1 minute read

Hordhac

4

Hordhac

Advertisement

Buugan waxa soo saaray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, waana buug sawir guud ka muujinaya waxqabadka xukuumada ee ku aadan dhinaca dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Buugani waxa uu ka hadlayaa tartamada ciyaaraha ee qabsoomay kuwaas oo ka qabsoomay caasimadaha kala duwan ee gobolada waawayn, safarada ciyaareed ee dibada ay kaga qayb galeen ciyaartoyga ee qaran ee orodada, chesta iyo juuduuga, sidoo kale waxa uu ka hadlayaa tababarada loo qabtay qaybaha ciyaaraha qaarkood, garoomada la dhigay rooga casriga ah iyo tababaro loo qabtay dhallinyarada oo lagaga wacyi gelinayay cudurada ku faafa galmada, kulamo loo qabtay iskuxidhka daneeyayaasha arimaha dhallinyarada. Ansixinta istiraatijiyada qorshaha qaybta dhallinyarada ee qorshaha qaranka ee labaad (validation workshop for the Youth Sector Strategic Plan for National Development Plan II) iyo wufuud heer sare ah oo timid dalka.

Buugan waxa diyaariyay isla markaana isku dubariday, tafatirayna Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Xog Ururinta Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, waxa kale oo gacan ka gaysatay ku xigeenka Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Xog ururinta Najwa Cismaan Cabdi.

This article is from: