
Ibafurkii




Ibafurkii
777
Black girl (1966)
Ibafurkii shineemada xerudhaladka ah ee Afrika 1 15 19 11 1 11 1 15 19 11
Silsiladda Saddexda midab iyo kasmafeedda.
Dopamine-ta
Shaashaddaha
Sida filinku daaha uga qaado una dhayo nafta.
Rashomon (1950) iyo Sahminta
Dabeecadda Runta
Shineemada maguuraanka ah.
Galbashadii beerlule Alain Delon Xus iyo xasuus
25 25 In Time (2011)
Faallo Filin
27 29 31 33 27 29 31 33
Parasite (2019)
Faallo Filin
The Lives of Others (2006)
Faallo Filin
Chunking Express (1994)
Faallo Filin
Past Lives (2023)
Faallo Filin
black girl.black black girl.black black girl.black
black girl.black black girl.black black girl.black black girl.black black girl.black black girl.black black girl.black black girl.black black girl.black black girl.black black girl.black
girl.black girl.black g girl.black girl.black g girl.black girl.black g
girl.black girl.black g girl.black girl.black g girl.black girl.black g girl.black girl.black g
girl.black girl.black g Black
girl.black girl.black g
girl.black girl.black g girl.black girl.black g girl.black girl.black g
girl.black girl.black g girl.black girl.black g
Ibafurkii shineemada
xerudhalanka ah ee Afrika
“Maxaa u noqonayaa gabbaldaye; oo aan cadceedda dhankeeda ugu jeedsanayaa? Aniga ayaa ah cadceedda!” –Ousmane Sembene
Black girl, waa daraama uu 1966-dii agaasimay Ousmane Sembène (1923–2007), oo ahaa filinsameeye iyo sheekayahan afrikaan ah oo ka soo jeeda dalka Senegal. Waa filinkii koowaad ee shindhalad ah (feature-length movie) ee uu sameeyay qof madow taariikhda shineemada inta la og yahay si gaar ahna Galbeedka Afrika, in kastoo uusan ahayn filinkii koowaad ee Sembène agaasimo; Borom Sarret (1963) oo ahaa filinyare ayuu ku soo fuulay masraxa shineemada. Black girl, waa filinkii Ousmane Sembène dunida baray; ee uu ku shaacbaxay kuna mutaystay in loo caleemasaaro aabbaha shineemada Afrika.
Maleegga filinku, si kooban waa sheekada gabar madow oo ku jirta maalmo madow. Waa Diouana (Mbissine Therese) oo ah gabar dhallinyaro oo reer Senegel ah, oo muddo badan shaqadoon ahayd balse ugu danbayn shaqo ubad-xannaanayn ah oo fudud ka halaysa qoys ladan oo Faransiis ah oo xagaagaa degganaa caasimadda Senegal ee Dakar.
Muddo ka dib ayay qoysku dalkoodii ku laabanayaan, Diouana-na halkaas ayay kaga daba tegi doontaa, ballankuna wuxuu ahaa in ay shaqadeedii ubad-haynta uun sii wadan doonto. Warkani wuxuu uga dhignaa bishaaro cirka uga timid Diouana, maadaama ay si daran ugu taami jirtay in ay mar uun isaga tagto Dakar iyo dayaca ku haysta.
Sidaas darteed waxay la noqotay in ay riyadeedii u rumowday oo ay nolol xiiso iyo horumar leh ka billaabi doonto Antibes, kuna damaashaadi doonto waddooyinka iyo suuqyada ilbaxnimada iyo indhadaraandarka leh ee magaalooyinka Faransiiska ee weligeed u hillaacayay.
Ousmane, wuxuu filinkiisa u doortay habtebin aan toosnayn, taas oo daawadayaasha u sahlaysa in ay qisada Diouana ka dheehdaan laba daaqadood; taaganteeda (Antibes) iyo tagtadeedii (Dakar); oo si aan lagu caajisayn isku baal socda, waxaana sheekada labada magaalo kala gelbinaya muusig-hiddeedka iyo heeso dhaqameedka reer Senegel oo qaybta Dakar ee filinka ku lammaan iyo qaybta Antibes ee filinka oo Sembène u doortay muusigga yurubiyaanka.
Goorta ay Antibes cagta dhigto, waxaan diiradda kaamaradda Sembène ee madow-caddaanka ah ku arkaynaa wax si kasta lid ugu ah filashadii weyneed ee Diouna.
Maxaa u noqonayaa gabbaldaye; oo aan cadceedda dhankeeda ugu jeedsanayaa? Aniga ayaa ah cadceedda!
Ousmane Sembène
Guryasame Cabdi
Waxaa lagu qasbayaa in ay guriga adeegto ka noqoto oo ay jikada dharaar iyo habeen dhex dhidbanaato, tiiyoo ay u sii dheer tahay hawsha ilaalinta ilmahana oo aan looga turin.
Sidoo kale guriga in ay ka baxdo ayaa noqonaysa wax maangad ah, afarta derbi ee jikada, suuliga, fadhiga iyo qolkeeda yar ee hurdada ayay maxbuus ku dhex tahay, riyadeedii ahayd in ay cawaysyadii ku tamashlayso jidadka iyo dhulxeebeedka France Rievere ayaa ku soo dhammaanaysa dhaandabagaalle iyo “hir aan ii dhowayn ma halabsaday!”
Hungadaas ay la kulantay Diouna waxay ku ridaysaa hanjab iyo qulub ay ka soo waaqsan waydo ilaa ilbiriqsiyada u danbeeya nolosheeda. Ousmane oo waxqabadyadiisa suugaaneed lagu baadisooco ku dhiirrashadiisa dhaleecaynta caqliyadda gumaystaha ayaa qisadan innoogu hogatusaalaynaya ballamaha afka barkiisa ah ee uu had iyo goor gumaystuhu ku maaweeliyo dadyowga Afrika, taas oo ugu danbayn ku soo idlaata ballanfur, sedbursi iyo qiyaano aan laga garaabin
Lamaanaha ay gabadhani u adeegto magacyadooda lama xusayo, keliya waxay ugu yeertaa mudane (Robert Fontaine) iyo marwo (Anne-Marie Jelinek), tan oo baaq u ah in ay ku jirto marxalad addoonsi maldahan ah. Diouna oo inta badan filinka, codkeeda inoogu tebinaysa qisadeeda qarracanka ah ayaan marar badan maqli karnaa iyadoo iskula hadlaysa, “addoontooda ayaan ahay… maxbuus ayaan ahay…”
Farshaxankan Sembène ee maguuraanka ah waxyaabaha uu lafagurayo waxaa ka mid ah haybsooca iyo hagardaamada uu gumaystuhu kula kaco dadyowga uu gumeeyo, arrintan waxaan si fiican uga bogan karnaa markan si deggan ugu fiirsanno xadgudubka jireed iyo midka maskaxeed ee ay Diouana sida maalinlaha ah u wajahdo.
Waxaa loo arkaa walax aan dad dhammays ah ahayn, xasuuso golatuska uu nin weyn oo marwada saaxiibbadeed ka mid ah markuu arko Diouna iyo gibilkeeda madow, dhabanka ka dhunkanayo si idan la’aan ah isagoo si maad ah u sheegaya in uusan waqiis naag madow dhunkan.
Dadnimatirkan gabadha lagula kacayo waxay ka qaadaysaa hoosayn nafsadeed oo u horseedaysa in ay dhibsato a haanshaheeda qofeed iyo kan haybteeda afrikaannimo.
Siduu qabo Fanon, hadallada yasidda iyo bahdilka ah ee qofka had iyo jeeraale lagu yiraahdo waxay sababaan in dulmunuhu marka danbe isu arko in uu ka hooseeyo gumaystaha, isla tabta gabadhan ku dhacday.
Aragtida laba-baraadlaynta (Double Consciousness)
Maalmaha hore Diouana waxay u lebbisanaysaa sida yurubiyaanka saaka dhuuban iyo kaba taako dheer ayay guriga ku dhex joogtaa, timaheedana waxay ku daboolaysaa masar cad, si ay qoyska Faransiiska ah danayntooda u soojiidato, uguna muuqato naag ilbax ah oo u eg bulshada cad. Laakiin isla markiiba waxaan arkaynaa iyadoo sawirkaas maskaxeed iyo haybtaas ismoodsiiska ah laga kala daadinayo. Islaanta ay u shaqeyso oo u dulqaadan wayday dabcan gabadhan madow ee isku dhererinaysa haybta qofka-cad ee sarreysa ayaa Diouana xasuusinaysa qofka ay tahay ee runta ah, “Maxaad sidii qof xaflad u socda har iyo habeen ugu lebbisan tahay, ha hilmaamin inaad adeegto madow tahay” ayaa looga naxsanayaa.
Isku-dhacaan ka imaanaya qofka ay gabadhu isu-aragto iyo sida ay u arkaan qoyska ay la nooshahay iyo guud ahaan gumaystuhu waxay ku abuurtay Diouana haybwareer iyo qulub hor leh, waxaanna ku baraarugaynaa in ay ku jirto xaalad laba-baraadlayn ah.
Laba-baraadlayntu (double consciousness) waa aragti bulsheed oo uu qoraagii iyo indheergaradkii weynaa ee Afrikaanka ahaa W.E.B Du Bois, ku soo ban bixiyay buuggiisa
The Souls of Black Folks, waa xaalad uu qofku dareemo in uu ka kooban yahay laba shaqsiyadood oo is huwan ama inuu laba hayb-bulsheed leeyahay, taas oo culays maskaxeed ku dhalisa qofka, kana hor joogsata in uu is-ahaansho qofeed ah oo run ah gaaro. Waa xaalad haybwareer ah oo ay la kulmaan bulshooyinka la gumaysto ee haybsooca iyo hoosaynta joogtada ah ku hoos nool. Fiiradan markii hore waxay xoogga saaraysay bulshada madow ee Afrikan-Ameerikaanka ah, inkastoo ay ifafaalo guud noqotay.
Diouana waxaan ogaanaynaa in ay doogtan iswaayidda ah ugu danbayn ka baxayso marka ay runta qaraar ee ah inay weligeed ahaanayso qof afrikaan ah garawsato. Taasna wuxuu Sembene ku muujinayaa, marka ay bilaawdo kacdoonka ay nafteeda ku xoraynayso ee ay isqurgoynayso waxay timaheeda u tidcanaysaa habka dhaladka ah ee afrikaantu timaha u dabtaan, taas oo ina tusinaysa inay gaartay marxalad is-ahaansho qofeed ah iyo in ay haybteedii dib ula midowday.
Maxay dadka madow u jacel yihiin ninka cad?
Sembene wuxuu ahaa indheergarad aad u dareensan ugana dhiidhiyay marxaladdan gumaysiga-maskaxeed ah ee ay dadka qaaraddiisu ku sugan yihiin, waana sababta uu u go’aansaday in uu kaamariddiisa iyo qalankiisa cabqriga ah ku halgamo. Ousmane mar waraysi lagu dhex wayddiiyay in reer yurub filimaantiisa fahmaan wuxuu ku jawaabay in ay filimaantiisu la hadlayaan kana hadlayaan dadkiisa, balse uusan ugu talo gelin reer yurub, in ay fahmaanna muhiimaddiisa koowaad ahayn.
Diouana, jamashada daran ee ay u haysay inay Yurub tagto iyo samafilashada indhabeelka ee ay caddaanka ka haysatay ma ahayn wax iyada ku koobnaa se waa xaalad bulsheed oo ay dadyowga Afrika ku sugan yihiin tan iyo maanta, iyaduna la wadaagtay. Sida aqoonyahankii weynaa Frantz Fanon, ku lafaguray buuggiisa Black Skin, White Masks, qofka madow wuxuu had iyo jeer u xusulduubayaa siduu u noqon lahaa ninka-cad, isuma haysto qof shindhalad ah oo jira ilaa uu qofka cad aqoonsi ka helo. Arrintani kama dhigna in dadka madow dhalan ahaan u hooseeyaan balse waa in laga dhaadhaciyay oo ay si daran u raadaysay buunbuuninta iyo borabagaandada lagu sarreysiiyo haybta ninka cad ee looga dhigo abkii ugu sarreeyay abuurta. Tan labaadna, qofka madow arrintan waxaa ku qasabta dadaalka uu ugu jiro in uu saami ka helo fursadaha nololeed iyo horumarka nink cad kootada ugu xiran ee isaga la duudsiiyay. Haybwareerkan waxaad mooddaa in bulshadeenna Soomaaliyeed aad ugu xooggan yahay maanta. Dadka Soomaaliyeed, waxaad arkaysaa jamashada weyn ee ay u hayaan dhaqamada iyo aragtiyaha dadka cad. Suugaanteenna iyo hiddaheenna soojireenka ah waxba uma haystaan ilaa ay ka arkaan qof cad oo ammaanaya ama ka hadlaya.
Inkastoo sabool ahay haddana waan sarriigtaa:
Qaybaha danbe ee filinka Diouana waxay billaabaysa in ay gadooddo, qolkeedana ka soo bixin. Waxaase murugo leh in marwadu ugu hanjabayso haddii ay shaqayn waydo in cuntada laga goosan doono. Warqad hooyadeed u soo dirtay oo ay maamadu si dadban ugu dhaliilayso gabadheeda in ay dhaqaale u soo dirin qoyskeeda ayaa mudanuhu u akhrinayaa maadaama ay iyadu waxba akhrin karin! Taas oo uu Sembène inoogu muujinayo in aan gabadha xitaa mushaarkeeda la siinin. Waa sedbursiga iyo xaq-duudsiinta ay reer Yurub had iyo goor kula kacaan dadka ku hoos nool. Maalmo ka hor dhimashadeeda ayaa xoogaa lacag ah ninku u keeni doonaa Diouana laakin waa ay iska diidaysaa.
Waxa Dakar ku soo laabanaya ninkii ay u shaqeynaysay Diouana oo raadinaya qoyskeeda si uu ugu wareejiyo alaabtii gabadhooda oo isugu jirta dharkeedii iyo foolsaabkii, iyo lacag yar oo ah mushaarkeedii ay iska diidday inay qaadato maalmihii ay isqurgoyn rabtay.
Diouana hooyadeed oo gurigeeda cariishka ah dhex fadhida markuu dul yimaado ee uu lacagtii yarayd u soo taago inta qummaati u sarajoogsato oo si quursi leh u eegto wejigiisa cabbaar ayay halkii kaga dhaqaaqaysaa isagoo lacagtii kor u haya. Sembène oo markan filinka jilaa ka ah ayaa ninka cad u sheegaya in hooyadu lacagtiisa diidday ee uu iska haysto. Qiyaastii filanwaa’ ayay ku noqonaysaa ninka cad in qof madow oo sabool ah lacag ku celiyo.
Hooyada oo u taagan bulshada afrika waxay ninka cad, cod aan maankiiisa ka go’in ugu sheegtay in ay ka qab weyn tahay qof shilimaad yar ku illoobi karta gabadheedii uu qashay. Haddii uu saancaddaaluhu wax weyn u haysta walaxda iyo lacagta yar ee uu sido, waxay si aamusan ugu tilmaantay in nafta gabadheedu ka qaalisan tahay mid lagu doorsan karo wax kasta oo qiimo leh.
Halkan farriinta weyn ee aan ka fahmi karnaa waa in dadyowga Afrika – inkastoo waayuhu gacantooda dib u xireen – haddana ay leeyihiin qab iyo damiir suubban oo qeexaya dadnimadooda iyo hiddahooda qumman ee soojireenka ah.
Shareerada foolsaabka alwaaxa ah
Marka aan isku dayayno falanqaynta Black girl, waxaa lamadhaafaan ah in aynu is dul taagno foolsaabka madow ee alwaaxa ah (wooden mask) ee aynu filinka bilowgiisa ilaa gunaanadkiisa ku dhex arkayno. Ousmane, naqdigiisa gumaystaha si uu u soo bandhigo ma uusan u baahan in uu abuuro wadahadallo gacankurimis ah iyo baxaalliyo tirabeel ah balse maadaama uu ahaa hiboole dhalad ah wuxuu farriimihiisa waaweyn iyo dulucda filinkiisa si farshaxanaysan ugu xambaaray foolsaabka madow ee alwaaxa ah; oo uu u adeegsaday qalab shareero oo udubdhexaad u ah qulqulka qisada.
Haddaba dhowr kan qodob ee hoose ayaan ka soo qaadanaynaa qaar ka mid ah macnayaasha tirada badan ee ku jira duurxulka foolsaabka iyo sida ay qisada Diouna iyo filinka ugu daaban yihiin.
Qaybaha danbe ee filinka, Diouna waxay noqonaysaa qof riya-maalmeed isaga jirta oo xasuus kunool ah, sawir ay iyada iyo gacaliyaheedii, Dakar ku wada galeen ayaa u noqonaya daaqad ay ka daawato nolosheedii hore iyo tab ay kula xiriirto dalkeedii, waxaan si dibu’milicsi ah u arkaynaa Diouna, foolsaab alwaax ah oo ay wiil yar oo xaafaddooda ka tirsan ka iibsatay ayay maalinta koowaad ee shaqada u hadyaynaysaa lamaanaha caddaanka ah. Waxay u muujinayaan in ay aad u jeclaysteen foolsaabka maadaama uu yahay farshaxan afrikaan ah oo run ah, waxayna ag surayaan agabyo kale oo farshaxan afrikaaneed ah. Laakin marka ay Diouana uga daba tagto gurigooda Antibes, waxay arkaysaa foolsaabkii oo keligiis derbi maran laga laalaadiyay.
Halkan waxaan ku baraarugaynaa in foolsaabku (mask) uu markan metelayo Diouna, xilligii ay Dakar iyo dalkeedii joogtay waxaa hareera joogay dadkeeda sidaa darteed qoyska ay u shaqeyso qaddarin iyo xushmad badan ayay u muujinayeen, laakin ay markii Antibes timid, waxay noqotay baylah aan ehel iyo asxaab iyo cid ay u iilato u joogin Faransiiska oo la bahdilo, tabta foolsaabkeeda gidaarka ku kaliyoobay ayay iyaduna go’doon u noqotay sidii geed ku yaal bankii Geeriyaad.
Markale, macnayaasha maldahan ee aynu ku fasiri karno foolsaabka ayaa ah in uu u metelayo Afrika iyo gumaystaha.
Golatusyada u danbeeya filinka, ee ay gabadhu isku qabanqaabinayso hayaankeeda aan soo noqodka lahayn ee ay nafteeda ku xoraynayso waxaa kamid ah golatuska ay derbiga ka soo fuqsanayso foolsaabkeeda, balse islaanta ay u shaqeyso markay ogaato ay kula dhagayso foolsaabka.
Ousmane ayaa kaamiradda dusha sare kaga keenaya Diouana iyo islaanta oo labada daraf kala haysta foolsaabka si xoogganna u kala jiidanaya. Qaab jarmabootin ah (jump-cuts) ayuu Sembène inoo tusayaa iyagoo qolka dhexdiisa iska daba wareegaya, mudanihii guriguna hor taagan yahay. Ugu danbayn loollankaas adag ee hanashada foolsaabka loogu loogu jiro waxaa ku adkaanaysa gabadha.
Halkan waxaan ku macnayn karnaa marwadu waa gumaystihii yurub, si gaar ah Faransiiska, halka Diouana noqon karto Afrika. Kacdoonka iyo halganka ay gabadhu ku soo ceshanayso foolsaabka wuxuu ka dhigan yahay halganka gumaysi-diidka ah ee dadyowga afrika qarnigii 20-aad isaga ridayeen heeryada gumaystaha, halka islaantu ay u taagan tahay gumaystihii oo ay qaadanwaa’ ku noqonayso in dadkii uu gumaysanaysay muddada dheer gacantiisa ka sii baxeen, kana xaroobeen, xasuusnaw lixdameeyadii oo ah xilliga filinkan la sameeyay waa sanadihii ay dalalka Afrika intooda badan gobannimadooda dib u hanteen.
Islaanta, odaygeeda ayaa u xasuusinaya in ay foolsaabka markii horaba gabadhu siisay oo aysan iyadu lahayn. Balse waxaan arkaynaa in ay weli xaqiiqadan qaraar u cuntami la’ dahay gumaystaha; dunidii uu ka calanwallaynayay iyo ummaddii uu dhiiggooda iyo dheeftooda ku naaxi jiray in waa’ cusub u dillaacay ayaa filanwaa’ iyo caro xooggan ku ridaysa.
Marka uu ninku hungada kala soo carraabo gabadha hooyadeed inta uu jidadka Dakar dhex lugaynayo waxaa daba galaya wiilkii yaraa oo wejiga soo gashaday foolsaabkiisii ay Diouana horay uga iibsatay oo uu hadda dib u helay. Ninka cad hadba gadaal ayuu u jalleecaya wiilka yar ee daba socda, argagax iyo cabsi ayaa wejigiisa ka muuqanaysa, ookiyaalo madow ayuu gashanayaa isagoo si baqdin leh u baalaldhuganaya… wiilkii yaraa weli sidii buu u daba socdaa oo saanta uu qaado ayuu ka daba qaadayaa ilaa uu galo iridda gegida diyaaradaha.
Muxuu yahay haddaba duurxulka ku jira golatuskan taariikhda shineemada galay?
Foolsaabku ilbaxnimada iyo dhaqamada Afrika wuxuu uga jiraa kaalin soojireen ah, siiba wadamada saxaraha ka hooseeya sida Senegal. Dadyowga Afrika waxay aaminsan yihiin in foolsaabku yahay halka ay deggan tahay arwaaxda awoowayaashii hore. Si kale, waa qaab kale oo ay dadkii dhintay nolosha uga qayb noqdaan. Tani waxay ka dhigan tahay in gaboodfalladii uu gumaystuhu dadka Afrika u gaystay iyo galaafashadii nolosha Diouana in ay ahaan doontoo godob aan duugoobin oo weligeed daba socon doonta saancaddaalaha. Foolsaabku markale wuxuu mudanaha xasuusinayaa Diouana in aysan dhiman se tahay tan hadda daba joogta, dadkeeduna ogyihiin siduu u qafaashay iyo gefkii galaaftay gabadhooda nafteeda.
Gunaanad
Ugu danbayn waxaa laga yaabaa in aad is wayddiinayso maxaa ka dhigay Black girl waxqabad sooc ah oo saamayn durugsan ku yeeshay sooyaalka shineemada Afrika iyo tan dunidaba? Si kooban, dadku intooda badan kuma baraarugsana in Black girl yahay filin ku salaysan qiso dhab ah oo ku dhacday gabar dhallinyaro ah oo Senegalese ah, Faransiiskana ku noolayd!
Dhacdadu waxay ku dhacday gabar 31 jir ah oo ka timid gobalka Ziguinchor ee dalka Senegal, ka dibna Dakar qoys caddaan ah oo Faransiis ah ka shaqaalaysiinayaan; shaqo adeegto iyo ubad xannaanayn ah. Intaa ka dibna Abriil 1958 Faransiiska tagtay. Balse seddex bilood ka dib imaantinkeedii Antibes is dishay. Diouana Gomaz oo ah dhibbanaha runta ah ee ay M’Bissine filinkan inoogu meteshay, tafaasiishii geerideeda iyo xogteedii qofeedba waxay noqdeen mid lagu
Sanadkii 1958, xilliga geerida Diouana, Ousmane Sembène wuxuu ku noolaa Faransiiska, Dekadda Duqda ah ee magaalada Marseille ayuu ka shaqeynayay, dabcan wargeyska ayuu akhriyay qisada gabadha. Qaabka uu warka gabadhu wargeyska ugu qornaa waa tabta uu golatuska dhammaadka filinka u dhow Sembène inagu tusinayo nin kursi ku dhacadiida oo ka mid ah dad caddaan ah oo ku qorraxaysanaya xeelliga badda Antibes oo akhrisanaya wargeys Gabar madow ah oo halbowlaha isku dhex goysay gudaha
Sheekada Diouana Gomaz iyadoo faahfaahsan oo caddaymaheeda iyo baaritaanno qotodheer ku daaban yihiin ciddii xiisanaysa waxay kaga bogan kartaa maqaalka Sembène’s “Black girl” Is a Ghost Story, oo uu Doyle Calhoun; qoraa iyo baare arrimaha la xiriira sooyaalka gumaystaha Afrika ku
Dhacdadan Sembène 1962 ayuu sheeko gaabana ka qoray oo ku soo baxday xulkiisii Voltaique, intaas kuma filnaan Ousmane, 1966 ayuu sheekadii u rogay filinkan Black girl. Sembène isagoo kaashanaya hibadiisa dhaladka ah tiiyoo cuskan aqoontiisa filinsamaynta oo uu Ruushka ku soo bartay wuxuu awood u yeeshay in uu qisadii Diouana Gomaz ee la aasay dib godka uga soo saaro una rogo sheeko uu qalinka iyo kaamiradiisa isku sidkan ku waariyo. Godob qofeed iyo gef ummadeed oo uu gumaystuhu si dhayalsi leh ku dhaafay ayuu Sembène u beddelay farshaxan shineemo oo noqday dhaxal maguuraan ah oo jiilba jiil u
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
Silsiladda Saddexda midab
midab iyo kasmaNAfeeDda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
midab iyo kasmANafeedda
Wax kale oo aan samayn karo hadda iima soo harin. Waxba ma doonayo inaan yeesho; xasuuso baanan doonayn, saaxiibbo ayaanan doonayn, xitaa jaceyl ma doonayo. Waxaas oo dhan waa dabinno iyo shirqool.
Julie
Silsiladda Saddexda midab iyo kasmanafeedda
Maxamed D. Ciise
Silsiladdaan waxaa sidoo kale loogu yeedhi karaa ‘silsiladda kasmonafeedda’ oo waxay soo shaacbaxday billowgii sagaashameeyadii, waxayna ka kooban tahay saddex midablaydu: Buluug (1993), caddaan (1994) iyo casaan (1994). Saddex midablaydaani kolkii ay soo iftiintay waxay falkiyaasha shineemadu durbaba falkiyeen saddexda midab, oo waxay ku sheegeen in saddexda filin ee midba midabka goonnida ah la siiyay ay isugayntoodu ka tarjumayaan calanka Faransiiska. Isla kol kale waxaa iyana laga dhadhansan karaa saddex xagalka siyaasadda jamhuuriyadda Faransiiska: xoriyadda, sinnnaanta iyo midow walaalnimo. Silsiladdu waxay dhacdooyinkeeda ka dhacayaan saddex caasimad oo ka la duwan: Baariis, Waarsow iyo Jineefa. Waxsoosaarkaan waxaa agaasimay oo ku awoodsheegtay agaasime Krzysztof Kieslowski, oo waa waxsoosaarkiisa shineemeed kuwii u danbeeyay. Farshaxanka iyo waxqabadyadiisu waxay diiradda saaraan: qulubka, iskudhexyaaca, xidhiidh-xumada iyo werweku aadanuhu la keliyaysto. Dareennada hoose iyo dhabba-abbaaridda ruuxda ayay waxqabadyadiisu inta ugu badan shubaaliyaan oo ay ka warramaan. Farshaxan shineemeedka silsiladda saddexda midab, waxay dhumucdeedu tahay iskudhoonka: ruuxda, xidhiidhka iyo qaddarka. Saddex filin sheekooyinkooda waxaan ka dhex arki karnaa dhabba-abbaarkooda saddexdaas arrin. Shacniga sheekada saddexda filin
Filinka ugu horreeyo ee silsiladdaani waa: Buluugga, oo soo shaacbaxay sanaddii (1993). Waxa uu tabinayaa sheekada Juuliya oo ay shil gaari kaga dhimmanayaan gabadheeda iyo ninkii iyada qabay. Waxay ka qaadaysaay iskudhexyaac daran iyada oo luminayso xakamaynta nafteeda iyo ka warqabidda nolosheeda. Waxay u foofaysaa fikir, iyada oo ka dheeraanayso dadka misana kalinimo ka doorbidayso waxkasta. Waxay waqtigeeda ugu badan ku luminaysaa ku noolaanshiyihii tagtada, oo midabka buluugga kolka la joogo kasmonafeedda waxa uu ku suntan yahay: aamusnaan. Juuliya waxay iskudayaysaa inay soo kabato oo ay shaqadeeda muusigsoosaarista ka soo dhalaasho. Gabadha ay dhashay waxay jeclayd midabka buluugga ah, taasina waxay Juuliya ku keentaa markasta oo ay aragto buluug inay dibugocato tagtada. Filinkuna waa mid aan la taaban karin-’dareen ahaan’ marka loo eego qaabka uu u soo bandhigaayo caqiidooyinka maldahan ee sheeyada dhaafsiisan ruuxda.
Filinka xigo ee silsiladda waa: caddaanka oo la soo saaray isna sannadkii (1994). Midabkaan filinka qaatay waxa uu ka warramayaa sheekada: Karol oo guursanaayo misana kalgacal u qaadaayo gaashaanti Faransiis ah oo la yidhaahdo Dominique. Wuu ku waalanayaa oo si wayn oo ruuxi ah u caashaqayaa bal se iyadu waxay tagaysaa maxkamadda oo ay dalbanaysaa inay iska furto. Waxay ku qanci waynaysaa ragnimadiisaa oo hamuunteeda galmo ayuu qancin waynayaa. Taasina waxay ku qasbaysaa Dominique, inay bannaanka iyo laamiya Faransiiska boorsadiisa u soo dhigto oo ay ka fogaato noloshiisa. Waxa uu filinkaan muujinayaa oo ka dhabsheegayaa sida ay u kakan tahay qancinta aadanaha, isaga oo uu midabkaani lumaynin dhumucyada xidhiidhka, ruuxda iyo qaddarka aayaha oo ay muujinayso silsiladdaani ayuu si qunyarsocodnimo dareen-abbaarid badan laga dhadhansanaayo u soo bandhigayaa.
Filinka u danbeeyo ee silsiladdaani waxa summad u noqonaayo: casaanka oo soo shaacbaxay sanaddii (1994). Filinkaanna waxa uu dhabba-abbaarayaa oo uu ka warramayaa valentine oo ah gabadh faashiyoon moodhel ah oo ku nool kalinimo iyada oo aad u raadinayso misana danaynayso wehel iyo cid guriga ku wehliso. Waxay inta ugu badan waqtigeeda la qaadanaysaa nin oday ah oo ay isla sheekaynayaan kaas oo ay wadagaayaan sheekooyin dhowr ah. Waxaa dhexdooda ka unkamaayo kalgacal, diiraddana waxa uu saarayaa filinkaan sida gabadha moodheelka ahi ay kalgacal iyo weheshi uga helayso odayga duqoobay ee kalinimada ku koobmay. Oddorasidda aflaanta agaasimaha badankood wxay si qotodheer u qodaan ruuxda hoose ee bini’aadanka. Dhammaadka filinkaan waa mid ka mid ah farshaxannada lagu awood sheegtay ee hiboole uu ku soo bandhigo waxqabadkiisa. Waxa uu dhammaadka filinkaan ‘casaanka’ iskugu keenayaa daqiiqadaha u danbeeyo ee sheekada: markab badda dhexdeeda ku qallibmay dhammaan shakhsiyaadkii labada filin hormuudka u ahaa: Juuliya, Kaarool, gaashaantidii Dominique ahayd iyo waliba valentine. Waxay cid kasta ka yaabaysaa sida saddexda filin looga dhex arkaauo saddexda xagalka dhumucda u ah waxsoosaarkaan: ruuxda, xidhiidhka iyo waliba aayaha qaddarka, misana shakhsiyad walba waxay isku dayaysaa inay ka dhoofto magaallada ay joogto ka dibna muuqyada u danbeeyo ee filinka u danbeeyo silsiladdaan la iskugu keenayo dhammaan oo ay ka soo muuqnayaan iyaga oo ay ku habsanayso dhib kale.
Nuxurka kasamafeedda ee silsiladda
Buluuggu: waxa uu si qoddadheer u falanqaynayaa maskaxda Juuliya ka dib dhacdada shilka ah ee gallaafatay cunugteeda iyo ninkeeda ka dibna mugdi ka dhigay nolosheeda. Waxa ay falanqayntaasi innagu qasbaysaa inaan baarno oo aan isdultaagno aragtideenna ku saabsan: nolosha, kalinimada iyo xorriyadda. Dareenkeeda waxa uu ku dhex dhumayaa nolosha oo ay isku arkaysaa duni ay kali ku noqotay–oo ka fogaanshaha iyo aasidda dheer ee ay agteeda kaga dhaqaaqeen labada wehel (cunugteeda iyo ninkeeda) ee ay aqalka ku la noolayd ayay mar kaliya ku baraarugaysaa. Dareenka nafeed ee Juuliya waxa uu noqonayaa mid lunsan oo si daran u habowsan, waxaynna luminaysaa aqbalaadda iyo sii socoshada noloshada iyada oo ka doorbidayso dibugocashada iyo dareentabyo daran. Nuxurka qoddadadheer ee aan ka dhex arkaynno kolkaan isdultaagno filinkaan ashqaraarta leh waxa uu noqonayaa: murugo, adkeysi, iyo xornimo shucuureed ka dib khasaare naxdin leh. Goletuska u horreeyo ee filinka waxa uu ku billaabanayaa shil gaadhi oo ay ku waynayso Juuliya wehelladeeda ka dibna waa halka ay murugadu ka billaabanayso iyada oo adkaysi raacinayso kalinimada ay dhexda kaga dhacayso–isla kol kalena baadigoobayso xornimo shucuureed si ay kaga baxsato murugta ku habsatay ka dib luminta naxdinta badan.
“Buluugga: xorriyad; Caddaanka: sinnaan; Casaanka: walaaltinimo. Waxaan rabnay inaan iftiiminno macnaha fikradahan taariikhiga ah–ee caanka ah maanta, kuwaas oo hore u lahaa xorriyadda, siman, iyo kuwa walaaltinimada ay tahay fikrad guud. Sidaa darteed, Buluugga, xorriyadda loo la ma jeedo qaab bulsho ama siyaasadeed...laakin haddii aan ka hadalno xorriyadda, waxaan u la jeednaa xorriyadda shakhsi ahaaneed–iyo xorriyadda nolosha lafteeda.” ~ Krzysztof Kieslowski iyo Krzysztof Piesiewicz.
Laga yaabee in aanan aqoonin sida wax loo jeclaado, laga yaabee in aan ka baqanayo inaan wax jeclaado. Laga yaabee in aan ka cabsanayo waxa aan rabo.
Caddaanka: waxa uu ku saabsan yahay nuxurka: sinnaanta, iyada oo filinka uu muujinayo Karol. Karol, oo ah nin xishood badan, ka dib markii ay xaaskiisa uga tagtay duruufo bahdilaad ah isaga oo ku sugan Baariis, luminayana lacagtiisa, degenaanshiyaha iyo asxaabtiisa. Karol, waxa uu bilaabaya dadaalkiisa uu ku soo celinayo sinnaanta noloshiisa iyada oo loo marayo aargoosi. Kolka bannaanka la soo dhigo Karol, waxa uu billaabayaa in uu nolol cusub dhisddeeda u dhaqaaqo isaga oo safar tuugnimo ah ku tagaayo dalkiisa Poland. Noloshiisa cusub uu dhisaayo waxa uu billaabayaa in uu horumariyo isaga oo aanan marna niyaddiisa ka saaraynin jugtii ku dhacday iyo noloshiisii hore–kalgacalka waallida ah ee uu u qabo xaaskiisa Faransiiska ah ee ay ka tageenna ku raadinaayo aargoosasho. Halgankiisa uu ugu dhaqaaqaayo dhisidda caqliyad iyo kayd maaliyad oo xooggan waxa uu uga gol lee yahay in uu maalin uun isku caddeeyo xaaskiisa hore. Baadigoobkaan uu u galaayo in uu la sinnaado xaaskiisa hore misana ka aargoosto waa waxa sida qoddadadheer uu isudultaagaayo filinkaani. In kasta oo la dhihi karo midabka cad ee calanka Faransiiska ku jiraayi waxa uu u taagan yahay: sinnaanta, haddana waxaan ka dhex arkaynaa halganka aargudasho ee uu u kacaamayo Karol, in ay lacagtu u tahay waxa ugu wayn ee uu rabo–si uu u la sinnaado qof kasta oo kale. Dabcan waa tan ku riixaysa in uu dhex jibaaxo suuqa madow ee lacagta, isaga oo ka shaqaynaayo timajare. Mar uu qodobkaan agaasimaha silsiladda isdultaagay waxa uu ku koobay:
“Tani waa sheeko ku saabsan sinnaanta oo loo fahmay diidmo. Fikradda sinnaanta waxay soo jeedinaysaa inaan dhammaanteen isku mid nahay. Uma maleynayo in tani run tahay. Qofna dhab ahaantii ma rabo inuu sinnaado. Qof kastaa wuxuu rabaa inuu ka sinnaanbato kuwa kale.” ~ Krzysztof Kieslowski
Sinnaantu waa halkudhig ku salaysan xin.
Guntidda
curiska
Waxaa yaab oo dhan u sugnaaday farshaxankaan oo uu agaasimihu daawadayaashiisa kaga yaabsanaayo muuq gooni ah oo qayb ka ah saddexda filin midkaas oo ah: duq waayeel ah oo dhalo khamriyo faaruq ah ku ridayso sanduuqa qashinka.Waxay dhammaan daawadayaashu la yaabeen muuq aanan sheekada qayb ka ahayn sida uu kaga soo muuqanaayo filin kasta waliba wax ka yar daqiiqad. Dood, faaqidaad iyo falkin wayn ayuu muuqaasi yar ku dhex reebayaa maskax kasta oo daawanayso waxqabadkaan. Yaabka kale ee silsiladdaani gaarka la tahay ayaa ah: sida ay kaga warramayso jiritaanka, dareennada aadanaha iyo taxliilinta ay ku samaynayso dhacdooyinka looga gaabsado qaddarka iyo ku qanacsanaantiisa. Saddexda filinba waxaa dhexdooda ahaaday dhacdooyin qaddarku hormuud u yahay oo ka dib shakhsiyad walba waxay maraysaa qaddarkaas iyo dhibtii dhacday. Shakhsiyadda Juuliya, waxaa ku habsanayso dhibaato ay ku waynayso gabadheeda iyo ninkii ay u dhaxaysay se iyadu waxay ka biyodiidaysaa inay ku qanacdo ‘qaddarka’ oo ay sidaas iskaga illowdo waxkasta. Waxay ku talaxtagaysaa fikirka oo waxay daqiiqad kasta qaddarka laftiisa warsanaysaa: muxuu qaddarku iiga kaxeeyay gacalladayda? Isla sidaas oo kale waxaan haddana arkaynaa sida filinka xigo u taxliilinaayo: qanaacada aadanaha iyo xidhiidhka dhexdooda ka unkuman. Kaarol kaarol waxa uu kalgacal dhaafsiisan caadiyaynta u qaadayaa Dominique, si kasta waxa uu iskugu dayayaa kalgacalsiinteeda iyo waxkasta in uu u dhammaystiro bal se wuu ku hungoobayaa oo baahideeda si dhammaystiran uga soo bixi maayo kolkaas ayay bannaanka boorsadiisa u dhigaysaa oo uu ku kali ahaanayaa jidadka qabow. Taxliilintaani waxay iftiiminaysaa sida aanan baahida dadka marna loo dhammaystiri karin oo markasta wax dhimman yihiin. Muuq kasta waxaa laga dhex arkayaa oo saddexda filin ka mid taxliilinno ku dhisan aqoon, wacyikorin iyo taxliilinta waxyaabaha looga gaabsado rumaynta oo agaasime Krzysztof Kieslowski, waxa uu waxqabadyadiisa daawaduhu ka dhex arkayaa dhiiranaan farshaxamaysan oo waxkasta oo dareen looga gaabsaday ay tahay in la godliyo oo wax la iska warsado. Silsiladdaan waxaa sida oo kale lagu eegi karaa muraayado/ ookiyaal kasmonafeed oo filin kasta waxa uu ka warramayaa: qulub, werwer iyo iskudhexyaacidda shakhsiyad middaas oo la nool dhib ka soo gaaray qof, ama dareen nafeed ama mid qaddar oo in la aqbalo oo laga socdo mooyi e aan lahayn diburaacis haddii kale qofku waxa uu ku dhex dhumayaa darbiyada tagtada isaga oo aan waxqabsanaynin taagantiisa. Agaasimuhu silsiladdaani kaliya ma aha e waxa uu aflaantiisa kale ka dhex arkayaa daawaduhu agaasime baadigoob ay sheekooyinkiisu ugu jiraan: qaddarka, dareennada ruuxda, jiritaanka, danbaysada iyo waliba geerida. Waxa uu sida oo kale daawaduhu ka dhex arkayaa sheekooyinka uu agaasimo Krzysztof Kieslowski, dareen-abbaaridda waxa aanan si fog loo humaagayn karin iyo dhab-abbaaridda waxa dareen looga gaabsado.
Casaanku: waxa uu soo bandhigayaa sawir cajiib ah oo ku saabsan awoodda iskuxidhka bini’aadanka ee aamusan. Waxa uu si tartriibsi ah innoogu quudinayaa doonista aadannuhu ugu jiro xidhiidhka iyo weheshiga, iyada oo aan ka dhex arkayno sida ba’aan ee uu qofku ugu dhex dareemaayo cidlo isaga oo haysto: caannimo, maaliyad xooggan iyo waliba qol aad loogu xardhay walxo ashqaraar leh. Nolosha gabadha faashiyoon moodeelka ah Valentine, ayaan ka dhex arkaynaa walaxdhaadnimada¹ ku hareeraysan nolosheeda iyo qofnimadeeda iyo sida aannay uga maarmin inay raadiso oo ay weheldoonnimo u catowdo. Doorbidkaanni waxa aan kaga dhergaynaa sida uu filinkaan ugu danbeeyo silsiladda uu u soo bandhigaayo weheldoonnimada, xidhiidhka ruuxiga ah iyo waliba tab ay naftu ugu dhabbagalayso baadigoobkaasi. Casaanku waa midabka jacaylka, laakiin sida oo kale waa ka xanuunka–Midabka xiisaha, laakiin sida oo kale waa ka cabsida. Waa midabka jilaaya filinka, Valentine iyo Auguste labadaba macno ahaan iyo muuqaal ahaanba waxay ku xidhan yihiin casaanka. Marka la eego macnaha: waxay ku hareeraysan yihiin, iyaga oo soo jeedinaya in iyaga laftoodu ay aad isugu dhow yihiin. Guryahooda iyo dharkooda waxaa ku yaal casaan. Auguste wuxuu leeyahay baabuur cas, labaduba waxay lee yihiin magacyo cas. Waxay ku xidhan yihiin jacaylka ay u qabaan adduunka, gaar ahaan dabeecadda daryeelka Valentine, laakiin sidoo kale xanuunka iyo cabsida ay qabaan. Waxay ka baqayaan lammaanahoodu in aanay jeclayn, oo ay u dhibaan taas aawadeed. Guduudku waxa kale oo ay muhiimad dhab ah u lee yahay sheekada. Waxay ka dhigan tahay dhiigga Rita ka dib markii uu Valentine ku dhuftay iyada, iyo sida dhaawacyada Rita ay ugu dambeyntii isku xiraan Valentine iyo Auguste. Tabtaasi waa tab iskugu dhafan quudasho: farxad, murug, jacayl, shaki iyo haddana wehel raadin. Sida dareen ahaan ay isula falgalayaan iyo tabta ay gabadha moodeelka ahi u daneenayso aammusanaha waxkasta u tartiibsanaayo iyaga oo uu iskuxidhaayo casaanku. Jilayaashiisu waxay si joogto ah u raadinayaan nabad laakiin ma awoodaan, ilaa dhammaadka filinka, si ay u helaan aamusnaanta taas oo si dhab ah u keeni karta inay nastaan oo midba midka kale ku soo laabto. Filinkiisu waxa uu markhaati aad u weyn yahay—oo muujinaya awoodda iskuxidhka iyo awoodda qaar ka mid ah quruxda, nimcada gudaha si ay dadka ugu hagaan aamusnaanta, haddii ay kaliya fiiro gaar ah isu yeeshaan.
Waxqabadkaanna waxa uu ahaa wixii ugu danbeeyay ee uu agaasime Krzysztof Kieslowski, ku macsalaameeyo indhaha mucaashiqiinta shineemada isaga oo ka dhaqaajiyay shaqadaan mudda dheer uu qaybta ka ahaa. Si kasta oo uu kaga dhaqaajiyay shaqada waxaa laabaha mucaashiqiinta shineemada dhex ahaaday waxsoosaarradiisa iyo waxqabadkaan ah budo gooni u tuman oo ah haddiyaddii ugu danbaysay ee agaasime Krzysztof Kieslowski. waxa uu ku saabsan yahay nuxurka: sinnaanta, iyada oo filinka uu muujinayo Karol. Karol, oo ah nin xishood badan, ka dib markii ay xaaskiisa uga tagtay duruufo bahdilaad ah isaga oo ku sugan Baariis, luminayana lacagtiisa, degenaanshiyaha iyo asxaabtiisa. Karol, waxa uu bilaabaya dadaalkiisa uu ku soo celinayo sinnaanta noloshiisa iyada oo loo marayo aargoosi. Kolka bannaanka la soo dhigo Karol, waxa uu billaabayaa in uu nolol cusub dhisddeeda u dhaqaaqo isaga oo safar tuugnimo ah ku tagaayo dalkiisa Poland. Noloshiisa cusub uu dhisaayo waxa uu billaabayaa in uu horumariyo isaga oo aanan marna niyaddiisa ka saaraynin jugtii ku dhacday iyo noloshiisii hore–kalgacalka waallida ah ee uu u qabo xaaskiisa Faransiiska ah ee ay ka tageenna ku raadinaayo aargoosasho. Halgankiisa uu ugu dhaqaaqaayo dhisidda caqliyad iyo kayd maaliyad oo xooggan waxa uu uga gol lee yahay in uu maalin uun isku caddeeyo xaaskiisa hore. Baadigoobkaan uu u galaayo in uu la sinnaado xaaskiisa hore misana ka aargoosto waa waxa sida qoddadadheer uu isudultaagaayo filinkaani. In kasta oo la dhihi karo midabka cad ee calanka Faransiiska ku jiraayi waxa uu u taagan yahay: sinnaanta, haddana waxaan ka dhex arkaynaa halganka aargudasho ee uu u kacaamayo Karol, in ay lacagtu u tahay waxa ugu wayn ee uu rabo–si uu u la sinnaado qof kasta oo kale. Dabcan waa tan ku riixaysa in uu dhex jibaaxo suuqa madow ee lacagta, isaga oo ka shaqaynaayo timajare. Mar uu qodobkaan agaasimaha silsiladda isdultaagay waxa uu ku koobay: “Tani waa sheeko ku saabsan sinnaanta oo loo fahmay diidmo. Fikradda sinnaanta waxay soo jeedinaysaa inaan dhammaanteen isku mid nahay. Uma maleynayo in tani run tahay. Qofna dhab ahaantii ma rabo inuu sinnaado. Qof kastaa wuxuu rabaa inuu ka sinnaanbato kuwa kale.” ~ Krzysztof Kieslowski
Dopamine-ta Shaashadaha
Dopamine-ta
Dopamine-ta
Dopamine-ta
Dopamine-ta
Dopamine-ta
Dopamine-ta
Dopamine-ta
Dopamine-ta
Dopamine-ta
Dopamine-ta
Sida Filinku
Dhayo Nafta
Shineemadu waxay leedahay awood ay ku metasho meertada nolosha aadanaha, taas oo innoo oggolaanaysa in aan ka dhex aragnno sheekooyinkeenna qofeed shaashadda weyn. Mararka qaar waxa aynu ku baraarugnaa innagoo isu ekaysiinayna jilayaasha sheekada masraxa saaran oo aad mooddo adigii oo halkaa taagan. Si guudna fanka sheeka-gudbintu waxa uu saamayn xooggan ku leeyahay maskaxda bini’aadamka. Shineemadu waxa ay daaha ka qaaddaa nolosheenna maalinlaha ah, dareenadeenna daqiiqadaha isku beddela iyo marxaladaha aynu marno iyadoo inoo soo bandhigaysa fursad aan kaga baaraandegno xaaladda dareen ee aan ku sugan nahay, korritaankeenna iyo bogsashadeenna nafsadeed.
Waxay haddaba leedahay awood ay ku qaabayso shucuurteennu sida ay isku soo bandhigto, waxay innoo oggolaataa in aan wax ka baranno shakhsiyaadka khayaaliga ah. Isku-dayidda ah in daawaduhu sheekooyinka iyo dhacdooyinka filinkaas ku dabbaqo noloshiisa gaarka ah ayaa waxa ka dhalanaysa bogsasho iyo fahan ah inaan la jaanqaadno. Marar badan, qofku wuxuu u raadsadaa qalbi qaboojin daawashada iftiinka murugada leh ee masraxyada filimada kaas oo ku sameeya qofka isbeddel shucuureed oo la taaban karo marka uu daawanayo filin uu jecel yahay.
Waxaa dhacda in aad filin la falgasho oo uu dareemadaada iyo xaaladdaada qofeed saameeyo, oo uu kaa nixiyo, kaa qaylisiiyo sidoo kale waxa laga yaabaa ama marar badan dhacda inuu kaa ilmaysiiyo ama uu tusiyo qofka xaalad noloshiisa beddesha, laga yaabee in aad ka murugootid baylahnimada dhabta ah ee jilaagu marayo oo la mid ah caqabadaha aad nolosha dhabta ah ku marayso ama guul uu ka gaadhayo dhibka ayaa ku shidaysa dhimbiil gudahaaga. Waa halkii abwaan Singub lahaa;
Waa maadays adduunyadu dadkuna waa metelayaa
“
Bogsashada nafeed iyo Shaneemada maxaa ka dhexeeya?
Saamaynta shineemadu nolosheenna ku leedahay oo ah mid aan la qiyaasi karin baaxaddeeda ayaa waxa ka dhalanaysa iskudaawaynta Shineemada (Cinema Therapy). Asalka daawaynta shineemada, waxaa dib loogu celin karaa habkii isku-daawaynta buugta “Bibliotherapy”. Habka isku-daawaynta muuqaalada ayaa noqday mid beddelay habkii buugaagta loo akhrisan jiray loona adeegsan jiray tab daawayn. Linda Berg-Cross, Pamela Jennings, iyo Rhoda Baruch ayaa markii ugu horreysay isticmaalay ereyga isku-daawaynta Shineemada 1990kii. Tan iyo markaas, aqoonyahanno badan ayaa ereyga ku qeexay isticmaalka filimada noocyada kala duwan ee loo adeegsado daaweynta nafsiga ah. Filimada ayaa muddooyinkii u danbeeyay noqday hab ay in badan dhakhaatiirta nafsiga ahi u soo jeediyaan bukaakanadoodu in ay adeegsadaan, iyaga oo uga dan leh in ay bukaanka nafsad ahaan u caawiyaan.
Buuggii u horreeya ee tilmaama in daawashada filimada ay ka dhalato isku-daaweyn waxaa qoray Antonio Meneghetti oo ah dhakhtar cilmi-nafsiya, filasoof, iyo farshaxamiiste Talyaani ah. Sannadkii 1972, Meneghetti wuxuu soo saaray buugga “La cineterapia” (“Cinema Therapy”). Ka dib, wuxuu magaca “Cinemalogy” u bixiyay qaabkiisa, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah dhinacyada habka ontopsychological. “Ujeeddada cinemalogy ma aha in la baro ama la dhaleeceeyo shaqada maareeyaha filimka, laakiin waa in la isticmaalo filimka si loo falanqeeyo dadka daawanaya sawirradaas.”
Daawaduhu wuxuu si shucuur leh ugu lug leeyahay waxyaalaha lagu aqoonsanayo,” ayuu Meneghetti ku qoray buuggiisa “Cinema. Theatre. Unconscious.” Cinemalogy, filimka waxaa loo arkaa awood isku dhafan oo ku dhex fidday nolosha qofka. Waxaa kaloo jira daawadaha iyo xaqiiqada dibadda, cinemalogy waxay muujisaa shucuurta, dareenka, fikradaha, dabeecadda iyo xaqiiqada dibadda ee filimka iyo daawadaha.
Giriiggii hore, tiyaatarka waxaa loo isticmaali jiray “Catharsis” oo ka dhigan in waxyaabaha dhinacyadeenna ka dhacaya loola falgalo hab dareen ahaaneed. Waxaa la aamminsanaa in daawadayaasha ay la kulmi doonaan nafis marka ay la falgalaan dareenka jilayaasha. Iyadoo lagu macnayno dareen wadaagis ama dhaymo shucuureed oo ka dhalanaysa habka daawasha-wadareedka, taageereyaashuna waxay ka tagi doonaan masraxa iyagoo dareemaya nafis-gudeed. Sigmund Freud waxa uu dib ugu soo cusboonaysiiyay fikraddan aragtidiisa ah in soosaarista iyo sii-daynta shucuurta la cabudhiyay ay horseedi doonto ugu danbayb nafis iyo farxad.
Weedhsan Kaarshe
Sidee ayaan ugu Bogsanayaa filin daawshada?
Haddaba, sidee bay macquul u tahay Iskudaawaynta Shineemadu? Dadku waxay sida caadiga ah nafsadoodda la xidhiidhaan marka ay akhriyaan sheekooyin, daawadaan jilliin, ama ay dhagaysanayaan miyuusig iyaga oo ka dhex baadhaya ruuxdooda iyo dabcigooda; waxa ay nafahooda ka dhex raadiyaan wax kasta oo xiiso leh oo uga imaanaya bannaanka. Sababtaas darteed bogsashadani waxa ay dadka ka caawisaa inay fahmaan naftooda iyo caqabaddahooda iyagoo dhex maraya shucuur murugsan.
Isku-daawaynta shineemada; kobcinta dareenka iyo xidhiidhada aadanaha
Sida jilayaasha ay u la kulmaan caqabado kala duwan sheekada dhexdeeda daawadayaasha ayaa si dabiici ah u dhisa dareenkaas iyagoo ka soo qaadaya inay booskaas taagan yihiin. Dareenkan ayaa saameeya sida dadku u arkaan oo ula falgalaan si ka baxsan kuwa khayaaliga. Daawasha-wadareedka filimada waxay abuurtaa is faham iyo isku-xidhnaan ka dhex dhallata shakhsiyaadka wadaagaya daqiiqadahaas, waxa ay fududeysaa isfahankooda dareeneed iyo dabciyeedba. Isku-daawaynta shineemadu waxay kor u qaaddaa fahanka dareemada, isgaadhsiinta, iyo isku-xidhka macnaha leh iyada oo loo marayo wadahadal iyo milicsi loo fiirsanayo waxa aan daawanayno.
Kobcinta garashada iyo isku-baraarrugsanaanta qofka
Dareensasho; in qofku is ka dhex arko waxa uu daawanayo waxa ay bilaabataa marka uu qofku doorto filimaan ka turjumaya dhibaatooyinkiisa iyo marxalladaha uu ku jiro. Dareennada iyo dooddaha ayaa hagaya oo waxay sahamiyaan qiyamka qofeed, caqiidadda, iyo ficillada. Is ka dhex arragaas ayaa iftiiminaya ujeedooyinka, welwelka, iyo yoolasha qofku nolosha ka leeyahay. Waxa ay ka caawisaa dadka in ay si cad u helaan jidkooda nololleed si ay go’aanno aqoon leh u qaataan oo ay u koraan qof ahaan. Sidaas ayay dhaqammadeenna qof ahaanneed u bedbaaddaan una dhismaan, mar walba waxa ay inoo dhawaynaysaa in aan barrano nafteena iyadoo aan ku fahmayno khibradaha dadka kale. Waxa aynu nahay makhluuq ku tiirsan dadka kale, markaa adiga oo adeegsanaya khibraddaha dadka kale, waa aad ku noolaaneysaa oo dareemeysaa,taas oo ka dhigan si guud in maanka qofka iyo baraarruggiisuba ay qayb weyn ka qaadataan shaneemada, iyada oo hortag iyo daaweynba ka ah dareemada taban ee qofka ku dhalan kara.
Dadku waxa ay ka helaan dhiirigellin xirfada jilayaasha iyo tayada filin jilayaasha. Shineemadu waxa ay dhiirigellisaa horumar wanaagsan xagga la qabsiga, xallinta mushkiladaha, iyo xidhiidhada. Isku-daawaynta shineemadu waxa ay wanaajisaa fayoobaanta shucuurta qofka, isku baraarugsanaanta iyo korriinka qofeed. Waxay horseeddaa isbarasho nafeed oo barraarugsan iyo dib-uhabaynta qaab-dhismeedka nafta. Si ka duwan sida aqoontu u qaabayso, taas oo ah waxa inta badan aan isku dayno, waxay kuu sahlaysaa isbeddellada dabeecadaha, aragtiyada, iyo xitaa shakhsiyadda. Waa isbarasho baahsan oo qoto dheer kuna faafaysa qeyb kasta oo nolosha ah, taasoo keenta isbeddello gun dheer oo ku yimaada shakhsiyadda qofka.
“
Wax kale oo aan samayn karo hadda iima soo harin. Waxba ma doonayo inaan yeesho; xasuuso baanan doonayn, saaxiibbo ayaanan doonayn, xitaa jaceyl ma doonayo. Waxaas oo dhan waa dabinno iyo shirqool.
“
Martin Scorsese
Qabasho kamid ah filinka La La Land (2016) Sawirka waxaa laga soo xigtay barta The Guardian
Mid ka mid ah faa’iidooyinka ugu caansan ee shineemadu waa awoodda ay u leedahay in ay dhinto walaaca. Marka aan daawanno filim, maskaxdeennu waxa ay si buuxda ugu dhex milantaa sheekada, waxaynu ilaawi karnaa welwelka iyo mas’uuliyaadka maalinlaha ah. Baxsashadan ku meelgaadhka ah waxay kaa caawin kartaa yaraynta diiqadda iyo hagaajinta guud ahaan caafimaadka dhimirkaaga, taas oo marar badan shineemada ka dhigaysa gabbaad qofku ka galo noloshiisa maalinlaha ah.
Marka lagu daro dhimista walaaca, shineemada ayaa sidoo kale la ogaaday in ay saameyn togan ku leedahay xaaladaha caafimaadka maskaxda sida niyad-jabka iyo qulubka. Daraasad lagu daabacay joornaalka cilmi-nafsiga ee Clinical Psychology ayaa lagu ogaaday in daawashada majaajillada ay wanaajiso niyadda, sidoo kalana ay dhinto dareennada murugada iyo rejabeelka.
Gunnaanad
Filimadu waxa ay innaga caawiyaan in aan abuurno masaafo caafimaad qabta oo ka fayow dhibaatooyinka nololeed. Way adag tahay in si sax ah looga falceliyo marka xaalad gaar ah kugu dhacdo, daawashada filimadu waxay noo oggolaanaysaa inaan garawsanno in dhibtii gaarka inoo haysatay aysan ahayn mid nagu kooban balse dad badan nala qabaan.
Sidoo kale, waxaan ku noolaan karnaa oo dareemi karnaa shucuurta qof kale, in kastoo dhab ahaan aan dib ugu noolaanayno shucuurteenna gaarka ah.
Shineemada iyo cilmi nafsigu waxa ay leeyihiin waxyaabo badan oo ay wadaagaan, ugu horrayn waxa ay gaar isaga khuseeyaan qaawinta iyo soo bandhigidda shucuurta aadanaha, fikradaha, dhiirragelinta, iyo khibradaha nololeed ee ay shakhsiyaad kala duwani xilliyo kala jaad ah soo mareen. Shineemada waxa ka buuxa sawiro wanaagsan oo la xidhiidha kasmanafeedda, hab-dhaqanka dadweynaha ee ku saabsan fiditaanka cudurada dhimirka, calaamadaha lagu garto ee qeexaya cilladaha, iyo xirfadlayaasha wax ka qabta cilladahaas waxaa si weyn u saameeya sawirada iyo farriimaha shineemada iyo warbaahinta guud soo baahiyaan.
Waxaa lama huraan u ah dhakhaatiirta kasmanafeedda in ay sii wadaan wacyiga sawirrada shineemada ee cilminafsiga ah, iyo fahansiinta jirrooyinka dhimirka si ay hab wanagsan ugu fahmaan macaamiishu rejada daaweyn ee shineemada, iyada oo la kordhinayo wacyiga doorka warbaahinta ee qaabaynta sawirka cilmi-nafsiga xirfadeed, dhakhaatiirta waxaa u muuqan kara ififaalo ah in ay yaraato dhaleecaynta ku xeeran daryeelka caafimaadka dhimirka haddii dhab loo darso dooddan isku-dabiibidda sawirrada shineemada.
Shineemada
Shineemada
Shineemada
Shineemada
Shineemada
Shineemada
Shineemada
Shineemada
Shineemada
Shineemada
Shineemada
Shineemada
maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah. maguuraanka ah.
ashomon, waa mid ka mid ah filimada uu Akira Kurosawa soo saaray kuwooda ugu tayada badan, waa saacad iyo bar kaliya. Kaddib Seven Samurai (1954) waa midka loogu majeerashada badan yahay waxsoosaarka Akira. Waa filin saamayn ku yeeshay habka sheeko tebinta guud ahaan shineemada caalamka. Wuxuu dib-u-eegis ku sameeyay fahamka ay dadku ka haystaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin, garta, xusuusta iyo runta.
Sheekada filinku waxa ay soo warinaysaa kulan qalalaaso ah oo ka dhex dhacaya nin caan ah oo burcad ah (Bandit), dagaalyahan (Samurai) iyo afadiisa; dhammaadka kulanka naagtii waa la faraxumeeyay, dagaalyahankiina waa la dilay. Laakiin sidee arrimahani u dhaceen? Waxaa haddaba dhici karta in aad ku fekerto in ninka burcadka ahi dhibtaas masuul ka yahay maadaama uu ku tilmaaman yahay sifo xun, haddii aad sidaas u malayso waad degdegtay.
Sida wax walba u dhaceen waxay ku xiran tahay cidda sheekadooda soo tebinaysa. Waxaynu dhacdooyinka –hirdankii dhex maray– ka dhex daawanaynaa qirashada afar qof oo saddex ka mid ahi yihiin kuwa dhacdada ku lugta leh; qoryogure, burcadka, afada iyo ninkii la dilay (dagaalyahankii), qof walba oo afartaas ka mid ah si gaar ah ayuu wax u sheegi doonaa, markaa waa hal dhacdo oo laga tebiyay afar xaglood oo kala duwan.
Filinku waa laba waqti. Labada waqtina waxa kala saaraya waa in waqtiga dhacdada oo laga soo gudbay aan u arki doonno qaab dibumilicsi (flashback) ah, amminta la joogana ay tahay mid uu roob da’ayo. Marka agaasimuhu waxa uu roobka oo hooraya billowga illaa dhammaadka filinka u adeegsaday kala soocidda labada waqti midka la joogo iyo kan dhacdada asalka u ah oo aan xusuus ahaan u daawanaynno. Halka goobaha dhacdaduna ay yihiin saddex meel albaabka Kyoto (main setting) oo ah mid jajaban oo ay ka muuqdaan dhaawacyadii dagaalki labaad ee dunida ka soo gaaray Japan oo filinku ku furmayo, kaynta oo ah meeshii wax ka dhaceen iyo qolka maxkamadda marqaatiyaasha lagu wareysanayo.
Saamaynta Rashomon: Aragtida weyn
Kaddib daawashada Rashomon waxaa soo shaacbaxday aragtida “Saamaynta Rashomon/ Rashomon Effect”, oo ah aragti loogu magacdaray filinka. Waxa ay sheegaysaa in marka wax dhacaan dadka goobjoogga u ahi bixin doonaan warbixinno kala duwan taas oo uu qof kasta oo iyaga ka mid ahi u haysto in ay tahay run aan la barxin. Waa shaacsane iftiiminaya sida eexda qofeed, aragtiyaha shakhsiyadeed iyo haleelidda (perception) ay u qaabeeyaan xasuusta iyo fasirashada dhacdooyinka maalinlaha ee agagaarkeenna ka dhacaya kuwaas oo aan waxa aan ‘runta’ u naqaan ku jaangoynno.
Waxa ay su’aal gelinaysaa nuxurka runta lafteeda. Waxa ay golaha keenaysaa in aysan jirin run banyaal ah (objective truth), se kaliya ay jiraan xaqiiqooyin kala jaad ah oo ka dhalanaya dhugashada gaar ahaaneed ee qof walba. Haddii hal dhacdo dadku siyaabo kala duwan u turjuman karaan sidee ayay u jiri kartaa hal run oo la isku waafaqsan yahay? Waa nuxurka iyo su’aasha da’da weyn taas oo ah bu’da aragtidan.
Rashomon iyo Sawirka Runta
Akira wuxuu si xeeladaysan noo tusayaa in sawirka dhabta ah ee runtu leedahay uusan ahayn mid sugan oo leh rug kaliya oo loogu soo hagaago, isaga oo soo bandhigaya sida ay eexda shakhsi ahaaneed iyo caaddifaddu qofka u qaabeeyaan ama u saameeyaan islamarkaana u abuuri karaan run is burinaysa. Haddaba, sahankani wuxuu ruxayaa banyaalnimada runta, wuxuuna baarayaa kakanaanta haleelidda aadanaha (Human Perception), gunaanadkana wuxuu wax ka beddelayaa sida aan u fahanno ama u fasiranno dhacdooyinka, xusuusaha iyo garta. Halkanna Akira wuxuu awood u yeeshay in uu daawadaha ku riixo in uu su’aal ka keeno iskuhallaynta haleeliddiisa iyo dabiicadda runta lafteeda.
Filinka, qof walba oo ka mid ah afarta shakhsi; qoryaguraha, burcadka, afada iyo dagaalyahanka dhacdada soo tebinaya marka uu warramayo sumcaddiisa ayuu ilaashanayaa, sidoo kale gadgaddoonkii dareen – cabsidi, xanaaqi iyo walaaci dhashay kolki dagaalku dhacayay – ee ay dhex maquurteen warbixintooda saamayn qodan ayuu ku yeelanayaa. Dhanka kale doorarka bulsheed ayaa iyaguna saamayn ku leh oo qof walba booska uu bulshada ka joogay in uu ilaashado ayuu ku dadaalayaa, halka qallooca xusuusta ku yimaadana uu midabbeynayo si’aragga qofeed. Sidee marka qof naftiisa iyo booska uu bulshada ka jooga difaacaya, gadgaddoon dareen dhex dabaashay, xusuusuhuna ka gedman karaan looga sugayaa in uu deexdo ama warkiisa meel ka soo qaad u yeelan karayaa?
“Basharku ma awoodaan inay daacad u noqdaan naftooda. Xitaa shakhsiga dhimanaya beenta kama uu tanaasuli karo. Anaaniyaddu waa dembi, qalbiga bini’aadamka laftiisuna waa wax aan macquul aheyn in la fahmo
“Akira Kurosawa
Dhammaadka filinkana afarta qof kuma jirto cid la aammini karo oo lagu tuhmi karo in ay “RUN”-ta ka sheegayso wixii dhacay iyo sida ay u dhaceen, runtuna waa mid qarsoon.
Qodobbada uu Akira filinka Rashomon sida weyn ugu lafagurayo waxaa ugu yaab badan dhiraandhirintiisa fekradda ku saabsan in aan si buuxdo la isugu hallayn karin xusuusta, sababtoo ah, ayuu leeyahay, xusuusaha waxaa saamayn ku leh dareenka, eexda qofeed iyo waqtiga. Sidaas darteed wuxuu nala wadaagayaa in xusuusteenna la xiriirta dhacdooyinka aysan ahayn mid taagan – diiwaan xaqiiqeed sugan – balse waa mid sidii biyaha qulqulaysa, waxaana faragelinaya damaca qofeed iyo haleelidda. Haddiiba afarta shakhsi ay halkii dhacdo siyaabo kala duwan u xusuustaan way iska caddahay in xusuusta la qalloocin karo ku talagal iyo ku talagal la’aanba. Waxaa intaas sii dheer in qalloocaas xusuusta ku imaanaya uusan ku ekayn tebinta warbixinta, se waa mid qofku u qaadanayo in uu yahay run biya-kama-dhibcaan ah.
Kala-duwanaanshaha xusuusaha ku imaanaya wuxuu Rashomon u adeegsanayaa in uu ku iftiimiyo in aysan runtu ahayn mid sugan, balse ay tahay ururinta xusuuso kala daadsan, kolna is khilaafsan oo ay qaabeeyeen haleelidda iyo damaca kolba qofka rumaysan.
Maxaa sababaya kala-duwanaanshaha?
Aqoonyahannada niyuurosaynisku waxa ay daahfureen in mar walba oo maskaxdeennu xusuus abuurto, fasirashadeenna waxyaabaha/ xogaha muuqaalka ah waxaa saamayn ku yeelanaya mahadhooyin hore iyo eexda gudeed, eexdaasi waa mid qofka u gooni ah kuwa qaarna waa kuwa la wadaago. Sidaas awgeed mar alla marka aan isku dayno in wax dhacay turjumaad u samaynno ama sidi ay ahaayeen u soo tebinno kaliya waxa aan haleelnaa natiijo la qurqurxiyay ama la foolxumeeyay – hadba sida ku habboon yeelaha – oo xusuusti dhabta ahayd aad uga fog.
Rashomon waxa uu si gundheer u falanqeynayaa arrinta ah in haleeliddu (perception) ay tahay mid kalyaal ah (subjective), taas oo ka dhigan in jilaa walba uu dhacdada fasiraad u samysan doono isaga oo ku saleynaya xagal-ka-eeggiisa u gaarka ah. Haleelidda qofeed waxaa qorqora arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin: waayo-aragnimada iyo dareenka shakhsiga, iyo sidoo kale habnololeedka bulshada. Taasina waa waxa ugu wacan in jilayaashu hal dhacdo u arkaan islamarkaana u fahmaan qaabab kala geddisan oo keenaysa natiijooyin kaaf iyo kala dheeri ah.
Jilaa kasta si gooni ah ayuu u haleelayaa halkii dhacdo sababtoo ah maskaxdooda ayaa habab kala duwan oo dareenkooda, caqiiddadooda iyo garashadooda ku salaysan xogaha u budaysa una kala haadisa. Tanina waxa ay unkaysaa “run” wadar ah (truths) oo u gaar ah kolba cidda waaya-arkaysa, laakiin haddana kuma jirto mid kaliya oo loo qaadan karo dhab banyaal ah (objective reality).
Rashomon wuxuu ibafuray “Saamaynta Rashomon/ Rashomon Effect” oo ah aragti shineemada dhexdeeda caan ka noqotay sheekatebintana wax badan ku biirisay, sidoo kalana saamayn guda ballaaran ku yeelatay kasmanafeedda, qaanuunka iyo warbaahinta. Waxayna aqoonyahannada iyo xeeldheerayaasha ku kaxeysay in aysan natiijooyinka waraysiyada goobjoogayaasha boqolkiiba boqol isku hallayn maadaama aysan runtu mid sii ahaan karin mugga ay meesha yimaadaan dhinacyo/warbixinno isdiiddan.
Waxaa kale oo uu muhiimad weyn siiyay dabiicadda runta, taas oo uu ku tilmaamay in aysan banyaal (objective) ahayn, laakiin ay kalyaal (subjective) tahay maadaama ay xasuusaha oo aan la isku hallayn karin, eexda iyo haleelidda shakhsiyadeed; saamayn togan iyo mid tabannba ku leeyihiin. Siaas darteed Rashomon wuxuu ahaa, siina ahaan doonaa shaqafaneed lagu xusuusto sahankiisa qotodadheer ee ku aaddan runta iyo haleelkeeda.
Cabdiraxmaan Maxamed Guure
Waxaa 18-kii bishii Agoos ee ina dhaaftay dunida ka siibtay Alain Delon oo ahaa jilaa hiboole ah oo si weyn looga majeerto shineemada maguuraanka ah ee Faransiiska iyo guud ahaanba dunida.
Alaun, oo marka laga yimaado bandhighibeedkiisii jilaannimo ee berisamaadkii shineemada Faransiiska gilgilay, sidoo kale lagu baadisooco in uu ahaa beerlule golajooggiisa labnimo ku laabqaadi jiray jamaahiirta ayaa jaad kaankarada unugyada dhiigga ka mid ah oo dhowaan laga helay ugu geeriyooday gurigiisii Douchy, Faransiiska.
Alain Delon, wuxuu ahaa magac aan ku bartay derbiga Shineema Benaadirtii Xamarweyne, xilligaa hore waxa ugu weyn ee i soo jiidan jiray waxay ahaayeen quruxdiisa iyo xarragadiisa lebbis iyo dhaqaaq, mar danbe ayaan u kuurgalay jilitaankiisa iyo qiimaha filimadiisu xambaarsan yihiin qormadan, waxaan dib ugu eegayaa noloshiisa guulaha badnayd, xiddignimadiisii, xiriiradiisii jacayl ee warbaahinta caalamku ay aadka ugu mashquushay, iyo raadadkii uu ku reebay dunida shineemada.
Indha-buluugle Alain Delon waxa uu 8-dii Noofembar 1935 ku dhashay magaalada Sceaux ee dalka Faransiiska. Waxa uu ku soo koray nolol adag kaddib markii waalidkiisu ay kala tageen isagoo afar jir ah taa oo noloshiisii yaraanta saamayn ku yeelatay. Si kastaba ha ahaatee culaysyadaa nolosha ka soo wajahay kama aanay hor joogsan in uu raadiyo kana dhabeeyo riyadiisii ahayd inuu noqdo jilaa.
Billowgiisii nololeed wuxuu ku biiray ciidamada Faransiiska isaga oo ka shaqeeyay Indochina, ka dibna wuxuu ku soo laabtay Faransiiska isagoo raadinaya fursad uu ugu biiro caalamka filimada, fursaddaas waxa uu helay markii uu la kulmay filinsameeye Yves Allégret oo go’aansaday inuu siiyo fursaddiisii ugu horreysay ee uu wax uga jilo filinkii “Quand la femme s’en mêle” ee sanadkii 1957.
Intaa kaddib Delon wuu soo shaacbaxay waxa uuna si cajiib ah u jilay kaalimaha ninka qarsoodiga ah, dilaa qandaraasle ah, ilaa uu ka noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu caansan shineemada Faransiiska iyo adduunkaba waxa aanan marnaba illoobi doonin kaalintiisii filimada kala ah;“Le Samouraï” “Plein Soleil” iyo “L’Éclipse” waxa ay ka dhignaayeen astaan u taagan filimada Faransiiska sanadihii lixdamaadkii iyo toddobaatameeyadii.
Nolosha jacayl ee Alain Delon waxay ahayd mid mar walba warbaahintu ay xiiseyso. Waxa uu xiriir la yeeshay dumar qurux badan waxayna xiriirradiisu ahaayeen kuwo ay xiisad iyo qalalaase hareeyeen.
Haweenka saamaynta weyn ku yeeshay noloshiisa waxaa ka mid ah qalanjadii reer Jarmal “Romy Schneider,” oo uu la matalay filimka “Christine” waxana xirirkoodu noqotay mid ka mid ah xiriirada jacayl ee ugu caansan taariikhda shineemada. Marka laga soo tago Romy Schneider, Delon wuxuu xiriir la yeeshay haween kale oo badan, sida Nathalie Delon, oo uu guursaday una dhashay wiilkooda “Anthony Delon.” Waxaa kale oo uu xiriir la lahaa Mireille Darc.
Filimmadiisa qaarkood waxay raad weyn ku reebeen bogogga shineemada adduunka, aan soo qaato matalan filinka “Le Samouraï” oo uu agaasime ka ahaa Jean-Pierre Melville, Delon wuxuu filimkan ku jilay kaalinta dilaa qandaraasle ah oo la yiraahdo Jeff Costello, jilitaankiisu wuxuu ahaa mid xiise leh, wuxuuna filimka ka dhigay mid ka mid ah filimada dahabiga ah ee galay taariikhda shineemada. Ma fududa in nin Faransiis ahi uu matalo shakhsiyad samuray ah taa oo u baahan in si ebyan loo dhowro dhaqansharafeedka saamurayga marka hawlgal la fulinayo.
Sidoo kale, filimka “Plein Soleil” oo uu sameeyay René Clément waxa uu ka mid ahaa filimada ugu waaweyn ee uu matalay Delon. Filimkan waxa uu ku jilay doorka wiil aad u hammi badan oo la yiraahdo Tom Ripley oo aan ka baqayn halis kasta si uu u gaaro yoolkiisa.
Delon, wuxuu ahaa qof awood u leh inuu daawadaha ku qanciyo la falgalka filimadiisa, kollay anigu qof ahaan inta aan daawanayo filimadiisa waan illoobi jiray wax walba oo hareerahayga ka socda, ha matalo shakhsiyad jacayl ama dilaa qandaraasle ah, shaki iigama jiro in uu ku guulaystay inuu daawadayaasha u gudbiyo dareen la yaab leh, mar walba waan la dhacsanaa awoodda Delon uu ku jilayo shakhsiyad isku qooshaysa wanaagga iyo xumaanta, taa oo i galin jirtay xaalad loollan gudahayga ah; ma kheyrka ayaan la jirsadaa mise sharta?!
Alain Delon magaciisu wuu waari doonaa abid, dhaxalka hodonka ah ee uu ka tagayna wuu gaari doonaa fac ka fac. Wuxuu horay u hagay welina hagi doonaa jilayaal badan; waa kuwa doonaya in ay dunida shineemada ka soo galaan illinka weyn, ma aha derbi kaboodka.
Ugu danbayn Delon waxan ku tilmaami karaa marla’arag soo maray taariikhda jilitaanka iyo in uu ahaa qof ku guuleystay hanashada qalbiyada malaayiin daawadayaal ah. Filimadiisa iyo xusuustiisuna waxay ku sii noolan doonaan maanka inta xiisaysa daawashada filimaanta.
Ma illoobi karo sidoo kale filimka “Rocco e i suoi fratelli” oo uu agaasimay Luchino Visconti, Delon wuxuu filimkan ku jilay doorka Rocco oo ah shaqsi ay ku adag tahay noloshiisa guud iyo tan qoyskuba filimkani wuxuu aha mid cajiib ah oo ay wax badan ammaaneen ragga shineemada ka faallooda. Waxaan aamminsan ahay in Alain Delon aannu ahayn oo kali ah jilaa caadi ah, waxan qabaa in uu ahaa astaan weyn oo ka mid ah astaamaha shineemada adduunka, hibadiisii gaarka ahayd wuxuu ku darsaday bilic muuqaal, xarrago qofeed iyo xirfad jilitaan oo aragtidayda ay ku haystaan ama uga horreeyaan saddex nin oo keli ah; Sean Connery, Roger Moore, iyo Marlon Brando.
Faallo Filin
Weedhsan Kaarshe
Nolosha; Meertada Wakhtiga
Qacda hore waxa ay u muuqataa inay yihiin gayaan sheeko wadaag ah, iyada oo aad moodayso inuu wiilku wayn yahay balse waa hooyadii oo shan iyo labaatan jir ah iyo isaga oo le’eg isla markaana waxa ay u dabaal dagayaan dhalashadeedii kontonaad. “hambalyo, shan iyo labaatan aad markii shan iyo labaatanaad aan xusaysayno hooyo” Will ayaa hooyadii u sheegayaa isaga oo ugu hambalyeynaya dhalashadeeda, iyaduna waxa ay u shubaysaa soddon daqiiqo oo wakhtigeeda kamid ah si uu ugu soo qadeeyo maadaama oo ay ka saacado badan tahay. Qof kastaa si caadi ah ayaa da’diisu u soconaysaa illaa uu gaadho 25 jir, markaas oo uu leeyahay hal sano oo kaliya oo uu noolaan karo. Sanadkaasi waa lacag aad u isticmaalayso inaad ku maarayso nolol maalmeedkaaga oo dhan iyo waxkastoo ka qayb qaadanaya inaad noolaato.
In Time waa mid ka mid ah filimada naadirka ah ee isku dara fikrad xiiso leh iyo sheeko si wanaagsan loo fuliyay, taasoo ka dhigeysa mid soo jiidasho leh. Agaasime Andrew Niccol, oo caan ku ah abuurista aduunyo kharriban (dystopian) ah, mar kale wuxuu na dhex gaynayaa adduunka filinkan isagoo tusaya aragti ku saabsan in mustaqbalka uu waqtigu lacag dhab ah noqday. Fikradda filimka oo ah waqtigu inuu noqonayo lacagta ugu muhiimsan halka dadka hodanka ahi ay noolaan karaan weligood kuwa saboolka ahna ay maalin kasta la halgamayaan noloshooda. Cidhiidhiga ay wakhtiga ku dareemayaan ayaa marwalba ka dhigaya kuwo u degdegga helidda hamigooda. Haddii uu shaqaynayo, marka uu wax baranayo, sida uu wax u cunayo iyo socodkiisaba waxaa ku jira xawaarre oo si dhakhso ah ayey noloshiisu u socotaa qofka saboolka ah. Dadka hodanka ah waxay si joogto ah u noolaan karaan da’da 25ka sababtoo ah waxay helayaan oo ay iibsan karaan wakhti badan. Xarumaha waqtigu waxay u dhaqmaan sidii heerar dhaqaale oo kala duwan waxa aad moodaysaa bangiyo. Filinku waxa uu muujinayaa in fikradda “waqtiga waa lacag” la gaarsiiyay heerka ugu sarreeya, taasoo abuureysa aragti xanuun leh oo ku saabsan sinnaan la’aanta bulshada iyo dhaqaalaha.
Nolosha dabaqadda hoose ee bulshada, waxa ugu muhimsan agtooda waa qoyskooda. Dedaal walba waxa uu galaan badbaadadooda jiritaan ee qoyskooda, nasashadooda, farxaddooda iyo gabi ahaan siday u heli lahaayeen nolol ta ay ku nool yihiin dhaanta. Nolol ay u qalmaan, nolol ay ku badbaadaan, nolol deggan oo aan orod ku jirin, nolol wakhtigu ku filan yahay ugu yaraan. Waayo dunidan wakhtiga ayaa ah go’aamiyaha nolosha. Si kastaba iyada oo goortu tahay waxa ugu cajiibsan ee kawnka ka jira hadana markan waxa uu noqday cimrigii iyo lacagtii oo isku sidkan. Dhamaadka rafaad kasta oo ay dabaqaddani la daaladhacdo wakhtiga iyo yaraantiisa, ma yahay mid badbaadinaya? Maya, maaha mid u hiilinaya dedaal kasta kadib waxaynu kala kulannaa wakhtiga niyadjab iyo khasaare. Waa xaqiiqada hadda aduunka taalla oo lagu qariyey daraama Sci-fic ah.
Justin Timberlake, oo jilaya Will Salas, wuxuu soo bandhigay qaab jilliin soo jiidasho leh. Wuxuu si wanaagsan u qaadayaa miisaanka dabeecadda filimka, isagoo nagu qanciya sida uu ugu dhex socdaalayo adduunka halista ah ee waqtiga lagu kala iibsanayo. Amanda Seyfried, oo jilaysa Sylvia Weis, sidoo kale waa mid la yaab leh, iyadoo jilaysa kaalin fiican oo ka soo horjeeda dabeecadda Timberlake, dabeecadahoodaa iska horjeeda waxa dhalanaya dareen gacaltooyo iyo wehelnimo oo ay wadaagi doonaan illaa dhamaadka filinka. Will waxa uu si kadis ah baar yar kula kulmi doonaa shakhsiyadda u furi doonta dunida kala iibsiga wakhtiga, Henry waa boqol iyo shan jir dhibsaday dhererka noloshiisan aan dhamaanayn maadaama uu kasoo jeedo dabaqadda sare ee bulshada. Wada sheekaysi kooban ayaa ku dhex mari doona dhismo qabyo ah oo uu Will kula soo dhuuntay Henry si uu u badbaadiyo. Will Salas hammigiisu waa nolosha hooyadii, wax walba kadibna waa uu badbaadin kari waayayaa hooyadii. Waayo wakhtiga ayaa ka dhamaanaya isaga oo guul gaadhay ayaa uu khasaarayaa. Hooyadii waxa ay dhiman doontaa isaga oo arkaya, waxa istaagi doonta saacadeedii oo waxa ay waayeysaa sikimo ay kusii joogta aduunka, waxa ay dhimanaysaa habeenkii dhalashadeeda iyada oo uu wiilkeedu ubax dhalasho wacan ah kula sugayo istaanka baska uu ka filayo inay soo raacayso, nasiib darro se uu wakhtigu u saamixi waayey inay raacdo.
Xawaaraha filimku ku soconayo waa mid si fiican loo miisaamay iyada oo lagu fadhiisiyey fekradda wakhtiga. Habka qoraalka sheekada filinku waa mid is-haysata oo diiradda saaraya kala duwanaanshaha nolosha labada dabaqadood, iyada oo abuuraysa wada sheekaysiyo xiise leh. In Time waa ka gun ballaadhan yahay kaliya filin sci-fi xiisad abuur ah. Waa xusuusin cad oo ku saabsan qiimaha waqtiga iyo kala duwanaanshaha jira ee wakhtigu nolosha u qaabeeyo. Waa filin kaa fikirinaya, kaa dhigaya inaad kursigaaga ku sii dhagto, kuna reebaya dareen damasho oo sii socda kadib markii ay saacadihiisa daawasho dhamaadaan.
Xasuusin: Qoraalkani ma ahan mid cusub, waa falanqayn hore oo shilis ah, oo uu qoraagu ku lafaguray filinka Parasite, isagoo markii koowaad ku baahiyay boggiisa gaarka ah ee Faysbuugga, beryihii Koroonaha ee gugii 2020. Balse, haatan aynnu jeclaysannay–xiisaha iyo xogta ku dhitaysan awgeed–in aannu ku sooryaynno akhristayaasha Shineema Benadir, ka dib oggolaansho buuxa oo aannu ka helnay dhanka qoraaga, innagoo uga abaal haynna runtii. –Bahda tifaftirka
Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
Bulsho-baarihii Zygmunt Bauman (1925-2017), dadka saboolka ah ee dunida ku nool wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin “Qashinka dunida casriga ah”. Tilmaantaasi ma ah mid uu ku maagayo saboolka, balse -sida ay la tahay- xaaladda saboolku ay ku sugan yihiin iyo sawirka kuwa ladani ay ka bixiyaan baa sidaas ah. Mudane Bauman buuggiisa “Cabsida Dareerta /Liquid Fear”, bulshada casriga ah ee dareeraha ah wuxuu ku tilmaamay in ay tahay “Aalad isku dayaysa in nolol cabsiyi ka buuxdo ay ka dhigto mid lagu noolaan karo / modern society is a contraption attempting to make life with fear liveable.”
Welwelkii Bauman uu horay uga muujiyey xaaladda adduunyada waxaa si cad loo arkay sebenka Koroonaha. Waddamadii dunida ugu waaweynaa, uguna hantida iyo aqoonta badnaa ayaa waxay isu rogeen xabsi weyn oo cid cid u gudbi kartaa aysan jirin. Xaaladda taaganna waxaa ku rumoobaysa oraahda tiraahda: “Geeridaa la tusaa si ay duumada ugu qancaan.”
Si kastaba ha ahaatee, xalay mar aan cabbaar taleefishinka daawaday, waxaa indhahaygu qabteen labo muuqaal oo kaaf iyo kala dheeri ah, kuwaas oo durba i soo xasuusiyey filinka Koonfur Kuuriyaanka ah ee magaciisu uu yahay “Dulin /Parasite”. Muuqaalka koowaad wuxuu ahaa sawirro laga qaaday dadka Roohingaha ah ee ku jira xeryaha qaxootiyaasha ee dalka Bangaladeesh, oo cabsi laga qabo in uu ku dhex faafo fayraska Covid-19. Muuqaalka labaadna wuxuu ahaa barnaamij ka hadlaya habdhaqanka dadka ladan iyo siyaabaha ay u noolyihiin sebanka Koroonaha -meelaha ay ku noolyihiin iyo meelaha ay ka dukaamaystaan.
Filinkaan “Dulin ama deriskunool”, wuxuu sawir ka bixinayaa loollanka ka dhaxeeya bulshada dabaqaddeeda ladan iyo teeda saboolka ah. Ifafaale dunida oo dhan ka muuqda baa wuxuu yahay in bulshadu ay u qaybsamayso dabaqad yar oo aad u ladan iyo dabaqad ballaaran oo sabool ah, dhexdana ay ka baxayso dabaqaddii dhexe ee labadaas isu haysay. Nidaamka dabaqaduhu ma aha wax cusub, oo muddo ayuu dunida ka jirey, laakiin waxaa cusub in dunidu ay noqotay tuulo yar oo isu wada muuqata iyo in dowladuhu ay faraha ka qaadeen isku daygii ahaa in la isku hayo dabaqadaha kala duwan ee bulshada.
Bong Joon-Ho oo ah ninka filinka soo saaray wuxuu sheegay in qisada filinku ay tahay mid isaga qudhiisa qabsatay waagii uu ardayga ahaa. Wuxuu sheegay in jeerkii uu jaamacadda dhiganayey uu mar macallin u noqday wiil qoys tanaad ahi ay dhaleen, kolkii uu arkay guriga qoysku ay deggen yihiin iyo sida ay u noolyihiinna uu u qaadan waayey in nolol caynkaas oo kale ahi ay ifka ka jiri karto, uuna ku mashquulay sidii uu ugu kuurgeli lahaa nolosha qoyskaas, ilaa uu isu rogay sidii in uu yahay jaajuus ama sirdoon lagu qaybiyey in uu qoyska dabagal ku sameeyo.
Filinku wuxuu isbarbardhig ku samaynayaa labo qoys oo is tiro le’eg, oo mid kastaa uu ka kooban yahay afar xubnood; aabbe, hooyo, inan iyo inan. Laakiin xagga dhaqaalaha iyo nolosha aad ugu kala duwan. Labada qoys inkasta oo ay isku magaalo joogaan, haddana waxay ku kala noolyihiin labo adduunyo oo aan shaqo isku lahayn, taana waxaa ugu wacan nidaamka hantigoosiga ee waraabaha noqday. Sida baaritaannada lagu xuso 20% dadka dunida ugu taajirsani waxay hantaan 85% hantida dunida ka jirta, halka 20% ugu saboolsani ay ka hantaan wax ka yar 0.1% hantida dunida. Wiilka qoyska saboolka ahi uu dhalay baa shaqo macallinnimo wuxuu ka helayaa qoyska tanaadka ah oo uu gabadhooda afka ingiriiska u dhigayo. Dabadeedna iyada oo xeelad iyo xirrib la adeegsanayo ayaa dhammaan xubnaha qoyska saboolka ahi waxay shaqo ka helayaan guriga qoyska ladan - macallimiin, darawal iyo adeegto guri. Haddaba, maxaa dhacaya marka labada qoys ay hal guri ku kulmaan? Aragtiyaha cilmi-bulsheedka cusubi waxay ahmiyad siiyaan saamaynta deegaanku uu ku leedahay nolosha iyo loollanka bulshada, filinkuna qodobkaas si mug leh buu xisaabta ugu darsaday. Qoyska Kim ee saboolka ahi waxay ku noolyihiin guri yar oo ku yaal dhulka hoostiisa (=basement), oo aan lahayn meel hawo iyo iftiin ay ka soo galaan oo aan ka ahayn daaqad yar oo qura.
Meel u dhowna waxaa deggan qoyska Park oo ku nool fillo weyn oo labo dabaq ah oo ku taal buur dhaladeed, naqshaddeeda iyo qurxinteedana uu ku farayaraystay injineer caan ahi. Isla gurigaan fillada ah hoostiisa waxaa ku nool nin muddo afar sano ah aan maalin qura cadceedda arag. Gurigaani wuxuu leeyahay jaranjaro dheer oo isku xirta guriga reerka ladani ay ku noolyihiin iyo halanbaqada ninka saboolka ahi uu maxbuuska ku yahay ee uu uga dhuunto dadka deynta ku leh. Jaranjaradu waa summad u taagan farqiga u dhexeeya dabaqadaha kala sarreeya ee bulshada. Si taa la mid ah, guriga hodonka ee buurta saaran iyo kan saboolka ee dabaqa hoose ku yaallaa waxay astaan u yiiin labada dabaqadood ee labada qoys ay ka kala tirsan yihiin. Dunida sare waxaa iska leh hodanka, dunida hoosana waxaa iska leh saboolka.
Labada qoys ee tan Kim iyo tan Park, inkasta oo ay isku deegaan yihiin, haddana duruufahooda dhaqaale ayaa waxay ka dhigeen sidii in ay labo qaaradoodu ku kala nool yihiin, mid kastana ur gaar ah u yeelay. Marka magaalada uu roob ku da’ana isku si uma uu saameeyo, oo xaafadaha ay deggen yihiin dadka ladan ee leh dhuumaha biyaha iyo wasakhda qaada roobku waddooyinka ayuu nadiifiyaa, dadkuna waxay ka helaan neecaw qabow oo ay ku istareexaan. Si taa ku lid ah, roobku xaafadaha saboolka buulasha ayuu ka dumiyaa, wuxuuna u horseedaa silic iyo saxariir hor leh.
Erayga ‘dulin ama deriskunool’ (parasite) waa noolaha kuwa kale ku dul nool ee ka hela nafaqada uu u baahan yahay. Magaca filinkuna wuxuu si toos ah uga tarjumayaa habdhaqanka dabaqadda saboolka ah ee duruufaha noloshu ay ku dirqiyaan in ay ku kacaan fal kasta oo ay noloshooda ku maarayn karaan. Tusaale ahaan, weedha ugu horraysa ee filinku uu ku bilaabanayaa waa midda uu leeyahay inanka reerka saboolka ah ee oranaysa: “Waa noo dhammaatay, Wi-Fi dambe oo bilaash ahi ma helayno.” Hadalkaasi wuxuu imaanayaa ka dib marka haweenayda dabaqa ka sarreeya deggen ee ay interneetka ka isticmaalaan ay beddesho baaswoodhka ama erayga sirta ah ee ay ku gasho interneetkeeda -waxaana xusid mudan in horay qoyska looga xiray taleefannadii oo ay biilashooda iska bixin kari waayeen. Xubnaha qoyska oo dhammi waxay iska kaashanayaan sidii lagu heli lahaa anteennada iyo erayga sirta ah ee lagu galo Wi-Figa sida sirta ah looga isticmaalo dadka deriska ah. Wi-Figa waxaa loogu tagayaa suuliga dhexdiisa, halkaas oo inanka iyo inanta reerku ay si dhib yar isaga barakaadsanayaan [=fariisanayaan]. Falkaas oo ka marag kacaya in faqrigu uu reerka baray in dantooda ay suuli u dhex fariistaan -soo lama oran dantaada maqaar ey baa loogu seexdaa. Sidoo kale, qoyskaani ma iibsan karaan ama ma doonayaan in ay iibsadaan sunta lagula dagaallamo cayayaanka guryaha gala sida; baranbarada, dhiqlaha iyo kutaanta. Taa awgeedna, waxay furayaan daaqadda yar ee gurigooda si sunta laamiga lagu buufinayaa ay gurigooda u soo gasho, oo cayayaanka uga layso.
Dhanka kale, waxaa iyaguna dulin ah qoyska tanaadka ah oo dhan walba uga tiirsan adeegyada dadka kale -waxbarasho, gaadiid, nadaafad iyo karinta raashinka. Ninka maalqabeenka ahi darawalkiisa wuxuu u qiranayaa in haddii adeegtadu aysan joogin uu gurigiisu qashin qub noqonayo, maalmo kooban gudahoodna oon la cuno laga weynayo. Waxaa intaa dheer, in magacu uu si dadban uga tarjumayo dugaagnimada nidaamka suuqa iyo sida uu u keeno in dabaqadda yar ee ladani ay sidii gafanaha dhiigga uga jaqdo bulshada inteeda badan. Haddii si kale loo dhigo, magacu wuxuu tilmaamayaa halkudhegga Miikafiili ee yiraahda “dantu waxay xalaalaysaa waddada lagu gaarayo” oo ah kan hagaya dhacdooyinka filinka iyo guud ahaan dhaqanka dadka dunida. Meelaha filinku uu sida cad ugu tilmaamayo dabciga danaysiga ee dadka waxaa ka mid ah in wiilka qoyska saboolka ahi marka ay isbartaan gabadha uu macallinka u yahay, ee saaxiibkiis uu ku aamminay, shaqadana ugu qalqaaliyey si uu isaga ugu waardiyeeyo, uu durba dardaarankii saaxiibkiis daaqadda ka tuurayo, isaguna gabadha isa siinayo.
Kolka dunida sare iyo tan hoose ay kulmaan, oo saboolka iyo hodonku ay isu yimaadaan, waa in ay isku dhacaan, marka ay isku dhacaanna waa in uu dhiig daataa. Qaybta danbe ee filinka labada qoys waa dagaallamayaan, daawadayaashuna waxay isweydiin karaan: Halkkaan yaa denbiile ah? Jawaabta ay judhiiba helayaanna waa in shakhsiyaadka iyo qoysasku -kuwa ladan iyo kuwa saboolka ahiba- aysan ahayn eedaysanaha dhabta ah, balse denbiiluhu uu yahay nidaamka jideeyey in ciddii wax haysata wax loogu daro.
Labada qoys ee tan saboolka ah iyo tan hodonka ah wax colaad oo shakhsi ahi kama ay dhaxayso, malaa’ig iyo sheydaanna ma kala metalayaan, laakiin nidaamka ayaa marka hore u kala hiilliyey, marka danbana isku diraya. Dagaalku uma dhexeeyo labo qoys, balse wuxuu u dhexeeya kuwa wax haysta iyo kuwa aan wax haysan. Baaritaannada dhaqaaluhu waxay caddeeyeen in mar kasta oo farqiga xagga dakhliga ah ee u dhexeeyaa xubnaha bulshadu uu kordho ay la kordhaan heerka denbiyadu. Farqiga ballaaran ee u dhexeeya hodonka iyo saboolku wuxuu baabi’yaa kalsoonida ka dhaxaysa, wuxuuna yareeyaa iskaashigooda. Tusaale ahaan, marka ninka sakhraansani uu ku kalleetiyo guriga qoyska saboolka, ma ay kari karaan in ay jac iska yiraahdaan jeer wiilka martida ahi uu ka celiyo. Laakiin marka qoysku ay shaqo helaan, ee xaaladdooda dhaqaale ay xoogaa wanaagsanaato waxay ku dhiiranayaan in ay iska waabiyaan. Filinkaan dabaqadda ladani tan saboolka ah waxay u aragtaa sidii in ay baranbaro yihiin, halka tan saboolka ahi ay tan ladan u aragto in ay dugaag yihiin.
Muuqaallada sida wacan u tilmaamaya nidaamka dabaqiga ah ee filinka ku jira waxaa ka mid ah, midka ninka saboolka ahi halkii uu ka dili lahaa ninka kale ee saboolka ah ee inantiisa dilay, uu ka dilayo ninka maalqabeenka ah ee uu darawalka u yahay oo uu dhibsado sida uu isaga weyneysiiyo dadka saboolka ah. Waxaa kaloo ka mid ah, midka gabadha qoyska saboolka ahi ay u macaansanayso cuntada eeyda. Waa muuqaal sheegaya in xaaladaha qaarkood ay oonta eeydu ka wanaagsan tahay midda saboolka. Laakiin weydiintu waxay tahay dadku ma ka duwan yihiin xoolaha mase waa iscajabin aan waxba ka jirin?
“
Filinku, sinnaan la’aanta bulshada u dhaxaysa marna si cad uguma uu muujinayo xoolo ama habdhaqanka dadka. Sidoo kale erayga “sabool” marna lama adeegsanayo. Taa baddelkeeda wuxuu adeegsanayaa adooraha dadka. Tusaale ahaan, inanka yar ee qoyska ladani ay dhaleen isaga oo aan la socon in darawalka gaariga u wada, haweenayda guriga uga shaqaysa iyo macallimadu ay yihiin qoys isku aqal ka soo toosay, buu wuxuu sheegayaa in urkoodu uu isku mid yahay (=same smell on them). Mar kale iyada oo la tilmaamayo saboolnimada ayaa waxaa la adeegsanayaa oraahda “Dadka raaca tareennada dhulka hoos mara ur gaar ah bay leeyihiin.” Sida la og yahayna, in laga faallooda urka dadku waa arrin aan caadi ahaan lagu dhicin in afka lagu ballaariyo.
Filinkaani wuxuu ka mid yahay filimaanta gudbinta farriimahooda u adeegsaday tilmaamidda ummuuraha hoose ee nafta aadamiga, ee aalaaba aan erayada lagu cabbirin. Tusaale ahaan, waxaan arkaynaa ninka maalqabeenka ah oo ninka darawalka u ah ku oranaya: “Adeegtadayadii hore waxay ahayd qof wanaagsan oo marna aan xadkeeda dhaafin. Waa necbahay dadka xadkooda dhaafa! Ceebta qura ee ay lahayd waa in ay raashin badan cunto, waxay cuntaa wax labo qof ku filan.” In laga faalloodo cuntada dadku waa dhaqan foolxun oo laga xishoodo in afka la soo mariyo, weliba in laga faalloodu cuntada dumarku kuma sii jirto. Iswaraysiyada qoyska saboolka dhexmarayana waxaa ka mid ah mid sidaan u dhacaya:
Ki Taek: Jiliddu waa halkeeda, laakiin qoyskaan si fudud baa loo dhagri karaa, soo sidaas ma aha?
Chung Sook: Siiba Marwada.
Ki Taek: Waa sida aad u sheegtay. Waa qof allaheed uu alle yahay, waase qof aad u wanaagsan. Waa maalqabeen laakiin weli way wanaagsan tahay.
Chung Sook: Ha oran “Waa taajir laakiin weli way wanaagsan tahay.” Way wanaagsan tahay maxa yeelay waa tanaad, ma garatay ulajeedkayga? Sida runta ah, qudhaydu haddii aan waxaan oo hanti ah haysan lahaa sideeda oo kale baan u wanaagsanaan lahaa! Malaha waanba ka wanaagsanaan lahaa.
Ki Taek: Warka hooyadiin waa sax, run bay sheegaysaa. Dadka ladani waa wada qalbi carruur, ismana shiddeeyaan. Sidaa darteedna wejigoodu duuduub ma uu yeesho.
Chung Sook: Waa sida feerada, xooluhu waa sida feerada oo kale. Laalaabka oo dhan bay sida feerada u taagaan, jeer raadkiisaba la waayo.
Dhaqsuu uga xanaaqaa gujada xaakim taliyaaye
Haddii aadan xariggii Ilaah kiisa uga xeeban
Xikmaddaan dhankiisa u qulqulin wuu ka xadantoone
Xoodaamo lagu maalyey tood xoolo doobbiga e
Boggaa loo xoqaa toojadoo lagu xadaa weele
Dadkuna xoolo kama ay fogee waa is xunbulayaane!
“
Dadka badankoodu, marka lagu daro saboolku curaafaysiga iyo dhagxaanta barakaysan waa aamminsan yihiin, haddana waxay og yihiin in cashadu ay ka muhiimsan tahay dhagxaanta barakaysan. Dhammaadka filinka labada qoys isbeddel baa ku imaanaya, laakiin nidaamka hantigoosiga ee dhibka keenay isaga waxba iska ay doorin maayaan. Feylasuufka Slavoj ŽiŽek-na waxaa laga hayaa in uu yiri: “In la sawirto in dunidu ay gaddoomayso baa ka fudud in la sawirto in nidaamka hantigoosigu uu dhammaanayo.”
Filinku muddo aad u gaaban buu abaalmarinno badan ku guulaystay. Abaalmarinnada uu ku guulaystayna waxaa ka mid ah abaalmarinta Oskarta. Arrinkaasna waxaa ka carooday Madaxweyne Donald Trump oo yiri: “Koonfurta Kuuriya waxaa naga dhaxeeya dhibaatooyin badan oo ganacsigu uu keenay, intaas oo dhan ka dibna waxay siiyeen abaalmarinta filimaanta ee sannadkaan. Ma wax wanaagsan baa? Ma garanayo.” Madaxweynaha waxaa loogu jawaabay: “Waa la fahmi karaa, illeen ma uu akhrin karee /Understandable, he can’t read.”
Filinku inkasta oo uu af Kuuriyaan ku hadlayo, haddana qaddiyadda uu ka hadlayaa waa mid dunida oo dhan khusaysa, isla markaana uu qof walbaa fahmi karo. Kaftan iyo qosol badan baana ku jira, laakiin ma aha kaftan iyo qosol macne la’aan ah ee waa mid farriin xanbaarsan.
Axmed shiikh Jaamac
Shirweynaha xoolaha soomaaliyeed
D. Ciise
Shacniga sheekada
Bariga Berlin sanaddii 1984-kii, ka hor shan sano dumintii darbiga u dhaxeeyay labada Jarmal waxay wasaaradda amniga ee Jarmalka Bari u xilsaaraysaa bare iyo sargaal, kabtan Gerd Wiesler kaas oo ah xog uruuriye hufan, in uu dhegadhegeeyo guriga ay deggan yihiin riwaayadqore Georg Dreyman iyo fannaanadda jilliinka masraxyada baarka sare kaga jirtay marwo Christa-Maria Sieland. Kabtanku waxa uu billowga horeba qabsanayaa shaqadiisa, oo waxa uu guriga ku dhejinayaa sameecado codka u soo gudbiya, isaga iyo wiil dhallinyaro ah oo ka tirsan wasaaradda gacanyarena u ah ayaana isku bedbeddalaha dhagaysiga waxkasta oo guriga ka dhex socda.
Sida oo kale kabtanku waxa uu jecel yahay oo laabtiisa ku qarsadaa kalgacalka uu u qabo Christa-Maria Sieland, taas oo u dhaxda riwaayadqoraha lagaga shakisan yahay doonista xorriyadda iyo kacdoonnada. Galka hawlgalkaanna waxaa loogu magacdarayaa “Lazlo.” Riwaayadqore Georg Dreyman, waxa uu daacad u yahay kalgacalka ruuxiga ah ee uu u qabo marwo Christa-Maria Sieland oo ay guriga wada deggan yihiin iyo hantiwadaagga. Waxa uu inta ugu badan ku shuqlan yahay qolkiisa buugaagtu buux dhaafiyeen, miiska warqaduhu dul daadsan yihiin, iyo koox saaxiib la ah oo waxqorista iyo madbacdaha ka la shaqeeya. Riwaayad uu ku soo bandhigayo qaybta hore ee filinka waxaa laga dhex arkayaa in aysan wasiirka dhaqanka oo daawadayaasha ka mid ahaa aysan cajabgelin. Dabcan wasiirku u ma yimaado masraxyada riwaayadaha dartooda e, waxa uu u yimaadaa in uu ka indhabuuxsado atariishada dadka oo dhammi iska jecel yihiin Christa-Maria Sieland.
Kabtanku waxa uu la soconayaa oo dhagaysanayaa wax walba oo kadhex dhacaya guriga farshaxmiistayaashu ku noolyihiin. Waxa uu dhegadhegaynayaa riwaayadqoraha iyo saaxiibbadii doodaha dhexmaraya, waxyaabaha ay qorshaynayaan iyo daraamooyinka ay doonayaan inay masraxa la yimaadaan. Rag ka mid ah saaxiibbada riwaayadqoraha ayaa soo jeedinaya Georg Dreyman in uu qoro maqaal dood badan dhalin doona oo lagu magacaabo ‘Spiegel’. Kaas oo taageeraya xorriyadda misana dhiirrigelinaya kacaanoogayaasha. Mar kale, waxa uu ka war helayaa isaga oo dhagaysigiisa ku gudajiro dgaaal kadhex qarxaya riwaayadqoraha iyo gacaladiisa atariishada ka ah waxqabadyadiisa masraxeed Christa-Maria. Atariishada waxaa cadaadis soosaaraaya wasiirka dhaqanka oo ay saaxiibtinimo qasab ah la wadaagayso. Dagaalkaasna waxa uu kabtanka u noqonayaa halka ay shakhsiyaddiisa iska baddelayso, oo waxa uu ka yaabayaa jariimada haysata qoyska iyo sida ay hay’adaha dawliga ahi u dhibaateenayaan.
Waxa uu billaabayaa in aannu kiiska daacad u noqon oo uusan gudbin xogta xasaasiga ah iyo waxqabadyada guubaabinaya xorriyadaha misana dhiirrigalinaya kacaanoogayaasha. Halkaasna waxaa fursad kadhex helaya riwaayadqoraha iyo saaxiibbadii oo waxa ay xadka dhaafinayaan maqaalka kicinta ku baaqaya oo ay gaynayaan Jarmalka Waqooyi.
Madaxda sare ee wasaaradda amniga Jarmalka Bari ayaa xogtaas ka war helaysa, taasina waxay keenaysaa in la soo xiro atariishada, si ay ugu sheegto warbixin sugan oo lagu soo qaban karo riwaayadqoraha. Kolka la xidho ayay dalbanaysaa inay xorriyaddeeda dhaafsato xogsheegnimo. Markaas ayay caddaynaysaa in uu jiro tayb si xatooyo ah lagu keenay Jarmalka Bari oo ay ku garaaceen maqaalka, kaas oo riwaayadqoruhu ku qariyo alwaax albaabka hore hoostiisa ah. Waa la soo daynayaa.
Guriga inta aysan soo gaadhin, riwaayadqoruhuna ka maqan yahay ayuu kabtanku u soo dhuummanayaa guriga isaga oo haysta xogtii ay atariishadu xorriyaddeeda ku beddelatay, waxa uuna bartii ay tilmaamtay ka baxsanayaa taybkii. Kolka ay marwadu guriga timmaaddo oo ay qubays u hollato ayay ciidanka amniga ku soo garaacayaan guriga riwaayadqoraha iyo iyada oo wadajooga. Ciidanku markay soo galaan waxaa baadhis loogu dhaqaaqayaa guriga, waxaynna beegsanayaan barta uu taybka ku qarsoonaa–’waa sida xogta ay ku helayn e.’ Bartaas kolka la beegsado ayuu riwaayadqoruhu naxayaa, oo indhaquusi ka muuqato ku eegayaa gacaladiisa ruuxiga ah ee intii ay xidhnayd xogta dhiibtay. Iyaduna indhihiisa kolka ay eegto ayay isa sii daynaysaa oo ay laammiga dhex istaagaysaa markaas ayuu gaadhi xoog ku socday qaadayaa. Ciidankuna kolka ay bartii beegsadaan waxay ka waynayaan taybkii, isaguna (riwaayadqoraha) waa uu farxayaa. Bal se qaylada hoos ka yeedhay kolka uu daaqadda ka eego ayuu arkayaa maydka gacaladiisa, ka dibna u soo ordayaa laabtana ku qabsanayaa isaga oo leh: “Fadlan iska kay cafi.”
Ciidankii kolka ay hoos u soo degaan oo ay meydka qurux badantii ragga oo dhammi caashaqsanaayeen iyo riwaayadqoraha laabtiisu dhiigu gaaray soo ag joogsadaan ayuu madaxa howlgalka u sheegayaa ciidankii in hawlgalkii “Lazlo” dhammaaday. Intaas ka dib madaxa hawlgalku kabtankii dhegadhegaynta ku qornaa oo meel kaligii taagan ayuu u tagayaa , fashilkii dhacayna dusha ka saarayaa.
Nuxurka filinkaan waxa aan u ka la qaadayaa laba xaglood ka eegiddooda; Ta hore: Waa dhinca kalitalisnimada iyo macangagnimada ka dhex jirto dhulalka gacanta qooqani ay xogga ku hayso. Filinka waxaan ka dhex arkaynaa sida ay riwaayadqoraha iyo saaxiibbadii ka la shaqeeya daabicista ay u danaynayaan xornimada, kacaanoognimada iyo dadnimo furan. Sida ay talisku u dhibaataynayaan fannaanadda u oomman jilliinka ee sadarrada riwaayadqoraha simuuqaal ah u soo bandhigaysa iyana waa qodob ku lammaanan doonista xorriyadda. Waxay riwaayadqoraha, saaxiibbadii iyo gacaladiisaba u oomman yihiin xorriyadda iyo badbaadada dadnimo, halka gacantaqooqani u oomman tahay jujuubka iyo aabbayaynta iyada oo kutagrifalaysa dadnimada iyo xorriyadda.
Ta danbe: Waa kabtanka oo ku dhex lumay daacad u noqoshada waddaniyadda badhaxa tiran iyo kalgacalka ruuxiga ah ee laabtiisu u qaadday Christa-Maria. Waxa uu u muuqanayaa kolka hore qofka ugu qabiidsan dhacdada haddana, kolka dhexe waxa uu u muuqanayaa mid habowsan, kolka danbe waxa uu janjeersanayaa kalgacalkiisa ruuxiga ah isaga oo iska hilmaamaya waddaniyaddiisa sababo la xidhiidho siyaabaha gurracan ee dawladdu u la dhaqmayso muwaaddinkeeda.
Walow kabtanku uu yahay nuxurka iyo macaaneeyaha dhacdadan haddana waxaa loo arkayaa in uu isagu hormuud uu yahay kolka loo eego sida hufnaanta leh ee uu qaybtan u muujinayo dadnimadiisa. Inkastoo doorashada danbe uu qaadanayo dhammaadka filinka, haddana waa halka ay iskaga soo dhacayaan kabtanka, riwaayadqoraha, jilaayadda iyo saaxiibbada kale oo ah ilaalinta iyo u halgamidda anshaxa dadnimada iyo xorriyadda.
Shubaalka faallada: Waxsoosaarkaani waxa uu ka mid yahay waxqabadyada shineemada Jarmalka, waxaanna agaasimahay Florian Henckel von Donnersmarck, sannadii 2006-dii. Waxa uu ku guulaystay abaalmarinta: filinka ugu wanaagsan aflaanta caalamiga ah sanaddii 2006-dii ee abaalmarinta Oskar. Sheekada xabkadeeda waxaa qurux wayn u yeelaya sida ay cid kasta ugu halgamayso yoolkeeda, halka goorta danbena ay gacansarreynayaan kuwa u halgamaya dadnimada.
Waa filin dhacdadiisu iskugu dhafan tahay taariikh, xiisadabuur iyo danbi. Waxaa uu farshaxankaani lee yahay dhacdo diiradda saaraysa hirdan dhexmaraya talis cabbudhisdoon ah iyo farshaxamiistayaal xorriyaddoon ah, kuwaas oo yoolkoodu yahay u dhimashada neecowda xorriyadda iyo anshaxa dadnimada. Sida dhacdadaani u soo muuqanayso ayaa ah mid farshaxannimo badan laga dhadhansanayo, daawaduhuna ku dhex lumayl hirdanka u dhaxeeya gacanta qooqan iyo gacanta xorriyad-doonka ah.
Shakhsiyadaha dhacdada ka soo dhex muuqanaya waxaa laga dhadhansanayaa hibo jilitaan oo aad u sarraysa, taas oo sheekada ka dhigaysa mid aannu daawaduhu moodaynin dhacdo la jilaayo. Wallow asalka sheekadu ku qotanto aannay ahayn dhab, oo ay ahayd male-awaal badhaxtiran oo lagu beegay jillista jilaayaal aad u hibo badan: sida kabtanka, oo ah shakhsiyadda mar kaliya u muuqanayso mid dabacsan oo haddana xagjir ah iyo jilaayaasha kale sida riwaayadqoraha iyo jilaayaddaba.
Kabtanka oo laga caydhiyay shaqada misana taliska Jarmalka Bari uu ku xukminayo in uu labaatan sanno ka shaqeeyo boostada oo uu xisaabin doono waraaqaha oo kaliya maadaama uu ku fashilmay kiiskii iyo hawlgalkii uu doorka wayn ku lahaa ayaa la duminayaa darbigii Baarliin, sidaasna waxa uu kaga baxayaa xayndaabkii. Waxa uu mahdinayaa maalmihii laabtiisu kulmisay hirdankii u dhaxeeyay kalgacalka waddaniyadda iyo kalgacalka anshaxa dadnimada, isaga oo marka danbe u go’ay dhabbada danbe, taasina waxay keentay in dadnimadu ay sabab u noqoto in la dumiyo darbiga Baarliin. Riwaayadqoraha iyo saaxiibbadii oo aad u danaynayay kacaanoognimada iyo xorriyadda iyaguna si xor leh ayay u sii wadanayaan noloshooda ka dib duminta darbiga oo ay qaadayaan dhabbo hor leh.
Faallo Filin
Waddooyinkan ku hillaacaya midabada neon-ku waa Hong Kong, halkaan wakhtigu waxa uu u qulqulaa oo isu baddelaa sida dareemada deegaankeeda oo kale, filinkuna waa sahan uu Wong Kar-Wai kusoo bandhigayo xorriyadda baahsan ee ku lifaaqan jiraalka aadanaha. Si la mid ah baxaaliyadii tebinayay sheekadii jiraal ee JeanPaul Sartre, The Age of Reason, shakhsiyaadka filinkani waxaa iyagana lagu xukumay xorriyad aan xad lahayn, oo lagu seeteeyay mas’uuliyadda go’aannada gaarka ah ee noloshooda. Aragtiyaha jiraalka waxaa laga eegan karaa daqiiqad walba oo Chungking Express ka mid ah, waxaan ka boganaynaa oo la dareen noqonaynaa mar kasta oo aan daawanayno kalinimada iyo hilowga ku sidkan xorriyaddeena maalinlaha ah.
Hab-tebinta sheekada filinka, oo ka kooban labo sheeko oo si dabacsan isu suran, ayaa ah muraayad aan ka dhex arkayno dabeecadaha kala jaadka ah ee doorashooyinka aadanaha. Labada sheekaba waxay tebinayaan labo askari oo boolis ah oo jacayl ku hungoobay, maadaama ay xor ka yihiin filashooyinka bulshadana, waxay ku dhex dabaalanayaan hirarka kala duwan ee badweynta dareemada si ay u qeexaan ahaanshiyahooda. Muuqaaladu waxay inoo muujinayaan halgankooda gudaha iyo dibadda, Chunking Express waa suugaan muuqata oo kaaga tagaysa xaallad dhabannahays ah.
Aan u fiirsanno sheekada koowaad, askariga 223, oo uu jilayo Takeshi Kaneshiro, sawaxanka iyo midabada dhexdooda ayuu dib ugu milicsanayaa meertada waqtiga iyo macnaha jiritaankiisa maadaama ay soo dhawaanayso dhalashadiisa 25-aad. Magaalada ku hareeraysan, oo leh midabyo nooc walba ah, tamar, firfircoon iyo sawaxan joogta ah waxay baaq u tahay fursadaha aan dhammaadka lahayn ee ku lingaxan dhallinyarnimda. Hase yeeshee, si u eg tebiyaha sheekadii Fyodor Dostoevsky ee Notes from the Underground, oo ku madax-adaygaya booqashada dhakhtarka ilkaha isaga oo xanuunku kusii labo qarxayo, Askariga 223 waxa uu xor u yahay inuu gaaro go’aanno la yaab leh oo aan maangal ahayn. Quus awgeed, wuxuu go’aansanayaa inuu jacayl u bandhigo haweeneyda ugu horreysa ee uu arko marka ay soo gasho baarka. Doorashadan, oo u muuqata mid aan maangal ahayn, waa muujinta xorriyaddiisa - awoodda uu u leeyahay inuu qaabeeyo masiirkiisa marka uu wajahayo kalinimada iyo niyadjabka.
Xorriyaddu, inkasta ay riyaaq tahay haddana waxaa la socda dareen walaac oo qotadheer. Chungking Express waxa uu dooddaan si qurux badan ugu muujinaysaa sheekada labaad, halkaas uu askari 663, oo uu jilayo Tony Leung Chiu-Wai, soo baraarugayo isaga oo ku sugan xaalad dareen-beel ah ka dib kala tagga isaga iyo jacaylkiisa. Xorriyadiisa uu ku dooran karo waddo cusub ayaa ku haysa welwel joogta ah, waxa uu noqanaya mid ka baxsan goobta, oo la rafaadsan caloolyowga xasuusaha jacaylkiisii hore. Kar-Wai wuxuu si dareen ku jiro inagu tusinayaa halganka gudaha ee shakhsiyaadkiisa. Sidoo kale waxa uu ina xasuusinayaa in aan mar walba aan xorriyaddeenna u adeegsanno doorashada go’aanadeenna maalinlaha ah, waa in aan sidoo kale ku baraarugsanaanno cawaaqibta go’aannadaas. Waa sidii uu Sartre u yidhi, “Qofku waxa uu ku xukman yahay in uu xor ahaado; sababtoo ah marka lagu soo dhex tuuro aduunkaan, waxa uu masuul ka yahay fal kasta oo uu sameeyo.”
Farsamooyinka muuqaaladda ee filinka, sida duubista gaabiska ah iyo farsamada step-printing-ku, waxay abuurayaan jawi riyo u eg oo si fiican u buuxinaya jahwareerka dareen ee jilayaasha. Step-printing-ku waa farsamo muuqaalka lagu duubayo “Frame Rate” hoose, ka dibna la nuqlayo labo ama saddex jeer dabadeedna lagu soo bandhigo duubista caadiga ah ee 24 Frame halkii sikin. Ujeeddada farsamadani waa in ay muuqaalka u ekaysiiso mid xawaare ku socda sidoo kalena gaabinaya. Natiijadu waxay yeelan kartaa turjumaado badan laakin labo wax baa u muuqda inaan si fiican ula xiriirin karno.
• Koow, Jilaagu waxa uu u muuqdaa mid ka go’an ama ka baxsan dunida ku xeeran.
• Laba, marka jilaagu ka soo muuqdo muuqaal xawaare gaabinaya, waxaan dareemaynaa muhiimada u leeyahay muuqaalkaas gaarka ah.
Tebinta filinka ee kala daadsan, waxa ay marka hore u muuqata mid aan qulqul lahayn, laakin dhammaadka waxaan dareemi doonnaa in ay hoosta ka xariiqayso dulucda filinka ee xoriyadda jiraalka. Labada sheeko, si kasta oo ay u kala fog yihiin haddana way isla xiriiraan, iyaga oo abuuraya sahan wadajir ah oo ku saabsan jacaylka, kala-tagga, iyo dareemada aadanaha. Doorashada sheeko-tebinta noocaan ah ayaa marag u ah ogaalka filin samaynta Wong KarWai, maadaama ay ka tarjumayso saadaalin la’aanta sheekada.
Chungking Express, xorriyaddu waa duco iyo habaar. Jilayaasha waxay xor u yihiin inay dib u jiheeyaan naftooda, waxay xor u yihiin in ay sameeyaan doorashooyin ka soo horjeeda dhaqamada bulshada, laakiin isla xorriyaddaas ayaa ka dhigi doonta kuwo u nugul cawaaqibta falalkooda. Daawade ahaan, KarWai waxa uu ina xasuusinayaa in dhabbada nolosha ay ka buuxaan caqabado ay waajib tahay in aan is hortaagno oo aan qaadanno mas’uuliyadda nolosha aan dooranno inaan ku noolaanno. Filinku waxa uu inooga tagayaa dareemo isugu jira niyad-jab iyo rajo. Muuqaalka gola-xirka, askari 663 waxa uu bilaabaya in uu ka bogto wixii hore oo uu soo dhaweeyo fursadaha mustaqbalka, golatuskani waa xasuusin qotodheer oo ku saabsan adkaysiga jinsiga aadanaha. Waxaad mooddaa in uu Kar-Wai dabaqayo aragtidii Martin Heidegger ee ahayd “Iyada oo laga yaabo in aayaheennu yahay mid la sii go’aamiyay, laakin dhabbada aan dooranno had iyo jeer waa mid annaga naga turjumaysa.” Shakhsiyadaha Chungking Express waxa laga yaabaa in ay lumaan oo is waayaan, laakiin sidoo kale waxay qarka u saaran yihiin inay is dib isu helaan.
Chungking Express waa dhambaal lagu amaanayo xorriyadda qeexda jiritaankeenna. Filinka Wong Kar-Wai waa saacad iyo afartan iyo labo daqiiqo oo ka warramaya quruxda iyo xanuunka ay leedahay in lagu noolaado adduun aan xor u nahay in aan dooranno aayaheenna. Waxa uu ina kula dardaarmayaa in aynu qaddarinno xoriyadeenna, si aynu uga guulaysanno werwerka ka dambeeya doorashada, oo aynu noolaanno nolol dhab ah oo innoo gaar ah. Waana qodobkii uu Nietzsche innoo hogatusaalaynayay markii uu lahaa “Qofka jahannama soo dayaysa si qab leh u wajaha; isaguba wadna baqa wuu leeyahay si la mid ah dadka kale, laakin wuxuu ka guulaystay cabsida.”
Waxayna ku arooraysaa meerisyadii Timacadde ee;
“ “
Lama helo wadaadow waxaan cidi ku hawshoon, Naftaa loo hantaaqaa waxaad hiigso leedahay
Past lives oo ay agaasintay Celine Song waa filin qaadaa dhigaya mawaadiic aad u dabacsan aadna u xiiso badan. Sida magaciisa ka muuqata waa maalmo tegay xasuustood, jacayllo hore ayaa dib u kulmaya oo xusi doona berisamaadkii iyo waayihii carruurnimada. Waa sheeko ku saabsan isku guntanaanta dunta qarsoon ee nafaha iyo kulamada sida dahsoon uga dhaca caalamyada arwaaxda ka hor dhalashada iyo soo cago dhigashada ifka. Waa sheekada qaddarka iyo cishqiga laba qof; cishqi aan dhammaan, taas oo si qodan u bidhaaminaysaa sida ay xiriirradu u yeelan karaan awood waarta marka dib la isugu yimaadana ay u soo noolaan karaan. Nora iyo Hae Sung yaraantoodi waxa ay ahaayeen isku fasal iyo saaxiibbo isku dheer oo magaalada Seol ku dhaqan . Laakiin waxaa kala dhantaalaya qoyska Nora oo go’aansanaya in ay u hayaamaan carriga Canada. Labo iyo toban sano kaddib ayay waddooyinkoodu dib isugu soo dhacayaan oo qadka iska helayaan; waxa ay nasiib u yeelanayaan jaanis ay nolosha dib ugu jalleecaan oo dareenkoodi hore u shidaaliyaan. Labo iyo toban sano kale kaddibna waa ay kulmayaan. Midowgooda oo ah mid dareen leh waxa uu inna xasuusinayaa in noloshu tahay mid kakan iyo carraabo joogto ah, taladu sida aan rabno noqoneyn, midabka kaliya ay leedahaynna uu yahay isbeddelka.
Aragtida In- Yun: Dulucda Filinka
Nora, marka ay Hae Sung soo kala tegayaan waa ay yarayd, sidaas darteed waa kala lumeen, sidoo kale magaceeda asalka ahi “Na Young” ayuu ahaa. Hase ahaatee markan ay Hae dib ula kulmayso waa riwaayadqore New York ku nool waana oori, oo waxa ay u dhaxday Arthur oo isaguna qoraa ah. Waxyaabaha anuugnimada filinkan kaalinta weyn ku leh ama la dhihi karo waa nuxurkiisa waxaa ka mid ah aragtida kowniga (Unviersal) ah ee “In-Yun” oo ay Nora Arthur barayso. Waa aragti asal ahaan falsafadda Buddhismka ka soo jeedda. Waxa ayna sharraxaysaa jiritaanka xiriirro qaddaran oo dadka ka dhexeeya. Haddii laba qof oo dool ah waddo isaga soo hor baxaan oo kaliya maryahoodu is taabtaan wax ay ka dhigan tahay in ay nolol hore wax ka dhexeeyeen.
Eraygan “In-Yun” oo Kuuriyaan ah, waxa uu la macne ah yahay “Qaddar/Dib-u-dhalasho” Waxa uu tilmaamayaa in isla rafiiqidda labada qof ama xitaa kulankooda lama filaanka ahi uu yahay mid uu sababayo kulan ka dhacay nolol hore. Waxa ay soo jeedinaysaa in kulamada dadku aysan ahayn kuwa iska dhaca, shil ah sida aan mararka qaarkood u moodnno, balse ay yihiin isla doonasho/shirqool kowni ah. Caalamka ayaa kugu oranaya qofkan waxa uu muhiim u yahay safarka noloshaada.
Lurka Daltabyada
Past Lives mawaadiicda uu sida xeesha dheer u lafaggurayo waxaa ka mid ah dareenka daltabyada iyo sida uu qofka isdiiddada uga dhex abuuri karo. Nora waxa ay ka soo haajirtay Seol, Canada ayay tagtay ugu dambayn Newyork ayay saldhigatay si ay nolol cusub u billowdo laakiin dabayl dhanka tagtada ka soo dhabatay oo Hae Sung ah ayaa xasuusinaysa in ay jirto meel ay asal ahaan ka soo jeeddo. Arthur iyo Hae Sung Waxa ay kala metelayaan laba aqoonsi ee kala duwan ee ee nolosha Nora.
Filinku waxa uu ku furmayaa Nora oo Arthur iyo Hae Sung u kala turjumaysa islamarkaas waxa ay ka dhigan tahay qof labadeeda naf tii hore iyo tan hadda u kala turjumaysa. Hae Sung waxa uu ka turjumayaa nolosheedi hore ee Seol oo ay aad ugu hillowday, halka Arthur uu ka turjumayo nolosha New York ee ay hadda ku nooshahay oo teedii runta ahayd ka dhigan. Soo noqoshada Hae Sung waxa ay gilgilaysaa aqoonsigeeda qofeed waxa ayna is ogaanaysaa in ay laba aqoonsi leedahay waxaana ku kacaya boholyowga ay qabto ciiddii ay xuddunteedu ku duugneed. Waxa ay sheegaysaa in marka ay Hae Sung la joogto ay dareento in Kuuriyaan tahay sababtoo ah waa qofka kaliya ee magaceeda asalka ahaa “Na Young” ugu yeera beryo tegayna soo xasuusiya.
Filinku waxa uu ku qotomaa in qofku mar kaliya ku nolaan karo nololo badan. Nora ma aha gabadhii yareyd ee Kuuriyada koonfureed ku soo ababtay oo hadda waa qof gabi ahaan isbeddelay iyada oo sidaasi jirto gabadhaas yari weli Nora ayay ku dhex nooshahay. Qayb Nora ka mid ah ayaa Seol jirta inkastoo ay aqbalsan tahay in aysan dib u heli karin haddana way u murugoonaysaa oo halka ay joogto way ku qaloonaysaa. Waxa ayna carrabaabaysaa in ay halgan u soo gashay in ay New York timaado oo nolol ka abuurto, haddana ay mar walba duullimaadyada dhanka Seol ku sii jeeda sii eegayso. Sidoo kale ninkeeduna mar buu u sheegayaa in ay habeenkii marka ay riyoonayso Korean ku hadasho Ingiriiska marna kuma qarawdid ayuu ku leeyahay.
Lurka Daltabyada
Waydiinta ugu mudan ee filinku ka jawaabayo waa: Mararka qaar saw qasab ma aha in aan daqiiqado kooban oo xus iyo xasuus u hibaynno qaybo muhiim u a nolosheenna kadibna iska sii daynno si aan taaganta iyo timaaddada diiradda u saarno? Tan oo ah su’aasha filinka udubdhexaadka u ah taas oo Nora noloshu hor dhigayso. Nora guurkeeda Arthur waa ay ku faraxsan tahay marka iyada loo fiiriyo haddana xarigga Hae Sung waa mid aan baaba’ayn. Labada nin (saaxiibkeedi hore iyo ninkeeduba) jacayl ayay u qabaan iyaduna dareen ayay laabta ugu haysaa labadooda, marka saddexdooda dareen kalgacal oo saddex xagal ah ayaa ay wadaagaan.
Aw Saahil
Haddaba Nora waxaa horta taal labo go’aan, kala doorashada nolol hore iyo mustaqbalka. Ma waxa ay raacdaa Hae Sung iyada oo noloshii hore iyo hiddaheedii suubbanaa u xiiso burburaysa mase Arthur ayay la joogtaa iyada oo wixii hore iska macasalaameynaysa dalkeeda cusubna ka xamaalanaysa?
Dhammaadka Nora qodobka dambe ayay ku tawfiiqi doontaa. Muuqaallada filinka u dambeeya, marka ay Nora Hae Sung macasalaameynayso oo dhanka gaariga Sung gegida diyaaradaha geyn lahaa ku sii jeedaan labadoodu, waxaa nala tusayaa iyaga oo hal dhinac oo docda bidix (Tagtada) ah u socda; cabbaar kaddibna ay Nora kaligeed dhanka midig (Taaganta) u soo noqonayso iyada oo niyadxun.
Tan oo ka dhigan in aysan Nora ahayn qofkii hore, sidaas darteed Hae Sung qofka uu jacaylka u qabo (Gabadhii yareyd ee Nora) ma aha qof hadda sii jira. Cidda dhabta ah ee ay tahay waa Nora ee ma aha Na Young, nolosha iyo waqtiga dhabta ay ku nooshahaynna waa hadda iyo New York ee ma aha shalay iyo Seol.
Celine Song iyo Past Lives
Filinka qaybo ka mid ah waa nolosha Celine Song. Nora waxa ay u taagan tahay Song oo dalkeedi ka soo haajirtay beri hore. Waxa damacsanayd in filin qaybo nolosheeda ka mid ah ka hadlaya samayso laakiin taas waxaa ka dhashay Past Lives oo ah filin caalamka shineemada iidaan u noqday. Halka ay aragtida qaddarka In-Yun ka imaanaysana waa wada jirka waxyaabaha nolosha ee lidka isku ah haddana isi saameynaya. Marka aan wax aan haysannay wayno waxa aan naawilnnaa in aan beddelkiisa helno, Song marka ay Seol ka soo ambabbaxayso waxa ay gadaal uga soo tegaysaa dhaqan, dal iyo luqad haddana intaas in la mid ah ayay helaysaa arrintan oo ah mid lala xariiriyo falsafadda bariga.
Waxaa kale oo xusid mudan in ay Song ahayd kaliya riwaayadqore filinkanina uu yahay kii ugu horreeyay ee ay qortay islamarkaana agaasintay. Sheekada filinku waa mid aad u miisaaman inkastoo ay meelaha qaar gaabinayso, haddana Celine waxa ay sida ugu heerka sarraysa ugu dadaashay in uusan dareenka daawaduhu meel kale aadin. Waxa ay mucaashiqinta aflaanta soo hordhigaysaa filin qurux badan kaas oo leh wadahallo qotodheer oo xasuusta ku waaraya. Sheekada waqtiga ayay nala wadaagtay;halka dhaqaaqa kamaraduna ay si wanaagsan uga qayb qaadanayso tebinta sheekada, soo bandhigidda muuqyo soo jiidasho leh, dareenka iyo metelaadda jilaayasha aadka u xasilloon.
Kudarsadayaal Kudarsadayaal Kudarsadayaal Kudarsadayaal Kudarsadayaal Kudarsadayaal Kudarsadayaal Kudarsadayaal Kudarsadayaal Kudarsadayaal
Tifaftiraha
Guud
Abdullahi Osman
Agaasimaha Tifaftirka
Maxamed-Khadar Cabdicasiis
Sadam Aweis
Ku-Qorayaasha
Abdullahi Osman
Guryasame Cabdi
Aw Saahil
Maxamed D. Ciise
Weedhsan Kaarshe
Soo-Qorayaasha
Cabdiraxmaan Maxamed Guure
Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
Naqshadaynta iyo Quraaridda
Mahad Mohamed