
2 minute read
Boosta Cusub oo laga furay Moss Side
Sameena Ali oo furta Boostada cusub ee Moss Side
MOSS Side ayaa waxa ay yeelatay Boosta cusub taasoo furan todobaadka oo idil subaxii ilaa fiidkii. Boostadan ayaa waxa xariga ka jaray Sameena
Advertisement
Ali oo ah xubin ka mid ah golaha degaanka ee Manchester lagana soo doorto xaafadan Moss Side.
Mrs Ali aya waxa ay tiri: “Aad baan ugu faraxsanahay in aan si rasmi ah u furo xarunta cusub ee boostada ee aan ugu hambalyeeyo madaxa boostada Mr Maxamed Cabdi shaqada adage ee uu qabtay, kuna dhawaaqo in boostada ay si rasmi ah u furantahy”.
Mrs Ali aya waxaa intaa ay sii raacisay in boostooyinka ay muhiim yihiin dadyoowga ku nool dalkan, waxaana hubaa in boostadan cusub ee laga furay Princess Road ee Moss Side in si aad ah ay u soo dhaweeyndoonaan dadka ku nool degaanka. Boostadan cusub ayaa waxa ay
by Mohamed Wadi
furnaan doontaa 9:00 subaxnimo ilaa 9:00 fiidnimo.
Saacadaha ay furantahay boostadan ayaa waxa ah kuwa aad u dheer si loo hubiyo in macaamiisho ay had iyo goor isticmaali karaan boostadan iyadoo furan xataa xiliyada qadada iyo maalmaha fasaxyada.
Xarunta boostadan cusub ayaa waxaa ku dhextaalaa Internet Caféga Osman Telecom. Waxaa kale oo xaruntan cusub leedahay meelo loogu talagalay dadka isticmaalaya wheelchairada.
Xarunta ayaa waxaa kaloo laga heli karaa qalab loogu talagalay dadka dhagoolayaasha, shaqaalaha ka shaqeeyana waa dad loogu tababary hoowlaha macaamiisha iyo arrimaha la xarriira.
Mr Abdi waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay inoow hirgeliyo xarruntan
Qalib oo lagu casuumay BBC laanta af Soomaaliga
cusub si aadana ugu shaqeeyo macaamiisha iyo dadka degaanka ahba.
“Waxaan rajeynaa in macaamiisheena ay ka heli doonaan xafiiska boostada cusub waxaanan jeclaan ahay inaan u mahadceliyo Sameena Ali oo iyadoo aad u mashquulsan hadana nagu sharaftay inay nagala soo qeeybgasho xafladan furitaanka, waxaan kalo jeclaanlahaa inaad u mahadceliyo dadka degaanka taageeradooda,” ayuu Mr Maxamed.
Richard Hall oo ah agaasimaha boostada guud ayaa waxa uu yiri: “Waanu garawsananahay sida boostada ay muhiim ugu tahay dadka degan Moss Side, waxaanan ku kalsooonahay in boostada aay buuxin doonto baahida dadka degaanka ah hoolwanaagsana ay u qabandoonto.
“Waxaanu wadnaa barnaamij lagu casriyeeyno boostooyinka wadankan, kaaso ah mashruucii ugu weeynaa ee ibid fuliyo taariiqda wadankan,” Ayuu sidaasi sii raaciyo Mr. Richard.
QAALIB Burud markii ugu horeeysay ee uu gacanta ku dhigo daabacadii ugu horeeysay ee jo SASCA News ma uusan fileyn in ay wax ka badali doonto noloshiisa. Laakiin Qalib markii xayeeysiintii lagu soo qoray joornaalka ku saabneeyd deeqda waxbarasho ee aay bixineeysay jaamacada Manchester Metropolitan Uniersity kuna saabsaneeyd Master Degriiga maadada journalismka Qalib waxa uu go’aan saday inuu dalbado. Qalib oo sawirkiiso korka kore ka muuqdo waxa uu ku guuleeystay deeqda waxbarasho (Al-Habeeb Scholarship) taasoo u sahashay in si bilaasha uu ku barto MA in Journalism, ugu danbeeyntiina BBC qeeybteeda af Soomaaliga uu tababar ku qaato muddo 4 todobaad ah isaga si toos ah halkaa idaacada uga tabinayay. Qalib waxa uu ku noolyahay xaafada Hulme waa aabo hal carruura leh. Nasiib wanaag Qalib waxaa laga xushay 500 oo quf oo iyagana doonayay in deeqdaa waxbarasho aay ku guuleeystaan. Qalib ayaa u sheegay SASCA News in uu doonayo kaalmo wanaagsan ka geeysto dib u dhiska dalkiisa hooyo ee Soomaaliya waxana uu yiri, “ habka ugu wanaagsan ee dalkeeyga hooyo dib loogu dhisi karo waxaa weeye iyadoo loo sii marayo warbaahin ku saleeysan dhaxdhaxadnimo iyo eexla’aan.”
Hadaba aqrsitoow hadii aad daneeyneeyso Al-Habeeb Scholarship 2016 waxaad ka dalban kartaa: www2. mmu.ac.uk/hlss/courses/scholarship/ al-habeeb-scholarship.
Waxaanu diyaar u nahay inaan ku caawino
KOOXDA urrurka Somali Community ayaa dadka Soomaaliyeed eek u nool magaalada Manchester iyo nawaaxigeeda ayaa waxa aay diyaay u yihiin inay ka caawiyaan arrimo farabadan qaasatan dumarka iyo dadka da’da ah.
Urrurkani ayaa waxa uu la diyaaryahay waxyaalo badan oo isugu jira sidii ay dadku u heli lahaayeen meelo aay ku kulmaan oo lagu sheekeeysto iyo arrimaha dhaqanka la xariiraba.
Urrurkani waxaa kale oo talooyin kaa siin doonaa arrimaha dhimirka maadaama uu cudurka dhimirku aad ugu badan yahay wadanka taasoo ay ugu wacantahay dadka oo aad uga xishooda una qarsada cudurkan, hadaba aqristoow urrurkani waxa uu diyaar u yahay in uu bulshada, qaasatan umada soomaaliyeed ka caawiyo.
Urrurkan waxaa kale oo uu kaala talin doona sida jirka loo dhiso,cuntada nafaqada leh iyo waxyaalo kale oo badan ee hadaba ha moogaan.