2 minute read

9. Xidhiidhka Kubada Cagta Aduunka ee Dalalka aan la

24

9. Xidhiidhka Kubada Cagta Aduunka ee Dalalka aan la Aqoonsanayn (Confederation of Independence Football Association) oo Somaliland u Yimid Suurto Galnimada ku Qabashada Tartanka 2020 ee Dalalka aan la Aqoonsanayn

Advertisement

(08,--11,03,2019)- Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubada Cagta ee dalalka aan la aqoonsanayn CONIFA Mr. Soscha Duerkop iyo sarkaal sare oo wehelinayay kana tirsan maamulka Conifa Mr. Paul C. Watson ayaa socdaal shaqo ku yimid dalka Somaliland, ujeedada socdaalkooda ayaa wuxuu ahaa inay u kuur galaan suurto galnimada in Somaliland lagu qabto tartanka kubada cagta ee dalalka aan la aqoonsanay ee 2020, iyaga oo eegaya dhinacyada garoomada, hudheelada martigelinta, adeega caafimaad iyo shirkadaha caymiska ee dalka ka dhisan. Wefdiga ayaa mudadii ay dalka joogeen

25

waxay la kulmeen masuuliyiinta dhinaca ciyaaraha oo ay ugu horeeyaan masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiinta Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland, iyaga oo ka wada hadlay qaabka uu tartanku u qabsoomayo iyo sidoo kale dhamaan waxyaabaha looga baahan yahay Somaliland ee ku saabsan qabsoomida tartankaasi, masuuliyiinta Somaliland ee dhinaca ciyaaraha ayaa iyaguna uga waramay xaalada ciyaaraha dalka iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxaanay sidoo kale u sheegeen inay Somaliland leedahay dhamaan waxyaabaha looga baahan yahay dal la aqoonsan yahay iyo in Somaliland ku naalooto nabadgelyo taam ah. Wafdiga Conifa oo ay wehelinayaan masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland ayaa socdaal indho indhayn ah ku tagay garoomada kubada cagta ee magaalooyinka qaarkood sida garoonka kubada cagta ee Hargeysa stadium, garoonka Xaaji Daahir ee Borama, garoonka Mo. Farah ee Gabilay, garoonka Cabdale ee Berbera iyo garoonka Halamsay stadium ee Burco, goobahan ayaa waxa ku soo dhaweeyay maayarada magaalooyinka iyo masuuliyiinta Wasaarada ee heer gobol oo war bixin ka siiyay garoomadan iyo xaaladooda iyada oo ay wafdiga ka socday Conifa ay si qoto dheer ugu kuur galeen garoomada kubada cagta ee magaalooyinkaa, dhakhtarada, cisbitaalada iyo shirkadaha caymiska.

26

Arinta ayaa waxa ka soo shaqeeyay muwaadiniin reer Somaliland ah oo degan dalka UK, kuwaas oo hore u suurto galiyay in Somaliland ka qayb gasho tartanka kubada cagta ee dalalka aan la aqoonsanayn 2016 oo ka qabsoomay dalka Ubkhasiya. Wefdiga ka socday Conifa ayaa ku qancay inay Somaliland marti gelin karto tartanka kubada cagta ee dalalka aan la aqoonsanayn ee 2020, waxaanay ku taliyeen in garoomada qaarkood loo sameeyo qolalka lebiska oo ka dhiman mudada ka hadhay tartanka taas oo suurto gal ay tahay in la fuliyo.

This article is from: