
1 minute read
Nala arag adduunka oo ah bandhiga lagu soo bandhiga arrimo badan oo Somalia ku saabsan
TUNDE Adekoya, oo gacan ka geysatay maareynta bandhigga, ayaa yiri: “Waa dokumenti bulshadeed oo ay sameeyen dhalinyarodu in qaab ugu quruxda badan uguna fiican loo soo gudbiyay.”
Bandhiga ayaa muujinaya mid ka mid ah masaajidadii ugu da’da weyn qaarada Afrika, Masjid al-Qiblatayn oo ku yaala magaalada Zeylac, oo la dhisay sanadkii 624, sida ay taariikhda ku xusan.
Advertisement
Dhismayaasha Iconic sida Arker Umberto II iyo Mashruuca madxafka
Qaranka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay wajiga hore ee bandhigaan.
Bandhigaan oo ahaa mid laga helay waayo-aragnimo buuxda oo baaxad leh oo lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo xiiso lah ay ka mid yihiin dokumantiyo, muusik iyo moodooyin- ka 3D-yada dhismayaasha caanka ah, iyada oo dhammaan waxyaabo badan oo ka soo jeeda asal ahaan Soomaaliya.
Waxa kaloo laga arkaayay khibradda Soomal- ida Mancunian ah oo ku kortay magaalaadan
Manchester iyo dadka maxalliga ah , bandhigaan waxaa kaloo lagu soo bandhigay sawiro aad u qorux badan oo Muqdisha laga soo qaaday bur- burkii ka dib iyo ka horba iyo wareysiyo shaqsiyaad caan ka ah magaaldan sida xildhibaanka
by Sophia Khan
xaafadad Moss side laga doorto Mahdi Sharif.
Tunde ayaa yiri: “Waxa ay mataleysaa sida ay u dhisayaan Manchester, iyo sida ay qeyb uga yihiin sheekooyinka Manchester.”
Shakhsiyaadka waxaa lagu sawiray qaybta Moss Side oo ku taala Manchester ee park, guryahooda, iyo makhaayadaha . Bandhigani wuxuu qabsadaa mid ka mid ah bulshooyinka Soomaaliyeed ee ugu weyn UK.
Dib-u-eegista ayaa ah mid wanaagsan, Tunde wuxuu yiri: “Jawaabtu waxay ahayd mid cajiib ah.”
Dunya waa carabi luqad ahaan taasoo macneheedu yahay adduunka: waxaan aragnay aduunkoodii adigoo indhaha ku haya Soomaalida iyo saameyntii ay yeesheen.
Tunde iyo kooxdiisuna soomaalida ah waxay ku qaadatay hal sano si ay u soo bandhigaan bandhigaan, iyada oo la dhisayo xidhiidh lala yeesho hoggaamiyeyaasha bulshada degaanka.
Tunde ayaa yiri: “Waxaan ku faanaa inaan noqdo Afrikaan, waxaan rabay in aan harey u riixo arrintaan.” Bandhigga ayaa la soo gabagabeynayaa 23ka Maarso sanadkaan2019.