
2 minute read
Gabadh ku muteeysatay abaal marin taageerada dadka magangalyo doonka ah
Xaq-dhoorka iyo
Xuquuqda Waalidka
Advertisement
by Mawliid Nuur
Xuquuqda iyo xanaanaynta waalidka dhaqanka soomaalida waxa ay ku leeyihiin qiimo aad u sareeya oo cidina dafirikarin, taas oo ubadka ku waajibisay gudashada xilka culus ee guudkooda saaran, isla markaan waxaan shaki ku jirin in cidkasta oo ku guuldaraystaa ay la kulmi doonto cawaaqib-xumadeeda.
Xiligii dadka soomaalida ahi ay u badnaayeen dadka reer baadiyaha ayaa waxa jiray aabo hal wiil lahaa oo had iyo jeer u dadaali jiray daryeelka ilmihiisa. Sidii markii ay muddo u wada noolaayeen waxa dhacday in odaygii uu indho-beelo oo uu waxba arki waayo. Ka dibna wiilkii ayaa bilaabay in uu hago aabihii oo uu hadbada meesha uu rabo geeyo.
Muddo markii ay sidii ahay ayaa maalintii danba iyagoo safara wiilkii inta uu odaygii meel joojiyey ku yidhi; “ Aabo i sug waan soo noqonayaaye”
Odaygii ayaa wiilkii waydiiyey oo yidhi; “ Halkaynu joognaa”
Wiilkii ayaa u tilmaamay odaygii halka ay joogaan una sheegay inay ku sugan yihiin meel uu ku yaalo geed caan ah oo ka duwan dhirta kale ee meesha ku taal.
Odaygii ayaa wiilkii cod murugo leh kula hadlay oo ku yidhi; “ Aabo igu soo noqon maysid iska soco”
Wiilkii ayaa ku celiyey su’aal oo wadiiyey sababta uu sidaa u yidhi?
Odaygii ayaa yidhi; “ Halkani waa halkii aan aabahay oo sidan oo kale u indhala kaga tagay, markaa aabo cuqubadii aan aabahay ka galay oo igu soo noqon maysid ee iska soco.”
Ku soo dhawaada gacmo furan
MA jeclaan laheeyd in aad xayeeysiiso ganacsigaaga, alaabtaada, hoowlaha ad qabato ama maalintaada muhiimka?
Hadii ay haa tahay SASCA waxeey diyaar u tahay in ay hoowlahaa oo dhan kuu qabato kuguna qabato waliba qiimo macquul ah, fadlan la soo xiriir waaxda suuq geeynta kalana soo xiriir ciwaanada soo socdo si aad qiimaha u ogw0aado.
GABADH soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maryam Yuusuf ayaa loo aqoonsaday haweenayda sannadka.
Maryam oo ka shaqaysa ururka haweenka magan-galyo-doonka ah oo magiciisa loo soo gaabiyo (WAST) ayaa shahaadad-sharaf lagu gudoonsiiyay taageerda ay had iyo jeer u fidiso dumarka ka soo barakay colaadaha.
Abaal-marintay oo ay soo qabanqaabisay haayada qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ayaa looga danlahaa sidii kor loogu qaadilahaa arrimaha haweenka qaxootiga ah.
Maryam ayaa sheegtay sida haween badan oo magan-galyo-doona ka haysta qurbaha ayna dhanaba jirin maadaama ayna shaqo hayn lacag kalana loo ogalayn. Marayam oo dalka UK magan-galyo-doona ku timid sannadkii 2008 ayaa sheegtay in ka dib markii xaalado adag soo martay ay u istaagtay sidii ay u dhisilahayd aayaheed iyo luuqdeeda, isla markaan ay bilowday inay dumarka kale ka caawiso baahiyaha aasaasiga ah.
“ inteena badani waxaanu nahay dad hibanayaal ah oo soo maray xarumaha musta- afiriska, isla markaana ay soo gaadhay dhiibaato maskaxeed. Waxaananu hadda qorshaynay inaanu samayno banana-bax lagu doonayo sidii loo xidhi lahaa xarumahaa.”
Ayey tidhi; Maryam oo u waramaysay SASCANEWS iyadoo intaa raacisay “ Inta badan dadka ururkayaga u yimaadaa waa kuwo aad u baahan, hooy lahayn oo aan haysan meel ay tagaan. Qaarkood waxay la noolyihiin saaxiibo waanay dayacan yihiin.”
Maryam ayaa tilmaamtay in shahaadad la gudoonsiiyey ay aad ugu farxsantahay isla markaana ay u tahay dhiirigalin sii dardar-galinaysa howlihii ay hore u waday