
1 minute read
5. Tartanka Orodka Somaliland Maraton oo ay ka qaybgaleen Ajanabi iyo

13
Advertisement
ciyaaraha judoga kaasi oo ahaa tartan lagu gudoonsiiyey biladdo xidhiidhka judoga oo tartanka kagalay kaalmaha ugu sareeya qaatayna bilado.
5. Tartanka Orodka Somaliland Maraton oo ay ka qaybgaleen Ajanabi iyo muwaadiniin oo lagu qabtay Hargeysa
( 08, 02, 2019)- Magaaladda Hargeysa ayaa maanta lagu qabtay tartanka orodka oo ay ka qaybgaleen muwaadiniin iyo dad ajanabi ah oo ka kala yimid dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo dalal kale oo Yurub ah.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ayaa ka qaybgallay tartanka, waxaanu bogaadiyey dhalinyaradii ku guulaystay tartanka, waxaana kaalinta kowaad gallay Cismaan Cali Sheekh oo ku ordayey 42KM, Xamse Beder ayaa isna kaalinta kowaad u gallay tobanka KM, halka Hanna Mukhtaar Cabdilaahi ay kaalinta kowaad u gashay tobanka KM ee dhanka haweenka ah.
14


Tartanka waxa uu kuwii hore kaga duwanaa waxa ka qaybgallay haween iskugu jiray muwaadiniin iyo Ajanabi, kuwaas oo ku ordayey orodka tobanka Killomitir.


Wasiirka Dhalinyaraddda iyo Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in tar-tankani yahay kii ugu horeeyay ee Somaliland lagu qabto, waxaanu bogaadiyay dhalinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici oo soo xidhay xidhay tar-tankaasi ayaa isna si weyn u hambalyeeyay dhalinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tartankaasi, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in tartankani sumcad ballaadhan usoo jiiday Somaliland. Ugu dambeyntii waxa abaalmarino iyo shahaadooyin la gudoonsiiyey dhallinyaradii ku ordayey magaca Somaliland ee guulaystay
