1 minute read

6. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Burco

15

Advertisement

6. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Burco

Isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka togdheer mudsne kayse yuusuf cilmi ayaa si rasmi ah uga furay garoonka bayle ee magaalada burco wareeg ka kooban 12 kooxood oo heerka sero C da ah.

16

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka togdheer mudsne kayse yuusuf cilmioo ku dheeraaday horumarka ciyaaraha ee ka hanaqaaday gobolka togdheer mudada uu hayey xilka isu-duwanimo ,isagoo dhalinyaradii halkaasii ku sugnaydna u balanqaaday inuu marwalba la barbartaagan yahay dhiirigelinta nooc oo kale ah Isu duwaha ayaa sidoo kale sheegay inay waqti dhaw ka furi doono wareegyo kale garoomada kale ee magaalada burco.

Siuduwaha ayaa ka sheegay inayna u kala soocnayn dhmaan kooxaha gobolka togdheer haday tahay sero A,B,C imikana ahmiyada la siinayo dhalinta da’da yar oo tartankii u horeeyey loo qabanayo Isuduwaha yaa ka sheekeeyey faaiidada ay ciyaaraha u leeyihiin da’yarta oo ay noqonayaan ciyaaraha geed ay gabaad kaga dhigtaan balwadaha , mukhaadaraadka iyo falalka gangs ah ee lagu dhacayo hantida bulshada . Ugu dambayn mudane kayse wuxuu mahad celin balaadhan usoo jeediyey wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somalailand iyo agaasimaha wasaaradasi

This article is from: