1 minute read

2. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Berbera

10

Advertisement

2. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Berbera

Waxa soo gabogaboobay tartankii kooxaha heerka kowad ee gobolka saaxil waxana kulankii finalka isku arkay kooxaha kala ah kooxda ku ciyaarta magaca shirkada maamusha dekeda berbera ee Dp world iyo kooxda ku ciyaarta magaca wakalada biyaha ee degamada sheekh ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u adag oo ay labada kooxod is mariwaayeen waxanay natijaadi ciyaartu ku soo uruurtay 0-0 waxana loo dhigayaa rikoodhayaal waxa 3-2 Ku badisay kooxda Dp world berbera sidaana ku hanatay horyaalkii kooxaha heerka koowaad.

Tartankii kooxaha heerka kowad ee gobolka saaxil waxa ka qayb galay 12 kooxood oo heerka kowaad ah 2 kooxod waxay ahayeen degmada sheekh 10 kooxod ee kale ahaayeen degmada berbera wana sidan kooxuhu: 1. Ciidanka Policeka 2. Ciidanka Asluubta 3. Ciidanka Ilaalada Xeebta 4. Dekeda Berbera 5. Hamaha Kaydka Shidaalka Berbera 6. Wakalada Biyaha Berbera 7. Gacal Store 8. Wasarada Maliyada 9. Dawlada Hoose Berbera 10. Yovenco 11. Waxbarashada Sheekh 12. Wakalada Biyaha Sheekh

This article is from: