
1 minute read
Kaalmadii sasca ayaa sababtay in la ii keeno carruuteyda
MARYAN Guleed, oo ah hooyo Soomaaliyeed oo ay caruurteeda kala maqnaayeen muddo dhan 13 sano , ilmaheeda waxaa ugu yaraa wiil lix bilaad jira markii ay wadanka ka soo qaxday ayaa nasiib wanaag waxay SASCA ka kaalmeysan sidii carruuteeda looga kiini lahaa.
Maryan waxay markii hore degtay magaalada Birmingham , markii waxay u dacwootay caruurteed laakin nasiib darro waa loo diiday sababtoo ah waxaa isaga qasmay oo ay fahmi wayday su’aalihii la weydiiyay ka dib waxay u soo wareegtay Magaalada Manchester oo ay soo dhaweyn
Advertisement
by Mia Abeyawarde
iyo taageeraba ka heshay waayo markii loo raadiyay siddii ay caruurteeda loogu keeni lahaa xariirkii uu sameeyay xafiiska SASCA ayaa wuxuu sahlay in la saxo qaladkii dacwada ku jiray.
Hooyo Maryan waxay ka mahadcelisay taageeridii, caawinaadii ay saaxibada iyo tabarucayaasha SASCA ay siiyeen gaar ahaan Paul Morris oo ah qareen Degan oo xilgaar ah iska saaraay sidii aan dib ula midoobo lahaa caruurteyga, waxay kaloo intaas ku dartay in SASCa ay tahay xarun la yaableh oo loogu talagalay in la caawiyo soomaalida u soo guura Manchester oo aan aqoon u laheen dalkaan una baahan caawinaad iyo degitaan.
Maryan waxay kula talineysa qaxootiga Somaliyeed iney tagaan SASCA si arrimahooda loo maareeyo.
Waxay tiri maryen waxaan dareemayaa iney aheed shalay oo kale maalintaan aan carruurteyda la midoobay.
Waxay kaloo halkaan ugu mahadcelineysaa hay’ada laanqeyr cas oo taagero maaliyeed ka geysaty caruurteyda alxamdu lilaah hadda labada wiil oo waaweyn waa ii shaeeyaan Manchesterna waa la qabsadeen.