
2 minute read
Daddka Qaxootigu ah waa dadka naftoodu kali ay u badbaaday
LIX iyo labaatan dumarka magangalyo-doonka ah oo leh ee carruurta xanuunsan oo qabo cudurrada muddada dheer waxaa loo wareejay muddo gaaban magaalada Liverpool isla markaana lagu meeleeyay shirkada Serco iyadoo ay jiraan xaalado aan la aqbali Karin sida la soo sheegayo .
Dad badan ayaa sheeganaya in la siiyay oo kaliya laba illaa saddex maalmood ogaysiis ah iyada oo aan ogayn halka ay ku socdaan iyo in dib loo celiyo.
Advertisement
Serco waxay sheegtay in ay bixiso ‘hoy ku haboon’ dhammaan magangalyo-doonka qandaraaska ay la galeen dowladda iyo in kiiskani yahay mid dib guryaha loogu wareejiyo mulkiilaha.
Sarah oo ah 24-jir ka soo jeeda wadanka Rwanda, ayaa welwel ka qabta daryeelka caafimaadka wiilkeeda, waxaana uu sheegay in u guuritaanka ogaysiiska kooban oo gaaban uu saameyn ku yeelan karo caafimaadkiisa iyadana ay welwel badan iyo walaac ku kordhisay nafteda iyadoo ageen waxa xiga uu wiilkeedu mudan doona.
Arinta labaad waxay sheegtay in wiilkeedu uu la kulmay walaac dheeraad ah ka dib markuu ka soo qaybgal dugsi cusub iyo inuu ku yeesho saaxiibo cusub.
Nimimi, oo ah 35-jir ah kana
by Sophia Khan
soo jeeda Eritrea, waxay ay sheegtay inay qabto dhabar xanuun ay nay la wadaagto hoyga dumar gaarayo 15.waxaa intaas u dheer in gabadheeda ay qabto xaalada caafimaad oo lugteeda ah ayna ku adagtahay in jaranjarada korto si ay u gaarto qolkeeda.
Nimimi ayaa yiri: “Waxaan u sheegay inay dhib nagu tahay jaranjarada koritaankeeda, laakiin waxay nagu dhiibayaan ilaa 26 jaranjar.” Teeda kale dumarku waxay ku qas- banaadeen in ay si degdeg ah u xirxiraan, iyagoo ka tegaya waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin hantidooda,Kuwo kaloo badan ayaa ku qas banaaday inay ka tagaan alaabta shaqsiyadeed oo ay ugu wacneed deg degta ay ku guuraan. Waxaa kaloo buux dhaafay caagaga qashinka sheeyada la tuuray.
Jenni Halliday, agaasimaha qandaraaska Serco, ayaa yiri:
“Serco wuxuu hadda ilaaliyaa dhowr kun oo magangalyo-doon ah oo ku dhex yaal in ka badan
3,000 guryaha ku yaal Waqooyi Galbeed.
“Waxaan ku siinaynaa hoy ku filan oo buuxiya shuruudaha guriyeynta lagama maar maanka ah iyo heerarka Xafiiska Guriyeynta halka codsigooda magangalyada ee UK ay dowladu ugu talagashay.
Maaha wax aan caadi aheyn in aan guryaha dib ugu celino mulkiilayaasha sababo kala duwan awgeed, sida dhacday kiiskani waxaa kula talinay dadka inay guuraan
“Tani maaha wax sahlan, waxaan u shaqeynay si adag si aan u helno degaan ku haboon oo ka yimaada guryaha aan heli karno ee ku yaala Waqooyiga Galbeed oo soo buuxiya baahiyahooda.”
Samra, oo ka socota hay’ad samafal ah ee dariseenta ayaa yiri: “Waa wax aan caadi ahayn in dadka magangelyo-doonku ay ka tagaan hantidooda shakhsiyeed.”
Duqa Manchester Andy Burham ayaa walaac ku muujiyay arrintaan wuxuuna qoraal u diray wasiirka arrimaha gudaha Sajid Javid kuna wargelinayaayo nidaamka guryaha dadka magangalyo-doonka ah inuu yahay mid lagu guuldareytay gaar ahaan “tirade dadka ku sugnaa Greater Manchester.
Duqa magaalada ayaa ku tilmaamay xaaladda “xaalad fowdo ah “ laakin xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa ka jawaabey oo ballanqaadyo sameeyay iyo in dib u soo celiyo qaabkii wanaagsanaa magangalyo doonka loogu hayo gobolka iyo dalka oo dhan. Waxay sidoo kale ballan-qaadeen in ay hagaajinayaan xaaladdooda nololeed ee loogu talagalay sidaas ayay ku wargeliyeen duqa Magaalada Manchester.