1 minute read

Soomaalida Manchester oo taageertay Musharaxnimada Mahadi Shariif

Dugsigan ayaa waxaa lagu caawiyaa carruurta ka soo kala jeeda qoowmiyadaha

Soomaalida, Eritereeyaanka, Etoobiyanka iyo kuwa kale oo ka yimid Bariga

Advertisement

Afrika. Iskuulkaan waxa uu ka caawiyaa carruurta maadooyinka kala ah luqada Ingiriiska, Xisaabta iyo Saayniska waxana uu furanyahay todobaadka oo idil. Sida laga soo xigtay waalidiinta, iskuulkani waxa uu kor u qaaday kalsoonida iyo aqoonta carruurta iskuulkan wax ka barata.

Mohamed Jama Du’ale oo ka mid ah macalimiinta iskuulka ayaa yiri, “ waxaanu aragnay qaarka kamid ah ardadeena oo keenay dhibco aad u sareeya imtixaanada

GCSE, iksuulkan waxa kale oo u kor u qaaday isku xerka ka dhaxeeya waalidiinta iyo macalimiinta iskuulada.”

XAFLAD casho oo aay soo qabanqaabiyeen Soomaalida magaaladan Manchester ayaa waxaa lagu qabtay maqaayada Aljamhuuriyah taasoo lagu taageerayay musharaxnimada musharaxa xisbiga Labourka Mahadi Sharif.

Xaflwwwadaas ayaa waxaa ka soo qeeybgalay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaana ugu horeeyn ka hadaly Cali Maxamed oo ka mid ahaa qabanqaabiyaasha kaasoo xasuusiyay dadkii ka soo qeeybgalay xaflada masuuliyada ka saaran gudashada waajibaadkooda bulshadeed iyo madiniyadeed kana qeeybqaataan siyaasada wadankan waxna ku kordhiyaan horumarka bulshadooda.

Mr Cali ayaa waxa uu yiri, “ hadii aadan adinka oo dhalinyaradii ah aadan ka qeeybqaadan hoowlaha bulshadeed iyo siyaasadeed ee wadankan ma ogi cida kale oo idiinka qeeyqaadaneeyso oo idin mataleeysa”. “ waa inaad noqotaan xubno firfircoon oo kadhax muuqda bulshadiina si loo gaaro hadafkeena ah Moss Side iyo Britian barwaaqo ah”.

Mahadi Sharif oo isna ka hadlay xaflada ayaa u mahad celiyay dadkii soo qabanqaabiyay xaflada iyo kuwii ka soo qeeybgalayba waxaana uu yiri, “ hadii la I doorto waxaan ugu shaqeeyn doonaa bulshada reer Moss Side si isugu mid ah waxaanan balanqaadayaa in aan shaqeeyndoono xili kasta si aan ugu noqdo cod dhamaan reer Moss Side.

Ugu dambeeyn xafladii ayaa ku soo idlaaday jawi aad u wanaagsan qaar ka mid ah dadkii ka soo qeeybgalay xaflada aya waxa aay SASCA News u sheegeen in marmar aay wanaagsantahay in la is xasuusiyo waajibaadka nasaaran muwaadiniin ahaan oo aana noqono dad bulshada ka dhax muuqda oo kaalintooda ka soo baxa.

This article is from: