
1 minute read
12. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo Qabtay Tartan
31
12. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo Qabtay Tartan Akadamiyadaha Kubada Cagta
Advertisement
(7—10, 03, 2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo qabanqaabisay tartan kubada cagta ah oo ay ku loolamayeen akadamiyadaha kubada cagta ee ka jira caasimada Hargeysa, tartankan ayaa waxa ka qayb galay afar kooxood oo ka kala tirsan akadamiyadaha kubada cagta ee kala ah akadamiyadaha Ciyaar Same, Horyaalka Hoogan, Dhalaax iyo Libaaxyada, kooxahan ayaa waxay ka koobnaayeen ciyaartoy dadoodu u dhaxayso 14 –17 jir, kuwaas oo ahaa kuwo mudo la barayay habka casriga ah oo loo barto kubada cagta. Tartankan oo ay kooxuhu is wada arkeen ayaa gabagabadii waxa ku guulaystay kooxda akadamiyada ee Ciyaar Same.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo ka hadlay munaasibada gudoonsiinta abaalmarinada tartanka ayaa u mahad celiyay muwaadiniinta ku fekeray inay furan akadamiyadaha lagu barto kubada cagta,

32

taas oo ah fursad way oo aanay fahmin ganacsatadeenu, waxa kale oo uu xusay wasiirku inay xukuumad ahaan dhiirigelinayaan arintaasi, taas oo qayb ka ah siyaasadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo barnaamijka xisbiga Kulmiye, ugu dambayna waxa uu abaalmarinadii gudoonsiiyay da`yartii ku guulaysatay abaalmarinada.

