Shineemo Benadir, Tirsiga 3-aad, Oktoobar 2024

Page 1


Jantaaroganta habtebineed ee Pulp Fiction

Shineemada iyo suugaanta

isbarbardhig

Xusuuso libdhay iyo dhaxal la hilmaamay

Shineem yinka Benaadir

Goodbye Julia (2022)

Léon: The Professional (1994) Faaqidaadda taxanaha Dark

Shineemo Xamar
Faallo filin
Faallo filin
filin maangad ah laakin dheef badan

Shineemooyinka Benaadir

Xusuuso libdhay iyo dhaxal la hilmaamay

17 03 27 25 31

Curis

Jantaaroganta habtebinteed ee Pulp Fiction

Taariikh iyo Tusaalayn isbarbardhig

Shineemada iyo suugaanta

Farsamada “Muuji oo ha sheegin” Jim Jarmusch

Dabacsanaanta iyo qoddadheeraanta aflaanta; Jim Jarmusch

Faallo filin

Faallo Filin Goodbye Julia (2022)

39

45 43 37 Faaqidaadda taxanaha Dark

Night on Earth

filin maangad ah laakin dheef badan

Léon: The Professional (1994)

Faallo filin

Shineem yinka

Wajiga hore ee
Shineemo Benadir, 1940-meeyadii
Haraadiga Shineemo Xamar Muqdisho, Soomaaliya
Shineemo Xamar, 2022
Sawirka waxaa qaaday Mahad Mohamed

Xusuuso libdhay iyo

dhaxal la hilmaamay

yinka Benaadir

Shineemo Italia 1930-kii, kahor intaan magaca
lagu badalin
Shineemo Xamar
Shineemo Super 1930-kii. Sawirka

Xusuuso libdhay iyo dhaxal la hilmaamay

Gogoldhig

Shineemooyinkii Benaadir oo ahaa xurumo firfircoon oo cawaysyadi qaybaha kala duwan ee bulshadu usoo daawasho iyo jewi doontaan, waxay door weyn ka ciyaareen kobcinta dhaqanka, horumarinta nolosha bulshada iyo bilicda gobalka Banaadir ee qarka badweynta Hindiya ka lusha. Laga soo billaabo soo-ifbixiddoodii horraanta qarniga labaatanaad illaa hoobashadoodi oo ku beegnayd dabayaaqada isla qarnigaas labaatanaad, waxay ku suntanaayeen qurux iyo qiimi qaraweyn oo aan boqollaal qoraal oo kan la mid ah looga geyoon karin. Waxay ka turjumayeen isbeddelka iyo magaalowga ku imaanayay magaalada Muqdisho. Waxay ahaayeen goobo ruuxda bulshada nafaqeeya oo baahidooda ruuxiga iyo tan maankaba haqab tira, iyagoo garashadooda iyo aqoontooda hodminaya dareenkooda kicinaya, tin iyo ciribna ruxaya. Sidaas darteed dadku xiiso aan gurayn iyo maxabbo xad-dhaaf ah ayay u qabeen idil ahaan guryaha filimada lagu daawado oo ahaa golayaasha ugu boqran ee loo soo maaweelo doonto. Dhismayaasha shineemooyinka oo ahaa kuwo haaneed leh, qorqoran oo si casri loo qotomiyay waxaa dhidibbada u taagay maamulkii Talyaaniga, waxay ahaayeen bilayaasha quruxda magaalada iyo faynuus qaluubta shacabka nuurisa; ugu danbayn waxaa hoos u riday sababna u noqday in ay shaqagabaan musiibadiii guud ahaan dalka iyo dadka samada looga soo tuuray ee wax walba jaantaa rogan ka yeeshay.

Haddaba, si dulmar ah, curiskani wuxuu raadraacayaa xasuusihii libdhay ee shineemooyinka Benaadir iyo dhaxalkoodii dayacmay ee aan dib loo jalleecin. Wuxuu sahminayaa arrimihii gadaal ka riixay in ay shineemooyinku soo-if baxaan, saamaynti ay bulshada iyo dhaqankeeda ku yeesheen, muhiimadda ay leedahay in la xafido sooyaalka shineemo iyo taariikhda bulsho; sidoo kale raadadka uu dagaalka sokeeye ku reebay gobalka Banaadir iyo sababihii keenay in shineemooyinka oo lafdhabar u ah maaweelada bulshada albaabbada loo laabo. Dhanka kale, wuxuu si qodan ugu kuurggalayaa caqabadaha ku hor gudban in shineemooyinka la soo celiyo, xeeldaha loo mari karo iyo sababta aan illaa hadda mid ka mid ah dib loogu furin islamarkaana aan loo hayn wax isku day ah ama qorshayaal ku aaddan dib-usoo-noolayntooda.

Curiskan waxaa saldhig u ah, qoraallo, buugaag, sawirro, waraysiyo, kayd taariikheed aan hufnayn oo ay qoryaashu turxaanbixiyeen iyo faahfaahinno kaabis ah. Waraysiyada uu sida gaarka ah u kaalmaysan doono waxaa laga qaaday Axmed Maxamuud Dhicisow “Yaanyo” iyo Aadan Faarax Cali “ Aabbe Ducaale” oo ah laba waayajoog oo xog-ogaal u ah arrimaha shineemada, sidoo kalena ka mid ahaa dadkii sida joogtada ah wax ugu daawan jiray shineemooyinka Benaadir. Waraysiyada oo ah kuwo aad u waxtar badan inta badanna curisku ku dhisan yahay, waxaa qaaday Maxamed Cabdicasiis Cabdullaahi (Maxamed Khadar) oo ah xubin ka tirsan Warsidaha Shineemo Benaadir isla isaga ayaana qoraal u rogay.

Benaadir

Afeef: Qorayaasha warsidaha Benaadir ma heleelin, meel gaar ah oo ay taariikhda shineemooyinka Benaadir si rasmi ah oo dhammeestiran ugu kaydsan tahay, sidaas darteed waxay dantu badday in ay u qarda jeexaan iskuna hawlaan in ay ururiyaan haraaga kala filiqsan ee aan weli baabi’in. Waxay ku dadaaleen in ay illaa xad ka dhawrsadaan xogaha runta ka fog ama u ekaan kara in ay cid gaar ah wax u dhimayaan. Sidaas oo ay tahay haddana kuma doodayaan in qoraalkan ay isku kabkabeen uu ceeb ka saliim yahay illayn waa aadane gefi kara e. Marka curisku iimo iyo goldaloollooyin waa uu yeelan karaa, akhriste kasta oo meel ku og xogo ka saxan kuwa halkan ku qoranna gacmo furan ayaa lagu soo dhoweynayaa, waana looga abaal hayn doonaa wixii talo iyo sixitaan ah.

Fanku waa gaadiid nololeed. Waa tab hagaagsan oo dadku qaybaha kala duwan ee nolosha ku indha-indheeyo. Kol way isku laab kiciyaan, kolna isku niyad qaboojiyaan, kol kale nafta ku madaddaaliyaan, kol sii kalena isugu wax sheegaan. Marka hoos loo sii dayana waa dhufsane weyn, kaas oo na tusa xaaladaha guud ee aadanuhu ku dhaqan yahay. Insaanku waa isir wadaag, dareen wadaag iyo dhaqan wadaag kala filiqsimay oo kor iyo bari u kala guuray. Xanuunka iyo xigmadda nolosha waxay ku eegaan maanso qura oo godadkeedu uun kala geddisan yihiin, dacal kastoo ay dunida ka joogaanna fanku waa jawharadda dhammaan waxa ay xigtaystaan.

Shineemada oo mar kali ah kulmisa qayabaha loogu yeeri karo xulka fanka, laga soo billaabo curushadeedi waxay ahayd, illaa maantana tahay, dugsi nololeed aad u weyn. Buugga qofka akhrinaya si uu micnihiisa u dhuuxo waxaa qasab ku ah in uu yaqaan akhriska, laakiin qofka shineemada dhex fadhiyaa kuma qasbana in uu yaqaan luuqadda shakhsiyaadka filinka, isagoon erey ka fahmin ayuu mararka qaar awood u yeelan karaa in uu filimada macno iyo cashar kala baxo, sababtuna waxay tahay filinku waa maqalmuuqaal (Audio-visual) murtidiisu wadahadallada la is dhaafsanayo kuma koobna, hase ahaatee, waxyaabaha kale ee nuxurkiisa xambaara waxaa ugu horreeya falalka iyo fooldareenka qofafka ay sheekadiisu ku socoto oo ujeedkoodu iska yahay banyaal cid kasta ay haleeli karto.

Waxaan dhihi karnaa shineemadu mar walba waa dugsi bulsheed iyo dhaqameed kaas oo laga dhurto aqoon iyo waayo-aragnimo mugweyn oo wax badan laga dheefsado. Marka meel walba laga taago daaro loo qorsheeyay in filimo lagu daawado oo haybaddooda lala amakaagayo, daawashada filimaduna bulshada ku dhex faafaan, waxaa hanaqaada kacaan shineemo oo bulshadii nasiib u yeelata ay u aaydo. Waxaan uga socdaa, waxaa dhalanaya isku xirnaan busho iyo faham korran oo caalami ah; shaqo abuur dhallinyaro badan ay ka faa’iidaysan doonaan, jawiyo cusub iyo is-dhexgal hor leh. Dhugashada habnololeedka dadyowga kale iyo u fiirsiga sida ay jilayaashu xaaladaha daran isaga furdaamayaan, iyo arrimo kale oo gabi ahaanba noqonaya dhaqamo cusub, ayay shineemadu la iman doontaa.

Hordhac
Shineemo Super 1930-kii. Sawirkan waxaa laga soo xigtay kaydka dhiijitaalka ah ee jaamacadda Roma Tre

Haddaba, shineemadu waa buundo isku xirta gudaha iyo dibadda, mar waa muraayad ay bulshadu iska daawato oo ay ka dhex dheehato dhaxalkeeda faneed, dhaqankeeda, iyo sheekooyinkeeda maalinlaha ah, marna waa madal ay ku kulmaan dhaqamada ka soo kala goosha daafaha ifka, daawaduhu isaga oo aan meelna uga bixin degaankiisa ayuu shineemada ka dhex bowsadaa fanka ummadaha kale, siiba dhallinta soo kacaysa oo ku saamoobi og qaab labbiska, tabaha timajarashada, iyo xataa xarragada iyo halhayska maalinlaha ah. Qaar ayaa ka barta luuqadaha qalaad, qaar ayay ku beertaa han iyo hammi ka shisheeya ka degelka kooban ee ay ku dhasheen kuna hanaqaadeen. Soomaalidu nasiib uma helin shineemo u noqota hummaag celiska dhaqankeeda, waayo maba aysan lahayn awood filin samaysa, balse waxay yeelatay dhaxal shineemo oo ku xira dibbadaha fog, siiba Benaadir, oo ku suntan figta sare ee ilbaxnimada kooban ee Soomaalida. Waxay Benaadir hoy u tahay aqallo caan ah oo Soomaalidii dhawaan magaalowday ku xirtay ifka intiisa kale, aqallo inkastoy Bariga Afrika ku yaalleen barkulan u ahaa fanka iyo dhaqammada caalamiga ah, tan iyo bariga ilaa galbeedka.

Milicsiga soo-ifbixii shineemooyinka Benaadir

“Shineemo/Shaleemo” waa erey hadda Soomaaliyoobay, oo markii hore afka Talyaaniga nooga yimid inkastoo uu Talyaanigu laftiisa ergo ku yahay oo isir ahaan Giriiggii hore u laabanayo, Ingiriisiga waa “Movie theatre/Cinema” oo looga jeedo meesha filimada lagu daawado. Wuu ka duwan yahay ereyga “theatre” oo aan af Soomaaliga u naqaanno “Tiyaatar/Masrax” oo kani waa goobaha loo nashqadeeyay in lagu daawado bandhigyada tooska ah, oo ay ku jiraan riwaayadaha, muusigga, iyo waxsoosaar masraxeedka kale.

Ereygan “Shineemo” waxaa la qiyaasayaa in uu la socday asaaskii shineemooyinka Benaadir (Shineemooyinkii filimada laga daawan jiray kuwaas oo degmooyinka kala duwan ee gobalka Benaadir ku yiil qaarkoodna weli ku yaallaan) soo billaabanaya horraanta qarnigii labaatanaad intii u dhexaysay 1920–1940-kii oo lagu tillaamo waqtigii uu Talyaanigu sida weyn u saldhigtay Xamar sidii gashaanti xariir xiranna marba naanays u samaystay. Xilligaan oo maamulka Talyaanigu ka arrimimayay Soomaaliya, gaar ahaan goballada koonfurta oo loo yaqiin (Italiano-Somalo) shineemadu waxay qayb ka ahayd isbeddelladii ballaarnaa ee ka hirgalay Muqdisho.

Maxamed D. Afrax wuxuu ku shegayaa billowga buugga Fanmasraxeedka Soomaalida (1987), marka uu ku warramayo sababihii caawiyay dhalashadii dhaqdhaqaaqyadii ugu horreeyay ee masraxa Soomaalida, in isbeddellada guud ahaan adduunweynaha, si gaar ahna Soomaaliya uga dhacayay, oo ay ugu horreeyaan isufuranka caalamiga ah iyo magaalowga ay shidaaliyeen dhaqdhaqaaqyada masraxa. Isagoo hoos u sii dhaadhacayana wuxuu la gole imaanayaa in ay jireen laba dul-kaimaad (2 external factors) oo si gaar ah u karaariyay curashada masraxii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay. Sida tan ayuuna u kala dhigdhigay, “Tan hore waa midab takoorkii iyo quursigii maamulka qumaysiga Talyaaniga, oo gaarsiisnaa heer uu Soomaalida ka xaaraantinimeeyo in ay habeenkii tagaan xaafadaha sare oo ahaa halka ay ku yaalliin Shineemooyinka, baararka waaweyn, cawaysyada, muuqaalada lagu il-doogsado iwm. Maaweelo iyo qurux oo dhan waxaa laga dhigay sed ay gaar u leeyihiin talyaaniga iyo inta ka ag luflufata. Gabood-falkaasi dhallinyaradii Xamar waxuu ku xoojiyey ka-fakeriddii sidii ay iskood ugu samaysan lahaaysen maaweeladooda u gaarka ah.

Arrinta labaadna waa filimada qalaad, siiba kuwa Hindida (oo ilaamaanta raadkooda laga arki karo riwaayadaha iyo heesaha Banaadiriga), iyo maadayso ay marmar keeni jireen kooxo talyaani ah oo ka mid ah kuwa aan fanka ka dhigan xirfad lagu shaqaysto (amateur). Maadaysyadaasi, inkastoo dadka loo dhigaa ahaayeen talyaaniga iyo inta ka ag dhow, haddana dabayshoodu si uun bay ku gaari jirtay dad kala duwan, siiba waageerrada dhallinyarada.”

Intaas kaddibna wuxuu xusayaa in 1932-dii Muqdisho la keenay riwaayad lagu soo dhoweynayay boqorkii Talyaaniga ee waqtigaas Victor Emmanuel oo Muqdisho booqasho ku imaanayay. Riwaayadda waxaa jilayay koox Asmara laga keenay, dhanka heesaha, adeegga munaasabbada iyo hawlaha kale ee fududna waxaa loo dhiibay dhallinyaro Soomaali ah oo uu ka mid ahaa nin lagu magacaabi jiray Cali Maleexaan, sidaas awgeed dhallinyaradan oo ahaa kuwii golayaasha lagu caweeyo horboodi jiray munaasabbadan oo waxyaabo badan lagu soo bandhigay wax badan oo khibrad iyo hal-abuur ah ayay kasoo kororsadeen.

Sida aan ka dhadhansanaynno hadalka Afrax, shineemooyinka Benaadir waaberigoodu wuxuu ku beegan yahay rubaca hore ee qarniga labaatanaad inkastoo ay adag tahay in la helo qoraallo cayimaya sannadihii la billaabay iyo sabibihii maamulka isticmaarka ku riixay in uu Xamar ka dhiso dhismayaal shineemo, haddana waxaa loo aanayn karaa in muraadkiisu ahaa inuu maaweelada iyo filimada soo gaarsiiyo dadkiisa Xamar ku noolaa iyo inuu rumaysnaa inuu Muqdisho kusii negaan doono. Dhanka kale, waxaan buugga Fanmasfraxeedka ka qaadan karnaa in hanaqaadka masraxa Somaalida iyo Shineemooyinka Benaadir saamayn la taaban karo isku leeyihiin, lana oran karo masraxa shineemada ayaa ababisay.

Filimaan caan ah oo laga daawaday shineemooyinka.

Shineemooyinka filimo kala duwan oo waddamo kala duwan lagu sameeyay ayaa si joogto ah loo keeni jiray, kuwaas oo loogu talagalay madaddaalada kulanka bulshada, si ay dadku ugu sahlaan in ay ka durduurtaan murti iyo maaweelo ka imaanaysa adduunyada kale. Filimada cusub ee la keeno shineemooyinka ayaa midba mar la saari jiray iyadoo wargaysyada lagu faafinayo kolba shineemada xigta ee filinka laga daawan doono. Maadaama filimada shineemooyinka laga daawanayay Talyaanigu ugu xoog badnaa filimada caan baxay aadkana shineemada looga daawaday welibana lagu soo celceliyay, waxaa ka mid ahaa filinkii weynaa “The good, the bad and the ugly” Axmed Maxamuud Dhicisow iyo Aadan Faarax Cali “ Aabbe Ducaale” oo ka mid ah mucaashaqiinti waayahaas shibeemada sida xalqada masjidka ugu tixnaa, habeenkii shineemada filinka cusubi saaran yahayna aan laga waayi jirin haddii aan waxhayntu ciilin, ayaa si isku mid ah uga sheekaynaya.

Filinkan oo uu agaasimay filimsameeyihii Talyaaniga ee Sergio Leone waa filin aad u qurux iyo xiiso badan, oo shineemda dhexdeeda maguuraan ka ah. Waxana jaadgooni ka dhigaya qaabkiisa gaarka ah, muusiggiisa dheguhu u riyaaqaan, sheekadiisa yaabka leh iyo dadka jilaya. Dhicisow iyo xusuustiisa gaarka ah

“Filimkan aad baan u daawaday xitaa xisaab iima leh inta aan ku daawaday shineemada, waayo mar waliba oo lasoo celiyo waan daawan jiray. Markaygii koobaad waxa aan ku daawaday Shineema Misiyoone isaga oo luuqadda Talyaaniga ku baxayo. Dhab ahaan wuxuu ahaa filim meeshii uu jiro loo guuro, haddii aan xuso shineemooyinkii aan dib uga daawaday waxaa ka mid ahayd shineemo Shenteraalle, Misiyoone oo aan dib ugu noqday iyo Shineemo Super. Saddexdaasba waan ku daawaday, waxa aan dhihi karaa filimkaa waan raacdeeyay... Waxaa jilayay seddex nin oo qiima badan odayaalna ah. Magacyadoodu Talyaani ahaan wuxuu ahaa 1. Il buono [Nin wanaagsan] 2. Il brutto [Nin xun] 3. Il cattivo [Nin qatar ah]”

Aabbe Ducaale oo isaguna sida filinkani xasuusta ugu reebay ka sheekaynaya,

“Wallaahi hal iyo labo ma aha filimaan badan oo xusuus nagu reebay ayaa jira. Waxaa jira kuwo aan illaa iyo hadda daawado, malaha dhawr iyo toban jeer aan daawaday, waxaa ka mid ah: filinkii heerka sare ahaa ee Sergio Leon “The good, the bad and the ugly.” Illaa iyo hadda adigaas haddii aad daawato wuxuu kugu noqonayaa filin cusuboo hadda la soo saaray waxaana la soo saaray 1966-dii. Marka annaga waxa uu na soo gaaray toddobaatameeyadii aan jeclahay oo ah markii uu adduunka ka soo dhammaaday illayn dawladaha siday u ka la lacag badan yihiin ayay filimadu ugu ka la tagayaane, ma og tahay!”

Dhacdooyin xasuus mudan

Shineemooyinku waxa ay ahaayeen kaliya goobo filimo lagu daawado ama loo soo nasiino tago oo baararka ku ag yaal waqti lagu qaadan jiray, Sida uu Aabe ducale carrabaabay ma aysan jirin xaflado ama munasabado gaar ah oo shineemooyinka lagu qaban jiray, waxa kali ah ee uu xasuusto waa in Intaan tiyaatarka qaranka la dhisin, Shineemo Afrika shineemooyin ay ka mid tahay lagu dhigi jiray riwaayadaha.

Tiyaatarka qaranka ayaa inta badan ahaa goobta lagu qabto xafaladaha ama guud ahaan bandhig faneedyada ama xitaa bandhigga shineemada, sida in uu horraantii siddeetannada marti geliyay bandhigga filimada Afrika iyo Carabta ee Mogpaafis (Mogadishu Pan-African and Arab Film Symposium) Waxaa bandhiggaas la keenay saddex filin oo ka kala yimid, Nigeria Kenya iyo Somaliya. Soomaalidu waxay berigaas bandhigga filimada Afrika uga qayb gashay filinkii “The Somali Darvish” ee uu Siciid Saalax agaasimay kuna saabsanaa dhaqdhaqaaqii ciidamadii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kaas oo socday intii u dhexaysay 1899–1920.

Saamaynta ay shineemooyinka Benaadir ku lahaayeen bulshada iyo dhaqankeeda

Waqti badan ayay bulshada berisamaadkii Xamar ku noolayd intifaacsanaysay shineemooyinka Benaadir oo ay u ahaayeen qaybta ugu quruxda badan noloshooda maalinlaha ah. Shineemooyinka marka laga reebo Shantaraale oo ahayd shineemada kali ah ee kor ka dednayd, inta kale habeenki oo kali ah ayaa wax lagu daawan jiray maadaama ay dhismayaashoodu kor ka furnaayeen, sidaas darteed xilli roobaadyadu caqabad ayay ku ahaayeen shaqada shineemooyinka. Laga soo billaabo maamulkii Talyaaniga oo ahaa asaasaha shineemooyinka illaa dhammaadkii xukuummadii millateriga ayay shineemooyinku jireen oo ay shaqaynayeen si joogto ahna filimo cusub iyo kuwo horeba loogu daawan jiray. Shineemooyinku waxa ay sideen hirar aqooneed ilbixin, barbaarin, iyo sooyaalbarasho ah. Waxba ma dhaamin dugsiyada caadiga ah maaddaama badi filimada shineemooyinka lagu daawado ay ku baxayeen afka Talyaaniga, kaas oo ahaa afka iskuulaadka iyo shaqada xilliyadaas shineemooyinku figta sare marayeen. Markaa waxaa caadi ahayd in dhallinyaradu bartaan magaalooyinka Talyaaniga ugu caansan, Sida Roma, Napole iyo kuwo kale oo daafaha dunida ku yaalla. Dhanka luuqadeed iyo dhan ogaalba bulshada way ka kabayeen, waxa ayna u sahlayeen inay siyaasadaha, dhaqamada iyo xaaladaha adduunka la socdaan.

Dhicisow oo ka mid ah dadkii usoo joogay, ayaa saamaynta shineemooyinku ku lahaayeen bulshada iyo dhaqankeeda si fiican noogu sharraxaya

“...Sidoo kale shineemada dhaqannada bulsho ee wanaagsan oo laga dhaxli jiray waxaa ka mid ah arrimahan dhowrka ah, sida abuuridda bulsho fahan ahaan heerkeeda waxa dunida ka socda uu korsanyahay, bulsho isu keenid, billaabidda unug bulsho oo ka ganacsada waxyaabaha looga baahan yahay aagga shineemada, ballaarinta saaxiibada uu qofku leeyahay, abuuridda dhaqanka ah in dhowr saacadood meel la fadhinkaro seddex illaa afar saacadood oo xiriir ah, kaddibna iyagoo faraxsan ay aadayaan guryahooda oo waliba ay jidka kaga sii sheekaysanayaan wixii ugu muhiimsanaa ama ugula yaabka badnaa ee ay kusoo daawadeen filimka, beddelkii ay inta tagaan baar ka sheekayn lahaayeen qabyaalad iyo waxaan dani ugu jirin, iyo inay ka mashquuliso bulshada si gaar ah dhallinyarada in ay hawoodaan balwadaha mustaqbalkooda la dirira sida jaadka, xashiishka, khamriga iyo guud ahaan maandooriye oo idil. Sidaas daraadeed shineemadu waxa ay ahayd meel asturaad iyo ilaalo u ah bulshada guud ahaan, gaar ahaan dhallinyarada”

Waayahaas filimadu waxa ay ahaayeen fan Soomaalida ku cusub oo mar kasta ku dhiirrigelinayay in ay dhaqmo suubban oo nolosha casriga ah la xiriira ka guntadaan, sidaas darteed yar iyo weyn, kuwa wax qori kara iyo kuwa aan qori karin xiiso aan gurin ayay u hayeen daawashada filimadu, aqoonna way ka faa’iidayeen, sida uu Dhicisow innoo sheegayo:

“...Sidoo kale dhaqannada bulsho ee wanaagsan lagana dhaxlay daawashada shineemada waxaa ka mid ah waxyaabaha sida ficilka ah ay u samaynayaan jilayaasha filimku sida, runsheegidda, ballan ilaalinta, oofinta ballmaha, ku dedaalidda waxbarashada duruuf waliba, u hoggaansanaanta xeerarka guud si gaar ah kan waddooyinka (Traffic), ugu dambayntii shineemadu waxa ay ahayd dugsi bulsho oo aqoon wayn laga barto tusaale ahaan badi dadka daawanaya shineemada waxaa suuragal ah in aysan waxna akhrin waxna qorin, laakiin luuqadda Talyaaniga ay ku hadli karaan si buuxda waxna ugu fahmi karaan si buuxda. Waxa aan jawaabtayda kusoo gebaggabaynayaa shineemadu waxa ay ahayd dugsi wax laga baranaayo, ficilna leh.”

Wargaysyada ayaa lagu sii faafin jiray filimada maalmaha soo socda la daawanayo iyo shineemooyinka laga daawanayo, markaas ayaa loo sii diyaargaroobi jiray, maaddaama aysan xilligaas jirin taleefannadaan jeebka lagu wada sito iyo internet, dadka wargayska iyo raadiyaha ayaa wehel u ahaa oo ay xogaha iyo warbixinnada kala soconayeen. Sidaas darteed galabkii marka la gaaraba dadku waxay soo aadi jireen goobaha shineemada u dhow oo bilyeetiga laga jarto, wax fudud ma ahayn in aad bilyeeti hesho marka dadka oo dhammi u wada hammuumayaan in aan caawa shineemadu ka buuxsamin sidaas darteed waxaa dhici jirtay in saacado badan saf loogu jiro sidii bilyeeti loo heli lahaa.

Dhab ahaan shineemooyinka Benaadir bulshada iyo dhaqankeeda saamayn lamakoobaan ah ayay ku yeesheen. Filimada la daawanayay afka Talyaaniga ayay ku baxayeen badi –marka qaar yar oo Hindi ku baxayay laga reebo, dadka Xamar ku noolina afkaas waa ay garanayeen, oo waxbay ku barteen ama waa ay ku shaqaysan jireen, marka waxaan dhihi karnaa isku milanka afka Talyaaniga iyo kan Soomaaliga shineemooyinku kaalin laxaad leh ayay ku lahaayeen, afkuna, sida aan oganahay, waa dhaqan gudbiyaha bulshooyinka.

Qubanaha dhacdooyinka sababay albaabbo u laabidda shineemooyinka iyo falcelintii bulshada.

Shineemooyinka mar kali ah albaabbada looma wada laabin, si tartiib tartiib ah ayaa midba mar loo xirayay. Aabbe Ducaale wuxuu tilmaamayaa in shineemooyinka qaar la xiray ka hor inta uusan dagaalku magaalada ka qarxin laakiin dhiillo colaaldeed geyiga oo dhan laga dareemayay. Sababtoo ah, ayuu leeyahay, gadood iyo guux shacab ayaa si hordhac u billowday xukuumaddi ayaa si dadban loola dagaallamay kaddib habeensocodka ayaa istaagay, marka badi goobaha maaweeladu intaan xabaddu billaaban ayay xirmeen. Waxaa intaas soo raacay isku dayo ku aaddanaa in shineemooyinka qaar dib loo furo sida uu aabbe Ducaale mar kale xusayo nasiib xumo, ma aysan heli karin filimaan cusub maadaama doorkii dawladda iyo wakaaladda filimadu meesha ka baxay.

Dhicisow oo isaguna qodobkan qaadaadhigaya wuxuu carrabka ku dhuftay in sababaha xiritaanka shineemooyinku ay la socotay istaaggii guud ee dalka ku dhacay, wuxuuna isdul taagayaa in labo qodob si gaar ah u saameeyeen, kan koowaad oo ah: in qalabkii filinka darbiga lagu saari jiray faraha ka baxday, iyo kan labaad oo ah: Burbur ku habsaday dhismayaashii shineemooyinka. Dhanka kale wuxuu sheegayaa in ay ayaandarro haleeshay wax walba oo in filimada la daawado sahlayay, haddii ay agabkii tahay iyo haddii ay goobihii tahyba.

Dadkuna waxay markii danbe isku dayeen in shaashaddi weynayd ay ku doorsadaan tiifii, isaguna ma uusan sii socon waayo dadkii shaashadda ballaaran la qabsaday tiifiigu ma xiiso gelin karin. Si kooban wuxuu leeyahay haddii ay meesha ka baxeen awoodihii iyo qalabkii shineemooyinka socodsiinayay islamarkaana dadka u fududaynayay in ay filinka daawaadaan lama huraan waa cawska jilaal e, qasab ayay noqotay in albaabbada la isugu dhufto dhammaan goobihii shineemooyinka ku astaysnaa.

Intaas ka gadaal, bulshadii caalamkoodi shineemada waxaa uga dhacay cimri degdeg. Waxa kali ah ee u furnaa dadkii uu sida gaarka ah ammarkan culusi u taabtay in ay samir guddoonsadaan. Hase ahaatee bulshadii reer Muqdisho way u qaadan waayeen in shineemooyinka Benaadir hawlgab noqdaan, iyaguna quusta iyo niyadjabka dulhoganaya habsiiyaan, waxayna markaas si degdeg ah isugu dayeen in ay dhexdooda is xilqaamaan oo qaaraan iyo waxa alle wixii suuragelinaya in ay shineemooyinka dib loo furo isku biiriyaan, nasiibdarro waxaa riyadaas been ka dhigay amni xumada iyo qalalaalsaha sii kardhayay. Waxaa daqiiqad walba la fili karay in wiil yar oo bistoolad sitaa in uu hawlaha shineemada carqaladeeyo maadaama uusan jirin nidaam iyo kala dambayn.

Si kastaba waxaa xusid mudan dhacdooyin cajiib ah kuwaas oo ku saabsan dad ku dhiiraday in ay magaalada shineemooyin cusub ka furaan markii xaaladda magaaladu yara degtay. Shineemooyinka markaas la furay waxaa ka mid ahayd shineemo Sanca, shineemo Calikamiin, iyo shineemo Wadajir, kuwan oo ku yiillay hareeraha caasimadda.

Waxay isku dayeen in ay hawlaha shineemada sii wadaan aadna way u qurxiyeen, laakiin haddana muddo kaddib amni xumada awgeed ayaa loo xiray. Sidaas darteed qofkii ehel shineemo ahaa iyo kii ku noolaa oo ay shaqo u ahydba waxaa mar kale hadafkoodi boqno gooyay amnni xumada iyo xasilooni darrada oo ahaa waxaa inta badan bulshadu la dhibbanayd.

Dulmar ku saabsan burburka iyo hawlgabka shineemooyinka iyo wakaaladda filimada. Xaaladda dhismayaasha shineemooyinka.

Gobalka Banaadir, si gaar ah Xamarweyne, Xamarjajab, Shangaani iyo Boondheere marka aad dhex soconayso, waxaa kaa soo horbixi doona dhismayaal burbursan oo asalkooda ahaa shineemooyinkii magaalada aad caan uga ahaa sannado tiro badanna bulshadu filimo xiiso badan ka daawanayeen. Dhinacyada nololeed iyo nafeed ee dagaalkii sokeeye bulshada ka saameeyay waxaa ugu horreeya hawlgabka ku yimid shineemooyinkii filimada lagu daawan jiray, kuwaas oo dhallinyarada iyo duqaydu habeennadii u soo raaxo doonan jireen, shineemooyinkaas oo marna ahaa goob lagu madaddaasho marna murti iyo ogaal mugweyn laga dhaansado ayaa bas ba’ay noqday markii dabaysha qalalaasuhu dalka iyo dadka kusoo soo dhabatay.

Shineemooyinka Benaadir oo hadda ay ka dambeeyaan xasuuso sii tirtirmaya iyo dhismayaal sii dhimanaya qaarkoodna la beddelay, waxaa ku middaysnaa tirooyin shineemo ah oo dhawr iyo toban cagacageynaya degmooyin kala duwanna Xamar kaga yiil. Intooda badan waxaa dhisay Taliyaaniga una magac bixiyay, gadaal danbena kacaankii ayaa inta badan magacyo dhalad u bixiyay. Illaa hadda oo aan 2024 maraynno waqtigii shineemooyinku hawl gabeenna 33 sano ku dhowaad laga joogo, ma jiraan wax isku day ah oo shineemooyinka dib loogu furayo ama xitaa wax qorshe ah oo dawladda ama hay’adaha aan dawliga ahayni ka leeyihiin oo shaacsane ah, dhinaca kale wakaaladdi ayaan weli si fiican u soo noolaan.

Wakaaladdii filimada Somaaliyeed (Somali Film Agency) waxaa la sameeyay abbaarihii 1935-tii si ay uga shaqayso hawlaha filimada Soomaalida la xiriira. Waxayna isku waqti ahaayeen bilowgii shineemooyinka Benaadir. Talyaanigu intii uu samaynayay goobaha filimada lagu daawado iyo ka hor ba, dhanka kale, wuxuu Soomaalida garab ku siiyay in yeeshaan waxsoosaar shineemo, inkastoo filimada waqtigaas la soo saarayo aysan ahayn kuwo dhalad ah nolosha Soomaalidana ka turjumi kara, maadaama ay waxqabad gumayste ahaayeen, haddana waa qayb weyn oo shineemada Soomaalida lagama maarmaan u ah sababta oo ah waxaa soo baxay filimaan badan. Sidaas darteed marka laga taariikhaynayo filimada Soomaalida ama shineemada Soomaalida waxaa loo kala qaadayaa laba qaybood oo kala ah xorriyaddii kaddib iyo ka hor.

Hawlaha wakaaladdu qaban jirtay waxay ahaayeen in ay filimada ku sameyso duubis, tifatir, ururin, baafin iyo kaydin. 1972-dii ayaa la qarameeyay wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynahana la hoos keenay. Waxaa kale oo ay qaban jirtay in ay filimada Soomaalida adduunyada gayso kuwa adduunyadana dalka usoo dhoofiso si shineemooyinka looga daawado. Filimada kala duwan ee shineemooyinka laga daawan jiray waxay Wakaaladdu ka keeni jirtay Talyaaniga, Ruushka, Masar iyo meelo kale.

Wakaaladdu hadda waxay ka mid tahay xarumaha lagama maarmaanka u ah filimada ee aan sidii la rabay u hawlgelin, weli wasaaradda Warfaafinta ayay hoos joogtaa magaceeda waa la maqlaa madaxna waa loo doortaa, hase ahaatee shaqooyin la taaban karo iyo dhaqdhaqaaq macno leh lagama haayo, sidii ay u hawlgabtay ayay iilka u jiiftaa, inta ay maqan tahaynna waxsoosaar filin oo hanaqaada iyo shineemooyin filimo lagu daawado lama fili karo.

Aabbe Ducaale wuxuu qabaa aragti ah in dhinacyada ugu horreeya ee hormarka magaalada laga qiimeeyo ay tahay in ay shineemo leedahay iyo in kale, calaamadaha koowaad ee magaalooyinka laga fiirayo shineemooyinka ayaa ka mid ah ayuu ku doodayaa. “Magaalo haddii aad maqashid waa inay shineemo leedahay, haddii ay shineemadu burburtay micnaheedu waxay tahay magaaladaas burburaa ka jiro. Tan labaad waxa kale oo aan aad uga xumaadaa marka shineemada la baddelo oo lagu baddelo dhismo kale sida ku dhacday shineemo Ecuadore oo malaha lixdan sanno camal dhisnayd lana rabay inay gasho dhaxalreebka UNESCO. Shineemo Benaadir oo kale wali way dhisan tahay oo xataa dhallinyaraa ku soo kortay illaa iyo hadda sheegata ‘Ciyaal Shineemo Benaadir’, agaagaarkeeda dhallinyaro badanoo ku soo kortay ayaaa jirta...”

Inkasta oo ay qaarkood iska caabiyeen hirarkii burburka iyo baaba’a ee kala dambeeyay, shineemooyinka Benaadir ayaa dhab ahaantii, hadda ku sugan xaalado aad u liidata. Waxaan dhihi karnaa saddex xaaladood ayay isugu jiraan:

Xaaladda koowaad: Kuwo gebi ahaanba la dumiyay oo booskoodi dhisme kale lagu beddelay magacoodi kali ahna uu jiro, shineemo Soomaaliya oo shaqaalaha ku tiil ayaa ka mid ah oo booskeedi hadda dabaq cusub laga taagayo.

Xaaladda labaad: Kuwo burbursan oo darbiyo iyo qaybo yar ka soo hareen laakiin ka nabad galay in sidii shineemo Soomalia la tirtiro. Waxaana ka mid ah shineema Misiyoone oo ka mid ah shineemooyinka ugu filka weyn magaalada Muqdisho, waxa ay ku taalla degmada Xamarwayne kasoo horjeedka dugsiga hoose ee Xaawa Taako. Wax ay muuqeeda iyo magaceeda dheer ku soo xarrakootaba hadda waa dhisme salguuray oo ay kasoo hareen uun darbiyo ciil iyo calool xumo la dumi la’.

Xaaladda saddexaad: Waa kuwo weli sidoodi u dhisan oo burbur aan aad u darnayn gaaray. Qaybtan danbe waxaa ugu horreeya shineemo Xamar (Ex Cinema Italia) waxaa la asaasay bartamaha soddomeeyada qarnigii 20aad. Waxa ay ku taallaa bartamaha qaybta qadiimka ah ee Muqdisho (aag xusuuseedka midabka cad) degmada Xamarwayne, waddada kowda Luulyo. Shineemadani waxa ay uga duwanayd dhammaan shineemooyinkii Muqdisho in ay ahayd midda kali ah ee suuragalka ahayd in la daawado habeen iyo maalin, halka kuwa kale ay habeen uun shaqayn jireen. Nuskii dambe ee qarnigii 20aad shineemadani waxaa mulkiyaddeeda la wareegay ganacsade Soomaali ah illaa 1991-diina way shaqaynaysay. Hadda xaalad ahaan waxa ay ku sugan tahay inay wali tahay dhisme muuqaal ahaan u jooga si buuxda oo xusuus leh.

Waxaa kale oo ka mid ah Shineemo Banaadir oo ahayd shineemo casri ah adeeg badanna koobsatay. Shineema heshay nashqadayn aad u cajiib ah oo aad mooddo in la isu dooray magaceeda ah “ Shineemo Benaadir” iyo dhismaheeda mar la’agga ah ee ka qotomay meel u muuqata xeebta badwaynta. Dhisme kolkaad hortimaadaba ku leh kusoo dhowow shineemadii shineemooyinka. Shineemadu waxa ay ku taal degmada Xamarwayne kasoo horjeedka bacadlaha wayn ee Xamar, sidoo kale waxa ay aad dacalka ugu haysaa isgoyska afar irdoodka. Bartamaha siddeetanaadkii qarnigii tagay shineemada waxaa iibsaday ganacsade caan ka ahaa Muqdisho iyo dalkaba wuxuuna doonay in shineemada oo ku dhextaalla suuqa ganacsiga loo beddelo baqaarro soo saara faa’iido maaliyadeed. Se xukuumaddii askarta ee berigaasi talinaysay ayaa arrintaasi ku samaysay is hortaag lagu diidayo duminta shineemadan oo ay ku sheegeen mid ka mid ah dhismooyinka aqoonsiga u ah magaalada Muqdisho. Sidaa darteed shineemada howlaheeda shineemanimo ayay sii wadatay illaa 1991-dii. Maantana marxalad ahaan haddiiba aysan kow ahayn waa ka laba shineemooyinka u badbaaday si guud dhisme ahaan. Shineema Benaadir waa shineema Benaadir weli muuq ahaan.

Saddexadaas xaaladood ayay u ku sugan yihiin shineemooyinku hadda, kuwa xaalkoodu roon yahayna goor aan dheerayn in la burburiyo oo sida Shineemo Soomaaliya booskooda wax kale laga dhiso ayaa la fili karaa, maadaama ilaa hadda uusan jirin baraarug iyo dhaqdhaaq ku aadan ilaashiga dhaxalka ilbaxnimo ee shineeooyinka Benaadir, sida oo kale ma jirto lexjeclo ku aadan shineemooyinka marka laga reebo qofaf taageera fanka shineemada oo jecel filimada, ama qofaf raacii hore ah oo la il daran waatabyo iyo mahadhada xusuusihii jamaad ee shineemooyinkii berisamaadka, kuwaas oo mar kale rajo ka qaba inay dib u bullaalaan shineemooyinkii Benaadir, kuwii hore dib ha loo kacaamiyo, iyo, ama kuwa cusub hala yagleelo.

Muhiimadda ay Leedahay Ilaalinta Taariikhda Shineemooyinka

Marka laga hadlayo nolol iyo aadane arrinkoodu wuxuu kusoo biya shubanayaa fanka iyo taariikhda, taariikhdana laba qaab midkood ayuu u meel mariyaa: in uu kaydiyo oo dhawro waa haddii uu wax qoro e, iyo in uu beylihiyo oo iska dayaco waa haddii uusan waxba qorin, qiimaha iyo mudnaanta wax kaydintana uusan dhaaddanayn sideenna. Bulshada aan wax qorin, wax kaydin oo aan dhaqankeeda iyo sooyaalkeeda ku dhaadan sida Soomaalida waxa ay mutaan wax burbur ka weyn, waxay lumisaa wax walba. Dalba hadda inta uu ku dadaalo ilaalinta soo jireenkiisa iyo tagtadiisa ayuu ka ilbaxsan yahay kana nolol hagaagsan yahay ka aan tagtadiisa daryeelin oo lumiya. Waddanku markii uu kala daatay waxaa baylahay shaqadii ay dawladdu dadka u haysay oo ilaalinta ilbaxnimada ummadeed ugu horrayso, waxaana ay hawshaasi kusoo noqotay shacabkii, shakhsiyaad iyagu is diray ayaa muggaas u qalab qaatay inay sooyaalka dadka iyo wixii ay heli karaan meel dhigaan, sidaas oo ay tahay haddana wax badan oo taariikh iyo farshaxan ah ayaa daafaha kala duwan ee dalka lagu baabi’iyay caasimaddu haba ugu darnaatee.

Muhiimad aad u weyn ayay leedahay in si guud taariikhda iyo hantida ummadeed la ilaaliyo, shineemooyinkuna waa hantida ummadeed ee sida gaarka ah in loo ilaaliyo loona dhawro ay tahay, waayo haddii ay burburto ama ay dayacanto da’dii dhistay iyo tan ka dambaysa labadaba khasaare nololeed ayaa ku dhacaya, waxayna mudanayaan ayaandarro aan laga soo waaqsan. Taariikhda shineemadu waa waxa abuura in ay soo kacaan jiil dhan oo u heellan mudnaansiinta arrimaha shineemada iyo ka shaqaynta danaha bulshada, mar kasta shineemadu waxay soo saartaa fac cusub oo u diyaarsan in ay bulshada wax ku biiriyaan.

Cid walba oo danaysa ama uu macno u samaynayo sooyaalka shineemadu waxaa ay ku qasban tahay in aysan oggolaan in ay taariikhda shineemadu si fudud faraha uga baxdo ama boorku qariyo taariikhdaas oo ugu horrayso tan shineemooyinkii Benaadir. Si gaar waxaa arrinkaas shineemada iyo xifdinta taariikhdeeda u xill saaran saddex hay’ad dowladeed: Akadeemiyadda Cilmiga Fanka Iyo Suugaanta Soomaaliya, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wakaaladda Filimada Soomaaliya.

Wajiga hore Shineemo Soomaaliya, Muqdisho. Sawirka waxaa qaaday Ato Shaair

Caqabadaha hor taagan dib-usoo-noolaynta shineemooyinka.

Haddii aan dib u milicsanno xilligii ay shineemooyinku hanaqaadeen sida dalku ahaa dadkuna u fekeri jireen, dhaqanka iyo diinta ula noolaayeen, kaddibna aan xaalka maanta jira ku dhererinno, hubaal, waxaa noo soo doona farqi aad u weyn. Marka soo nooleynta shineemooyinka Benaadir waxaa ku horgudban caqabado aan la sahashan karin, kuwaas oo isugu jira kuwo dawladeed, kuwo dhaqan, kuwo farsamo iyo kuwa dhaqaale oo waqtiga iyo isbeddelka bulshada ku dhacay ay keensadeen.

Caqabadaha ugu waaweyn ee soo noolaynta shineemooyinka ka hor istaagsan kuwaasoo berigii hore bulshadu ka bedqabtay dhawrkan ayaa ugu mudan:

Amni Xumo guud: Xasillooni darrada ka jirta dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo jiritaanka kooxaha xagjirka ah ee diineed oo marwalba kulamada dadweynaha, oo shineemooyinka ku mid noqon karaan khatar ku ah, waa sabab weyn oo diidaysa in dib loo furo xarumo bulshada iyo dhaqankeeda wax badan u tari lahaa oo horay u xirmay. Sida caadiga ah goobaha madaddaalada iyo baashaalka oo ay barbaartu isugu yimaaddaan waxay ku eegaan indho iin raadis ah, inta badanna way bartilmaameedsadaan oo argagixiyaan. Haddaba khalalaasuhu waa caqabad ku horgudban soo noolaynta shineemooyinka, sida uu qabo Axmed Maxamuud Dhicisow amni xumadu waa qodobkii ugu weynaa ee sababta u ahaa in ay shaqada shineemooyinku gabi ahaanba joogsadaan, tiina wali way jirtaa oo waa ta naga hortaagan in dib loo furo goobihii murtida iyo madadaalada, shineemaduna ugu mudan tahay, dhab ahaantii tanina waa rajo xumo aad u weyn.

Wacyixumo Bulsheed: Mad-habkii Carbaha lag soo waariday ee sagaashanaadkii wixii ka dambeeyay Soomaalida lagu aafeeyay wax kasta ayuu dhalanrogay bulshadiina wuxuu u bahalo geliyay waxyaabo badan oo noloshooda kaalin weyn ku lahaa. Wuxuu dadkii qalin ugu saxiiay in shineemooyinka lagu faafiyo dhaqamada reer Galbeedka oo u badan kuwo akhlaaqda ka soo horjeeda, tan oo keenaysa diidmo iyo gadood dhaqan. Dhanka kale, sannado badan oo colaado ah oo bulshada dheeh iyo dareen tiray ayaa sidoo kale sababay in bulshadu xoogga saarto dhaqanka iyo diinta sabatoo ah golihii madadaalada iyo nasiinada laga helayay ayaa duulkii wareersanaa ee soo galay ka mamnuucay. Qodobkani wuxuu muujinayaa sida wacyiga bulshada u gaddoomay hoosna ugu dhacay, waxayna joogaan heer ay khalad u arkaan in la furo goobihii madadaalada iyo cawaysyada. Dhicisow oo Isbarbardhig ku samaynaya bulshadii hore iyo tan hadda jirta, wuxuu tilmaamayaa in shalay boqolkiba lixdan dadku ku hawllanaa oo ku shuqlanaa noocyada kala duwan ee maaweelada iyo ciyaaraha, oo ay ugu mudan yihiin fanka iyo suugaanta, farshaxanka iyo faallaynta nolosha, booqashada xeebaha iyo tamashlaynta, sidaas darteed ay dadku iska faraxsanaayeen nolosha iyo guud ahaan abuurtana xushmada iyo qaddarin laabta ugu hayeen, halka maatana boqolkiba siddeetan bulshadu isku qeexday mid diineed oo xeerarka diinta u hoggaansan, waa wax wanaagsan in mujtamacu diintiisa barto, hase ahaatee waxaad mooddaa in maanta wax walba afka baarkiisa yihiin, waayo dadku shalay ayuu qurux iyo qaayo badnaa waana markii uu waxa ka dhexeeya wada ilaashanayay iyaga oo aan diinta ku awr kacsan.

Maqnaanshaha Kaabayaasha Dhaqaale: Dagaalladii sokeeye ayaa burburiyay kaabayaasha dhaqaale ee dalka lagama maarmaanka u ahaa, kuwaasoo shineemooyinku ku jiraan. Sida aan ognahaynna dhisidda kaabayaasha dhaqaale ee waddan Soomaaliya oo kale ka soo kabanaya colaado iyo caqabado dhaqaale, waxay u baahan tahay istiraatijiyad dhammaystiran oo ay ku lug leeyihiin dhinacyo badan oo is kaashanaya. Marka Wax ka qabashada arrimahan waxay u baahan doontaa dadaallo isku dhafan oo ay door ku leeyihiin ganacsiyada gaarka loo leeyahay, maalgashadayaasha caalamiga ah iyo dawladda intaba, si dib loogu dhiso kaabayaasha, loo xasiliyo amniga, loona abuuro jawi dhaqan iyo dhaqaale oo taageeraya dib-u-furista tiyaatarrada filimada.

Duruufaha Dhaqaale: Inkastoo dhaqaalaha Soomaaliya uu soo hagaagayo, haddana wali waxaa jira caqabado badan oo dhaqaale. Heerarka saboolnimada iyo shaqo la’aanta ayaa sarreeya, taas oo adkeyneysa inay dadweynaha caadiga ah awoodaan tikidhada shineemada. Sidoo kale, maalgashadeyaashu ma arkaan in faa’iido weyn oo ka soo bixi karto furitaanka shineemooyinka sababo la xiriirta hoosaynta dhaqaale iyo sida aan soo sheegnay guud ahaan wacyiga bulshada oo xumaaday misana xirxirmay. Shineemadu waa bulshada, marka waxaa qasab ah markaan aan ka fekeraynno in shineemooyinkii Benaadir la soo nooleeyo aan il gaar ah ku eegno in wacyiga bulshadu yahay mid fayow oo quruxda iyo wanaagga u heellan isla markaana u diyaarsan inuu dhaqaale u huro.

Tiknoolajiyadda Casriga ah: Koboca aaladaha internetka iyo helitaanka sahlan ee madadaalada dijitaalka ah ayaa yareeyay baahida loo qabo shineemooyinka. Dad badan ayaa la qabsaday inay ku daawadaan filimada guriga, taleefankooda ama dhallada qolka ugu dhegsan halkii ay shineemo aadi lahaayeen, taasoo sii adkeyneysa soo noolaynta shineemooyinka. Caalamka, horumarka tignoolajiyada iyo intarneedka ayaa si weyn u bedelay qaababkii hore madadaalada, iyagoo siinaya daawadayaasha siyaabo ku habboon, ay awoodi karaan, aadna u fudud oo filimada loo daawado. Axmed Maxamuud Dhicisow ayaa mar kale qodobkan noo iftiiminaya:

“Haddii ay shalaytoole ahayd shineemady mid darbiga daawashadiisa lagu qasban yahay maanta xaaladda shineemada aad bay uga duwan tahay xaalkii shalaytoole, oo waata qof waliba uu gacanta iyo jeebka ku sito aalad casri ah, taasoo daawadaha u sahashay in xilligii uu doono iyo wixii uu doono uu daawan karo dhib la’aan, qodobkaasna wuxuu meesha ka saaray ama yareeyay ahmiyaddii shineemada tooska.”

Marka shineemooyinku waa in ay la yimaadaan waxtar dheeraad oo uusan helin karin qofku marka uu keligiisa gurigiisa filinka ku daawanayo. Waa in uu jiro hal-abuur dheeraad ah oo dadka usoo jiida in ay shineemooyinka si joogto u soo booqdaan, inkastoo aysan marnaba isku mid noqon karin shineemada iyo aaladaha kale ee sida gaarka ah dadku wax uga daawadaan, sababtoo ah qofku marka uu shineemada dhex fadhiyo ee dhallada ballaaran iyo codgudbiyaasha onkodka la moodo dhegihiisu maqlayaan wuxuu helaa khibrad iyo xiiso dheeraad oo aanay aaladaha kale lahayn. Dhanka kale, degaanka tiyaatarka wuxuu yareeyaa mashquulinta, taasoo suurtogal ka dhigaysa daawashada aan hakad lahayn. Waxaa kale oo uu la gaar yahay khibradda daawasho wadareed ah, sida qaalibka ahna daawashada wadajirka ahi waxay xoojisaa xiriirka iyo ka-qaybgalka bulshada..

Yaraanta Hal-abuurka Shineemeed: Xiisaha loo qabo filimada Soomaalida wuu sii kordhayaa sannadba sannadka ka danbeeya, shirkadaha filimada ee maxalliga ahna hadda waa ay kobcayaan oo dhaqdhaqaaq ayaa laga dareemaya haba iska tabar darnaadeene. Aqoondarrada ku geedaaman waxsoosaarka shineemeed ee gudaha iyo maalgelin la’aanta filinsameyaasha ayaa keentay yaraanta filimada maxalliga ah, kuwaas oo muhiim u ah sii socoshada shineemooyinka. In shineemada gudaha waxsoosaarto waxay dalbi kartaa baahida weyn ee loo qabo goobo wax lagu daawado sida shineemada. Dhanka kale, xeerarka dawladda ama shuruucda faafreebku waxay keensanayaan caqabado dheeraad ah. Waxaa dhici karta in dawladdu soo rogto xaddidaad ku saabsan noocyada filimada la daawan karo, taas oo yarayn doonta xorriyadda hal-abuurka, una diidaysa filimsameeyayaasha iyo mulkiilayaasha shineemooyinka inay u bareeraan khataraha la xiriira soo bandhigga hal-abuur cusub iyo ka run sheegidda waaqica jira.

Caqabadahan kooban ee aan soo sheegnay oo isku sidkan iyo qaar kale oo ka madax bannaan ayaa hor taagan in shineemooyinka dib boorka looga jafo lana soo celiyo, si looga gudbana waxay u baahan tahay isxilqaan iyo dadaal badan oo dawli ah iyo mid aan ahaynba, ilaa haatanna ma aragnno wax isku day ah ama xataa qorshe ku aaddan in goobahaas shaqada lagu soo celiyo. Haddaba, si loo soo nooleeyo shineemooyinka Benaadir waxaa biyo kama dhibcaan ah in la xalliyo caqabadahan is biirsaday iyada oo loo marayo baraarujin bulsheed, maalgelin dawladeed iyo mid caalamka ahba, dhanka kalena la taageero hal-abuurayaasha maxalliga ah si ay u soo saaraan filimo la jaanqaadi kara bulshada.

Kaalinta hay’adaha dawliga ah:

Dawladda waa cidda dhismayaashi hore gacanta ku haysa islamarkaana ku shaqo leh in ay taariikhda sii dhimanaysa ee bulshada badbaadiso sideediina ku soo celiso, sidaas darteed waxay bixin kartaa maalgelin ballaaran si loo dayactiro shineemooyinka loona hubiyo inay yeeshaan qalab casri ah oo soo jiidanaya dadweynaha. Waxay dejin kartaa siyaasado dhiirrigelinaya horumarinta hawlaha la xiriira keenista iyo samaynta filimada, sida cashuurdhimista iyo taageeridda sameeyayaasha filimada gudaha ah. Waxay abuuri kartaa barnaamijyo garab istaag ah oo diiradda saaraya soo nooleynta dhaqanka iyo fanka habaasku qariyay, waxayna shineemooyinka ka dhigi karaan goobo muhiim ah oo lagu horumariyo dhaqanka bulshada.

Dhanka kale, dawladdu waxay dhiirrigelin kartaa dadka ku hawlan fanka iyo filimada, iyada oo tababarro iyo shaqooyin cusub abuuraysa si ay warshadaha filimada u kobciyaan. Waxay xiriir la sameyn kartaa haayado caalami ah si ay taageero dhaqaale iyo farsamo ugu helaan shineemooyinka, sidoo kale waxay soo jiidan kartaa maalgashadayaasha caalamiga ah.

Dawladdu waxay kaalin muhiim ah ka ciyaari kartaa soo noolaynta shineemooyinka Benaadir iyada oo dejinaysa siyaasado taageeraya fanka, abuuraya fursado shaqo, islamarkaana bixinaya taageero dhaqaale oo joogto ah. Tallaabada ugu mudan oo ay qaban kartana waa in ay wakaaladda filimada hawlgelisaa si ay hawlahan u daadihiso.

In dib loo soo nooleeyo shineemooyinkii Benaadir ee berisamaadkii la jeclaa ilaa haddana magacyadoodi, goobohoodi iyo qaab dhismeedkoodii bilicda magaalada qurxinayay la xasuusto dhab ahaan ma fududa. Soo nooleyntu, horta, laba qaab ayay noqon kartaa, mid hay’adaha dawliga ah ayaa go’aan ka gaari midna hay’adaha aan dawliga ahayn. Qaabka koowaad ee hay’adaha dawligu qaraarkeeda leeyihiin waa in ay dayactir iyo maalgelin ku sameeyaan dhismayaashi hore ee shineemooyinku lahaayeen inta weli gacanta dawladda ku jirta dibna loo shaqo geliyo. Qaabka labaad ee hay’adaha aan dawliga ahayn ka go’a waa in ay iyagu iibsadaan dhismayaasha kaddibna iskood u dayactiraan, ama in ay kuwo cusub oo magacyadii hore sita magaalada ka asaasaan.

Su’aal is waydiin mudan ayaa jirta oo ah: Ma shineemooyinka Benaadir ee taariikhda iyo bilicda lahaa ayaan u baahannahay mise shineemooyin cusub oo aan filimo ka daawanno? Dabcan labadaba, waxse mar walba la doorbidayaa tan hore oo xasuusta iyo sooyaalka dadka iyo dalka saamayn aan guurin ku yeelatay. Mar waxay noqonayaan goobo xasuus ah bulshaduna ku dareento xasillooni kuwaas oo ka marqaati kacaya maalmihii qalloocnaa ee la soo wada maray, marna magaalada ayaa ku baraari doonta oo hawlbolayaasheedii muuqeeda iyo qosolkeeda biliyay ayaa la soo celiyay.

Kaalinta hay’adaha aan dawliga ahayn: Isbeddelka filin daawashada shalay iyo maanta.

Hay’adaha aan dawliga ahayn waxay awoodaan in ay dhiirrigeliyaan dadka deegaanka si ay shineemooyinka u arkaan inay yihiin meel faneed iyo is-dhexgal bulsho oo lagama maarmaan ah. Waxay qaban karaan ololayaal wacyigelin ah oo ku saabsan qiimaha fanka iyo madadaalada bulshaduna baraya in ay tahay tan ugu weyn ee ka faa’iideysaneysa madadaalada, dhaqanka, iyo is-dhexgalka ay shineemooyinku la imaanayaan.

Hay’adaha aan dawliga ahayn, dhanka kale waxay itaalsiin karaan shirkadaha iyo shakhsiyadaha gudaha ee ku hawllan soo saaridda filimaada bulshada nolosheeda iyo jiritaankeeda ka turjumaya, arrinkani oo shineemooyinka ka dhigaya meel muhiim ah oo lagu soo bandhigo fanka iyo dhaqanka degaanka, waxaana hadafkaa la xaqiijin karaan marka haayadaha aan dawliga ahayn u kacaan maalgelinta mashruucyada yaryar ee baraarugga bulshada iyo taageeridda filinsameyaasha. Ugu dambayn, waxay xiriir la sameyn karaan bulshada caalamka, waxay abuuri karaan xiriirro dibadda ah oo taageero dhaqaale iyo farsamo u keeni kara shineemooyinka, iyagoo filimada gudaha lagu sameeyay gaarsiinaya suuqyada caalamiga ah. Taageerada iyo maalgelinta haayadaha aan dawliga ah iyo kuwa ahaynba waa laf-dhabarta qorshahaan si loo xaqiijiyo dib-u-soo-noolaynta shineemooyinka Benaadir.

Shineemo Xamar 1958-dii.

Waxaa qaaday Todd Webb

Tobankii sano ee ugu danbeeyay qarnigii labaatanaad filin daawashada Soomaalida wax badan ayaa iska beddelay waji cusub ayayna yeelatay. Filin daawashada kali ah ma aha waxa isbeddeku ku dhacay ee noocii filin ee la daawanayay, goobihii laga daawanayay iyo sidoo kale kooxdii gacanta ku haysay ayaa isbeddelay. Waxaana halkan ka billaaban doonta marxaladda labaad ee filin daawashada Soomaalida taas oo yeelatay tilmaamo cusub oo kii hore dhan walba uga duwan islamarkaana ka madax bannaan maamul dawladeed iyo xurumaheedii filimada keenayay oo qaybinayay.

Markii hore filimadu waxa ay ahaayeen Hindi iyo Talyaani, mararka qaar ayaa kuwo Inigiriis soo raaci jiray. Ma aysan jirin wax turjumaad ah, haddi aadan Talyaaniga ama Hindi aqoonna adigiyo iyo yeelkaa ayuu xaalku ahaa. Filimada wakaaladda filimada ayaa dalka keei jirtay, wasaaradda Warfaafinta ayaana qaybin jirtay iyada oo la faafreebayo. Laakiin kaddib markii kalahaadku dadka iyo dalka ku habsaday waxaa meesha ka baxay filimadii Talyaaniga ahaa oo dawladdii la tegay, waxaa meesha ku soo haray Hindigii, oo markaan afka Soomaaliga loo turjumayo. Goobaha shineemo ahaan wax loogu daawan jiraynna waxay ahaayeen qol wayn ama meel obasiibo ah oo dhismaheedu wada laamiyeeri yahay. Sidoo kale doorkii wakaaladda filimada waxaa buuxiyay rag isu tegay oo aqoon u leh afafka Urduuga iyo Hindiga. Dhan kale ma aysan jirin wargayso lagu qoro filimada toddaabaadka markaas lagu jiro iyo kan xiga la daawanayo, taas beddelkeeda kaartada filinka ayaa darbiga shineemada lagu sii dhejin jiray qof walbana halkaas ayuu ka eegan iiray.

Dhanka kale, wajigan cusubi waa mid u gaar ah dhallinyarada siiba wiilasha inta badan, waayo dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ee samaysmay gabdhaha uma oggolayn in ay soo baxaan oo ay dhiggooda la soo hasaawaan ama maqaayadaha kula soo caweeyaan, waayeelkuna hawlaha iyo duruufaha nolosha ee dagaallada sokeeye iyo burburku kusoo faruureen sidii ay u maarayn lahayeen ayay u heellanaayeen oo daawasho filin iyo shineemo xoog uma helin, tan oo muujinaysa isbeddelka ballaaran ee guud ahaan bulshada iyo filin daawashada ku dhacay.

Ugu danbayn, horraantii qarnigan cusub haddana mar kale ayaa filin daawashada Soomaalida isbeddel ku dhacay. Waxaa saamayn ku yeeshay tiknolojiyadda oo suuraggelisay in shineemooyinku meesha ka baxaan, reer kastana aqalkiisa telefisyoon soo dhigto, qofkii aan haysanna uu taleefankiisa ka daawado, sidoo kale waxaa hoos u dhac badani ku yimid turjumaaddii filimada oo tayo ahaan daciiftay. Si kastaba, xilligan la joogo tiro badan oo bulshada Soomaalida ka mid ah ayaa weli la haysta filimada Hindiga ah iyo kuwa Turkida ee la soo turjumo, waxaa sidoo kale jirta koox lakabka aqoonyahanka ah u badan oo danaysa shineemada caalamiga ah, siiba ta Faransiiska, Talyaaniga, Eeshiyada bariga fog, iyo dabcan Hooliwuudka. Waxaa waliba la dhihi karaa, marka loo fiirsado hadalhaynta baraha bulshada iyo bogagga filimada ee sii kordhaya, lakabkani waa mid koraya oo laga yaabo inuu qayb ka noqdo kacaan shineemo oo suurtogal ah, waa haddii aan niyadsamaanno.

Jantaaroganta habtebinteed

Shineemada iyo Fanka Qorista

Dabacsanaanta

habtebinteed iyo suugaanta Qorista Muuqaalka

Dabacsanaanta iyo qoddadheeraanta aflaanta

Taariikh iyo Tusaalayn

Jantaaroganta

ee Pulp Fiction

Jantaarogantahabtebineed

Quentin Tarantino ma ahan filinsameeye loo tilmaami karo sida uu filinkiisa u samaynayo. Waxa uu caan ku yahay jaadadka filin ee kala duwan, wadahadallada aan lala gabban, abbuuridda habab sheekotebin oo isaga gaar u ah. Tan iyo markii uu tallaabaqaaday, waxa uu si weyn u saameeyay shineemada casriga ah. Filinkiisa saddexaad, “Pulp Fiction,” oo la baahiyay 1994-tii, ayaa ah albaabka madxafka looga booqasho tago farshaxankiisa, waa sheeko qasan oo koobsanaysa dhawr jaad shineemo (genre) oo jabinaysa dhammaan hababka kale duwan ee sheekatebinta soojireenka ah. Waxqabadyada filin ee Tarantino waxay dib u qaabeeyeen muuqaalsamaynta casriga ah, hababka sheekatebinta iyo horumarinta shakhsiyadaha filinka.

Farsamooyinkii habtebineed ee ka horreeyay Tarantino

Tarantino iyo hortiisba, shineemadu waxay u seetaysneed habtebinta sheeko ee toosan, waxaan ugu yeeri karnaa habtebinta saddexda jaranjaro ee ah: gogolxaar (setup), loollan (confrontation), iyo hoobasho (resolution). Filimaan ay ka mid yihiin kan Hitchcock ee Psycho (1960) iyo kii Coppola ee The Godfather waxay ahaayeen kuwo raacay habtebinta toosan. Habtebintan waxay sahlaysaa qulqul sheeko isku xiran iyo sabab/cause iyo saamayn/effect, taas oo ka dhigaysaa filinka mid daadihiya daawadaha.

Si kastaba habtebinta qasan ma ahayn mid lagu baraarugay dhawanahan, Orson Welles filinkiisa Citizen Kane (1941) waxa uu isticmaalay farsamooyinka dib-umilicsiga si uu inoo ku tebiyo sheekada shakhsiyadda koowaad, halka uu Akira Kurosawa filinkiisa “Rashmon” (1950) uu hal dhacdo u soo bandhigayo qaabab kala duwan. Isaga oo shaki inaga galinaya runta laga midaysan yahay. Tusaalooyinkan iyo kuwo kale kaleba oo lagu dhisay habtebinta qasan waxay ahaayeen kuwo aan la daraasayn oo aan saamayn weyn ku yeelan wacyiga shineemo iyo xiisaha daawadaha oo ahayd sababaha filinka loo sameeyo.

Socodbarashadii habtebinta qasan Qaabdhismeedka seddexda-jilliin ee sheekada

Dib-u-soo-noolaynta habtebinta sheeko ee qasan bilowgii sagaashameeyadii waxay ahayd ififaalo isbeddel weyn leh oo ku soo foodlahaa farsamooyinka habtebinta, waxaa hormuud u ahaa filinsameeyayaal madaxbannaan sida Quentin Tarantino. Filimkiisii Reservoir Dogs (1992) oo masraxa la yimid sheeko kabkab ah oo xoojinaysa xiisadda, sidoo kalena tartiib daaha kor uga qaadaysa sheekada iyo danaha shakhsiyaadka. Wixii la sugaba waxaa yimid Pulp Fiction (1994) oo isku xiraya sheekooyin badan oo kala jaad ah lagu soo bandhigayna qulqul dhexyaac ah. Qaab dhismeedkan cusubi maaha kaliya mid soo jiitay daawadayaasha balse waxa uu sidoo kale dib u qeexay sida halabuurka leh ee sheekooyinka shaashadda loogu sawiri karo.

Filinka Tarantino waa udbo iyo dhigo kala daadsan oo ay tahay in daawaduhu wada uruuriyo si uu u dhisaan aqal sheeko oo macne leh. Habkani kaliya kama qayb qaadanyo falkinta sheekada ee sidoo kale wuxuu fursad siinayaa in daawaduhu sahmiyo lakabyada kala duwan ee sheekada iyo baxaalliyadeeda. Filinku waxa uu noqday hir ay ka dabqaateen agaasimayaal ay ka mid yihiin Christopher Nolan iyo Alejandro González Iñárritu, kuna tijaabin doonaan shaqooyin farshaxan ay ka mid yihiin Memento (2000) iyo filinka Inarritu’s ee 21 Grams ( 2003).

Sheekatebinta toosan

Habtebinta toosan waa mid ka mid ah noocyada sheekatebinta ee dhaqan galay looguna isticmaalka badan yahay. Waxa lagu aqoonsadaa qulqulka silsiladda isdaba-joogga ah, halkaas oo dhacdooyinka si is-dabajoog ah daaha looga faydayo, qaab taxane ah, ku billaabmaya gogolxaar, u gudbaya xiisad’abuur, kuna dhammaanaya cirbax iyo hoobasho. Habtebinta noocan ahi waxa ay salka ku haysaa qaab-dhismeedka saddexjilliinka sheekada ee soojireenka ah, kaas oo qarniyo badan saldhig u ahaa sheekatebinta.

Nidaamkan sheekatebineed waxa uu sheekada u qaybinaya seddex jilliin oo kala ah: gogolxaarka, loollanka iyo hoobashada. Qaab-dhismeedkani waxa uu lamahuraan u yahay sheekada toosanta ah, maadaama uu sheekada ku geeddiyaynayo dhabbe aan laga habaabi karin, iyada oo la xaqiijinayo in daawaduhu ahaado mid feejigan oo si sahlan ula socon kara horumarka dhacdooyinka. Habkan waxaa caan bixiyay Syd Field oo sanadkii 1979 ku soo bandhigay buuggiisa Screenplay: The Foundations of Screenwriting, isagoo ku dooday in ay habboon tahay in masraxiyad kasta ay yeelato bilow, dhex iyo dhammaad.

1. Jilliinka koowaad: Gogolxaar: Jilliinka ugu horreeya waa golafurka sheekada, waa halka aan ku baranayno shakhsiyaadka ugu muhiimsan, goobta, loollanka iyo iskudhaca. Daawaduhu waxaa la siinayaa xogta muhiimka ah ee ka caawinaysa fahanka dulucda iyo sheekada guud ee filinka. Gogolxaarku wuxuu inta badan ku soo gabagaboobaa dhacdo dhiirrigelin iyo rajo, waa dhacdo muhiimad gaar ah leh oo looga dan leeyahay in ay daawadaha iyo shakhsiyaddaba ku riixdo khilaafka dhextaalka ah ee filinka bartankiisa, waxayna baaq u tahay in jilliinkii koowaad dhammaaday oo loo gudbay jilliinka labaad.

2. Jilliinka labaad: Loollan: Jilliinka labaad waa qaybta ugu dheer uguna cakiran sheekada. Qaybtan, shakhsiyaddu waxa ay wajahaysaa caqabado iyo hirdan isdabajoog ah oo sii hurinaya halganka udubdhexaadka ah. Fanashada figta ee daqiiqad walba cirka isku sii shareeraya waxa uu abuurayaa xiisad lagu tilmaami karo miino muddaysan, taasina waxay horseedaysa cirbaxa sheekada. Qaybtan ayaa muhiim u ah oo looga faa’idaysan karaa horumarinta shakhsiyaadka, waa daqiiqadaha xiisaha badan ee tijaabinaya go’aannada shakhsiyaadka ee horseeda korriin shaqsiyadeed ama isbeddel.

3. Jilliinka seddexaad: Hoobashada: waxa uu sheekada ku soo uruurinayaa xerada gunaanadka waana . Dhammaadka, oo ah barta ugu kulul ee sheekada, ayaa qaybtan dhacaysa, halkaas oo shakhsiyaddu si toos ah ula kulmayso natiijada iska hor imaadka ama khilaafka qaybta dhexe. Cirbaxa ka dib, sheekadu waxay u gudubtaa marxaladda hoobashada, halkaas oo cidhifyada dabacsan ee silsiladda la isaga gunto, hoobashadu waxay daawadayaasha u abuurtaa dareen gabagabo , markay arkaan cawaaqibka ficilada shakhsiyaadka iyo natiijada kama dambaysta ah ee sheekada.

Habtebinta sheeko ee toosan ayaa caan ah oo isticmaalkeeda la doorbidaa maadama ay fududahay in la raaco. Xiriirada sababta iyo saamaynta ee sheekatebinta toosan waxay u oggolaanaysaa daawadayaasha inay la socdaan sida dhacdo kasta u go’aamiso tan xigta, taas oo ka dhigaysa horumarka dulucda mid maangal ah oo la saadaalin karo. Saadaashani waxay noqon kartaa mid loo riyaaqo, maadaama ay la jaanqaadayso habka ay dadku sida dabiiciga ah u quutaan meertada iyo dhacdooyinka maalinlaha ah ee noloshooda.

Waa maxaysheekohabtebinta ee qasan?

Habkan, qulqulka sheekadu waxa uu u kala daadsan yahay sida tusbax la furay. Jaranjarada xigta ee aad cagta saaraysid kama war haysid halka ay jirto. Habkani wuxuu u oggolaanayaa filinsameeyaha in uu sheekada u soo bandhigo muuqaallo aan isku tolnayn oo kala daadsan isaga oo adeegsanaya farsamooyin ay ka mid yihiin; Dib-u-milicsi, hor-u-milicsi iyo sheekooyin aan is khusayn oo is garab socda. Marka laga dhex saaro dareenkii baraarug ee qulqulka, waxaa daawadaha u abuurmaya jawi murugsan oo lakabaysan, sidoo kale waajib baa koraya oo hadda waxa uu masuul ka yahay qaabkii uu muuqaaladaan aan midna kan kale ku xirnayn uga abuuran lahaa sheeko dhamaystiran oo macne samaynaysa.

Pulp Fiction, Tarantino waxa uu ina la wadaagayaa labo saacadood iyo bar isku dhex yaacsan oo ka kooban saddex sheeko, waa Vincent Vega iyo Mia Wallace, baxsadka Butch Coolidge, iyo baraaruga akhlaaqeed ee Jules Winnfield. Sheekooyinkani waa kuwo isku xiran, balse looma soo bandhigin sida ay u kala horreeyaan. Taa baddalkeeda, Tarantino wuxuu u habeeyay dhacdooyinka qaab xiiso leh oo kor u qaadaya mawduucyada, nuxurka iyo horumarinta shakhsiyaadka, taasoo ka dhigaysa sheekada mid soo jiidasho leh laakin aan maangal ahayn marka aad ku daawatid aragtida sababta iyo saamaynta.

Sumadaha lagu baadisooco habtebinta qasan

Waaxyaynta sheekada:

Saddex sheeko oo kala duwan, haddana mid kasta ma lahan silsilad gaar ah, waxaad mooddaa in aad daawanayid xasuuso ama riyo kala daadsan. Golafurku (opening scene) waa dhaca maqaaxida, sidoo kalena waa cirbaxa filinka oo gabagabada filinka ka soo muuqan doona. Daawashada noocaan ah waxay daawadaha ku khasbaysaa in uu feejignaado oo ku baraarugsanaado muhiimadda uu leeyahay muuqaal walba maadama ay waajibkiisa tahay isku xirka dulucda. Tarantino waxa uu sidoo kale adeegsanayaa kaarar lagu calaamadiyay ciwaannada qaybaha kala duwan ee filinka sida; Vincent Vega iyo xaaska Marsellus Wallace iyo Saacadda dahabiga ah. Habkani wuxuu u saamaxayaa daawadayaasha in ay la socdaan dhacdada ay daawanayaan iyo sida ay qayb uga tahay qolofta guud ee sheekada.

Rakib sheeko oo isku lingaxan

Filinku waxa uu si wadajir ah isugu tolayaa sheekooyinka dhowr shakhsiyadood, qandaraaslayaasha Vincent Vega (John Travolta) iyo Jules Winnfield (Samuel L. Jackson), feedhyahan Butch Coolidge (Bruce Willis), iyo xaaska jirriga weyn ee Mia Wallace (Uma Thurman). Sheekada shakhsiyad walba waxa ay si aan la saadaalin karin ugu xirmaysaa sheekada shakhsiyad kale, iyadoo muujinaysa shabakad qasan oo sababta iyo saamayntu isku xirayso.

Tusaale ahaan, caweyska Vincent iyo Mia waxay u horseedaydsaa isticmaal maandooriye oo xad-dhaaf ah, taas oo saamaynaysa xiriirka uu la leeyahay Marsellus Wallace (Ving Rhames). Go’aanka Butch ee ah in uu dhabarka ka toogto Marsellus oo uu ka baxsado magaalada waxa uu soo faragelin doonaa doonista Vincent iyo Jules, wuxuuna ku soo dhammaan doonaa iska hor imaad rabshad wata. Rakibyadan isku xiran waxay kobcinayaan cakirnaanta filimka, iyagoo muujinaya sida uu falka shakhsigu u yeelan karo cawaaqib baahsan.

Horumarinta shakhsiyaadka

Habtebinta aan tooska ahayn ee Tarantino waxay si qoto dheer u saamaynaysaa horumarinta shakhsiyadaha; baxaalliga Vincent Vega waxaa lagu soo bandhigayaa is-dhexgal iyo dhacdooyin kala duwan, kuwaas oo aan loo soo bandhigin siday u kala horreeyeen. Xidhiidhka uu la leeyahay Mia Wallace, qabatinkiisa maandooriyaha, iyo iskaashiga uu la leeyahay Jules Winnfield waxa lagu muujinayaa muuqaalo kala duwan oo haddana isku xiran. Habkan aan tooska ahayn wuxuu u oggolaanayaa daawadayaasha inay si wada jir ah u uruuriyaan shakhsiyadda iyo doonista Vincent, taas oo ka dhigaysa shakhsiyaddiisa mid aad u kakan oo xagalkaarag badan leh.

Isbeddelka Jules Winnfield waxa uu tusaale kale u yahay sida ay habtebinta sheeko aan tooska ahayn uga qayb qaadato horumarinta shakhsiyaadka. Isbaddelka Jules wuxuu ku bilaabmaya nin arxan laawe ah, wuxuuna ku soo gebogeboobaya saahid falalkii hore iska mayraya. Isbeddelkan waxa uu Tarantino kusoo bandhigaya “golatuska Bonnie”, halkaas oo uu Jules kula kulmayo dhacdo geeri ku dhow, sababi doontana inuu qaato go’aankiisa inuu ka tago nolosha dembiga. Marka sidaan oo kale loogu muujiyo shakhsiyadda qaybo kala duwan oo sheekada ka mid ah, Tarantino waxa uu abuurayaa shakhsiyad sheekadeedu hodan tahay sidoo kalena soojiidasho leh.

Nuxurka Qaddarka iyo jaaniska badbaadada

Shakhsiyadaha Pulp Fiction waxay badanka la kulmi doonaan dhacdo weyn, laakin kedis ah, oo noloshooda u jihayn doonta dhabbo cusub, iyagoo faallo ballaadhan ka bixinaya iskudaadsanaanta nolosha. Habtebinta filinku waxay xaqiijinaysaa in aan la saadaalin karin dhacdooyinka iyo sida ay isaga hor imaan karaan qaabab lamafilaan ah.

Isbarbardhig kooban oo ku saabsan habtebinta toosan iyo tan qasan

Habtebinta toosan waa mid hufan oo sahlan , waxayna daawadaha u fududaynaysaa in uu la socdo sheekada iyo doonista shakhsiyadaha. Habtebinta tooska ahi waxay ku habboon tahay sheeko qulqul toosan, waxayna wax ku ool u tahay dhisidda xiisaha iyo qarsoonaanta marka ay sheekadu tahay mid dhacdooyinkeedu yihiin kuwo si isdaba yaal u horumaraya. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay mararka qaarkood ka marnaan kartaa kakanaanta iyo qotodheeraanta lagu yaqaan habtebinta qasan, iyadoo xaddidaysa fahanka suuragalnimada sheekada cakiran iyo korriimada shakhsiyadaha.

Habtebinta qasan waxay ku xujeeynaysaa daawadayaasha inay si firfircoon ula falgalaan sheekada, iyaga oo uruurinaya sheekooyinka kala daadsan sidoo kalena fahmaya xiriirka ka dhexeeya dhacdooyinka. Habkani wuxuu abuuri karaa xiiso, waxa ay ku habboon tahay marka ay shakhsiyaada sheekadu yihiin kuwo fahankoodu qotodheer yahay, waxayna nuxurada sheekada usoo bandhigi kartaa qaab aan mar maangal ku ahaan lahayn habtebinta toosan. Si kastaba ha ahaatee, habtebinta qasan waxay ku noqon kartaa mid daawaduhu ku jahawareero, waxaana laga yaabaa in ay ku qaadato dhawr daawasho si ay sheekada sida ay tahay u qaddariyaan. Habtebintani kama maaranto feejignaanta daawadaha, kuwaas oo dedaalkooda iyo wakhtigoodu muhiim u yahay furfurka xujooyinka dulucda.

Golatuska “mucjisada”, oo Jules iyo Vincent ay ka badbaadayaan toogashada, waxay hoosta ka xariiqaysaa dulucda qaddarka. Jules wuxuu u tarjumayaa badbaadadooda inay tahay calaamad xagga Ilaah ka timid, taas oo u horseedaysa inuu dib u milicsado doorashooyinka noloshiisa. Xilligan faragelinta rabbaaniga ah waa mid ka baxsan, oo goonni ka ah dhacdooyinka kale ee rabshada iyo shilalka, tani waa mid muujinaysa nuxurka filinka ee kama-dambaysta iyo jaaniska badbaadada.

Sheekatebinta qasan waa hab Tarantino u oggolaatay in filinku uu muraayad u noqdo kala-daadsanaanta iyo hubantila’aanta nolosha dhabta ah. Maadaama uusan ku socon habtebin qaabaysan, filinku wuxuu ka tarjumayaa dabeecadaha kala duwan ee waayo-aragnimada aadanaha iyo in noloshu aysan mar walba u socon qaab maangal ah.

Kaladoorashada habtebinta toosan iyo tan qasan waa mid ku xiran yoolalka sheekada iyo waayo-aragnimada daawadaha ee la doonayo. Habtebinta toosan waxay waxku-ool u tahay dulucda qulqul leh oo dareen qotodheer gudbinaysa, hufnaanta iyo horumarintuna muhiim u yihiin. Habtebinta toosan waxay sahal ka dhigaysaa in la sahmiyo sheekooyinka shakhsiyadaha iyo nuxurka dulucda.

Habtebinta qasan, dhinaca kale, waxay si fiican ugu habboon tahay oo looga faa’iidaysan karaa waaxyaynta sheekooyinka cakiran, nuxurada xusuusta, soo bandhigidda aragtiyaha, iyo kaladaadsanaanta nolosha, habtebintani waxay ku habboon tahay filimaan ujeeddadoodu tahay in ay cariyaan maanka daawadaha si uu ugu milmo sheekada. Guusha “Pulp Fiction” iyo saamaynta uu ku yeeshay filimaan badan oo ka dambeeyay waxay muujinaysaa awoodda sheekatebinta qasan marka si halabuur ku jiro loo adeegsado.

Pulp Fiction wuxuu saamayn waarta ku yeeshay filinsameynta casriga ah. Wuxuu jiilalka danbe ee filinsameeyayaasha ku dhiirrigaliyay in ay tijaabiyaan habtebinta sheekada qasan. Filimaan ay ka mid yihiin Memento, 21 Grams, iyo Inception ayaa la sameeyay iyadoo lagu aroorayo jidkan cosobka ah ee uu Tarantino shineemada casriga ah u jeexay.

Habtebinta filinka ee kala daadsan ayaa abuuraya dareen qarsoodi iyo xiiso isugu jira, iyadoo daawadayaashu ay isku dayayaan inay fahmaan sida muuqaalada kala duwan ay isu waafajin lahaayeen. Ka qaybqaadashadan firfircoon waxay kor u qaadaysaa saamaynta filimka waxayna ka dhigaysaa mid xasuusaha ku waara. La falgalka daawadayaasha:

Habtebinta sheekada aan toosnayn waxay daawadaha uga baahan tahay ka qaybgal iyo feejignaan joogta ah. Daawaduhu waa in uu isku uruuriyo sheekooyinka kala jaadka ah, taas oo horseedi karta fasiraadyo badan iyo waayoaragnimo daawasho oo gaar ah. Habtebintaan waxay ballanqaadaysaa xiisaha daawadaha , sidoo kalena waxa ay dhiirigalinaysaa ku soo noqnoqoshada muuqaalada, iyagoo abuuraya lakabyo macne oo dheeraad ah.

Habtebinta aan toosnayn ee filinka Pulp fiction

Halkan hoose waxaan ku tusaalayn doonnaa sidii uu inoogu muuqan lahaa filinka Pulp fiction haddii habtebintiisa laga dhigi lahaa mid toosan.

1. Saacadda dahabiga ah (Qaybta 1-aad ): Sheekada carruurnimada Butch, oo uu Captain Koons (Christopher Walken) ku wareejinayo saacadda dahabiga ah ee uu aabbihii ku qarinayay xerooyinka maxaabiista dagaalka ee Vietnam. Sheekadani waxay daawadaha ogaysiinaysa muhiimadda ay saacaddu u leedahay Butch.

Vincent Vega iyo warwada - Vincent (John Travolta) iyo Jules (Samuel L. Jackson) waxay shandadda aan la ogayn gudaheeda usoo celinayaan maamulahooda, waa Marsellus Wallace (Ving Rhames).Vincent waxaa loo xil saaray inuu magaalada u wado xaaska Marsellus, Mia Wallace (Uma Thurman), inta uu Marsellus maqan yahay. Habeenkoodu wuxuu ku soo gabagaboobayaa mashaqo marka ay Mia qaadato xaddi Heroin oo xad-dhaaf ah. Vincent-na waa in uu

Saacadda dahabiga ah: Sheekadu waxay u wareegaysaa Butch Coolidge (Bruce Willis), oo ah feeryahan dhabarka ka toogtay Marsellus isagoo ku guuleystay dagaal laga rabay in uu guuldarraysto. Sheekada Butch waxaa ka mid ah rabitaankiisa ah in uu soo ceshado saacad dahabi ah, waa dhaxal uu uga tagay aabbihiis, taas oo horseedi doonta iska-hor-imaadka isaga iyo Vincent oo dhiig lagu daadin doono iyo kulan cajiib ah oo uu la yeelanayo Marsellus.

4. Dibdheh: Maqaaxida (Qaybta 2-aad): Iska horimaadka Jules iyo Vincent iyo Pumpkin iyo Honey Bunny, kuna soo gabagaboobaya go’aanka Jules ee ka tagga nolosha dembiga.

2. Vincent Vega iyo marwada Marsellus Wallace (Qaybta 1-aad): Vincent iyo Jules waxay la soo waraageen shandadii kaddib dhacdo geeri iyo nolol u dhaxaysa, taasoo horseedday dilka lamafilaanka ah ee Marvin. Hawlgalka nadaafadda gaariga ee guriga Jimmy waxaa kormeeraya Wolf. Ka dib marka dharka baddeshaan, Vincent iyo Jules waxay isku jiheynayaan maqaaxida.

Dhacdadii Bonnie - Vincent iyo

Jules waxay la kulmayaan welwel marka ay ai lamafilaan ah nin ugu toogteen baabuurkooda dhexdiisa. Waxay u tagayaan saaxiibkooda, Jimmy (Quentin Tarantino), iyo Yeyga (Harvey Keitel) si ay uga caawiyaan nadiifinta dhiigga. Qaybtani waxay ku soo dhammaanaysaa Jules oo go’aansanaya inuu ka haro nolosha dembiga ka dib markii uu la kulmay waxa uu u aaminsan yahay in ay yihiin faragelin rabbaani

Dibdheh(Epilogue): Maqaaxi (Qaybta 2-aad) - filinku wuxuu ku soo noqonayaa maqaaxidii aynu ku soo aragnay golafurka. Jules iyo Vincent way quraacanayaan marka ay Pumpkin iyo Honey Bunny ay go’aankoodii dhaca maqaaxida ka dhabeeyaan oo ay baastoolada lasoo baxaan. Jules ayaa gacanta ku dhigaya xaaladda, iyagana u tudhaya oo fasaxaya, wuxuuna go’aansanayaa in uu si kamadambays ah u dhaafo nolosha dembiga.

Sidee ayuu filinka Pulp Fiction u muuqan lahaa

haddii habtebintiisu ahaan lahayd mid toosan?

5. Vincent Vega iyo marwada Marsellus

Wallac (qaybta 2-aad): Habeenka Vincent iyo Mia, ee ku soo dhammaanaya isticmaalka xaddhaafka ah ee maandooriyaha. Qaybtani waxay si toos ah u dhacaysaa ka dib muuqaallada maqaaxida marka ay joogto habtebinta toosan.

3. Hordheh:

Maqaaxida (Qaybta 1-aad): Qaybaha hore ee goobta maqaaxida halkaas oo ay Pumpkin iyo Honey Bunny wada qorshaynayaan dhacooda.

6. Saacadda dahabiga ah (Qaybta 2-aad): Butch wuu ku guuleystey ciyaartii feerka, wuxuu soo ceshaday saacaddiisa, wuxuu dilay Vincent, ugu dambeyntiina wuxuu wajahay Marsellus. Sheekadoodu waxay ku soo gabagaboobaysaa kulankoodii yaabka lahaa ee ay la yeesheen Zed (Peter Greene) iyo mulkiilaha pawnshop-ka taasoo horseedaysa heshiis lagu khasban yahay.

Farsamada Muuji, Ha Sheegin

Gogoldhig

Fanka Qorista Muuqaalka

Qof walba oo shineemada muddo dheer kusoo dhex jiray wuxuu aad u garanaya una xasuustaa Harry Potter, xertiisi iyo dugsigii sixirroolayaasha ee Hogwarts. Marka aad sheekooyinkiisa akhrinayso ama filimada loo rogay daawanayso, Harry waa wiil yar oo geesi ah, laakiin sidee ayaad ku ogaanaysaa? Ma J.K. Rawlings ayaa kuu sheegaysa mar walba? Maya laakiin mar walba waxay na tusaysaa ficilladiisa, caaddifaddiisa, iyo sida uu xaaladaha qalloocan isaga furdaaminayo, arrintaas ayaana nooga marag kacaysa in uu Harry geesi yahay. Halkan, J.K waxa ay sheekooyinkeeda ku dabaqaysaa farsamada “Muuji, ha sheegin” intii ay kuu meerin lahayd in Harry geesi yahay, ayay kuu sawiraysaa isaga oo noloshiisa u halgamaya, naftiisa iyo dareemihiisa la loollamaya, kolkaas ayaad iskaa u garawsan doontaa in uu Harry geesi yahay, sidaas darteed cid kasta oo taxanaha buugta iyo filimada Harry Potter akhrisay ama daawatay waxa ay isu arkaysaa in ay sheekooyinka qayb ka ahayd.

Baaxadda Farsamada

“Muuji, ha sheegin” waa farsamo qoraalka lagama maarmaan u ah, taas oo si weyn loogu falkiyo sheekafaneedda, filimada iyo laamaha kale ee suugaantaba. Waxay qoraalka ka dhigtaa mid muuqda, dhacdooyinka iyo dareenka shakhsiyadaha ayaa loo muujiyaa lagana dhigaa kuwo qof walba la falgeli karo, arki karo ama dareemi karo. Akhristaha looma sheego in qorraxdu sii dhacayso ee sidan ayaa loo horjoojiyaa, “Gabbalkii oo guduutay, gaashaanna u ekaaday, baa gebigii qarin lahaa kusii hoobanaya.” –Maanafaay

Xeerkani waa mid sugaanta dhexdeeda dahabi ka ah, dareenka akhristaha ayaa lagu soo jillaabaa. Qofka akhrinaya ayuu door aad u weyn sheekada ka siiyaa, wuu ka qayb geliyaa oo goobjooge ayuu ka dhigaa, wuxuuna abuuraa barta ay dareenka iyo khayaalka qofku qoraalka kala falgalaan. Waxa socda ayaa maskax ahaan loo daawadsiinayaa halkii looga sheekayn lahaa “Ishaada ayaa kuu macallin ah” ayaa lagu oran. Waana mid ka mid ah farsamooyinka ugu muhiimsan ee qoraalka lagu muuneeyo.

Qoris Muuqeedku (visual writing) waa hab qoraal xoogga saaraya sawirid faahfaahsan oo cad, si akhristuhu sawir maskaxeed buuxa uga helo dhacdada qoraalku sharraxayo. Waxaa lala hadlaa dareemaha shanta ah—aragga, maqalka, taabashada, dhadhanka, iyo urta, iyada oo la adeegsanayo sawir dareemeed hodon ah. Muraadkuna waa in akhristaha laga dhigo goobjooge, arki kara, maqli kara, dareemina kara halkii uu xayndaabka akhristanimo ku ekaan lahaa. Khayaalkiisa ayaa si buuxda loo hawlgelinayaa.

Muuji, ha sheegin, waa mid ka mid ah farsamooyinka ugu fiican ee qorista muuqaalka loo adeegsado. Intii qoraagu noo sheekayn lahaa, noo sharrixi lahaa xaaladaha iyo dabciyada kala duwan ee shakhsiyadaha sheekadiisu ku sugan yihiin, intii uu oran lahaa, “Hebla way murugaysan tahay, ooyeysaa, welwelaysaa...” Waxaa qumman in uu dareenkeeda iyo dadnimadeeda ku soo bandhigo ficilladeeda iyo fooldareenkeeda oo uu na hor keeno iyada oo la macaamilaysa xaaladahaas, sababtoo ah tani waa habka ugu habboon ee akhristaha sheekada dareen ahaan looga qayb gelin karo.

Dhanka kale, marka la joogo qoridda dhigaalka filinka, ‘muuji, ha sheegin’ waa xeer asaasi ah, oo jideynaya in ay wanaagsan tahay in habdhaqanka shakhsiyadaha, xaaladahooda dareemeed iyo faahfaahinaha qaar lasoo dhex mariyo falalkooda, falcelintooda iyo muuqaallada filinka halkii loo marin lahaa wada hadal qaawan iyo daadihin maran, mar walbana waxaa laga fogaanayaa sheekeyn iyo sharraxaadyo tirabeel ah, waayo kuwaasi curisyada cilimiyeed iyo qoraallada aan khiyaalka ahayn ayay ku habboon yihiin.

Farsamadan qoraaleed, oo ah mid facweyn, inta badanna qoraalka ka yeesha mid muuqaal ah, waxaa loo tiirayaa in uu ibafuray riwaayadqorihii weynaa ee Raashiyaanka ahaa, Anton Chekhov, oo laga guntay hawraartan soo koobaysa fahanka guud ee muuji ha sheegin, “Ha ii sheegin in dayaxu ifayo, iga tus dhalaalka iftiinkiisa gabal muraayad ah.” Mar kalena isaga oo walaalkiisa dhambaal u diraya ayuu leeyahay, “Marka dabeecadda la tilmaamayo, waa in la qabtaa faahfaahinta yaryar, iyaga oo kooxaysan, si marka akhristuhu indhaha isku qabto uu u helo sawir...”

Fanka Qorista Muuqaalka
Qabasho kamid ah filinka “Up” (2009)

Filimada iyo Farsamada Muuji, Ha Sheegin

Sida aan soo sheegnay Farsamada “muuji, ha sheegin” ee sheekooyinka waa in la faahfaahiyo warbixinnada iyo xaaladaha iyadoo loo marayo ficillada, muuqaallada, ama wadahadalka halkii si toos ah qoraagu u sheegi lahaa si loo abuuro jawi mideeya dareenka akhristaha iyo qofafka sheekada. Haddaba, dhankaas iyo filimada haddii aan u kacnno, waxaan soo heli doonnaa in filimadu ay farsamadan si aad ah u isticmaalaan, la’aateedna aysan jiri karin.

Siyaabo dhawr ah ayayna u adeegsadaan, oo ay ka mid yihiin;

Shucuurta Shakhsiyadaha: Halkii qofku kolka uu murugsan yahay uu oran lahaa, “Waan murugaysan ahay,” filinku wuxuu na tusin karaa qof keligiis fadhiya qol, daaqadda bannaankeeda araggiisu ku maqan yahay oo mawjad mugdi ah ku dhex lunsan, dushiisana aad ka garanayso inuu kurbbaysan yahay, iftiinka muuqaalka iyo aamusnaanta ayaana dareenkaas sii xoojinaya.

Shareerada: Waxyaalaha, deegaannada, ama sawirrada filinka ku soo noqnoqda ayaa si dadban u muujin kara mawduucyada sheekada ama sifooyinka qof sheekada filinka u muhiim ah uu leeyahay. Tusaale ahaan, ubax qallalay oo miis dul yaal haddii soo noqnoqdo wuxuu muujin karaa burburka dareenka qofka lala xiriirinayo.

Wadahadalka: : Calaamadaha aan hadalka ahayn, sida luuqadda jirka ama qoraansi eegmada ayaa iyaguna muujin kara sida qof uu dareemayo ama xiriirka uu la leeyahay dadka kale.

Luqadda Jirka: Calaamadaha aan hadalka ahayn, sida luuqadda jirka ama qoraansi eegmada ayaa iyaguna muujin kara sida qof uu dareemayo ama xiriirka uu la leeyahay dadka kale.

Deegaanka: Filinku wuxuu muujin karaa shakhsiyadda qof isagoo ku muujinaya deegaanka uu ku nool yahay, sida qol isku qasan oo u taagan qof aan habaysnayn ama guri bancidlo ah ku yaal ah oo muujinaya qof wehel la’aan ah.

Fagaaraha: Filinku wuxuu muujin karaa shakhsiyadda qof isagoo ku muujinaya deegaanka uu ku nool yahay, sida qol isku qasan oo u taagan qof aan habaysnayn ama guri bancidlo ah ku yaal ah oo muujinaya qof wehel la’aan ah.

Si kooban, “muuji, ha sheegin” waxay dadka filinka daawanaya u oggolaaneysaa inay fahmaan micnaha iyaga oo aan loo sheegin si toos ah, taas oo sheekada ka dhigaysa mid xiiso badan oo dareen ahaan qoto dheer.

Tusaalayaal Filin

Baal aan isla fiirinno sida wanaagsan ee saddexdan filin muuqaallo ka mid ah loogu adeegsaday farsamadan.

1. “Up” (2009) - Iskuxigxigga furitaanka(opening sequence)

Tobanka daqiiqo ee ugu horreeya Up, sheekada nolosha ee Carl iyo Ellie waxaa la soo bandhigay iyada oo aysan jirin hal kelmad oo wadahadal ah. Waxaan aragnaa riyooyinkooda, guurkooda, halganka dhalmo la’aanta, iyo dhimashada Ellie, iyadoo loo marayo muuqaal iyo muusig. Xiriirkooda oo dhan iyo socdaalka shucuurtooda ayaa si xoog leh loogu soo gudbinayaa iyadoo aan daawadayaasha “loogu sheegin” erayo.

Nuxurka: iskuxigxiggan wuxuu daawadayaasha u sahlayaa inay dareemaan qoto dheeraanta murugada iyo waayitaanka Carl, sidoo kale wuxuu daawadaha ku dhaqaajinayaa in uu xiiso ku daawado inta ka hartay filinka iyada oo aan waxba loo sheegin.

2. “Mad Max: Fury Road” (2015) - Quusta Furiosa Marka Furiosa (Charlize Theron) ay garwaaqsato in Dooxadi Cagaarneed ee carruurnimadeedi laga soo afduubtay ay baaba’aday, way dhaqaaq joogsanaysaa, dabadeedna jilbaha dhulka ku dhufsanaysaa sidii in fallaaro afka mariid ku lihi kusoo hoobteen, waxayna ku qaylinaysaa dabaysha saxaraha ee goraygu beri hore ka hadaafay. Ma dhahayso wax erayo ah, laakiin luuqadda jirkeeda, ciidda cidla ah, iyo sida ay uurka uga ooyayso ayaa muujinaya quus iyo rajo la’aan.

Nuxurka: Sawirka xaaladda Furoisa iyo falcelinteedu waxay u oggolaanaysaa daawadayaasha inay dareemaan culayska khasaaraheed oo aan loo baahnayn sharraxaad afka ah.

“Mad Max: Fury Road” (2015)

6. “There Will Be Blood” (2007) - naxariis la’aanta Daniel Plainview Qaybaha hore ee filinka, looma baahna in la sheego inuu Daniel Plainview (Daniel Day- Lewis) naxariis daran yahay misana hunguri weyn yahay. Damaacinimadiisa waxa nala tusayaa marka uu shidaalka qodayo ee uu is-dhaawacayo, balse uu shaqadiisa sii wadanayo, iyo marka uu khiyaamaynayo milkiilaha dhulka. Ficilkiisa iyo luqadda jirkiisa ayaa muujinaya hungri weynigiisa.

Nuxurka: Daawaduhu wuxuu fahmayaa baadigoobkiisa aan kala go’a lahayn ee hantida iyo awoodda, ficilladiisa ayaa u hadlaya.

“There Will Be Blood” (2007)

Sida biyaha badani ubaxa u dilaan si la mid ah ayay sheegista badani sheekada ama filinka u macno dilaan oo ka dhigaan mid aan isku miisaannayn oo dheelli ku jiro. Waan in aad taaqaan kolka ay tahay in aad warbixinta muujiso iyo kolka ay tahay in aad sheegto, wax walba sheegis kuma habboona sida aan wax walba muujinta ugu habboonayn.

Gunaanad
Qabasho kamid ah filinka
Qabasho kamid ah filinka

Shineemada iyo Suugaanta

isbarbardhig

Suugaantu teer iyo berigii ay curatay, iyada ayaa hoggaanka u haysay funuunta aadanaha, sheekafaneedka ayaa suugaantana ugu taageere badnayd, hayeeshee dabayaaqadii qarnigii 19-aad oo ay suugaantu joogtay figtii ugu sarraysay ayaa la daahqaaday kaamirada, tiiyoo niskii hore ee qarnigii xigay la baratami doontay qalinka. Waxaa filinkii koobaad lagu soo bandhigay shineemo ku taal Paris, Faransiiska, dhammaadkii 1895tii. Dhacdadaas ayaana ahayd curashada fanka toddobaad iyo bilawga baratanka shineemada iyo suugaanta, mise sida quman waxaan dhahnaa bilawga isdhamasytirka labada fan! Joseph Conard waxuu gogosha sheekofaneedkiisa “The Nigger Of Narcissus” ku yiri “Yoolka aan ka leeyahay weedha qoran waa inaan ku maqashiiyo, kuna dareensiiyo sida ay wax yihiin, iyo ta ugu mudan inaan ku tusiyo” sida muuqata yoolkiisu kama duwanayn ka filin soosaare kasta. Labada fan waxay wadaagaan tebinta iyo sheeko jeedinta, waxay kaloo wadaagaan yoolka ah in akhristaha ama daawaduhu markhaati ka noqdo dhacdada. Suugaanta ayaa se cartan badan, waayo waxuu akhristuhu ku qasban yahay inuu ereyada muuqaal u rogo, halka shineemadu daawadaha hor keento sheeko bisil, ta hore waxay ku siinaysaa madaxbannaani aad ku abuurto dhab kuu gaar ah adiga oo goobaha iyo jileyaasha sheekada awaalkaaga gaarka ah ku qaabeynaya si ku habboon dareenkaaga, sidaa ayuu akhriste walba dhab u gaar ah ugala baxaa sheekada, halka shineemadu soo bandhigto dhab diyaarsan oo soohdimaysa khayaalka daawadaha, waana ta keentay in gorfeeyeyaasha filimadu xooga saaraan heerka daacadnimada filinka ee ku aadan sheekafaneedkii asal laga soo qaatay, waayo soosaaraha filinku sida akhriste kasta ayuu dareen gaar ah kala baxay sheekada, deetana kiisii gaarka ahaa buu muuqaal u rogay. Doodaan ku saabsan qabadsiinta sheekafaneedka filin loo daawasho tago inkasta oo ay aad u ballaaran tahay ayna soojiidaho gaar ah leedahay haddana uma banbixi doonno. Qormadani waxay xoogga saari doontaa isku sidkanaanta shineemada iyo suugaanta. Waxaana taa loo marayaa dib-u-jalleecidda xiriirka u dhexeeya labada fan iyo saameynta isdhaafka ah ee ay isku yeesheen. Waxaa maqaalkani baabi’in doonaa masaafada la moodo inay dhex taal labada fan. Si taa loo yeelo waxaa qormada loo qaybiyay labadaan qaybood :

I. Xiriirka u dhexeeya labada fan; shineemada iyo suugaanta, isbarbardhig.

II. Saameynta ay labada fan isku leeyihiin

Sida aan hore u xusnayba, labada fan waxay wadaagaan yoolka ah in akhristaha ama daawadeha ay ka dhigaan goobjooge, waxay labaduba yoolkaas u maraan tebinta, iyagoo adeegsanaya qalabka tebin suugaaneedka sida rakibka (plot) jileyaal (characters) fagaaraha dhacdooyinka (setting), iyo dulucda (theme). Xiriirka u dhexeeya labada fan waxaa foolhoraaad u ah dhigaallada shineemada (cinematographic scripts) oo qudhoodu ah suugaan inta aan loo rogin muuqaal, haddaba sina uma qaldana qofka soo jeediya in suugaantu tahay hooyada dhasha ee naasnuujisa shineemada, soo saareyaashu marka ay filin samaynayaan waxay adeegsadaan dhigaal aad ugu eg ka masraxiyadda oo ka kooban wadasheekaysiyo, tilmaamo ku socda jilaaga siduu u soo gudbin lahaa ereyada, loo geeyay tebinta guud iyo muujinta dhaqdhaqaaqa looga baahan yahay jilaaga. Waxaa haddaba la dhihi karaa shaashaddu waxay si buuxda ugu tiirsan tahay qalinka si ay noogu soo gudbiso caalam isku dhan.

Inkasta oo ay tebintu asaas u tahay shineemada, haddana waxay adeegsataa wadooyin kale oo ay ku hanato dareenka daawadaha, waxaa ugu horreeya sawirka, waxaan isku raaci karnaa inaysan marnaba isku mid ahayn qofka dhacdada erey ka dhex bowsaday iyo ka toos u daawaday sawirro jilaya dhacdadii, taa ayaa shineemada ka dhigaysa asal ama sida ay María José Fresnadillo Martínez u cabirtay “boqortooyo dareen ah” waxay tiri “Shineemadu waxay ku soohan tahay goorta iyo goobta, muuqa iyo weedha, jiraalka iyo awaalka, garashada iyo dareenka.” Wax baa se jira shineemadu ba la’dahay suugaantu se ay hanatay, waa ka soo warramida caalamka gudaha ee jileyaasha. Suugaantu waxay baahi u qabtaa muuq iyo fagaare, shineemaduna ereyo soo tebiya waxa ka dhacaya gudaha jilaaga. “Sheekada shineemada waxaa lagu arkaa indho furan, ta suugaanta se indho xiran” Shineemadu waxay heshay taageere aad uga badan ka suugaanta ka dib markii ay suugaantu ahayd qarniyo badan fanka ugu taageeraha badan funuunta aadanaha. Qarnigii tagay iyo ka haatan waxaa loo aqoonsaday suugaanta fanka ugu weyn funuunta “hawraarta” halka shineemadu noqotay fan caalami ah. Waxaa taa u sabab ah ayay Linda Catarina Gualda qabtaa in shineemadu tahay fanka kali ah ee kulmiya dhammaan funuunta waaweyn ee ay dadku daneeyaan. Waxay shineemadu isgoys u tahay aslidda (painting), muusiga, fan-hawleedyada (performance arts), Footagrafiga (photography) iyo dabcsan suugaanta. Dhamman funuuntani mudnaan siman ayay u leeyihiin filin-samaynta. Footagrafigu waxuu ku jiraa booska qorista, kaamiraduna waa qalinka filinsameeyaha. Si filinku u kiciyo dareenka daawadaha waxaa aalaaba wehliya muusig loo habeeyay si ku habboon dhacdo kasta iyo jilaa walba, muusigu waxuu qaabeeyaa dareenka daawadaha, farxadda, murugada, xanaaqa, cabsida iwm, waxuu midabeeyaa wadasheekeysiyada, waxuuna u tallaabaa gunta hoose ee daawadaha meel aysan sawirrada iyo ereyadu gaari karin, bilowgii shineemdada gaar ahaan filimaantii shibbanaa sheekada xooggeeda waxaa tebin jiray muusiga, gebi ahaanba lama suuraysan karo filin muusig la’aan ah, sida aan loo suuraysan karin filin aan lagu abuurin fan-hawleed, ka dambe waxaa lagu qeexi karaa fan kasta oo lagu abuuro ficilada iyo dhaqdhaqaaqa ka qaybqaateyaal dad iyo duunyoba. Si filin loo sameeyo waxaa loo baahan yahay dad ku takhasusay fan-hawleedka jilidda.

Asliddu ma aha xubin ka mid ah filinka ee waaba filinka. Asluhu waxuu soo bandhigaa jajab ka mid ah waaqica ama awaal gaar ah sida filinsameeyaha. Waxaa haddaba cod dheer lagu oran karaa shineemadu waa fanka ugu sarreeya funuunta aadanaha sida uu Kenan Proffitt ku soo jeediyay maqaal kiis ah. “Inta badan funuunta (kale) waxay u baahan yihiin xirfadda hal qof, iyada ama isaga ayaa dhammaystiri kara, hase yeeshee filinku maaha hawl qofeed ee waa hawl u baahan koox dad ah oo leh hal yool, kaas oo ah inay abuuraan fan dhammays ah (...)” hal qoraa ayaa gunti kara sheeko dhammays ah, hayeeshee filin dhammays ahi waxuu u baahan yahay dad iyo qalab dheeri ah, waana sababta filinka siisay taageero dheeri ah.

Waxaa shineemada lagu tilmaami karaa bardhammaadka curis-faneedka aadanaha, barta ay ku kulmaan curisyadii duugga ahaa iyo kuwa cusub, hayeeshee tebinteedu ma dhaafto oogada sare ee dhacdooyinka. Waa ay ku guuldarraysatay - baa la dhihi karaa - inay soo tebiso sida suugaanta caalmka gudaha ee jileyaasha waayo kaamiradu waxay soo bandhigtaa uun oogada sare, qalinku se waxuu u dusaa gunta hoose, waxay ereyadu ku hor keeni karaan dareenka gudaha ee jilaaga, tusaale ahaan isbarbardhiga filinka iyo sheekofaneedka Pride and Prejudice, jilliinka koobaad ee golaha ciyaarta, Jane Austen waxay si faahfaahsan... Xiriirka ka

daaha uga qaadday dareenka dadka ee ku aadan Mudane Darcy, gaar ahaan waxay Austen tilmaamtay sida “M/ Darcy uu u soo jiitay dareenka golaha oo dhan” waxay ku bilawday “golaha dhami waxay u arkeen M/ Darcy inuu yahay qofka dunida ugu kibirka badan looguna neceb yahay.” Waxay ku gabaggabeysay “qof kasta waxuu kasha ka jecylesystay inuusan dib ugu soo laaban golaha.” Soosaare Joe Wright isla dhabbihii Austen ma qaadi karin si uu muujiyo dareenka dadku M/ Darcy ka qabay, waayo kaamiradu sida qalinka caalamka gudaha sooma sawiri karto, saa waxay dani biday inuu abuuro wadasheekeysi dhex maraya Elizabeth iyo Charlotte, loo geeyay tilmaamaha laga dheehan karo muuqa guud ee Mudane Darcy oo daawaduhu ka garan karo inuu yahay hantiile kibray oo goonidaaq ah.

Qaabka kali ah ee filinku uga soo warrami karo gudaha jilaaga waa “Monologue” inuu ka hadashiiyo jilaaga, kolkaa iskiis ayuu uga warramaa waxa uu dareemayo, taas oo suugaanta u qiraysa inaysan jirin wax dhaama ereyada si loo sahamiyo gudaha nafta. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa mucjisada shineemada Martin Scorsese filinkiisa Taxi Driver (1976) si uu daawadaha u garansiiyo kalinimada dilaaga ah ee uu Travis Bickle dareemayo waxuu u maray qaab “monologue” ah, isagoo ka dhawaajinaya jilaaga, waxuu Travis leeyahay:

“Laba iyo toban saacadood oo shaqo ah, mana seexan karo, go’ay! Maalmuhu way socanayaan uun, ma idlaadaan weligood. / Twelve hours of work and I still can’t sleep. Damn. Days go on and on. They don’t end.”

Waxuu mar kale leeyahay:

“Noloshayda oo dhan, kalinimadu waa ay i daba joogtay, meel kasta, baararka, baabuurta, marsho-biyeediga, bakhaarrada, wad uun. Si looga fakado ma leh. Waxaan ahay nin cilada loo uumay.// Loneliness has followed me my whole life. Everywhere. In bars, in cars, sidewalks, stores, everywhere. There’s no escape. I’m God’s lonely man.”

Waa run inay shineemadu ku guuldarraysatay ka soo warramidda caalamka gudaha, wax aan se la inkiri karin in filinkuba sheekofaneedka kaga sito “dhab abuurka” filinku waxuu ka dhawaajiyaa jileyaasha, waxuu dhawaqooda ku laraa muusig ku habboon dareenka kolkaa, waxa kale oo uu ku sii daraa sawaxanka hareeraha si ku habboon jilliinka dhacdada, tusaale ahaan laba jilaa oo maqaayad ku shaaxaya, wadasheekeysigooda waxaa ka feer yeeraya buuqa dadka kale ee maqaayada jooga, qosolkooda, xiinka iyo hoonka baabuurta dibadda maraysa iyo jaqafta qof hareer gudbaya. Xaaladda ka dhalata isku darka intaas waxay daawadaha ka dhigtaa sidii inuu dhacdo dhab ah goobjooge u yahay. Waxaa xusid mudan xulashada midabbada walxaha kaamiradu qabato iyo heerarka iftiinka dhacdada lagu duubo oo nafsad ahaan siyaalo ka la duwan uu saamaysa daawadaha, intaas oo dhan akhristuhu waa uu ka qadaa, waxuu ku indho beelaa ereyo aamusan oo aan midabbo lahayn. Filinku waxuu sheekada ku tabiyaa sawir, buuguna xaraf. Bao Bo waxuu ku dooday in sawirku xarafka ka qeexi og yahay ujeeddada, waayo xarafku waa summad u taagan ujeeddada, halka sawirku yahay muuqaalkii ujeeddada qudheeda. marka aad akhriso tuduc ka mid ah sheekofaneed waxaad dheegatay summado u taagan dhacdada mawduuca ah, balse marka aad shaashadda daawanayso waxaad toos u arkaysaa muuqaal jilaya dhacdada. Taas ayaa filinka ka dhigaysa mid dhabta abuuri og. Bao Bo waxuu qiray inaysan shineemadu si hufan u soo gudbin karin walxaha cillan ee aan la taaban karin ama aan la sawiri karin sida xaaladda nafsadeed ee jilaa gaar ah.

Waxaan haddaba isla qaadan karnaa in farqiga u dhexeeya labada fan uu ku soo ururayo dabiicada tebinta ee mid kastaa adeegsado. Waxa kale oo aan isku raaci karnaa in labodoodu midba tayo dheer yahay ka kale. Suugaantu waa ay ka hodansan tahay shineemada, shineemaduna waxay abuuri og tahay waaqica. Dhanka kale buugu waxuu kaga wacan yahay filinka xorriyada uu akhristaha u siiyo inuu abuurto dhab u gaar ah, halka filinku uu xanninbo khayaalka daawadaha oo uu horkeeno dhab bisil. Sida aan dhawr jeer carrabka ku adkeynayba buugu waxuu bannaanka u soo saari og yahay fekradaha iyo dareennada ku aasan gunta jilaaga, qaadaadhigeyaal ayaa se qaba in aysan suugaantu gaar u lahayn tayadaan, Linda waxay hoosta ka xarriiqday in filinkuba leeyahay awood uu ku tarjumo fekradaha cillan iyo dareennada qotada dheer. Xagal bulsheed haddii laga eego filinka ayaa u nafci badan bulshada. Waxuu abuuraa tobanaan iyo tobanaan shaqo. Teeda kale filinku waa uu ka waqti gaaban yahay buuga, laba saacadood oo daawasho ah waxay u dhigantaa qiyaas ahaan toddobaad akhris ah, hayeeshee daawashadu sida akhriska ma kaaga dhaadhicin kartaa sheekada si qoto dheer? Maya! Waxaa taa u wacan sida uu Delibes xusay inaan sawirku qaadi karin culayska ereygu qaado. Shaashaddu ma xamili karto faafaahinta buuga ku taal, taa oo filin-sameeyaha ku qasabta inuu jajabiyo ama dib u qaabeyo sheekada, deetana akkhristuhu waxuu nasiib u yeeshaa sheeko asal ah oo aan la jajabin.

Saameynta Ay

Labada Fan isku Leeyihiin

Labo Cali isweydiinmayso suugaantu ma saameysay shineemada mise? Waa ay ka horreysay, waxay lahayd qaabdhismeed, halbeegyo xeerar iyo sooyaal qarniyo soo jiray, tiiyoo hormuud u ah funuunta aadanaha ayay shineemadu curatay. Majaalka cusubi waxuu baahi weyn u qabay tiir uu cuskado. Eisenstein waxuu fanka cusub ku tilmaamay dhallaan, shineemadu waxay bilowday inay u tebiso sheekada sidii dhallaankii, waayo-aragga kali ah e u diyaarsanaa inuu ababiyo waxuu ahaa fanka suugaanta. Dhanka kale shineemadu waxay baahi u qabtay wax ay soo jeediso, suugaanta ayaana ku soo baxday maaddada ugu habboon, waa midda dhalisay waxa loogu yeero “Qabadsiinta/ Adaptation.” Qabadsiintu waa in sheekofaneed loo rogo qaab ku habboon shaashadda si loo gaarsiiyo taageere cusub. Waxay suugaantu noqotay arlo hodan ah oo ay shineemadu ku taranto. Waxaa shaashadda la qabadsiiyay Frankensteintii Shelley (1808), Great Gatsby, ee uu qoray Scott Fitzgerald iyo hawlosuugaaneedyo kale oo waaweyn. Seddex meelood meel filimmada ay sameeyeen Paramount iyo Universal waa qabadsiin. Taa waxay si buuxda u qeexeysaa sida suugaantu u raadeysay shineemada.

Qabadsiintu waxay u baajisay filin-sameeyeyaasha dadaal, waqti iyo kharash ka geli lahaa diyaarinta sheeko cusub. Sheekofaneedka hore ayaa loo diyaariyay, waxaa lagu tijaabiyay dadweynaha waa ayna guuleysatay, sheeko cusub oo aan la tijaabin iyadaa ka fursad roon, sidaa awgeed ayay filin-sameeyeyaashu u xushaan sheekofaneedka guuleysatay ama sida weyn u caanbaxday, waana danaysi ganacsi oo barax la’ sida muuqata. Waxaa dhacda in dhawr jeer shaashadda la qabadsiiyo hal sheekofaneed, taa waxaa loo aaneyn karaa kala duwanaanshaha raadka ay sheekadu kaga tagto akhrisiteyaasha. Suurtogal ma aha in Maanafaay – tusaale ahaan –ay isku si u raadeyso laba akhriste, qofba si u gaar ah buu ula baxaa dareenka dhacdo kasta ay gudbineyso, taa waxay keeneysaa in haddii sheekada filin loo rogo taageereyaasheedu aysan ku wada qancin, waayo soosaarehuba waxuu shaashadda qabadsiiyay waa dareenkiisa gaarka ahaa ee uu sheekada ka la baxay. Haddaba waxaa la dhihi karaa qabadsiintu waa dib-u-qorista sheekada si ku habboon fasiraad qofeed (subjective interpretation).

Saameynta suugaantu ma qarsoona, qofkii dhaha shineemo ma jirteen suugaan la’aan waa uu ila quman yahay, sida kale se ka warran! Ma dhici kartaa in shineemadu saameyn ku yeelatay suugaanta? Haa waa ay ku yeelatay. “Shineemadu waxay si toos ah iyo si dadbanba waxyi ugu tahay suugaanta cusub” ayuu Magny leeyahay.

Waxaan hore u soo sheegnay baahida ay suugaantu u qabto fagaare abuurka iyo sida shineemadu baahidaas uga deeqday taageereyaasheeda. qoreyaashii cusbaa ee shineemada tagay waxay goosteen inay iyaguna akhristaha ka daboolaan baahidaas. Dos Passos waxuu qiray in shineemadu ku mahadsan tahay qaab-dhigaalka buugiisa “Manhattan Transfer”. Sida uu Magny ku dooday Passos waxuu abuuray suugaan cusub oo laga dheehan karo soosaaristii (montage-kii) Eisenstein. Keligiis kuma ahayn sameyska suugaanta cusub, gorfeeye David Thomson waxuu qabaa in Ernest Hemingway hawlihiisa suugaaneed laga dheehan karo farsamada shineemada, waxaad mooddaa inuu isku hawlay sidii qalinkiisu kaamiradda u la loollami lahaa. Gautam Kundu ayaa isna leh Hemingway, Passos iyo Faulkner waxay rabeen inay sare u qaadaan awooda luqadda, waxay yool ka dhigteen inay sawirkii shineemada dhex keenaan suugaanta. Waxayna taa u mareen halhaleynta iyo kaladhigidda muuqaallada dhacdo gaar ah, waxay soo kordhiyeen faahfaahin akhristaha dhex geyn karta amin-fagaaga sheekada. Haddii ay kaaga warrami tagaan dhacdo ka dhex dhacday tareen, waxay ku maqshiin karaan guuxa tareenka, shanqarta dadka kale ee aysan dhacdadu qusayn iyo xataa dhawaqa dabaysha, waxay dareenkaaga u jiidayaan dhacdo aan macne lahayn oo ka feer dhacaysa ta weyn, taasoo lagamamaarmaan u ah si loo abuuro sawir guud oo muujiya jiraal dhab ah. Eidsvik waxuu ku dooday haddii sheekofaneedku daboosho baahidii fagaare-abuurka, taa waxay sheekada ka dhigaysaa mid hal-abuurkeedu sarreeyo ee kama dhigna inay ku saamowday shaashadda. Waxuu dooddiisa ku xoojiyay gabayadii iyo sheekooyinkii ka horreeyay shineemada ee hodanka ku ahaa sawiridda, lama oran karo waxay ku saamoobeen fan aan weli curan. Waxaa in badan dhacda in gorfeeyeyaashu ku tilmaamaan suugaan ka horreysay shineemada “cinematic”. Waxuu Eidsvik leeyahay adeegsiga ereygaan kama dhigna – sida dad badani moodeen – in suugaanta loo jeedo ay ku sifowday sifa ay shineemadu gaar u leedahay, ee waxay ka dhigan tahay uun in gorfeeyuhu sheekadaa ku akhriyay indho shineemeed ama ka istaagay xagal shineemeed, taana ma aha – buu raaciyay – fal khaldan, ee waxaa khalad ah in haddiiba ay sheeko dhab-abuurka ku wacan tahay la yiraahdo waxay ku saamowday shineemada.

Shineemadaa ku mahadsan fahankii duugga ahaa ee aminta iyo fagaagu waa uu is bedelay, waxay suugaanta cusubi bilowday ku cayaaridda aminta, iyadoon sidii hore la ilaalineyn xariiqa toosan ee aminta, waxaa haddii la doono tabinta sheekada laga soo bilaabaa dhammaadka ama timaadada. Saameynta shineemadu ku yeelatay suugaanta cusub waxaa aad looga dheehan karaa Scott Fitzgerald sheekofaneedkiisa “Great Gatsby” Roland Berman waxuu sheegtay in akhristuhu u baahan yahay inuu aqoon dhammaystiran u yeesho farsamada shineemada iyo sawirrada dhaqaaqa si ay sheekadani si buuxda ugu yeelato raadkii lala doonayay.

Dhinac kale haddii laga eego filinku waxuu horseedi karaa caanbaxa buuga uu ku saleysan yahay, tusaale ahaan soosaare Baz Luhrmann filinkiisa Great Gatsby (2013) waxuu sababay in buugii filinka lagu saleeyay ka soo muuqdo kaalmaha hore ee suuqa kala iibsiga buugaagta mar kale sideetameeye sano ka dib. Sidoo kale Peter Jackson seddexleydiisa filin ee Lord of the Rings waxay sabab buuxda u noqdeen caanbaxa buugaagta seddexlayda la qabadsiiyay, taa kali ah ma aha ee waxayba sababeen caanbaxa nooca suugaaneed ee buugtani ku arooraan ee loo yaqaan faantaasiya “fantasy”, ka dib markii filinku soo baxay waxaa sare u kacay tirada qoreyaasha iyo akhristeyaasha daneynaya nooca fantaasiyada , taas oo caddeyn buuxda u ah saameynta shaashaddu ku leedahay suugaanta cusub.

Intaa ka dib, waxay ila tahay inaan isla qaadan karno jiritaanka saameyn isdhaaf ah oo ay labada fan isku leeyihiin. Sida shineemadu sabab ugu noqotay horumarka dhab-abuurka suugaanta ayay ta dambena ka caawisay shaashadda inay soo tebiso caalamka gudaha ee jilaaga. Baahiyaha isdhaafka ah ayaa abuuray saameyn isdhaaf ah, inkasta oo ay jirto dood leh suugaantu waa asal, kuma aysan saamoobin fanka dhallaanka ah ee ay iyadu dhashay misana ababisay. John Fell ayaa ku dooday in suugaantii waagii Viktooriya (Victorian Era) ay hodan ku ahayd fagaare-sameyska, waxuuna tusaale u soo qaatay Flaubert sheekadiisa “Madame Bovary”. Waxaa doodda lagu xiri karaa in saameyntaan isdhaafka ahi waxtar u leedahay labada fanba, waxay suurtogelineysaa koboc wada jir ah oo mirodhala.

Hordhac Iyo Sooyaalayn

James Robert Jarmusch, waxa uu ku dhashay Cuyahoga Falls, Ohio, Jannaayo 22, 1953-kii. Qoys saddex carruur ah leh ayuu dhallaanka labaad ka yahay. Hooyadii waa Jarmal iyo Irish iskadhal ah. Ka hor inta aannay guursan waxay ahayd gabadh aad u firfircoon oo waxa ay waxkuqori jirtay wargayska “Akron Beacon Journal” kaas oo ay ku daabici jirtay dib-u-eegsiyo aflaan iyo tiyaatarka ku saabsan. Aabbihii waxa uu isaguna ahaa ganacsade Jarmal ah. Billowgii caruurnimadiisa ba waxay hooyadii u kaxayn jirtay tiyaatarka, isaga oo daawan jiray aflaanta kalaasigga ah. Taasi waxay saamayn ku yeelatay shakhsiyaddiisa isaga oo u kacaamay markii uu dugsiga sare ka baxay dugsiga suugaanta iyo farshaxanka, wuxuuna u sii dhabbagalay oo uu darsay suugaanta Ingiriisiga iyo Ameerikaanka. Wuxuu billaabay in uu waxkuqoro marna tifatire ka noqdo wargayska qalinjabiyayaasha suugaanta ee “The Columbia Review”.

Agaasime Jim Jarmusch, ma aha agaasime filin kali ah, bal se waxa uu ku suntan yahay oo uu isku yahay: filinqore, jilaa, naaqid iyo waliba bahda suugaanlayda, oo waxa uu iskudayaa allifidda tixo kooban iyo sida oo kale muusigcurinta. Dunida shineemada waxaa uu ku suntan yahay hal’abuurkiisa joogtada ah, nuxurradiisa lagu soo dhex gudbiyo dhacdooyin fudud oo aan ahayn kuwa xammaasad abuur ah misana si qotadheer kaga warrama nolosha, dhaqanka, bulshada iyo waliba u kuurgalidda shakhsiyaha. Masraxyada shineemada ee lagu bixiyo abaalmarinnada ka la duwan waxa uu ka helay abaalmarinno ka la jaadad ah. Waxqabadyadiisu waxay helaan maamuusyo waawayn, bahda naaqidiintuna waxay ku dhaliilaan: in aanay aflaantiisu xabko (dhumuc) lahayn. Bal se waxaan qaybta hoose kaga warramaynaa: farshaxankiisa iyo falsafadihiisa qof ahaaneed.

Farshaxamiiste kasta oo wayn waxa uu lee yahay codkiisa

Jim Jarmusch

Qunyarsocodnimo Farshaxamaysan.

“Ma jiraan wax asal ah. Waxaa jira tiro kooban oo sheekooyin ah oo laga sheekeeyo. Laakiin waxaa jira siyaalo aan xaddidnayn oo loo sheegi karo sheekooyinkaas. Waxaan aad u xiiseynayaa siyaalahaas kaladuwan.”

Jim Jarmusch

Waxqabadyada agaasime Jim Jarmusch, marka loo kuurgalo waxay daawadaha ku xidhanayaan duni gaar ah: waxay ku riixayaan hal’abuur dhaqaaq-gaabis (slow motion) ku socdo oo isla kol kalena lagu xardhay farshaxan iyo sheekooyin si qunyarsocodnimo leh loogu soohay nuxurro wada miid ah. Ta hore waxa uu agaasime Jim Jarmusch, doortaa habkiisa gaarka ah inay waxkasta ku socdaan. Waxa uu xoogga saaraa in waxkasta ku socdaan si dabacsan misana lagu soohayo farshaxan iyo hal’abuur marla’arag ah. Agaasime Jim Jarmusch xoogga ma saaro “ASIILINIMADA” oo waxa uu u arkaa inay tahay ku dheggenaanta aragtiyo hore u jiray taas oo culays ku keenayso hal’abuuraha iyo maanfurnaantiisa.

“Asiilinimadu waxay la macna tahay inaad ku darto aragtidaada fikrado hore u jiray.” Jim Jarmusch

Haddaba, qunyarsocodnimo lagu xardhay farshaxan waxaan ka dhex arkaynaa filinkiisa “Night On Earth.” Kolka hore waxaan filinka ka dhex arkaynaa inaan xoogga la saaraynin sheekasocodka se waxaa xoogga la saarayaa shakhsiyadaha ka dibna waxaa dhalanaya sheekooyin aad u ka la duwan misana xiiso leh. Filinku waxa uu si dabacsan u tabinayaa: wadasheekaysi dhexmaraayo shan darwallo taksiilayaal ah, shan rakaab iyo shan dhacdooyin ka kaladhacaya shan magaallo oo ka la duwan. Waxay ka sheekaysanayaan nolosha, diimaha, dhaqannada iyo waliba mawaadiic xiiso leh. Haddana waxkasta waxay u dhacayaan si dabacsan oo laga dhadhansanaayo farshaxan hal’abuurkiisu sarreeyo.

Sida oo kale filinka “Broken Flowers” (2005), waxa uu summad u yahay qunyarsocodnimo lagu soohay farshaxan laga dhex arkayo: nolosha oday ‘kaligiinoole’ ah, qoys iyo waliba nolol dabacsan. Waxkasta iyaga oo ay ku socdaan si dabacsan ayay isla markaasna bidhaaminayaan nuxurro iyo wadasheekaysiyo nolosha toosh ku ifinaya. Isla dhinaca kale waxaa la xusi karaa filinka “STRANGER THAN PARADISE”, (1984), kaas oo laga dhex arkayo in si qunyarsocodnimo leh u darsayo musaafuridda nafeed iyo ta waddan iyo xidhiidh abuurista. Labadaas filin ee aan xusnay marka laga yimaado waxkasta waxay wadaagaan qunyarsocodnimada, haddana waxaa dhexdooda ahaaday oo si heer sare ah loogu soo bandhigay farshaxanno darsaya: nolosha, dhaqannada, dabeecadaha iyo waliba shakhsiyadaha.

Jim Jarmusch

Dabacsanaanta iyo qoddadheeraanta aflaanta; Jim Jarmusch

Mar kale waxaan isdultaagaynaa filinka ashqaraarta badan ee “Coffee and Cigarettes” oo ah aflaanta goosanka ah (Anthology films). Filinku waxa uu ka kooban yahay kow iyo toban muuqaal oo ah goosanno laga soo gooyay aflaan kale, filin kastana waxaa laga soo gooyay muuqyada (Scenes)-ka kawarramaayo kafeega iyo sigaarka isugayntooda. Xagasha kale ee filinka aan ka istaagi karno ayaa ah: inaan u kuurgalno shakhsiyadaha oo mid kasta kolka ay imaanayso baarka waxaa la jira widaageeda, oo wada faalleeyaan dhacdooyinka nolosha iyo nuxurro ku saabsan kafeega iyo sigaarka. Shakhsiyad kasta waxay imaanaysaa maqaaxida iyada oo madluunsan, kafeega kolka ay dhanto ayay dibudhalanaysaa.

Falsafadda Agaasime Jim Jarmusch.

“Farshaxanku waa inuu kiciyaa fikrado iyo shucuur, ma aha kali ah madaddaalo.” Jim Jarmusch

Marka si guud loogu kuurgalo waxqabadyada qotada dheer ee agaasime Jim Jarmusch, waxa uu ku sifoobayaa ‘kaftan-dhable’, oo sheekooyinkiisu waxay nolosha u darsaan qaab aanan xammaasad abuur ahayn, taasina waxay durbaba xiisaha ka qaaddaa daawadayaasha qabbatimay aflaanta xiisad abuurka ah. Dabcan taasina isaga laftiisa wuu ku baraarugsan yahay, bal se waxa uu ku doodaa: “Noloshu ma laha xabko, maxaa laga la doonayaa aflaanta.” Dhab ahaan, taasina waa ta laga dhex arko farshaxannada uu agaasimo. Waxa uu markasta hayaa dawga hal’abuurka isaga oo aan luminaynin falsafaddiisa ah: samaynta farshaxan dabacsan haddana qotada dheer, misana kicinaaya dareenno iyo afkaar oo aan ahayn madaddaalo kali ah. Qof ahaan waxa uu rummaysan yahay falsafadda ah:

“Quruxda noloshu waxay kudhex jirtaa tafaasiisha yaryar, ma aha dhacdooyinka waawayn.” Jim Jarmusch

Aragtidiisaas waxaa laga dhex arki karaa tafaasiisha yaryar ee ay waxqabadyadiisu xoogga saaraan sida: kali ah in filin dhan uu xoogga saaro sigaarka iyo kafeega ama walxaha yaryar ee aflaantiisa kale saldhigga u ah. Tafaasiishaa yaryar ee uu xoogga saaro waxaa barbarsocda in uu u fiirsado xitaa walxaha yaryar ee ku hareeraysan taasina ay ka kaalmayso hal’abuurista iyo qeexidda arrimo hor leh. Agaasime Jim Jarmusch, waxa yiri mar uu ka warramayay arrimaha sheekacurinta:

“Ma jiraan wax asal ah. Waxaad ka soo xaddaa (fikradaha) goob walba, u kuurgal aflaantii hore, kuwa cusub, muusigga, buugaagta, middabbeeyaasha, sawirqaadayaasha, gabayada, riyooyinka, wadasheekaysiyada kadiska ah, naqshadaha, buundooyinka, waddooyinka hawanaya, geedaha, biyaha, iftiinka iyo waliba hooska.”

Soojeedintaan iyada oo ‘itus oo taabsii’ ah waxaa laga dhex arkayaa waxqabadyada qunyarsocadnimadu saldhigga u tahay, wadasheekaysiduna yihiin halka laga la dhex bixi karo nuxurrada qotada dheer ee ay xoogga saarayaan waxqabadyada agaasime Jim Jarmusch. Waxqabad kasta waxaa laga dhex arkayaa sida ay walxaha yaryari u qurxinayaan dhacdada iyo sida waxkastau-fiirsigu u qaabaynayo farshaxanka dabacsanaanta badan lagu soohay. Filinka waxaa uu marag wayn u yahay farshaxanka aan duugoobaynin ee agaasime Jim Jarmusch. Waxaa loo fiirsanayaa waxkasta: quruxda waddooyinka, dabeecadda, shakshiyadaha iyo waliba wadasheekaysiyada kadiska ah ee dhexmara taksiilayaasha iyo rakaabkooda. Dhab ahaantii falsafaddaasina waa ta ka soocayso agaasime Jim Jarmusch hal’abuurayaasha kale ee agaasime farshaxan shineemeedda.

Goodbye Julia Night on Earth

Léon: The Professional

Faallo filin
Faallo filin
Filin Maangad Ah Laakiin

Laakiin Dheef Badan

Julia Earth

Dark

Faaqidaad filin
Faallo filin
Khariiradda Xamarweyne

Goodbye

Qabashooyin kamid ah filinka Goodbye Julia (2022)

Dareen taxan bay lahayd, Wixii dumay bay lahayd!

Hadraawi: Dabahuwan, 1995

In uu ahaa dhammaad foolxun, oo cabsi iyo walbahaar badan, laxanka qoomamadu qanjaha joogto iyo luuqda murugadu hadhaysay ee ay Muna (Eiman Yousif) ku qadayso heesta filinka soo afmeeraysa ee “Gol ley kef” iyo meeriskeeda koowaad ee ah, macne ahaan, “Waxa gidigeen ina cabsi geliya bilawga, waa in aynnu maalin uun arki doono dhammaadka”, ayaa marag u ah in uu ahaa dhammaad baqdin badan oo bilawgiiba la sii filanayay, kaas oo aan badi farax gelinayn qaar ka mid ah daawadayaasha. Waa Juuliya (Siran Riak) oo dooni webigii Niilka la sii dhex gooshayso oo indhaha ku sii biniininaysa Kharduumtii ay ku barbaartay, wax ku baratay ee ay cunugeedii Daneil ku dihatay, nasiibwanaag se aynnu odhan karno, ugu yaraan, markan siliskeedii carrabkiisu ahaa Macatabka waxa uu si xorriad leh uga lushaa laabteeda oo waxa ay hadba cagaha Masiixu cidhbinayaan kalxamaheeda u dhalaalaya sidii shamac, sidoo kale timaheedii ay malkhamadda ku cabudhin jirtay iyada oo jumhuurkii Islaamiga ahaa ee ay a noolayd raalligelinaysa, waxa ay iminka si xorriyad leh ugu dhex dheelayaan hirarka hawada; Muna oo masrixii ay dhuumashada iyo iyada oo jilbaabkii Islaamiga ahaa ee Shiikh Albaani toban shardi u dhigay ku jufan kaga heesi jirtay, iyana markan si xorriyad iyo bilaa cabsi ah ayay ugaga heesaysa iyada oo sidata dhar cimilada Soodaan ku habboon in lagaga caymado iyo timaheedii qurxoonaa oo laydhu hadba dhan u wadhfinayso, oo aad moodo in ay jiibta Tariq (Niile Mowia Khalid) ee heestaa kore hal mar la jaanqaadayaan.

Laba saacadood oo gaw ah ayaanad dareemayn in aad soo daawatay filinkan marka ay heestaasi dareen murugo iyo qiraal ah ku gelinayso, oo hal mar baa laga yaabaa in ay ku illawsiiso wixii mawaadiic qiima badnaa ee kakanaa ee filinku isku dayay in uu tooshka ku ifiyo. Runtii soosaaraha filinkan, Maxamed Kordofaani, oo ah qoraa, agaasime iyo filinsameeye ka mid ah foolaadka fannaaniinta Soodaan, si gaar ahna shineemada, waxa uu waxqabadkan ku muujinayaa codad badan oo la moodayay in ay ku dhex shiiqmeen dagaaladii sokeeye ee labada kornayl ee Xamiti iyo Burhaan gadhwadeenka ka ahaayeen in uu qarxaan, isla markaana dalwaynihii Soodaan galaaftay ee gelelefay; oo qaxii, macaluushii iyo kalahaadkii ka danbeeyey ee ay ilaa hadda bulshawayntii reer Soodaan danbarsanayso cidhibdabaydkiisii, kuwaas oo dhammaantood haddii fiiro gaar ah loo yeelan lahaa kal hore, aan isleeyahay waxbay ka tari lahayd in hadda tillaabooyin togan hore loo qaado oo si uun loo baajiyo maxsuulka maanta la hayo.

Kardafooni waxa uu bilawga hore ee filinkaba ina tusayaa halka Kalahaadkan Soodaan wajigiisa labaad ka soo bilaabmay, oo ah rubuc qarni ka hor iyo dibedbaxyadii dadka reer Koonfur Soodaan iyo doonisoodii goonigoosadnnimo, si uu taa inoo tuso baan isidhi, waa sababta uu qoyska Akram iyo Muna iyo reero kale oo ladan oo ka mid ah dadka xukunkii Soodaan ku macaashay u dejiyay xaafadaha dadka Naylootiga ah ee reer Koonfur Soodaan ee u mudaharaadaya doonistoodaa goonigoosadnnimo, si uu halkaa uga dhaliyo taxane dhacdooyin ah oo soo dedejinayay in ay midhadhasho donista dadkaas. Haa, waxa uu Kordafaani u adeegsanayaa jilayaasha filinkan, kuwaas oo nafsad ahaan, doonis ahaan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo isir ahaanba kala jaad ah, si uu inoogu sawiro inta uu baac le’eg yahay loollanka reer Soodaan iyo figtiisa u sarraysa oo ah dano siyaasadeed, taas oo hore u salbatay malaayiin qof, oo in kalena u qixisay, ugu danbayna ku danbaysay afti dadwayne iyo in Koonfurta Soodaan ka go’do inteedii kale, iminkana aynu arkayno malaayiinta kale ee qaxday, tobannaanka kun ee ku nafwaayay iyo tira kale oo aan qiyaas sax ah lagu hayn oo macaluul wajahaya oo, mar kale, ay sababteeda leedahay dano siyaasadeed oo rubuc qarni ka dib taa hore la mid ah. Dhanka kale, iyada oo ay waxaas oo foolxumo iyo arxandarro ahi jirto, oo ay u sii dheer tahay tobaneeyo sano iyo ka badan oo Xukunkii Islaamiga ahaa ee Soodaan uu jaray buundadii jumhuurka iyo fanka shineemda isu haysay, waxa uu Kordafaan isku dayayaa in uu muuqaalo dhawr ah innagu tuso kaladuwanaashihii faneed ee nolosha reer Soodaan: muslimiin iyo masiixiyiin, madaw iyo maarriin, wadaad iyo waranle, caadooyin, dhaqan iyo weliba fan, nooc uu yahayba.

Waa Muna oo dheesha Soodaanida reer Waqooyi gurigeeda ku dhex baraysa Juuliya iyo, dhanka kale, Juuliya oo Muni kolka ay kiniisadda ugu timaaddo tusaysa muusiga iyo heesaha dhaqan ee Kiniisadda, kana codsanaysa codkeeda macaan in ay rooxaaniyadda meesha taalla ku sii bisho. Kol kale, waxa uu Kordafaani isku deyayaa in uu qiimaha xorriyadda (oo aan isleeyahay waaba qodobka ugu wayn ee gayaysiisay in uu filinku ku guulaysto Abaalmarinta Xorriyadda ee Bandhigga Kaan iyo kuwa kale), is-aqbalaadda iyo quruxda iyo qaayaha ay leedahay kaladuwanaantu ina xasuusiya, oo waxa uu xidhiidh saaxiibtnnimo ka dhexaysiinayaa oo dhagar ku bilaabmaya, dhabna ku dhammaanaya Akram iyo Daaniyeel, iyo Muna iyo Juuliya, kaas oo ay ku sii jiraan wadasheekaysiyo isnaqdin iyo iswaafaqid ah, sida ka dhex maraya Akram iyo xaaskiisa Muna ee ku saabsan masa’alada cubuudiyada iyo mawqifka ilameeraysada ah ee diinta Islaamku taagan tahay.

Goodbye Julia

Waxa iyana xusid mudan in xidhiidhka uu ka dhexaysiiyay Muna iyo Juuliya, oo ah mdi kakan oo dhawr siba loo akhrin karo, in wax yaabaha uu lafdhabarka uga dhigay ay ka mid tahay in uu rejo wayn ugu abuuro Juuliya heestii Sayid Khaliifa — oo ay markan masraxa kiniisadda cod hallaasi ah kaga luuqaynayso Muna — ee ahayd “Deriskayga ayuu ahaa ana waxa aan ahaa deriskiisa/Waxa uu ii ahaa guri aan ku arooro/ Waxa aan u abdaynayaa janno, aniga oo ku gubanaya naartiisa/Jaalihii qalbigayga iigu dhawaa waxa uu igu xooray gudcur” oo uu kaga khafiifinayo culaysyadii ay la daalaadhacaysay ee dhaqaale, iswaayitaan, cunsuriyad iyo musuqmaasuq ah.

Meelo badan oo kale waxa uu Kordafaani, isaga oo inoo soo dhex maraya Akram, ina tusayaa cawaaqibta laga dhaxlo takoorka, isnaca, isliididda, hosisudhigidda, iyo isquudhsiga taas oo ah in uu hubsiimo la’aan nafta dhaafiyo Santiino (Poulino Vicor Boy) oo aabbe dhiban ah, isla markaana cunugii yaraa ee Daaniyeel ku danbeeyo in uu rayidnnimadiisii (baraa’adiisii) dhalaannimo lumiyo oo carruurnimo ku qaato qori. Sidoo kale, waxa uu muujinayaa in ay taasi tahay wax dadka qaar, oo mujtamaca ka mid ah, sida Muna, ku riixa – iyaga oo aan rabin – isdiiddo, lababoglayn, been, xanuuno nafsadeed iyo munaafaqad. Ugu danbayn waxa uu soosaaraha filinkani, si doqonimagarawdo ah, inoo tusayaa in fan, jacayl, xorriyad iyo wadanoolaasho kastabaa ku tolan yahay siyaasad nabdoon oo deggan, maamul xilkas ah oo hufan, Dimuqraadiyad, iyo amniqaran oo xigmad lagu ilaaliyay, taas oo aynnu u fahmi karno in halkaa CADDAALADDU ka dhalato oo ay meesha ka saarto dulmi ay iskaga kacaan koox tira yar oo askar iyo ganacsato u badan (waxa tusaalahaa u taagan baan isleeyahay dabaqadda lacagta leh ee Akram iyo saaxiibkii Bakri) kuwaas oo ku itaalsada qoysaska masaakiinta ah (Juuliya iyo qoyskeeda looma’ooyaanka noqonaya), isla jeerkaana la waayo kaalintii indheergaraka, aqoonyahanka iyo waxgaradka (waxa tusaalahaa u taagan baan si leeyahay Muna e) oo taa beddelkeeda aamus dheer galaan oo dano shakhsi ah eegtaan ilaa inta xeedho iyo fandhaal kala dhacayaan. Horta waxa iswaydiin leh, Muna oo aynnu tusaalaha Indheergaradka raacinay, sababo dhawr ah oo aad filinka ka ogaan karto, ujeedada ka danbaysa in ay oori u noqoto Akram oo aynnu tusaalaha eexda iyo amarkutaaglaynta awoodda dawladnnimo raacinay. Waydiintaa filinku kama jawaabayo.

Marka aynnu intaas oo mawduuc iyo kuwa kale oo aan ka tegay eegno, oo weliba marar badan cufan oo kakan, waxa inoo soo baxaysa in uu waxsoosaarkani ka soo baxay waajibkii ugu waynaa ee uu shineemada ku qiimayn jiray Roland Bathes kolka uu leeyahay, hadal aynnu u turjumi karno, “Shineemadu, dabci ahaan, waa fanwadareed, qaab ahaan iyo maxsuul ahaanba, ay tahay kaalintiisa bandhig in ay metesho fagaag isbeddel oo koox isu timi ku wadaagayso lagaamaarmaannimada waaqic, kaas oo ay u soo bandhigayaan sawir faneed iyo hal’abuur cusub oo maqalmuuqaal ah; ilbidhiqsiga aad ka so baxdo dunidaa shineemada ee aad u soo laabato taaganta dhabta ahna ay la mid u noqoto, sidii oo aadan labada caalam wax isbeddel ah oo wayn aadan ugu dareemayn,” ama uu si aad u waafisan oo taa hore uga ka fudud uu Stanley Kubick ugu qeexay kolkii uu yidhi, “Fanku [oo shineemaduna soo galayso, maadaama oo uu isagu filinagaasime iyo filinqoreba ahaa] waa qaabaynta waaqaca kugu xeeran ee ma ah abuurista waaqac cusub.” Labadaa hore haddii ay fahankeedu kugu adkaadaana, aynu odhaahda Niitshe ku gaabsano: “In uu caalamka dhabta ah u rogo sheeko.”

Hal aan is-odhan karo waa dhaliil, dhankayga, ayaan u hayaa filinkan oo ah in muuqaalka sawirkiisana laga dhigay boostarka filinka, ee ah kolka ay Muna waydiiso Juuliya sida ay ku ogaatay in ay iyagu dileen ninkeedii Santiino dabadeed uga jawaabto, ka dibna qirasho iyo firdabax ay wada galaan, jeer ay Muna dhabkeeda saarto dhabta Juuliya, waxa daqiiqadaas aan sugayay in ay labaduba ooyaan, ugu yaraan haddii ay ooyi kari waayaanna ay ilmeeyaan. Taasi ma dhicin, oo aamus dheer oo bilaa shucuur oohin ah baa lagu dhaafay. Dib baan se ka ogaaday in ay labadoodaba tahay jiliddoodii ugu horraysay ee ay sameeyaan, iyo, si gaar ah, Juuliya oo mar weriye u shaqeeya Monte Carlo Douliya waydiisay waaya’aragnimadeeda jilliin ee filinkan ku jawaabaysa in ay ku faruryaxidhnayd dhankaas iyo faashyoonka oo wax yaabihii ku adkaa intii ay metelaadda filinkan ku jirtay ay ka mid ahayd jilidda dareemada dabacsan ee looga baahnaa qof barii’ ah, tabta shakhsiyadda Juuliya oo kale.

Ugu danbayn, filinku inta uu fan aad u heersarreeya oo wadasheekaysiyadiisaa loo qoray iyo tabta qurxoon ee muuqaaladaas loo qabtay yahay waxa ka badan inta uu yahay soo gudbinta sooyaal, loollan siyaasadeed, mid dhaqan, iyo mid diineed, oo uu u meerinayo sida uu u arko.

Dark: Filin Maangad Ah Laakiin Dheef Badan

Qabasho kamid ah filinka Dark (2017-2020)

“Noloshu

waxa ay haddiyad u tahay kuwa yaqaan sida ay u adeegsan karaan” - Adam

Dark (2017-2020) waa taxane Jarmal ah oo saddex kal (season) ka kooban. Waxaa soo wada saaray Baran bo Odar iyo Jantje Friese. Noociisu waa khayaal saynis (sci-fi) Waa mid ka mid ah taxanayaasha ugu wareerka badan haddana ugu nuxurka roon ee maskax aadmi hal-abuurtay. Su’aasha ugu horraysa ee uu ku warsanayo qofka aad ku tiraa, “Dark ayaan daawaday” waxa ay tahay, maxaad ka fahantay? Adiga laftaaduna marka aad gunaanadkiisa ku sii siqayso oo aad daqiiqadaha ugu dambeeya marayso ayaad baraarugaysaa oo isi su’aalaysaa daawataye horta maxaad ka fahantay mase waqti uun ayaan kaaga khasaaray?

Waydiintaas da’ada weyn waxaa sababaya in ku-safarka waqtigu (time travel) filinka tiir dhexaad u yahay. Waxaa loo kala gooshayaa bar waqtiyeed iyo caalamyo kala duwan, tagtada, taaganta iyo timaaddaduba waa kuwo isku furan mid walba kan kale ayuu saameynayaa mar walbana dhacdooyin isku mid ayaa soo noqnoqda, sidaas darteed arrintan ayaa filinka waxa ay ka dhigaysaa mid aad u adag oo dhacdooyinkiisu isku miliqsan yihiin waxa aadna isleedahay ujeedkuba waa in caqligaaga lagu ciyaaro.

Kalka kowaad ayaad dhammayn doontaa adiga oo indhaha taagaya, kalka labaadna adigoo jahawareersan kalka saddexaadna dareenkaaga lama saadaalin karo. Iska daba wareegga, caalamyada is barbar yaal iyo maangadka filinka marka meel la iska dhigo sheekadiisa madaxwareerka ahi waxay sahminaysaa mawaadiic fara badan oo wax-ku-ool ah, nasiib darro, nuxurkaas waxa na dhaafsiinaya u kala socdaalka goobo waqtiyeedyada kala duwan ee joogtada ah, taas oo ugu danbayn innagana jihada nooga lumin doonta sida ay baxaalliyada (characters) kala duwan ee filinka diiradda iyo macanaha nolosha uga qarisay.

Haddaba innaga oo arrinta ku-safarka waqtiga iyo waallideeda meel iska dhigaynna ayaan isku dayeynaa in aan bal u dhabbagalno quruxda filinka, nuxurka sheekadiisa oo ah mid aad u farshaxamaysan iyo mawaadiicda ay baarayso kuwaas oo laga yaabo in ay ka gedmadaan qofka aad isugu hawla fahanka waqtiyada, isbeddelka ku dhacaya baxaalliyada iyo qaabdhismeedka nolosha afarta qoys ee sheekadu ku socoto.

Taxanuhu wuxuu ku salaysan yahay magaalo Jarmalka ku taal oo khiyaal ah taas oo Winden lagu magacaabo. Goor ku beegan 21-da June ayaa Michael Kahnwald oo ah aabbaha Jones (Baxaalliga sheekada hoggaaminaya) ayaa is deldelaya, isaga oo ka tegaya bashaqad ay dusheeda ku qoran tahay “Ha furin kahor Noofambar 4, 10:13 PM.” Isla maalintaas wiil yar ayaa ku lumaya meel u dhow godadka dahsoon ee magaalada. Inta wiilka yar la baadi goobayo maydad ayaa la heli doonaa, dad badanna way libdhi doonaan, inta ay booliisku isku dayayaan in ay xalliyaan dhibaatadan, taxanuhu waxa uu billaabayaa in uu waqtiga horay iyo gadaal ugu boodboodo (ugu socdaalo)

Tan iyo dhalashadii falsafadda wax is waydiintu seeska u tahay, aadanuhu wuxuu u geyllamayay in uu nuxurka iyo macanaha nolosha si qumman u fahmo, sida wax walba oo carro-edegtan uu ku dhaqan yahay xubinta ka ah ay u shaqeeyaan. Si uu libtaas u haleelo ayuuna gees walba ugu booday oo berriga iyo baddaba habeenno ugu guulay. Waxa ay hal-abuureen sheekaxiiro ciiddaas ka badan oo ay jirrid ugu dhigayaan dareemaha iyo si guud ummuuraha noloshooda saameeyaa kuwaas oo ay ugu horreeyaan waqtiga, dhimashada, qaddarka iqk, iyagoo abdanaya in ay gaari doonaan ogaal buuxa iyo rug duggaal ah oo ay inta derin ku fidsadaan ku negaadaan.

Haddaba, sheekada taxanaha Dark, oo dhab ahaan, ah mid aad u heesarraysa waxay si gudaballaaran u raadraacaysaa hayaanka aadanuhu fahanka nolosha ugu jiro, sida daran ee uu ugu mamanyahay maamulka/xakamaynta masiirkiisa, garashada wax walba, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay bartaan in asalkaba aysan suuraggal ahayn in sahanka noloshan loogu jiro uu yahay mid aan laga guulgaari karin, wayxaalaha awooodeynna ka baxsanna mudan yihiin in xarigga loo sii daayo oo laga sii gudbo, xitaa haddii loo dhimanayo haddii kale wax kasta qas iyo qalalaalse aan soohidin lahayn ayay ku biyo shubanayaan.

Marka aan sheekada aad dhuuxno, baxaalliyada Dark waxaa dhaqaajinaya rabitaan qoto dheer oo hadafkiisu yahay xakamaynta aayatiinkooda, garashada dahsoonaanta waqtiga iyo siraha nolosha, iyo iska caabbinta dhacdooyinka musiibada ku ah jiritaankooda. Rabitaankaasina waa waxa u horseedaya wareerka waqtiga iyo kadeedka nololeed. Filinku wuxuu soo bandhigayaa baahida loo qabo in tagtada iyo timaaddada wax laga beddelo lana xakameeyo ay muhim tahay laakiin ugu danbaynta ay dadka cawaaqib xumo gondaha u geli karto.

Dadku marka ay tagtadooda ku khafiifaan oo ay u qaadan waayaan in ay sidaas fudud ku dhaaftay weligeedna aysan soo noqonayn waxay mutaan rafaad soo noqnoqda. Jacaylka, murugada, shallaayga iyo aargoosiga ayaa inta badan ah waxyaabaha nagu qasba in aan har iyo habeen waqtiga tegay u baroordiiqnno. Sababtan darteed ayay baxaalliyada filinkani u gelayaan goobada rafaadka oo ay waqtiga iyo noloshaba ku dhex lunsan yihiin iyaga oo qaladaad iyo falal isku mid ah kusoo celcelinaya. Taxanuhu wuxuu iska daba wareegga dadku ku sugan yihiin iyo u kala gooshka waqtiyada kala duwan u adeegsanayaa calaamad muujinaysa waxtar la’aanta in dadku waqtiga tegay ku faruur xirnaado iskuna dayo in uu soo celiyo ama wax ka beddelo.

Gebaggabada wuxuu taxanuhu si weyn u adkaynayaa sida ay lamahuraanka u tahay in la barto fanka sii deynta si looga lug baxo wareerka lagu riiqmay joogtadana noqday. Goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen ayayna baxaalliyadu garwaaqsanayaan in ka fakashada geeriggo’anta ay ku dhex silceen ku xiran tahay in si dhab ah loo aqbalo lamahuraannimada khasaaraha nololeed, ka tanaasulidda rabitaanka xakamaynta waqtiga, iyo ku hirashada nafhurka iyo ka shaqeynta danta guud.

Filinku, wuxuu fanka sii daynta, u sawirayaa billowga daqiiqadaha qotoda dheer ee xorriyadda iyo mabadda, burburinta goobo waqtiyeedka aan dhammaadka lahayn, iyo oggolaanshaha isbeddelka iyo bogaga cusub.

“Innaga ayaa mas’uul ka ah déjà vu-gan aan dhammaanayn ...Waana ila innaga cidda soo afjaraysa.” - Adam

Si kooban, Dark wuxuu lafaggurayaa doonista qotada dheer ee aadanaha taas oo ku aaddan xakamaynta waqtiga, ka hortagga khasaaraha nololeed ee nagu dhaca, iyo ku dhegganahaashaha waxyaabaha aan jecel nahay, isagoo marka dambe na baraya in neecowda nabaddu ay soo dhabanayso kolka aan aqbalno in rabitaannada la xiriira arrimaha aanan xakamayn karin (sida joojinta waqtiga, la dagaallanka qaddarka, u bararooshada waxyaabaha aan weynay) aan iska sii daynno si aan nolol macno leh ugu dhex heesno.

Asalka dhibta iyo furdaaminteeda

Goor ku beegan 1971-di H.G Tannhaus oo ah oday fiisikiiste ah ayaa wiilkiisa Marek xurgufi dhex maraysaa. Wiilki oo caraysan ayaa xaaskiisa Sonja iyo ilma yar oo ay dhaleen gaari kusoo qaaday, waxayna shil ku galeen buundada tuulada. Shilkani Tannhaus aad ayuu u dhaawacay wuxuuna ku qaaday in uu hal-abuuro mashiin sahlaya in amminta lagu safro, si uu u baajiyo shilkaas naxdinta iyo araggaxa badan. Nasiib darro, mashiinkii wuxuu sahab u noqday in uu amin-fagaaga (spacetime) caalamkiisa labo u kala baro, waxaana sidaas ku dhashay labada caalam ee Xaawo iyo Aadan, labadu ba waxay ku dabran yihiin wareeg ammineed baas. Kaasoo ay tahay in wax kasta sidoodii u dhacaan.

Filimkuna saddexdaas caalam oo midka H.G Tannhaus asal u yahay ayuu ku wareegayaa oo la isaga gooshayaa, wayna isku xiran yihiin. Labada caalam kale oo aan ugu yeeri karno caalamka Xaawo iyo Aadan, oo kala ah magacyo ka mid ah magacyada badan ee loo yaqaan arbaha iyo qalanjada sheekada filinka. Labadan caalam waa kuwa inta badan dhibaatada dabadadheeraatay ee baxaalliyada filinku isku dayayaan in ay xalliyaan ka taagan tahay, dhibaataadaas oo ah mid murugsan oo aan lahayn gunti laga furo mas’aladaha ku sufarka waqtiguna sii dhabjinayso. Aadan iyo Xaawana mid kasta ajanadihiisa gaarka ah ayuu wataa oo uu ku doonayo in uu mushkiladdan lagu riiqay ku dabbiyo; hase ahaatee ismaandhaaf baahsan ayaa ka dhex aloosan oo mar kasta xaajada sii qasaya, mid kastana meel baa u cad.

Ugu dambayn, Claudia oo muddo dheer baaritaan ku wadday, waxa wareerka iyo iska daba wareegga waqtiga keenay, ayaa arbaha iyo qalanjada sheekada Jonas iyo Martha u dardaar werinaysa in asalka dhibtu tahay mid u laabanaysa samaysankii guntiga (knot) waqtiyeed ee labada caalam u dhexeeya, kuwaas oo aan kaliya ahayn kuwo is barbar yaal laakiin isugu xiran natiijada ka dhalatay mashiinka H.G Tannhaus abuuray. Waxay u sheegaysaa si loo joojiyo wareegga aan dhammaanayn loogana hortago musiibada in Jonas iyo Martha ay safar ku tagaan aduunka asalka ah iyo sannadkii Tannhaus uu tijaabada sameeyay islamarkaana ka hortagaan dhacdada murugada leh ee ku qasabtay inuu sameeyo mashiinka waqtiga.

“... si kasta ba waxay u baxayaan inay fuliyaan qorshihii Claudia ee Adam u sharraxay, waxay abbaarayaan caalamka asalka ah ee dhibtu ba ka curatay, habeenka ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da Nofeember, 1971, si ay u baajiyaan shilka, waxay horistaagayaan baabuurka, waxay Marek wiilka Tannhaus u sheegayaan inay buundadu jabtay oy halis tahay, in aabihii jecel yahay iyo in waxa aan ognahay (haddaan dad nahay) ay yihiin dhibic, waxa aynaan ogayn na yihiin badweyn. Nasiib wanaag Marek waa yeelayaa taladooda, isagoo u haysta inuu cidda uu la kulmay malaa’ig tahay ayuu aqalkii aabihiis u laabanayaa, mar hadduusan shil dhicin, Tannhaus-na ma samayn doono mashiin, caalamkiisuna labo aadimood uma ka la jeexmi doono, wax kasta oo falkaa ka dhashay na, waa inay baaba’aan, haddii aysan sabab jirin natiijo ma jiri karto, waxaa kolkaas ba si tartib ah u libraya atamyada labada halyaay, waxaa la baaba’aya caalmyadii baas, wareegii xumaa, iyo lacandii aminta.”

Halkan marka aan maraynno, waxaan dhihi karnaa: Dark kuma saabsana ku-safarka waqtiga sida dadku badi aamminsan yihiin, hase ahaatee, ku socdaalka waqtigu waa farsamo uu adgeesanayo in uu nagu tuso sida doonisteenna xad-dhaafka ah iyo isku dayga xakamaynta arrimaha aynaan maamulkooda gacanta ku hayn ay noogu hoggaamin doonaan jahawareer iyo ciriiri nololeed meerto ah. Qodobbadaas ayuu haddaba filinkani si guud uga warramayaa isaga oo ku soo gudbinaya habtebin qasan laakiin ay ka buuxaan wadahadallo hodon ah oo mid kastaba uu kugu riixayo in aad wax is waydiiso mararka qaarna shaki kugu abuurmo.

Wadahadalladu waa tiir sheekada dhadhan iyo qodnaan u yeela, filinkan ayaana innooga marag kacaya, oo waxaan ugu tegaynnaa wadahallo qofka ku kaxeeya in uu iska hilmaamo wareerka waqtiga, sidoo kale baxaalliyadu, iyaguna waa kuwo aad u diyaarsan, oo mid walbaba si fiican ayaa inta loo qoray lagu aaddiyay boos ku habboon.

Dhan kale, Dark kali ah caan kuma aha xabkada isku miliqsan iyo sheekatebinta anuugga ah, sidoo kale cinematography-giisa ayaa aad loo ammaanay weliba lagu tilmaamay mid ka mid ah taxananayaasha ugu cinematography-ga wanaagsan. Maadaama filinku baro waqtiyeed kala duwan ku saabsan yahay mid kasta waxaa lagu dheehay midab u gaar ah si loogu kala sooco. 2019 iyo 1989 oo ah barawaqtiyeedyada ugu muhimsan filinka mid walba waxaa lagu naqshadeeyay iftiin iyo muuqaal kan kale ka duwan.

Midabka madowguna waa kan filinka ugu badan ee loo adeegsaday maadaama uu nuxurka filinku meehanow iyo lunsanaan muujinayo, inkastoo midabka jaallahana aad loogu dhex

Mawduucyada uu Dark sida weyn u falanqaynayo waxaa ka mid ah:

- Dahsoonaanta Nolosha: Mid ka mid ah arrimaha uu Dark, sida soo jiidashada leh u baarayo waxa ugu horreeya sida dadku nolosha baaxaddeeda, waqtiga, qaddarka, iyo wax walba oo ku dhex jira uga dhoohan yihiin. Nolosha aan noolnahay billowgeeda ubucdeeda, dhammaadkeeda iyo macnaheedaba wax aan haba yaraatee ka ognahay in aysan jirin ayuu tilmaamayaa, aadanuhuha ka dhigan yahay qof habeen gudcur ah gudaya ama geeriggo’aan ku dhex lunsan haddana waxa yaabka lihi waa in tani nagu riixayso in baadidoonka runta iyo xaqiiqada aan tebaynno faraska u jaraysanno. Oraahyadan hoose oo aan filinka ka soo qaaday ayaa muujinaya dahsoonaanta nolosha iyo sida dadku uga dhoohan yahay.

“Waxaad taqaan waa dhibic, waxa aadan garanaynna waa badweyn”

“Noloshu waa geeriggo’an (Maze). Qaar baa iska wareegaya ilaa geeridooda iyagoo raadinaya waddo ay kaga baxaan.”

–Adam (Jonas)

“Ma naqaan xitaa bar ka mid ah waxyaalaha qarsoon ee ifkan. Waxaan nahay kuwo mugdi ku dhex wareegaya”

“Noloshu waxay leedahay qaybo aan la garanayn kuwaas oo ka baxsan fahamkeena. Sidaas darteed, waxaan u aragnaa inay yihiin la yaab”

“Waxaa jira waxyaabo aan maskaxdeenna yar waligeed fahmi doonin.”

–H.G. Tannhaus

2- Wanaag iyo Xumaan: : Madmadowga akhlaaqda iyo loollanka samaha iyo xumaha waa mawduuc taxanaha u muhim ah, oo filinka waan ku arkaynnaa baxaalliyo soo bandhigaya dabeecado wanaagsan iyo kuwa xun labadaba. Inkastoo taxanuhu ka fogaanayo in uu baxaalliyada u kala qaybiyo geesiyaal cadcad iyo xumaanfalayaal, taas beddelkeedana wuxuu golaha keenayaa baxaalliyaal kakan oo ficilladooda ay dabada ka riixayaan duruufo gaar ah.

3- Aqoonsiga iyo labaaleyda nolosha: Baxaalliyada Dark waxay inta badan la kulmayaan laba aqoonsi ama dhinacyada qarsoon ee nafahooda. Taxanuhu wuxuu lafaggurayaa mawduucyada is-helidda (Self-discovery) labaaleyda dabeecadda aadanaha, iyo foolsaabka dadku xirtaan si ay xaqiiqooyinkooda hoose adduunka iyo dadka kaleba uga qariyaan.

4- Iskuxirnaanta: Taxanuhu wuxuu xoogga saarayaa dabeecadaha isku xiran ee nolosha aadanaha. Baxaalliyadu waxay inta badan isugu xiran yihiin habab adag oo waqtiyo kala duwan ah, oo ficilladoodu waxay saamayn fog ku leeyihiin qofba qofka kale.

5- Hal-xiraalaha Waqtiga: Waqtigu waa xujada ugu adag ee filinku sida qodan u gudagelayo, waana ubucda sheekada. Isaga oo adeegsanaya arrimaha mala-awaalka sayniska oo ay ku laran yihiin su’aalo falsafadeed qoto dheer, “Dark” wuxuu abuurayaa sahan qani ah, soo jiidasho leh oo waqtiga ka dhigaya mid filinka udub dhexaad u ah. Haddaba filinka oo waqtiga jaraanjar ka dhiganaya wuxuu soo bandhigayaa su’aalo jiraaleed kakan, shaki gelin ah oo ku saabsan nolosha, dhimashada, iyo macnaha jiritaanka.

Billowga, Dark wuxuu soo jeedinayaa fekradda waqtigu in aysan ahayn cabbir toosan oo horay u qulqulaya (linear), sida aynnu dhammaanteen u haysanno, laakiin waa sida qool (loop) aan xad lahayn oo ku salaysan fekradda soo noq noqoshada weligeed ah (Eternal Return), taas oo Nietzsche (1882) adduunka galbeedka ku faafiyay asal ahaanna la xiriirta fekradaha iyo fahamka waqtiga ee xadaaradihii hore sida Masar, Hindiya iyo China. Sida aan filinka ku arkaynana 33-dii sanno kastaba waxaa dhaca dhacdooyin isku mid ah, sidoo kalena wixii 33-dii sano ee la soo dhaafay dhacay ayaa 33-da sano ee xigtana sidoodi u dhici doonaan.

“Ilaahay wax qorshe ah ma kama laha adduunka, wax qorshe ahina gabi ahaanba ma jiraan, oo aan fowdo ka ahayn, saxariir iyo fowdo.” – Noah

Halkaanna waxaa ka dhalanaysa in waxa adduunka kala wadaba ay waqtiga yihiin, waqtiga ayaa ilaahay ah, intaas kaddibna waxa ay is waydiinayaan xor ma nahay?

6- Hirdanka Qaddarka iyo Doonista Xorta Ah: Dark wuxuu hoos u xulayaa xiisadda u dhaxaysa qaddarka kore iyo doonista xorta ah ee aadanaha. Baxaalliyadu waxay u halgamayaan sidii ay u hubsan lahaayeen in ficilladoodu ay yihiin kuwo horay loo qoray iyo inkale, sidoo kale waxa ay guluf aan dhammaan oo ay ku guulgaara is leeyihiin ugu jiraan ogaanshaha in ay awood u leeyihiin in ay wax ka beddeli karaan aayahooda (destinies) oo waxa ay isku dayayaan in ay gaari karaan ammin ay noqon karaan sayidka noloshooda iyo qaddarkoodaba.

Sidaas awgeed ka xarig furashada fekradda waxa laguu qaddaray iyo suurtagalnimada wax ka beddelka mustaqbalka waa qodob taxanaha aad ugu soo noqnoqonaya.

“Xor uma nihin waxa aan samayno, sababtoo ah xor uma nihin waxa aan rabno .”

— The Stranger

“Waxaan u aragnaa in ficiladeenu ay yihiin kuwo innaga noo gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, tani waa mid ka fog runta. Aakhirka waxa inna hoggaaminaya waa arrimo badan oo aan la garanayn, tusaale ahaan, duruufaheenna.”

–Noah

Su’aasha ugu weyn ee taxanuhu u dhabbagalayo in uu jawaab qumman u helo waa aadmigu doonis xor ah ma leeyahay mase wax kasta waa loo sii qoondeeyay?

Halka baxaalliyaduna u dhaqmayaan in ay xor yihiin balse haddana qalbiga waxay dareemayaan in wax walba qaddarku calanka u sido. Ugu danbayn, Dark oo ka duulaya adduunkan adag iskuna murugsan ee dadku ku noolyihiin wuxuu daawadayaasha u dhaafayaa in ay iyagu weeleeyaan in ay doonis xor ah oo dhammays ah ka jiri karto caalamkan wareerka iyo kadeedka badan oo ay waqtiga, duruufaha iyo xoogag kale ee qarsoon kuwaas oo qaddarku ugu horreeyo saamayn nagu leeyihiin?

Night on Earth (1991)

Waxsoosaarkaan (Night on Earth) waxa uu soo shaaxbaxay billowgii sagaashamaadkii, waxaanna qoray oo agaasimay daraamamaadeeddaan agaasime Jim Jarmusch. Tabtiisii iyo farshaxankiisii fududaa ee lagu soohayay u kuurgalidda nolosha ayuu ku agaasimay waxqabadkaan. Tayadiisii golamuujinta, qaabayntiisii muuqshineemadana wuu adeegsanayaa si uu u dhiso una muujiyo tabtiisii gaarka ah ee sheekatabinta iyo hal’abuurka. Agaasime Jim Jarmusch waxa uu sheekada filinkaan ku qoray siddeed maalmood, doorashada ah in golatusyada iyo sheekaduna ka soo muuqdaan shan magaallo waxaa saldhig u ahayd in jilaayaasha uu rabay inay ka la qayb qaataan filinka ay ka la joogeen magaalooyinkaas se si tartiib ah ayuu sheeko kasta u geeyay magaalooyinka ay joogaan jilaayaasha.

Filinkaani waa kiisii shanaad ee uu soo saaray agaasime Jim Jarmusch, haddana daraamadaan lagu ladhay maadda waxay si qunyarsocdnimo farshaxamaysan ah u darsaysaa socdaalka nolosha, sida oo kale waxay soo bandhigaysaa dabeecadaha shakhsiyadaha iyo hirdanka nolosha. Farshaxanka iyo quruxda gaarka ah ee filinkaani waxa uu waxbadan la wadaagayaa isla filinka kale ee uu agaasimay agaasimuhu (Coffee and Cigarettes). Waxay wadaagaan habka dhacdooyinka loo dooranaayo sida: in dhacdooyinka oo dhammi quseeyaan sheekooyin soo bandhigaayo waxyaabo gaar ah (Kafee ama Taksiilayaal), goor ama goob gooni ah ayay waxkasta dhacayaan sida: in dhacdooyinka filinkaanni dhacayaan habeen oo qudha oo aannu daawaduhu maalin indhaha saaraynin, isla sida filinka (Coffee and cigarettes) loo doortay in sheekada lagu soo bandhigo miiska lagu qaxwaynaayo ee sigaarkana lagu qiiqinaayo.

Shubaalka & Nuxurka sheekada

Sheekada filinku waxay si qunyarsocodnimo ah u tabinaysaa shan taksiilayaal ah oo shan magaalo (Los Angeles, New York, Paris, Roma iyo Helsinki) ku kala nool iyo wadasheekaysi dhexmaraayo iyaga iyo rikaabkooda. Kolka hore filinku waxa uu soo bandhigayaa qaab nololeedka taksiilayaasha, shakhsiyad kasta kolka la ibbafuro golatuskeeda waxaa laga dhex arkayaa sheeko iyada u gaar ah. Taksiile kasta iyo magaalo kasta waxaa la soo bandhigayaa sheekada habeenkaas qabsanaysa, wadasheekaysiga dhexmaraya adarawalka iyo rikaabkiisa, iyada oo ay sheeko kasta ka duwan tahay sheekada kale ee isla habeenkaas dhexmaraysa darawalka iyo rikaabkiisa.

Kolka la ibbafuro golatuska Los Angeles ee lagu soo bandhigaayo sheekada taksiilaha koowaad ee habeenkaa waxaa laga dhex arkayaa gabadha taksiilaha ah sida ay u tahay shakhsiyad iskoris ah misana ku dheggan shaqadeeda, oo ay xitaa iskaga diidayso fursad ay ku noqon karto jilaayad heer sare ah. Rikaab ahaan waxaa u raacaysa islaan ka shaqayso Casting-ka (indha-indhaynta jilaayaasha) waxaanna dhexmaraya wadasheekaysi qota dheer iyada oo ay islaantu la yaabayso gabadha habeenka ku shaqaynaysa taksiga ee haddana kalisocodka ah. Isla Ameerika inta la joogo waxaa la ibbafurayaa golatuska New York, taksiiluhuna waxa uu noqonayaa oday Jarmal oo aan aqoon wanaagsan u lahayn afka, magaaladana ku cusub oo aan si wanaagsan u aqoonin xirfadda kaxaynta taksiga. Waxa uu la kulmayaa madow-Ameerikaan waayay taksi waa uunna qaadayaa, waxaanna dhexmaraysa sheeko qoys oo aad uga duwan sheekadii degganayd ee hore.

Marka la tago Paris, oo la ibbafuro golatuska habeenka qaybtiisa dhexe waxaa uu taksiiluhu kolka hore ka soo muuqanayaa muuqa hore (first scene) isaga oo rikaab ahaan u wada safiirro Kaamiruun u dhashay. Way ku dul kaftamayaan, waxaynna ugu faanayaan masuuliyadda ay hayaan, ka dibna waxa uu go’aan ku gaarayaa in uu iska dajiyo. Waxa uu soo qaadayaa gabadh indhool ah oo uu la yaabayaa ukaadsigeeda, iyo ilbaxnimada dabacsan ee ka muuqata, sheeko degganna wuu la wadaagayaa. Labada golatus ee danbe waa kuwa maad miidhan ah, waliba marka ay sheekadu joogto Rooma, iyo kolka danbe ee habeenka oo lagu soo afmeeraayo socodkii caasimadda Finland.

Nuxurka

daraama-maadeeddaan kolka aan duljoogsado waxaa lagu koobi karaa: safar shan magaalo ah oo si dabacsan misana maad leh loogu soo bandhigayo sheekooyin macno badan xambaarsan. Dabcan waa suuragal in daraama-maadeeddaani u muuqato mid aan xammaasad badan lahayn kolka lagu eego indhaha mucaashiqiinta aflaanta xiisad abuurka ah, haddana iyada oo ay sidaas tahay filinka inta la daawanayo waxaa indhaha la la raacayaa habnololeedka taksiilayaasha, dabeecadaha dadkanna wuu darsayaa sida oo kale waxaan la qaybsanaynaa habeenka bulshada shantaas magaalo gaar ahaan taksiilayaasha iyo rikaabyada goorta danbe dhex socdaalaya magaalooyinka.

Aan soo afmeero faallada e waxaa u kuurgal u baahan aflaanta uu agaasimo agaasime Jim Jarmusch, gaar ahaan waxay u baahan yihiin in indhaquraansho loogu kuurgalo si loo helo macnaha ay darsayaan iyo farshaxannada ay soo bandhigayaan. Filinkaan soo bandhigaya sheekada habeen kali ah iyo golatusyada taksiilayaasha, darsayana dabeecadaha aadamiga ah, misana si farshaxannimo leh u soo bandhigaya daraama-maadeedda waa aflaanta ay ruuxdu ku nasato oo xuusuustana ku reeba dhacdooyin fudud misana maguuraan ah. Waa u safridda magaalooyin, daraasaynta insaanka iyo dabeecadihii. Filinkuna waxa uu hantay dhowr abaaalmarinno iyo magaacibis sharafeedda masraxyada waawayn ee shineemada, wallow aannu Oskarka ka helin mudnaan sare haddana ruuxda daawadayaasha ayaa ku nasanaysa oo ku dagaysa.

Filinkaan qiimiga wayn (Léon: The Professional) ee fal-danbiyeed-(ActionThiller)-ka ah waxaa agaasimay oo qoray agaasime Luc Besson, sannadkii 1994-kii ayuunna soo shaacbaxay oo uu la gola yimid sheeko saamayn nafeed iyo tu dareenba ku reebaysa daawadaha. Sheekada billowgeeda illaa iyo dhammaadkaba waxa ay la falgalaysaa oo ay marba dhinac u rogaysaa dareenka, argatida iyo go’aanka daawadaha. Kolka la daahqaado oo la ibbafuro golatuska u horreeyo waxa soo muuqanayso shakhsiyad xummaan oo dhan lagu sifayn karo, madaxjabintana shaqadeedu tahay haddana shubaalka sheekada iyo golatusyada dhammaandka waxaa baddelmayso aragtida uu daawaduhu ka haysan doono shakhsiyadda uu ku arkay golatusyada lagu ibbafuray sheekada, oo waxa ay noqonaysaa shakhsiyaddii mid ku suntan dadnimo iyo dishibilliin aad u heer sarreeya.

Dhacdooyinka xammaasad abuurka ah ee shubaalka sheekada socodsiinaya waxaa lagu sii soohay farshaxan aad u heer sarreeya oo la falgalaya dareenka daawadaha, sida oo kale shakhsiyaduhuna waxay doorkooda uga soo dhalaalayaan si ka baxsan dunida jilliinka. Sheekadu waxay darsaysaa xumaha, qallafsanaanta iyo dareenka insaanka haddana waxay sheekadu u muujinaysaa farriimahaas si xammaasad abuurid ah oo dhammaan dhacdo kasta ma aha mid uu sii saadaalin karo daawaduhu.

Léon: The Professional (1994)

Sheekatabinta filinka; Léon: The Professional.

Sheekadu waxay tabinaysaa kaligiinoole (Léon) oo noloshiisa ku maareeya hishiisyo madaxjabin ah oo uu u qabto koox maafiyo ah. Léon, waa kaligiinoole aad u qallafsan kuna dheggan xeerarkiisa gaar ahaaneed iyo dishibilliin aad u heer sarreeya. Waxa uu fooqa uu deggan yahay ku la kulmayaa Mathilda, oo ah gabadh da’aadda tobanlayda ku jirto kuna cabbaysa jaranjarada sigaar oo aad isugu buuqsan.

“Mathilda: Mar walba noloshu miyay adag tahay, mise waa marka aad caruur tahay?

Léon: Had iyo jeer waa sidan oo kale (way adag tahay).”

Mathilda, , qoyskeeda iyo iyadu isma fahmaan, oo waa goonisocod aannay cidinna iskeenin—kali ah waxay jeceshahay walaalkeed oo ah cunugga ugy yar guriga. Lèon, isaga oo ka soo rawaxay shaqo ayuu markiisa labaad ku la kulmayaa Mathilda, jaranjarada, iyada oo u socoto suuqa, waxay waydiinaysaa waxa ay u soo gadi lahayd isaguna waxyar oo fudud buu dalbanayaa. Bal se nasiib xumo isla kolkay ka dhaqaajiso guriga waxaa soo weeraraya koox si budhcadnimo ah ku shaqaysta bal se ka tirsan hay’adda la dagaallanka daroogada (DEA). Waxay si wadar ah u laynayaan qoyskii Mathilda, cid kastana nafta ayay dhaafinayaan. Lèon, oo la ah daris qoyska ay dhibtu ku dhacayso waxa uu waxkasta ka daawanayaa duleelka yar ee albaabka guriga.

Kooxdu waxay raadinayaan daroogada nuuca kookiinta ah oo uu qarinayay aabbaha Mathilda, nasiib xumo qarintaasi waxay gallaafanaysaa qoyska oo dhan. Mathilda, suuqa kolka ay ka timaaddo oo ay guriga timaaddo waxay albaabka guriga ku arkaysaa rag hubaysan, dhibtii dhacday iyo waxkasta bal se shakhsiyad aad u caqli badan ayay ku sifaysan tahay oo waa ay ka soo gudbaysaa albaabka reerkooda waxaynna garaacaysaa ganbaleelka albaabka uu deggan yahay Lèon, waxa uunna xoogaa ka labalabaynayaa go’aanka furidda albaabka nasiib wanaag kol danbe wuu ka furayaa.

Mathilda, waxa ay la noolaanaysaa kaligiinoolaha macangagga ah ee u dabran dishibilliinka iyo qunyar-u-noolaanshaha. Waxay ka codsanaysaa in uu baro howlaha madaxjabinta oo ay isaga la shaqayso una noqoto gacanyare si ay uga aarsato kooxdii xasuuqday reerkeeda. Bal se isagu waa uu ka diidayaa oo waxa uu ka dalbanayaa in aannay tagtadaas tiigsanin oo iska illowdo noloshana sii wadato. Iyadu waxay se kalgacal u qaadaysaa madaxjabshaha iskoriska ah, Lèon. Isagu se wuu ka biyadiidayaa oo waxa uu la nool yahay xusuusaha gacallisadiisii hore.

Nuxurka filinka;

Sheekadu waxay u kuurgalaysaa daraasaynta dareennada insaanka, qallafsanaanta, iyo aargudashada. Waxay sheekadu la falgalaysaa dareenka hoose ee daawadaha, waxaynna la gola imaanaysaa dhacdooyin xammaasad abuur ah oo aan sinna loo saadaalin karin, isla jeerkaas oo uu farshaxanka filinku soo muujinayo dadnimada shakhsiyadaha. Shakhsiyadda iskoriska ah ee Lèon, waxay billowga hore u muuqanaysaa mid lagu soohay xummaan oo dhan, haddana isla dhinaca kale waxaa doorka xumaanta iyo dadnimatiranka qaadanaya saraakiisha hay’adda la dagaalanka daroogada, shakhsiyadda Lèon-na waxay ciyaaraysaa doorka dadnimada, dishibilliinka iyada oo ah maafiyo. Si kasta oo uu maafiyo u yahay Lèon, waxa uu ku astaysan yahay dadnimo, dishibilliin iyo qunyarsocodnimo.

Dhinaca kale haddii laga istaago oo loo kuurgalo dareenka Mathilda, waxaa la arkayaa sida filinku u darsayo xidhiidhka dhallaanka iyo qoyska ka dhaxeeya, oo Mathilda, waxaa xanuujinaya geerida walaalkeed oo wax dhib ah uma arkayso geerida walaasheed, hooyadeed iyo aabbeheed. Halkaas waxaa laga dhex arkayaa kalafurashada dareen ee dhallaanka iyo waalidkii ee uu filinku farta ku fiiqayo.

Sida oo kale waxaa duljoogsi mudan sida ay Mathilda, u iftiiminayso nolosha iskoriska madaxjabinta qabbatimay. Lèon, waxa uu noolaa gabadha yar horteed nolol aanan lagu sheegi karin nolol, oo waxa uu noolaa nolol dansan misana aanan lahayn xiiso iyo dhadhan bal se marka ay ku soo biiristay Mathilda wax wayn baa iska baddelay noloshiisa.

Waxaad i muudsiisay dhadhanka nolosha

“ “ Leon

Guntidda faallada aan u kacaama’e Guntidda faallada aan u kacaama’e filinkaan Léon: The Professional, waxa uu figta sare kaga jiraa aflaanta xammaasad abuurka ah ee xiisaha iyo xusuusta wayn ku reebaayo indhaha daawadayaashiisa. Waxsoosaarkaanni waxa uu hantay abaalmarinno iyo maamuusid badan, sida Abaalmarinta Cesar, uu isku darsaday filinka ugu wanaagsan sannaddii 1995-kii, agaasimaha ugu wanaagsan “Luc Besson” iyo jilaaga ugu wanaagsan “Jean Reno.”

Kudarsadayaal

Tifaftiraha

Guud

Abdullahi Osman

Agaasimaha Tifaftirka Tifaftiraha

Maxamed-Khadar Cabdicasiis

Sadam Aweis

Ku-Qorayaasha

Abdullahi Osman

Aw Saahil

Maxamed D. Ciise

Maxamed-Khadar Cabdicasiis

Ibrahim Iman

Sadam Aweis

Naqshadaynta iyo Quraaridda

Meegaal Ahmed

Mahad Mohamed

Kudarsadayaal

Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.