
25 minute read
13. Xidhiidhka Chessta Somaliland oo ka Qayb Galay Tartan Caalami ah
33
Akadamiyada ayaa ah kuwo ay kuwo ay ka diiwaan gashan yihiin in ka badan 800 oo ciyaartoy, kuwaas oo dadoodu u dhaxayso 12 –17 jir, waxaanay yihiin kuwo barta inay mihnad ka dhigtaan kubada cagta taas oo ah mida aydalal badan oo aduunka ahi gaar ahaan dalal badan oo Afrika ahi ay ku horumariyeen kubada cagta dalalkooda iyaga oo helay ciyaaryahano badan oo ka ciyaara horyaalada kubada cagta ee dalalka Yurub, kuwaas oo dhaqaale iyo magac ku soo kordhiyay dalalkooda.
Advertisement
13. Xidhiidhka Chessta Somaliland oo ka Qayb Galay Tartan Caalami ah


Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka Chess-ta Somaliland ayaa markii labaad ka qeyb galay Cup-ka Bariga iyo bartamaha ee loo yaqaano Zone 4.2 oo ay ka qeyb galaan in ku dhaw 15 Dal ayaa waxay sanadkii hore ku soo ciyaareen 2018kii Wadanka Jabuuti, Waxay Somaliland ka mid noqotey kuna guulaysatey in loo aqoonsado Xubin Caalamiya oo ka qeyb gashaTartanada Ciyaaraha Chess-ta ee heer caalami, iyada oo kaalmaha hore ka gasheyWadamadii uu tartanku ku dhex marey wadanka Jabuuti, hadaba bilowgii bishii May 2018 waxaa martiqaad Rasmiya oo heer caalamiya uu xidhiidhku ka heleyWadanka Kenya, 5 ciyaartoy iyo hal wariye oo ka tirsan Tv-ga Qaranka JSL Isagoo si toos ah u soo gudbinaayey heererka tartanka kolba halka uu maraayo waxaa si toos ah loogu soo
34


dhaweeyey ciyaartooyadaasi Garoonka Mombasa iyagoo, si toosa loo gudogaley soo dhaweyniyo Marti-galin wadamada waxaa si toos ah ugu dhex muuqdey garoonka lagu Ciyaaraayey Calanka Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland, Waxaa ka dhacay garoonka ciyaaro aad u xiiso badan kuwaas oo guulo la taabankaro ay la yimaadeen Ciyaartooyadii ka socdey Somaliland, iyaga oo bartaasi lagu gudoonsiiyey Shahaado Sharaf, waxaa sidoo kale Mahadnaq kala dul dhacayMadaxweynahaChess-ta Kenya Mr. BenardWanjalaisagoo ka markhaati kacay ciyaar wanaagooda, iyo akhlaaqda ka muuqata ciyaartoydan la soo xuley.



35
hadaba guulaha noo ay sabab u yihiin Alleswt ka sokow Madaxweynaha JSL Mudane: Muuse Biixi Cabdi oo ay qeyb ka ahayd siyaasadiisa kobcinta Ciyaaraha wadanka, sidoo kale Madaxweyne ku xigeenkaJSL Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo isna dhalinyaradaa u muujiyey garab istaag, sidoo kale waxaan marnaba la ilaabi Karin Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL ee uu Horseedka ka yahayWasiir Boos Mire Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee W.Dh.iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdillaahi Saciid “Khaawi” iyo dhamaan shaqaala weyanaha Wasaaraadda W.Dh.iyo Ciyaaraha, sidoo kale waxaa mahad gaara leh Gudoomiyahaxidhiidhka Chess-ta Somaliland Mudane Mustafe Sh. Cabdiraxmaan, oo runtii wakhtigiisa ugu badan galiya sidii ay meeluu u gaadhi lahaa xidhidhku waana ku mahadsan yahay sida sharafta leh ee uu uga soo baxo markasta waajibkiisa shaqo,



36
14. Tartanka Orodka 10km ee Degmooyinka Hargeysa

(09,08,2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Shirkada Takaaful iyo Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ayaa waxay ka fulisay caasimada Hargeysa tartan orodada ah oo qiyaastiisu tahay 10 km, kaas oo ay ku loolamayeen degmooyinka magaalada Hargeysa, tartankan ayaa ah kii labaad ee ay iska kaashadaan Wasaaradda, shirkada Takaaful iyo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, iyada oo sanadkii horena ay qabteen tartankan kaas oo noqon doono mid joogto ah.
Tartanku markii uu bilaabmayay ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Shirkada Takaaful iyo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, ugu horey waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Mudane Mustafe Cabdi/rahman Xadi oo sheegay in ay ka xidhiidh ahaan iyo ka wasaarada ahaanba u mahad-celinayaan shirkadda caymiska ee Takaful




37
oo xidhiidhka markii labaad ka taageertay hirgalinta tartanka degmooyinka caasimadda Hargeisa, sidoo kale waxa uu u mahad- celiyey wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha oo runtii la garab taagan xidhiidhka hiil iyo hooba.Waxa kale oo gudoomiyuhu u hambaliyeye degmooyinkii ku guuleystay tartankii degmooyinka caasimadda sidoo kale waxa uu tilmaamay in xidhiidhka ka go,an tahay in uu waxqabto isla markaana waxa uu hambaliyeey degmadii ku guuleytay tartankii degmooyinka caasimadda oo ahayd A/dhagax.
Waxa kale oo hadalka qaatay Mudane Xamse Maal oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda caymiska ee Takaful oo sheegay in shirkadda Takaful diyaar u tahay mar-walba in ay wax ku celiso macaamiisheeda isla markaana ka war bixiyey adeegyada ay shirkadu u qabato dadweynaha reer Somaliland sidoo kalena sheegay in ay sii wadi doonaan taageeradda ay la garab-taagan yihiin xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland.
Waxa kale oo halka hadalka qaatay gudoomiyaha gobolka m/jeex oo runtii u mahadceliyey shirkadda takaful iyo wasaarada dhalinyaradda iyo ciyaaraha isla markaana hoosada ka xariiqey in wasaaraddu aad iyo aad uuga shaqaysay dhiirigalinta dhalinta gobolka iyo guud ahaanba Somaliland.Waxa kale oo u hambaliyeeyey degmadii ku guuleystay tartankii degmooyinka caasimada Hargeisa oo ahayd Degmada A/ dhagax. Waxa kale oo hadal qaatay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&C Mudane Maxamed NuurJibriil oo u mahad-celiyey xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland iyo shirkada caymiska ee Takaful isla markaana tilmaamay in shirkadda kale ku daydaan takaful sidoo kalena sheegay in shirkadda takaful looga fadhiyo in ay goboladana wax ka qabato, waxa kale oo uu sheegay in wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaarahu diyaar u tahay in ay dhiirigaliso dhalinyaradda dalka.

38
Ugu dambayn waxa hadalka soo af-meerey Wasiirka Wasaarada Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Boos Mire oo u hambaliyeeyey dhalintii ka qayb-gashay tartanka degmooyinka caasimadda Hargeisa, sidoo bogaadiyey shirkadda caymiska ee Takaful oo markii labaad maal-galisey tartanka degmooyinka caasimada siina wadi doonta.Waxa kale oo uu bogaadiyey xidhiiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland sidoo kalena waxa uu u hambaliyeeyey degmadii ku guuleystay tartanka degmooyinka caasimadda oo ayhayd degmada A/dhagax.
15. Tartanka Kubada Cagta ee Bisha Ramadaan
(06,05,--05,06, 2019)- Tartanka Kubada Cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ka qabsoomay garoomo kala duwan oo ka dhisan magaalada Hargeysa, garoomada tartankani ka qabsoomay ayaa waxay kala yihiin garoonka Hargeysa Stadium, garoonka Xawaadle, garoonka Guryo Samo, garoonka Maxamuud Axmed Cali, garoonka 31ka May, garoonka Maxamed Mooge, garoonka Dhurqaanta,
garoonka Gacma Dheere, garoomadan oo ah dhamaan kuwo dawliya ayaa waxa ka qayb galay ku dhawaad boqol iyo konton kooxood (150) oo kooxdiiba ka kooban tahay



39
labaatan (20) ciyaartoy taas oo dhan sadex kun oo ciyaartoy (3000), ciyaartoygan ayaa dhamaan waxay ka heleen shirkadihii ay magacooda ku ciyaarayeen. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) iyo masuuliyiinta kala duwan ee wasaaradda oo uu ugu horeeyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdillaahi Siciid ayaa kala qayb galay furitaankii tartamadaasi gudiyada xaafadaha garoomadaasi ee soo qabanqaabiyay tartamada kubada cagta ee bisha Ramadaan, masuuliyiinta ayaa sharaxay ujeedada tartanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ay ciyaartoyga ciyaaraya iyo dadka daawanayaaba ay ilaaliyaan anshaxa maadaama bishii barakaysnayd ee Ramadaan lagu jiro, maadaama ciyaaruhu is dhexgalka bulshada ay qayb wayn ka qaataan ayaa waxa dhib ku ah in ciyaaruhu ay sababaan rabshado dhex mara ciyaartoyga ama dadwaynaha daawanaya taas oo dhaawac u gaysanaysa ujeedadii laga lahaa ciyaaraha.
Sidoo kale masuuliyiinta wasaaradda ayaa inta badan garoomada Hargeysa ee tartamada kubada cagta ee Ramadaan ka socdeen kala qayb galay xidhitaankii tartanka iyada oo abaalmarino ay gudoonsiiyeen kooxihii iyo ciyaartoygii ku guulaystay abaalmarinahaasi.
Waxa kale oo tartamada ramadaan ee kubada cagtu ka qabsoomeen dhamaan garoomada waawayn ee caasimadaha gobolada dalka oo dhan sida Buroc, Borama, Laascaanood, Ceerigaabo, Berbera, Gebilay, Oodwayne, Caynabo, Buuhoodle, Taleex, Badhan, Baligubadle iyo Saylac waxaana maamulayay dhamaan tartamadaasi masuuliyiinta wasaaradda ee heer gobol, waxaanay ku dhamaadeen dhamaantood jawi wanaagsan.

40
16. Tartanka Tennista
(06,05,2019)-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka Tennis ta Somaliland waxa u qabsoomay tartanka bisha barakaysan ee Ramadan Kaas oo ay ka qayb qaateen 16 ciyaartooy oo kala duwan tartankan oo ahaa mid aad xiiso badan ayaa waxa maalgalisay shirkada horn cable tv.Tartanka waxyaabaha xiisaha gaar ka ah u yeelay waxa uu ahaa. Tartan isreebreeb ah (knock out) waxyaabaha dadwaynaha soo jiitay waxa ka mid ahaa in tartanka ay final isugu yimaadan wiil iyo aabihii Waxaana finalka isugu yimid General Aadan Ahmed Canady vs Amiin Adan Canady


Waxaana gushu halkaa ku raacday aabaha oo soo bandhigay ciyaar aad u quruxbadan oo dhiirigalisay dad badan oo waawayn. Waxyaabaha kale ee xiisha u yeelay tartankana waxa ka mida in loogu magac daray wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha
JSL Mudane Yusuf Mire Mohamed (Boss)
Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha xidhiidhka tennis JSL Mudane Musa

41
Hashi Abdillahi waxaanu ugu horayn u mahad naqay allah (swt) waxaanu yidhi waxa farxad noo ah in aan qabano tartankii labaad ee sanadkan gudihiisa kaas oo aan ku maamusnay wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL oo u qalma inaan ku maamuusno waayo waa wasiirkii ugu horeeyay ee ku dhiiradada samaynta xidhiidho cusub run ahaantii waana wasiirka kaliya ee shaqaalaha ka hor imaada wasiirkana waxaan leenahay xidhiidhadii waad samaysay laakin waxaa lagaaga fadhiyaa dardargalintooda iyo in loo raadiyo budget ay ku qabtaan tartano joogta ah Gudoomiyuhu waxa uu u mahadnaqay shirkada horn cable tv oo ah shirkad aad u danaysa ciyaaraha gaar’aaha tenniska
Ugu danbayn waxa xaflada soo xidhay isla markaana bogaadiyay xidhiidhka la taliyaha wasiirka ee dhanka ciyaarahaMudane Hassan warabe cade Waxa farxad ii ah inaan soo xidho tartanka tenniska miiska oo uu ii wakiishay wasiirka wasaaradda ciyaaraha oo hawl shaqo u baxay Waaanan dhiirigalinayna in ay finalka isigu yimadan wiil iyo aabihii,anigaaba ka qayb qaadan doona tartanada danbe.Ugu danbayna waxa uu gudoonsiiyay jaa’isadihii loogu talagalay ciyaartoyga.
17. Tababar Loo Qabtay Garsoorayaasha iyo Tababarayaasha Ciyaaraha Fudud

42
(22—26,07,2019)- Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland oo ka duulaya siyaasada qabyo- qoraalka ah ee wasaarada dhalinyaradda iyo ciyaaraha jamhuuriyadda Somaliland ayaa tababar kor loogu qaadayo tayada garsoorka xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somliland uuga furey xarunta wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha tababarkan waxa runtii daadihinayey khabiir sacad oo reer Djibouti isla markaana ka mid ah masuuliyiinta xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Djibout. Khabiir sacad maaha markii koowaad ee uu tababarkan oo kale siiyo garsoorka xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland , sacad waa qof jecel in xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland in uu gaadho isku filnaashiyo dhanka aqoonta iyo waliba in xidhiidhku ka mid noqodo xidhiidhada laga aqoonsan yahay LAAF. Tababarkani waxa uu socday mudo dhan shan cisho waxna ka qayb-galay 23 garsoore oo iskugu jira rag iyo dumar, tababarkan waxa ka caawiyey qabsoomidiisa xidhiidhkan wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Slland.
Tababarka waxa furay wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Mudane Boos mire isagoo garsoorayaasha ku dhiirigaliyey in ay si wacan uuga qayb-qaataan tababakan kor loogu qaadayo aqoonta garsoorka xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland isla markaana ka qayb-galka tababakan iyo joogtayntiisu mudada uu socdo in ay muhiim u tahay wasaaradda iyo xidhiidhka. Waxa kale oo garsoorayaasha la hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&C Mudane Maxamed Nuux Jibriil isagoo garsoorayaasha ku kula dardaarmay in ayna cilmiga iyo aqoonta marnaba beerdareyn.
Waxa kale oo Garsoorayaasha la hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland Mudane Mustafe Cabdi/rahman Xadi, musfate waxa uu garsoorayaasha u sheegay in ay xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland u hayaan shaqo adag oo ay mar-walba qayb-laxaadle ka qaataan shaqo kasta oo uu xidhiidhku qabanayo sidaa daraadeed ay muhiim u tahay in la kobciyo tayada iyo aqoonta garsoorka, isla markaana kula dardaarmay garsoorka in ay weeleeyaan aqoonta la siiyo inta uu socdo tababarkani.
Waxa kale oo ka hadlay furitaankii tababarka Aqoonyahan Sacad oo ahaa macalinkii tababarka bixinayey oo sheegay in tababarkani muhiim u yahay garsoorka xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland sitaa la mid ahna balan-qaaday in uu joogtayn doono taageerada uu la garab-taagan yahay xidhiidhka iyo wasaaraddaba.


43

Waxa kale oo qabsoomida tababarkan qayb-laaxadle ka qaatay Xoghayaha guud ee X.C.F ee Somaliland Mudane Maxamed Xasan Nageeye (Baney) isagoo isku dubariday qabsoomida tababarkan soconayey mudada shanta cisho ah. Afar cisho kadib markii khabiirkii gudbinayey aqoontu ka qaaday imtixaan toos ah iyo mid dadbanba garsoorayaashii ka faa,ideystay tababarka, waxa la siiyey garsoorayaashii shahaadooyin,Ugu horey waxa ka hadlay goobtii xidhitaan Siciid mire isagoo bogaadiyey sida uu xidhiidhku diyaar ugu yahay in uu tayada iyo aqoonta garsoorka kor u qaado, isla markaana kula dardaarmay in aqoontan garsoorku dabaqaan.
Waxa kale oo ka hadlay Gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland isagoo ku dheeraaday ahmiyada iyo qiimaha tababakani uu u leeyahay xidhiidhka iyo garsoorkaba. Ugu dambayntii waxa soo xidhay tababarkan agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Mudane Mohamed cabdilahi Khaawi, Mr Khaawi waxa uu kula dardaarmay garsoorka in ay aqoonta uuga faa,ideeyaan intii aan nasiibka u leeyan isla markaana gaarsoorayaasha u sheegay in ay wasaaraddu diyaar u tahay dhiirigalinta garsoorka.

44
18. Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Caasimada Hargeysa.
(14, 07—, 08, 2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa shirkada Astaan Tv ayaa waxay qabteen tartan kubada cagta ah oo ay ku loolamayaan sideeda degmo ee caasimada Somaliland ee Hargeysa kuwaas oo kala ah degmooyinka Axmed Dhagax, Ibraahim Koodbuur, 26ka Juun, Maxamuud Haybe, Gacan Libaax,
Maxamed Mooge, Macalin Haaruun iyo 31ka May. Furitaanka tartanka ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiinta xukuumadda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed ( Boos), Badhasaabka gobolka, maayarka caasimada Hargeysa, Agaasimaha Guud ee WDHC ,Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Xidhiidhka Kubada Cagta iyo Isuduwaha gobolka ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa furitaankii tartanka ka sheegay inay arintani bilaw ay u tahay tartanka degmooyinka oo sanad kasta la qorsheeyay inuu dalka ka qabsoomo, waxa kale oo uu xusay inay qayb libaax ka qaadanayso is dhexgalka dhallinyarada iyo inay ka mashquulaan ama ka hadhaan balwadaha dhallinyarada dishooday ee uu qaadku ugu horeeyo. Mudane


45


Boos ayaa waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay in dadwaynaha ku dhaqan xaafada garoonku ku yaalo ee Axmed Dhagax ay ilaaliyaan anshaxa iyo nabadgelyada isla markaana soo dhaweeyaan taageerayaasha degmooyinka kale ee martida u ah degmada Axmed Dhagax.
Tartanku mudadii uu socda dadwaynaha ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee nasiibka u yeelan waayay inay garoonka Hargeysa Stadium joogaan ayaa waxay ka daawanayeen si toos ah Astaan Tv oo iyadu baahinaysay dhamaan ciyaaraha, arintan ayaa waxay xiiso gelisay dhamaan dadka dunida dacaladeeda ku nool ee reer Somaliland ee xiiseeya ciyaaraha dalka iyaga oo baraha bulshada soo dhigayay taageeradooda iyo faalooyin ay kaga waramayaan tartankaasi qiimihiisa, sidoo kale waxay arintani dhiirigelin u noqotay ciyaartoygii iyaguna u ciyaarayay degmooyinka kala duwan ee caasimada Hargeysa kuwaas oo magacooda iyo muuqooduba ku dhex wareegayay bulshada ciyaarahaasi sida tooska ah ula socotay, waxa iyaduna soo jiidatay dhamaan daawadayaashii ciyaarahayaasi ee kala socday TVga inay baahintu ahayd mid la heer ah baahinaha ciyaaraha ee dunida sida sida soo celinta (replay) iyo kamaradaha ka tusaya daawadayaasha dhinacyo kala duwan oo aad ugu dhaw taas oo

46
wax wayn ka tartay in la ogaado khaladaadka ciyaarta gudaheeda dhacay.
Gabagabadii tartanka waxay ay guushu raacday ciyaartoyga degmada Axmed Dhagax oo ay ciyaartii kama dambaysta ahayd ay isugu yimaadeen ciyaartoyga degmada Ibraahim Koodbuur, iyada oo natiijadii ciyaartaasi ku dhamaatay 2:1.
Xidhitaankii tartanka ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka, Badhasaabka Gobolka iyo ku xigeenka Badhasaabka gobolka, maayarka caasimada Hargeysa, agaasimaha guud ee WDHC, waxaana abaal marin la gudoonsiiyay kooxihii iyo ciyaartoygii ku guulaystay abaalmarinada.

19. Wafdi ka Socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dawlada Deegaanka Ethiopia oo Dalka Yimid




47
Wasiirka dhalinyaradda & ciyaaraha jsl ayaa soo dhaweeyay wafdi ka socday dawlad deegaanka somalida itoobiya oo uu hogaaminaayo wasiirka ku-xigeenka ciyaaraha Mudane axmed xasan cilm. Kulankan ayaa daaranaa sidii loo horumarin lahaa Xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada wasaaradood. Wasiirka ciyaaraha mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey inuu marwalba garabtaagan yihiin Wada shaqaynta Wacan ee ka dhaxeeya dawlad deegaanka somalida itoobiya.. Dhinaca kalena wasiirka ku xigeenka dawlad deegaanka somalida itoobiya mudane axmed xasan cilmi oo hogaaminaayey waftigaasi ayaa isna ka dhawaajiyey inay horumar ballaadhan ka samayn doonaan ciyaaraha kala duwan ee dalku ubaahan yahay..
Wefdiga oo mudo laba cisho ah joogay caasimada dalka ee Hargeysa ayaa kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee maamulka ciyaaraha dalka sida waaxaha kala duwan ee wasaaradda iyo xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha, waxa kale oo ay mudadii ay ku sugnaayeen dalka soo booqdeen garoomada waawayn ee qaybaha kala duwan ee ciyaaraha.
20. Tababar ku Saabsan Wacyigelinta Cudurada Faafa oo loo Qaybtay qaar ka mid ah Dhallinyarada Gobolada Dalka
(07,07,--12,08,2019)- 2019Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo kaashanaysa hay`adda UNFPA ayaa waxay ka qabteen tababar ku saabsan wacyigelinta cudurada faafa caasimadaha lixda gobol ee waawayn ee kala ah Hargeysa, Burco, Boorama, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Berbera, tababrka ayaa loo
48


qabtay qaar ka mid ah dhallinyarda ee dhaqan caasimadahaasi kuwaas oo loo sharaxay arimaha keena in dhallinyaradu ay ku dhacdo gogol xumaana (sino) oo ay ugu horeeyaan balwadaha kala duwan ee maandooriyayaasha ah sida khamriga, xashiishada iyo waliba qaadka oo isaguna kaalin wayn ka qaata in dhallinyaradu ku kacdo gogol xumaan ah. Waxa kale oo si wayn laysula qaadaa dhigay arimaha ka iman kara gogol xumaana (sino) oo uu ugu horeeyo cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS iyo waliba cuduro kale oo iyaguna ku faafa galmada, kuwaas oo dhamaantood keenaya in xoogii dalka ee la filayay in waxtarkooda la helo mustaqbalka ay halkaasi ku wiiqmaan

21. Xuska Maalinta Dhallinyarada Aduunka
(14, 08,2019)- Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo kaashanaysa hay`addaha wadaniga ah ee HAVOYOCO iyo SONYO iyo kuwa caalamiga ah ee OXFAM, UNFPA iyo SAVE THE CHILDREN ayaa waxay qabteen xuska maalinta dhallinyarada aduunka oo ku beegnayd 12, August, 2019. Xuskan oo sanad walba laga xuso dhamaan daafaha dunida oo Somaliland na ay ku jirto ayaa waxa lagu soo bandhigay dhallinyaro hal abuur ah oo naftooda iyo dhallinyaro kaleba u sameeyay shaqo abuur, kuwaas oo ka jeediyay hadalo ay ku sharaxayeen sidii ay guushaasi ku gaadheen.


49

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo furay munaasibadaai ayaa sheegay inay dhallinyaradu yihiin lafdhabarta dal waliba leeyahay isaga oo sheegay inay xukuumadani xooga saartay sidii dhallinyarada wax la taaban karo loogu qaban lahaa waxaanu tusaale u soo qaatay barnaamijka shaqo qaran oo uu sheegay inuu faa`iido wayn soo kordhiyay. Waxa isaguna ka hadlay munaasibadaasi wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo sheegay inay xukuumad ahaan ka go`an tahay inay wax ka qabtaan baahiyaha dhallinyarada walow ay jirto inay xadidan tahay dhaqaalaha aynu hayno, waxa kale oo uu xusay in dhallinyarada looga baahan yahay inay la yimaadaan fikrado hal abuur ganacsi taas oo wax wayn ka tari karta shaqo la`aanta, maadaama aanay dhallinyarada jaamacadaha ka baxaysa aanay ku filnayn xafiisyada dawlada iyo kuwa shirkadaha iyo hay`addahaba.
Waxa isaguna ka hadlay Cabdillaahi Xasan oo ahaa agaasimaha HAVOYOCO ee Somaliland kaas oo sheegay inay hay`addaha wadaniga ah oo kaashanaya hay`addaha caalamiga ah iyo dalalka horumaray ee inagala shaqeeya horumarku inay wax la taaban karo ka qabteen shaqo abuurka dhallinyarada oo ah dhibaatada hooyada u ah dhibaatooyinka haysta dhallinyarada aduunka gaar ahaana kuwa Somaliland, waxaanu sheegay inay xooga saareen sidii dhallinyarada looga dhisi lahaa xirfadaha taas oo suurto gelinaysa inuu sida ugu dhakhsaha badan u shaqo tago.
50
22. Xadhig ka Jarida Rooga iyo Dhismaha Garoonka Alamsay Stadium Burco

Madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xadhiga ka jaray garoonka kubada cagta iyo ciyaaraha fudud ee Halamsay stadium ee magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Garoonkan oo lagu sameeyay dib u habayn casriya oo ah in la dhigay rooga casriga ah ee cagaaran (artificial grass) iyo dayactir lagu sameeyay garoonka gidaaradiisa iyo kaabadaha oo roobab ay dumiyeen sanadkii 2018 ayaa waxa maalgeliyay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi taas oo qayb ka ahayd balanqaadkiisii wakhtigii ololaha doorashada oo uu ku balan qaaday in hadii uu talada dalka ku guulaysto uu wax ka qaban doono arimaha dhallinyarada iyo ciyaaraha isaga oo sii ambaqaadi doona halka ay soo gaadhsiisay xukuumadii ka horaysay ee Xisbiga Kulmiye ee uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).



51
Arintan ayaa waxay qayb wayn ka qaadanaysaa kor u qaadida tayada ciyaaraha dalka gaar ahaan gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco, waxaanay ku dhiirigelinaysaa dhallinyaradu inay kaga maararoobaan dhinaca ciyaaraha arimaha aadka u naafeeyay ee ay ka midka yihiin balwadaha sida qaadka iyo xanuunada ku faafa galmada ee dilaaga ah.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka fulisay tartanka kooxaha heerka koowaad magaalada Ceerigaabo kooxaha tartanka ka qayb galay ayaa waxay yihiin laba iyo toban kooxood iyaga oo u qabsan afar qaybood (groups) iyada oo qayb walba ay ku wada jiraan sadex kooxood ayaa waxa ka soo baxaya laba kooxood ee ugu dhibcaha badan marka ay wada ciyaaraan kooxaha ku wada jira qayb waliba, waxaanay u qabsan yihiin sidan
52
Group A Group B Group C Group D 1. Gaashaan 1. Muunays 1. ZamZam Group 1. Goodir 2. SBI 2. Surdu Stationary 2. Alif Jet 2. Golis University 3. Ajax 3. Unigas 3. Tuurta 3. Beder Hotel


Furitaanka tartanka ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo uu ugu horeeyo agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, Isuduwaha gobolka Cabdi Ismaaciil Guuleed iyo masuuliyiinta Xidhiidhka Kubada Cagta oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha garsoorka kubada cagta Somaliland Khadar Xuseen Jaamac ( Khadar Jiilaal). Agaasimaha waaxda ayaa oo ka hadlay munaasibadii furitaanka tartanka ka waramay ujeedada tartanka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu inay tahay maamul daadejin dhinaca tartamada ah oo ay wasaaradu ka bilawday dhamaan gobolada dalka iyada oo loogu horeysiiyay gobolada bariga oo laga bilaabay markii ugu horaysay magaalada ceerigaabo, taas oo qayb ka ah dadaalka ay wasaaradu ugu jirto inay gaadhsiiso dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka tartamo ciyaareed oo tayo leh, waxaanu kula dartaamay dhamaan ciyaartoyga kooxaha


53
ka qayb galaya tartanka iyo dadwaynaha daawanayaba inay nabadgelyada ilaaliyaan isla markaana ka ilaaliyaan gobolka sumcad xumada ay keeni karto rabshado ka dhaca ciyaarahan.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay isuduwaha gobolka oo uga mahadnaqay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha inay ahmiyada siiyeen in gobolada ay soo gaadhsiiyaan tartamo ay iyagu maalgeliyeen iyada oo weliba gobolkii koowaad uu noqday gobolka Sanaag magaalo madaxdiisa Ceerigaabo, waxaanu balanqaaday inay maamul ahaan iyo ciyaartoy ahaanba ku dedaali doonaan sidii talaabo looga qaadi lahaa cid kasta oo isku dayda inay carqalad geliso qabsoomida tartankan, isaga oo sheegay inay la tiigsan doonaan sharciga.
24. Tartanka Orodada 5 KM ee Magaalada Ceerigaabo
(24, 08, 2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud iyo waliba HCTV ayaa waxay tartan 5 km ka hirgaliyeen gobolka Sanaag.Tartanka waxa loogu magacdarey Tartanka Nabada iyo is dhex-galka dhalinyarada gobolada sanaag, tartankan waxa ka qeyb-galay 100 orodyahan iyadoo abaal-marin la gudoon siiyey 10 orodyahan ee kaalmaha hore ka galay tartankan loogu magic-darey tartanka nabada iyo is dhexgalka dhalinyarada. Uugu horeyn waxa tartankan ahmiyadiisa ka hadlay Mudane Mustafe Cabdirahman
54
Xadi (Diyaaro) oo ah Gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland isagoo hoosta ka xariiqey in ay dhalinyaradda reer sanaag nasiib u heleen ceerigaab oo highland oo la mid ah Ethiopia. Sidaa awgeed waxa uu kula dardaarmey dhalintii ka qeyb-galaysay tartanka in ay dadaal la miyaadaan xidhiidhka iyo wasaaraduna taageero la garab istaagi doonaan. Sidoo kalena u mahad-celiyey HCTV oo runtii taariikhdu xusidoonta waayo waa TV diyaar u ah in uu taageero la garab istaago dhalinyarada dalkeeena.
Waxa kale oo halka qaatay Iskuduwaha Wasaarada Dhalinyaradda Iyo ciyaaraha ee Gobolka Sanaag waxa uuna tilmaamay in wasaarada iyo xidhiidhkuba diyaar u yihiin dhiirigalinta dhalinyaradda. Ugu dambayntii waxa halka so oaf-meerey Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha EeWDH&CMudane Maxamed Nuur Jibriil isagoo uugu horeyn u mhad-celiyey HCTV, gudoomiyaha gobolka sanaag, Maayirka gobolka, Ciidamada , Bisha cas, Iskuduwaha gobolka. Orodyahanadii ka qeyngalay tartanka gaar ahaan 10 orodyahan ee kaalmaha hore ku guuleysatay.Mudane maxamed waxa uu dhalinta ku dhiirigaliyey in ay ka fogaadaan qabyaalada iyo wax-kasta oo wax u dhimaya nabada iyo wada noolaanshaha dhalinta ku dhaqan gobolka sanaag.



55
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland ayaa ka qabatay tartanka kubada cagta kooxaha heerka koowaad ee Laascaanood, tartanka ayaa waxa ka qayb loolamaya lix iyo toban (16) kooxood oo ah kooxaha heerka koowaad ee magaalada Laascaanood waxaanay u qaybsan yihiin afar qaybood (groups) iyada oo qayb waliba soo wada ciyaarayaan ayaa waxaa ka soo bixi doona qayb walba labada kooxood ee ugu sareeya waxaanay kala yihiin sidan:-
Group A. Group B Group C Group D 1.Tog Sool 1. Gaashaan 1. Bari iyo Galbeed 1. Gol Khaatumo 2.Nugaal 2. Daraawiish 2. Bisha Cas 2. City Star 3.Hot Boys 3. BSD 3. Ilays 3. W/ Maaliyada 4.Goodir 4. Dabka 4. D/Hoose 4. Jabuutaawi group
Tartankan ayaa ah kii ugu horeeyay ee tan iyo intii dayactirka casiga ah lagu sameeyay garoonka kubada cagta ee Cabdi Bile magaalada Laascaanood ee ay ku ciyaaraan kooxaha heerka koowaad ee magaaladaasi, waxaanu noqday mid aad u xiiso badan iyada oo marka laga yimaado garoonka cagaaran ee lagu ciyaarayo ay wehelinaysay in ciyaar kasta oo tartanka ka mid ah si toos ah looga baahinayay warbaahinta qaarkood sida baraha bulshada iyo TVga caalamiga ah ee Horn Cable TV oo isagu gacan ka gaystay sidii tartankan looga daawan lahaa dunida dacaladeeda oo ah dalka gudihiisa iyo dibadiisa, arintan ayaa ku beertay ciyaartoyga inay dareemaan dhiirigelin aad u saraysa, waxa kale oo gacan ka gaystay shirkada Telesom oo ku deeqday internetka lagu baahinayo ciyaarahaasi mudada uu tartanku socdo. Tartanka ayaa la filayaa inuu dhamaado bilawga bisha November.


56




57
26. Kulan Ku Saabsan Isku Xidhka Daneeyayaasha Arimaha Dhallinyarada oo ka Qabsoomay Magaalada Hargeysa
(30, 09, 2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa hay`adda UNFPA ayaa waxay qabteen kulan ku saabsan isku xidhka daneeyayaasha arimaha dhallinyarada (Youth Sector Coordination Meeting), kulankan oo ay ka soo qayb galeen hay`addaha dawlada ee ay khusayso arimaha dhallinyarada, hay`addaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, hay`addaha qaramada midoobay (UN organizations) iyo shirkadaha ganacsiga ee waawayn ayaa ujeedadiisu waxay ahayd sidii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ula wadaagi lahayd dhamaan daneeyayaasha siyaasadda dhallinyarada ee Somaliland (Somaliland National Youth Policy) iyo qorshaha qaranka labaad qaybtiisa dhallinyarada oo dhawaan loo sameeyay mudnaanta inta leh (prioritization of National Development Plan II Youth Sector) iyo sidoo kale inay

58

jeediyaan ama sharaxaan hay`ad waliba wixii ay ka qabatay mashaariicda dhallinyarada ee ay ka shaqeeyaan. Ugu horayn kulanka waxa ka hadlay agaasimaha waaxda dhallinyarada Mr. Maxamed Xasan Cabdi oo uga mahadceliyay ka qayb galayaasha inay soo ajiibeen yeedhitaankii loo yeedhay sidoo kalena sharaxay ujeedada kulanka.
Waxa isaguna furay kulanka agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mr. Maxamed Cabdillaahi Siciid oo sheegay in kulanka ujeedadiisu tahay inay Wasaarada ahaan ogaadaan waxyaabihii ka qabsoomay qorshaha qaranka ee labaad qaybtiisa dhallinyarada (National Development Plan II for Youth Sector) ee ay fuliyeen daneeyayaasha arimaha dhallinyarada haday yihiin hay`addaha qaramada midoobay, hay`adaha caalamiga ah, hay`addaha wadaniga ah iyo shirkadaha ganacsiga. Sidoo kale in la ogaado mashaariicda hal goob laga wada fuliyay si looga fuliyo mashaariicda gobolada dalka si isu dheeli tiran.
Waxa iyaguna goobta ka jeediyay mashaariicdii ay ka qabteen dalka ee khuseeyay arimha dhallinyarada si toos ah iyo si dadbanba dhamaan hay`addihii ka soo qayb galay kulankaasi oo kala ahaa UNFPA, UNICEF, IOM, Save the Children, OXFAM, SPARK, World Vision, Care International, The Girl Generation, Mercy Corps iyo sidoo kale hay`addaha wadaniga ah ee SONYO, HAVOYOCO, SHAQODOON IYO YPEER

