1 minute read

11. Orodyahano reer Somaliland ah oo ka Qayb Galay Tartan Orodada ah oo

29

Advertisement

11. Orodyahano reer Somaliland ah oo ka Qayb Galay Tartan Orodada ah oo Ka Qabsoomay Dalka Djibouti

(14--17,03,2019)- Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo hogaaminaya wefdi ay ka mid yihiin agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil iyo gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland iyo orodyahano ayaa safar shaqo u tagay dalka Djibouti. orodyahanada Somaliland ah ayaa ka qayb galay tartan orodada ah oo heer caalami ah oo lagu qabtay dalka Djibouti, orodyahanada oo tiradoodu ahayd sadex orodyahan ayaa waxay ka qayb galeen orodada 800m, 3000m iyo 5000m iyaga oo galay kaalmo muhiim ah marka aad u eegto orodyahanada caalamiga ah ee tartankaasi ka qayb galayay oo ahaa kuwo leh waayo aragnimo iyo tababaro aad u sareeya oo ay ku soo qaateen dalalka dhulkoodu sareeyo.

30

Orodyahan Khaalid Xuseen Yuusuf oo ordayay orodka 800m ayaa galay kaalinta sideedaad isaga oo ku orday 2 minit iyo 16 sec, sidoo kale Xamse Macalin Bade oo ka qayb galay tartanka orodka 3000m ayaa galay sagaalaad isaga oo ku orday 8 minit iyo 49 sec, halka Cismaan Cilmi Sheer oo ka qayb galay orodka 5000m uu muruq booday markuu orodku in yar socday kaas oo dhamaysan kari waayay orodkaais, taas oo muujinaysa in mustaqbalkoodu wanaagsan yahay maadaama orodyahano waawayn oo ka socday dunida gaar ahaan dalalka geeska Afrika oo caan ku ah orodada sida Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Tansaaniya ay tartanka ka qayb galeen tartanka.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa mudadii uu joogay dalka Djibouti la kulmay masuuliyiinta dalkaasi ee ciyaaraha,

This article is from: