1 minute read

Waxaan ahaa kali, waana welwelsanaa laakin sasca ayaa i kaalmeysay

Hannaanka socdaalku wadankaa waa mid ka dad badan ku reebayaa daal jireed iyo maskaxeed

SASCA waa mid ka mid ah ururada fara ku tiriska ah oo si gaar ah ugu adeega qaxootiga Soomaaliyeed oo la ildaran cadaadiska iyo jahawareerka.

Advertisement

Qoxootiga badanaaba waxay yimaadaan dalkaan iyagoo aqoonin nidaamka socdaalka mana helaan badanaa taageero.

SASCA waxay dooneysaa in ay gacan ka geysato fududeynta howlaha qaxootiga gaar ahaan dadka aan luuqada aqoonin , aqoonta dardara nidaamka maamulka iyo arrimaha soo noqnoqonaya qaxootiga.

Waxaa ka faa’iideystay caawinaada Sasca waa Fardowsa

by Alex Candlin

Abdullah Sharif Fardowsa waxaa loo keenay ninkeeda Abdulkadir, iyo laba carruur ay dhashay oo kala ah Ola iyo Yasim oo ay kala maqnaanyeen shantii sano ee la soo dhaafay,inkastuu Abdulkadir uu joogaa caruurtooda Soomaaliya Kaalmada aan ku qabo SASCA weli way socotaa.

Waxaan SASCA u imaadaa in la ii akhriyo waraaqaha quseeya qoyskeyga. Mana akhrin karo inta badan waraaqaha. Waxaan halkan u imid inla iga caawiyo waraaqaheyga. SASCA si wanaagsan ayay ii kaalmeysaa .

Waxaan kula la xiriiraa qoyskeyga teleefoon. Anigu ma isticmaalo kombiyuutarka. Waxaan iibsan jiray £ 5 kaarka wacitaan wiig kasta, Laakiin community aad bay iigu taageereen.

Waxay tiri fowsiyo qoyskeyga waxaan ka walwelsanaan jiray noolashooda iyo xaaladooda, waa dad dhalinyaro ah oo aad u nugul.aad baan u tebi jiray ,waxaan u awooday inaan lacag u diro oo kaliya.

Waa geedi socod dheer , hawlgalku waa laba sano, inkastooy aniga ugu qaadayay halsano.

Waxay u baahan yihiin caddayn DNA si ay u cadeeyaan inaan ahay hooyada carruurta dhashay iyo shahaadada guurka

“Waxaan sugaayay maalin kasta in aan la midoobo qoyskeyga. Waxaan isku dayi jiray aan waco maalin kasta,inkastoo aan ka welwelsanaa hadana alxamdu lilaah rabi waa ii keenay .

Nasiib wanaag waanu isu nimid ,waxaan noqonay qoys wada jira , waxaan u helay carruurta school ay dhigtaan noolasheyna qoys ahaan caadi ayay ku soo laabatay.

This article is from: