
2 minute read
Waa Waqtigii codadka Soomaaliyeed la maqli lahaa
BISHII lasoo dhaafay ayaa xubno urrurka SASCA ayaa waxa aay ka qeeygaleen siminaaro loogu talagalay in lagu tayeeyo bulshada Soomaalida ee wadankan UK dhidibadana loogu aas aaso barnaamij loogu magic daray codadka Soomaalida (Somali Voices).
Barnaamijkan Somali Voices ayaa waxa lagu tabarayay xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed iyadoo la barayay arrimo la xariira warbaahinta si looga hortago wararka aan habooneeyn ee had iyo jeer bulshada Soomaaliyeed laga qoro.
Advertisement
Somali Voices ayaa horay waxaa looga soo hergeliyay magaalada London hadana waxa la doonayaa in lagu baahinayaa magaalooyinka Manchester iyo Bristol. Xubnahan ayaa tababaro waxaa lagu siiyay jaamacada Manchester Metropolitan University waxaana tababaradaa bixiniyay macalimiin ku taqasusay arrimahaa. Xubnahan ayaa waxaa la baray sida loo soo saaro warmurtiyeedada (Press Release ) iyo sida looga hadlo idaacadaha iyo Tvyada.
waxa
Uu Qabto Iyo Maalmaha Uu
Furanyahay
SASCA waxa aay caawisaa bulshooyinka kala duwan ee ku nool magaalada Manchester waxaana xarrunteeda ku taalaa: 153B Princess Road, Moss Side,Manchester M14 4RE. Waxaana ay furantahay Isniin ilaa Khamiis, lagabilaabo 10: 00 Subaxnimo ilaa 8:00 PM.
Mohamed Wadi, Ahmed Mohamed iyo Kowsar Abdullahi oo ka socday SASCA ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeeybqaatay siminaarkaa. Mohamed ayaa waxa uu yiri, “ waxa uu ahaa siminaar aad u wanaagsan, waxbadan oo warbaahinta la xirriirana waa ka baranay oo aay ka mid yihiin sida Tvyada looga hadlo loona soo saaro warmurtiyeeada”.
Macalimiinta ayaa aha kuwa aad ugu wanaagsanaa xirfadooda si aadna dadkii ka qeeybgalay si fiican wax u fahansiinayay. “ waa qorshe aad u wanaagsan aad u fiican in laga hirgeliyo magaalada Manchester, qaasatan waqti xaadirkan oo aad Soomaalida warar aan fiicneeyn looga qoro ayuu yiri wargeeysyada wadankan, Mr Wadi”.
Mashruucan ayaa waxaa fulinya ururrada Media Trust iyo The Open Society , waxaana faahfaahin dheeri ah laga heli karaa: www. Mediatrust.org/ our-projects/community-media/Somali voices.
HAWEENKA Soomalida ah ee ku nool dalka UK ayaa la sheegay in ay boqolkii afartan ragga uga dhowyihiin in ay ku dhacaan xanuunada maskaxda ku dhaca. Sida lagu shaaciyey daraasad ay soosaartay xarunta cilmi-nafsiga ee jaamacada Oxford ee dalka UK.


Ururka SASCA ayaa dhawaan daahfuray xarun cusub oo loogu talo-galay inay haweenka soomaalida ah kala shaqayso arrimaha ay ka midka yihiin; dhinacyada fayo-dhowrka iyo la talinta cuntooyinka caafimaad.
Dumar dhakhtaro soomaali ah ayaa si taba-rucnimo ah maalinta isniinta uga howlgala xarunta oo ku taal dariiqa Great western ee xaafada Moss side.
Iyadoo cilmi baadhis sannadkii hore la sameeyey lagu ogaaday in boqolkiiba sodan haweenka soomaalida ah ee ku nool magaalda Manchester ay marka qaar la dhibaatoodaan xanuuno xaga maskaxeed ah, ayaa ururka SASCA ay ujeedadiisu tahay sidii dadka la dhiban cudurda isku buuqa iyo walbahaarka loogu fidin lahaa taageero qarsoodi iyo lacag la’aan ah.
Professor Maxamed Cabdi ayaa warbixin uu qoray ku sheegay in milyano qof oo ku nool dalka UK ayey asiibayn xanuunada maskaxdu, taas oo uu sheegay in uu aad uga warwarsanyahay heerka sareeya ee ay kaga jiraan haweenka soomalida ah ee Manchester.
Soo bax oo codee
MAALINTA khamiista ee 5ta bisha tahay ayaa waxaa ka dhacaya wadankan UK doorashadii degaanka halkaasaa lagu dooranyaa dadka galaya golaha degaanka. Waxaa muhiim ah inaad soo baxdaan oo qofwaliba codkiisa dhiibto si aan u doorano cida inoo mataleeyso golaha degaanka.Waxii faahfaahin
Waxii faahfaahina kala xiriir:www.manchester.gov.uk/ elections