Tirsiga koowaad ee Shineemo Benadir

Page 1


The French New Wave

Dhaxal (2024) iyo qaar kale...

HIRKII MUUNADAYNTA You Will Die at 20 (2019) Faallo filin

SHINEEMADA IYO BULSHOOYINKA

Sidee ayay filimaantu u qaabeeyaan dhaqamada iyo bulshooyinka?

SHINEEMO BENADIR

Hirkii Muundaynta

The French New Wave

You Will Die at 20 (2019)

Faallo Filin

Cinema Paradiso (1988)

Faallo Filin

Whiplash (2014)

Faallo Filin

Nocturnal Animals (2016)

Faallo Filin

Psycho (1960)

Faallo Filin

The Passion of Joan Arc(1028)

Faallo Filin

Shineemada iyo Bulshooyinka

Sidee ayay aflaantu u qaabeeyaan dhaqamada iyo bulshooyinka?

Dhigaallo loo rogay filin The Godfather (1972)

Dhaxal (2024) Falanqeyn

65

71

75

79

83

Hirkii Muundaynta

The French New Wave

Hirkani wuxuu ka curtay France, magaca “Nouvelle Vague” wuxuu ka yimid maqaal ay suxufiyad “Françoise Giroud” ku qortay wargeyska “L’Express” sannadkii 1957-kii, kaas oo ay ku faaqidaysay shineemada iyo habka sheekatabinta. Dhammaadkii kontameeyadii illaa iyo dhammaadkii lixdameeyadii qarnigii 20-aad ayuu hirkan waxsoosaarkiisa ugu badani soo shaac baxay. Waxaa saamayn wayn ku lahaa dedaalladii isaga ka horreeyay ee shineemadii aamusnayd iyo hirkii Talyaaniga. Macnaha naaneystiisa oo ah “Hirka Cusub” ayaa ku tusinaysaa in labadii hir ee isaga ka horreeyay uu ka shidaal qaadanaayo, saamaynna ay ku lee yihiin, se uu hirkaani muunadayn u kacaamayo.

Paris waxay ahayd mugdi, oo waxaa saamayn ku yeeshay dagaalkii labaad ee adduunka. Tiyaatarka waxaa ka muhiimad weynaa xaruumaha ciidanka, hirkaanna wuxuu ka dhashay doodo iyo faaqidaado ay yeesheen koox filinsameeyeyaal ah, iyaga oo ka debqaadanaaya dedaalkii ‘Italian Neo-realism’ ayay haddana doonayeen muunadayn iyo habtabin cusub. Urursan curisyo ah oo ay kaga hadlayaan aflaanta ayay ku daabacayeen wargeyska ‘Cahiers du Cinéma’.

Wargeyskani waa halka ay ka howlgali jireen oo ay qorayaasha ka ahaayeen kooxda dhidibbada u taagtay Hirka Cusub oo kala ah François Truffaut, JeanLuc Godard, Jacques Rivette, Claude Chabrol, iyo Éric Rohmer. Waxaa yoolkoodu ahaa inay qaabeeyaan shineemo cusub oo loo aqoon og yahay ‘Cinéma Vérité’ taasoo ka dhigan “Shineemo Dhabsheeg ah”, Waxay tebisaa dhabta jirta oo mutuxan, iyada oo aan la adeegsan qalab faneed oo dheeri ah kaas oo hagaajiya dhabta, waxaa ku filan kali ah qalabka fudud ee duubista.

Dedaalkaan doodihiisu waxay taabanayeen dhinacyo kala duwan kuwaas oo kala ahaa; cusboonaysiinta hab duubista sheeko-masraxiyeedda, soo bandhigidda doodda falsafadda jiraalka iyo cusboonaysiinta fanka shineemada. Arrinta xiisaha mudan ayaa ah in kooxdani ay saamayn wayn ku lahayd doodda falsafadda jiraalka, oo beryahaas ahayd dooddii ugu miisaanka cusleyd ee taallay baarka “Du Flore”. Sidoo kale waxaa ugu waynaa oo udubdhexaadka u ahaa Dhabta Kalyaalka ah/ Subjective Reality, iyo habtabinta cusub. Isku soohidda saddexdaan ayay xubnihii hirkaan hoggaanka u ahaa ku soo bandhigayeen filinsamayntooda iyaga oo sii raacinaya doodaha dhabsheegnimada bulshada, falsafdada, iyo casriyeynta.

Horudhac
Agnes Varda oo joogta goobta lagu duubayo filinkeeda
“One Sings, the Other Doesn’t.” xigasho...Roger Viollet
Sawirka Jean-Luc Godard, laga soo xigtay barta Alamy

Kooxdu waxay u kala qaybsameen labo kooxood: “Midig iyo Bidix” oo waxay ku kala soocmeen aragtiyaha shineemada iyo fikrado kale. Dhanka midig waxaa ku midaysnaa labeentii hirka: François Truffaut, Jean-Luc Godard, Éric Rohmer, Jacques Rivette, iyo Claude Chabrol. Waxay ahaayeen kuwa ku sheeggan figta sare ee Hirka Cusub iyo guud ahaan dunida filinsamaynta. Dhinaca kale waxaa iyaguna jira hiboolayaal maamus ku leh caalamka shineemada waa; Anges Varda, Chris Marker, Jacques Demy iyo Alain Resnais. Agaasime Jean-Luc Godard, ayaa ah kan ugu mudnaanta badan kooxda Hirka Cusub kaas oo hormuudna u ahaa. Sidoo kale qof kasta oo kooxda ka tirsanaa wuxuu lahaa mudnaan iyo doodo gooni ah, tusaale ahaan, Anges Varda – oo ahayd haweenayda kali ah ee xubinta ka ahayd kooxda – waxay ahayd sawirqaade, farshaxamiiste iyo agaasime oo ay dib ka noqotay. Waxsoosaarkeeda “Cleo from 5 to 7 (1962)” wuxuu gudbinayay doodo ku saabsan jiraalka iyo dheddigoodka, kaas oo noqday waxsoosaar mudnaan iyo maamuus gooni ah ay ku hesho.

Claude Lelouch Jean-Luc Godard iyo François Truffaut oo u baaqaya in aan la furin feestada filimaanta ee Cannes sannadkii 1968dii sababo la xiriira mudaharaadyada ka socday dhammaan dalka faransiiska.
Golatus ka mid ah filinkii Les 400 Coups (1959) ee François Truffaut

Saamaynta Falsafadda ‘Jiraalka’

Kooxda hirkan hoggaaminaysay waxay aad ugu saamoobeen aragtiyaha filasoofyadii qarniga, gaar ahaan falsafaddii ‘Jiraalka/Existentialism’. Waxsoosaarradooda shineemeed ayaa aad looga dheehan karaa dulucabbaarka Albert Camus iyo Jean-Paul Sartre. Waxaa la sheegaa in Godard waxsoosaarkiisa “Breathless” uu ka debqaatay doodda Camus ee “The Stranger”, taas oo la xiriirta ‘xorriyadda qofeed’ iyo jiraalka dadka kale, tani waxay ka dhigan tahay in shineemadu aysan ahayn xarun madadaalo oo kali ah, filinkana aan loo sameyn ribix ganacsi oo qur ah, shineemada Hirka Cusubi waxay ahayd dugsi iyo madal lagu gudbiyo doodaha iyo aragtiyaha falsafiga, waxay sida oo kale xiriir dhaw la lahayd kacdoonnada bulshada, waana sifo ay kala mid ahayd tii ayada ka horreysay ee ‘Italian Neo-Realism’, taas oo daawaduhu ka dhex helayo kacdoonkii shuuciga ahaa ee ku aadanaa dabaqadaha bulshada iyo aragtiyihii Karl Marx.

Kooxdu waxay inbadan dedaal gelisay sidii ay isu qabadsiin lahayd doodaha falsafadeed iyo waxsoosaarka shineemeed. Sida oo kale kooxdu waxay dedaal badan ku bixisay sidii ay waaqica iyo aragtiyadaha falsafadeed isu qabadsiin lahayd. Isla kol kale waxay ku dedaaleen in ay filimada u soo bandhigaan qaab dhabta laga dhadhansan karo iyaga oo abuuraya duni dhab ah oo ay dadku la falgalayaan dhacdooyin dhab ah. The Museum Of Film History ayaa si qoto dheer u tilmaamay ujeedkii kooxda: “Agaasimayaasha Hirka Cusubi waxay yool ka dhigteen in ay dhabta maalinlaha ah u soo bandhigaan qaab farshaxamaysan.”

Dhaqdhaqaaqaan falsafadaysan isla kol kalana farshaxamaysan falsafadda jiraalku waxay u ahayd tiirdhexaad, taa ayaana keentay in filimada Hirka cusubi qaadaadhigaan mawduucyada falsafadda tan, gaar ahaan doodaha insaaniga ah ee quseeya nolosha aadanaha, micnoabuurkiisa, fahankiisa kownka iyo qaayasoorrada. Filinsameeyeyaashu, horraysaba, waxay doorteen oo ay diiradda saarayeen habtebinta kalyaalka iyaga oo aanan luminaynin duxda banyaalka/objective. Tusaale ahaan Godard waxsoosaarradiisa Breathless (1960), Vivre Sa Vie (1962), iyo Pierrot le Fou (1965) Waxaa laga dheehan karaa doodaha falsafadda jiraalka, aragtiyaha culuunta bulshada, iyo waliba jeexidda jid cusub iyo habtabin hor leh, si gaar ah Breathless iyo Vivre Sa Vie” waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin waxsoosaarro uu ku awood sheegtay agaasimuhu. Waxaa la mid ah wasoosaarka Verda, ee “Cleo from 5 to 7” oo asna laga dhadhansan karo doodda falsafadda jiraalka, Waxay se iyadu ku biirisay doddda dheddigoodka.

Jean-Luc Godard, Jean-Paul Sartre iyo Simone de Beauvoir oo ku sugan dhismaha jariidadda La Cause du peuple ee 1970kii la xiray.

Cahiers du Cinema

Faransiiskii fiirada gaarka ah u lahaa isbeddelladan waxay ahaayeen kuwa naqdiya filimaanta, waxay si gaar ah ula socon jireen Joornaalkii ‘Cahiers du Cinema.’ Joornaalkan, oo ay dib-u-aasaaseen Andre Bazin iyo saaxiibadii 1951-kii, waxaa si joogto ah wax ugu qori jiray Jean-Luc Godard, Francois Truffaut, Eric Rohmer iyo Jacques Rivette ikk. Qorayaasha ‘Cahiers’ waxay gacan ka gaysteen daraasadda akadeemiyadeed ee shineemada. Waxaanna Muddo kooban kaddib caddaan doonta in fikradahooda ka la duwan iyo aragtiyahooda xiisaha leh ay wax weyn ka baddeli doonaan habka filinsamaynta.

Andre Bazin wuxuu qoray labo curis oo filinsamaynta saldhig u noqotay; What is Cinema majaladdiisa 1-aad iyo 2-aad.” Bazin, ujeedkiisu wuxuu ahaa dardargalinta shineemada waaqiciga ah, isaga oo u jawaabaya filimadii Neo-realism-ka oo xoogga saaray qalabka iyo tifaftirka filinsameynta.

Francois Truffaut – oo ka mid noqon doona agaasimayaasha ugu caansan marka uu hirku dhaqan galo – ayaa qoray curiskii “Hitchcock” (sidoo kalena loo yaqaan Hitchcock/Truffaut), qoraal uu ugu talagalay daraasadda shineemada. Waa waraysiyo taxane ah oo uu la yeeshay Alfred Hitchcock, wuxuu ku lafagurayay filimaantiisa illaa wakhtiga qorista curiskan. Waxa curiskani uu horseeday aasaasidda Aragtida “Auteur”- aragti ah in agaasimaha filinku uu la mid yahay qoraaga buugga taas oo siinaysa madaxbannaani buuxda oo la mid ah ta qoraaga, waxay tani suurtogelinaysaa in filinsameeyuhu ka dhexmuuqdo filinkiisa feker ahaan iyo fan ahaanba, waxay sidoo kale siinaysaa filinsameeyaha sumad iyo astaan faneed oo u gaar ah taas oo u kala gudubta filimadiisa, si la mid ah waa’araggiisa iyo fekerkiisa gaarka ah oo ka dhex muuqda si guud waxsoosaarradiisa, taas oo ka dhigaysa filinka waxqabad shakhsi ah.

Aragtidani waa mid muran badan dhalisay, laakiin waa hab wanaagsan oo loo wajaho barashada filinka. Dad badan oo filinka naqdiya ayaa ku khilaafsan in filimku yahay shaqo farshaxan oo la iskugu tagay, markaas maxay tahay ujeedada laga leeyahay in hal qof abaal looga hayo?

Cahiers Du Cinema – The End of an Era - Laybrinth Production - Maarso 2020

Yaa saameeyay

Hirka Cusub?

Hirka cusub waxaa qaabeeyay shakhsiyaad isugu jira agaasimeyaal filin iyo falanqeeyeyaal xambaarsanaa aragtiyo faneed oo la xiriira cusbooneysiinta shineemada, waxaana hormuud u ahaa shakhsiyaadkaan, André Bazin, Roberto Rossellini, Alexandre Astruc, Bertolt Brecht.

André Bazin (18 April 1918 – 11 November 1958) wuxuu ahaa fallanqeeye saamayn xooggan ku yeeshay kooxda. Wuxuu ka mid ahaa raggii dib-u-dhisay warsidaha aflaanta ee ‘Cahiers du cinéma’ 1951-kii oo hore loo dhihi jiray ‘Revue du Cinéma’. Bazin illaa iyo geeridiisii ayuu tifaftire ka ahaa warsidaha. Dedaalkiisa gaarka ah wuxuu diiradda saaray ‘dhabaynta’, wuxuu danaynayay inay shineemadu noqoto mid dhabsheeg ah. Intii u dhaxaysay 1958-1962-kii wuxuu qoray uruursan maqaallo ah oo uu ciwaan uga dhigay ‘Qu’est-ce Que Le Cinéma? (Waa Maxay Shineemo?)’ Bazin, wuxuu dooddiisa u dhisay si cajiib ah, wuxuu ka duulayaa aragtida ah in fanku sidiisaba yahay isku dayga waarinta libiqsiyada mudnaanta leh, ama waarinta walaxda loo jeedo, u fiirso faraacinadu waxay sameeyeen iskudayo ay ku waarinayeen mawtadooda, markii aadanuhu daahrogay xagal-aragga iyo halbeegyada walxaha waxay goosteen inay aslaan muuqaallada hortooda ka muuqda, horumarka farshaxanku wuxuu dadka ka caawiyay in si qumman loo sawiro abbaarta loo dan leeyahay, waxaa la aslay sawirro aad ugu dhaw waaqica, ilaa la daahrogay kaamiradda taas oo fagaaraha kala baxday fankii aslidda, waayo sida Bazin ku doodayo asluhu si kastuu isugu dayo falkinta sawir u dhigma waaqica uu sawirayo, waxaa is-hortaaga caalamkiisa kalyaalka ah oo gacantiisa u meerinaya dhab ka duwan ta hortaal, hayeeshee filinku wuxuu sidiisa u qabanayaa hummaagga ka soo noqonaya iftiinka ku dhacay oogada walaxda kamairada hortaal. Haddaba xiriirka ka dhexeeya filnka iyo walaxdu waa sidii farta ka xubin ahaan iyo daabaca farta ee qofba la gaar yahay, waayo kaamiraddu waa mashiin, ma leh dareen iyo waa’arag u gaar mana eexato, ee waxay u qabataa walaxda hortaal sida ay dhab ahaan tahay ammin cayiman, sidaas ayay kamairaddu uga dhigtaa dhabta hortaal mid waarta oo waqtiga isaga gudubta.

André Bazin
Sawirka André Bazin laga soo xigtay barta (Photo Florent Bazin)

Haddaba sifada maguuraanka ah ee filinku waa dhabsheegnimo, hayeeshee shineemadu ma wada aha dhabsheeg, waxay filinsameeyeyaal kala geddisan – ka bilow Soofiyeetkii ilaa Hooliwuudka kalaasigga ahaa – adeegsadeen moontaaj oo ah hagaajinta muuqaallada, ama diyaarinta dhabta la tebinayo, agaasimeyaasha hooliwuudka waxay caan ku yihiin diyaarinta goobta, iyo dib u habaynta waaqica la tusayo daawadaha iyadoo la hagayo indhaha qofka, waliba farta loogu fiiqayo halkii uu eegi lahaa, waxaana taa loo maraa habab kala duwan oo hagaajinta iftiinku kow ka tahay. Haddaba Bazin ma yasayo filinsameeyeyaasha dib u hagaajiya dhabtii mutuxnayd ee kaamiraddu iskeed u qaban lahayd asalkaba lama wada tiri karo dhabtaa oo waa maguuraan ayuu aamisan yahay, balse ilaa xad ayaa la dhaashi karaa, waxaa se isweydiin mudan xadka dhab-dhaashiddu halkuu ku eg yahay?

Bazin wuxuu lee yahay waa in la xoojiyo sifada maguuraanka ah ilaa heer daawaduhu uu dareen la wadaagi karo jileyaasha, waa inuu daawaduhu ka dhex helo filinka nololmaalmeedkiisa, waa sababta ay lagamamaarmaan u tahay in la helo muuqaallo aan qulqulka sheekada waxba ku biirinayn balse qayb ka ah nololmaalmeedka qof caadi ah, waana dood baaxaddeeda leh oo qaabayn doonta shineemada Hirka Cusub, waxaan arki doonnaa jileyaasha oo ku jira waaqic marax ah oo aysan dhacayn wax – haba yaraatee – qiime ku kordhinaya qulqulka sheekada, sida socod dheer, wadasheekaysiyo dhaadheer oo caadi ah, iyo xataa inay la falgalaan shakhsiyaad ka baxsan diiradda tebinta, waayo intaa oo dhami waa dhab maalinle ah oo daawaduha la xiriirayo, halka shakhsiyada ku jirta fal joogto ah had iyo jeer u muuqato dhalanteed aan dhab ahayn.

Andre Bazin. Sawirka waxaa laga soo xigtay barta 4200f
Andre Bazin Sawirka waxaa laga soo xigtay barta Vestido sem Costurablog de cinema

Roberto Rossellini

Rossellini wuxuu kooxda u ahaa dugsi ay ka dhigtaan wacyi shineemo, wuxuu ahaa la taliye ay u dhegraariciyaan. Si guud agaasime Rossellini, wuxuu ka mid ahaa foolaadkii hormuudka u ahaa kacdoonkii shineemo ee sii horreeyay ‘Italian Neo-realism’. Kooxda Hirka Cusubi waxay Rossellini ka bowsatay dhawr qodob oo la xiriira farsamada iyo qalabka filinsameynta sida kuduubista bannaan furan/on-location shooting, adeegsiga jilaayaal aan xirfad lahayn ‘nonprofessional actors’, iyo kaamiradaha 16MM ee khafiifka ah ‘lightweight 16mm cameras’.

Sawirka Roberto Rossellini laga soo xigtay Kaydka dhiijitaalka ee Italian Cinema Today
Kaartooyinka filimadan waxaa laga soo xigtay barta IMDb

Alexandre Astruc (1923-2016) billowgiisii wuxuu ahaa fallanqeeye iyo naaqid aflaanta wax ka qora, wuxuu sidoo kale ahaa sheekoqore suugaanta tiraabta ah qora. Wuxuu wax ku darsaday oo qoraallo dhowr ah uu ku lee yahay ‘Auteur Theory’ isaga oo la goleyimid ‘caméra-stylo’ ama ‘Qalinka Kaamirada’. Habkani waa hab ka leexanaya habdhaqameedkii soo jireenka ahaa ee filinsameynta, agaasimaha filinku wuxuu qaadanayaa kaalintii qoraaga, wuxuu awood u helayaa inuu gaarsiiyo daawadaha adduun-araggiisa gaarka ah, fekerkiisa qofeed, iyo sheekotebentiisa intaba, wuxuu haddaba filinku noqonayaa waxqabadka agaasimaha.

Astruc wuxuu wax ku daabici jiray magaasiinnada La Gazette du Cinéma, L’Ecran Francais, iyo CinéDigest. Curisyadiisa waxaa ugu saamayn wayn “Birth of a new avant-garde: la camera-stylo” ee uu daabacay Maarso 1948. Maqaalkaan wuxuu Astruc ku baaqay xoreynta shineemada, wuxuuna saadaaliyay shineemo aqoonyahan ah, oo feker iyo fan kulansatay, Hirka Cusub ayaana taa dhaqangal ka dhigay.

Alexandre Astruc oo ku sugan goobta duubista La Longue Marxhe (1966) kaydka Gamma Rapho ee Getty.
Alexandre Astruc
Alexandre Astruc oo ku
sugan goobta duubista
La Longue Marxhe (1966)
kaydka Gamma Rapho ee Getty.
Bertolt Brecht oo ku sugan Berlin, bandhigga riwaayaddiisii “Drums in the Night”. © Getty Images

Bertolt Brecht

Bertolt Brecht (1898-1956) wuxuu ahaa maansayahan iyo riwaayad qore Jarmal ah, Brecht wuxuu diiradda saaray sheekotebinta iyo la falgalka daawadaha, wuxuu golaha keenay farsamo cusub oo lagu kicinayo habfekerka naqdiyeed ee daawadaha. Masraxa taqliidiga ah hawshiisu waxay ku koobnayd halka ugu sarreysa kicinta dareenka daawadaha, iyo ta ugu hooseysa madadaalo uun, Brecht wuxuu ka duulayay fekradda ah in masraxu noqdo meel laga jiheeyo bulshada, lagana abbaaro dhacdooyinka iyo arrimaha joogtada ah sida colaadaha, isbedellada siyaasadeed, kacdoonnada iyo afkaarta falsafiga ah, wuxuu ku dhawaaqay masrax kiciya bulshada oo aan ahayn maad loo nasiino kali ah, haddaba waxay tani saameysay Hirka Cusub oo farsamooyinkiisii masraxa qabadsiin doona shineemada, waxa farsamooyinkaa ugu caansan ta loogu yeero ‘Verfremdungseffekt/ Alienation Effect’ ama ‘falka bayrinta’ oo ah qaab daawadaha laga bayrinayo ama laga weecinayo inuu sheekada u la falgalo si dareen leh, si uu markaa u ruxo maankiisa kaddibna u qaadaadhigo abbaarta sheekada halkii uu ku madadaalan oo kali ah, waxaa taa loo marayaa jebjebinta dhismihii sheekotebinta soojireenka ahaa si filinku loollan ula sameeyo maskaxda daawadaha. Waxaa tan caan ku ah Godard oo sameeya ‘jarjarka kediska ah/ jump cuts’, sheekotebinta aan toosnayn/nonlinear storytelling si loo arbusho quudashada sheekada ee aan joogsiga lahayn markaana loo xaxanteeyo maskaxda daawadaha.

Dhanka kale waxaa la dhaqangeliyay fahan cusub oo loogu yeero ‘Jabinta Darbiga Afaraad/ Breaking the Fourth Wall’ kaasoo ah qaab daawadaha xusuusinaysa inuu horjoogo dhab ama waaqic gacankurimis ah, waxayna taasi ku beeraysaa daawadaha inuu dhuuxo farriinta filinka halkii uu maad kali ah u arki lahaa, Godard wuxuu farsamadaan ku adeegsaday filinkiisa “Breathless” (1960), Brecht wuxuu isbeddelkaan ugu baaqay si aan aan fanku u noqon badeeco lacag laga sameeyo laguna maadsado, bal se uu u noqdo dugsi bulsheed, waxa ay taasi dhali doontaa in Hirka Cusubi ku qaadaadhigo filimadiisa doodihii falasafiga ahaa ee yiil miisaska waxgaradkii qarniga 20-aad.

Sawirka Bertolt Brecht laga soo xigtay Munich City Museum
Gabyaagii iyo riwaayad-qorihii
Bertolt Brecht (1947)
Paris belongs to us (1958). Jacques Rivette (bidix) oo soddon sanno jir ah, waxa uu agaasinka filinkiisa koowaad la kaashanaya Claude Chabrol iyo Jean-luc Godard Waa filinkii uu mar Truffat saadaaliyay in uu noqon doono “Filinka Jiilkeenna.” Xaquuqda sawirka waxaa iska leh Adeline Fleury.

Agaasimayaasha hirka.

François Truffaut; Jean-Luc Godard;

François Truffaut, wuxuu ahaa dhidibadii ugu muhiimsanaa ee Hirka Cusub( New Wave/Nouvelle Vague), waxaa uu caan ku ahaa habtabin heersare ah iyo sheeko curintiisa oo ahayd mid qoto dheer. Truffaut, waxaa ay xirfaddiisu ka bilaabatay joornaalkii Cahiers du Cinéma oo uu ku daabici jiray faallooyin ku aaddan hab-dhaqameedkii hore ee loo matali jiray filimada Faransiiska; isaga oo ku tilmaamaya in ay yihiin kuwo hal-abuurnimadoodu yar tahay.

Filimkiisii u horreeyay ee uu sameeyay, “The 400 Blows,” wuxuu astaan u ahaa isbeddel weyn oo ku yimid sameynta filimada, isagoo isugu lifaaqaya habkii hore iyo qaabkan cusub si dabiici ah. Filimada

Truffaut waxaa ay inta badan u daaddegaan nuxurka dareenka aadanaha iyo xidhiidhada ka dhaxeeya, isagoo isticmaalaya waaya-aragnimadiisa iyo suugaantiisa.

Fikradda Truffaut waxaa ay ku saleysan tahay aragtida auteur, taas oo qabta in filimku ka tarjumayo aragtida iyo hal-abuurka shaqsiga ah ee agaasimaha. Wuxuu aaminsanaa in filimku yahay awoodda uu codkiisa, aragtiyihiisa iyo waayo-aragnimadiisa u gaar ka ah ku soo bandhigo. Intii uu ku guda jiray xirfaddiisa filim samaynta, Truffaut waxaa uu ahaa mid xidhiidh dhow oo wanaagsan la leh saaxiibbadiisa kale ee hirkan, waxa uuna ka tagay dhaxal waxsoosaar oo tayo iyo quruxba leh.

Jean-Luc Godard, waxaa uu kamid ahaa filimsoosaarayaashii ugu saameynta badnaa qarnigii 20aad, waxaana lagu yaqaannay qaabdhismeedkiisa sheekada iyo sida uu u sameeyo muuqaallada oo ka duwanaa dhammaan filimsoosaarayaashii kale.

Billowgii waxaa uu ahaa falanqeeye wax ku qora isla joornaalka Cahiers du Cinéma. Godard waxaa uu ku soo caan baxay filimkiisii ugu horreeyay ee “Breathless,” kaas oo jebiyay xeerarka hore ee filimsamaynta isagoo isticmaalaya nooca muuqaal samaynta ee loo yaqaanno “jumpcuts” isla markaana ku soo bandhigay aragtiyo jiraal oo waaweyn.

Filimmada Godard waa sooc waxaana summad u ah qoto-dheeraanta fikradeed iyo sida ay maskaxda u cariyaan, sidoo kale ka qaybgalka siyaasadda, iyo farsamooyinka avant-garde, kuwaa soo inta badan loollan ku abuura aragtida daawadayaasha iyo sida ay xaqiiqada u arkayaan mararka qaarna shaneemada laftigeeda loollan ka dhaliya.

Aragtiyaha Godard waxaa ay ku saleysan yihiin falsafadda shuuciyadda iyo shaki weyn oo uu ka qabo dhaqanka iyo siyaasadda caadiga ah. Wuxuu u adeegsaday filimmadiisa sidii madal uu ku eedaynayo qawaaniinta bulshada, adiga oo u arkaya sidii in uu ku sahminayo hababka kooxaysiga, islamacaamilka, iyo kacaanka. Waxsoosaarkii Godard ee lixdameeyadii waxaa ay weli tahay tixraac muhiim ah oo loogu talo galay filim-soosaarayaasha iyo kuwa jecel shaneemada in ay ka faa’idaystaan. Tani waxaa ay muujineysaa awoodda filinku leeyahay marka uu noqdo mid aragti iyo hal-abuur xambaarsan.

Sawir uu Pierre Zucca ka qaaday François Truffaut xilli uu xayaysiinayay filinkiisa “Stolen Kisses” (1968).
Jean-Luc Godard iyo siddeetameeyadii. Xaquuqda Austin Film Society.

Éric Rohmer;

Éric Rohmer, waxaa uu ahaa xirfadle filamadiisu ku salaysan yihiin wada-sheekaysiyo si qotodheer oo faahfaahsan diiradda u saaraya xiriirka aadanaha iyo lababoglaynta anshaxa nolosha. Si ka duwan saaxiibbadiis, filimada Rohmer inta badan kuma dhisna sheekooyin xiiso leh laakiin waxaa ay u daaddegaan gunta nolosha jilayaasha iyo wadahadallada oo ah kuwo falsafadeed. Waxsoosaarkiisi, sida “My Night at Maud’s” iyo “Claire’s Knee,” waxaa lagu yaqaan wadahadallo dabiici ah iyo sida ay si degen ugu xalliyaan mawduucyada jacaylka, rabitaanka, iyo doorashada shaqsiga.

Rohmer waxaa uu mar walba xoogga saari jiray muujinta saamaynta dhacdooyinka maalinlaha ahi ku leeyihiin xidhiidhada gaarka ah ee qofka. Wuxuu aaminsanaa awoodda uu filimku kula falgali karo hab-dhaqanka aadanaha iyo quruxda nolosha caadiga ah. Si fudud Rohmer waxaa uu inbadan diiradda saaraa dhisidda jilayaasha halkii uu ka saari lahaa sheekada filimka taasoo filimadiisa New Wave ee Faransiiska ka dhigtay kuwo saameyn ku yeeshay filim-soosaarayaal badan oo xiisaynayay sida is-dhexgalka aadanaha si qoto-dheer loogu soo gudbin karo filimada.

Jacques Rivette;

Jacques Rivette waxa uu tiirarkii ugu mudnaa ee ka tirsanaa New Wave-ka. Faransiiska, waxaana lagu yaqaanay filimadiisa tijaabada nololeed ah ee isla markaana aad u dhaadheeraa kuwaas oo uu raadinayo xariiqda yaree u dhaxaysa sheekobaralayda iyo xaqiiqada. Si lamid ah saaxiibadii waxa uu ahaa falanqeeye wax ku qora joornaalka Cahiers du Cinéma, filimada Rivette sida “Paris Belongs to Us” iyo “Celine and Julie Go Boating” waxaa lagu gartaa qaabka dhismeedka sheekooyinkiisa adag ee isku dhafan. Rivette wuxuu inta badan la shaqeeyaa jilayaasha si ay si dabiici ah usoo tabiyaan sheekooyinka ay ka turjumayaan, taasoo keenta filimmo la falgalaya dareenka daawadaha isla kolkaasna ah kuwo adag oo isku dhafan.

Aragtiyaha Rivette waxaa ay ku saleysan yihiin la falgalka asalka iyo dabeecadda sheekada filimku ku socoto. Wuxuu aaminsanaa in habka sameynta filimka ay muhim tahay inuu noqdo mid isku cufan oo isna dhameystiraya, isagoo inta badan isku dhex dara khayaalka iyo xaqiiqada. Wax-soosaarka Rivette waxaa lagu ammaanaa tijaabadiisa geesinimada leh ee ku martiqaadeysa daawadayaasha inay ka qaybqaataan filimka iyagoo la jaanqaadaya lana falgalaya hadba fanka filimku sida uu u socdo.

Éric Rohmer xaquuqda Sawirka waxaa iska leh Cinephilia.
Jacques RIVETTE oo joogo bandhiga filimada ee Cannes.

Claude Chabro;

Claude Chabrol waxaa inta badan loogu yeedhaa Alfred Hitchcock ee Faransiiska sababtoo ah aqoontiisa sare ee naqdiga iyo dhaleecaynta adag ee bulshada bourgeois-ka. Filimmadiisa, sida “Le Boucher” iyo “Les Biches,” waxaa ay ka faalloonayaan waxyaabaha ku dhex qarsoon nolosha caadiga ah ee muuqata ee had iyo goor muujinaya rabitaannada dahsoon iyo mugdiga damiirka. Hal-abuurka taxaddarka leh ee Chabrol iyo fahamka qotada dheer ee cilmu-nafsiga aadanaha ayaa ka dhigay filimadiisa kuwo xiiso leh.. Aragtiyaha Chabrol waxaa ay ku saleysan yihiin shaki weyn oo uu ka qabo laba-wajiileynta damiirka ee heerarka bulshada. Wuxuu u isticmaalay filimmadiisa in uu ku tusmeeyo isdiiddooyinka iyo xiisadaha qarsoon ee ku dhex jira bulshada Faransiiska. Saameynta Chabrol waa ay ka gudubtay hirkii Faransiiska, wuxuuna halkaas ka sii ambaqaaday sameynta filimmo xiiso leh, oo muhiim u ah bulshadii xilligii uu noolaa, isagoo doodo saxan iyo aragti dheeri kaga falcelinaya hawlaha arlada.

Sawirka Claude Chabrol laga soo xigtay
Monde Europe

Jacques Demy;

Jacques Demy waxaa lagu tilmaami jiray codka Hirka Cusub. Waxaa lagu yaqaannay muuqaallada muyuusigeed ee quruxda badan, sida dareenka cuskanna loo dhisay. Filimmada sida “The Umbrellas of Cherbourg” iyo “Lola” waxaa lagu ammaanaa midabbada loo adeegsaday, heesaha xamaasadda leh, iyo sheekooyinka dareen taabadka ah. Waxsoosaarka Demy inta badan waxaa ay ka hadlaan arrimaha jacaylka iyo khasaarahiisa, iyadoo la isku lifaaqayo jacayl dhaqameedkii hore iyo dareenka cusub ee casriga ah.

Aragtiyaha Demy waxaa ay ahaayeen kuwo lagu garto jacaylka, oo runta nolosha ku dhisan. Wuxuu aaminsanaa awoodda filimka uu ku kicin karo dareenka daawadaha isagoo ku dhalinaya su’aalo badan oo khiyaalka iyo xaqiiqada ku kala qotoma. Filimmada Demy waxaa lagu baadisoocaa quruxdooda suugaaneed iyo awoodda ay ku gudbiyaan qalafsanaanta dareenka aadanaha iyada oo loo marayo muyuusig iyo sheeko farshaxamaysan.

Sawirka agaasime Jacques Demy laga soo xigtay IMDb
Catherine Deneuve iyo Jacques Demy oo duubaya filinka The Umbrellas of Cherbourg (1964)

Chris Marker;

Chris Marker, waxaa uu caan ku ahaa sameynta filimada dukumentariga ah, waxaana lagu yaqaannay isticmaalka hal-abuurnimada leh ee sheekada iyo iskuxidhka xusuusta iyo waqtiga. Waxqabadkiisii ugu muhiimsanaa “La Jetée,” oo aha filim sci-fic ah oo gabi ahaanba ka koobnaa sawirro taagan; wuxuu weli astaan u yahay filimada tijaabada ah. Dukumentariyada Marker, sida: Sans Soleil waxaa ay isku daraan socdaallo, maqaallo, iyo milicsiga nolol qofeed, iyagoo abuuraya hayb gaar ah oo suugaaneed taas oo filim laga dhigay.

Aragtiyaha Marker waxaa ay ahaayeen kuwo si xeeldheer u falsafadeysan, iyagoo ka tarjumaya dabeecadda iyo waayoaragnimada aadanaha iyo socodka waqtiga. Wuxuu u isticmaalay filimmadiisa inuu ku daahfuro mawduucyada xusuusta, taariikhda, iyo aqoonsiga, kuwaas oo inta badan isku dhafaya dhalanteedka iyo runta. Waxsoosaarkii Marker waa mid tan iyo maanta dhiirrigeliya filinsameeyaasha iyo fannaaniinta, tan oo ka marag kacaysa suuragalnimada aan soohdinta lahayn ee qaabka dukumentariga loo dhigi karo.

Chris Marker sawirka waxaa laga xigtay barta via IMDb
Qayb ka mid ah xulka filimada Chris Marker.

Alain Resnais;

Alain Resnais, waxaa uu caan ku ahaa filimadiisa aragtiyeed ee ku aaddan dhacdooyinkii hore, xusuusaha taariikhda, hoobadka iyo dhibaatooyinka si guud bulshooyinka soo gaadha. Wax-soosaarradiisii hore, sida “Hiroshima Mon Amour” iyo “Last Year at Marienbad,” waxaa lagu gartaa sheekooyinka aan tooska ahayn iyo qaab-dhismeedka kakan ee uu u soo gudbiyo. Filimmada Resnais inta badan waxaa ay ka hor yimaadaan habkii hore ee sheeko-tabinta, iyagoo ku martiqaadaya daawadayaasha in ay si qoto dheer ugu milmaan sheekada.

Resnais aragtidiisu waxaa ay ku saleysan tahay xiisaha uu u qabo maskaxda aadanaha iyo sida aynnu u fahanno ee aan u xusuusanno dhacdooyinka. Wuxuu aaminsanaa in filimku noqon karo qalab awood leh oo lagu baadho su’aalaha cilmu-nafsiga iyo falsafadda. Isticmaalka halabuurnimada leh ee waqtiga iyo xusuusta ee filimmada Resnais waxaa ay saameyn weyn ku yeeshay bulshada, isagoo dhiirrigelin u noqday tiro badan oo filimsameeyaal ah, waxaa ayna ka qayb qaateen horumarinta filimada casriga ah.

agaasime Alain Resnais laga soo xigtay barta IMDb
Agaasime Alain Resnais. Sawirkan waxaa laga soo xigtay barta New Wave Film

Agnes Varda

Agnès Varda, waxaa ay kamid ahayd hormuudka Hirka Cusub, waxaana lagu yaqaannay filimadeeda gilgila bulshada, kuwaas oo inta badan ka faalloon jiray arrimaha bulshada iyo wada noolaanshaha. Waxsoosaarkeedu waa iskuxidhka sheekooyinka, dukumentariyada, iyo tijaabooyinka nololeed oo ay ka dhex abuurto waayo-aragnimo nololeed oo filimka u gaar ah. Filimmada sida “Cleo from 5 to 7” iyo “The Gleaners and I” waxaa ay kugu tusaysaa qaab nololeedka iyo go’aanada ku wajahan nolosha dadka la takooray.

Aragtiyaha Varda waxaa ay ku saleysnaayeen isku dhafka qofka iyo siyaasadda, iyadoo u adeegsaneysa filimada inay kaga hadasho arrimaha bulshada iyo inay ku baadigoobayso aqoonsiyada qofeed. waxaa ay aamminsaneyd awoodda filimka inuu sheegi karo sheekooyin aan la sheegin iyo inuu cod siiyo kuwa inta badan la iska indha-tiro ee aan dhag jalaq loo siin. Habkan cusub ee Varda kaas oo ku wajahan cadaaladda iyo sinnaanta bulshada wuxuu raad weyn ku reebay dunida filimada, isagoo dhiirrigelinaya jiilal badan oo filimsameeyaal ah.

Sawirka Agnes Varda laga soo xigtay IMDb
Asaasayaasha Hirka Cusub oo ku sugan Paris. Sawirka waxaa laga soo helay kaydka Eventi a Reggio Emilia.

Jiinka Bidix/Jiinka Midig (Rive Gauche/Rive Droite)

Webiga ‘Seine’ ayaa kala qaybinayey filimsameeyayaasha. Kuwa dhacay dhanka midig (Droite), oo ay kamid ahaayeen Truffaut, Godard iyo Rohmer, waxay ahaayeen kuwo xoogga saara sheekadatebinta filinka iyagoo ilaalinaya habtebinta shineemada lagu yaqaan isla markaana baadigoobaya habab cusub oo tebineed, dhanka kale ee Webiga Seine, kooxda bidixdu (Gauche) waxay sameeyeen kacdoon ka dhan gebi ahaanba tebintii soojireenka ahayd, iyaga agtooda fekerka la gudbinayo ayaa ka muhiimsan tebinta, waa sababta filimadoodu ula ciirayaan culeyska aragtiyaha iyo falsafadaha kala duwan, waxay fekerkooda ku tebinayeen qaab cillan/abstract oo loogu yeeri karo shineemo-gabayeed.

Agaasimeyaasha Jiinka Midig waxay ku khasbanaayeen in ay raacaan qaababka soo jireenka ah ee sheeko gudbinta. Godard wuxuu ahaa kan ugu xagjirsan, laakin tijaabooyin badan ka dib wuxuu baadigoobay habab kale oo ka cabbir fudud oo uu daawaduhu ku la falgali karo filinka. Isbbaddelkaas waxaan ka dhadhansan karnaa filinkiisa magaca weyn ee La Chinoise (1967), laakiin isbaddelka dhabta ah wuxuu yimid markii uu agaasimay Histoire(s) du Cinema ee 1988-kii.

Kooxda Bidixdu (Marker, Resnais, Rivette, ikk.) waxay ahaayeen sahan/experimentals, filinsamayntoodana taas baa qeexaysay, waxay jeexayeen waddooyin cusub. Tusaalaha ugu fudud waa ‘La Jetee’ (Chris Marker, 1962), filin ka sheekaynayaa nin waqtiga ku socdaalaya ayuu kusoo bandhigayaa silsilad sawiro taaggan ah halkii uu isticmaali lahaa ‘filin’ ama muuqaal dhaqaaqaya.

Jiinka Midig waxay sida oo kale xoogga saarayeen muuqaalka filinka. Godard wuxuu ku soo caanbaxay jarjarka kadiska ah ee muuqaallada sida uu ku sameeyay filinkiisa Breathless, halka uu Resnais dhawr filin ku isticmaalay farsamada istaajinta muuqaalka si uu muuqaalladiisa uga dhigo kuwo daraamatig ah, sidoo kalena nuxurka sheekotabintiisu waxay ku dhisnayd doodo falsafadeed.

Hoobadku wuxuu ku soo biyashubanayaa in laba kooxood ay qabanayeen waxsoosaar tayaysan oo dufan iyo duxba leh, se waxaa ka la soocayay afkoortooda ay ku kala qaybsameen labada hab. Kooxda Bidixda shubaalkoodu wuxuu ahaa in fekerka iyo aragtiyuhu ka mudnaan badan yihiin tebinta, waayo waxay tebinta u arkayeen qalab, fekerkana abbaarta.

Halka midigtana shubaalkoodu uu ahaa iskutolidda tebinta iyo fekerka, iyaga oo daba-socda in shineemadu tahay qalab sheekotebineed.

Saamaynta kooxda ee

Agaasimayaasha kale.

Kooxda Hirka Cusubi waxay saameyn baaxad leh ku yeelatay dunida shineemada oo dhan, dhinaca sheeko-tebinta, habduubista, muuqaal-habaynta iyo guud ahaan shineemada caalamiga ah ee ay raadeeyeen. Ragga waawayn ee ay saamayntu gaartay waxaa ka mid ahaa; Andrei Tarkovsky iyo Akira Kurosawa, si gaar ah waxay ugu saamoobeen dhiirrashadii ‘jabinta darbiga afaraad’.

Agaasime Martin Scorsese, isaguna wuxuu ka mid yahay agaasimeyaasha ay saamaynta xooggan ku yeelatay kooxdu. Wuxuu jeclaa daawashada waxsoosaarrada kooxda, daawasho kali ah ku ma uu koobna e wuxuu si joogto ah uga baranayay cashirro la xidhiidha habtabinta, habduubista, muuqaal-hagaajinta iyo waliba ilbaxnimo faneed oo hor leh. Markii aad u fiirsato filinka Scorsese Taxi Driver (1976) waxaad arkaysaa inuu ka amaahanayo Godard filinkiisa “Breathless” (1960) farsamooyinka qaar ee la xidhiidha habduubistooda.

Agnès Varda oo ku sugan qalcadii Palais idéal. Xaquuqda waxaa iska leh The Eye of Photography Magazine.
Bernardo Bertolucci 1990-kii. Laga soo xigtay barta Wikimedia Commons
Bernardo Bertolucci, inta uu ku guda jirey duubista filinkii “The Last Emperor” ee magaaladda Beijing 1987-kii. Xigasho Neal Ulevich/Associated Press

Bernardo Bertolucci

Agaasime Bernardo, wuxuu figta sare kaga jiraa agaasimayaasha uu saamaynta ku yeeshay ‘Hirka Cusubi’ isaga oo ka aqoondhaansaday filinsamaynta, sheekotabinta, midabbaynta iyo waliba hababkii gaarka ahaa ee kooxda sida; jabinta darbiga afaraad. Mareeg uu si shakhsi ah wax ugu daabici jiray ayuu ku qoray qormo uu ciwaan kaga dhigay “Noloshayda ayaan ku baddelan lahaa hal muuqaal/shot uu Godard lee yahay”. Saamaynta xooggan iyo kalgacalka uu kooxda u qabay goor walba iyo goob walba ayuu ka sheegi jiray.

Kaltirisigii 1959-kii markii uu dhammaystay imtixaanka dugsiga sare ayuu fasixiisii u dhaqaajiyay Baariis, kolkaas ayuu la kulmay oo caasimadda jacaylka iyo nuurka ku dhex daawaday waxsoosaarka agaasime Gordard ee “À bout de souffle/ Breathless.” Isaga oo qiraya kalgacalka iyo saamaynta xooggan ay ku lahayd kooxdu ayuu qormadiisa ku lee yahay; “Gudahayga waxaan dareemaa inaan ahay agaasime Faransiis ah.”

Waxsoosaarkiisa ‘The Conformist’ (1970), waxaa saamayn weyn ku lehaa agaasime Godard. Mar wax laga weydiiyay filimaanta sida gaar ah ugu weyn wuxuu ugu horreysiiyay waxsoosaarka agaasime Gordard “À bout de souffle/ Breathless.”

Sawirka Bernardo Bertolucci, laga soo xigtay barta C41 Magazine
Agaasime Bernardo Bertolucci, laga soo xigtay keydka The Criterion Selection
Sawir laga soo xigtay The 400 Blows. Waxaa agaasimay filinkan Jean-Luc Godard.

Saamaynta hirka ee Shineemada dunida.

Hordhac

Kooxdu waxay saamayn ku yeelatay shineemada dunida, ha ahaato dhanka habtabinta iyo habjilista ama dhanka muuqaalduubista. Waxay dhiirrigalin u noqdeen kacdoonno faneed oo badan, waxay noqdeen nabiyaal lagu daydo. “Dogme 95”, oo ahaa dhaqdhaqaaq ka curtay Denmaak waxaa dhiirigalin u ahaa Hirka Cusub. Sidoo kale waxay kooxdu saamayn ku yeelatay Laatiin Ameerika gaar ahaan shineemada Cusub ee Baraasiil ‘Brazilian Cinema Novo’ iyo sida oo kale ‘Hooliwuudka Cusub’.

Daahfurka filinsamaynta cusub ee Faransiiska wuxuu falcelin xooggan kala kulmay dugsiyada shineemada ee ay dawladdu maamusho ee Bariga Yurub. Poland, ayaa tallaabada koowaad qaadday ka dibna waxaa xigay agaasimayaasha da’da yar ee Czechoslovakia iyo Hungary. Poland, gabayaagii da’da yaraa ee “Jerzy Skolimowski”, oo horay uga shaqeeyay qorista dhigaalshineemada filinkii “Wajda’s Innocent Sorcerers” (1960) iyo filinkii maamuusnaa ee Roman Polanski “Knife in the Water” (1962), wuxuu dedaalkiisa intaas ku daray samaynta filinkiisa “Identification Marks: None” (1964) kaas oo uu ku lahaa dawrarka kala ah; qoraaga dhigaal-shineemeedka filinka, agaasime faneed, tifatire, iyo jilaa. Filimku waa mid aad u tebinaya dareenka kalyaalka ah, loo qorayna sidii qormooyinka curisyada. Sameyntiisuna waxay ahaan lahayd macnadarro haddii uusan “Godard” sii jeexi lahayn dhabbo cusub oo filinsameynta loo adeegsado in lagu muujiyo dareenka kalyaalka ah. Skolimowski, wuxuu dib ka sameeyay filimaan badan oo laga dheehan karo saameynta Godard.

Marka la yimaado Czechoslovakia, waxaa la arkayaa hormuud agaasimeyaal ah oo ay ugu horreeyaan Miloš Forman, Jiří Menzel iyo Věra Chytilová. Forman filimadiisa Loves of a Blonde (1965) iyo The Firemen’s Ball (1967) waxaa lagu sooci karaa dhabsheegnimo la dhihi karo waa tii Hirka Cusub, Menzel isagu wuxuu diiradda saaray gudbinta aragtiyo iyo feker u badnaa dhaliil dadban oo ku socota bulshada, halka ay Chytilová sheekotebinta ku sameyn jirtay sahan cusub, taas oo la dhihi karo waa kacdoon ay ilaa xad ka bowsatay Hirka Cusub, si guud reer Czechoslovakia waxay kala baxeen Hirka Cusub farsamooyinkii ku habboonaa oo ay deegaameeyeen, farsamooyinka la xusi karo waxaa ka mid ah:

sheekotebinta aan toosnayn, dhammadyada furan, Dhabsheegga, jilliinka dabiiciga ah iyo waxkuduubista banaanka furan, waxaa intaas dheer inay xoogga saareen gudbinta dareenka kalyaalka ah.

Dariskoodii Hungry waxay iyaguna ka amaahdeen Hirka Cusub halabuurkii muuqaalsameynta iyo awooddii soosaarista dareenka kalyaalka ah iyada oo aad loo darsayo haybta qofeed ee gaarka ah oo lagu garaacay caqabadaha bulshada ka haysta, waxaan helaynaa filimaan ay ka mid yihiin Father (1966) iyo Mephisto (1982) oo uu leeyahay István Szabó kuwaas oo hodan ku ah tebinta dareenka gaar ah loo geeyay dhaliilo bulsheed.

Sida oo kale waxaa jira Miklós Jancsó oo caan ku ah duubista muuqaallaada dhaadheer iyo dhaqdhaqaaga kaamiradda la moodo inay ay dheelayso taas oo muujinaysa inaan filinka lagu diyaarin qol istuudiyo ah ee bannaanka lagu duubay, waana farsamo Hirka Cusub laga qaatay, hababkani waxay ka muuqdaan filimadiisa The Round-Up (1966) iyo The Red and the White (1967). Si guud saameynta Hirka Cusub ee waddamada Europe-ta bari dhaca gaar ahaan Poland, Czechoslovakia iyo Hungey, waxaa lagu soo koobi karaa iskuday looga baxsanayay filinsameyntii gabowday isla markaana lagu baadigoobayay jidka cusub ee la qaadi lahaa, Hirka Cusub ayaana dhisay buundadii loogu gudbi lahaa mustaqbalka.

Dhanka Ameerikada Koofureed gaar ahaan Baraasiil, Shineemada Cusub ee lixdameeyihii waxay si qotodheer ugu saamowday Hirka Cusub, farsamo ahaan iyo aragti ahaanba.

Waxaa la xusi karaa filimaan ay ka mid yihiin Black God, White Devil (Glauber Rocha, 1964) iyo The Guns (Ruy Guerra, 1964), oo ah filimaan la yimid kacdoon cusub oo la xiriira habtebinta, habduubista, iyo abbaarta faneed ee shineemada, waxaa bilaabatay in filinka loo adeegsado cod looga dhiidhiyo gardarrada ka dhexjirta bulshada isla markaana lagu tebiyo dareenka qofeed ee gudaha, waxaa sidoo kale la tijaabiyay jilliinka dabiiciga ah ee u eg nolol maalmeedka, iyadoo la adeegsanayo bannaanka furan halkii istuudiyo la soo xiran lahaa, waana saamayntii Hirka Cusub waxa kacaamiyay Shineemada Cusub ee Baraasiil.

Filinkii Hiroshima Mon Amour 1959 -kii uu agaasimay Alain Resnais

Astaamaha Hirka Cusub.

Hab samaynta filimaanta.

Majallada “The Collector” waxay si kooban hirkaan saamayntiisa ku sheegtay; “Curashada hirkaani wuxuu la gole-yimid filinsamayn cusub oo taasi waxay saamayn ku yeelatay filinsameeyeyaasha dunida.” Majalladu iyada oo ka sii warramaysa isbaddelka ay abuureen ayay ku sheegtay Saddex dhinac; “Agaasimayaasha kooxda waxay cusboonaysiintooda ka qayb ahaa; ‘jarjarka kediska ah/jump cuts, Taajinta sawirrada socda/freezeframe effects, iyo jabinta darbiga Afarraad/breaking the fourth wall. intaan Arrinta ugu xiisaha mudani waa jabinta darbiga Afarraad.

Jabinta darbiga Afarraad.

Darbiga Afarraad ma aha darbi si dhab ah u dhisan bal se kolka la joogo dunida Shineemada waa xeer. Darbigaan marka la jabiyo waa halka ay jilista sheekadu ku dhammaanayso, waana halka uu ka bilowdo xiriir toos ah oo dhexmara daawadaha iyo shakhsiyaadka sheekada. Sida guud Afarta darbi waa; labada dhinac’jilaayaasha iyo daawadeyaasha’, kaamiradda iyo dhabarka danbe ee kaamiradda. Marka jilaagu soo eego kaamiradda waxa dhammaanaysa sheekotebentii, waxaana xigta farriin gudbinaysa aragti ama dareen oo toos loola wadaago daawadaha halkii sheekada loo dhexmarsiin lahaa, sidaa ayuu daawaduhu ku yaqiinsadaa inuu la falgalayay waaqic gacankusameys ah,

Anna Karina iyo Jean-Luc Godard oo ku sugan kaamaradda gadaasheeda filinkii Vivre sa Vie, 1962dii.

Sheekatebinta

Agaasimeyaasha kooxdu waxay darbigaan jabintiisa u maamuleen qaab laga dhadhansan karo curasho farshaxamaysan iyo ku dhiirasho iyaga oo dhexgalinayay inta u dhaxayso dhabta iyo dhallanteedka.

Habka sheekotebinta waxay ku sameeyeen waxkabaddel oo waxay ka soo kacaameen habtabintii soojireenka ahayd. Waxay ku dedalaayeen inay dhabta u muujiyaan si ka dhow dhallanteedka, isla kol kale waxay dhallanteedka u muujinayeen qaab u dhow dhabta. Waxay diiradda saarayeen kalyaalka, filinka miisaankiisuna waa siduu hadba ula falgalo dareenka. Is-haysadka sheekada iyaga oo aanan luminaynin ayay haddana dhigaal shineemeedka u qaabaynayeen hab fikrad ka qaadasho guud ah. Sheekadu waxay tabinaysay dhabta maalinlaha ah, siyaasadda, aragtiyadaha falsafadda jiraalka, doodaha dheddigoodka iyo arrimo kale oo mudnaan leh.

Agnès Varda oo uu ku sugan goobta duubista filinka La Pointe Courte, waa filinkeedii koowaad 1954kii.
Agnès Varda oo duubeysa filinkii One Sings, The Other Doesn’t 1977-kii. Sawirkan waxaa laga soo xigtay kaydka Vanity Fair

Aflaanta baarka sare.

The 400 Blows (1959).

The 400 Blows, oo uu agaasimay François Truffaut, wuxuu kamid yahay shaqooyinka farshaxan ee ugu mudan Hirka Cusub ee Shineemada Faransiiska, waxaa uu si dareen leh usoo tabinayaa dhibaatooyinka ay leedahay marxalladda qaangaarnimadu. Filimku waxa ka warramayaa sheekada Antoine Doinel, wiil yar oo kunwareersan fahan darrada dhextaalla isaga, waalidkiis iyo macalimiintiisa. Markii uu u leexdo jidka foosha xun ee dhaca iyo dambiga, waxaa uu ku baraarugaya isaga oo jooga xaruun dhaqan celin, filinku waxa uu sawirayaa xanuunka ay leedahay kalinimadu xilliyada lagu jiro korniimada adduun qalafsan oo aan cidna dan ka lahayn.

The 400 Blows waa xasuusqor gaar ah. Truffat waxa uu si weyn sheekada filinka uga soo xigtay carruurnimadiisii dhibaataysnayd, dhabsheegnimadaasina waxaa ay filinka ka dhigaysaa mid uu daawaduhu si toos ula xariiro. Golatuska ugu dambeeya ee filinka marka ay indhaha Antoine iyo kaamaraddu ay toos isku wajahaan, ayaa ka mid ah muuqaaladda ugu caansan taariikhda shineemada, waxaa ayna muujinaysaa hubanti la’aanta iyo doonista dhallinyarnimo ee dhowrsoon.

Kaartada asalka ee filinkii u horeeyay ee Truffaut agaasimay The 400 Blows 1959kii.
Golatus ka mid ah filinka
The 400 Blows 1959kii.

Breathless (1960).

Breathless, oo uu agaasimay Jean-Luc Godard, waa filin kaligiis uu qeexi karo macnaha Hirka Cusub. Waa Michel, dambiile da’yar oo iska dhex arka gaangiska Hollywood-ka, iyo saaxiibtiis Maraykan ah ee Patricia, oo baxsad ku ah laamiyada Baariis. Isticmaalka hal-abuurka leh ee jarjarka soo-boodka ah, kaamardaha gacan-ku-qaad ah, iyo iftiiminta dabiiciga ah ee filimku wuxuu ka dhigay mid jebiyay xeerarka iyo farsamooyinka filinsamaynta.

Breathless waa filinka Godard ee ma aha oo kaliya filin daraama ah iyo dambiile la baadigoobayo, sidoo kale waa faallayn ku saabsan asalka shineemada. Shakhsiyadaha filinku badankan waxaa ay jabinayaan xeerka darbiga afaraad, iyagoo qalalaase galinaya xariijinta dhuuban ee u dhaxaysa mala-awaalka iyo dhabta. Heesaha jazz-ka iyo wadahadallada dareenka leh waxaa ay ka dhigayaan Breathless mid waa walba daawasho mudan.

Kaartadda filinka Breathless 1960 ee Jean-Luc Godard Xigasho IMDb.
Golatus ka mid ah filinka Breathless 1960kii.

Hiroshima mon amour (1959).

Alain Resnais fikinkiisa Hiroshima Mon Amour, waa filin jabinaya xeerarkii caadiga ahaa ee filinsamaynta, waxaa uu isku milayaa sheeko jacayl iyo xusuusta xanuunka leh ee bamkii atoomigga. Filimku wuxuu tebinayaa sheekada shakhsiyadda gabar Faransiis ah iyo injineer Japanese ah oo wadaagaya xiriir gaaban, goobtuna waa Hiroshima kadib dagaalkii. Wadahadlkooduna waxaa uu iskaga tallaabayaa dhawr mawduuc ay ka mid yihiin Hillowga iyo xasuusta, xanuunada dhimirka, iyo suuragal la’aanta fahanka qof kaa waayo-aragnimo duwan.

Qulqulka sheekada aan tooska ahayn ee filinka iyo wadahadallada suugaaneed ee ay qortay Marguerite Duras, waxaa ay la loollamayaan hababka sheekatebinta soojireenka ah, iyagoo abuuraya xusuus gaar ah oo ku saabsan jacaylka iyo lumintiisa. Hiroshima Mon Amour, wuxuu ahaa mid ka mid ah filimadii ugu horreeyay ee soo tebiya saamaynta dhimir ee bamkii atoomigga, fikinku waxa uu ina ku baraarujinayaa awoodda aadanaha ee ilowshaha iyo baahida loo qabo xusuusta. Qaabdhismeedkiisa halabuurka leh iyo mowduucyada dareenka leh waxaa ay filinka ka dhigeen tiir udubdhexaad u ah aqalka shineemada casriga ah.

Kaartada filinkii Hiroshima mon amour 1959-kii oo laga soo xigtay IMDb.
Golatus ka mid ah filinka Hiroshima mon amour

Lola (1961).

Lola, waa filinkii ugu horreeyay ee uu Jacques Demy ku soo bandhigay aragtiyihiisa Hirka Cusub. Waa filim muyuusig, waa macaan-dhanaan isku daraya mowduucyada jacaylka, kala-tagga, iyo nasiibka. Filinku wuxuu ka warramaya nolosha Lola, fannaanad cabaret oo ku sugan Nantes, iyadoo sugaysa soo laabashada saaxiibkeed hore ee maqan iyada oo markaasna ku dhex lumsan jacaylka rag kale. Muuqaalada xiisaha ee filimka iyo heesaha soo jiidashada leh waxaa ay abuuraan jawi u eg riyooyin isku qasan, iyada oo la isku dhafayo muyuusigada roomaantigga kalaasigga ah ee Hollywood-ka iyo qoto-dheeraanta sheekooyinka filimada Faransiiska. Lola waxaa lagu xasuustaa sheekatebinta isku xiran, kala gudubka wakhtiga iyo mahuraanka isbeddelka. Shakhsiyadda Lola waxaa ay ka soo muuqan doontaa filimaan kale oo uu Demy agaasimi doono iyada oo abuuraysa fagaare ballaaran oo sheekooyin isku xiran ah. Lola waxay marag u tahay awoodda Demy ee isku-dhafka dhabta iyo dhalanteedka.

Golatus ka mid ah filinka Lola 1961-kii
Kaartada filinka Lola 1961 -kii laga soo xigtay

Cléo from 5 to 7 (1962).

Filinka Cléo from 5 to 7 ee Agnès Varda waa filin si qoto dheer u eegaya dabeecadda aadanaha wuxuuna baarayaa mowduucyada dhimashada, aqoonsiga qofeed, iyo wakhtiga. Wakhtiga filinku waxa uu ku salaysan yahay mid dhab-lamood ah. Agnes waxaa ay innoo soo tebinaysaa sheekada Cléo, oo ah fannaanad sugaysa natiijooyinka baaritaanka caafimaad ee lagu xaqiijinayo in ay qabto kansar. Marka ay Cléo ku dhex lugaynayso waddooyinka Paris, Agnes waxaa ay soo bandhigaysaa safarkeeda dareenka laga bilaabo cabsida, ogaalka, iyo ugu damabayn garawshiyaha.

Isticmaalka sheekatebinta ku salaysan waqtiga dhabta ah ee Varda iyo indhaheeda u fiiqnaa faahfaahinta hoose waxaa ay abuuraan muuqaal hodan ah ah oo u oggolaanaya daawadaha in uu si joogta ah uga war hayo isbeddelada Cléo, daawaduhu waxaa uu filinka ku daawanaya indhaha Cleo. Fikradaha jiritaanka iyo muuqaalada Baariis ee lixdameeyadii waxaa ay sawir faahfaahsan innaga siinayaan haweenay xilligaas nool oo sugaysa geerideeda. “Cléo from 5 to 7” waxaa lagu ammaanaa bandhigga aragtida dheddigoodka iyo farshaxanka sheekatebinta Agnes.

Golatus ka mid ah filinka Cleo from 5 to 7 (1962-kii)
Kaartada filinka Cleo from 5 to 7 ee Agnes Varda.

Hodonimada Hirka Cusub

Ugu dambeyntii, waxaa lagama maarmaan ah in la tixgeliyo hal qodob oo ah; awoodda iyo asalnimada filimaantii ay soosaareen agaasimayaasha Faransiiska ahi intii u dhaxaysay kontameeyadii iyo lixdameeyadii qarnigii tagay.

In ka badan Lixdan sanno ka dib; “The 400 Blows, Hiroshima mon amour, The Cousins, Breathless, but also Me, a Black Man, Paris Belongs to Us, Adieu Philippine, Lola, Cléo de 5 à 7, Pierrot le fou iyo kuwa kale oo-’50meeyo fllin kor u dhaafaya’ waxay u nool yihiin sidii markii u horreysay ay u soo baxeen, sababta oo ah waxay ku sifoobeen tayo faneed oo u kala gudubta waqtiyada kala geddisan.

Muddadaas dheer kaddib filindaawadeyaasha adduunku waxay maalin walba wax ka ogaanayeen bulshada Faransiiska iyo habdhaqankeeda, habnololleedkeeda, dhaqdhaqaaqyadooda, habhadalkooda, dabeecadahooda iyo saldhigyadooda akhlaaqeed, iyo waliba afka Faransiiska oo horraantii ku faafay suugaanta tix iyo tiraabba, se kolkaan daawadeyaashu barteen, iyada oo loo marayo filimaanta François Truffaut, Jean-Luc Godard, iyo Eric Rohmer. Waa tabta ay filin daawadeyaasha adduunku ay ogaal ku filan uga haystaan magaalada “New York” ama muuqaalada kala duwan ee dalka Maraykanka iyaga oo aan marna cag dhigin.

Faallooyin Filin.

Faallo filin: You will die at twenty (2019)

Fiid roobaysan oo kamid ah bishii June, anigoo baadigoobaya filin aan habeenkayga ku laxameeyo, ayaa waxay hoodadu igu sintay filinkan, magaciisa yaabka leh keliya igu beeray faduul iyo xiiso ku filan in aan hal fadhi kaga bogto. Waa ‘You will die at 20’.

Muuqaalka haad dul qotoma raqda neef lo’ ah oo yaalla dhul ban xigeen ah, oo qiyaastii, loo xushay in daawadeyaasha duunkooda si maldahan loogu taabto qisada ku soo foollan, ee ay geeridu dhextaalka u tahay, ayuu ku furmayaa.

Shaqo-shineemeeddan, 103-da daqiiqo ah ee uu agaasimay Amjad abuu Calaala, oo ah filinsameeye kamid ah foolaadka shineemada Suudaan, waxaa udubdhexaad u ah sheekada Musamil (Muctasim Rashiid); wiil dhallinyaro ah oo markii uu dhashay, hooyadiis Sakiina (Islaam Mubaarak) u geynayso wadaad suufi ah oo caan ka ah tuuladaan dhacda miyiga Suudaan, si uu barakadiisa ugu soo tufo, balse taas cagsigeeda wuxuu wadaadku Sakiina iyo ninkeeda uga naxsanayaa warka ah; in uu wiilkeedu labaatan jir ku dhiman doono! Wuxuuna ugu sii quusgoynayaa “Amarka Ilaahay la ma baajin karo.” Saadaashaan baas ee shiikhu, waxa ay noqonaysaa uurkutaallo Musamil 20 gu’ eryata, qoyskiisana kala irdhaysa.

Aabbihiis, Alnuur (Talaal Cafiifi), oo wadnaha siin waayay in uu goobjoog u ahaado maalinta hadalkan khaliifku dhaboobi doono ayaa isaga tagaya tuulada, isagoo dibadda u tacabbiraya. Sakiina oo ah marwadiisa oo uu karti badan ku tuhmayo ayuu ku leeyahay waa kugu keligaa! Sakiina filashadii ninkeeda waa ay ka run sheegaysaa, oo si dhabar’adayg leh ayay dusha ugu ridanaysaa masuuliyadda iyo barbaarinta wiilkeeda ayaanka daran.

Filinkan waxaad mooddaa in lagu sawirayo aaminaadda indhala’aanta ah ee diimeed iyo sida ay u go’doomin karto nolosha qof dhan ama qoys idil. Musamil, hooyadii Sakiina, waxay dadaal kasta ku bixinaysaa sidii uu wiilkeedu maalmihiisa tirsan u dhammaysan lahaa isaga oo aan lahayn wax dembi ah oo uu aakhiro ku cadaab mudan karo. Darbiga guriga ayay dhuxul kula xariiqdaa maalmaha ka haray cimrigiisa kooban. Markuu 6 ama 7 gu’ jirsado ayaa ay dugsi quraan ka soo qoraysaa, halkaas oo ay ardayda dugsigu, ugu yeerayaan “ina geeriyaad/son of death.”

Qaybaha dhexe ee filmka, maadaama uu Musamil aqbalay in uu qof geeri ku xukuman yahay, oo xitaa godkii lagu aasi lahaa la sii diyaariyay, wuxuu u dhaxeynayaa masaajidka, guriga iyo dukaanka uu ka shaqeeyo. Wax kasta oo weji nololeed leh wuu ka cararayaa, masalan, mar gabar deriskooda ah oo geyaankiisa ah ay isku soo dhowaadeen, waxaan arkaynaa sida uu isaga fogaynayo, taas oo aan u turjuman karno sida uu Musamil uga baqanayo, ama uu isugu dhiibay geerida, ee uu uga labalabaynayo in uu raad lagu soo xasuusto dunida iyo dadkaba kaga tago!

Hase ahaatee, waxaa ay is baranayaan Sulaymaan (Maxamuud Siraaji), oo ah oday dalmareen ah, adduunkana cagta soo mariyay, tuuladiisana in uu wadka ku sugo ugu soo noqday. Sulaymaan oo ah nin fallaag ah oo goonisocod ah, wuxuu Musamil ku dhalinayaa qalalaaso gudeed, oo ku qasba in uu jiritaankiisa iyo aayatiinkiisa weyddiimo geliyo! Waxaa maankiisa ku loollamaya iimaankiisa diineed ee uu kalsoonida weyn ku qabay iyo fekradaha iyo nolosha xiisaha leh ee uu Sulaymaan daaqadda ka tusay.

Inta filinku socdo, waxaan goobjoog u noqonaynaa, Sulaymaan, oo mar kasta uu Musamil, gurigiisa ugu yimaado ka gadoodsan sida uu wiilkaan yar noloshiisii oo dhan ay ugu afduuban tahay hadal uu wadaad yar maalintuu ifka yimid yiri, oo aan la hubin.

Wadahadallada filinku, waa kuwa si wacan loo falkiyay oo ka qayb laxaad leh ka qaadanaya korriinka sheekada filinka, isla goortaasna qoto u yeelaya shaqsiyaadka filinka, si gaar ah baxaalliyada: Suleymaan, Musamil iyo Naciima (Buunna Khaalid).

Marka aynnu qodobkan ka hadlayno, waxaan xusi karnaa, maalin, Sulaymaan si caro leh Musamil ugu oranayo “Mayd soconaya ayaad tahay, adiga oo dhan geeri ayaad u ekaatay; socodkaaga, urtaada, debecsanaantaada… xitaa eegmadaadu waa eegmo geeriyaad.”

Musamil (Mustafa Shaxaata), qur’aanka laba qiraa’o ayuu ku qaybay, balse aqoonta maaddiga ah waa ka arradan yahay. Sulaymaan, oo arrintaas qaadanwaa ku noqotay ayaa xisaabta u dhigaya, sidoo kale, dunida shineemada ayuu barayaa, sawirro fan iyo shaamareer leh oo ay nololi ka da’ayso ayuu daawadsiinayaa.

Hiyikac ayaa uu ku ridayaa, “Adduunka oo dhan ma waxaad u haysataa tuuladan yar ee aadan weligaa dhanna u dhaafin, xitaa Khartuun ma aadan arag!” Hadalladan carintu ka muuqato, waxaa ay inna tusinayaan sida Sulaymaan u jeclaysanayo in uu mar uun arko wiilka saaxiibkiisii hore (Alnuur), oo tuuladan uu cimrigiisa qaaliga ku luminayo isaga hayaama. Dhanka kale “tuuladan isaga hayaan” waxaa ay ka dhignaan kartaa sarbeeb ugu duurxulayo sida uu ugu diirsan lahaa in uu, Musamil galo kacdoon feker oo uu uga baxsanayo goobadan uu ku oodan yahay.

You will die at 20, si kooban, waa waxqabad loo hagar baxay, oo markii u horreysay shineemada Suudaan, cagaha u geliyay abaalmarinta oscar-ka. Dhanka cinemotography-ga waxaa filinkan loo wakiishay Sébastien Goepfert. Sébastien, wuxuu si fannaanimo sare leh kaamaradda ugu soo bandhigayaa muuqaallo midabbada jeegaanta leh oo uu nagu daawadsiinayo qurux mug leh sida: abuurta webiga Niil, dareemmada wejiyada marriin dhalaalka ah ee jilayaasha, rooxaaniyadda iyo jawiyada nololmaameedka reer Suudaan. Sida oo kale, waxaa ashqaraar ku biiriyay midabbada lagu tebinayo filinka, Amine Bouhafa, oo ah muusigcuriyaha filinka, kuna laray muusig ku habboon shucuurta sheekadan ka dhacaysa miyiga Khartuum.

Mash-hadyo shaammareer leh oo riyo iyo dhalanteed kuula muuqanaya ayuu innagu indhadaarandarinayaa Sebestian, sida muuqa, marka daraawiishtu [suufidu) iyagoo laashash koox koox u saaran oo xadraynaya ay isaga gooshayaan webiga Niil.

Jilayaasha filinkan loo doortay waa kuwa aan dhihi karno waa hiboolayaal si mug leh u metelay shakhsiyaadka qisada.

Amjad Abu Alala, waxaa uu filinkiisa u gunaanadayaa qaab dhammaad furan ah; oo daawadeyaasha filinka u oggolaanaya in ay kaalin ku yeeshaan sheekada Musamil. Wax u eg ifafaalo rejo leh, oo ay haddana, hubanti la’aan ku dhafan tahay ayuu kaga tagayaa shaashadda.

Faallo filin: Cinema Paradiso (1988)

Waxsoosaarkaan ashqaraarta leh wuxuu ka soo dhex iftiimay boqollaal filin oo dunida daafaheeda lagu farsameeyay sanadkii 1988-kii. Wuxuu figta sare ka galay horyaalka aflaanta dunida. Sheekadu waxay shubaalinaysaa dhacdo ku saabsan shineemada oo waa filin ku saabsan filimada iyo dunida shineemada. Biyadhaca sheekadu waa waatabyada noloshii caruurnimada agaasime caan ah oo ku soo laabanaya halkii uu ku ababay. Daqiiqad kasta oo ka mid ah filinkaan ashqaraarta leh indhaha daawaduhu waxay raacayaan dhacdooyinka nolosha Tootoo oo ah mucaashaq shineemo. Waqtigu waa dagaalkii labaad kaddib, waa xilli ay wali bulshada reer Sicily ku xirnaayeen Kaniisadda, go’aannada bulshada iyo habnololleedkana ay maamulayeen baaderiyaashu. Shineemo ku taallo xaafadda oo lagu magacaabo shineemo ‘Paradiso’ ayay sheekada inteeda ugu badani ka dhacaysaa. Filinka shineemada laga daawaanayo ka hor inta aan la saarin masraxa oo aysan bulshadu daawan waxaa marka hore si gooni ah u soo daawada wadaadka kaniisadda, kaas oo filinka marka uu daawado ka dib ka reeba waxkasta oo xumaan ah – waa sida uu u arko e.

Wiilka yar ee shineemo caashaqa ah lacag kasta ee uu helo ama kista yar ee hooyadii caanaha ugu soo dirto wuxuu ku galaa shineemada, wuxuu daqiiqad kasta u daawanayaa sida inay yihiin goorihii ugu danbeeyay ee noloshiisa. Isaga daawadeyaasha kale waxay ka xanaaqi jireen marka lammaane isdhunkanaya laga jaro filinka, oo kolkii u horraysay ee uu filinku soo maray wadaadka ayaa laga jaray isudhowaanshaha iyo waxkasta oo loo arko dhaqanxumo. Qof kasta wuxuu ka ilbaxsan yahay dadka kale inta uu shineemada ku xiran yahay oo isla kol kalena kaga akhris badan yahay wargaysyada.

Filinku wuxuu sawirayaa halkay shineemadu kaga jirto bulshada, halka shineemo caashaqu kaga sii jiro bulshada iyo doorka ilbaxnimo ee shineemada. Wuxuu inna tusinayaa halka filinku kaga jiro nolosha, iyo sida uu dadka u qaabeeyo dhaqannadooda, fikradahooda iyo ilbaxnimadooda. Ka dib daawashada filinka, daawadeyaasha waxaa noloshooda ku soo biiraysa sheeko cusub, dhaqanno cusub iyo suugaan hor leh. Qofka ku xiran shineemada waxaa u dillaacsan indho kale isaga oo marar badan go’aannada noloshiisa ku eegaya ilbaxnimo ka duwan indhaha dadka kale.

Filinkaan ku saabsan filimada waxaan ka dhadhansan karnaa tibaaxdiisa in shineemadu tahay dugsi laga dhurto cashirro nololleed. Dhacdooyinka filinka waxaa ka mid ah dhacdo ka murjinaysa dadka xaafadda, deb ayaa qabsanaya shineemada, cidkasta oo xaafadda deggan misana shineemada caashaqsan waxay taasi ku abuuraysaa tiiraanyo, dugsigii ilbaxnimada iyo ishii ay caalamka kala socdeen ayaa gubatay. Qofkasta wuxuu heli karayay ayuu bixinayaa si shineemada dib loogu soo qaabeeyo oo markaan Alfareedo oo ahaa filinsaarihii shineemada ayaa ku indhobeelaayo debkii kacay, xirfaddiinna waxaa la wareegaayo wiilkii yaraa ee mucaashaqa shineemo ahaa oo markaan noqonaya filinsaaraha shineemada.

Waxqabadkaan lamadhaafaanka ah waxaa agaasimay misana qoray Giuseppe Tornatore, oo ah agaasime iyo filinqore Talyaani ah, kaas oo sameeyay dhowr filin oo tayo badan. Waxqabadkaan wuxuu ku hantay abaalmarrinno iyo tilmaam maamuusnimo. Waxaa si kooban lagu tilmaami karaa filinkaan: waxsoosaar ka warramaya filinka iyo quruxda shineemada.

Dib-u-eegis: Whiplash (2014)

Whiplash, oo uu agaasimay Damien Chazelle, waa baaritaan qoto dheer oo ku saabsan hamiga, nafhuridda, iyo raadinta aan hakadka lahayn ee dhamaystirnaanta. Filinka, oo ka warramaya wiil dhalinyaro ah oo muusigga jazz-ka tuma la na yiraahdo Andrew Neiman (Miles Teller), iyo macallinkiisa arxanka darran ee Terence Fletcher (J.K. Simmons), wuxuu lafa gurayaa qalalaasaha nafsiyadeed iyo dareenba inta lagu guda jiro baadigoobka farshaxan ceebta la’.

Qoto-dheeraanta

dulucda iyo Dhisidda shakhsiyaadka

Whiplash waa filin dulucdiisu tahay xadadka kala duwan uu qofku ka gudbo si uu heerarka sare u gaaro. Andrew Neiman waa arday sannadkiisii ugu horreeyay ka dhigta dugsiga caanka ah ee Shaffer Conservatory of Music, wuxuu ku riyoodaa inuu noqdo mid ka mid ah tumayaasha jazz-ka ugu weyn. Hamigiisa waxaa kali ah oo rumayn kara Terence Fletcher oo habkiisu baristu tahay mid naxariis daran laakiin natiijo leh. Fletcher falsafadddiisa baristu waxay ku qotontaa in baarka sare lagu gaari karo cadaadis aan joogsi lahayn hadduu rabo xadgudub ha noqdo. Xidhiidhka ka dhexeeya Andrew iyo Fletcher waa dabka shidaalinaya filinka. Shakhsiyadda Fletcher waxaa lagu soo bandhigayaa argaggax, waxaa la moodaa qof waalan. Waxqabadka jilliin ee Simmons waa mid aan caadi ahayn, isagoo matalaya dabeecad argagax leh haddana si qariib ah soo jiidasho u leh. Safarka Andrew, dhinaca kale, waa mid isbeddel iyo xamaasad. Waxaan daawanaynaa isbaddelka wiilka da’da yar ee xiiseeya garaacista Jazz-ka ilaa uu ka noqonayo qof wax walba u huraya farshaxankiisa.

Farsamooyinka Filinka

Agaasinka Chazelle wuxuu xaqiijinaya in filinka bilowgiisa ilaa dhamaadku noqdo mid xawaare sare oo xiiso leh. Adeegsiga muuqaalada dhow iyo tafatirka degdega ah waxay ka tarjumayaan garaaca durbaanada Andrew iyo cadaadiska uu wajahayo. Dhammaadka filimka, oo ah 20-daqiiqo oo garaacis muusig oo xiriir ah, waa cashar laga baranayo sida loo dhiso xiiso iyo dareen wada socda. 20kaan daqiiqo kaliya kama turjumayso dhoolatuska awoodda filin samaynta Damien ee sidoo kale waa gunaanadka ama jawaabta safarka adag ee Andrew iyo tababarka arxanka darran ee Fletcher. Kaamirooyinku waxay inta badan diiradda saarayeen agabka iyo muusigleyda, gaar ahaan inta lagu jiro marxaladaha tababarka iyo bandhigyada, iyadoo la xoojinayo awoodda iyo saxnaanta loo baahan yahay marka la joogo garaacista jazz-ka. Goosgoosyada degdega ah iyo isqabadsiinta tafatirka iyo garaaca durbaanku waxay daawadaha u abuurayaan dareen ka turjumaya halganka gudaha ee Andrew iyo cadaadiska dibedda ee Fletcher.

Saamaynta Nafsaaniga iyo Dareenka

Qodobbada nafsaaniga ah ee Whiplash waa kuwo soo jiidasho leh sida dhinacyada farsamo ee filinka oo kale. Filinku wuxuu su’aalo ka keenayaa qiimaha ay tahay in la bixiyo si loo gaaro baarka sare iyo xuduudaha anshax ee barista ama barbaarinta. Hababka ad-adag ee Fletcher, oo ay ku jiraan aflagaado iyo khiyaano, waxay Andrew u riixayaan xadka burburka iyo wixii ka gadaaleeya. Xiriirkan wuxuu inoo muujinayaa sida ay raadinta dhamaystirnaantu u abuuri karto xaalad burbur oo sumaysan.

Filinku wuxuu kaloo faaqidaya saxnaanshaha tallaabooyinka xadgudubku haddii ay soo saarayaan natiijooyin waxtar leh. Isbedallada nafsiyadeed ee Andrew inta uu hoos joogo tababarka Fletcher waa mid xiiso leh haddana murugo leh. Wuxuu noqdaa mid is go’doomiya, xiriiradiisuna ay ku dhaawacmaan, wuxuuna yeelanaya xamaasad xooggan oo ku aaddan garaacista jazz-ka.

Faallo filin: Nocturnal Animals (2016)

Waa filin fudud. Filin kaaga tegaya su’aalo badan. Filin aad u qurux badan laakiinse ay tahay in aadan filasho aad u sarraysa ku daawan. Ma aha filinkii ugu wanaagsanaa ee sanadkaas 2016 la soo saaray, balse waa mid ka mid ah qaarka ugu xiisaha badan ee sanadkaas soo baxay. Waa sheeko sheeko kale ku dhex jirta, adiga oo sheekada filinka la haysta ayaa mid kale ku dhex furmi doontaa, waxa xiisaha lehna waa sida labada sheeko la isugu miisaamayo, iyo sida la isula xiriirinayo.

Amy Adams, oo filinka ku metelaysa (Susan) waa mulkiilaha goob farshaxaneed (Art gallery) oo magaalada Los Angeles ku taal. Dhaqanka bulsho walba wax buu ammaanaa oo ku sheegaa heerka ugu sarraysa ee guusha amase nolol qurux badan, Susan waxa ay xaqiijisay wax walba oo dhaqankeedu ku qeexay nolol sarraysa iyo qof guuleystay oo waa haweeney hodon ah, islamarkaana noqotay qofkii ay bulshadeedu rabtay; si kastaba ha ahaatee, noloshaas dhaldhalaalka ahi wax dhadhan ah uma laha, had iyo jeerna, waxa ay u egtahay qof quus ah, oo nolosheedu maran tahay. Susan waxa ay is qabaan Hudson oo ah nin socdaal badan, waxa ayna ka war helaysaa in uu khiyaameynayo.

Maalin maalmaha ka mid ah iyada oo goobta shaqadeeda joogta ayaa waxaa soo gaaraya qoraalgacmeed (manuscript) uu qoray ninkeedii hore oo ay labaatan sano ka hor ka tagtay, wuxuuna ka dalbanayaa bal in ay akhriso oo fekerkeeda ka dhiibato. Filinka inta ugu badan Susan buuggan ayay akhrin doontaa, waxa ayna la noqonaysaa in sheekada buuggu ay ku saabsan tahay amase si uun ugu lifaaqan tahay nolosheedi hore oo ay Edward– ninka hadda buuggan qoray la wadaagtay, taasina waa waxa ku sii riixi doona in ay sheekadan oo ah mid madow (dark) oo horor ah ay akhriskeeda sii waddo. Tony, oo ah jilaaga sheekada ay akhrinayso Susan waxa ay u aragtaa in uu Edward yahay oo dhan walba qaboobida iyo itaaldarradaba way iska shabbahaan, sidoo kale intii ay Edward wada joogeen ayuu maalin u sheegay in qoraa kasta uu qoro wax taariikhnololeedkiisa la xiriira.

Filinku waa sheeko sheeko kale lagu sii dhex gudbinayo laakiin labada sheeko waa ay is kabayaan oo sheekada dhexda ahi waa mid loogu talagalay in ay hummaagcelis (reflection) u noqoto labada shakhsiyadood. Inta ay sheekada akhrinayso waxa aan wax ka ogaaneynaa sida ay nolosheedi hore iyo guurka ay Edward la soo wadaagtay ahaayeen, qaabkii ay isku barteen iyo sida uu jacaylkooda oo markii dambe dhanka Susan qorraxdiisu ka dhacday ku billowday. Waxa aan arkaynaa Susan hooyadeed oo uga digaysa in ay Edward guursato waayo ma lahan hammi nololeed shidaaliya. Laakiin Susan way ka biyadiidaysaa waayo Edward aqoon hore oo illaa carruurnimadi ah yaa ka dhexaysa, waana nin jecel in uu qoraa noqdo. Waxa aan si fiican u baranaynaa shakhsiyadda qof walba iyo sida uu yahay.

Haddaba, sheekadaas qoraal-gacmeedka ah oo bogga ugu horreeya Susan magaceedu ku daabcan yahay waxa ay u adeegaysaa sidii matalaad sarbeeb ah oo ah dareenka Edward iyo aargoosi Susan ku aaddan.

Tony Hastings, oo ah jilaaga sheekadu wuxuu la kulmayaa dhibaato aad u xun, rag ayaa inta waddada ku qabsada naagtiisa iyo gabadhiisa ka dilaya. Marka aad loogu fiirsado sheekadan mala-awaalka ah waxay barbar socotaa xanuunkii nolosha dhabta ahaa ee Edward iyo khiyaamadii ay Susan kula kacday markii ay ka tagtay, ilmahoodi uurka ugu jiray soo ridday, gabadhii weynaydna ka qaadatay.

Micheal Shannon iyo Karl Glusman oo jilaya Nocturnal Animals

Sababta uu hadda buuggan ugu soo diraynna waxa ay tahay in uu ka cadgoosto, laakiin waxa yaabka leh ayaa ah in Edward aargoosigiisu uusan ahayn mid jireed, waa mid nafsi ah wuuna ku guulaysanayaa. Sheekadu waxa ay Susan ku qasabtay in ay hor istaagto falalkeedii hore iyo saamaynti shucuureed ee ay ku yeesheen isaga, waxa ayna ku kexaynaysaa inay dib u milicsato cawaaqibka doorashadeeda nololeed weliba iyada oo markaan garowsan in ay Edward si xun ula dhaqantay. Susan marka ay buugga bashqadiisa furayso dhaawac ayaa gaaraya, sidoo kale mar iyada oo goobta shaqadeeda ee Farshaxanka dhex soconaysa ayay arkaysaa sawir ay ku qoran tahay “Aargoosi” dhanka kale inta ay bogagga qoraal-gacmeedka rogrogayso iyadana nolosheedu way is rogaysaa oo adduun araggeeda wax badan ayaa iska beddelay arrimahan oo dhammina waxa ay muujinayaan in aargdushada Edward hirgashay kolkanna ay siriqda nabsiga ku soo dhacday dhacday.

Filinku wuxuu ka dhammaanayaa muuqaal su’aal dhalinaya. Susan marka ay akhriska sheekada dhammayso waxa ay Edward u diraysaa farriin ay kaga dalbanayso in ay wada casheeyaan, Edward wuxuu ugu jawaabayaa “Ii tilmaam wakhtiga iyo goobta, waan imaanayaa.” Susan si qurux badan ayay u soo lebbisanaysaa, iyada oo u eg in buuggii ay akhrisay uu nolosheeda dib u cusbooneysiiyay, maqaayaddi ayay imaanaysaa miis ayay fadhiisanaysaa laakiin Edward ma iman doono, way sugaysa, sugaysaa, oo ay sugaysaa... illaa ay kaligeed maqaayadda ku soo harto.

Saddex tebin (narrative) ayuu filinku si toolmoon isugu dhex wadaa. Noloshi hore ee Susan oo hummaagcelis ah (reflections) sheekada ay hadda akhrinayso, iyo nolosha ay hadda ku nooshahay oo saddexduba is dhammeestirayaan.

Nocturnal Animals waa filin si wanaagsan loo jilay, Tom Ford ayaa agaasimay waana filinkiisi labaad kaddib “A single man” oo uu 2009-ki soo daayay. Jilliinka labada jilaa ee Jake Gyllenhaal, iyo Amy Adams ayaa ah waxa filinka quruxda u yeelaya marna dareenka u yeelaya. Waa filin wada astaamo (symbols) ah inta aad fahantay iyo inta iska muuqata waxaa ka sii badan inta dahsoon iyo tafaasiisha ay tahay in aad u fiirsato kuwaas oo ku milan midabbada walxaha soo noqnoqonaya, farshaxamada iyo kala-guurka (transition) muuqaallada (scenes) u dhexeeya.

La illaaway:

Berisamaadkii

Psycho (1960): Dib-u-eegis

Psycho wuxuu ku jiraa liiska waxsoosaarkii shineemo ee ugu wanaagsanaa qarnigii tagay, waxaa agaasimay Alfred Hitchcock oo loo garan og yahay Aabbaha Xiisadabuurka (Suspense). Curiskaan gaabani wuxuu diiradda saaraya agaasinka filinka, sheekotebintiisa xiisaha leh, saamaynta uu ku yeeshay jaadkiisa shineemo ee cabsida, xawaaraha bandhigga, muuqal qabashada, tafatirkiisa, jabaqda iyo iftiiminta muuqaalka iqk.

Agaasinka Hitchcock ee filinka laguma tilmaami karo wax aan ahayn kacdoon. Dib-u-eegista Roger Ebert, wuxuu innagu baraarujinayaa in sawir qabasho walba oo filinka loo xisaabiyay qaabkii ay u abuuri lahayd dareen gooni ah. Awoodda Hitchcock ee ah in uu xiisaha ka abuuro isku-xigga muuqaallada ee sheekada tebinaya ayaa ah wax mudan in la xuso, dib ugu laabo gooska caanka ah ee muuqaalka qubayska, iftiiminta goobta iyo tafatirka goosgooska degdegga ah waxay caddayn u yihiin xirfadda uu Hitchcock u leeyahay in uu cabsi iyo xiiso abuuro isaga oo aan adeegsan muuqaallo argaggax leh. Taas baddelkeeda wuxuu isticmaalayaa saadaasha iyo filashada daawadaha si uu ula wareego dareemada daawadaha, isagoo filinka qaybihiisa kala duwan u ogolanaaya in uu daawaduhu qayb ka ahaado.

Hitchcock wuxuu ku dheereeyaa fahamka kasmonafeedda shakhsiyaadkiisa, bal u fiirso sida uu u dhex dagay maskaxda Norman Bates ee uu jilaayo Anthony Perkins, fikradda Hitchcock ee ah in uu Bates yahay qof bani’aadam ah oo heegan ugu jira in uu qof kasta caawiyo laakin geysanaya falal aad u foolxun waxay filinka ka dhigaysaa mid fahan ahaan cufan.

Is-diidooyinkaan oo kale waxay werwer galinayaan quudashada daawadaha ee kala saarka samaha iyo xumaha, waxayna go’aan qaadashada kusoo uruurinaysaa muuqaallada argaggaxa leh.

Xawaaraha Psycho waa dhinac kale uu Hitchcock ku farayaraystay. Filinku wuxuu ku billaabmayaa gaabis laakin waad dareemaysaa in uu Hitchcock ula kacay, isaga oo soo bandhigaya Marion Crane (Janet Leigh) iyo muranka akhlaaqeed ee gudaheeda. Dhisiddan qunyar-socodka ah waxay daawadaha ka dhigaysaa mid ku dhex milma aduunka gaarka ah ee Marion. Roger Ebert wuxuu tilmaamay in xawaaraha filinku si weyn isu beddelayo dilka Marion ka dib, Hitchcock wuxuu dardar gelinaya xawaaraha marka uu billaabmayo baadhitaanka waayitaankeeda. Isbeddelkan kaliya uma samaysna in uu ka dhigo daawadeyaasha kuwo aan shaashadda ka jeedsan laakin sidoo kale waa muraayad aan ka dhex arkayno degdegga dareenka iyo xiisaha sheekada ee sii kordhaya.

Cirbaxa (climax) filinka oo ah qaybta 3aad ayaa iyadana xawaaraheeda loo agaasimay qaab habsami leh. Bandhigga xanuunka dhimir ee isku dhafka shakhsiyadaha Bates ayaa loo soo bandhigay qaab cabbir ku socota, iyada oo Hitchcock hubinayo in xiisuhu sii jiro illaa dhammaadka. ‘Sounds of Cinema’ ayaa tibaaxday in wada-hadalka dhammaadka filinka ee lagu soo bandhigayo xanuunka dhimir ee Bates uu yahay mid aan loo baahnayn maanta, maadaama uu nuxurka ka qaadayo dulucda filinka ee ku salaysnayd saadaasha iyo sawirashada daawadaha, laakin waxay lagama maarmaan u ahayd daawadeyaasha waagaas ee u baahnaa fahanka saxda ah maskaxda Norman.

Bates Motel, iftiimintiisa hoosaysa iyo qaabdhismeedkiisa aan qaabka lahayn waxay kaa dhigayaan qof u xirxiran tebinta, waxayna taasi ka dhigaysaa shakhsiyad filinka ka mid ah oo gaarkeeda u taagan, muujinaysana cabsida daahsoon ee gudaha ku jirta. Cabbirka sawirrada iyo xaglaha muuqaal qabashada ayaa si taxaddar leh loo habeeyey si loogu lifaaqo xawaaraha sheeko tebinta. Isticmaalka muuqaallada dhow, gaar ahaan marka ay xiisaddu jirto, waxay daawadaha ka dhigaysaa kuwo la falgala dareemada jilayaasha. Muuqaalka goobta qubeyska, oo leh habayn jarid oo deg-deg ah ilaa aad mooddid in uu Hitchcock ka tilaabay dhammaan shuruucda, waa casharo akaademiyeed marka ay joogto tafatirka iyo habaynta, abuurayana dareen argaggax iyo rabshad iyada oo aan la muujinayn danqasho iyo argaggax cad.

Geesinimo mise Gef?

Mid ka mid ah doorashooyinka ugu dhiirran ee Hitchcock sameeyay waxay ahayd in uu dilay shakhsiyaddii koowaad ee filinka, Marion Crane, weliba bartamaha filinka. Isbeddelkan lama filaanka ah ayaa ka yaabiyay daawadeyaasha iyo dadka filinka faaqidaba, isaga oo jabiyay qaabdhismeedka sheeko-tebinta, Roger Ebert ayaa ammaanay tallaabadan, isagoo sheegay inay ka ilaalinayso daawadeyaasha deganaashaha, kana dhigayso kuwo daqiiqad walba filan kara qalalaase. Sida oo kale dhacdadaan waxay kor u qaadaysaa saadaalin la’aanta filinka. Hitchcock wuxuu si dadban innoogu sheegayaa in uusan cidna nabad ku sugnayn inta uu filinku socdo. Geesinimada Hitchcock waxay furtay albaab cusub oo ku dhiirrigelisay filin sameeyayaal badan inay qaataan khataro tan la mid ah.

Gunaanad

Psycho wuxuu sii ahaanayaa filin aan la hilmaami doonin sababta oo ah wuxuu si toos ah u taabanayaa dareemada cabsida aadanaha: cabsida ah in aan si lama filaan ah u galno dambi, cabsida aan ka qabno booliska, cabsida in aad qof dhimirka ka xanuusan dhibbane u noqotid, iyo, si gaar ah, cabsida inaan niyad-jabinno hooyooyinkeenna. Cabsida oo ah dareen ay wadaagaan aadanaha oo dhan, waxay ballanqaadaysaa in uu ‘Psycho’ ku sii jiro maskaxdeenna, muddo dheer ka dib markii aan kasoo baxno tiyaatarka shaashadaha waaweyn.

Shineemada Aamusan (Silent Cinema)

The Passion of Joan of Arc: Dib-u-eegis

Hordhac: Farshaxan aamusnaan.

“The Passion of Joan of Arc,” oo uu sameeyay

Carl Theodor Dreyer soo baxayna 1928dii, wuxuu taagan yahay figta sare ee shineemada aamusan. Dreyer, oo caan ku ah farsamooyinka cajiibka ah ee filimsameynta iyo sheeko-tebinta qotoda dheer, wuxuu sameeyay filin ka hadlaya qalalaasaha dareen iyo ruuxeed ee Joan-tii

Arc intii lagu guda jiray maxkamadaynteedii iyo xukunkeeda. Inkastoo markii hore muran iyo aragtiyo naqdi oo kala duwan la kulmay, filimku tan iyo markaas wuxuu helay qiimayn ballaaran wuxuuna noqday mid astaan u ah shineemada muddooyinkaas lagu ammaanay farshaxanka iyo qoto dheerida dareenka.

Farsamooyinka Farshaxan iyo

Hal-abuurka:

Agaasinka Dreyer ee “The Passion of Joan of Arc” waxaa lagu aqoonsan karaa isticmaalka halistiisa wata ee muuqaal duubista dhow iyo goobaha kooban. Si ka duwan asxaabtiisii kale, kuwaasoo ku tiirsanaa muuqaalada faahfaahsan iyo qoraalada dhextaalka ah ee kasoo muuqda muuqaalka si ay sheekada u gudbiyaan, Dreyer wuxuu xoogga saaray muuqaallada fool-tibaaxa iyo faahfaahinta dareemada aadanaha. Muuqaallada dhow ee

Renée Jeanne Falconetti, oo matalaysa Joan, waxay qabanayaan -

dareen kasta si kasta ha u yaraado e—xanuun, qoomamo, iyo iimaan—iyadoo aan loo baahnayn wadahadalo. Habkan koobaya tebinta wuxuu sare u qaadayaa xoojinta dareenka iyo la falgalka filinka, isagoo daawadeyaasha ku soo jiidanaya halganka gudaha ee Joan iyo dhibaatooyinka dibadda ka socda iyadoo loo yagleelayo isu-dhawaansho kalafog.

Dreyer wuxuu ku adkaystay aragtidiisa koobnaanta dhan walba, ilaa naqshadeynta goobta duubista iyo iftiiminteeda.

Goobta duubista Maxkamadda cidhiidhiga ah ee xukunka ridaysa waxay ahayd mid loo naqshadeeyay sidii goobihii dhabta ahaa ee lagu maxkamadeynayay Joan. Ku feejignaanta faahfaahinta noocaas ah, oo lagu daray isticmaalka iftiinka dabiiciga ah, waxay xoojinayaan daawadeyaashu inay si buuxda ugu dhex milmaan dhabta murugada leh iyo arxan-darrada ay Joan la tacaalayso.

Saameynta filinka;

“The Passion of Joan of Arc” wuxuu raad waara ku reebay taariikhda shineemada, wuxuu saameyn ku yeeshay jiilal filin-sameeyayaal iyo aqoonyahanno ah. Sheeko-tebinta aan caadiga ahayn iyo isticmaalka hal-abuurka leh ee muuqaallada dhow ayaa laga bartay oo lagaga dayday dunida oo dhan. Inkastoo markii hore lagu dhaleeceeyay naqdi ku saabsan saxnaanta taariikhiga ah ee filinka iyo xorriydda fanka, filinku wuxuu helay dib-u-eegisyo badan, waxaana hadda loo aqoonsan yahay tiir-dhexaadka shineemada aamusan iyo filim-sameynta mawduucyada diinta.

Saamaynta filinku waxay dhaaftay waayihiisii; agaasimayaal soo socda, oo ay ku jiraan Ingmar Bergman iyo Robert Bresson, waxay “The Passion of Joan of Arc” u arkaan in uu yahay saldhigga farshaxan ee shaqooyinkooda.

Gabagabo: Filin aan wada-hadal u baahnayn.

“The Passion of Joan of Arc” wuxuu caddeyn u yahay awoodda shineemada aamusan marka ay joogto soo bandhigidda dareenka dhabta ah iyo kan ruuxiga ah. Farsamooyinka hal-abuurka leh ee Carl Theodor Dreyer iyo matalaadda aan la illoobi karin ee Renée Jeanne Falconetti ayaa isku biiraya si ay u abuuraan waayoaragnimo shineemo oo hodon ah. Iyadoo uu filinku yahay shaqo farshaxan oo qoto dheer iyo bandhigga dareemada aadanaha, wuxuu sii ahaanayaa mid feker iyo xiisayn ku dhex lahaada daawadeyaasha, isagoo sii xoojinaya booskiisa ah in uusan marna ka maqnaan xuska waara ee taariikhda shineemada aamausan.

Shineemada iyo Bulshooyinka: Sidee ayay aflaantu u qaabeeyaan dhaqamada iyo bulshooyinka?

Shineemadu waa dariiqo faneed, mid ka mid ah tabaha sheekotebinta kuwooda ugu quruxda badnaa ee aadanuhu bartay iyo qayb weyn oo nolosha ka mid ah. Filimadu kaliya ma aha isha madaddaalada, intaas waa ay ka duluc dheeryihiin oo waa daqiiqado dahabi ah oo gudbinaya dhambaallo nolosha laga dheegay. Waxay hormariyaan miyirqabka, habfekerka iyo ogaalka bulshada. Waxay ka hadlaan arrimaha togan iyo kuwa taban ee mujtamaca ka dhex jira. Sidaas darteed, waxay dadka ka caawiyaan in fahmaan nolosha, fanka, dhaqamada dadyowga kala duwan iyo ilbaxnimada daafaha dhulka ku faaftay. Waxaa kale oo ay soo tebiyaan wacaalka beryo tegay iyo sida noloshu ahayd dadkuna u noolaayeen, tan oo u adeegta agab dhiirrigelineed oo bulshada amase qofafka shaashadda hor fadhiya isbeddel ku riixda.

Tan iyo billowgii ilbaxnimada, dadku waxay had iyo jeer daahfurayeen habab kala duwan oo nololsha lagu eego geeddigana lagu hago, shineemadu waa mid ka mid ah daahfurka jaadkaas ah; weliba kuwa ugu mudan ayay figta sare uga jirtaa. Waxay u adeegtaa sidii muraayadda bulshada, oo ka tarjumaysa farxaddeeda, halganka, iyo cufnaanta qaabka ay u dhaqan yihiin iyo deegaanka ay deggan yihiin. Waxa ay muujisaa dhaqamo kala duwan, qaabnololeedyo, iyo arrimo kale, iyada oo kor u qaadaysa damqashada, maanfurnaanta iyo garashada daawadeyaasha. Waxaa intaas dheer, warshadaha filimadu waa mid ka mid ah qaybaha ugu saameynta badan bulshada casriga ah. Muuqaal kasta iyo filin kastaa waxa ay ka tarjumayaan dhibaatooyinka nolosha ee dadku la halgamayaan amase baraaraha uu ku neg yihiin, waxa ay xambaarsan yihiin aragtiyo falsafadeed, kuwo ruuxaaniyadeed ama kuwo cilmiyeed.

Qofku marka uu shaashadda hor fadhiyo, wuxuu ka qayb yahay bandhigga dhammaan noocyada kala duwan ee dooca (emotion) Jacayl, nacayb, aargoosi, gacankahadal, kufsi, iqk. Tanina waxa ay raad ku reebaysaa nafsaddiisa. Waxaa laga yaabaa adiga oo murugaysnaa in aad filin daawato oo aad ku aragto qof aad isku xaalad tihiin, markaa waxa aad dareemi doontaa in dhibaatadu aysan kaligaa kula dhalan oo dad badani kula qabaan, kolkaasna is adkayso.

Dhanka kale, waxaa laga yaabaa in aad isla filinka ku aragto shakhsi gudihiisa nacayb ka buuxo oo cawaaqib xun mudanaya markaasna aad nacaybka ka fogaato.

Dadku meel walba oo ay joogaan waa isku dareen. Dulmiga, caddaalad darrada, nacaybka, colaadda, xanuunka iyo wax walba oo ruux dhiba waa la wada dhibsadaa. Jacaylka, caddaaladda, nabadda, quruxda iyo dabiicaddana waa la wada jecel yahay, sidaas darteed, sida bulsho walba xasuus wadareed u leedahay ayay aadanuhuna xasuus wadareed iyo xiriir sokeeye u leeyihiin oo wixii qof dhiba qofka kalena in ay dhibaan ayaa la arkaa, shineemaduna xiriirkaas iyo xasuustaas ayay aad u xoojisaa. Filinka marka aad daawanayso dadka ku jira ayaad la dareen tahay sidi in aad taqaan ayaad u dhaqantaa, wixa dhibaya iyo waxa u roonba waad la wadaagtaa, kolbana kooxda ama qofka dhanka samaha jira ayaad la safataa, taasina waa dareen insaani ah oo aadanaha ku wada abuuran, waana halkaas meesha xiriirka nolosha qofka iyo shineemadu ka unkamayo una suuraggelinaysa aflaanta in ay raad nagu yeeshaan.

Haddaba, shineemadu saameyn sarreysa ayay nagu leedahay, mid aan dareensannahay iyo mid aan ku baraarugsaneyn, mid fekereed, jiraaleed, iyo mid dhaqameedba. Dabayaaqada qarnigii tegay, Soomaalida waxaa u dumay gabbal xun oo ay gondaha la gashay burbur baaxad weyn oo xag walba oo nolosha ah iyo colaado lagu riiqay oo wax kasta dheehi ka dilay; barbaartiina gegi maran oo rajobeel iyo ciirsila’aan ah dhex joojiyay. Xamar oo ahayd xuddunta dagaalka, iyo barta ugu badan ee baaba’u ku dhacay waxaa ka curtay kacaan cusub oo loogu yeeri karo “Kacaankii shaleemada” sanaddii 1996-97-di waxaa si rasmi ah loo billaabay in filimada Hindiga ah af Soomaali loo turjumo, shaleemooyinka magaaladana loo qeybiyo tan oo markii dambena goballada dalka usii gudbi doonta.

Booqashada shaleemaduna waxa ay noqotay qayb qurux badan oo ka mid ah nolol maalmeedka jiilkii ayaanka darnaa ee waayay wax ay nafta iyo niyadda ku sasabaan iyo aayatiin ifaya. Si dhab ah, ayay shaleemada isugu dhiibeen, oo ula midoobeen iyaga oo u oggalanaaya in ay daadihiso, waxaana mar kaliya la arkay iyaga oo isu mooda in aysan Xamar joogin oo ay Mumbaay iyo Kalkaltaa ku noolyihiin. Habeenkii marka shaleemada laga soo baxo dhallinyaradu horay kama seexan jirine, filinkii la daawaday wada hadalladiisa iyo ficilladiisa ayaa la isku maaweelin jiray, sidii in ay filinka jilayaan ayaa qof walbaba door meteli jiray, maalinkiina filinka habeenkaas shaashadda saaran ayaa la isu diyaarin jiray.

Pedro Almodovar, filinsameeyihii reer Spanish ayaa laga hayaa, “ Waxaan dhashay waqti Spain u daran, laakiin runtii aad ugu fiican shineemada.”

Haddaba, facan ku soo aaday waqti dalka u darnaa kacaankan cusub oo ay kooxdii Alfaghi abuureen wuxuu ku kexeeyay in ay shaashadda iyo filin daawashada jacayl weyn u qaadaan, oo ka guntadaan waaya-aragnimo iyo xasuuso maguuraan ah. Baraha bulshada lama aqoon, reeraha telefeshinku guriga u yaal farakutiris ayay ahaayeen, sidas awgeed, shaleemadu waxa ay noqotay meesha kaliya ee la isku madaddaaliyo, maalamaha adag lagu illaawo, aflaantuna waxa ay noqdeen kuwo ballanqaada in ay maalmo wacan soo socdaan. Sida atooraha iyo atariishadu rafaad dheer kaddib aakhirka isu helaan jacaykooduna u miradhalo si la mid ah ayay dadkuna ugu hammi weynaayeen in waayaha adag Iyo dagaallada laga gudbi doono adkeysigooduna hal bacaad lagu lisay noqon doonin.

Inta yar ee ay shaashadda hor fadhiyaan wax walba ayay hilmaansiin jirtay, waxa ayna ugu deeqi jirtay daqiiqado iyo xaalado ka qabow kana naruuro badan kuwa wiirsiga ah ee ay ku jiraan. Intaas kaddib waxaa billaabatay in dhaqamo badan oo shaashadda laga bartay ay magaalada iyo jawiyada ku soo kordhaan, nolosha lagu dabaqo, erayo cusub oo dabacsan iyo kuwo xifaaleyn ahina afka iyo dhaqanka ku soo biiraan.

Luuqadda iyo muusiggu:

Daawadeyaasha waxaa aad u soo jiitay muusigga macaan iyo erayada dareenka leh ee aflaanta Hindiga. Heeso badan oo Bollywood-ka caanka ahaana laxankooda waxaa lagu dhex daray muusigga Soomaaliyeed, eryo iyo oraahyo Hindi ah ayaa sidoo kale afka Soomaaliga ku milmay.

Dharka iyo qaab-xirashada:

Hab lebbiskii iyo dhar xirashadii jilayaasha aflaanta Bollywood-ku saameyn cusub ayay ku yeesheen dharxirashada Soomaalida, si gaar goobaha xalfadaha iyo baashaalka. Dhallinyaradiina waxa ay billaabeen in ay dharka xiddigaha caanka ah koobiyeeyaan.

Qaayasoorrada dhaqanka iyo isku xirnaanta:

Aflaanta Bollywood-ka waxay badanaa xooggaa saaraan xaalado iyo duruufo aad ugu eg kuwa Soomaalida, sida nolosha qoyska, jacaylka iyo isku dhacyada sokeeyaha, marka tani waxa ay dib u qaabeysay aragtiyaha nololeed ee ku aaddan xiriirka iyo isku-xirnaanta bulshada.

Sheekooyinka iyo riwaayadaha:

Farsamooyinka sheeko-sheegidda ee Bollywood-ka, oo leh dhacdooyin xiiso leh iyo kuwo dareen leh inta badanna farxad ku dhammaada waxa ay saamayn ku yeesheen mu’allifiinta iyo majaajiliistayaasha Soomaaliyeed waxyaabo badan oo qaabdhismeedka sheekooyinka Bollywood-ka ka mid ahaana waa laga akhrisan karaa sheekooyinki hore iyo kuwa illaa hadda la sameeyo.

Kani waa sawir aad u yar oo na tusaya sida aflaanta Bollywood-ku dhaqanka iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed ula falgaleen oo raadka aan guurin ugu yeesheen; dhab ahaantiina, shineemadu sidaas iyo si ka sii fog ayay guud ahaan dhaqamada bulsho ee jira ugu milantaa uguna xididdaysataa. Shineemada yoolkeedu ma aha in ay bulshada wax ka beddeesho, kaliya dhacdooyinka iyo sheekooyinka qofaf daafaha dunida kala jooga ayay kaamarida ku werisaa, haddana waxay leedahay awood qarsoon oo ay siyaabo badan u qaabayso bulshooyinka iyo dhaqamadooda. Waxay ka sawirtaa sida dadku u nool yihiin iyada oo shaashadda ku soo bandhigaysa nolol maalmeedka, xeerarka afkaaraha, falsafadaha iyo caadooyinka kala duwan ee dadyowga caalamka, kuwan oo saameyn ku yeesha aamminka iyo adduun-aragga shakhsiyaadka daawanaya, waxayna u horseedaan qaadashada fekrado cusub ama qaab nololeedka lagu muujiyay shaashadda.

Dhaliyaro daawanaayaa telefishin, Marka, Shabeellada Hoose (2024). Sawirka waxaa qaaday Qeys

Dhigaallo

The godfather, Mario Puzo

Mario Puzo, waa qoraa dhowr buug oo sheekafaneed ah leh iyo waliba filinqore u dhashay Maraykanka. Wuxuu kaga soocan yahay noofaalcuriyaasha kale ee dunida curinta noofaallo danbi iyo maafiya ah. Wuxuu lee yahay dhowr dhigaal oo asalkoodii ahaa sheekofaneed danbi ah ka dibna loo rogay filimaan aan laga dhargaynin. Sheekadiisaan caan baxday ee ‘The Godfather’ sida waynna dunida shineemada iyo masraxyada abaalmarinnada u ruxday waxay soo shaac baxday iyada oo sheekafaneed ah sanaddii 1969kii. Sheekadu waxay tabinaysaa dhacdooyin danbi ah iyo dagaallo dhex maraya qoysas maafiya ah kuwaas oo ka dhacaya New York. Biyadhaca suugaantaan wuxuu u soo bandhigayaa qoraagu si laga dhadhansano karo khibrad badnaan oo wuxuu ku awood sheeganayaa dhacdooyinkaan danbiyada iyo dhaca iskugudhafan ee ka dhex ololsan maafiyada. Sheekafaneedku wuxuu suuqa lagu iibiyo dhiganayaasha ka helay akhristayaal xiiso gaar ah u haayo dhacdooyinka. Waxaa laga iibiyay dhiganahan 21 Milyan oo nuqul, kuwaas oo uu ka helay waxsoosaar dhaqaale oo aad u kobacsan. Ka hor sheekafaneedkaan qoraagu wuxuu soo saaray labo sheekafaneed oo kale ah: The Dark Arena (1955) iyo The Fortunate Pilgrim (1964), bal se wax dhaqaale fiican ah ka ma uusan helin.

Sannaddii 1972-kii ayuu Maariyo la hishiiyay oo uu saaxiib la noqday agaasime Francis Ford Coppola. Waxay sheekadu sanaddaan ka baxday dhigaalnimo oo waxay u guuraysaa daawasho iyo duni hor leh. Sheekadu waxay noqonaysaa silsilad filimaan ah, taas oo ka warramayso dhammaan dhacdooyinka ka dhex ololsan maafiyada ee danbigu saldhigga u yahay. Silsiladdu waxay qaadatay magaca buugga oo waxay noqotay ‘silsiladda the godfather’. Filinkii ugu horreeyay ee silsiladda ‘The Godfather’ wuxuu soo shaac baxay sanaddii 1972-kii. Labo sanno ka dib oo ku beegan 1974-kiinna waxaa soo iftiimay oo masraxyada la soo saaray The Godfather II. Silsiladda qaybteeda labaadi waxay heshay abaalmarrinno iyada oo ku guulaysatay abaalmarinta sawirka ugu wanaagsan.

Halka ay iyaduna qaybtii saddexaad ee silsiladda soo iftiintay sanaddii 1990-kii. Waxqabadkaani wuxuu agaasimaha, jilaayaasha, iyo waliba cidkasta oo waxkudarsi ku lahayd ku haleen maamuus iyo abaalmarinno. Marlon Brando, wuxuu ku helay waxqabadkaan horyaalka jilaaga ugu wanaagsan. Dhammaadkii sagaashameeyadii dugsiyada filimada Maraykanka ‘American film Institute’s’ uruursanka boqollaydii waxqabad ee ugu wanaagsanaa abid ayay kaalinta saddexaad dhigeen waxsoosaarkaan noofaalka ahaa ee kol danbe loo rogay silsiladda.

Kaartadda filinka The Godfather 1972-kii. Laga soo xigtay barta IMDb

Shubaalka waxaan iskugu keeni karnaa qiraalka agaasimeyaasha, jileyaasha, caawiyeyaasha, shineemooyinka iyo waliba dugsiyada filimada ay u qireen waxqabadkaan waxku’oolnimadiisa. Kolka sheekofaneed dhigane ah loo rogaayo filin waxaa isroga dhammaan habdhicii iyo iskuxirnaantii sheekada. Kolkaan waxaa sheekofaneedka isaga oo dhigane ah gacanta ku dhigaya agaasimaha waxqabadkaan u rogaya filin iyo kooxda filinqoreyaasha kuwaas oo baddela xeerarkii suugaanta, habraaca sheekofaneedka iyo ka la horrayntii dhacdooyinka. Agaasimaha waxqabadka sheekofaneed u rogaya daawasho shineemo iyo kooxdiisu waxay tixgalinayaan: dhacdo, wadahadallo/Dialogue iyo muuqaal. Kolkaan akhristayaashii sheekofaneedka waxay filinka ka dhex goobayaan humamagyadii ay sawirteen iyo jileyaasha abuurkooda oo dhab ah. Tani waxay abuurtaa filashaxumi ka dhalata in akhristuha uu waayo ciddiii uu sawirtay iyo hummaaggii u baxayay kolkii jilaayaasha uu akhrinayay. Hayeeshee caajisleyaasha akhriska ka caaggan kaalmo wayn ayay ka helaan dhigaallada loo rogo aflaanta. Akhristaha inta uu la raaci lahaa indhaha sadarro iyo bogag farabadan kaliya si uu u fahmo dhacdo ama loogu sawirro shakhsiyad humaaggeeda waxaa kaga roonaatay shineemada oo si fudud dhacdada iyo wadahadalka hal mar u soo wada tebisa.

Golatus ka mid ah filinka
The Godfather 1972-kii.
Golatus ka mid ah filinka
The Godfather 1972-kii.

Dhaxal: Faaqidaad Filin.

Hordhac

Laga soo billaabo milaygii filimada aamusan (Silent movies era) ee Charlin Chaplin hormuudka ka ahaa ee qarnigii 19-aad illaa maanta, waxaa dunida ka curanayay hirar ama dhaqdhqaaq shineemo, kuwaas oo mar walba habsami socodka iyo kacdoonka filimsameynta iyo guud ahaan shineemada wax badan ka beddelayay. Sidoo kale waxaa barbar socday faaqidaad filin (Filim criticism) oo lagu qaadaa dhigayay tayada waxsoosaarka shineemada dhinac walba sheeko-tobinta, kamarada, iyo hab-agaasinka. “Faaqaadiaadda filinku waa muhiim sababtoo ah filimada ayaa muhiim ah; haddii aysan filimadu muhiim ahaan lahayn faaqidaadda filinku macno badan ma yeelateen.” - Roger Ebert

Ma jiro waxqabad ka maarma faaqidaad iyo falanqeyn, muusig, buug, filin midka uu doono ha ahaadee. Maxamed D. Afrax markii uu faafiyay maqaalkii uu fanmasraxeedka ku faaqidayay kaas oo uu ku qoray wargayski Xiddigta Oktoobar, dad ayaa waxay u fasirteen in uu iin u yeelayo dadaalka weyn ee masraxa. Markaas isaga oo Soomaalida fanka faaqidaada (Art of criticism) ka arradan baraya in aysan jirin shaqo faneed ka dhan faaqidaadda ayuu ugu halceliyay: “Buuggii Aristotle [ee] “Poetica” (Gabayga) oo ah kii seeska u dhigay masraxa adduunka, ayaan kumannaankii sanoo uu soo jiray weli laga daalin faaqidaaddiisa. Xaggee joogaan riwaayadaha boobsiiska ah ee ay suuqa ganacsiga ku soo tuuraan mu’allifiinteenna aan waligood la siin tacliin iyo taakulayn tiirisa hibadooda dhalashada ah iyo dadaalkooda shakhsiga ah!” — Fan-masraxeedka Soomaalida, b. 280, 1987.

Faaqidaadda filinkuna ma aha kaliya in filinka la dhaliilo iyada oo hal dhan la iska taagayo. Waa ay ka sii duluc fog tahay intaas, waa lafaggurid iyo qiimeyn filinka lagu sameynayo iyada oo la kala furfurayo xubnihiisa kala duwan dhanka nuxurka, dhanka qalabka, dhanka sheekada iyo agaasinkaba. Waxaa lagu dersaa waydiinta ah: Muxuu doonayay in uu agaasimuhu gudbiyo? Sidee ayuuse u gudbiyay? Illaa xadkee ayuuna ku guulaystay ama uu ku guulaysanwaayay in uu farrintiisa si qurux badan u cabbiro dadkana ula wadaago?

Qofna isagu waxqabadkiisa faneed iyo suugaaneed ma qiimeyn karo, tayadiisa iyo kala dhinnaantiisana ma sheegi karo, cidda uu ugu talagalay ayaa xaqaas leh iyada ayaa ka felcelisa, halbeegta misana samihiisa iyo ceebihiisa tilmaanta. Marba qofku haddii uu fekerkiisa si qoran iyo si muuqaal ahba qalabyada kala duwan ee warbaahinta ah ama dhaqan fidiyeyaasha ah ugu soo gudbiyay waxaa xaq loogu leeyahay in lagala doodo, la naqdiyo fartana lagu fiiqo meesha uu awoodda ku lee yahay iyo meesha uu ka dilan yahay. “Faaqiduhu wuxuu dhiirrigelin karaa shaqo suugaaneed weyn”–Aristotle

Waxaan taagan nahay hordhaca shineemada Soomaalida. Hadda ayuu waagu u dillaacay, waxaana soo muuqda ifafaaleyaal samesidayaal ah oo war wanaagsan oo lagu farxo laga rajeyn karo, dhaqdhaqaaq cusub ayaa abuurmay kuwo kalena way ku soo dabajiraan. Sidaas darteed, waxaa lagamamaarmaan noqonaysa in ay jirto cid kacdoonkan cusub ee curdinka ah dhugmo u yeelata, tabantaabisa, oo qiimeyn ku samaysa sida uu u hanaqaadayo, halka uu ku jeedo iyo in uu leeyahay tabar uu meel sare iyo caalamka ku gaari karo. Haddii aan hadda arrinkaas laga sii fekerin, oo aan loo qalab qaadan islamarkaana aan lafggurkiisa iyo naqdigiisa lala billaabin oo uun loo sacab tumo in uu heer sare gaaro yaan la sugin.

Haddaba, innaga oo arrinkan maanka ku haynna, dhanka kalena aan iska indhatireyn caqabadaha ku gadaaman geeddigan billowga ah, si gaar ah xaaladaha bulshada iyo nolosha adag ee waddanka ayaan filinkan Dhaxal ee kalkiisa koowaad (Season 1) 2024 la daawaday xulannay si aan faaqidaad ugu samaynno, innaga oo ka duulaynnaa ama ka debqaadanaynna dhinacyada laga fiiriyo taxanayaasha caalamiga ah marka faaqidaadda lagu sameynayo. Dhinacyadaas oo ay ugu mudan yihiin: Xabkada iyo ishaysadka sheekada, hormarinta shakhsiyadaha, dhigaalka filinka, Wadahadalka, Jilliinka, kamarada, Dhigaalshieemeedka/Cinematography, la falgalka daawadeyaasha, matalaadda dhaqanka, nuxurka iqk.

Dulucda Taxanaha (Synopsis)

Magaca: DHAXAL

Nooca: Daraama

Dhererka: Hal kal (1 Season)

Agaasimaha: Abshir Raage

Goorta: 2024

Xabkada(plot): Laba reer oo xidid ahaan jiray haddase ay u dhexayso xurguf ka dhalatay arrimo dhaxal la xiriira

Shakhsiyadaha ugu mudan: Gallad, Duniyo, Rooble, Hani, Lowkaan, Safiyo iyo Diiriye..

Xabkada iyo Is-haysadka Sheekada

Qaybta (episode) taxanaha ugu horraysa waa “Shaqo raadis” waxay ku furmaysaa xaflad aroos oo huteel ka dhacaysa. Nalama tusayo arooska iyo aroosadda, waxaanna halkaas ka ogaanaynaa inay ahayd kaliya farsamo loogu talaggalay in nalagu baro labada shakhsi ee filinka ugu muhiimsan Gallad iyo Duniyo. Muqaallada xiga waxay u badan yihiin kuwo nalagu barayo shakhsiyaadka filinka Diiriye (Gallad aabbihiis) oo macallin iskuul ah, Farxaan oo ah wiil yar oo caseeye ah kana soo jeeda qoys sabool ah, Hani oo ah gabar dhallinyaro ah oo ka dhalatay reer ladan, Rooble (Hani abbaheed) oo isaguna ah ganacsade weyn ikk. Qaybtan taxanaha hordhaca u ah waa mid kaliya loogu gogolxaarayo soo bandhigidda shakhsiyaadka aasaasiga ah iyo goobta (Setting) inkastoo ay nuxur ahaan bixinayso sawir tusinaya in shaqo helista magaaladu adag tahay sidoo kalena dalagyada hadda bulshadu isticmaasho ay yihiin kuwo dibedda laga soo dhoofiyo.

Marka taxanaha la abuurayo xalqada koowaad “Pilot” ayaa la yiraa oo waa gogoldhigga waxa soo socda. Waa xoogga haga codka, iyo sheekada guud. Waa halka laga qiimeeyo filinka soo jiidashadiisa iyo carcartiisa, marka la arkana waxaa la saadaalin karaa guusha uu taxanahaasi gaari karo. Waa lakabka ugu horreeya iyo bu’saleedka dhacdooyinka sheekada, sidaa darteed waxaa biyo kamadhibcaan ah in uu daawadeyaasha siiyo fekradda waxa laga filayo dhacdooyinka mustaqbalka sidoo kalena lagu qeexo ama si dadban loogu sheego dhacdo sheekada jiho cusub u dhaqaajinaysa (Inciting Incident), taas oo shakhsiyaadka muhiimka ah safar cusub u horseedaysa oo aagga raaxada ka saaraysa, daawadeyaashana dareenkooda jillaabaysa.

Haddaba qaybtan koowaad ee taxanaha Dhaxal asaaska u ah waa ay ka meran tahay dhacdo sheekada jihaysa oo dadka ku qasbi karta in ay qaybaha xiga ku hamuumaan. Cliffhangerska, oo ah shay muhiim u ah joogteynta xiisaha daawadeyaasha, waxaa loo adeegsaday hab aan wanaagsanayn oo degdegsan. Halkii si habsami iyo xiiso leh loo dhisi lahaa, waxaad si lama filaan ah loogu tagayaa ilbiriqsiyada ugu dambeeya ee qayb kasta. Taa soo hoos u dhigaysa rajada uu daawaduhu ka qabo xiisaynta qaybaha xiga ee taxanaha.

Qaybaha xiga ee filinka, waxa ugu horreeya ee aan ku baraarugeyno waa jiritaanka labada qoys Diiriye (Gallad aabbihiis) iyo Rooble (Hani aabbaheed) oo xidid ahaan jiray hadda se xurguf daran oo dhaxal ka dhalatay dhex taal. Barkaca (exposition) filinku waa mid aad u dheer, ma jiro wax kala bax ah iyo xawaare ay sheekadu ku soconayso, waa mid aad u gaabisa, taasina waxay daliil u tahay in uusan jirin wax hormar ama isbeddel ah oo ay sheekadu samaynayso iyo wax tilmaamaya billow cusub. Ma aha mid shubaalsan ee waa mid taagan, sida caadiga ahna sheekada tayada lihi waa tan dhaqaaqa samaysa oo sida jir nool koritaan iyo kobac ku tillaabsata si ay u noqoto mid xiiso iyo dhadhan leh, sheeko walba oo aan tubtaas ku aroorinna waxay u nugushahay in ay billowga hore lumiso kasbashada maanka iyo jillaabashada dareenka daawadaha, waxayna noqonaysaa mid aan haba yaraatee wax soo jiidasho iyo xallad ah lahayn.

Hormar la’aanta sheekada filinka Dhaxal, waxaan ka dareemaynnaa qayb walba oo aan daawanno ma arkaynno mawjado cusub oo wax dhaqaajiya, waxaa kale oo ku soo noqnonaya muuqaallo badan oo isku mid ah, sida bangiga, qaadka, dhaca, wiilka yar ee caseeyaha habeenki marka uu casharka qaadan rabo hurdada ku soo degayso, iyo cunto cunis badan, muuqaalladaas oo aan inta badan sheekada wax nuxur ku soo kordhineyn lagana maarmay. Gallad oo ah jilaaga koowaad (Main character) ee filinka inta hore (qaybta koowaad iyo labaad) shaqo ayuu raadinayaa marka bangiga uu abtigiis (Rooble) leeyahay laga shaqaaleysiiyana wuu saldhiganayaa oo intaas kaddib –Illaa qaybta 15-aad laga gaarayo wax hirdan ah ma gelayo maxaa wacay ma lahan yool uu higsanayo.

Dhanka kale, kobac la’aanta sheekada waxaa caddeyn u ah maqnaashaha ama qeexid la’aanta iskudhaca (conflict) sheekada. Ma jirto dhibaato (problem) guud oo ay wajahayaan shakhsiyaadku marka laga reebo caqabadaha nolol maalmeedkooda ku gadaaman kuuwaas oo ah kuwa qofeed. Sidaas darteed, halgankii udubdhexaadka ahaa ama muskhiladii xabkadda sheekada horay u riixi lahayd jilayaashana ka qayb gelin lahayd ayaan caddeyn ama ba maqan.

Waa lagamamaarmaan in la abuuro xiisad, si sheekadu u taranto, jilayaashuna korriin u sameeyaan haddii kale, jilayaashu waxay noqonayaan kuwo taagan oo aan wax doorsoon ah ku dhicin, sidoo kalena gebaggabada waxaa qasab noqonayso in wax walba degdeg galaan oo sheekadii oo aan cirbax(climax) fiican yeelan la hoobiyo oo dhammaad i dhaafi ah ku soo idlaato.

Iskudhacu waa qayb weyn oo ka mid ah qaabdhismeedka sheeko ama riwaayadeed kaas oo abuura caqabado sheekada ku soo kordhiya hubanti la’aan ah in hadafka la hiigsanayo la gaarayo iyo in kale. Si kale haddii la dhaho waa caqabada ay jilayaasha ugu muhiimsan sheekadu u baahan yihiin inay xalliyaan si ay u gaaraan hadafkooda. Dhacdada sheekada dhaqaajisa waxay billaabataa kaddib barkaca sheekada isla qaybta koowaad ama labaad kaddib ayay sheekadu isku dhacdaa. Tusaale; Breaking Bad (2008-2010) oo ah ma ka mid ah taxanayaasha adduunka ugu caalamisan qaybta koowaad marka Walter White kansarka laga helo ayaa ah dhalashada dhacdada filinka dhaqaajinaysa iyo barta sheekadu ka kala bixi doonto, sababtoo ah waxaa soo dhabatay dabayl xun oo White aagga raaxada (Comfort Zone) ka bixisay islamarkaana White oo reerkiisu dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan hooseeyaan ku dhaqaajisay in uu xal raadiyo.

Sawirka waxaa laga soo xigtay Astaan Tv

Taxanahan Dhaxal qaabdhismeedkii sheekada ayuu ka bayray oo barkaciisa ayaa aad u dheeraaday, dhawr iyo tobanka qaybood sheekadu weli heerki koowaad ee qaabdhismeedka ayay taagan tahay halkaas ayayna ku taagdarraysay waayo lama abuurin dhacdo sheekada siisa lugo ay ku socoto si ay shakhsiyaadku buulka raaxada uga baxaan loollanna u galaan, sidaas awgeed iskudhac la’aan xabkadi ma jirto, xabkad la’aanteedna sheeko ma jirto.

Dhammaadka kalka koowaad (Season one) labada qayb ee ugu dambaysa 13-aad iyo 15-aad oo ah kuwo filinka ugu quruxda badan dhan walba ayaa xoogaa waxaa loo ekaysiinayaa in bartii uu filinku ka qarxi lahaa/cirbaxii (Climax) la joogo bangiga Rooble ayaa la dhacayaa Gallad oo ku eedaysan inuu bangiga dhacaynna xabsi ayaa lagu tuurayaa, halka Duniyo salaada indhafiiqa la saarayo iyada oo Gallad sugaysa, laakiin laba sababood awgood dhaqaaqan cusub oo, dhab ahaan, ah mid aad u habaysan sheekada filinka waa uu macno dilayaa: Marka koowaad ma jiro shirqool horay loo soo dhisay/dhibaato hore oo laga soo gudbay, tan oo arrinkan ka dhigaysa mid meel aan la ogeyn ka soo booday ama xiisad yar. Marka labaad waxaan fahamaynaa in uu yahay mid loogu talagalay in daawadaha lagu abuuro xiiso uu ku sugo kalka labaad (Season two) ee taxanaha.

Xiisad-abuur Qasab Ah (Forced tension)

Meelo badan oo taxanaha ka mid ah waxaan arkaynnaa xiisad abuur qasab ah, xiisad aan la soo dhisin balse mar kaliya la abuurayo taas oo ficillada iyo hadallada shakhsiyaadka u muujinaysa kuwo macmal (Artificial) ah ama aan caqli-gal ahayn daawaduhuna horay ka saluugayo maadaama aan loo soo marin waddo lagu qanci karo.

Qaybta 1-aad Gallad oo shaqo raadinaya ayaa soo gelaya albaab aan nala tusin wuxuu yahay, ninka waardiyaha ah ayuu u sheegayaa in uu gudaha rabo, waardiyihii ayaa waydiinaya magaciisa si uu uga fiiriyo liiska magacyada ee loo dhiibay, Galladna in uusan ku jirin ayuu u sheegayaa.

Gallad oo si tartiib ah u dalbaday in uu gudaha u oggolaado ayuu waardiyihii ku leeyahay “Ammar uma qabo in aan sii daayo qof aan sii daa la i dhihin, adeerow shaqadeyda ha ku dheeline iska sii tag.” 14:58 –15:05 daqiiqo. Tan oo looga jeeday xiisad abuur iyo jawi kicin waa mid aan macquul ahayn sababtoo ah Gallad kuma madax adaygin in gudaha loo fasaxo.

Qaybta 12-aad, daqiiqadaha u dhexeeya 21:43— 21:57, marka ay Hani iyo Siddiiq maqaayadda isla fadhiyaan, Siddiiq ayaa wiil dhar cad wata kabalyeeri u moodaya markaas ayuu tartiib gacanta ugu haatinayaa isaga oo aan erayna dhihin. Haddaba halkan si loo muujiyo in dadka qaar lebbiska kabalyeeriyada xirtaan laguna khaldamo ama dadku kabalyeerinimada shaqo liidata u arkan xiisadna loo abuuro ayaa muuqaalka (scene) dhan xeerkiisi iyo dhismihiisi loo buriyay. Wiilki kabalyeeriga lagu qalday marka uu miiska soo dul joogsaday isaga oo aan afka furin ayuu galaas biyo ah Siddiiq feeraha uga shubay”Yaa waiter ah? Waad edebdaran tahay.” inta yirina dhaqaaqay. Sababta uu xanaaqay iyo sababta uu Siddiiq biyaha ugu shubayba lama yaqaan, xiisad abuurkaas qasabka ahina quruxdii muuqaalka ayuu dhaawacay.

Ma dhaxal mase wax kale?

“Dhaxal” oo ah magaca taxanaha, wuxuu durba dadka ku riixi doonaa in ay u qaataan in uu yahay filin dhaxal la isku haysto ka sheekeynaya. Hase ahaatee, marka uu cabbaar socdo waxa aad ogaan doontaa in aysan sheekadu wax dhaxal ah ku lug lahayn, dhaxalkuna yahay wax uun laga sheekeeyo oo ay labada qoys Diiriye Iyo Rooble ku kala dhinteen, marka xabkada weyn ee taxanuhu waxay noqonaysaa isku dhac qoys (Family clash) Colaaddaas Diiriye iyo Rooble u dhexaysa oo marka Gallad uu shaqo ka helo bangiga Rooble sii baahaysa ayaa ah dhacdada weyn ee taxanaha.

Dhanka kale, sheekada shakhsiyaad caawiyaal ah oo taxanaha door muhiim ah ku leh oo aan la iska indhatiri karin ayaa jirta. Lowkaan oo ah curadka qoyska Duniyo oo loo aqoonsan karo shakhsiga sida ugu xiisaha badan filinka u soo gelaya, kaas oo tilmaantiisu tahay qof nolosha ka dhacay oo qaad iyo tuugnimo shaqo ka dhigtay nolosha qoyska iyo waxa adduunka socdo aanba war u hayn.

Farxaan, yaraanka reerka Duniyo oo ah ruuxa kaliya ee si dareenka leh naloo barayo isaguna shaqada caseeyaha ku xamaasha laakiin bandhig fiican lama siinayo, iyo Safiyo oo ah gabar waxbaratay oo la nool aabbaheed oo hawlgabay qaybta nadaafadda ee bangiga Rooblena ka shaqaysa.

Dhanka ciwaannada (magacyada) xalaqaadka filinka muhiimad gaar ah lama siin, qaar magacyo aad u dhaadheer oo aan soo jiidasho iyo nuxur lahayn islamarkaana aan la xasuusan karin ayaa la siiyay. Tusaale; xalqada sagaalaad waxaa ciwaan looga dhigay “Maqaadanayo shaatigan weyn ee la igu caaynayo” Sidan si ka gaaban oo macne badan ayaa loo dhigi karay ama ciwaan kale oo ka mudan kaas oo dulucda koobaya ayaa ay ahayd in la qaato. Sidoo kale, dhammaan qaybaha taxanaha midna ma laha tilmaan ama sharraxaad yar oo ku saabsan waxaan gudaha ugu tegi doonno, tan oo ka mid ah farsamooyinka daawadaha ku dhiirrigeliya in uu qaybta xigta daawado, oo haddii aysan xalqadu lahayn sharraxaad yar oo sii sawiraysa ama faham ka bixinaysa dhacdooyinka soo socoda ma noqon karto mid daawadaha soo jiidata. Ciwaanka nuxurka abbaaraya iyo sharraxaadda yari waa waxa kaliya ee xalqada daawadaha ka iibin kara in isaga oo aan weli billaabinna ku qaadi kara in uu u xiisabururo.

Hormarinta Shakhsiyaadka

Xeerka sheeko-yaqaanku, waa in uu soo bandhigo isbeddel ku dhacaya shakhsiyaadka (Characters) sheekada, haddii aysan wax isbeddel ah jirinna caddeeyo sababta isbeddelkaasi u dhici waayay. Taxanahan Dhaxal badi jilayaasha ku jiraa wax hormar ama kobac ruuxaaniyadeed la kulmaya way ku yaryihiin amaba kuma jiraan. Sababtuna waxay noqonaysaa arrimaha gudeed ama dibadeed ee shakhsiyaadka u horseeda in ay koraan oo wax cusub bartaan ama garawsadaan ayay sheekada filinku ka arradan tahay waana mid ka mid ah waxyaabaha quruxda iyo dhadhanka Dhaxal wiiqaya.

Dhib dabadiis ayay dheefi timaadaa, ama xaaladaha adagi qofka kartidiisa iyo dulqaadkiisa ayay qeexaan cidda uu dhab ahaan yahay iyo waxa gudihiisa ku duugan ayay bannaanka keenaan, wuxuuna noqdaa mid go’aan qaadashadiisa iyo adduun araggiisu ay wax iska beddelaan sidaas si la mid ah ayay tahay in waqtiyada adagi na tusaan isbeddelka habdhaqanka iyo habfekerka shakhsiyaadka filinka ku dhacay illeen waa qofaf nool sideenna.

Gallad waa wiil dhallinyaro ah. Waa shaqadoon, mana jecla in uu sida aabbihiis macallin iskuul noqdo, waana nin horuusocod ah oo xadaari ahi. Duniyo iyaduna gabar indhoole ah oo karti badan kana soo jeedda qoys dan yar ah. Gallad iyo Duniyo oo hoggaanka taxanaha ah waxa aad mooddaa inaan la siin mudnaan muujinta dhaafsiisan. Waa dad jilliin fiican oo doorkooda ka soo bixi kara una qalma balse loo dhigay in ay yihiin sida jilayaal caawiyeyaal ah (Supporting characters) filinku inta uu socdo noloshooda waxba iskama doorinayaan, dabeecadahooda iyo haldaygooda lama qeexayo, duntooda lama midayn, wadahadlkooda midna lagama dareemayo in uu kan kale rabitaan u qabo, sidaas darteed marka aad u fiirsato xiriirkooda Gallad waa nin banii’aadan ah oo Duniyo caawinaya ee ma aha nin dan iyo dookh ay ka galeen. Inta aan filinka daawanayno laba qof ayaa la arkayaa in wax yar oo isbeddel ah ku dhacayaan, waa Lowkaan iyo Safiyo (Siiri) oo ah laba jilaa oo aad u heersarreeya oo mudan in sheekada ay qayb weyn ku yeeshaan.

Inkastoo aan Lowkaan oo ah shakhsi metelaya muqayil iyo tuug sidii la rabay aan loo qaabayn haddana marka walaashiis Duniyo uu ninka dukaanlaha ah soo doonanayo, oo ay u sheegto aysan diyaar ahayn waxaan arkaynnaa in uu dhanka kale isu rogayo oo walaashiis la safanayo isaga oo u damqanaya maadaama ay arag la’ tahay, intaas kaddibna ugu yaraan waxaan rabnay in uu noqdo nin toosan oo walaashiis iyo qoyskiisa saboolka ah u hiilliya, laakiin tubtiisi ayuu isaga sii socday.

Docda kale Safiyo oo ah shaqaalaha nadaafadda bangiga waa shakhsiyad ogaal badan oo jilliin ahaan aad u fiican, Duniyo kaddib waa gabadha taxanaha qurxinaysa, haddaba marka bangiga Rooble la dhacayo waxaa lagu qasbayaa in kumbiyuutar falaash geliso iyada oo loogu gooddinayo in aabbaheed la dilaayo, waxayna gelaysaa loollan gudeed jeer ay marka dambe ku dhiirrato in ay go’aan ku gaarto in ay inta shaqadan ka tagto baaddiyihii ay ka timid isaga noqdaan iyada iyo aabbaheed.

Wadahadalka iyo

Dhigaalka Filinka(Script)

Marka aan ka fekeraynno sixirka shineemada, waxaan inta badan xasuusannaa muuqaallo cajiib ah, bandhigyo awood leh, iyo sheekooyin soo jiidasho leh. Laakiin waa in ayaan illoobin miisaanka wadahadalku ku lee yahay filinka, siiba qaabka ay jilayaashu u hadlaan, erayada ay doortaan, iyo aamusnaanta u dhaxaysa ereyadaas ayaa door muhiim ah ka ciyaara noolaynta sheekada. Wadahadalku waa ka badan yahay erayada. Waa garaaca wadnaha sheekada. Waa sida jilayaasha u muujiyaan cabsidooda qotadadheer, jacaylkooda ugu weyn, iyo xaqiiqooyinkooda aan cidna ka ogeyn.

Wadahadalku waa lafdhabarta sheekada waana halka waxyaabo badan oo sheekada muhiim u ah lagu gudbiyo sida nuxurka iyo xaaladaha jilayaasha. Haddaba Dhaxal meelaha iinta weyni kaga taal waxaa ugu horraysa dhinaca wadahadalka (dialogue) Wadahadal tiro badan oo aan dabiici iyo caqli-gal ahayn, wadahadal Ingiriis ka buuxo, oo aan marna dareenka daawadaha la falgeli karin, sheekada filinkana aan waxba ku biiriinayn ayaa ay jilayaashu ku wada sheekaysanayaan. Guud ahaan, agaasimayaashu waxay wadahadalka u arkaan qayb muhiim ah oo ka mid ah sheekada, taas oo, marka si fiican loo fuliyo, kor u qaadda saameynta dareenka iyo tayada guud ee qisada filinka.

Dhigaalka taxanaha (script) waxaa wada qoray rag badan oo agaasimuhu laftiisu ku jiro, laakiin ma ah mid ka soo agdhowaanaya filashada weyn ee aan qabno marka aan daawshada filinka Dhaxal billaabaynno. Ma aha mid silsiladda dhacdooyinkiisu kala xirmaysan yihiin oo daraama abuuri kara awoodna u leh in uu daawadaha dareenkiisa afduubo, qaybaha u horreeya qofku wuxuu is arkayaa isaga aan filinka la haysan oo wax la saadaaliyo iyo dhacdooyin soo jiidasho leh ma muuqdaan. Haddii si fiican loo qaabeyn lahaa oo isku dhex yaaca laga saari lahaa iyada oo aan wax kale lagu darin ayuu noqon karay mid heersare ah, hase ahaatee hadda xabkadiisu iskuma xirna, waxaana ka muuqata kala daadsanaan badan.

Jilayaashu waa kuwo fidsan (flat Characters) oo hal gees ah (one-dimensional) ma lahan qoddo iyo wax cufnaan ah iyo rabitaan toonna, waxayna ku guuldarraysanayaan in ay hormaraan waayo sababihii isbeddelka horseedi lahaa lama hayo. Gallad Diiriye sida uu billowga ahaa ayuuna dhammaadka yahay, Duniyana sidoo kale. Wada hadalkuna aad ayuu u liitaa, ma aha dabiici u mana adeegayo karaarinta sheekada iyo hormarinta shakhsiyaadka.

Sheekada meelaha qaar degdeg ayaa ku furan oo daqiiqado badan iyo xaalado aan mudnaan la siinayn ayaa la arkayaa; halka dhinaca kale waqti badan lagu khasaarinayo waxyaabo aan filinka muhiim u ahayn. Dhanka kale, dhigaalku ma soo bandhigayo isku dhac iyo caqabad ay jilaayashu la loollamayaan si ay uga gudbaan oo u koraan, kaliya jilayaal ayaa nala tusay weliba aan qarkood si fiican naloo barin. Xabkad hoosaadyo (subplots) tiro badan oo aan xbakada weyn ee filinka wax xiriir ah la lahayn ayaa ka buuxa.

Isla sidoo kale qodobbo ama su’aalaha muhiimka ah ee lagu soo bandhigay dhigaalka ayaa laga tegayaa iyada oo aan la xallin illaa dhammaadka. Sida waxa Duniyo Gallad ka dhexeeyo ama dhex mari doona, dareenka Duniyo iyo Gallad dhex yaal lama muujin, haddana ku dhowaad toban xaqladood waxaa lagu lumiyay kulankooda iyo sheekadooda, dareen gudeed ayay isu hayaan laakiin lama soo bandhigin oo midna midka kale uma dan sheegan.

Xeerka ‘Muuji, ha sheegin’

Qaybo badan oo filinka ka mid ah halkii daawadaha filinka laga qayb gelin lahaa waa looga sheekaynayaa, oo waxaa filinka ku badan sheegista arrimaha qaar, waxyaabo badan oo ay ahayd in nala tuso ayaa laga sheekaynayaa, tan oo muujinaysa farsamo xumo qoraaleed. Qaybta koowaad, 19:46–20:32 daqiiqadaha u dhexeeya waxaa ku jira muuqaal (scene) yar oo wiil Sahal la yiraa shaqada laga burinayo. Sahal nalama tusin, sidoo kale iyada oo loo digayo nalama tusin (inkastoo ay dhici karto in uu gadaal dambe sheekada waji kale kula soo noqdo) dhanka kale wax ay Hani oo madaxa bangigaga ah go’aanka ku gaaraysaa wax soddon sikin ka yar. Sidaas si la mid ah waxyaabaha la xiriira colaadda Diiriye iyo Rooble ka dhexaysa oo udubdhexaadka filinka ah inta ugu badan waa laga sheekaynayaa oo nalama tusayo.

Astaamaha Qarsoon Ee Filinka.

Maqnaanshaha astaamaha qarsoon (symbols) ee taxanaha waa fursad la dayacay. Astaamuhu waxay sheekada u yeeli karaan lakabyo kale oo macno leh, taas oo siinaysa daawadayaasha khibrad hodan ah inta filinku socdo. Astaamahaas la’antood, taxanuhu wuxuu ahaanayaa mid u muuqda ceyriin, wuxuuna seegayaa dib u milicsiga dhacdooyinka iyo isku xirka qaybaha.

Xawaaraha iyo Dhismaha Dulucda

Xawaaraha ay isku rogayso dulucda filinku waa mid aad dareemaysid in ku talaggal gaabis looga dhigay, gaabiska xawaaraha dulucdu waxay ay dhaawac u geysan kartaa joogteynta xiisaha daawadaha. Xawaaraha qunyar socodka ah, marka si xirfad leh loo adeegsado, wuxuu qurxin karaa sheeko-tebinta, sidoo kalena wuxuu ogolaanayaa faaqidaada qotoda dheer ee jilayaasha iyo mawduucyada filinka, laakin xaawarahan caajiska ahi wuxuu hoos u dhigayaa quudashada dhismaha dulucda, sheekadana wuxuu ka dhigayaa mid la saadaalin karo goor walba. Sidoo kale wuxuu wiiqayaa feejignaanta daawadaha inta uu filinku socdo.

Taxanahu sidoo kale wuxuu ku fashilmay isku-xirka iyo ishaysashada dulucda guud iyo kuwo hoose ee qaybaha. Qayb walba waxa aad dareemaysaa in ay gooni ka tahay kuwii ka horreeyay, waxaad dareemaysaa maqnaanshaha qulqulka sheekada ee lama huraanka u ah sheeko kasta oo taxane ah, waxayna daawadaha ka dhigaysaa mid ku wareera ujeeddada agaasimaha iyo fahanka jilayaasha.

Jilliinka Shakhsiyaadka

Guud ahaan jilliinka filinku waa mid liidata, iyadoo inta badan jilayaasha soo bandhigaan matalaad aan wanaagsanayn. Si kastaba ha ahaatee, Duniya oo jilaysa shkhsiyadda aragga naafada ka ah waxaa loo jilay si heer sare ah, sidoo kale Safiya gabadha bangiga qaybta nadaafadda joogta iyadana jilliinkeedu waa mid aad u fiican, Lowkaan, Rooble iyo Gallad ayaa iguna ah saddex shakhsi oo jillinkoodu qurux badan yahay.

Cinematography-ga iyo Shaqooyinka Kamarada

Cinematography-ga taxanahu waa isku dhafan yahay. Wuxuu leeyahay muuqaalo heersare ah, laakin waxaa wiiqaya muuqaalo kale ay tayadoodu jaban tahay. Tusaale ahaan, muuqaallada qaarkood waxay la ildaran yihiin joogtaynta midabaynta oo aan iswaafaqayn, iyadoo labo midabbayn oo kala duwan ay ka soo muuqanayaan hal muuqaal. Is-waafajin la’aantani waxay dhimaysaa soo jiidashada muuqaalka guud. Shaqooyinka kamaradu waa meel kale oo taxanuhu si buuxda uga faa’iidaysan. Xaglaha kamarada iyo dhaqdhaqaaqa waxay badanka u muuqdaan kuwo bilaa ruux ah oo aan ka qayb qaadanayn tebinta sheekada, tusaale waxaa ah muuqaalada galtida ah (insert) ee magaalada oo qayb walba dhawr jeer kusoo laabanaya.

Dhererka muuqaallada (scenes) ayaa ah cillad kale oo ka hoos baxday agaasimaha. Muuqaaladu waa ay is le’eg yihiin laakin waa ay gaaban yihiin, ma ahan kuwo sharraxaad cad ka bixin kara dhacdooyinka taxanaha, waxaa laga yaabaa in ay sabab u tahay shakhsiyadka badan ee mid walba sheekadiisu goonida tahay. Soo koobiddani waxay ka ka hortagaysa in daawaduhu si buuxda u dhexgalo sheekada.

Habaynta codadka iyo muusiggu waa mid ka mid ah meelaha uu mudan yahay taxanuhu in lagu amaano. Muusigga hordhaca u ah taxanaha ayaa si gaar ah xusid u mudan; waa mid soo jiidasho leh oo la xasuusan karo, oo jawi xiise leh u abuuraya qaybaha. Laakin si guud, muusigga la adeegsaday qaybaha dhexdooda aad buu u gaaban yahay, wuxuuna soconayaa dhowr ilbiriqsi mar kasta oo la isticmaalo. Muusig fidsan oo kala duwan ayaa ku soo kordhin kara taxanaha la falgal qoto dheer.

Agaasinka Qaybaha U Danbeeyay

Waxa xiiso leh, saddexda qaybood ee ugu dambeeya taxanaha waxay heleen agaasin iyo sheekotebin wanaagsan. Qaybahani waxay tusaale u yihiin sida uu taxanuhu noqon lahaa hadii tayadiisa la joogtayn lahaa. Agaasinka qaybahan ayaa ah mid bartilmaameedsan, xawaaruhuna wuu degdegaya, sheekaduna waxay sii noqonaysaa mid xiiso leh. Horumarkan soo daahay wuxuu muujinayaa iswaafaqla’aanta agaasinka guud ee taxanaha, wuxuuna dhalinayaa su’aal ah, “Maxaa tayadan oo kale loogu ilaalin waayay qaybaha hore ee taxanaha?”

Farriinta iyo dhumucda

Dhumucda iyo farriimaha uu gudbinaayo waxqabadkaani waa kuwo aad u badan aadna u waxtar badan, waxa aadse moodaysaa inay in badan iskudhexdaadsan yihiin, taasina waxay innoo bidhaaminaysaa dhimaalka doorashada agaasinka iyo ka la horraysiinta wadahadallada. Kalka koowaad (season one) waliba qaybtiisa koowaad waxaa la iskugu geeyay dhowr farriimood oo siyaabo ka la duwan uga warramaya bulshada sida: nolosha caseeyaha, kaas oo kolka ay caruurta asaaggiisa ah waxbarashada u kallahaayaan uu isagu u foofaayo kabo baalashayn. Halgankii xorriyad doonka iyo fadhiidnimada hanjabisay umadda, nolosha dabaqadaha iyo hummaagaynteeda, doodda dalagyada dalka iyo waxsoosaarka la innoo soo dhoofiyo, dheddigooka (feminism) iyo waliba farriinta amni xumada caasimadda. Intaan oo farriimood ayaa ka soo wada muuqanaayo hal qayb oo kaliya, taasina waxay micnobeelnimo u gaysatay farriimaha lagu dhexgudbin lahaa qaybta labaad ee kalka koowaad. Waxaa looga baaqsan karay in qayb walba la geeyo dhowr farriimood iyada oo aan culays ku noqoneyn miisaanka sheekada. Farriimaha si loo gudbiyo waxay u baahan yihiin: dhacdo iyo wadahadal. Waxaa farriin lagu dhexgudbin karaa dhacdo taas oo mararka qaar uu raacaayo wadahadal ama kaliya qabashada kaamiradda ayaa lagu gudbin karaa.

Farriimaha uu muujinaayo waxqabadkaan markaan ka eegno xaglo kale waxaa innoo soo baxayso inay iskudhexdaadsanaantu luminayso fahankii. Dabcan fariimaha qaar ayaa iskugu buuranaayo hal dhinac iyada oo looga baaqan karayo in midba qaybo kale lagu dhex gudbiyo. Ka la mudnaansiinta farriimaha iyo ka la horraysiintooda waa waxa dhadhanka ugu badan u yeelaayo waxqabadka, taasina waxay daawadayaasha ka kaalmaynaysaa xusuusashada iyo maan-ku-haynta. Filinkaani wuxuu lumiyay ka la mudnaansiinta farriimaha iyo ka la qaybintooda oo taasi waxay dhashay inay daawadayaashu farriimaha iyo dhumucdooda ku ka la dhex lumaan. Sida fududi wuxuu lumiyay waxqabadkaani maan-ku-haynta qofka, oo daawaduhu wuxuu xusuusanayaa shubaalkii guud kaliya bal se farriimihii kale oo dhan way isbuuranayaan oo waa ay isku dul dhimanayaan.

Farriinta guud ee ‘dhaxalka’ la isku dagaalay iyo cadaawadda ka dhex ololsan labada reer qaabka loo bidhaamiyay bar billowgeedu ma ahayn hab furan ee waxay farriintaasi u muuqataa sheeko dhexda looga soo dhacaayo. Daawaduhu wuxuu dhexda kaga soo dhacayaa reero uu ka dhex ololsan yahay dagaal saldhiggiisu yahay dhaxal. Farriintaas uu dhexda kaga soo dhacaayo waxaa barbar socdo farriimo bulsheed oo iyaguna iskudhexdaadsanaani ka muuqato.

Dulucda iyo dhumuc abbaarkii ayay iskudhexdaadsanaantu lumisay oo waxay dhabjisay fahankii iyo xiisihii daawadaha. Dhinacba mar u boodka ayaa sheekada duluc abbaarkeeda lumiyay taasina waxay caqabad ku noqonaysaa maan-kuhaynta iyo xusuusashada lafteeda. Qummanaanta dareen-abbaaridda ama sheekadu inay u leexato dhinaca dhab-abbaaridda ayuu waxqabadkaani iskuhayntooda lumiyay. Farriintuna waxay ku dhex lumaysaa jahawareerka ba’an ee qabsanayaa daawadaha iyo iskudhexyaaca sheekada.

Dhaqanka iyo mataaladdiisa

Dhaqannada qaar ee ka soo dhex iftiimaya waxqabadkaan dhabtii ma matali karaan habnololleedka bulshada iyo qaab hummaagaynta dadka. Habka loo muujinaayo gabadha Soomaaliyeed dhabtii waxaa ku gedaaman dhaliil taas oo ah: gabadhu maykabka (makeup) goor kasta ma marsato goob kastana u ma marsato. Sida dhabta ah iyo muuqa dhabta ah waa in loo muujiyaa dadka lagaga warramaayo muuqyada (scenes) filinka. Tani waxay daawadayaasha caalamiga ah ka kaalmaynaysaa inay ku raaxaystaan dhaqannada, dadyowga iyo waxkasta oo ka la duwnaansho ah. Haddii se aan dhabta laga soo muujin muuqyada kaamiradda waxaa meesha ka baxayso gaar ahaanshiyaha bulshada iyo xiisaha ay dadyowga caalamiga ahi u qabi lahaayeen daawashada shineemo ka baxsan xuduudkooda. Sida oo kale marka aan xagal kale iska taagno waxaan arkaynaa: kalka koowaad qaybtiisa saddexaad gabadh ayaa hooyadeed waydiinaysa; “filinkii Talyaaniga ahaa oo adiga iyo aabbe markaad is shukaansan jirteen aad daawan jirteen magaciisa muxuu ahaa?”

?” Hooyada ayaa iyaduna ku warcelinayso; “LA DOLCE VITA.” Ka dib gabadha ayaa hooyadeed ka dalbanayso inay u afnaqdo si magacbixinta Talyaaniga ah waxaynna lee dahay hooyadu; “SWEET LIFE.” Tani waxay innoo bidhaaminaysaa in afkii bulshada filinka jilaysay, sheekadu ka hadlaysay marna la hadlaysay afkeeda laga maarmay oo la isku tarjumay afaf qalaad. Bal aynnu iswaydiinno waydiin ah: daawadayaasha caalamiga ah ee daawado waxqabadkaan markay arkaan magacbixin Talyaani ah oo lagu tarjumaayo Ingiriisi sow inna moodi maayaan dad aan afkoodu hodmin? Isla mar kale aynnu iswaydiinno: Hooyada Soomaaliyeed ee filinkaan daawanaysa ama bulshada Soomaaliyeed boqollayda ugu badni waa kuwa aan waxba qorin ama akhrin ee labadaan af ee la isku tarjumay siday ku fahmayaan? Dabcan waxay dareemayaan afkoodii inaysan maqlin. Afku wuxuu ka mid yahay waxa bulsho lagu garto, ummadi la gaar noqoto haddana sidaas oo ay tahay filinkaani waxaa ku badan qalaadaynta. Filinku waa fan haddana waxqabadka shineemeed ee bulsho wuxuu qayb ka yahay fanka bulshadaasi sidaas oo ay tahayna filinkaani doorkiisa ma cayaarin.

Mar kale waxaa iyaduna xusid mudan qaabka loo iftiimiyay habnololeedka qoysaska haba ka la dabaqado duwaanaadaan e haddana ma ahayn mid ku dhisan dhaqan bulsheed, mid tixgalinaysa ama ka dhabsheegaysa habnololeedka qoys Soomaaliyeed. Iftiiminta iyo ka warramidda qoys habnololeedkiisa daawadayaasha caalamiga ah way xiiseeyaan oo taasi waxay farriin ka gudbinaysaa qaab dhaqanka bulsho iyo ka warramidda ka la duwnaansho. Muujinta muuqyada caynkaas oo kale ah waxay u baahan yihiin ka fiirsi dheer si loo gudbiyo farriin gaar ahaanshiyo bulsheed oo waxsoosaar shineemeeddu waa muraayad laga dhex daawanaayo bulsho dhan.

La falgalka daawadayaasha

Waxsoosaarkaan shineemeed marka aan ka eegno falcelinta iyo la falgalka daawadayaasha shineemada una ka la qaadno: dheehadayaal iyo daneeyayaal waxaan arkaynaa in labadaasi aannu ka helin falgal iyo maan-ku-hayn. Haddii aan sida ugu fudud u qeexo labada aan u qaabaynay bulshada: Dheehadayaal, waxaan ku qeexi karnaa; kuwa filinka daawado kaliya ee aan lahayn aqoon shineemo, filinkana u daawado kaliya madadaallo iyo waqtiku-lumin. Halka qaybta labaad ee aan u qaabaynay bulshada ay yihiin: daneeyayaal, waxaanna ku tilmaami karnaa; waa kuwa filinka daneeyo oo darsa misana baara filimaanta, dusgiyada shineemo, sooyaalkeedana dib-u-jalleeca oo u arkana nolol iyo dugsi waxkordhin karo misana u daawado si joogto ah iyo xiiso aan duugmin. Dheedayaashu waxay ku ekaadaan korkaas iyo waxa muuqdo halka daneeyayaashuna u kuurgalaan filinka.

Qaybta hore ee bulshada uguna yeedhnay dheehadayaal; waxay ku wareersan yihiin socdaalka sheekada, bar billowgeedii iyo cidda ay tahay atiirashada filinka. Waxay sida oo kale ku wareersan yihiin xusuusashada dhacdooyinka sababta oo ah waxaa iskudhexdaadsan farriimaha dareen taabadka leh iyo kuwa caqli taabadka leh. Waxaa lumay maan-ku-hayntooda sababta oo ah farriimaha iyo dhumucda iyagu aad u ma daneeyaan bal se waxay si dhab ah u waayeen dareen la falgalkooda muuqyo taabto.

Markii dhinaca bulshadaan aan eegnana wuxuu filinka ‘Dhaxal’ kalka koowaad iyo qaybihiisuba lumiyeen maan-ku-haynta daawadayaasha xiisoolayaasha ah sababta oo ah dhammaan qaybihii kalka koowaad xusuusahooda way lumiyeen daawadayaashaani.

Qaybta danbe ee aan ugu yeedhnay daneeyayaal; waxay waxsoosaarka filinka ‘Dhaxal’ barbardhigayaan taxanayaasha caalamiga ah iyaga oo ku eegaayo indho furan, maskax kobacsan iyo fahankooda. Filinku wuxuu ku guuladarraystay in uu soo jiito daneeyayaasha shineemada ee bulshada ka midka ah sababta oo ah wuxuu buuxin waayay kasbashadooda. Mar kale sheekada filinka iyo tabteeda dareen-taababdnimo ama tabteeda dhabsheegnimo ma soo jiidanin sida loo soo bandhigay. Waxaa sida oo kale xusid iyo baraarug mudan in daneeyayaashu ay hillow u qabaan shineemo ka soo dhex iftiinto bulshada, taas oo ka warranto misana ka dhabsheegto bulshada, haddana filinkaan iyagu waxay si u biyodiideen shubaalkiisa iyo is haysadkiisa.

Gunaanad

Filimsamayntu waa wax ay tahay in aan baranno, hormarinno oo aan guul weyn ka gaaranno. Waa kaalin weyn aadna u muhiim ah oo nolosheenna ka maqan, inkastoo waqtigan aan joogno ay jiraan shirkado iyo shakhsiyaad arrinkan ku hawllan, Astaan oo filinkan soo saartaynna ugu horrayso. Filimsameyntu ma aha wax sahlan, wax mar kaliya lagu boodi karo ama la isaga dhiirran karo haddii kaamarad la helo. Waxay u baahan tahay waxyaabo badan oo laga rabo in cidda filinka soo saaraysaa, cidda agaasimaysaa, iyo cidda jilaysaba ay aqoon u leeyihiin kuna qalabaysan yihiin, iyada oo aan aqoonteedii la lahayn ama kala dhiman tahay haddii duubista la billaabo natiijada la fili karaa waxay noqonaysaa mid liidata.

Marka hore waxaan bogaadinaynnaa tamarta iyo waqtiga loo huray soo saarista taxanaha “Dhaxal” oo 15-ka qaybood ka kooban, kaas oo dhab ahaan, muujinaya dadaal iyo dhaqaaq cusub oo dhanka shineemada ah. Docda kale, taxanuhu weli ma uusan dhammaan oo kal ama kalal kale daawashadooda ayaa innoo dhiman, laakiin haddana taasi ma diidayso in kalka koowaad lafaggur iyo faaqidaad lagu sameeyo, dhinacyada uu ku fiican yahay iyo kuwa uu ka gaabiyay ama cilladuhu kaga jiraan la tilmaamo si kuwa aan sidii habbooneyd loo sameyn loo hagaajiyo kalka/kalalka dambe.

Ujeeddadeenna ugu weynina waxay ahayd in aan bulshada u iftiiminno nuxurka iyo waxa laga dheefsan karo DHAXAL, sidoo kalena aan cidda soo saartay dareensiinno in waxsoosaarkoodi la daawaday, la dhuuxay, lagana falceliyay oo uusan tacab khasaaray noqon, dhiirrigelinta iyo dhaliisha wada socdana ay u dhugmo yeeshaan.

Ugu dambayn, waan ognahay in aysan dalka ka jirin tacliin la xiriirta jilliin barashada, haddana mar walba waxaa jira dad si dabiici ah booska lagu aaddiyo sida uga fiican uga soo dhalaali kara, dadkaas laftooda in helana in aysan hawl fudud ahayn waan qirsannahay. Iyada oo caqabadahaas oo idil jiraan haddana dhanka agaasinka, kamarada, sheekada iyo guud ahaan xubanaha aan filinka ka faalleynay waa kuwo muujninaya in aysan duruufaha jiraa sabab u ahayn balse ay ugu wacan yihiin aqoondarro iyo farsamo xumo dhanka filimsamaynta ah.

Tifaftiraha

Guud

Abdullahi Osman

Agaasimaha Tifaftirka

Maxamed-Khadar Cabdicasiis

Tifaftiraha

Sadam Aweis

Ku-Qorayaasha

Abdullahi Osman

Guryasame Cabdi

Aw Saahil

Maxamed D. Ciise

Weedhsan Kaarshe

Naqshadaynta iyo Quraaridda

Mahad Mohamed

SHINEEMO BENADIR

Email: shineemobenadir@gmail.com @shineemobenadir @shineemobenadir

Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.