullaahi Cabdinaasir Cabdisamad (Abdullahi Osman) Waxaana loo sheegay in ay haystaan muddo laba toddobaad ah.

Sawirro kamida daabacadda nuqulka 1-aad
W/S Mahad M. iyo Siraaji

Dedaal dheer kaddib saaxiibadii guddiga ahaa waxa ay kooxda kusoo celiyeen howl qurux badan oo la taaban karo sida, habqoraalka magaca warsidaha , astaanta warsidaha , xeerhoosaadka shaqada kooxda warsidaha , iyo qodobbada sharciyanta warsidaha. Haddaba wixii ka dambeeyay 19-05-2024 waxaa la gudagalay diyaarinta nuqulka koowaad ee shi Benadir kaasoo qorshuhu uu ahaa in uu soo baxo horraanta bisha 8aad August 2024 . Intii lagu gudajiray diyaarinta tirsiga koowaad ee warsidaha Shineemo Benadir waxaa qaybta qorayaasha warsidaha lagu soo daray xubin cusub oo lagu magacaabo Bile Cabdi Maxamed (Guryasame).

Hoos waxaa ka muuqda sawirro howleed ah intii ay socotay shaqada tirsiga koowaad Shineemo Benadir goobtuna waa maqaayadda Beydan Coffee laanta ku dhextaal xayndaabka masjidka Sheekh Cali Jimcaale ee agagaarka gegidda diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aden Adde Airport.

Hoos waxaa ka muuqda sawirro howleed ah intii ay socotay shaqada tirsiga koowaad Shineemo Benadir goobtuna waa maqaayadda Beydan Coffee laanta ku dhextaal xayndaabka masjidka Sheekh Cali Jimcaale ee agagaarka gegidda diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aden Adde Airport.

Tirsiga koowaad waxa uu soo baxay 04-Aug-2024 maalin axad. Ciwaanwaynaha bishaasna wuxuu ahaa ciwaan u dhignaa sidatan ‘Hirkii Muunadaynta Shineemada Faransiiska’ (The French New Wave).

Tirsiga labaad waxa uu soo baxay. 05-Sep-2024 maalin Khamiis ah. Ciwaanwaynaha bishaasna wuxuu ahaa ciwaan u dhignaa sidatan.

Ibafurka Shineemada Xerudhalanka Ah Ee Afrika. Black Girl (1966)

Tirsigan labaad qaybta qorayada rasmiga ah ee warsidaha waxaa kusoo biirtay Nimco Cali Maxamed (Weedhsan Kaarshe.)

Qaybta soo qorayaasha madaxa bannaan tirsigani waxaa warsidaha

wax ku qoray:

1. Cabdiraxmaan Maxamed Guure. 2. Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil.

Tirsiga seddexaad waxa uu soo baxay. 21-Oct-2024 maalin isniin. Ciwaanwaynaha bishaasna wuxuu ahaa ciwaan u dhignaa sidatan.

Shineemooyinka Benadir; Xusuuso libdhay iyo dhaxal la hilmaamay

Tirsiga seddexaad qaybta qorayada rasmiga ah ee warsidaha waxaa kusoo biiray Sadam Awais (Sidoo kale Sadam Awais wuxuu ahaa tifaftire si madax bannaan u la shaqaynayay kooxda tifaftirayaasha rasmiga ah ee Shineemo Benadir intii ay socotay shaqada tirsiyada 1aad 2aad iyo 3aad)

Qaybta soo qorayaasha madaxa bannaan tirsigani waxaa warsidaha wax ku qoray.

1. Ibraahin iimaan Maxamed.

Tirsiyada bilaha November iyo December iyaga oo hal tirsi ah ayay soo baxayaan bisha January 2025.

Nabad iyo warsan. Maalin Axad ah 29-12-2024

nuqullada 2-aad iyo 3-aad

Jaldiga

Tifaftiraha

Guud

Abdullahi Osman

Agaasimaha

Tifaftirka

Maxamed-Khadar Cabdicasiis

Tifaftiraha

Aw Saahil

Ku Qorayaasha

Aw Saahil

Maxamed D. Ciise

Bushra Mohamed Mohamud

Maxamed-Khadar Cabdicasiis

Cabdiraxmaan Maxamed Guure

Haatuf Cali

Naqshadaynta

iyo Quraaridda

Mahad Mohamed

Kudarsadayaal

Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.