1 minute read

Mogadishu oo dib u soo celisay geesiyaalka sameeyay 3D

ARDAYDA ka qalin-jabisay jaamada MMU ee dhalinyarada Somalida ah ee ka soo jeeda magaalada Manchester ayaa ka qeyb qadanayo dib u kabashada dhismayaasha qarxa ee Magaalada Muqdisho.

Ahmed Mussa iyo seddex saaxibadiis ayaa ku mashquulsanaa seddexdii sano ee la soo dhaafay iney gacan ka geeystaa dib u soo celinta dhismayaasha ugu quruxda badan uguna caansan ee ku yaalo magaalada caasimada ah ee Muqsdishu sida baarlamaanka hore, masraxa qaranka iyo farsamada Nalka casriga ee Muqdisho.

Advertisement

Ilaa hadda waxay abuureen 25 dhisme oo aad ku arki karto markaad booqato boggooda internetka, www.somaliarchitecture.com, waxad ka gali kartaa meelkasto oo aad dunida ka joogto.

Mashruucan waxaa lagu soo bandhigay bandhig balaaraan oo London lagu qabtay kuna yaala London Design Biennale oo lagu magacaabo “What Remains”.

Axmed, oo ah 27-jir, oo ah farsamayaqaanka dhismaha ayaa yiri: “Mashruucu wuxuu bilawday sannadka 2015. Saaxiibadeey ayaa iila yimid fikradadaan Laga soo bilaabo waqtigaas waxaan u howgalay siddii aan u heli laheen macluumaadka sawiradii hore iyo sidaan warbaahinta u geli laheen .

“waxaan tusaalooyin u oo qaadanay qaabkii ay dhismayaashu ahaayeen xilligii dagaalada iyo farqiga u dhaxeeyo hadda.”

Anagoo kaashanaya Madina Scacchi iyo saaxiibadeen ayaa dhisney website-ka waxayna bilaabeen inay ka shaqeeyaan dib u soo kabashada dhismayaasha Muqdisho ee 3D.

“Maanan laheen wax qorshe ah oo aan ku soconno si aan u qiyaasno dhismayaasha waaweyn,” ayuu yiri Axmed.

“Waxay ka helnay awood badan cilmi-baaristii aan sameynay taasoo aan ku qiyaasnay cabbirka dhismayaasha. Waxay nagu qaadatay waqti dheer si aan u sameyno kan kowaad ka dibna kuwii kala waa inoo sahlanaadeen waana ka sii wanaagsanaadeen kana qurux badnaadeen sidaan fileynay. “

Mashruucaan ayaa ahaa qayb ka ah bandhiga Somerset House ee London xagaaga la soo dhaafay lagu soo bandhigay muddo saddex toddobaad ah.

Dhalinyaradaan ayaa sidoo kale waxay leeyihiin akoon Instagram ah oo loogu talagalay mashruuca waxaad ka heli kartaa bogga internetka, ArchDaily.

“Dadka intooda badan way la yaabeen side dhaqsaha balan oo loo helay xog-ku-saleysan mashruucaan . Waxaan isku dayeynay inaan caalamkau muujino sidii ay Soomaaliya aheed dagaalada ka hor , waxaan kaloo soo bandhignay dhicana wanaagsa ay leedahay caasimada Somalia “ayuu yiri Axmed.

Muqdishu waa magaalo leh xadaarad fog wax badan dhaxashay qorniyaashii la soo dhaafay , waa na muraayad Somalia laga eego sababtoo ah hiddaha iyo dhismayaasha kala duwan oo isku dhafan waa kuwa aan laga helin bariga Africa.

Ahmed, oo ka mid ardayda somalida ee kuna dhashay wadanka Iswiidhan, yimidna wadankaan agooo 12 jir wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay halkuu ka yimid diyaarna u yahay inuu bulshada kaalmeeyo

Wuxuu kaloo yiri: “Waan fahmayaa dareen jiilka da ‘yar aan nasiibka u yeelay inay arkaan sidii ay Soomaaliya aheed laakin waa muhiim ah in la ogaado meesha waalidiintaada ay ka timaadeen sida dhaqanka iyo hidaha ay saameyn ugu yeeshaan.”

This article is from: