2 minute read

‘Waa in la helaa kaalintii dhalinyarada’

MASHRUUCA Salam ee Moss Side waa dadaal diiradda saaraya sidii looga hortegi lahaa dembiyada gangiga, shaqola’aanta dhalinyarada, iyo xagjirnimada.

Ismaelel Lea South waa nin leh in ka badan 12 sano oo khibrad ah oo ka soo horjeeda xagjirnimada oo ku baahsan UK.

Advertisement

Mashruucii ugu dambeeyay ee kooxdu waxaa lagun qabtay xaafada Moss Side, iyadaoo ay ku jiraan ololahooda ah ka wacyi gelinta dhalinyarada dhibaatada ay Argagixisada leedahay waxaan halkaan lagu bixiyay tababaro ku saabsan dhibka ay xagjirnimada u leedahay gaar ahaan dadka dhalinyarada ah.

Agaasimaha mashruuca Ismaaciil, oo ka soo shaqeeyay London ayaa u soo wareegay Manchester, wuxuu yiri.

Masaajidyada intooda badani waxay leeyihiin qolal firaaqada ah oo aan la isticmaa-

by Ramazani Mwamba

lin.waxaa habboonaan laheed in wax lagu barro isla markaan lagu madaaliyo dhalinyarada si looga hortaga dhibaatada uu dariiqo taagnaasha ay leedahay , waa xaqiiqo inaan u baahan nahay meelo banana oo loogu talagalay dhalinyarada si looga badbaadiyo dambiyada iyo u jelicsanaanta xagjirnimada waxaana ila habboon in masaajidyadu noqdaan goobaha ugu horreyo ee lagu badbaadiyo dhalinyarada lagu dhiso caqiidadooda.

Waxaa kaloo tilmaan wanaagsan noqon karta iney bulshadeynu noqdaan ku tusaale u noqda dhalinta soo kureyso oo u bahaan in laga dhiso xagga caqiidada, inkastoo ayna helin daryeelkii ay u baahnaayeen hadda waxaa waajib inagu ah inaan wixii karaanka iyaga ah aan ka qabano iyadoo aan loo kala harin guud ahaan mujtama .

Anti-radicalisation programme: Ismael Lee South

Daacadnimadu waxay ku taalaa wadnaha Dhaqanka Somaliada

DAACADNIMADU waa sifo muhiim u ah qofkasta oo yaqaano dhaqanka Soomaalida. Soomaalidu waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin bulsho isku afka ah, isku isir ah , isku ah dhaqan

,iskun diin ah sababtoo ah waxay ku tiirsan yihiin taariikhda sooyaal ah oo ay ka dhaxleen awooyaashoodii, taas oo jiilba jiil u gudbiyay kuna kaydsan xasuustooda

Inkastoo dhaqan somaliada uu fara badan yahay hadana gabayadu waxay u adeegsadaan farsiinmo iyadoo ku gudbinaayo dareenkooda iyo figradahooda.

Gabay waa hadal murtiyeed taxan oo ka kooban beydad (tuducyo) mid waliba isugu xidhan yahay laba qaar oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhexeeya.

Gabaygu muddo dheer wuxuu ahaa dariiqa ugu habboon ee ay dadku warbixinta isugu gudbiyaan taariikhdana ku kaydiyaan, isla markaa isku ammaanaan, isku abaal mariyaan, iskula taliyaan, ku xafiiltamaan, ku dagaallamaan ,kuna haasaawaan.

Maadaama nidaamka maaliyadeed ee casriga ahi aanu jirin dalka Somalia

Ganacsiga Somalida wuxuu ku saleysan yahay kalsooni shakhsiyadeed iyo sumcad wanaagsan ee uu qofku ku dhex leeyahay bulshada Somalida ah, waxaa kaliya oo loo baahan yahay in qofka inuu oo kobciyo magac wanaagsan oo bulshada dhexdeeda ah, waa inuu ahaado qof leh astaamaha run iyo daacadnimada. sidoo kale waxaa jiraa waxyaabo badan oo loo baahnaa inuu qofku lahaado astaamaha runta iyo daacadnimada tusaale ahaan odayaasha beesha iyo hoggaamiyeyaasha bulshada waxay ahaayeen kuwa xallinaya khilaafaadka iyo dembiyada bulshada ka dhex dhaca . taasoo ay ku heleen sumcad , ixtiraam shakhsiyeed oo caadi ah iyo in xukunkooda la aqbalo, waxayna taasi muujiayysaa heerka sarreeya oo dhexdhexaad ah, run ah iyo sida daacadnimada leh ee howshooda u qabtaan.

Waxa kale runtu ay kaalin muhiim ah ka qaadato tusaaale ahaan abuurista xiriirka cusub oo u dhexeeya qoysaska iyo qabaa’ilka iyadoo loo marayo habka guurka. Mid ka mid ah astaamaha lagama maarmaanka ah ee suurtagaliya waa inuu noqdo mid run ku dhisan iyo magac wanaagsan ku dhex leh bulshada . Xaaladda ugu saraysa ee runta iyo in ay Soomaalidu qiimeeyeen dhaqankooda waxaa laga dheehan karaa suugaanta soo jireenka ah sida gabayada, maahmaahyada, heesaha iyo buraanb rada.

Maalmahan dambe waxaa lagama maarmaan ah in lagu bararugiya dhalinyardeena runta iyo qiimaha ay leedahay taasoo dhamaanteed na anfaci doonta adduunka iyo aakhiradeynaba .

Dadaalkeenu waa run iyo daacadnimo inaan ugu shaqeyno. bulshadeyna .

This article is from: