Magazine-ka Yagleelka Aayaha

Page 1


TUSMO YAGLEELKA AAYAHA Wargeys 3 biloodle ah ka hadla arimaha Siyaaasadda & Bulshada

04 HORDHAC Ereyga Madaxa Wargeyska

Tirsiga 1’aad Mar 2015 [ 1436 h ]

06 A. SIYAASAD Madaxa Wergays-ka

Liibaan Axmed Shire

Maxaa laga malayn karaa doorashada 2016

Ku xigeenka Madaxa

C.fataax Nuur Axmed (Ashkir) Tafaftiraha

Faarax Biniin Boos Xog-hayn

Khadar Axmed Nuur Design & graphics

Cabdallah YuSuf Muse

Address Bosaso - Puntland, Somalia Telephone: +252-90-7798022 E-mail: yagleelka.aayaha@gmail.com

08 A. BULSHADA Hoggaamiyaha Hagaagsan ama Hallaysan


10 A. BULSHADA dhacdooyinka Bulshada

12 A. BULSHADA Aragtida Afaraad (Fourth Theory)

14 SAMAFALKA Kaalinta sama falku uu ku leeyahay horumarinta Bulshada


Hordhac

EREYGA MADAXA WARGEYSKA

W

axay Mahad oo dhan u sugnaatay eebbihii waynaa,

Wargeyska YAGLEELKA AAYAHA unkiddiisu waxay ku soo beegantay bilowga sannadkaan cusub ee 2015. Waxay ahayd fikrad ku jirtay muddo dheer koox dhalinyaro ah oo kaadiriin aqooneed ah, fikraddu waxay ku salaysneyd in la helo Wargeys cilmiyeysan oo tayadiisu aad u sarreyso qeyb libaaxna ka qaata wacyi galinta bulshada ayadoo waddada loo marayo tahay mid cilmi baaris ah, Waxaa nasiib wanaag ah inay fikraddii heshay cid taabba galisa oo horumarisa, ilaahay galladiina waxaa soo baxay tirsiga 1’aad ee Wargeyska, waxaana si qoto dheer loogu tafatiri doonaa Arrimaha Bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda, wuxuu soo bixi doonaa 3 biloodba mar, wuxuu ku soo baxayaa afafka Soomaaliga iyo Carabiga, wuxuuna hoos tagayaa wargeysku Xarunta Cilmi baarista ee Geeska Afrika oo Xarunteedu tahay: Magaalada Bosaaso, Puntland – Soomaaliya, Waxaan rajaynaynnaa in wargeysku noqdo mid nooleeya hal abuurka iyo farshaxanka qoraalka afka Soomaaliga, in uu noqdo meel ay ku soo bandhigaan aqoon baarayaashu xogaha ay u mareen habka cilmi baarista, maqaalada iyo aragtiyada ku wajjahan dhisidda iyo horumarinta Mustaqbalka bulshada iyo dalka Soomaaliyeed,

4

Yagleelka Aayaha


Hordhac

Dhinaca waxbarashada: wargeysku wuxuu soo jeedin doonaa aragtidiisa ku wajahan qaabka ugu wacan ee loo tayeyn karo manhajka heerarka waxbarashada ee kala duwan, saldhigna looga dhigo Diinta islaamka, ayadoo lala jaan qaadayo horumarka casriga ah ee laga gaaray aqoonta, loona sahlo adeega tiknooloojiyada, waxaan kala kaashanaynnaa culumada, xeel dheerayaasha aqoonta, maamullada waxbarashada iyo jaamacadaha Soomaaliya ka jira. Wargeyska YAGLEELKA AAYAHA wuxuu si weyn xoogga u saari doonaa inuu xog mug leh ka qoro arrimaha iyo xaaladaha siyaasadda ka socda Dalka iyo tan Geeska Afrika guud ahaan ee saameynta dhow inagu leh, wuxuu wareysiyo xiiso leh oo gaar ah la yeelan doonaa siyaasiyiinta caanka ah, wuxuu ku dadaali doonaa Qeybta siyaasadda inaannu xog (Daraasaat) sii saadaalinaysa dhacdooyinka siyaasadda ku meeraysan iyo talooyin wax ku ool ah u soo jeedino dadka go’aan gaarista leh. Wuxuu yeelanayaa Wargeysku qeyb ka hadasha arrimaha Dhaqaalaha & Ganacsiga waxaana ka shaqeynaya khuburo aqoon u leh dhaqaalaha waxaanu ku dadaalaynaa in Rugaha ganacsigu ay ku yeeshaan qeybta ugu muhiimsan.

iyo wixii horumar ah ee ka qabsooma dalkeena Soomaaliya iyo Bariga Afrika anagoo u falanqeyn doonna si faahfaahsan, una akhrinayna si xeel dheer. Waxaan kaloo uga golleenahay inuu wargeysku noqdo mid xog side ah, keydna u noqda dhacdooyinka sida dabeylaha u soo mara Geeska Afrika, Maamulka YAGLEELKA AAYAHA waxay xanbaarsanyihiin himilo weyn oo ah Joogteyn, horumarin, kobcinta tirada akhristayaasha, iyo matalidda sawirka ilbaxnimada Dalkeena. Ugu danbeyntii, Eebbe haduu idmo waxaan howlkarnimo ugu shaqeynaynnaa sidii aan idinku soo gudbin lahayn, wax sare u qaada maanka, quudiya maskaxda, oo aad kula socotaan waayaha aad joogtaan, idiinna tusaaleynaya sidii aad u dhisi lahaydeen aayihiinna. Waxaan Mahad iyo qadarin u jeedinayaa cid kastoo oo ka qeyb qaadatay soo saarista shaqadaan aqoonta ah, iyo cid kastoo ku darsatay fikrad, maqaal, xog, sixid, iyo soo saaristii ugu danbaysay.

Yoolka aan ka leenahay Wargeyskan wuxuu yahay inaan abuurno cimilo wax qorid iyo wax akhris, nolosheenna iyo aayaheenna oo dhanna ku xireysa aqoonta iyo cilmi baarista, helno qoraa dhab ah, si wanaagsanna u saameeya aragtida guud ee dadka, Wargaysku wuxuu si dhow ula socon doonaa dhacdooyinka, shirarka,

Liban Axmed Shire Madaxa Wargeyska Yagleelka Aayaha

Yagleelka Aayaha

5


Arimaha Siyaasadda

MAXAA LAGA MALAYN KARAA DOORASHADA 2016

W/Q: Maxamuud Ciise Faarax Tarjumid: Faarax Biniin Boos

1

9 bilood oo keliya ayaa inaga xiga doorashooyinka madaxtinimo ee la qorsheeyey inay qabsoonto 2016, waana waqtiga loo ballansanyahay in la qabto doorashooyin hufan ( waxa loo yaqaan qof iyo codkiis) waana yididiilo qurux badan oo ay adagtahay in la gaadhaa sababa jira awgood. Waxana sababahaas ka mid ah: 1- Iyadoo aanay dawladdu gacanta si buuxda ugu hayn ammaanka Gobolada dhexe iyo koonfurta Dalka, ayna adagtahay siday xukuumaddu waqtiga u hadhsan ugu xaqiijin lahayd hawshaas. 2-

6

Yagleelka Aayaha

Jiritaanka maamulo Feder-

aal ah oo aan dawladdu saamayn awoodeed ku lahayn sida Puntland, Jubbaland iyo kuwa hadda la filayo in maamulkooda la dhammaystiro sida Koonfur Galbeed, waxayna maamuladaasi laf dhuun gashay ku noqon karaan in doorashooyinku u dhacaan si ka duwan qaabka ay iyagu u rabaan, iyadoo maamul kastina doonayo inuu hawsha doorashada ku lug yeesho, taasina waxay u ekaan doontaa maah-maahdii Carbeed ee ahayd ( haddii kuuk-yadu bataan maraqa – suugada - ayaa xumaata). Haddaba maamuladan oo inta badan ku salaysan qaab qabali ah


Arimaha Siyaasadda ayaa aloosi doona khilaaf iyo loolan dhex mara qabiilada, iyagoo ku herdamaya awoodda siyaasadeed, taasoo sii fogeynaysa arrimaha lagu muransanyahay isla markaana wiiqaysa fursadihii ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyinkaasi. 3- Xaaladda degenaansha la’aanta ah ee hadhaysay golaha sare ee xukuumadda ee hadda jirta oo ka dhigaysa masuuliyiinta sar-sare inay ku fekerayaan oo keliya sidii ay dhaqaale u urusan lahaayeen, halka hawl noocan oo kale ahina ay u baahantahay dadaal iyo go’aan adag, waana mid aan ka muuqan mudane Xasan madaxweynaha Dalka.

4- Waxan iyana sahlanayn in la sameeyo tira koob dadka ah, iyo sidoo kale in la helo kaadhadhkii cod bixinta, si loo kala saaro qofka xaqa u leh inuu codkiisa dhiibto iyo qofka aan xaqaas lahayn, waxa iyana culeyskeeda leh in la doorto Guddi doorashooyin oo ay dhammaan qaybaha kala duwani isku raacsan yihiin; si ay u wadaan una dhaqan geliyaan hawsha doorashooyinka. 5- Maxkamadda sare oo laf dhabar u ahayd soo saarista iyo ku dhawaaqista natiijada ayaa iyana sal iyo baar kala daadsan.

Saadaasha la filan karo. Haddaba waxa la filana karaa dhawr arrimood oo la saadaalin karo, waxana ka mid ah: 1- Fashilaad ku timaadda xukuumadda madaxweyne Xasan ka hor inta aan la gaadhin 2016. Iyadoo ay isa soo tarayaan xinifta lo hayo kooxda Damul Jadiid iyo hoos u dhacooda dhanka siyaasadeed ka dib markii ay ku kaceen khaladaad aan loo baahnayn ayaa la filan karaa inay keento fashil ku yimaadda xukuumadda madaxweyne Xasan, waana mid ku salaysan oo keliya in khilaaf soo kala dhexgalo isaga iyo Ra’isal-wasaaraha iskuna dayo inuu rido, taasoo sabab u noqon karta kacdoon balaadhan ii madaxweynaha ka dhan ah ugu danbaynna xilka laga tuuro.

2-

Xil kordhin loo sameeyo dawladda hadda jirta.

Tani waa midda ugu dhow ee la saadaalin karo, taasoo ay madaxa ku hayaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxayna ku andacoonayaan mar-marsiiyo aynu wada xifdisanahay oo aan sharax dheer inooga baahnayn,si kastaba ha ahaatee tan lafteedu maaha mid fudud oo qodox la’aan lagu tallaabsan karayo, balse waa arrin u baahan aragti laysku raacsanyahay oo aan ahayn baarlamaanka dhexdiisa keliya e gaadhaysa dhammaan maamulada jira iyo kuwa jiri doona, waxana iyana meesha ku jirta kala qoqobnaata Baarlmaanka, iyo qorshe wadaniyadeed oo aragti muuqata leh oo aan jirinba. Is adkaynta madaxweynaha iyo miisaamid la’aanta arrimaha siyaasadeed taasoo ah in aanu madaxweynuhu waxba tix gelin waxa intaa sii dheer kooxdiisa oo iyana ku hareeraysan oo u dhaqmaya hab keli talisnimo, una harraad qaba haysashada maamulka, arrimahaasi waxay suura gelinayaan in la raadiyo waqti korodhsi sidii la rababa halagu keenee, shakina kama taagna gurracnaanta qorshahaas oo keeni karta in Dalku mugdi galo. 3-

In lagu noqdo qaab-beeleedkii odayaasha.

Dadka badankoodu waxay aaminsanyihiin in lagu noqon doono sidii ay awelba ahaan jirtey, oo ahayd in ay oday dhaqameedyadu soo xulaan xubnaha Baarlamaanka, waana mid aan sina looga fursan karin, iyadoo la eegayo inaan la hayn wax suurta gelin kara qabashada doorashooyin madax-bannaani iyo hufnaan ku astaysan. Taasina waa midda ugu sahlan ee lagu dhaqaaqi karo. 4-

In la balaadhiyo nidaamka xulista xubanaha.

fikirnkan waxa aaminsan oo ku celcelinaya dadka siyaasadda falanqeeya ee u dhuun daloola arrimaha Soomaalida, waana in la ballaadhiyo dadka wax soo xulaya, ayna ka yimaaddaan dhammaan qaybaha bulshada sida: Dhallinyarada, Aqoonyahannada, iyo Siyaasiyiintii hore uga soo shaqeeyey Dawladihi hore (ruug-caddaa); si ay u soo xulaan xubnaha ka mid noqon doona Baarlamaanka 2016.

Yagleelka Aayaha

7


Arimaha Bulshada

HOGGAAMIYAHA HAGAAGSAN AMA HA LLAYSAN

ka wax hagaya, dadka uu hagayo, iyo meesha loo socdaa waa inay hagaagsan yihiin. Hagaagsanaan waxaan ulajeedaa in mabaadi’da hoggaamiyaha iyo hoggaan raacaha waddaa ay toosantahay. Sidoo kale in hawsha la higsanayo oo la rabo in laga jiba keeno ay mira wanaagsan dhasho. Hoggaamiyaha hagaagsan waa inuu ku hubaysanyahay xeerarka hoggaan-wanaagga kana dharla’yahay xeererka hoggaan-xumida ama hoggaan-liidashada.

Dr. Cabduraxmaan Axmed Nuur “Sulub” Email: prof.sulub@gmail.com Horta Hoggaanimo waa maxay? Hoggaannimo waa saddex geesley: hoggaamiye, hoggaanraace, iyo hayaan. Si kale haddaan u qoro, waa qof dad meel ka kexeeya oo meel kale geeya iyagoo ay dadku rabaan in ay halkaas u guuraan oo ayan iskood u guureen haddi uusan hoggaamiyuhu kaxayn lahayn.Haddaba, qof-

8

Yagleelka Aayaha

Dhambaalkaan waxaan ku ifin doonna astaamaha, summadaha, iyo xeerarka lagu kala garto hoggaamiyaha hagaagsan iyo kan hallaysan. Lix astaamood oo waaweyn oo mid kasta ubucdeeda ay ku jiraan dhawr sifo ama dhawr xeer ayaan halkaan kusoo bandhigaynaa: 1. Koritaanka iyo dhimashada hoggaamiyaha.Waa inuu hoggaamiyuhu baaraa oo bartaa oo ku dhaqmaa waxyaabaha kor u qaada hoggaan wanaagga oo meel sare gaarsiiya maamulkiisa. Sidoo kale in uu u dawgalo waxyaabaha hoos u dhiga oo rida, waxyaabaha dhisa iyo kuwa dumiya, waxyaabaha guusha u keena iyo kuwa guuldarrada kurida.


Arimaha Bulshada

2. Dhabta iyo dhalanteedka kala sooca. Waa inuu hoggaamiyuhu garan karaa wuxuu yahay iyo wuxuu san ahayn, wuxuu ku fiicanyahay iyo waxa uu ku liito, awoodda uu leeyahay iyo meesha uu san dhaafi karin, uu garanayaa wuxuu galo iyo wuxuu gudo. waa in uu kala garan karo waxa isaga iyo ummadduba diyaarka u yihiin ama diyaarin kara iyo waxaayan diyaarka u ahayn, in uu leeyahay isaga iyo dawladdiisa iyo dadkiisuba aqoontii lagu gaari lahaa meesha loo hayaamayo.Sidoo kale in uu ku baraarugsanyahay sida dadkiisu yihiin iyo sida ayan ahayn iyo weliba sida loo maarayn karo danahooda. 3. Xeerarka dadka u soo duma ama kadidiya sida daacadnimada iyo daacad-darrida, dabacsanaanta iyo qalafsanaanta, kalsoonida dadku ku qabaan iyo kalsooni darrada, bannaan soo dhigidda sax iyo khalad wuxuu sameeyey oo ay ka soo horjeeddo qarin iyo been sheegid iyo ammaan been ah. Sidoo kale in meesha ummadda uu hoggaan u yahay u rarayo ay u qeexantahay oo u caddahay isaga iyo dadkaba. 4. Hagaajinta xiriirka uu dadka la leeyahay iyo xiriirka dadka ka dhexeeya. Xiriirka hoggaamiyaha iyo dad kadhexeeya iyo kan dad kadhexyaalla labaduba waa inay ku dhisan yihiin isfaham sare, wada-shaqayn wacan iyo khilaaf la’aan, midaysnaan iyo kalategid la’aan, nabad dhextaal iyo nacayb iyo colaad la’aan, iyo caddaalad iyo dulmi la’aan wada gaarta uumiyaha oo dhan. 5. Go’aan qaadasha wanaagga. Go’aan wanaagga hoggaamiyaha waxaa ka mid ah isu dheellitiridda go’aamada adag iyo kuwa jilicsan, kuwa caqliga ku dhisan iyo kuwa caadifada ku salaysan, kuwa gaar ah iyo kuwa guud, kuwa yar yar iyo kuwa waa weeyn, iyo kuwa abaal-marinta iyo ciqaabka. 6. Aragti-dheerid iyo hawl-fulin. Hoggaamiyuhu waa inuu aragti-dheer leeyahay oo uu is

hordhigi karaa mustaqbalka uu rabo in uu xaqiijiyo siduu u ekaan karo iyo sida lagu gaari karo, waa inuu isbeddel xalaal ah keeni karaa, waa inuu hawsha sugaysa iyo waqtiga isku jaangooyn karaa, waa inuu xasiloonida iyo khatar-u-bareeridiisa dheellitiri karaa. Ogaansha la ogaado sifooyinka, astaamaha, iyo xeerarka hoggaan-wanaag iyo hoggaan-liidashada iyo sidii loo maarayn lahaa waa saddex wejiley: sifooyin loo baahanyahay in hoggaamiyuhu abuuro oo dhiso oo koriyo oo kobciyo sida horumarinta iyo guul-gaaridda; sifooyin la rabo in uu rujiyo, oo dabargooyo, ama yareeyo, sida daacad-darrada, khayaamada, kibirka iyo qooqa iyo xoolo iyo awood sixun-u-adeegsiga; iyo kuwo loo baahanyahay in la isu dheellitiro,sida go’aanka adag iyo kan jilicsan, arrimha gaarka ah iyo kuwa guud, kuwa yar yar iyo kuwa waaweeyn, iyo kuwa ah sida xubnaha jirka iyo jirk oo dhan ah. Waxaan ku leeyahay qof kasta oo hoggaamiya u ah koox, sharikad, urur, wasaarad, magaalo, gobol, dawlad, ummad, ama caalamka “Car iyo Wir iskeen!” hoggaan wanaagga baro oo ku dhaqan, oo hoggan xumida baro oo diid. “Car iyo Wir!” geesinimo la imaw oo hoggaan wanagga fuli oo hoggaan-xumida diid. “Car iyo Wir!” mucaarad hoggaan wacan dooro oo xabiib hoggaan xun ka tag. “Car iyo Wir!” diin, dad, iyo dal u adeeg adoon doollar xaaraan ah daar ku dhisan ama daabbad ku gadan, ama durriyad ku masruufin. “Car iyo Wir!” beel jeclaysi iyo beel nebcaysi qalbigaagu kabiskoodo adoon eegayn yaa gar leh, yaa gardaran. “Car iyo Wir iskeen!” hoggaamiyaha hoggaamiyayaasha ugu sarreeya noqo, oo hoggaamiyayaasha ugu sarreeya dhisa, oo hoggaamiyayaasha ugu sarreeya doorta, oo maamullada ugu sarreeya dhisa, oo guulaha ugu sarreeya soo hooya.Ogoowe, “Car!” waa inoo wada iriye. Hoggaan-wanaagga dhegeeyso, akhri, ku fakar, ka hadal, oo wax ka qor—wardi maalmeed ka dhigo.

Yagleelka Aayaha

9


Arimaha Bulshada

DHACDOOYINKA BULSHADA

Iyadoo maahsan ayay aqalka gudihiisa isha la raacday, waxay indheheedu qabteen noocyada wicida kala duwan, sariirta giigsan iyo ubax-yada ku gadaaman, armaajada yaabka leh iyo daahyada sudhan ee aanay ishuba ka libiqsan karin, Allaylehe nooc kasti waa yaal waa guri nin maal qabeen ahi ku fara yaraystay, wax kastoo dhexyaallaa waxa uu caddayn u yahay deeqsinimada halyeyga meesha cammirtay, hase ahaatee aad ayay u moral jabantahay, waxay hubtaa inay god madaw dalam tidhi, oo tolow waxan oo alaab, dahab, iyo duunyo is barkani mindhaa uma muuqdaan?!

Qore: Faarax Biniin Boos E-mail: fbinin@gmail.com

waxbaa maankeeda ka guuxaya oo marba hir horle ayaa jiidhaya markaasay sidii xaashidii dul heehaabaysaa oo haddana meeshii ku soo laabanaysaa si ay hir horle u fuusho, hal mar ayay sida ilma yar afka furatay oo oohin ka wareegtey, dabadeedna barkimo baal gorayo lagu cufay oo jilicsan madaxa ku aastay, way isla hadashay oo tidhi: Alla tolow ma riyaan ku jiraa mise waa dhab sheekadu?! haddana inta ay is qabatay ayay muran iyada iyo nafteedi dood isugu dhaqa-

10 Yagleelka Aayaha


Arimaha Bulshada

haddana inta ay is qabatay ayay muran iyada iyo nafteedi dood isugu dhaqaaqeen: oo kaalay horta, maxa ku haya ood la murugoonaysaa waxan oo alaab iyo aqal gaashaaman sow laguuma goglin? sow meeshaad rabtid iyo waxad rabtid-ba markaba heli maysid? … haa waa helayaa oo taasi shaki malahan, haddaa maxaa ku haya? maaqaani..! su’aalahaasi qancin waaye, haddana iyadii baa isla faqday oo tidhi:

Kaalay horta Aabbahaa ma amxaar xaasida baa? istaaqfurallah... haddaa ma jaahil dhega xidhan baa? subxaanallaah .. waayehee muxu ka wadey inuu god igu tuuro oo dhawr qaalmood igu illoobo? maaqaani..! inkastoo aanay afka ka odhan waxa hubaal ah inay uurka ka habaartay, waxay xusuusatay sida uu isu bihin bihinayay marka uu odayga 80ka baarka gooyey ee uu dhawrka tuldood iyo xoogaaga shilimaadka ah ka qaatay ka dhaadhicinayey, weliba waxay la urugoonaysaa odayaashii saaxiibadiis ahaa ee uu soo kaxaystay ee iyaguna lahaa: maandheey odayga maqal oo ducada qaado, waxay hoosta ka lahayd: Aabow shabbad yar baan ahaye hay hodin oo hog dheer haygu ridin..!! waxay odhan lahayd ba odayaashan manaxayaasha ah ee indhaha ku gubaya ayay ka baqatay, sidaana hoos urugo ugula jeesatay. Dabadeedna isla galabtiiba inta durbaan baas loo tumay ayaa aqal kan lagu soo shu-

bay, xitaa Xaajiga arooska ah lama sii barine waxa loo sheegay habeenka aqal galka uun inay arkayso, sidaasay hadda meesha u fadhidaa oo aqalkeeda u daawanaysaa. Hal mar ayay maqashay jabaq iyo cif iyo hiinraag soo dhowaanaysa, way milicsatay, mise waa 80 jirkii oo soo hadaafaya, taaha iyo ( ah ) da ka baxaysaa ayaaba sii diley, intuu kadinka soo dhaafayay malaha ilaa saddex mar ayuu dhuusay, hore wax uma arkayne cabbaar ayuu inta gidaarka miciinsaday wax hoomaayey, Allaylehe caawaa gurigay ba’ay ayay hoosta ka tidhi, dabadeedna jidhkeedii gigsanaa ayay sal iyo baar isha la raacday, waxay xaqiiqsatay kani cam-camo maahee inaanu cibaara kale soo wadin, sidaa darteed inta adduun ka quusatay aakhirana niyaysatay ayay is dhiibtey, dabadeedna odaygii oo aan weli wax arkayn ayay la hadashay: Awoowe, istaaqfurallah Xabiibi soo soco...!! xaajigiina qosol markii danbe qufac isu bedeley ayuu ka wagac siiyey.

Yagleelka Aayaha 11


afaraad (Fourth Theory) Waxaa jira aragti lagu magacaabo aragtida afaraad dhex-galay. Waxaa la fahmey in ay jiraan arimo ayan (Fourth Theory) oo aadamigu uu ku baraarugey goortii bulshooyinku ka tanaasuli karin oo ay kamid tahay dhay il-baxnimadu fahamsiisey xeerarka nolosha iyo wax aqanka iyo caqiidada. Markaas ayaa halkaas waxaa ka badan oo danihiisa ah. Aragtida afaraad waxay da- dhashay fahamka ah aragtida afaraad (Fourth Theory) ba-socotaa aragtiyaal saddex ah oo fahamkoodu ay ka oo macnaheedu tahay, wixii aad qabto heyso 100 %, horeeyeen middan afaraad. Aragtida koowaad (First aniguna waxaan qabo waan heysanayaa 100 %. Laakiin Theory) waxay tahay fikrad-kasta oo qofka ku dhalatey, aanu aadaminimo ku wada noolaanno iyadoo midkaaytaas oo uu ku saleynayo xuquuqda madax-bannaanida agana uusan u tanaasulin midka kale. Bal xushmad iyo ah ee uu ku heley aadaminimada. Laakiin waxaa jirta is xaq-dhowr ay naga dhexeyso. xuquuq walba oo qof leeyahay maahan mid furan oo waxay leedahay xuduud ay ku joogsato. Qofka aanan garaneyn in xuduudda xuquuqdiisa ay ku eg-tahay Qore: Dr. Saadiq Enow xuduudda xuquuqda uu qofka kale leeyahay, wuxuu sababayaa xad-gudub badan. Waxaa halkaas ka dhalanaya in ay abuuranto aragti lagu magacaabo aragtida labaad (Second Theory). Taasi waxay ka-soo hor-jeeddaa aragtidii koowaad. Taariikh dheer ayuu aadamigu la-soo maray laba aragti oo la-kala qabo. Alwadka iyo kulka ka dhasha khilaafka labada aragti ee lakala qaato, waxaa cashar qiimi badan u ah colaaddii dhex-martey ilma Aadan (Haabiil iyo Qaabiil). Iyaga oo ahaa qoys keliya ee dunida ku nool ayuu dhulku qaadi-waayey. Markaas ayay is dileen. Colaaddii labada aragti ee sababtey dagaal-weynihii II-aad ee dunida, ayaa waxaa ku dhintey dad lagu qiyaasey 100 melyan oo qof. Casharkii axaa jira aragti lagu magacaabo laga dhaxley ayaa aadamigu wuxuu ku fahmey aragtida saddexaad (Third Theory). Taas oo ah in labada aragaragtida afaraad (Fourth Theory) ti midba qofkeeda uu ka tanaasulo qeyb. Dabadeed meel dhexe leysugu yimaado. Goortiise teknolojiyada oo aadamigu uu ku baraarugey iyo cari-edegeynta (Globalization) ay dinidii ka yeeshey ay il-baxnimadu fahamsiisey xeeraraqal qura, waxaa dhacdey in aadamigii si xooggan goortii isu

ARAGTIDA AFARAAD (FOURTH THEORY) Qore: Dr. Saadiq Enow

W

ka nolosha iyo wax badan oo danihiisa ah. Aragtida afaraad waxay daba-socotaa aragtiyaal saddex ah oo fahamkoodu ay ka horeey-

12 Yagleelka Aayaha


een middan afaraad. Aragtida koowaad ayaa waxaa ku dhintey dad lagu qiyaasey (First Theory) waxay tahay fikrad-kasta 100 melyan oo qof. Casharkii laga dhaxoo qofka ku dhalatey, taas oo uu ku sa- ley ayaa aadamigu wuxuu ku fahmey leynayo xuquuqda madax-bannaanida aragtida saddexaad (Third Theory). Taas ah ee uu ku heley aadaminimada. Laakiin oo ah in labada aragti midba qofkeeda waxaa jirta xuquuq walba oo qof leeya- uu ka tanaasulo qeyb. Dabadeed meel hay maahan mid furan oo waxay leeda- dhexe leysugu yimaado. Goortiise tehay xuduud ay ku joogsato. Qofka aanan knolojiyada iyo cari-edegeynta (Globalgaraneyn in xuduudda xuquuqdiisa ay ku ization) ay dunidii ka yeeshey aqal qura, eg-tahay xuduudda xuquuqda uu qofka waxaa dhacdey in aadamigii si xooggan kale leeyahay, wuxuu sababayaa xad- isu dhex-galay. Waxaa la fahmey in ay gudub badan. Waxaa halkaas ka dhala- jiraan arimo ayan bulshoo yinku ka tanaya in ay abuuranto aragti lagu maga- naasuli karin oo ay kamid tahay dhaqancaabo aragtida labaad (Second Theory). ka iyo caqiidada. Markaas ayaa halkaas Taasi waxay ka-soo hor-jeeddaa aragtidii waxaa ka dhashay fahamka ah aragtida koowaad. Taariikh dheer ayuu aadamigu afaraad (Fourth Theory) oo macnaheedu la-soo maray laba aragti oo la-kala qabo. tahay, wixii aad qabto heyso 100 %, aniAlwadka iyo kulka ka dhasha khilaafka la- guna waxaan qabo waan heysanayaa 100 bada aragti ee lakala qaato, waxaa cashar %. Laakiin aanu aadaminimo ku wada qiimi badan u ah colaaddii dhex-martey noolaanno iyadoo midkaayagana uusan ilma Aadan (Haabiil iyo Qaabiil). Iyaga oo u tanaasulin midka kale. Bal xushmad iyo ahaa qoys keliya ee dunida ku nool ayuu is xaq-dhowr ay naga dhexeyso. dhulku qaadi-waayey. Markaas ayay is dileen. Colaaddii labada aragti ee sababtey dagaal-weynihii II-aad ee dunida,

Yagleelka Aayaha 13


Samafalka

14 Yagleelka Aayaha


Samafalka

KAALINTA SAMA FALKU

UU KU LEEYAH AY HORUMARINTA BUSLHADA

S C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan Email: bincawf12@gmail.com

ama-falku waa howl qiimo badan taasoo ah wax quurid iyo wax bixin, waana dhaqan ilbaxnimo kasoo jeeda oo bulshooyinka horumaray ay kaalinta hore kaga jiraan kuwaasoo leh dhaqan iyo garasho masuuliyadi ku dheehantahay, maxaa yeelay sama falku wuxuu ka qaybqaataa horumarka bulshada iyadoo ururada iskaa wax-uqabso fursad u siiyaan dadka jecel inay ka qaybqaataan dhismaha dhaqan iyo dhaqaale ee bulsho ay leedahay, waxayna sidoo kale Iskaa wax-u-qabso (voluntary) ku beertaa dadka u istaagaya howshaas masuuliyad iyo caadifad naxariis huwan iyo waayo aragnimo ay ka dhexlaan dadka kale ee ay la shaqaynayaan. Adeegyada sama-falku wuxuu ka qaybqaatay horumarka ilbaxnimo ee bulshooyin badan iyadoo dhaqamada iyo diimaha umadahaasi ay lahaayeen ku feeraarsaday qaarado iyo umado kale maxaa yeelay howlaha sama-falka ahi waxaa ka baraxtiran faa’iido doon mana ahan xirfad dad gaar ah ay leeyihiin oo waa fal noocyo badan yeesha haba noqoto qofka naftiisa inuu si hufan wax u taro ama waxtar ka dadka dhibaataysan ee taakulada u baahan gaar ahaan xilliyada colaadaha, abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ahi dhacaan. Diinta islaamka ayaa caqiido iyo waajib ka dhigtay sama-falka, wax-

aana Aayado iyo Axaadiis badani kusoo arooreen farista arinkaas: ( Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan Qorax kasoo bax iyo Qorax u dhac laakiin Sama fale waa ruuxii rumeeya Eebe, Qiyaame Malaa’igta, kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya Xoolaha isagoo jecel Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Masaafirka, kuwa baryootama, Fakin qoor, oogana Salaadda, bixiyana Zakada, oofiyana ballankooda, markay ballamaan, Samra (adkaystana) Waqtiga saboolnimada, Jirrada iyo Dagaalka, kuwaasina waa kuwa ku runsheegay Iimankooda waana kuwa dhawrsada). Albaqara:177 Aayadaasna waxay sugaysaa xiriirka ka dhaxeeya sama-falka iyo cibaadada iyo raaligelinta Eebe weyne SW. sidoo kale axaadiis soo aroortay ayaa adkaynaysa fadliga uu leeyahay camalka khayriga ah wayna badantahay, lakin xadiiskan ayuu rasuulka SCW ku leeyahay (Eebe wuxuu leeyahay adoomo uu u gaaryeeshay u adeegista dadka wuxuu jeclaysiiyey khayrka, khayrkuna wuu jecelyahay kuwaasuna waa kuwa ka badbaadaya cadaabta maalinta qiyaamaha) Siirada Nabiga, Asxaabtiisa iyo taabiciinta waxaad ka dheehan kartaa sida ay Aayadahaas udhaqangeliyeen oo taariikhda Islaamka waxaa camiray kaalimahaas qiimaha badnaa ee loogu gurman jiray dadka saYagleelka Aayaha 15


Samafalka boolka ah, Agoonta, Ardayda, guur doonka, dadka qaamaysan, falista iyo bixinta wadooyinka iyo xitaa xanaanaynta xoolaha.

Muxuu yahay Sama-fal? Sidaan horayba ugu soo tilmaamnay hordhaca, Sama-fal waa howl ama fal aan laga sugeynin inay kasoo noqoto faa’iido aduunyo ama dhaqaale, sidoo kale waa hurid iyo sifo aan huwanayn naf lajeclaysi, waa wax bixin si loo xalliyo mushkilad nololeed oo haysata qof ama bulsho.

Hiigsiga Horumarka Guud Waxaa isku lamaan sama-falka iyo horumarka Dalkeena, wuxuuna ka bilaabanayaa beegsiga qofka, qoyska ilaa aynu ka gaarno bulsho ka horumarsan dhan walba. Ururada sama-falka waa inay qorsheeyaan saamayn ay ku yeelan karaan hab dhaqanka qofka iyo badalista dhaqamada dib-udhaca ah ee in badan sifo u noqota bulshooyinka reer guuraaga ah gaar ahaan Soomaalida oo tusaale ahaan ku ibtilaysan Qabyaaladda iyo danaysiga gaarka ah, waana in sama-falayaashu ay ladagaalamaan dhaqamadaas xunxun iyo waxa la midka ah. oo sama falku ma ahan kaliya qof in la daaweeyo ama la baahi tiro.

shay ee maanta 24 jirka ah wali inuu sabool yahay oo uu cid kale ku tiirsan yahay. Horumarinta Haweenka ayaa muhiim ah inay dhaafsiisantahay halku dhigyada ah dumarka xuquuq ayaa ka maqan ama qabashada shirar wacyigelin ee waa in loo abuuraa mashaariic wax kabadalaysa sababta keenaysa dib dhacooda iyadoo Islaamku uu dhamaystiray xaqeeda, hadana waa in lagu tababaraa xirfado iyo aqoon wax kabadalaysa nolosheeda oo saamayn ku yeelan karta dhanka wanaagsan ee horu-

Marka qof wanaagsan la helo ayaa waxa abuurmaya qoys fiican ka dibna waxaynu helaynaa bulsho taabigelin karta qorshaha horumarineed ee uu urur rabo ama dal.

Sama-falka iyo Iskaa wax u qabso (voluntary) Dad isxilqaamay oo u istaagay horumarinta bulshadooda ayaa sabab u ahaa koboca dowladaha horumaray ee wax soosaar ka iyo warshadaha leh iyo dalalka sookorayaba qaar ka mid ah, oo waxay sameeyeen ururo iyo hay’ado sama-fal ah kuwaasoo buuxiyey baahiyo banaanaa oo dowladaha dalalkaas aysan dhamaystiri karin sida: quudinta dadka baahan, ilaalinta deegaanka, la dagaalanka Jahliga (akhris iyo qoris la’aanta) waxaana tusaale usoo qaadan karnaa ololihii dowladii Kacaanka ee ardayda iyo dadka iskaa wax u qabso ahaa ay miyi iyo magaalaba ugu dirtay si dadka ay farta Soomaaliga u baraan iyo sidoo kaleba dugsiyadii iyo wadooyinkii lagu dhisay iskaa wax u qabso ee xilligaas iyo kuwa kaloo badan.

16 Yagleelka Aayaha

Kobcinta Qofka sida ay ururada Sama-falka u badanyihiin marka ay fulinayaan mashruuc daryeel caruur, haween, ama ragba waxay siiyaan deeqo kabaya baahida markaas taagan kaliya, waxayna ilduufaan kobcinta qofka baahan iyo hormarkiisa ee isku filnaansha ah ama hadii si kalaba aynu u dhigno in qofka lacaawinayo uu ka baxo xaalada ku tiirsanaanshaha ururkaas. Tusaale ahaan marka la caawinayo Ilmo agoon ah waa inaysan ku koobnaan kaliya lacag yar oo lasiiyo ama dhar loo iibiyo ee waa in la qorsheeyaa daryeelis dhamaystiran oo leh waxbaristiisa, edbintiisa, nafaqayntiisa iyo kobcinta garaadkiisa si bari kamaalin uu u noqdo qof isku filan dalkiisa iyo dadkiisana wax tara. oo waxaa foolxun ilmihii burburka dha-

marinta bulshada. Kobcinta Qoysaka Qoyska waa lafdhabarka bulshada, daryeelka qoyska wuxuu asaas u yahay howl kasta oo sama-fal ah. caawinta qoys sabool ahina waa


Samafalka inuu barbar socdo kobcinta dhaqaalihiisa taasoo fursad u siinaysa in qoyska uu noqdo mid wax soo saar leh oo lagu tababaro inuu ku shaqayn karo fursadaha deegaankiisa ka jira (Kaluumaysi, Beer, Farsamo gacmeed, IWM) taasoo marka dambe qoyska uu ka mid noqdo tiirarka wax soosaar ee bulshadu leedahay. waxaa xusid mudan in kobcinta qoyska ay ka horayso hanuunintiisa iyo ilaalinta ishaysa-shadiisa oo waxaa laga maarmaan ah in la baro hab maamulka wanaagsan ee qoyska, barbaarinta wiilasha iyo gabdha-

eeya horumarinta bulshada iyo howlaha sama-falka ah, oo su’aasha ugu badan ayaa ah Urur ma horumarin karaa bulsho, ama NGO sida loo yaqaan ma u aragtaa bulsho inuu qayb ka yahay horumarkeeda. waxay tilmaamaan dhacdooyinka casriga iyo taariikhduba in horumarku kasoo bilowdo qofka, iyadoo qofku kor uqaadi karo horumarka dhanka dhaqaale, bulsho iyo caafimaad hadii dadaal lagu bixiyo horumarka qofka inta aan bulshada loo gudbin. waxaa muhiim ah in Sama-falka uu u horseedo bulshada inay ka faa’iidaysato hantideeda hodanka ay ku tahay si loo kobciyo dhaqaalaha. si aan u weelayno xiriirka labadaas ka dhaxeeyana waxaan tilmaamaynaa aragtiyada casriga ah ee dhaqaalaha ka hadlaysa waxay oranaysaa “ yoolka waa inuu noqdaa kobcinta wax soosaar loona maraa howlgelinta hantida (resource) bulshadu ay leedahay taasoo isugu jirta mid dhuleed, dad, dhaqaale, iyo maamul”. wax soosaar kastana wuxuu u baahanyahay qarash iyo dhaqaale fara badan, waxaana lagu dhimi karaa in dadka lagu dhiiri geliyo sama-falka ama iskaa wax u qabso si koboca dhaqaale loo gaaro. waxaa laga faa’iidaysanayaa dadka khibrada leh ee iska fadhiya oo aqoontooda meel la yuurura waxaa laysugu gaynayaa ururo iyo Ha’ayado si loogu dhaqaajiyo horumarinta bulshada.

ha si loo dhiso dhaqankooda, waxbarashadooda iyo caafimaadkooda oo ay uga qaybqaataan wax soo saarka qoyska. Kobcinta Bulshada muran soo jireen ah ayaa ka dhex-

si aysana dadkaas u daalin ama uga caajisin howshaas qiimaha badana waa in ladhiirigeliyaa oo hal abuurkooda lala falgalaa. Faa’iidooyinka ka dhalan kara ka qaybqaadashada sama-falka

2.Helista bulsho horumarsan oo isku duuban. 3.Buuxinta arimaha/kaalimaha dowladu ay ka gaabiso. 4.Dhimista qarashka wax soosaar iyo qarashaadka ku bixi lahaa shaqaale dowladeed. 5.Waxtarka qaybaha nugul ee bulshada sida Barakacayaasha, agoonta, Fuqarada IWM. 6.Kasoo kabashada musiibooyinka dhaca sida dagaalada, Abaaraha iyo Macaluusha. Maxaa sama-fal noqon kara?! :1.Dhismaha Masaajidda, Dugsiyada waxbrashada iyo Jeelasha. 2.Dhismaha Isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka. 3.Waxtarka iyo dhaqaalaynta Agoonta iyo masaakiinta. 4.Wacyigelinta iyo ka qaybqaadashada xalinta khilaafaadka. 5.Soojeedinta Muxaadaaraad wacdi ah iyo farista wanaaga iyo reebista xumaanta. 6.Ilaalinta deegaanka iyo dhowrista fayadhowrka. 7.Asaasida Maktabado wax lagu akhristo. 8.curinta kutub wax tar u leh bulshada. 9.aasaasida hay’ado sama fal ah oo bulshada waxtar u leh. 10.Gudbinta talooyinka waxtaraya bulshada. Akhriste waxaan qaybta 2aad ku eegi doonaa, maxay Ururada Sama-falka Soomaaliyeed u qabteen dalkooda intii burburka lasoo ahaa ....losoco

1.Raalinta gelinta Eebe SW iyo abaal gud aduun iyo aakhiroba.

Yagleelka Aayaha 17


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.