
2 minute read
10. Kulan Lagu Ansixinayo Qorshaha Istaraatijiyada Qaybta Dhallinyarada ee
27
10. Kulan Lagu Ansixinayo Qorshaha Istaraatijiyada Qaybta Dhallinyarada ee Qorshaha Qaranka Labaad oo ka Qabsoomay Magaalada Hargeysa
Advertisement

(14, 03, 2019)- Kulan lagu ansixinayo qorshaha istraraatijiyada qaybta dhallinyarada ee qorshaha qaranka labaad (Youth Sector Strategy Plan for NDP II) ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay daneeyayaasha arimaha dhallinyarada oo ka koobnaa wasaaraddaha iyo hay`addaha dawlada ee ay khusayso arimaha dhallinyarada, ururada bulshada ee ka shaqeeya arimaha dhallinyarada, hayaddaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah iyo ganacsatada shirkadaha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Cabdikariim Xuseen Siciid oo furay kulankan ayaa sheegay muhiimada ay qaranka ugu fadhido
28
istaraatijiyadu maadaama ay ka hadlayso sida ugu sahlan oo loo fulinayo qorshaha qaranka labaad qaybtiisa dhallinyarada oo sheegaysa in wax badan laga qabto baahiyaha ku gedaaman ee dhallinyarada ee ay ka mid tahay shaqo abuurka, ka fogaanshaha balwadaha, joojinta tahriibta iyo ka hortaga cudurada faafa ee galmada ku yimaada iyo arimo kale oo muhiim u ah dhallinyarada.
Agaasimaha dallada SONYO Cumar Cismaan Miigane oo ka hadlay munaasibada ayaa sheegay inay dareemayaan sida ay uga go`an tahay wasaaradda iyo xukuumadaba wax ka qabashada baahiyaha tirada badan ee ku gedaaman dhallinyarda taas oo ku imanaysa fulinteedu inay wada jir uga shaqeeyaan xukuumada gaar ahaan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, hay`addaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah iyo ganacsatada shirkadaha waawayn oo iyagu sidii loo baahnaa aan uga shaqayn arimaha dhallinyarada marka laga reebo shirkado ganacsi oo fara ku tiris ah.
Waxa isaguna munaasibada ka hadlay Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta oo sheegay inay aad u soo dhawaynayaa istaraatijiyadan oo ah hanaanka labaad ee qorshaha qaranku marayo, iyada oo ka hore yahay in la sameeyo qorshe qaran oo ka kooban qaybo kala duwan marka xigtana la sameeyo istaraatijiyadii lagu fulinayay qorshahaasi. Waxa kale oo uu amaanay wasaaradda oo uu sheegay inay ka maarantay aqoonyahano dibada ka ah oo loo soo kireeyo samaynta siyaasada balse iyagu isku tashaday taas oo uu xusay inuu arintaasi ku amaanan yahay agaasimaha waaxda qorshaynta iyo xog ururinta ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo xirfad iyo farshaxanimo aad u saraysa ku sameeyay istaraatijiyada.
Istaraatijiyada oo nuxurkeedu yahay sida ugu sahlan oo loo fulinayo qorshaha qaranka ee labaad NDP II qaybtiisa dhallinyarada ee sadex sano 2019-2021 ayaa ka soo qayb galayaashu ku gorfeeyeen arimaha lagu dari karo ama laga reebo karo qabyo qoraalka istaraatijiyada oo ay soo diyaariyeen waaxda qorshaynta iyo xog ururinta ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha.
