1 minute read

1. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Borama

8

1. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Borama

Advertisement

( 03, 01—01, 02, 2019) - Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaya shirkada socdaalka ee Bariga iyo Galbeedka ayaa waxay tartan kubada cagta ah ku qabteen magaalada Borama, tartanka ayaa waxa ka qayb galay 12 kooxood oo ka dhisan magaaladaasi. Arintan ayaa waxay ka mid tahay dadaal ay wasaaraddu ugu jirto inay caasimadaha gobolada dalka gaadhsiiso tartamo ciyaareed oo ka qabsooma kuwaas oo joogto noqonaya.

Munaasibadii gabagabada tartanka ayaa waxa ka hadlay masuuliyiinta wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somalailand mudaneyuususf mire maxamed (boos) oo ka sheekeeyey ahmiyada uu koobkani u lahaa dhalinyarada gobolka awdal waxa uu sidoo kale ka hadlay mudadii uu socday koobkaasi.

Waxaana hadaladii wasiirka ka mida “koobkaasi mudo sodon cisho ah buu socdaywaanu soo xidhmaysiyaasad ahaana siyaasada dawlada uu hogaamiyomadaxweeyne muuse biixi cabdiiyo wasaarada ciyaarahuba waxa ka go’an dhiirigelinta ciyaaraha,manta waad arkaysaan inta kooxood ee ka qaybgashay”sidoo kale waxa uu wasiirku u

9

mahadceliyey dhamaan TVyada sida LIVEka ah usoo gudbinayey ciyaaraha gobolka awdal ka socday oo dhamaan daafaha dunida laga daawanayey si toos ah. Sidoo kale waxa isna ka qayb galay wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland waxaana

ku wehelinayey wasiirka socdaalkan masuuliyiinta shirkada socdaalka bari iyo galbeed iyo xidhiidhka kubada cagta Somaliland iyadoo ay aad ugu mahadnaqeen ciyaarihii ka socday gobolka awdal.

Xubin ka tirsan xidhiidhka kubada cagta Somaliland oo isna goobta ka hadlay ayaa si balaadhan uguga mahadceliyey dadweynaha reer boorame ee sida laxaadka leh ee nabadu ku dheehan tahay uga qaybqaatay tartanka boorame ka socday mudada bisha ah.

Xubin ku hadlaysay afka shirkadaha ka qayb galay ayaa soo dhaweysay sida quruxda leh ee loo agaasimay koobkan una mahadnaqay abaabulayaasha koobkan iyo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahaba. Masuuliyiinta TVga caalamiga ah ee horn cable tv ayaa iyaguna goobta ka sheegay isda ay uga go’an tahay taageerida dhalinyarada reer Somaliland dhan walba .

This article is from: