2 minute read

Somalidu waa dad dib soo nooleeyay dhaqankoodii

DAD badan ayaa u yimaada SASCA maalin walba oo isniin ah si ay u helaan caawinaad iyo talada garyaqaanka Paul Morris oo ah ninka kaliya oo ay ku soo laaban karaan waqtiyo dhibka badan ay qabaan.

Paul waxaa laga heli karaa maalin walbo oo isniin ah xafiiska sasca uuna ka shqeynayay shantii sano ee la soo dhaafay wuxuuna caawiyaa shakhsiyaad iyo qoysas badan oo rabo in ay la midoobaya dadkooda.

Advertisement

Waxuu horey uga shaqeyn jiray Xarunta Sharciga ee Greater Manchester, Paul wuxuu bixiyaa talooyin bilaash ah dadka Soomaalida ah ee ku nool Magaaladan Manchester iyo nawaaxigeeda wuxuu ka kaalmeeya xagga sharciga , kuwaas oo ay haysteen dhibaatooyin dhaqaale ayna awoodi Karin iney bixiyaan lacag garyaqaanada .

Poul wuxuu yiri: “Waxaan shaqo badan u qabanay bulshada Soomaalida ah ka dib markii wadankoodu uu ka dhacay dagaale sokeeya , sidaas darteed waxaan isku taxalujiayay oo aan wax badan qabanay in la isu keeno qoysas badan oo dagaaladii sokeeya ku kala qaxay .”

Marar badan ayuu Poul horey u booqday xerooyinka Somalia ku jirto ee dalka Itoobiya wuxuuna ka soo uririyay warbixino iyo wareysiyo shakhsiyaadka iyo qoysaska

Soomaliyeed dhibaatooyinka ay la kulmeen xerooyinka qaxootiga..

Markii aan ka tagay xarunta sharciga

Greater Manchester waxaan rabay inaan sii wado ka qaybgalka kaalmada bulshada, sababtaa s awgeed ayaan aan ugu tabarucayo waqtigeyda in aan imaaddo SASCA . shaqada aan SASCA ka haayo waa hubinta iyo saxida foomanka , mararka qaarkood waxaan ku dhiirri galiyaa dadka inay tagaan goobaha si ay helaan talada saxda ah ee sharciga.”

Poul wuxuu sheegay in ay jiraan qareeno badan oo dadka qaxootiga ka faa’iideysto iyo kuwa magangelyo-doonka iyaga oo siinaya talooyin xun, isla markaan ku amraya lacag aad u tiro badan iney bixiyaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shaqobixiyeyaasha badakooda aysan fahmin xaaladda sharci ee qaxootiga waxayna inta badan halis gelinayaan noloshooda qofka qaxootiga ah iyaga oo waydiisanaya dukumintiyada khaldan,iyagoo ku caawin karo si sax ah..

“Ttodobaadkii hore waxaan arkay haweeney shaqadeedu tahay Nadaafad kana shaqeyso dugsi isl amarkaana dugsigu ayaa ka dalbaday inay hesho baasaboor. Waa wax aan macquul aheyn in Soomaalidu ay sidaas sameyso waayo waxay khatar ku tahay sharcigeeda sababtoo ah waa qaxootigu kuma laaban karaan dalka ay ka carareen, “ayuu yiri.

Paul, oo dib isu soo celiyay qoysas badan oo Soomaliyeed ka dib markii ay kala qaxeen dagaaladii Sokeeya ee Somalia ka dhacay ayaa sheegay in qaxootiga iyo dadka magangelyodoonka ay wajahayaan jawi colaadeed oo ka jira UK. Qaar ka mid ah qoysaska waxay ku qaadaneysaa tobannaan sano kahor intaan la keenin dadkii ay dalbadeen.

Waxaan ku jirnaa xilli cabsi leh dad badan ayaa runtii ka walwalsan xaaladda, “ayuu yiri.

Igu danbeyntii Paul wuxuu ku amaanay saameynta dadka Soomaaliyeed ee Moss Side iyo kuwa ku hareeraysan, isaga oo leh: “Waxay ku soo celiyeen aaggaan qurux ay ku dheehan tahay dhaqankooda. Taasoo keentay in aagoodu noqdo mid si lixaad leh isu bedelay.”

This article is from: