
1 minute read
Salah oo dalkii ku laabtay
SALAH: “Guryo ku noqoshadeeydii Soomaaliya waxay aheeyd mid farxad iyo murugo aay labadaba hareeyeen”.
Salah Abdisamad oo mashruucyo badan kala qeeybgalay urrurka SASCA ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Soomaaliya si halkaa uu uga dhiso urrur lagu caawiyo dadka dhalintyarada ah. Salah oo sidoo kale si dhaw ula shaqeeya jaamacada Manchester Metropolitan University ayaa SASCA News uga warramay waxii uu kala soo kulmay booqashadiisii magaalada xeebeedka Soomaaliyeed ee Kismayo.
Advertisement
“Waxa uu ahaa safar isugu jira farxad iyo murugo maadaama aan ka maqnaa magaalada Kismaayo 27 sano, marna waan faraxsanaa maadaama ay aheeyd fursad aan dib ugu laabanayo magaaladii aan ku dhashay oo aan mudo dheerka maqnaa, marna waxa ay ii aheeyd murugo maadaama magaalada uu burbur xoogan u geeystay dagaalada sokeeye ee aay magaalada soo martay” Sidaa waxa yiri Saalax.
Mr. Saalax ayaa waxa uu sidoo kale uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal hada kasoo baxayo dagaal sokeeye oo mudo dheer qaatay wax kastana ay burbureen oo aay tahay in dib loo soo uskumo.
Mr. Saalax ayaa waxa uu ku waramay in ka dib markii uu kuur galay xaaladaha ka jira magaalada iyo markii uu xog wareeystay dadka degaanka ah aay u soo baxday in loo baahan yahay in wax weeyn laga qabto, arrimaha caafimaadka, waxbarashada, dhalinyarada iyo kor u qaadida garaadka dadka si burburkii dalka soo maray looga kabsado.
Intii uu joogay Kismaayo ayaa waxaa
Mr. Saalax waxaa uu suurtagashay inay hirgeliyaan asiga iyo saaxiibadiisa ku nool magaalada Manchester koox kubada cagta ah si dhalinyarada loogu mashquuliyo cayaaraha lagana badbaadiyo in si qaldan loo adeegsado. Mr Saalax aya waxa kale oo uu magaalada Kismayo ka abaabulay macalimiin si mutadawacnimo uga hoowgala magaalada Kismaayo.
Waxaa kale oo buuqashafii Saalax uu ku tagay magaalada Kismayo u ahayd fursad ay ku wareystaan asxaabtiisi hore oo hada ku jira maamulka ka dhisan
Jubbaland kuwaaso ku booriyay in dadka qurbajoogta ahi looga baahanyahay in dalka dib u dhiskiisa gacan ka geeystaan una sheegay Saalax in ay soo dhaweeynayaan oo kale kaalmada ka imaaneeysa deeq bixiyayaasha caalamiga ah.
Booqashadii Saalax iyo waxii uu kala soo kulmay Kismaayo waxa aay ku dhiiri gelisay dadka goboladda ka soo jeeda in ay sameeyaan urrur lagu magacaabo HornEmpower kaas oo ay taageerayaan dadyoow badan oo Soomaali ah oo ku kala nool Ingiriiska, Kenya iyo Soomaaliya si dadka iyo dalka Soomaaliyeed loo hormariyo. Waxaa haboon ayuu yiri Saalax in dadka la caawiyo inta ay si buuxda uga soo kabanayaan oo aay lugahooda si buuxda ugu istaagayaan.
Naadiga Saaxiibada
URRURKA SASCA waxa uu waayeelka Soomaalida ah ee Manchester u aas aasay naadiga asxaabta, halkaas oo aay ka heli doonaan talooyin caafimaad oo qof qof ah iyo jimicsiyo jidheed. Si loo yareeyo kalinimada ama cidlanimada, isla markaana kor loogu qaado fayo-qabka dadka waayeelka ah.

Kala xirriir: 01612277966 ama info@sasca.org.uk